Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in gacanta lagu dhigay shan nin oo dhammaantood ku eedaysan gabood-fal lagu sameeyay qoys danyar ah. Qoraal kooban lagu daabacay bogga Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in eedaysanaha shanaad oo ugu danbeeyay laga qabtay degmada Waaciye oo ka tirsan Gobolka Karkaar. Kooxdan ayaa ku eedaysan in ay xalay gurigooda Boosaaso ugu dhaceen qoys danyar ah oo hurday islamarkaana ku sameeyeen tacaddi iyo handadaad ka baxsan banii’aadnimada. Dhacdadan ayaa abuurtay caro dadweyne iyo fal-celin xooggan kadib markii baraha bulshada laga arkay muuqaal ay qoyska danyarta ah ka duubeen kooxda tacaddiga ku sameeyay. PUNTLAND POST The post Shan eedaysane oo loo qabtay tacaddi lagu sameeyay qoys danyar ah oo ku nool Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Culumada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isugu timid shir ay ka soo saareen bayaan ay ku dalbadeen in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Culimada ka hadashay colaada Laascaanood waxaa ka mid ah, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Maxamuud Shibli, Sheekh Maxamed Sheekh Cusmaan, Sheekh Cismaan Calasow iyo Dr. Maxamuud Abuu Sheyba. Culimadaas oo mid mid ula hadashay warbaahinta ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood inay joojiyaan daadinta dhiigga dadka muslimiinta ah. Sheekh Maxamuud Shibli ayaa warbaahinta u akhriyey bayaanka ay culimada magaalada Nairobi ka soo saareen dagaalka ka socda Laascaanood iyo dhibaatooyinka ka dhashay. “Waxaa Laascaanood ka dhacday dhibaato aan la soo koobi karin, waxay culimadu si naxariis iyo islaanimo leh uga codsaneysaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb-qaataan gurmadka qoysaska ay saameysay colaada Laascaanood,” ayaa lagu yiri bayaanka culimada. Sidoo kale bayaankaan ayaa farriin loogu diray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, iyadoo laga codsaday inay kaalin ka qaataan gurmadka dadkaas iyo joojinta colaada ka taagan Laascaanood. Culimada ayaa guddi seddax Sheekh ka kooban u xil-saartay inay uruuriyaan taakulada loogu gurmanayo dadka ay saameysay colaadka magaalada Laascaanood. Dhowr bilood waxaa magaaladaas iyo hareereheeda ku dagaalamaya ciidamada Somaliland iyo kuwo is abaabulay oo loogu yeero SSC, waxaana culaadaas ku dhimatay tobanaan qof oo labada dhinac ah. Dadka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka soo hor jeestay inay maamusho Somaliland, waxaana go’aankii bulshada deegaanka ka dhashay dagaal weli socda oo Somaliland looga faro-maroojiyey maamulkii magaalada muhiimka ah ee Laascanood. Hoos ka daawo bayaanka culimada The post Daawo: Culimo qaaday tallaabo la xariirta dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya ,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska. Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. President Recep Tayyip Erdogan names powerful spy chief as the country's new foreign minister. Here's what to know about him: Source: Hiiraan Online
  5. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in laba sarkaal oo sare loo xiray weerarkii lagu laayey ciidamadiisa ee ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Museveni ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada Uganda aysan u howlgelin sidii la filayey intii uu weerarka socday ayna argagaxeen, taasi oo ka dhex dhalisay kala yaac, ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab. Waxa uu shaaciyey magacyada laba taliye oo kala ah; Maj Oluka iyo Maj Obbo, oo ku eedeeyey inay ku amreen askarta inay dib u gurtaan weerarkii 26-kii May ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga howlgalka ATMIS ee degaanka Buulo Mareer ee Shabeellaha Hoose. “Waa la soo qabtay, waxayna wajihi doonaan eedeymaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah, dib ayayna isu abaabuleen, taasoo keentay in dib loo qabsado saldhiga,” ayuu Mr Museveni ku yiri hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka. Muuqaalo ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo muujinaya askar naftooda la cararaya iyo kuwa nolosha lagu qabtay ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Uganda. Yoweri Museveni ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku sheegay illaa 54 askari. Tiradan ayaa aad uga yar middii horay u shaaciyeen Al-Shabaab oo sheegatay inay weerarkaas ku dishay ugu yaraan illaa 137 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan taliyaha ciidanka lugta ee Uganda Jeneral Kayanja Muhanga oo baaraya weerarkii lagu laayey ciidanka Uganda. The post Laba sarkaal oo loo xiray weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudugu mudane Cali Daahir Ciid la qaatay wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Caddaaladda. Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka wasiirka arrimaha gudaha Dowladda goboleedka Galmudug, wasiirka amniga, hay’adda, saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka iyo guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka Dowladda Galmudug. Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta wajiga labaad dagaalka ka dhanka argagaxisada, amniga iyo garsoorka, sidoo kale waxaa kulanka aad loogu lafaguray arrimaha doorashaooyinka ee kusoo fool leh deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Somalia's National Economic Council has endorsed a new national development blueprint. It seeks to usher in, what President Hassan Sheikh Mohamud's government, calls an era of stability and prosperity to ensure high living standards for the people of Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth. Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiru dowlaha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jarmalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya dowladda Jarmalka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan oo ay siiyaan Soomaaliya, sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska. wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loogu sameeyey Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso dowladda Soomaaliya, isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood. wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka ayaa balan qaaday in Jarmalku uu sii wadi doono tageerada ay gacanta uga geysanayaan dib u dhiska iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya. Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, markii laga soot ago deeqaha iyo kabka miisaaniyadda dowladda, Jarmalku wuxuu ka qeyb qaataa tababarrada la siiyo ciidamada booliska Soomaaliya. The post Sawirro: Wasiir ka socda Jarmalka oo balan-qaad cusub oo gaarsiiyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  9. Please help, today one person self dead by petrol because hopeless.” Sally Hayden received the text in October 2018. The Irish Times journalist was one of the few outsiders trusted by refugees locked up in Libya. The text was about Abdulaziz, who had been forced to flee his native Somalia to escape al-Shabaab, the al-Qaida-linked Islamist group waging terror in east Africa. Source: Hiiraan Online
  10. Waxaa magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyay Abaanduulihii 2aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, isagoo halkaasi kaga dhawaaqey in uu iska casilay xilkaasi. Wuxuu sheegay in uu dadkiisa la fikir noqday, isla markaana wixii talo ah uu iyaga ku biirin doonno. General Saleebaan Barre Geesood ayaa mar lagu sameeyay shaqo joojin intii uu socday dagaalka Laascaanood. Balse muu sheegin isagu sababta keentay shaqo joojintaasi. General Geesood ayaa xilkan uu iska casilay loo magacaabey sannadkii 2016kii, isagoo hayay muddo 7 sanno ah. Source
  11. -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed. Wadadaan oo isku xerta Laamiga weyn ee Gaadiidka iyo Laamiga Liido, ayaa waxa ay dhex marta Suuq-yaraha Degmada Cabdicasiis.iyadoona munaasabadda dhagax-dhiga ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax Roda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Gobolka Banaadir, Odayaasha deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan. Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo RodaCabdi Cali (Ubax Roda) ayaa sheegtay in dhismaha wadadaan ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama Degmada Cabdicasiis ay tahay Degmo dalxiis oo ay isugu yimaadaan dhamaan bulshada qeybahooda kala gedisan, waxa ayna wadadaan hal-bowlo u tahay isku socodka bulshadana iyo isku xerka Xeebta Liido iyo Magaalada inteeda kale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Bulshada iyo Maamulka Degmada Cabdicasiis sida ay isaga kaashanayaan dhismaha wadadaan, asigoona dhinaca kale ugu digay shirkada gacanta ku heysa dhismaha wadadaan in lagula xisaabtami doonno tayada wadadaan, si loo helo Laami tayadiisu ay sareyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya. Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari, kuwaas oo ka tirsan dowladda Uganda, madaxweyne Museveni ayaa arrintaan ku sheegay wareysi dheer uu bixiyay kadib weerarka. Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, isaga aad u canaantay taliyeyaashii watay ciidanka Uganda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo lama filaan ku noqday dad badan oo Soomaaliyeed. Laftagareen oo ka hadlayay doorashadii ugu dambeysay ee dalka ka dhacday sanadkii 2022-kii ayaa ka sheekeeyay arrimo cajiib ah oo isagu xilligaas uu sameeyay. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diiday in la aado doorasho qof iyo cod ah, balse uu doortay mid dadbadan, isaga oo uu tilmaamay inuu ka lahaa dan gaar ah. Sidoo kale waxa uu xusay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u noqday kaliya inuu soo saarto xildhibaano iyo kuwa kalena uu reebo, sida uu hadalka u dhigay. “Aniga waxaan u noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa ay ahayd in aan xildhibaano soo saaro qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaa leedahay intaas ayaan rabaa haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne kasoo doonay”” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen Waxaa kale oo uu ku sii daray “Ilaahey qadartiisa sida an sheegaayay ayay kusoo dhammaatay xildhibaanadii in la qoro ayay noqotay tii aan rabay oo aheyd adiga wax ma lihid adigane waxbaa leedahay waa la suubiyay, kii wax helay waa xanaaqsan yahay kii kale oo wax waayayna waa xanaaqsan yahay meel qabow iyo meel fiyow midna malaha”. Cabdicasiis Laftagareen ayaa haatan si weyn uga qoomameeyay falkaasi, isaga oo sheegay inuu ka dhexlay takano siyaasadeed, maadaama uu rag badan ka reebay baarlamaanka. ‘Waan soo tijaabinay eed iyo takane waxaan aheyn oo laga qaadaayo ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo hadal qaaday heshiiska cusub ee haatan laga gaaray doorashada ayaa bogaadiyay, wuxuuna sheegay in shacabka la siiyay fursad weyn. “Waxaa laga hadlay dowladnimada iyo dimuquraadiyeynta in shacabka Soomaaliyeed loo celiyo, labada heer ee dowladdana ay sidaas ku shaqeeyaan,” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Laftagareen oo shaaciyay arrin yaab leh oo uu sameeyay appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Xudur kulan kula yeeshay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhagaystay Warbixino ku saabsan Xaalada Gobolka, kan Degmada iyo Udiyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka lagaga Xureynayo dagaalamayaasha kooxda Alshabaab. Madaxweyne Laftagareen ayaa Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur la wadaagay socdaalkiisa Magaalada Xudur inuu ku qotomo Dardargelin Wajiga 2-aad ee Dagaalka iyo Mashaariic lagu hormarinaayo. Gobolka Bokool ayaa inta badan deegaanno kamid waxaa ku sugan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, kuwaas oo muddo gu’doomiyay magaalooyinka qaar sida caasimadda Xudur iyo degmooyinka kale mana jiro isku socod. Shirkii Madasha Watashiga Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyay in la dardargeliyo Wajiga labaad ee dagaalka Al-shabab oo ka bilaabanaya deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Somalia’s new radical proposals, meant to upend the country’s political system from parliamentary to presidential, is raising a storm, and exposing further cracks between Mogadishu and some political quarters. Source: Hiiraan Online
  16. Alle ha unaxariiste 2 Qof ayaa ku dhintay 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen labo gaadhi oo waaraado ah Laamiga Duleedka Degmada Waridaad ee Gobolka Saraar. Labada Gaadhi Ayaa mid ka mida siday xoolo Halka ka kalena Uu Madhnaa. Source
  17. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo qeyb ka ahaayeen wasiirro ka socday dowlad goboleedyada dalka. Wafdigaan uu hoggaaminayaay Guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo. Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaanna Kismaayo laga daah furi doono Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo barri furmi doona. Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha, kuwaas oo muddooyinkii dambe aad u saameeyay dadka iyo dadka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wadaya wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa muddooyinikii dambe waday sidii uu xiriir toos ah ula yeelan lahaa Baarlamaannada wadamada caalamka, kuwaas oo daneeya arrimaha Soomaaliya, iyada oo qeyb ka ah siyaasadda dowladda federalka ee Soomaali Heshiis ah dunida heshiis la ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Puntland, kaaso oo kasii daray, kadib heshiiskii dhowaan laga gaaray doorashooyinka ee kasoo baxay shirkii ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka. Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan jirin meel fog, isla-markaana ay qayb ka tahay maamulka dowladda federaalka Soomaaliya. “Puntland waxay ka tirsan tahay dowladda federaalka mana foga, doorashooyinka ay qabteen ayaana lagu heshiiyay” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jiri karin sabab ay Puntland ku diido doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay iyagu haatan qabsadeen. “Ma u maleynaayo inay caqli tahay aniga doorasho ayaan qabsanaa, inta kalena doorasho uma ogoli, uma maleynayo inuu qofn ku talinayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in doorashada lagu heshiiyay ay tahay middii uu Saciid Deni ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kadib markii guul ka sheegtay doorashadii Puntland. “Madaxweynaha Puntland marka ay doorashada u dhammaatay wuu hadlay wuxuu yiri dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay doorashadaan oo kale ay qabtaan intiibaa la gaaray” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada ay Puntland ay iska diiday go’aanaddii kasoo baxay shirkii u dambeeyay Golaha Wadatashiga oo go’aan looga gaaray doorashooyinka dalka. Si kastaba, khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa oo soo billowday, kadib magacaabidii ra’iisul wasaare Xamza. The post Daawo: DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.