-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan 230 qof ayaa ku dhintay, halka 900 oo kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen dalka India. Shilkan oo ah kii ugu dhimashada badnaa muddo toban sano ka badan, ayaa shalay oo jimco aheyd ka dhacay gobolka Odisha ee dalka Hindiya Tirada dadka ku dhintay shilka ayaa la filayaa inay sii korodho, sida uu Twitterka ku sheegay xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in goobta shilku ka dhacay la soo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha, iyadoona la diyaariyey 100 kale oo dhakhaatiir ah. Muuqaal fiidiyow ah ayaa muujinaya samatabbixiyeyaal kor u fuulaya mid ka mid ah tareenada isku dhacay si ay u sameyaan badbaado, halka rakaabku ay dalbadeen gargaar iyagoo ku ag ooyeen burburka. Shilku waxa uu dhacay abbaaraha 7pm wakhtiga maxaliga ah (13:30 GMT) jimcihii. Hawlgal ballaaran oo baadigoob iyo samatabbixin ah ayaa socda. Waxaana howgalladaasi ka qayb qaadanaya boqolaal ka tirsan shaqaallaha waaxda dab-damiska, saraakiil booliis iyo eeyaha wax uriya. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa kooxaha ka hortaga masiibooyinka qaranka. Mid ka mid ah dadkii badbaaday ayaa ka sheekeeyay riyooyinkiisii isagoo soo jeeda markii gaadhigii uu ku hurday uu qalibmay. “Hurdadayda ayaan ka booday, 10-15 qofna way igu kor dhaceen,” ayuu u sheegay suxufiyiinta, isagoo fadhiya dhulka mugdiga ah, oo tallaabo u jirta goobta shilku ka dhacay.” Jimcihii, boqollaal dhallinyaro ah ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha’s Soro si ay ugu deeqaan dhiig. Sababta shilkan ayaa la baarayaa, ayuu yiri Amitabh Sharma, oo ah afhayeen u hadlay Tareennada Hindiya. Faahfaahinta shilkan ayaan si rasmi ah loo ogeyn, sidoo kale ma cadda sida uu u dhacday shilka. Madaxa Odisha Naveen Patnaik, oo la filayo inuu booqdo aagga maanta, ayaa sheegay in mudnaanta ay tahay “in dadka nool la geeyo isbitaallada. Taasi waa walaacayada ugu horreeya – inaan ilaalino kuwa nool. “ Sudhanshu Mani, oo hore u ahaa maareeyaha guud ee tareenada Hindiya, ayaa u sheegay Al Jazeera in maalgashigu ay galeen dayactirka wadada iyo tallaabooyinka kale ee badbaadada sannadihii la soo dhaafay. “Shilka maanta waa mid aad looga xumaado,” ayuu yiri Mani, isagoo intaa ku daray in tirada dhaawacyadu ay aad u badnaan doonto sababtoo ah tirada dadka saaran tareenada ayaa badnaa.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta guda galay dooda ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ah, gaar ahaan muddo xileedka madaxweynaha iyo labada Aqal oo haatan la gaarsiinayo illaa 5 sanno. Xildhibaanada ayaa si weyn uga hadlay mooshinkan oo soo billowday bishii Febraayo sanadkan, kaas oo loo xil-saaray guddi uu horkacayo xildhibaan Mahadi Guuleed. Ugu horreyn guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdulaahi Cumar Abshirow oo kulanka ka hadlay ayaa meesha ka saaray in ka doodista mooshinkan uu waqtiga ka dhacay, waxaana uu tilmaamay in doodiisa lasii wadayo laga inta go’aaminayo. “Mooshinkan waqtigiisu ma dhicin, kalfadhigii hore ayay ahayd in la keeno laakiin waxaa ka xirmay kalfadhiga sidaas darteeda waxaan rajeynayaa in Xildhibaanada ay ku qancaan. Mooshinka maanta go’aan lagama gaarayo balse waxaa laga dood” ayaa ka yiri Abshirow. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha ee arrimaha bani’aadanimada ayaa ka horyimid mooshinkan wax looga beddalayo dastuurka, wuxuuna tilmaamay inuu wiiqayo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. “Mooshinkan waxaa ku jira ajandayaal lagu wiiqayo dib u xorreynta dalka, isaga dhan hala laalo, sababtoo ah muddo koroorsi nafteenaa halis u gashay, suuragalna maaha in maanta shaqo laga billaabo” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa sharci darro ku tilmaamay wax ka beddalka dastuurka, waxaana uu tilmaamay inuu billow u yahay muddo kororsi horleh. “Mooshinkan wax ka badalka dastuurka sharci ma ahan, waa xaaraan mana waafaqsan dastuurka, waxaana muuqata in uu horgal u yahay [muddo kororsi] sharci darro ah. Hal sano ayaan banaanka joogay aniga oo muddo kororsi diidayo. Haddii ay daruur keeneyso waa in loo maraa habraaca saxda ah” ayuu isna yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil. Dhankeeda Khadiijo Maxamed Diiriye oo xildhibaan iyo wasiir isku ah ayaa soo jeedisay in la taageero mooshinka, kadibna loo codeeyo. “Maanta mar haddii aad soo bandhigteen mudane guddoomiye waa sidii la rabay waxayna ila tahay inaan sida uu yahay aan ugu codeyno” ayuu tiri Khadiijo Diiriye. Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa isuguna sheegay in la damacsan yahay in mooshikan lagu ijaafeeyo xildhibaanada Soomaaliyeed, laguna rabo mooshin boor isku qaris ah. Mooshinkan waxa uu horudhac u yahay waxyaabo la rabo in lagu ijaafeeyo Xildhibaanada oo laga dhigo in ay muddo kororsi raadinayaan” ayuu yiri xildhibaan Cosoble. Dooda xildhibaanada ayaa weli socota, waxaana kulankan uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo heshiis siyaasadeed ay doorashooyinka ka gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran. The post Wararkii ugu dambeeyay doodda golaha shacabka ee mooshinka muddo kordhinta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, kaas oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo ku qarxay agagaarka saldhigga Waabari. Qaraxa oo ahaa miino, nooca baabuurta lagu dhajiyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmaad Garaar, kaas sidoo kale oo ah xogheynta gaarka ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wararka ayaa sheegaya in mas’uulkan uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, isla-markaana loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray baabuurka oo uu qaraxu ku haleelay bartamaha waddamada Maka Al-Mukarrama oo kamid ah meelaha mashquulka badan ee caasimada. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay meesha uu qaraxu ka dhacay. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo sidoo kale cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa lala eegtay Axmed Garaar. Weerarkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay daganeyd xaaladda magaalada Muqdisho marka loo eego xilliyadii hore oo ay ka dhici jireen weeraro joogta ah. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii ay jab xoogan kala kulantay dagaallada culus ee kacda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The leaders of the East African Community (EAC) member states have formally embraced the report of the Special Committee on the verification of Somalia's application to join the regional bloc during the 21st Extra-Ordinary Summit of the Heads of State held in Bujumbura, Burundi on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanaadka Dugsiyada dhaxe ee gobolka Banaadir oo ay maanta u fariisteen 31,688-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir. Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u xog wareestay qaar kamid ah ardayda maanta u fadhiistay qaadista imtixaanadka Dugsiyada Dhaxe isaga oo u rajeeyay in uu Alla SWT u fududeeyo imtixaanka islamarkaana ay natiija wax ku’ool ah ka keenaan. Aggaasimaha guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir Dr Cabdifataax Barre ayaa faahfaahiyay howlaha la xariira qaadista Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in sanadkii 4aad uu gobolku qaadayo imtixaanka oo ay maanta u fadhiisteen 31,688-arday oo isugu jira 17,751-Lab iyo 13,937-Dheddig kuwaas oo ka kala socday 76 xarumood iyo 1,592 fasal kuwaas oo dhamaantood katirsan Degmooyinka Gobalka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝘆𝗲𝗲𝗱𝗵𝗮𝘆 Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda caafimaad re dalka, qodobkan ayaa ku jiray ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha. Mudanayaasha guurtida ayaa ka dayriyay xaaladda caafimaad ee dalka iyo adeeg la’aanta Cisbitaalada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, oo ay sheegeen in adeeg bixintooda caafimaad ay aad u liidato. Sidoo kale mudanayaasha ka qayb qaadanayay dooda ajandaha ayaa tilmaamay dhibaatooyinka caafimaad ee ay sababaan daawooyinka bilaa tayada ah ee ay iibiyaan Farmasiiyada iyo cisbitaalada dalku, oo ay ka warameen qaarkood in dawadii Hargeysa laga siiyay dib loogaga maydhay dalka Itoobiya, lana su’aalay meesha uu ka yimi in maxkamadi ka jirto iyo in kale si uu u dacweeyo. Ugu danbayn guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay in loo yeedho wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland si wax looga waydiiyo xaaladda caafimaad ee dalka iyo arrimaha ay xildhibaan ka warameen. Qaran News
-
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝘆𝗲𝗲𝗱𝗵𝗮𝘆 Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda caafimaad re dalka, qodobkan ayaa ku jiray ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha. Mudanayaasha guurtida ayaa ka dayriyay xaaladda caafimaad ee dalka iyo adeeg la’aanta Cisbitaalada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, oo ay sheegeen in adeeg bixintooda caafimaad ay aad u liidato. Sidoo kale mudanayaasha ka qayb qaadanayay dooda ajandaha ayaa tilmaamay dhibaatooyinka caafimaad ee ay sababaan daawooyinka bilaa tayada ah ee ay iibiyaan Farmasiiyada iyo cisbitaalada dalku, oo ay ka warameen qaarkood in dawadii Hargeysa laga siiyay dib loogaga maydhay dalka Itoobiya, lana su’aalay meesha uu ka yimi in maxkamadi ka jirto iyo in kale si uu u dacweeyo. Ugu danbayn guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay in loo yeedho wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland si wax looga waydiiyo xaaladda caafimaad ee dalka iyo arrimaha ay xildhibaan ka warameen. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta shirweyne muhiim ah ka daah-furay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan faafinta wararka been abuurka ah ee la xiriira kooxda Al-Shabaab. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in weerar qaldan ee la sheego ay la mid yihiin hub halis ah oo wax burburin kara, sida uu hadalka u dhigay. “Wararka qaldan ee been abuurka ah, gaar ahaan marka ay faafinayaan argagixisada Khawaarijta iyo kuwa la midka ah waxay noqon karaan hub qatar ah oo wax burburiya.” ayuu khudbaddiisa ku yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Marka la baahiyo warar ama muuqaalo been abuur ah bulshadeenana ay istcmaasho wararkaas aan la faaf reebin waxaan si aan ku talagal aheyn u noqoneynaa wakiilada raqiiska ah ee argagixisada oo rabta inay sumcad disho dalkeena”. Xamza ayaa ku taliyay in qof kasta looga baahan yahay inuu hubiyo xogta ama wararka inta uusan la wadaagin dadweynaha Soomaaliyeed. “Waxaa la yiraahdaa inta aad noqon laheyd ruuxa ugu horreeya ee been faafiya noqo ruuxa u dambeeya ee runta baahiya,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda Dan-Qarn ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortegayo wararka quseeya amniga guud ee qaranka. Farriintan kasoo baxday ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay dood ka dhalatay dagaalka Al-Shabaab oo u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo hadallo kul kulul isku marinaya qalabka waraabhinta. The post XAMZA oo soo saaray digniin culus oo ku socota dadka… appeared first on Caasimada Online.
-
Xogyaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Axmaad Garaar ayaa la sheegayaa in barqanimadii maanta Gaari uu lahaa qarax loogu xiray, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan. Axmed ayaa qaraxa waxaa kasoo gaaray dhaawac, iyadoo la geeyay mid kamid Isbitaallada magaalada Muqdisho, Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa saakay ka qeyb galay kulanka golaha shacabka. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe hoos u dhacay qaraxyada iyo dilalka, kadib markii caasimadda ay ka howlgaleen ciidan Police Militaire ee xasilinta Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarka. AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay xuddun u tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika, ayna ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka hadlay duqayn uu la beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Turkiga, halkaa uu kaga qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Reccep Tyyib Erdogan oo 28-kii bisha ku guuleystay doorashadii dhacday. Magaalada Ankara ee caasimadda dalkaasi ayaa waxaa kusii qulqulaya madax kale duwan oo ka qeyb gali doonta munaasabadda lagu caleemo saarayo Erdogan oo markii labaad oo xiriir ah ku guuleystay xilka madaxweynaha, isaga hore u soo noqday Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Turkiga. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeye xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaa Soomaaliya ka fuliyay mashaariic kale duwan oo lagu hormarinaayo dalka sida dhismaha Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde. Turkiga ayaa Sidoo kale Soomaaliya waxaa uu ku leeyahay saldhigga ciidan ee ugu weyn Qaaradda Afrika, kaas oo sanad waliba soo saara Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo Booliiska Gaarka ah, waxaana lagu xasuustaa safarkiisii Muqdisho sanadkii 2011, xilligaas ay jirtay Majaaco daran. Madaxweyne Turkiga Mudane Reccep Tyyib Erdogan ayaa doorashadii wareegga labaad ee dhacday 28-kii bisha ku guuleystay isaga oo ka adkaaday hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kemal Kılıçdaroğlu, kadib markii uu taageero ka helay xisbiga sedexaad ee National Movement Party. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shilkii ugu khasaaraha badnaa ee Train ayaa ka dhacay gudaha wadanka Hindiya, kadib markii uu rogmaday mid kamid ah kuwa dadweynaha, shilkaan ayaa ka dhacay bariga gobolka Odisha ee dalka Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen. Xoghayaha guud ee gobolka Odish Pradeep Jena ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in in ka badan 200 oo ambalaas loo wacay goobtii uu shilku ka dhacay Jimcihii ee degmada Balasore ee Odisha iyo 100 dhakhtar oo dheeraad ah oo 80 ka badan oo horeba halkaas u joogay, kuwaas oo la abaabulay. Shilkaan ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday in ka badan 280 ruux, halka ay jiraan dhaawacyo gaarayo ilaa 900 kale, Shilka Trainka ayaa waxaa loo aaneeyay kadib markii uu ka baxay wadada, isaga oo rogmaday inta badan qeybaha uu ka koobanaa, taas oo badisay khasaaraha baahsan ee soo gaaray dadweynahii rakaabka ahaa. “Waan seexday,” nin ka badbaaday oo aan la aqoonsan ayaa u sheegay wararka NDTV. “Waxaan kusoo toosay sawaxanka tareenku oo ka leexanaya khadka, si lama filaan ah, waxaan arkay 10-15 qof oo dhintay, waxaan u suurtagashay in aan ka soo baxo tababaraha, ka dibna waxaan arkay meydad badan oo go’ay.” ayuu yiri qofkaasi. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la helay meydadka 280 ruux, kuwaas oo jirkooda aad loo aqoonsaday, waxaana wali la baadi koobayay 20 ruux, waxaa jira dhaawacyo culus, kuwaas oo loo gudbiyay inta badan magalada caasimadda ah iyo magaalooyinka kale, iyadoo ku dhowaad 24 saac gurmadku uu soconayo wali. Shilkaan oo dhacay maalintii Jimcaha ayaa lagu tilmaamaa shilkii ugu dhimashada badnaa ee Train ee ka dhaca gudaha Hindiya, shilka ayaa yimid kadib markii laba Train oo wadada isaga horyimid mid kamid ah uu ka baxay wadada, waxaana ilaa iyo hadda geeriyooday ku dhowaad 300 ruux, halka 850 ka badan ay dhaawacmeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlaamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa kala ah : 1. Soo gudbinta iyo Aqrinta Mooshinka wax-ka- badalka iyo kaabista Dastuurka KMG 2. Qeybinta Hindise Sharciyeeydyada kala A) Hndise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo doonka B) Hindise Sharciyeedka Howgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka Dowladda C) Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Fedraalka Xildhibaannada ayaa dhowaan waxaa u furmay Kalfadhiga sedexaad, waxaana horyaalla sharciyo dhowr ah, kuwaas oo laga doonayo in ay meel mariyaan, Kalfadhigaan ayaa looga doodi doonaa wax ka bedelka Dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 233 qof ayaa ku dhintay 900 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen gobolka Odisha ee dalka Hindiya. Tirada dadka ku dhintay shilkii Jimcihii ayaa la filayaa inay sii korodho, sida uu Twitterka ku sheegay xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena. Wuxuu intaas ku daray in goobta shilku ka dhacay lasoo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha. Boqollaal dhallinyaro ah ayaa sidoo kale safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha Soro si ay ugu deeqaan dhiig. PUNTLAND POST The post In ka badan 230 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
