-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya la-taliyeyaal ka tirsan xafiiskiisa, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan. Sidoo kale madaxweynaha ayaa isla markiiba kulamo gaar gaar ah la bilaabay madaxda sare ee xukuumadda Ankara oo uu kala hadlayo arrimo ku aadan iskaashiga labada wadan iyo xoojinta xiriirka xoogan ee haatan u dhexeeyo labada dowladood. Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah ula sameeyay Erdogan ayaa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi. Labada madaxweyne ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal. Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalka Turkiga. Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay. Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dal oo saaxibo ah, waxayna xukuumadda Ankara ay si gaar ah door weyn uga qaadataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray Turkiga + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaas, gaar ahaan dhinaca magaalada Mandera. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo halkaas ku sugnaa, waxaana xigay dagaal toos ah. Ciidanka la weeraray ayaa waday howlgal roondo ah, waxayna si gaadmo ah ula kulmeen xubnaha Al-Shabaab oo uu iska hor imaad ku dhex-maray halkaasi. Sarkaal sare oo u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka, isla-markaana uu ahaa mid gaadmo ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in ugu yaraan 1 askari uu ka dhintay, laba kalena ay dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday magaalada caasimada ah ee Nairobi. Dhanka kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaadleh ku gaarsiisay ciidanka dowladda Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo la qorsheynayo in dhowaan dib loo furo. Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe kordhisay weeraradeeda dalka Kenya, ayada oo uga jawaabeyso dhaq-dhaqaaqa ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay KENYA + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Airstrike kills 3 al-Shabaab terrorists in southern Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
An airstrike carried out by the United States Africa Command (Africom) in support of the Somali government killed three al-Shabaab terrorists in southern Somalia, the U.S. military said on Friday. Source: Hiiraan Online -
Three people were killed on Friday when police clashed with worshippers outside Addis Ababa's largest mosque, Ethiopian security forces said. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - The United States conducted an airstrike on al-Shabab militants in Somalia, killing three al-Shabaab terrorists in the Lower Jubba region, the U.S. Africa Command said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay jeediyay khudbadii Jumcaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka heshiiskii golaha wada-tashiga qaran ee hannaanka doorashooyinka dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay qorshaha Isimo dhaqan oo ka socda gobollada Sool iyo Sanaag oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo doorashooyinka ka socda Puntland. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ku dheeraaday ka hadalka heshiiskii ay dhawaan gaaleen madaxda golaha wadatashiga qaranka, kaas oo ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo wax ka bedel la qorsheynayo in lagu sameeyo nidaamka baarlamaaniga ah ee dalka. Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inay qaateen go’aan geesinimo iyo masuuliyad leh, talada dalkana dadka dib loogu celiyo, si taas loo gaarana ay soo saareen heshiiskaas, isagoo aad u sharaxay duruufaha dalka ka jira iyo sida ay macquul u noqoneyso shaxda ay dejiyeen. Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa uga hadlay qaar ka mid ah isimada dhaqanka ee gobollada Sool iyo Sanaag oo soo gaaray Muqdisho, kuwaas oo sida uu sheegay la tashi ugu yimid madaxda dowladda federaalka. Madaxweynaha ayaa dadka reer Muqdisho ka codsaday in sida ay mudan yihiin loo soo dhaweeyo Isimada ka yimid Sool iyo Sanaag, isagoo balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka heli doonaan wixii ay uga soo baahdeen. “Waxay noola yimaadeen talo, waan ka dhageysa doonaa, wixii dowladnimada Soomaaliya ay ka qabto Ayaan ka dhihi doonaa, mar kasta waxaan ka tali doonaa nabad iyo in dhiig Soomaaliyeed uusan daadan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan kaloo ka tali doonaa in qof Soomaaliyeed uusan taladiisa waayin oo dulmi uusan dareemin, dowladda Soomaaliya dulmi iyo xumaan lama rabto dad Soomaaliyeed oo meel degan, kana shaqey doonto inay isku dirto oo taladeeda ay isku dilaan.” Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo hadal qaaday arrimaha Puntland, isagoo sheegay in bayaankii ay ka soo saareen shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga hadleen. “Reer Puntland waxaan la jecelnahay wanaag iyo inay guuleystaan, kaliya waxaan leenahay dadka rabitaankooda iyo dareenkooda hala tixgeliyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta jeediyey khudbadaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka hadlay qorshaha isimo ka yimid Sool iyo Sanaag appeared first on Caasimada Online.
-
Somali, AU troops clear supply routes to ease aid movements
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) troops have stepped up joint patrols to clear improvised explosive devices (IEDs) and open main supply routes to facilitate delivery of humanitarian aid to the populations. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dagaal laba maalin kahor ka dhacay deegaanka Masagawaay ee Bariga Galgaduud. Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu shirqool weyn u dhigay ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ee ku sugnaa xerada ay kooxda weerartay ee Masagawaay, kaasi oo ay ka sheegatay guul aan la xaqiijin karin dhab ahaanshaheeda. Kaba-Kutukade ayaa sidoo kale sheegay in Xasan uu arrintaas u sameeyay aargudasho ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisu ay askartaan u dirtay Eritrea. “Ciidanka inay halaagsamaan qorshihiisa qeyb kamid ah waaye, gacmihiisa kuma dili kareen ee gacmo Shabaab inuu ku dilo uu rabay. Annagana wixii ay mudnaayeen aan marsiinay,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab. Waxa uu intaas ku daray “Waxay hub iyo qalab haysteen waa laga furtay, cagta la mariyay. Wixii meeshaas ka dhacay warbaahinta (kooxda) ayay yaaleen.” Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab ee weerarkii Masagawaay, waxay dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda sheegtay in ciidamada dowladdu ay sii ogaayeen weerarka ay damacsanaayeen Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay dileen in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna qabsadeen saddex baabuur oo ay adeegsanayeen Al-Shabaab. Waxa kale oo ay sheegtay in saddex ka tirsan ciidamada qaranka ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Si kastaba, Hadalkan kasoo yeeray Kaba-Kutukade ayaa qeyb ka ah weerar qaawan oo kooxdu muddooyinkii dambe ku haysay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu markii uu tallada dalka kusoo laabtay ku dhawaaqay dagaal ka dhanka Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Dagaalka Al-Shabaab oo wejigiisi koowaad laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayaa waxaa dhawaan la filayaa inuu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, kuwaasi oo Soomaaliya ku taageeraya cirib-tirka Al-Shabaab. The post Kaba-Kutukade oo Xasan Sheekh u jeediyey eed yaab leh oo la xiriirta Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Geeddi caano leh! Ummaddu waa dhaqaaqday, waxayna degtay rug raali lagu wada yahay, rabina lagu sugo! xuquuq ka maqneyd bay haleen…Taladii dalka kaallintii ay ku lahaayeen baa maanta soo bidhaameysa! Oo waa in codkoodu yahay midka uu ninka talinaya ku yimid! Hadda waa codkaas keliya! dad-weynuhu xooggooda iyo saameynta siyaasadeed ee ay leeyihiin waa codkaas ay sanduuqa ku ridayaan oo keliya!…waa codkaas midka ay ummadaha horumaray tuuladooda ugu yar iyo dalka oo dhan ay ku dhiseen! Waa codkaas sababta uu habeenkii qofka muwaadhinka ah walwal gurigiisa ugu seexdo oo uusan cadow uga baqeyn!… Puntland iyo guud ahaan dalkeenaba waxaan u rajeyneynaa Geeddii Caano Leh oo lagu dego Rug Caano leh! Doorashada Puntland ka qabsoontay waxay ku tuseysaa oo marqaati cad u tahay sida shacabka Soomaaliyeed uu u yaqaano dowladnimmada uguna diyaarsanyahay inay madaxdooda iyaga soo doortaan! Waxaana Xusid mudan in magaalo iyo tuulo kasta oo dalka ah laga helayo Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan, aan yeeleyn in shacabku go’aansado aayihiisa sida hadaba ka dhacday Garowe! Waxaase ammaan mudan shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland sida ay u maareeyeen SHayaadhiinul-Jinniga iyo Shayaadhiinul-Insiga ku soo duulay, heer arrintu gaartay in ciidammadii laga soo saaray Furrintii Dagaalkii Midnimo Qaran!….Aaran-Jaan?! Run ahaantii kooxda Aaran-Jaan intii magacooda la bartayba waxay Puntland ku hayeen dhibaatooyin baaxadooda leh oo xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqankaba leh, waxayna ka soo dhex baxeen oo ku dhismeen oo wax badan ay ka macaasheen marka laga reebo guud ahaan dabeecadda siyaasadda wasakhada ah ee dalka oo dhan saameysay khilaafaadkii soo jiitamay ee sida gaarka uga dhexeeyay siyaasiyiintii gobolka dhismihii Puntland iyo ka horba, waxayna dadk caadiga ah iyo siyaasiyiin badan rumeysnaayeen inay yihiin dulaaleey siyaasadeed, iyaguna waxay dhaqan ahaan u muuqdeen ama ahaayeen hadana yihiin dad ka ganacsada siyaasadda waxaana uu magacooda soo shaac baxay markii ay ku guuleysteen tijaabadoodii ugu horeysay oo ahayd taageerradii ay isku garab taageen ololihii doorashadii madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-SHiikh Max’ed Faroole 2009kii markii uu madax-weynenimmada Puntland ku guuleystay. Waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay u sameysmeen qaab koox siyaasadeed iyagoo aan ku talo gelin, in kastoo laga yaabo in xubnaha kooxda u waaweyn ay arkayeen ama dareensanaayeen samaysanka noocaas ah! Markii Cabdi-Raxmaan Faroole ku guuleystay madax-weynenimmada gobolka Puntland ayaa waxaa markii u horeysay banaanka u soo baxay magaca kooxda Aaran-Jaan oo aan horay u soo shaac bixin, waxayna kooxda u muuqatay inay kaalin weyn ku leeyihiin siyaasadda dalka gaar ahaan midda Puntland. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weyne Faroole uu markuu ku guuleystay madax-weynenimmada Puntland uu soo dhoweeyay kooxdaas isagoo markaas u arkayay inay yeelan karaan saameyn siyaasadeed oo mug-weyn, wuxuuna shaqaaleysiiyay xubno ka mid ah kooxda, iyadoo waliba xubnaha qaarkood ay ka mid noqdeen golihii xukuumadda. Wixii markaas ka dambeeyay waxay ku taalbsadeen horumar muuqda iyagoo soo jiidanaya siyaasiyiintii waaweynaa ee Puntland, waxayna gaareen heerkii ugu sareeyay xiriirka siyaasdeed ee maamul-goboleedka Puntland muxaafad iyo mucaaradba, waxaana ay muuqdeen ama in badan oo siyaasiyiinta gobolk ah iyo shacabka u arkeen koox wax ku soo kordhin kareysa siyaasadda Puntland iyo midda guud ee dalka. Wixii markaas ka dambeeyay Aaran-Jaan waxay balaariyeen dhaqdhaqaaqooda iyo xiriirkooda siyaasadeed ee guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Puntland, xubnaha kooxda oo markii horaba u badnaa dad dhaqan marka laga eego xagga dhaqaalaha ayaa haddana badankood waxay muddo kooban ku tallaabsadeen horumar, waxayna noqdeen dad ka dhex muuqda mujtamaca weynaha Puntland dhankii laga eegaba, waxaana ku soo xirmay inta badan siyaasiyiinta gobolka oo u suurto geliyay heerka ay maanta gaareen oo ah inay hor joogsadaan masiirkii siyaasadeed ee dadka reer Puntland! Waxaa cajiib ah waxa lagu sababeeyay in dad la laayo oo magaalo dhan qoryo loo soo qaato oo la xabadeeyo!..waxaa yaab ah in dadkii ay xabbadahoodii dileen ama ku wax yeeloobay xabadahooda aysan kooxdu kaba hadleyn oo ay wali siyaabo kale u kibir hadlayaan!… Waxaa is weyddiin mudan iyagu wali marna ma garameen?! Iyagu dalka dowlad uma aha, xil ay ummadda u hayaana ma jirin, xizbiyadii is diiwaan kama mid ahayn, shacabkaas bay ka mid ahaayeen!….shacabna dhibaatadiisa iyo cabashada siyaasadeed ee ay qabaan qaabab la yaqaan oo ay xeerarka dowladnimmada casriga u fasaxday baa jira, laakiin waxa Garowe ka hor joogsaday codeynta waxay ahaayeen danbiilayaal aan waxba ka duwaneyn Ciyaal-Weerrada Xamar rogay oo jaakada soo qaatay!… waxabana kama duwana burcad hubaysan oo magaallada ku soo duushay! Waxaa inkaar ka taagantahay dhaqanka siyaasiga Soomaaliyeed ee ah kii maalin xil loo dhiibo inuu u qaato xilkaas inuu gurigooda kala yimid oo mulkigiisa uu yahay! Saykooloji xil-kasnimo yari ku salaysan!… Ragga hadda afka lagu hayo ee eedaha loo jeedinayo waxaa ugu weyn madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan Seekh Max’ed Faroole oo waliba isagu la leeyahay waa maskaxda ka dambeysa iyo hoggaanka waxa dhacay, waxaana intaas ka daran oo Cabdi-Raxmaan Faroole uu eed ku mudanayaa in isagoo ah Xil-dhibaan Aqalka Sare ka aamusay dhammaan arrimihii ummadda Soomaaliyeed uu ku masali lahaa maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed laguna bartay inuu si furan u difaaco dastuurka dalka u yaala iyo dowladnimmada, waaxaa kale oo uu Faroole gabay kaalintii odeynimo ee uga aaddaneyd difaacii midnimmada dalka oo si muuqata uu dhegaha uga ootay duullaanka ay Muuse Biixi iyo inta la siyaasadda ah ay doonayaan inay dalka ku kala gooyaan Xasan SHiikhii loo dhaariyeyna u uku taageeray!…Aamusnaanta Cabdi-Raxmaan Faroole eek u aaddan xaaladaha dalka ka jira waxay cadeyn u yihiin oo keliya inuu dhibaatooyinka jira raali ka yahay haddii uusan qeyb ka ahayn, oo uu kula socda Ismaaciil Cumar Geele, Xasan SHiikh Max’ud, Muuse Biixi iyo Max’ed Kaahin!… Xubnaha kale ee soo bareeray, ee sida burcadnimmada ugu soo duulay dowladdii Puntland ee ay qaarkood xubnaha ka ahaayeen waa waziiro hore ee maamul-goboleedka Puntland Xasan SHire Abgaal, Max’ud Faarax Warsame (Max’ud SHiddo), taliyihii hore ee ciidammada boliiska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi-Yare) Col. Jimcaale Jaamac Takar oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka daraawiishta iyo Khadar Cabdi-Raxmaan Faroole, raggaan oo ay qaarkood xeer ilaallinta Puntland u soo jartay warqada lagu amarayo in la soo qabto, ayaa iyaga ilaa iyo hadda ficillada ay geysteen waxay qiil ugu dhigayaan inay ku hor joogsanayeen muddo kororso looga cabsanayo inuu sameeyo madax-weyne Saciid Cabdullaahi Deni!… Cabdi-Wali Cali Gaas, Cumar Cabdi-Rashiid, iyo Cali Xaaji warsame oo si cad u sheegay inay ka soo hor jeedaan doorashada isla markaasna la ra’yi ahaa iyagu waxay ku gaabsadeen inay cabashadooda muujiyaan!…Jimcaale?! Jimcaale?!… Waxaa xusid gaar ah mudan dhaqanka askarinimo iyo xirfadda ciidan ee askariga Soomaaliyeed ineysan ahayn mid gaarsiisan heerkii askerinimo ee lagu yiqiinay askarta Soomaaliyeed ee u dhaartay dadkooda, dalkooda iyo diintooda!…Waxaan xasuusnahay Xasan SHiikh Max’ud oo xilligii Farmaajo isagoo ka faa’ideysanaya xaaladaha burburka iyo xirfad yarida askarenimo ee uu ciidanka dowladaa inuu fariin u diray Alle ha u naxariistee Gen. Farxaan Jimcaale isagoo leh “Yaan lugaha dhiiqo laguu gelin!” macnaha diid amarka dowladda oo aniga I maqal!…Xaaladda Garowe kaalinta uu ka ciyaaray Col. Jimcaale waa mid aad uu meel uga dhacay dhaqankii askerinimo ee ummaddu ku ammaansatay, isagoo hareer maraya anshixii iyo asluubtii askeri dad iyo dal u adeegaya laga rabay. Waa laga yaabaa in khaladku uu ka bilowday in askarta iyo saraakiisha cusub ee xilliga burburka ku taba bartay aan la barin meesha ay tooganayaan ka hora inta aan la barin inay wax toogtaan! Jimcaale, wuxuu fahmi waayay inuu yahay askari Soomaaliyeed hubka uu heystana haddii uusan ahayn mid heer federal ah uu yahay hub dowlad goboleed Soomaaliyeed ee uusan shakhsi gaar ah lahayn, wuxuu garan waayay hubkaas inaan amar looga qaadan karin cid ka baxsan dowladda Soomaaliyeed ama dowlad goboleedka, waan midda keentay inuu hubkii ku rido dadkii ay ahayd in lagu ilaaliyo isaga oo ka amar qaadanaya kooxda loogu magac daray Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan oo aan ahayn qaynuun ahaan kuwo amarkaas isaga siin kara ama ay tahay inuu ka amar qaato!…Sida badanaa askeriga taba-baran ee xariifka ah lagu yaqaano marka ay jiraan khilaafaad gudaha ah oo noocaan oo kale ah oo uu amar diido sameynayo wuxuu ku mintidaa inuu sugo ammaanka xudduudaha ilaaliyana amniga gudaha iyo nabad gelyada shacabka iyo hantidooda, haddii kale wuxuu u hoggaansamaa sax iyo khaladba cidda ay ummadda wakiilatay oo ah dowladda, taaso ah midda ay mas’uuliyadda ammaanka shacabka saarantahay haddii uusan shacabka ka hor imaan! Waxaa la ii xaqiijiyay Jimcaale inuu diiday talooyinkii sharciga ahaa iyo kuwii maan-galka ahaaba, oo u uku shaqeyniyay telefoon ay u soo dirayaan dhowr nin oo xubno kooxda aan la aqoon goorta u uku biiray, isagoo ku tix gelinaya inay hubka iyagu leeyihiin isla markaasna ay soo kireysteen isaga iyo ciidammada la socdaba!…Cajiib! Sidee hubkaas nin aan dowlad ahayn u yeeshay?! SHarcigee baa siinaya?! Wuxuu fahmi waayay si askerinimo ah hubku iyo dhallin yaradaba inay isaga dimaddiisa yihiin oo aysan lahayn kuwo uu amar ka qaadanayo!….Ka waran askeriga Soomaaliyeed shisheeyuhu taba barteen ee dalka kuu dhex fadhiya ee mushaarka ay siiyaan?!….Dowladda federal-ka ah iyo maamullada dowlad goboleeddada sarkiisha ciidammada waxaa waajib ku ah in askeriga la baro lagu imtixaano mas’uuliyadda ka saaran dadka iyo dalka, in la baro Meesha (cadowga) uu tooganayo intaan la barin inuu wax toogto. Waxaa iyadana jirta caado xun oo ay dhaqan ka dhigteen maamuladii Puntland Soo maray oo ah in madaxda xukunka ka tegeyso ay hubka rarato sidii ay iyagu gaar u leeyihiin. Arrintaas waxay noqotay mid aamusnaan lagu wada aqbalay. Qofka waziirka ah gadiidka ilaaliya iyo askarta muddada xileedkiisa markuu dhammado gurigiisuu geysanayaa, madax-weynaha sidaas si la mid ah! Marka maamulka Saciida Cabdullaahi Deni waa inuu hadda bilaabaa sidii loo heli lahaa nidaam hubka iyo ciidammadaba ay ugu baaqi noqonayaan maamlka Puntland mar kasta iyo xilli kastaba, waana in la abuuraa xafiis gardaadiya dhaqan gelinta arrintaas oo waliba kor joogteeya. Madax-weyne Deni, waxaa hor yaala furdaaminta arrimaha taagan, sida ay wax u muuqdaanna huri meyso in madax-weyne Deni ay is hor fariistaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee daneyniya inay u tartamaan madax-weynenimmada Puntland. Waxaana arrin mucaaradka loogu garaabi karo ah in madax-weynuhu uusan xilligaan furin Dastuurka Puntland, balse arrintaas loogu kaadsho baarlamanka la soo dooran doon iyo xukuumadda cusub ee imaan doonta , iyadoo had iyo goor laga fogaanayo tuhunka ka dhalan kara arrinkaas oo ah in hadba qofka xafiiska jooga uu isaga ku daneysanayo furitaanka dastuurka. Arrimuhu ma sahlanaan doonaan waqtigana aad buu u koobanyahay, talooyinka qaarkoodna haddii aan si geesinimo ah loo wajihin xalka wuxuu noqonayaa mid fogaada, xalkana wuxuu ku jiraa iyadoo laysla fahmo in waxa laysku hayo uusan jirin qof keliya oo gaar u leh, waxaana run ahaantii aad macquul ugu dhowaa ammaanna mudan talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii loo xil saaray xallinta xiisadda Garowe ee uu hor kacayay Daahir Sanweylood. Waxaa iyadana muuqata xiisadda siyaasadeed Garowe ka aloosan, ee wali sii jiitameysa inaan daacad loo abbaarin, balse haddaan degdeg xal looga gaarin uu qiimaheedu ku kici doono Somaliland oo dalka ka go’ada oo waliba Laas-Caanood dib u qabsata!… markaas xaalka Puntland malee!… Dhanka kale, marka intaas oo dhan laga soo tago haddii ay magaalladii Garowe ay u egtahay magaalo aan hoos immaan maamulka Puntland oo hoos tagata koox burcad ah oo Aaran iyo Duqow Jaan ah, oo dadkii deegaanka xal ka gaari waayay, waa in golaha shacabka uu sharciyeeyaa oo mooshin ka keenaan meeshii ay Dowlad Goboleedka Puntland salka dhigi lahayd oo ay ku shaqeyn lahayd, mana ah in sida Muqdisho xaalku ahaado Goof Dad Gaar ah mar kasta sheeganayaan oo aan laga guuri karin laguna shaqayn kareyn! Dalka iyo dadku waa mid, dowladana waa in meesheey kalsooni ku qabto degto. Madaxweynaha jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo dad badan oo xog-ogaal ah ay ku tilmaameen inuu isagu yahay ninka maal gelinaya waxyaabaha ka dhacay Garowe, islamarkaasna uu taageera aan is bedelin u hayo siyaasadda Muuse Biixi ayaa waxaan shaki ku jirin inuu u bareeray awood inuu wax ku maamulo, wuxuuna dayacay ammaanadii, waxaana durba soo shaac baxay khilaaf siyaasadeed oo uusan maanta shacabka Soomaaliyeed diyaar u ahayn, iyadoo burbur kasta oo maanta dhaca aysan sahlanaan doonin in dib looga soo noqdo!!Doorashada qof iyo codka ah ee ay Puntland hirgelisay waxay ka mudneyd bogaadin, maxaa yeelay markii hore haddii aad ka digay inay doorshadaas Puntland u horseedeyso burbur waxay ahayd inuu raali gelin ka bixiyo isla markaasna bogaadiyo, waxaase muuqata inuusan heerka biseylkaas gaarin, waayo horumarka dadka iyo dalka ayaa iska leh! Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya way dhaqaaqday, Geeddi Caano Leh bay guureysaa oo lagu degayo Rug Caano Leh Eebbe Idankii!…. W/Q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Aaran-Jaan mooyee, geeddi caano leh baa loo guuray appeared first on Caasimada Online.
-
Tirada dadka Sacuudi Carabiya oo korodh 34%+Sababta Saudi Census 2022 Results. ➪Total Population of Saudi Arabia: 32.2 million. ➪Saudi Population: 18.8 million (58%) ➪Foreigners/Expats : 13.4 million (42%). RIYADH — Shacabka Sacuudi Carabiya ayaa kordhay saddex meelood meel tan iyo 2010, ayada oo aqlabiyadda muwaadiniinta boqortooyada ay da’doodu ka hooseyso 30 jir, waxaa sidaas lagu sheegay tiro koob ay daabacday dowladda. Tiro-koobka Sacuudiga ee 2022 waa “sahanka dadweyne ee ugu dhammaystiran uguna saxsan ee la sameeyey taariikhda boqortooyada,” ayaa lagu yiri warbixinta Maamulka Guud ee Tiro-koobka. Warbixinta ayaa dadweynaha dalkan hodonka ku ah saliidda ku sheegtay 32.2 milyan. Tiradaas, ayaa 58.4 boqolkiiba ah muwadaaniin Sacuudiyaan ah, halka inta kale badankood ay yihiin dad kasoo jeeda Koonfurta Asia ama meelo kale oo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Wadarta guud ee dadka degan Sacuudiga ayaa kor u kacday 34.2 boqolkiiba tan iyo 2010 – koror ah 8.2 milyan oo qof, kuwaas oo 4.8 milyan ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Sucuudiyaan ah. Dadka Sacuudiyaanka ah, ayaa 63 boqolkiiba ay da’doodu ka hooseysaa 30 jir. Dadka aan Sacuudiyaanka aheyn ayaa gaaraya 13.4 milyan, kuwaasi oo badankood u dhashay Bangladesh, waxaana ku xiga dadka kasoo jeeda India, Pakistan, Yemen iyo Masar. Tiro-koobka qaranka, oo ah tii shanaad ee taariikhda boqortooyada, ayaa markii hore loo qorsheeyay in la qabto sanadka 2020, laakiin waxaa dib loogu dhigay faafitaankii cudurka COVID-19 awgeed. Sacuudi Carabiya ayaa sameysay tiro-koobkii ugu horreeyay ee rasmi ah 1974-kii. Sida ku cad warbixintii ugu dambeeyay, tirada dadka aan Sacuudiga ahayn ee ku nool boqortooyada ayaa billaabatay inay hoos u dhacdo 2017-kii, kadib markii la hirgeliyey istaraatiijiyad heer qaran ah oo kor loogu qaadayo shaqaaleynta dadka Sacuudiyaanka ah. Sidoo kale, shaqaale badan oo ajnabi ah ayaa qoysaskooda dib ugu celiyay dalkooda kadib go’aankii lagu soo rogay lacag laga qaado ehellada qurba-joogta ku nool boqortooyada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa mamnuucay in haba yaraatee wax fasax ah la siiyo askari ka tirsan Asluubta oo tababar ku jira. Taliyaha oo tababar u furay ciidamo meelo kala duwan la isaga keenay oo ka tirsan Asluubta ayaa saraakiisha tababarka bixineysa wuxuu ugu goodiyey in liiska laga saari doono hadii ay fasaxaan askari tababar ku jira. “Hadii macalinku uu askariga tababarka ku jira fasaxo, oo wax un is fahan ah uu dhex maro labadooda waa laga saarayaa ciidanka,” ayuu yiri Jeneraal Mahad oo can ku ah magaca Taliye (Shub). Taliyaha ayaa sheegay in askar laga keenay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ay ku jiraan ciidanka tababarka loo furay, kuwaas oo muddo sanado ah xuduuda seddax geesoodka ah ee Soomaaliya ay la wadaagto Kenya iyo Itoobiya ilaalo ka hayey. “Ciidanka Doolow laga keenay wuxuu seexanayaa xeradaan gudaheeda inta tababarku u socdo ma jiro askari la fasixi karo, tababarihii askari fasaxana waan la xisaabtameynaa,” ayuu yiri Taliye Mahad. Wuxuu sheegay in ciidanka Gedo laga keenay uu muddo laba sano ah furinta joogay, gaar ahaan dhulka xuduuda ah, isla markaana ay u baahan yihiin in tababar lagu celiyo si loo tijaabiyo anshaxooda, sida uu taliyuhu sheegay. “Meel xuduud 3-geesood ah ayey ciidankaan laba sano joogeen, waxaana halkaas isugu timaada bahasha aan diideyno, marka ma filaayo inay bad-qabaan, si loo ogaado halkaan ayey seexa doonaan, tababarkana waa qaadanayaan, maalin kasta salaadda subax ayuu orod u bilaaba doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha Asluubta. Wuxuu sheegay in qorshihiisa uu yahay in ciidanka Asluubta uu noqdo ciidanka ugu wanaagsan ciidamada Soomaaliya, “Waxaan rabnaa in muddo kooban kadib la dhaho ciidanka Asluubta ciidan lamid ah Soomaaliya kama jiro.” “Waxaan idinku dhaarinaa ilaahey, saraakiisha tababarka aan u xil saaranay, ciidanka yaan loola dhaqmin sidii dad caadi ah, yaan la idinka helin dul-duleelo, askariga aad tababareysaan hala saaxiibinina,” ayuu yiri Taliyaha Asluubta jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Hoos ka daawo The post Daawo taliye Shub: Askariga iyo macallinka tababara hadii ay saaxiibaan waa la… appeared first on Caasimada Online.
-
Shil tareen oo ka dhacay Dalka Hindiya+233 Dhimasho & 900 oo dhaawac ah INDIA-ACCIDENT/ Ugu yaraan 233 qof ayaa ku dhintay 900 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen gobolka Odisha ee dalka Hindiya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawladda Sabtidii, taasoo ka dhigaysa shilkan tareen kii ugu dhimashada badnaa muddo toban sano ka badan. Tirada dadka ku dhintay shilkii Jimcihii ayaa la filayaa inay sii korodho, sida uu Twitterka ku sheegay xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena. Wuxuu intaas ku daray in goobta shilku ka dhacay lasoo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha, waxaana la diyaariyey 100 kale oo dhakhaatiir ah, kuwaas oo kor u dhaafaya 80 ka mid ah kuwa hore u joogay. Subaxnimadii hore ee Sabtida, muuqaalka ay soo daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinayay saraakiil booliis ah oo meydad ku daboolaya maryo cadcad. Boqollaal dhallinyaro ah ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha Soro si ay ugu deeqaan dhiig. Qaran News
-
Xoghayaha Arrimha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa booqan doona Boqortooyada Sacuudiga toddobaadka soo socda, si uu wadahadallo ku saabsan arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha ula yeesho madaxda dalkaas, sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jimcihii sheegtay. Washington ayaa dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka ay la leedahay shirkadda ugu weyn ee dhoofisa shidaalka. Safarka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Blinken, oo daba socda booqasho uu bishii hore ku tagay lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa ku soo beegmaya kadib muranno ay ka mid yihiin dilkii weriye Jamal Khashoggi oo ay geysteen wakiillada Sucuudiga iyo go’aankii sannadkii hore ay kooxda OPEC+ ku joojisay soo saarista saliidda. Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Blinken uu diiradda saari doono sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka Mareykanka ee Riyadh. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo hagaajinaya xiriirka Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
-
M/weynaha Maraykanka Joe Biden oo ku kufay munaasabad Madaxweyne Joe Biden waa “wanaagsan yahay” ka dib markii uu ku kufay Munaasabad ka dhacday Colorado,sdiaasi waxaa sheegay saraakiisha Aqalka Cad . Waxa uu ku turunturooday jawaan ciid ah isaga oo shahaado ka qaybinayay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay Akademiyada Ciidanka Cirka ee Maraykanka. Mr Biden oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa ee dalka soo mara oo ah 80 jir ayaa laga la istaajiyay si cagahiisa ugu istaago, waxaana uu u muuqday mid aan dhaawac soo gaarin kadib markii dhacay khamiisti. “Waxaan lugta ku dhuftay jawaan ciida” Madaxweynaha ayaa saxafiyiinta kula kaftamay mar uu dib ugu soo laabtay aqalka cad fiidnimadii. Waxa uu taagnaa ilaa saacad iyo bar si uu u gacan qaado mid kasta oo ka mid ah 921 arday ee qalin jabinayey. Muuqaal la duubay ayaa muujinaya Mr Biden oo u muuqda mid farta ku fiiqay mid ka mid ah laba jawaan oo carro ah oo loo adeegsaday in lagu dhejiyo ama lagu celiyo qalabka qoraalka laga aqriyo (teleprompter) iyada oo ay caawinayaan sarkaal ka tirsan Ciidanka Cirka iyo laba xubnood oo ka tirsan ciidamadiisa sirdoonka . . Qaran News
-
Maraykanka oo ka hadlay sababta uu u baajiyay tababarka ciidan ee Berbera Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta loo baajiyay tababar ciidan oo la qorsheeyay in lagu qabto magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland. Tababarka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo horraantii sanadkan iyada oo ay halkaas ku qaadan lahaayeen tababarka ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africa. Waxa uu qeyb ka noqon lahaa taxane tababar oo balaaran oo ay ciidamada Mareykanku ku qaadan lahaayeen barriga Afrika, kaas oo ka dhici lahaa islamarkaasna ay qeyb ka noqon lahaayeen ciidamada dalalka Bostwana, Rwanda, Uganda, Kenya iyo Djibouti. Saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa booqday bishii Janaayo ee sanadkan magaalada Berbera halkaas oo loo qorsheeyay in ciidamada Mareykanka ay tababarka ku qaataan. Waxay booqdeen goobo loo asteeyay tababarka, iyaga oo sidoo kale la kulmay madaxda Somaliland. Laakiin tababarka oo la filayay in uu dhaco dhamaadka bishii February ayaa qabsoomin iyada oo saraakiisha wasaaradda arrimaha dibeda ee Mareykanka ay markii ugu horreysay BBC u faahfaahiyeen sababaha uu u baaqday tababarkaas. Danjiraha shaqada ka tagaya ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa la xiriiriyay sababaha loo baajiyay tababarkaas colaada ka taagan Laascaanood ee u dhexeysa ciidamada Somaliland iyo dadka diidan inay maamulka Hargeysa. Colaadaas ayaa cirka isku shareertay horrantii sanadkan kadib markii odeyaasha dhaqanka ee deegaanka ay shaaciyeen in aysan qeyb ka noqonaynin maamulka Somaliland, iyaga oo dalbaday in ciidamada maamulkaas uu isaga baxo deegaankooda. Boqolaal dad ah ayaa ku geeriyooday dagaalka labada dhinac, iyada oo ay kumanaan kale na guryahooda ka qaxeen. Xabadjoojin dhowr jeer lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale fashilantay iyada oo dedaalo dhex dhexaadin ah oo la waday na aysan weli waxba kasoo bixin. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - An international cohort known as the Security Partners of Somalia is reportedly readying for a critical meeting scheduled to take place in Doha next week. The collective, comprising the United States, United Kingdom, Turkey, United Arab Emirates, and Qatar, previously convened in Washington in March to discuss Somalia's state-building endeavours. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri la isugu yeeray kulan la hor geynayo mooshin wax looga bedelayo muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka. Ajendaha kulanka berri oo la sii shaaciyey waxaa lagu sheegay in xildhibaanada loo soo gudbi doono mooshinka wax ka bedel lagu sameynayo dastuurka dalka. Qodobka wax laga bedelayo waa mudada uu xilka heynayo madaxweynaha, isla markaana uu sii joogayo baarlamaanka oo hadda ah 4-sano, waxaana la qorsheynayaa in laga dhigayaa 5-sano. Guddi loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrintaan ayaa la filayaa inay berri golaha u soo gudbiyaan, kana hor akhriyaan mooshinkaas hadafkiisa yahay muddo kororsiga. Shirkii golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu xusay in madaxdu ay isla qaateen in wax laga bedelo oo sanad lagu daro mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale go’aanadii golaha wadatashiga qaranka ay soo saareen waxaa lagu xusay in baarlamaanka federaalka la hor geynayo heshiiskaas si sharci rasmi ah loogu bedelo, taas oo ka dhigan in wax ka bedel lagu sameynayo qodob dastuuri ah. Sidoo kale ajendaha caawa loo diray xildhibaanada golaha shacabka waxaa ku jirta in berri loo qeybi doono ilaa seddax hindise sharciyeed, si ay u soo akhriyaan. 1 – Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magan-geliyo doonka. 2 – Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda. 3 – Iyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka. Seddaxdaas hindise sharciyeed iyo mooshinka wax looga bedelayo qodobada dastuuriga ah ayaa berri loo gudbinayaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sida caawa lagu war-geliyey. The post Mooshin muddo kororsi ah oo berri la hor geynayo xildhibaanada golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.
