Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Geeddi Caano Leh! Ummaddu waa dhaqaaqday waxayna degtay rug raali lagu wada yahay rabina lagu sugo! Xuquuq ka maqneyd bay haleen…Taladii dalka kaallintii ay ku lahaayeen baa maanta soo bidhaameysa! Oo waa in codkoodu yahay midka uu ninka talinaya ku yimid! Hadda waa codkaas keliya! dad-weynuhu xooggooda iyo saameynta siyaasadeed ee ay leeyihiin waa codkaas ay sanduuqa ku ridayaan oo keliya!…waa codkaas midka ay ummadaha horumaray tuuladooda ugu yar iyo dalka oo dhan ay ku dhiseen! Waa codkaas sababta uu habeenkii qofka muwaadhinka ah walwal gurigiisa ugu seexdo oo uusan cadow uga baqeyn!… Puntland iyo guud ahaan dalkeenaba waxaan u rajeyneynaa Geeddii Caano Leh oo lagu dego Rug Caano leh! Doorashada Puntland ka qabsoontay waxay ku tuseysaa oo marqaati cad u tahay sida shacabka Soomaaliyeed uu u yaqaano dowladnimmada uguna diyaarsanyahay inay madaxdooda iyaga soo doortaan! Waxaana Xusid mudan in magaalo iyo tuulo kasta oo dalka ah laga helayo Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan, aan yeeleyn in shacabku go’aansado aayihiisa sida hadaba ka dhacday Garowe! Waxaase ammaan mudan shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland sida ay u maareeyeen SHayaadhiinul-Jinniga iyo Shayaadhiinul-Insiga ku soo duulay, heer arrintu gaartay in ciidammadii laga soo saaray Furrintii Dagaalkii Midnimo Qaran!….Aaran-Jaan?! Run ahaantii kooxda Aaran-Jaan intii magacooda la bartayba waxay Puntland ku hayeen dhibaatooyin baaxadooda leh oo xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqankaba leh, waxayna ka soo dhex baxeen oo ku dhismeen oo wax badan ay ka macaasheen marka laga reebo guud ahaan dabeecadda siyaasadda wasakhada ah ee dalka oo dhan saameysay khilaafaadkii soo jiitamay ee sida gaarka uga dhexeeyay siyaasiyiintii gobolka dhismihii Puntland iyo ka horba, waxayna dadk caadiga ah iyo siyaasiyiin badan rumeysnaayeen inay yihiin dulaaleey siyaasadeed, iyaguna waxay dhaqan ahaan u muuqdeen ama ahaayeen hadana yihiin dad ka ganacsada siyaasadda waxaana uu magacooda soo shaac baxay markii ay ku guuleysteen tijaabadoodii ugu horeysay oo ahayd taageerradii ay isku garab taageen ololihii doorashadii madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-SHiikh Max’ed Faroole 2009kii markii uu madax- weynenimmada Puntland ku guuleystay. Waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay u sameysmeen qaab koox siyaasadeed iyagoo aan ku talo gelin, in kastoo laga yaabo in xubnaha kooxda u waaweyn ay arkayeen ama dareensanaayeen samaysanka noocaas ah! Markii Cabdi-Raxmaan Faroole ku guuleystay madax-weynenimmada gobolka Puntland ayaa waxaa markii u horeysay banaanka u soo baxay magaca kooxda Aaran-Jaan oo aan horay u soo shaac bixin, waxayna kooxda u muuqatay inay kaalin weyn ku leeyihiin siyaasadda dalka gaar ahaan midda Puntland. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weyne Faroole uu markuu ku guuleystay madax-weynenimmada Puntland uu soo dhoweeyay kooxdaas isagoo markaas u arkayay inay yeelan karaan saameyn siyaasadeed oo mug-weyn, wuxuuna shaqaaleysiiyay xubno ka mid ah kooxda, iyadoo waliba xubnaha qaarkood ay ka mid noqdeen golihii xukuumadda. Wixii markaas ka dambeeyay waxay ku taalbsadeen horumar muuqda iyagoo soo jiidanaya siyaasiyiintii waaweynaa ee Puntland, waxayna gaareen heerkii ugu sareeyay xiriirka siyaasdeed ee maamul-goboleedka Puntland muxaafad iyo mucaaradba, waxaana ay muuqdeen ama in badan oo siyaasiyiinta gobolk ah iyo shacabka u arkeen koox wax ku soo kordhin kareysa siyaasadda Puntland iyo midda guud ee dalka. Wixii markaas ka dambeeyay Aaran-Jaan waxay balaariyeen dhaqdhaqaaqooda iyo xiriirkooda siyaasadeed ee guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Puntland, xubnaha kooxda oo markii horaba u badnaa dad dhaqan marka laga eego xagga dhaqaalaha ayaa haddana badankood waxay muddo kooban ku tallaabsadeen horumar, waxayna noqdeen dad ka dhex muuqda mujtamaca weynaha Puntland dhankii laga eegaba, waxaana ku soo xirmay inta badan siyaasiyiinta gobolka oo u suurto geliyay heerka ay maanta gaareen oo ah inay hor joogsadaan masiirkii siyaasadeed ee dadka reer Puntland! Waxaa cajiib ah waxa lagu sababeeyay in dad la laayo oo magaalo dhan qoryo loo soo qaato oo la xabadeeyo!..waxaa yaab ah in dadkii ay xabbadahoodii dileen ama ku wax yeeloobay xabadahooda aysan kooxdu kaba hadleyn oo ay wali siyaabo kale u kibir hadlayaan!… Waxaa is weyddiin mudan iyagu wali marna ma garameen?! Iyagu dalka dowlad uma aha, xil ay ummadda u hayaana ma jirin, xizbiyadii is diiwaan kama mid ahayn, shacabkaas bay ka mid ahaayeen!….shacabna dhibaatadiisa iyo cabashada siyaasadeed ee ay qabaan qaabab la yaqaan oo ay xeerarka dowladnimmada casriga u fasaxday baa jira, laakiin waxa Garowe ka hor joogsaday codeynta waxay ahaayeen danbiilayaal aan waxba ka duwaneyn Ciyaal-Weerrada Xamar rogay oo jaakada soo qaatay!… waxabana kama duwana burcad hubaysan oo magaallada ku soo duushay! Waxaa inkaar ka taagantahay dhaqanka siyaasiga Soomaaliyeed ee ah kii maalin xil loo dhiibo inuu u qaato xilkaas inuu gurigooda kala yimid oo mulkigiisa uu yahay! Saykooloji xil-kasnimo yari ku salaysan!… Ragga hadda afka lagu hayo ee eedaha loo jeedinayo waxaa ugu weyn madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed Faroole oo waliba isagu la leeyahay waa maskaxda ka dambeysa iyo hoggaanka waxa dhacay, waxaana intaas ka daran oo Cabdi-Raxmaan Faroole uu eed ku mudanayaa in isagoo ah Xil-dhibaan Aqalka Sare ka aamusay dhammaan arrimihii ummadda Soomaaliyeed uu ku masali lahaa maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed laguna bartay inuu si furan u difaaco dastuurka dalka u yaala iyo dowladnimmada, waaxaa kale oo uu Faroole gabay kaalintii odeynimo ee uga aaddaneyd difaacii midnimmada dalka oo si muuqata uu dhegaha uga ootay duullaanka ay Muuse Biixi iyo inta la siyaasadda ah ay doonayaan inay dalka ku kala gooyaan Xasan SHiikhii loo dhaariyeyna u uku taageeray!…Aamusnaanta Cabdi-Raxmaan Faroole eek u aaddan xaaladaha dalka ka jira waxay cadeyn u yihiin oo keliya inuu dhibaatooyinka jira raali ka yahay haddii uusan qeyb ka ahayn, oo uu kula socda Ismaaciil Cumar Geele, Xasan SHiikh Max’ud, Muuse Biixi iyo Max’ed Kaahin!… Xubnaha kale ee soo bareeray, ee sida burcadnimmada ugu soo duulay dowladdii Puntland ee ay qaarkood xubnaha ka ahaayeen waa waziiro hore ee maamul-goboleedka Puntland Xasan SHire Abgaal, Max’ud Faarax Warsame (Max’ud SHiddo), taliyihii hore ee ciidammada boliiska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi-Yare) Col. Jimcaale Jaamac Takar oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka daraawiishta iyo Khadar Cabdi-Raxmaan Faroole, raggaan oo ay qaarkood xeer ilaallinta Puntland u soo jartay warqada lagu amarayo in la soo qabto, ayaa iyaga ilaa iyo hadda ficillada ay geysteen waxay qiil ugu dhigayaan inay ku hor joogsanayeen muddo kororso looga cabsanayo inuu sameeyo madax-weyne Saciid Cabdullaahi Deni!… Cabdi-Wali Cali Gaas, Cumar Cabdi-Rashiid, iyo Cali Xaaji warsame oo si cad u sheegay inay ka soo hor jeedaan doorashada isla markaasna la ra’yi ahaa iyagu waxay ku gaabsadeen inay cabashadooda muujiyaan!…Jimcaale?! Jimcaale?!… Waxaa xusid gaar ah mudan dhaqanka askarinimo iyo xirfadda ciidan ee askariga Soomaaliyeed ineysan ahayn mid gaarsiisan heerkii askerinimo ee lagu yiqiinay askarta Soomaaliyeed ee u dhaartay dadkooda, dalkooda iyo diintooda!…Waxaan xasuusnahay Xasan SHiikh Max’ud oo xilligii Farmaajo isagoo ka faa’ideysanaya xaaladaha burburka iyo xirfad yarida askarenimo ee uu ciidanka dowladaa inuu fariin u diray Alle ha u naxariistee Gen. Farxaan Jimcaale isagoo leh “Yaan lugaha dhiiqo laguu gelin!” macnaha diid amarka dowladda oo aniga I maqal!…Xaaladda Garowe kaalinta uu ka ciyaaray Col. Jimcaale waa mid aad uu meel uga dhacay dhaqankii askerinimo ee ummaddu ku ammaansatay, isagoo hareer maraya anshixii iyo asluubtii askeri dad iyo dal u adeegaya laga rabay. Waa laga yaabaa in khaladku uu ka bilowday in askarta iyo saraakiisha cusub ee xilliga burburka ku taba bartay aan la barin meesha ay tooganayaan ka hora inta aan la barin inay wax toogtaan! Jimcaale, wuxuu fahmi waayay inuu yahay askari Soomaaliyeed hubka uu heystana haddii uusan ahayn mid heer federal ah uu yahay hub dowlad goboleed Soomaaliyeed ee uusan shakhsi gaar ah lahayn, wuxuu garan waayay hubkaas inaan amar looga qaadan karin cid ka baxsan dowladda Soomaaliyeed ama dowlad goboleedka, waan midda keentay inuu hubkii ku rido dadkii ay ahayd in lagu ilaaliyo isaga oo ka amar qaadanaya kooxda loogu magac daray Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan oo aan ahayn qaynuun ahaan kuwo amarkaas isaga siin kara ama ay tahay inuu ka amar qaato!…Sida badanaa askeriga taba-baran ee xariifka ah lagu yaqaano marka ay jiraan khilaafaad gudaha ah oo noocaan oo kale ah oo uu amar diido sameynayo wuxuu ku mintidaa inuu sugo ammaanka xudduudaha ilaaliyana amniga gudaha iyo nabad gelyada shacabka iyo hantidooda, haddii kale wuxuu u hoggaansamaa sax iyo khaladba cidda ay ummadda wakiilatay oo ah dowladda, taaso ah midda ay mas’uuliyadda ammaanka shacabka saarantahay haddii uusan shacabka ka hor imaan! Waxaa la ii xaqiijiyay Jimcaale inuu diiday talooyinkii sharciga ahaa iyo kuwii maan-galka ahaaba, oo u uku shaqeyniyay telefoon ay u soo dirayaan dhowr nin oo xubno kooxda aan la aqoon goorta u uku biiray, isagoo ku tix gelinaya inay hubka iyagu leeyihiin isla markaasna ay soo kireysteen isaga iyo ciidammada la socdaba!…Cajiib! Sidee hubkaas nin aan dowlad ahayn u yeeshay?! SHarcigee baa siinaya?! Wuxuu fahmi waayay si askerinimo ah hubku iyo dhallin yaradaba inay isaga dimaddiisa yihiin oo aysan lahayn kuwo uu amar ka qaadanayo!….Ka waran askeriga Soomaaliyeed shisheeyuhu taba barteen ee dalka kuu dhex fadhiya ee mushaarka ay siiyaan?!….Dowladda federal-ka ah iyo maamullada dowlad goboleeddada sarkiisha ciidammada waxaa waajib ku ah in askeriga la baro lagu imtixaano mas’uuliyadda ka saaran dadka iyo dalka, in la baro Meesha (cadowga) uu tooganayo intaan la barin inuu wax toogto. Waxaa iyadana jirta caado xun oo ay dhaqan ka dhigteen maamuladii Puntland Soo maray oo ah in madaxda xukunka ka tegeyso ay hubka rarato sidii ay iyagu gaar u leeyihiin. Arrintaas waxay noqotay mid aamusnaan lagu wada aqbalay. Qofka waziirka ah gadiidka ilaaliya iyo askarta muddada xileedkiisa markuu dhammado gurigiisuu geysanayaa, madaxweynaha sidaas si la mid ah! Marka maamulka Saciida Cabdullaahi Deni waa inuu hadda bilaabaa sidii loo heli lahaa nidaam hubka iyo ciidammadaba ay ugu baaqi noqonayaan maamlka Puntland mar kasta iyo xilli kastaba, waana in la abuuraa xafiis gardaadiya dhaqan gelinta arrintaas oo waliba kor joogteeya. Madax-Weyne Deni, waxaa hor yaala furdaaminta arrimaha taagan, sida ay wax u muuqdaanna huri meyso in madax-weyne Deni ay is hor fariistaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee daneyniya inay u tartamaan madaxweynenimmada Puntland. Waxaana arrin mucaaradka loogu garaabi karo ah in madax- weynuhu uusan xilligaan furin Dastuurka Puntland, balse arrintaas loogu kaadsho baarlamanka la soo dooran doon iyo xukuumadda cusub ee imaan doonta , iyadoo had iyo goor laga fogaanayo tuhunka ka dhalan kara arrinkaas oo ah in hadba qofka xafiiska jooga uu isaga ku daneysanayo furitaanka dastuurka. Arrimuhu ma sahlanaan doonaan waqtigana aad buu u koobanyahay, talooyinka qaarkoodna haddii aan si geesinimo ah loo wajihin xalka wuxuu noqonayaa mid fogaada, xalkana wuxuu ku jiraa iyadoo laysla fahmo in waxa laysku hayo uusan jirin qof keliya oo gaar u leh, waxaana run ahaantii aad macquul ugu dhowaa ammaanna mudan talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii loo xil saaray xallinta xiisadda Garowe ee uu hor kacayay Daahir Sanweylood. Waxaa iyadana muuqata xiisadda siyaasadeed Garowe ka aloosan, ee wali sii jiitameysa inaan daacad loo abbaarin, balse haddaan degdeg xal looga gaarin uu qiimaheedu ku kici doono Somaliland oo dalka ka go’ada oo waliba Laas-Caanood dib u qabsata!… markaas xaalka Puntland malee!… DHanka kale, marka intaas oo dhan laga soo tago haddii ay magaalladii Garowe ay u egtahay magaalo aan hoos immaan maamulka Puntland oo hoos tagata koox burcad ah oo Aaran iyo Duqow Jaan ah, oo dadkii deegaanka xal ka gaari waayay, waa in golaha shacabka uu sharciyeeyaa oo mooshin ka keenaan meeshii ay Dowlad Goboleedka Puntland salka dhigi lahayd oo ay ku shaqeyn lahayd, mana ah in sida Muqdisho xaalku ahaado Goof Dad Gaar ah mar kasta sheeganayaan oo aan laga guuri karin laguna shaqayn kareyn! Dalka iyo dadku waa mid, dowladana waa in meesheey kalsooni ku qabto degto. Madax-weynaha jamhuuriyadda Xasan SHiikh Max’ud oo dad badan oo xog-ogaal ah ay ku tilmaameen inuu isagu yahay ninka maal gelinaya waxyaabaha ka dhacay Garowe, isla markaasna uu taageera aan is bedelin u haya siyaasadda Muuse Biixi ayaa waxaan shaki ku jirin inuu u bareeray awood inuu wax ku maamulo, wuxuuna dayacay ammaanadii, waxaana durba soo shaac baxay khilaaf siyaasadeed oo uusan maanta shacabka Soomaaliyeed diyaar u ahayn, iyadoo burbur kasta oo maanta dhaca aysan sahlanaan doonin in dib looga soo noqdo!!Doorashada qof iyo codka ah ee ay Puntland hirgelisay waxay ka mudneyd bogaadin, maxaa yeelay markii hore haddii aad ka digay inay doorshadaas Puntland u horseedeyso burbur waxay ahayd inuu raali gelin ka bixiyo isla markaasna bogaadiyo, waxaase muuqata inuusan heerka biseylkaas gaarin, waayo horumarka dadka iyo dalka ayaa iska leh! Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya way dhaqaaqday, Geeddi Caano Leh bay guureysaa oo lagu degayo Rug Caano Leh Eebbe Idankii!…. The post Aaran-Jaan mooyee, Geeddi Caano Leh baa la guuray oo la degay! appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah Isimida dhaqanka SSC oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhageystay Garaadada dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka. Garaadada Dhaqanka ayaa dhankooda madaxweynaha Jubbaland uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan ee u sameeyay. Isimida SSC ayaa sidoo kale waxay u bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka. Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho. Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan. The post Maxaa looga hadlay kulanka Isimida SSC iyo Axmed Madoobe? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan. Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Madaxweynaha oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee dalladan, fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan. Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa shalay ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan. 14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan. Si kastaba, Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika. The post Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray guusha usoo hoyatay Soomaaliya ee… appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali government forces, in collaboration with African Transition Mission in Somalia (ATMIS) troops, took steps to dismantle Al-Shabab strongholds and military posts in the Middle Shabelle region on Thursday. Source: Hiiraan Online
  5. London (Caasimada Online) – Sacda Mire oo ah gabar Soomaali ah ayaa ku guuleysatay inay ka mid noqoto dadka ku guuleystay abaalmarinta Wayfinder Award ee ay bixiso National Geographic Explorer. Dadka la siiyo Abaalmarinta Wayfinder waa shaqsiyaad isu soo taagay inay yihiin jiilka soo socda ee hogaamiyayaasha saamaynta leh, iyo hal-abuurayaasha shaqadooda muhiimka ahi nagu dhiirigaliyo inaan wax ka barano. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinla wadaago in aan helay Abaalmarinta Wayfinder oo aan ku biirayo bulshada caalamiga ah ee National Geographic Explorer,” ayay barteeda Twitter soo dhigtay. Sada Mire waa cilmi-baare aasaarta qadiimiga ah oo Soomaali Iswidhis ah. Waa taariikhyahanad u ololeeya kor u qaadidda hidaha dhaqanka sida baahida aasaasiga ah ee bini’aadamka waqtiyada dagaalka. Sacda waa gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga aasaarta qadiimiga, in ka badan toban sano, waxay ahayd khabiirka kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran cilmiga aasaarta qadiimiga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland. Waa maareeyaha aasaaska waaxda cilmiga qadiimiga ah ee Somaliland. Waxay sidoo kale tahay agaasimaha iyo aasaasaha machadka Horn Heritage Foundation, iyada oo ka shaqeysa cilmi-baarista iyo ilaalinta hiddaha Geeska Afrika oo dhan. Goobaha taariikhiga ah ee Somaliland ay Sacda ku soo aragtay Labaatankii sano ee ugu dambeeyay goobo badan oo taariikhi ah ayaa laga helay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland. Waxaa haatan jira in ka badan boqol goobood oo ay ugu caasan taay Laas Geel oo laga helay dhagxaan ay sawirro ku xardhan yihiin oo 9000 jirsaday. Si kastaba, dhagaxaantan ma aysan aqoonsan mana ilaaliyaan ururrada daryeela goobah ataariikhiga ah sida UNESCO. Dr Saada Mire oo ah khabiir dhanka deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegtay in Somaliland ay ku yaallaan goobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay tahay in laga warqabo oo la ilaaliyo. Laasgeel oo 40 meyl dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin , kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay. Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ah muddo labaatan sano ka hor ah. Isha: BBC The post Sacda Mire oo abaal-marin qaali ah ku guuleysatay appeared first on Caasimada Online.
  6. The United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) on Thursday said more than 100 refugees, who will be resettled in Norway, have been flown out of Libya. Source: Hiiraan Online
  7. Regional leaders on Wednesday, May 31, directed the East African Community Secretariat and the Council of Ministers to “with immediate effect” commence negotiations with Somalia as regards the latter’s request to join the seven-member bloc. Source: Hiiraan Online
  8. Gili Yalo and Nimcaan Hilaac rose from very different musical and cultural traditions. Cedar-Riverside residents will recognize their music. And the broader community, about to be introduced to it, is also in for a treat. Source: Hiiraan Online
  9. A Somali man who killed a friend and then negotiated with the family for forgiveness through Maslaha, a Muslim faith concept, and paid 100 camels has got a slight reprieve in his murder appeal. Source: Hiiraan Online
  10. Seventeen countries in West Africa and the Sahel have agreed a deal to make soil fertilisers more accessible and affordable. The region, heavily dependent on imports, is facing a major food crisis that has been exacerbated by climate change. Source: Hiiraan Online
  11. Just days after Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, overran a Ugandan military base in southern Somalia, its men again raided another major outpost in central Somalia. Targeting a Somali special forces base in the central Galguduud Region, the assault targeted newly deployed troops freshly trained in Eritrea. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee doorashooyinka, kaasi oo ay ka biya diideen hoggaanka labada xisbi mucaarad. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay in mucaaradku anay gali doonin doorasho aan tan madaxtooyada ahayn, xilli uu madaxweyne Muuse Biixi uu qorsheynayo in doorashadaas ay ka gadaal marto doorashada ururada. Guddoomiye Faysal ayaa waxa uu sheegat in aanay suurta-gal ahayn in xilligaan doorashada ururada laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, maadaama uu ku dooday inay sharciyad ku fadhin arrintaas. “Horta doorasho ururo dhicimayso, nin ka doorasho urur doonayow reerkiinu haduu kuu codeeyo yaa kale kuu codaynaya, suurtagalna maaha, sharcina maleh, adduunkana kama dhacdo” ayuu yiri Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu aanay gali doonin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada, “Labada xisbi mucaarad iyo taageerayaashoodu go’aan ayay soo saareen ay leeyihiin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn gali mayno.” Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa uu sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Biixi ee uu ku fadhiyo kursiga u sareeya Somaliland. “Somaliland adiga ayaa dabada haya hadii aynaan dhexdeena ka heshiinin oo aynaan wax ku heshiinin, waxad kaligaa wadi kartaa ma jirtee dalka uun baad khatar galinaysa,” ayuu Guddoomiye Faysal hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu la kulmo hoggaanka mucaaradka, si ay iskula eegaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taagan yahay. The post Mucaaradka SOMALILAND oo ka horyimid qorshaha madaxweyne Muuse BIIXI appeared first on Caasimada Online.
  13. Masjidkii Muslimiinta ee noqday Jaamacaddii ugu horreysay dunida Jaamacadda aan ka sheekaynayo ma aha Oxford ama Harvard, mana ahan jaamacadda Cambridge ee caanka ah. Waxaan ku dhex gaynayaa Moroco iyo magaalada Fes oo ah halkii laga bikaaciyey aqoonta casriga ah. Waa magaalada loogu marag kacey inay iba furtay jaamacaddii u horraysey ee dunida abbaarihii qarnigii sagaalaad. Xilli ay Yurub iyo dunida inteeda kaleba ay la daala-dhacayaan hagar daamada madow ee jahliga, waxa bariga dhexe iyo waqooyiga Afrigaba ka nuurayey waadiga ilayska aqoonta, kaa oo sadcaallo dhaadheer looga imanayey safarro ka baxsan qaaradda Afrika, si looga harraad go’o, loona dabar gooyo aafada aadanaha dib u dhigtey ee cilmi la’aanta. Haddaba, magaalada Fez ee dalka Moroco waxa laga furey hilaaddii 859 DA masjid loogu magac darey AL QARAWIYIIN, kaas oo u xuubsiibtey dugsi waxbarasho loona aqoonsadey daladdii cilmiga iyo jaamacaddii u horraysey ee adduunka. Faatuma Binti Maxamed Al Fihriyi oo ahayd haweeney dhallinyaro ah ayaa saammigii ugu badnaa ay ka heshey dhaxalkii aabbaheed u adeegsatey iney ku furto Jaamacaddan oo anfacdey dunida islaamka iyo bulshada inteeda kaleba. Jaamicadda Al Qarayiwiin oo loo arko in si wanaagsan loo maamuley ayaa noqotey mid lagu soo hirto, hormuudna u noqotey waxbarasho casri ah oo aan horey loo arag aynigeeda, waxa ayna kaalin mug leh ka qaadatey kobocii dahabiga ahaa ee Islaamka. Al Qarawiyiin ayaa noqotey inta la ogyahey madashii u horraysey ee laga bixiyo shahaadooyin abaal marin ah iyada oo la eegayo heerka waxbarasho ee qofka. Halkaas oo ay kasoo bilaabatay dhaqanka jaamacadaha dunida ee ah shahaadooyin la guddoonsiiyo dhammaadka waxbarashada. Jaamacadaha caanka ah ee dunida ugu waa weyn maanta sida Oxford, Bologna iyo Cambridge waxa ay soo kordheen laba illaa siddeed qarni kaddib curashadii Al Qarawiyiin. Maaddooyinka ay jaamicaddu bixin jirtey waxa ka mid ahaa Culuunta Islaamka, luuqadda Carabiga, xisaabta iyo cilmiga dhaqaatiirta ee barashada dawooyinka, waxa ayna soo jiidatey arday badan iyo indhaha saynisyahanno caan ah. Jaamacadda oo loo garan ogyahey THE UNIVERSITY OF AL QARAWIYYIN ayaa si rasmi ah loogu darey nidaamka waxbarasho ee dalka Moroco 1963, Laan kale oo ay jaamacaddu leedahey ayaana laga furey isla magaalada Fes ee dalka Morocco. Ardayda Jaamicadda ayaa ahaa kuwo ku dhex jirey manhajka waxbarasho ee Jaamicadda iyaga oo dhiganayey shareecada Islaamka, cilmiga naxwaha, luuqadaha, sayniska, xisaabta iyo wixii la halmaalo. Doodo wax ku ool ah ayaa la qabtey, waxaana la shir guddoomiyey fikradaha waxbarasho ee isbeddel abuuri karo, waxa la gorfeeyey caqabadaha taagan iyo sidii looga gudbi lahaa, waxa la casuumey cidkasto oo aragti lagu tuhmayey, waxana hoosta laga xarriiqey in la kaydiyo wixii xog muhiim ah loo arkayey. Dhanka kale, waxa ay jaamicaddu leedahey maktabad lagu tilmaamo in ay tahey mid ka mid ah kuwa ugu faca wayn ee abid la aas-aasey isla markaana weli nool, sida ay shaacisey Qaramada Midoobey amaba laga soo xigtey waaxda waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO. Waxaana lagu diiwaan geliyey dhiganaha mucjisooyinka adduunka ee Guinness Book of World Records loona aqoonsadey in ay tahey jaamacadda ugu da’da wayn dunida taa oo weli shaqaynayso. Maktabadda jaamicadda ee la dhihi karo waa hoyga aqoonta waxa laga helayaa shahaadadii asalka ahayd ee Faaduma Al Fihri oo ah Diplooma kuna qoran loox alwaax ah, qoraal gacmeedyo laga kaydiyey qarniyadii hore, kitaabkii Muqaddima ee Ibnu Khaldun, agab muhiim ah iyo farshaxanno kala duwan. Masjidkeedu waxa uu leeyahey saqafyo cajiib ah, silin qurux badan, midabbo nuurayo iyo goobo ilqabad leh oo loo dalxiis tago, waxana uu ardaagu u furanyahey xitaa dadka aan Muslinka ahayn, kuwaa oo afaafka iyo aagga masaajidka milicsan karo, hab dhismayaasha iyo biya mareennadana daawan karo. Isbeddelo dheeri ah ayaa markastaba ku socdey dhismaha masaajidka iyo guud ahaanba dhulka jaamicadda waxana naqshadaha ubaxa leh ku soo kordhiyey qarnigii 12-aad boqoyortooyadii Almoravids. Nasiib darro, qarniyadaa oo aan laga hayn qoraallo wax ku ool ah marka laga reebo dad dhif iyo naadir ah sida taariikhyahankii faylasuufka ahaa ee Ibnu Khalduun, waxa la dhihi karaa waxa jiro gidaar inooga gadaaman qayb ka mid ah taariikhda jaamicadda oo aan weli ina soo gaarin. Qalin jabiyaasha caanka ah ee ka aflaxey jaamicadda waxa ka mid ahaa buunigii muslimiinta ee qarnigii 12-aad Ibnu Rushdi, Pope Sylvester oo la sheegay inuu ka bartey afka carabiga gaar ahaan tirada oo uu kolkii dambe yurub u sii gudbiyey, Moses ben Maimon, Ibnu Al Xaaj Al Badri, Faylasuufkii Ibnu Arabi, cabqarigii waynaa ee ahaa qoraaga, saynisyahanka iyo siyaasiga Ibnu Khalduun, qoraagii Leo Africanus, Muftigii Axmed Maxamed Al-Maqaari iyo qaar kaloo badan. Qaran News
  14. Brussels (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Belgium-ka, ayaa dareen ka muujiyay lacagaha laga qaado dadka u soo doonta safaarada Soomaalidu ku leedahay Magaalada Brussels waraaqaha aqoonsiga, kuwa dhalashadda iyo baasaboorka Soomaaliga. Jamaal Caraaye oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Magaalada Antwerp iyo Guddoomiyaha ganacsatada Soomaalida dalkaasi Eng. Maxamed-deeq ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay waxqabadka iyo kaalinta safaarada. Jamaal Caraaye, oo ka qeybgalayay dood ku saabsaneyd waxqabadka safaarada iyo kaalinta safiirka, wuxuu sheegay in safiirku uu safaaradii Qaranka ka dhigay goob sida uu doono u maamulo. “Safiir Yoonis, wuxuu kaga duwan yahay safiiradii hore dadka la shaqeeyo iyo xittaa kuwa uu mushtamaca ka xushay waa dad uu is leeyahay waad isticmaali kartaa. Dowladda Soomaaliya waa in ay il-gaar ah ku eegtaa waxa ka soconaya safaarada, in magacii iyo heykalkii Dowladnimada loo isticmaalo dan shaqsi ah waxeey dhaawaceysaa kalsoonidii ay bulshadu ku qabtay Dowladooda. Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ka codsaneynaa in ay tixgeliyaan farriintii Jaaliyadeenu ugu soo fartay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhowaan nagu soo booqday Antwerpen,” ayuu yiri Jamaal Caraaye, isaga oo intaasi ku daray in ay jiraan dad aqoonyahanno ah oo isku dayay in ay safiirka la shaqeeyaan markii ay arkeen inuu yahay shaqsi safaaradii ka dhigay maqaayad uu isagu maamulo ay howshii isaga tageen. “Safaaradi waxeey ku shaqeysaa nidaam iyo shuruuc, qof kasta na wuxuu leeyahay waajibaad dastuuri ah iyo meeqaam. Marka laga hadlayo nidaamka diblumaasiyada, howsha safaarada waxaa mas’uul ka ah Qunsulka, safiirku wuxuu leeyahay maamuus gaar ah, waxaa safaarada ka socda haddaad ogtihiin iyo haddii kale ba waa “dis-respect” lagu sameeyay gabadha Qunsulka ah ee dhowaan la soo magacaabay. Waxaan rabaa inaan safiirka weydiiyo hal su’aal; Siddeey ku dhici kartaa in safaaradii oo leh intaas oo baabuur oo adiga laftigaaga hadda aad soo iibsatay baabuurkii 2-aad, isla markaana aad degan tahay dhismihii safaarada adiga iyo shaqsi kale, inaad Qunsulkii safaarada dejisay Magaalo kale oo aad tiri subax walba tareen ku soo shaqa-tag. Qunsulka ma haysato baabuur, waxeeyna degan tahay guri “sharing” ah; Arrintaasi kuma aha ceeb iyo weji-gabax keliya Dowladda Soomaaliya waxeey kaloo fadeexad ku tahay nidaamka diblumaasiyada,” ayeey tiri Istaahil Maxamuud Shire oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Magaalada Gent. Eng. Maxamed-deeq oo ka mid ah ganacsatada hormuudka u ah Soomaalida, wuxuu muujiyay aragti ka duwan tan Jamaal Caraaye, wuxuuna safiirka ku tilmaamay shaqsi ey tahay in lagu ammaano siduu u soo celiyay haykalkii iyo sharaftii ay safaaradan Brussels laheyd. “Qofka doonaya inuu qiimeeyo waxqabadka safiirka, anigu waxaan qabaa inuu safaarada tago, soo arko qaabka ay u shaqeyso iyo adeega ay bulshada u qabato. Waa jiraan dad badan oo ka cabanaya lacagaha ay safaaradu ka qaado dadka waraaqaha iyo baasaboorada ka soo doonta, dhaqaalahaas na waxaa lagu kabaa baahida dadka safaarada ka shaqeeya iyo adeegyada safaaradu u baahan tahay,” ayuu yiri Eng. Maxamed-deeq. Eng. Maxamed deeq, waxaa kale uu sheegay in dhowaan shir lagu maamuusayay sannad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Xassan xaflad ay qabteen in safiirku kala soo qeybgalay. HOOS KA DAAWO DOODA KU SAABSAN WAXQABADKA SAFAARADA. The post Daawo: DOOD hareysay waxqabadka safaaradda Soomaaliya ee Brussels appeared first on Caasimada Online.
  15. Soomaalida oo gaalaa-bixi doonta Burundi, Kenya, Rwanda, Uganda iyo Tanzania. Tani ayaatimi ka dib markii caawa la aqbalay codsiga Somalia ee ku biirista ururka Bulshada Bariga Afrika. Qaran News
  16. SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeeysay in ay dhibaato dil iyo burburin leh ka gaysatay Laascaanood Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah isimada SSC ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dishay boqollaal qof, isla markaana ay magaalada Laascaanood burbur ka gaysatay. Afhayeen u hadlay SSC oo warbaahinta u akhriyay warsaxaafadeed kasoo baxday kulanka, ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay Laascaanood ku dishay shacab tiro badan, burburna u gaysatay. “Somaliland mudadii ay ku jirtay duulaanka ay kusoo qaaday Laascaanood waxa ay ku dishay 500 oo qof, oo anay u kala eegin mid dagaalamaya, mid waayeela, mid caruura iyo mid si amniya u jooga, waxayna ku dhaawacday dad gaadhaya 3000 oo qof” ayuu yidhi afhayeenku. Waxa uu Somaliland ku eedeeyeen in ay Laascaanood xoog ku haysatay mudadii ay joogtay isla markaana ay dad ku laysay magaalada iyo deegaanada kale ee gobolka Sool, dadkaasi oo ka koobnaa, waxgarad, tijaar iyo siyaasiyiin. Somaliland dhankeeda waxay sheegtay in dadka ay laayeen kooxo argagixiso ah. Waxa uu intaa ku daray in kadib markii ay bulshadu ka kacday dilalkii isdaba jooga ahaa ee magaalada ka dhacayay, ay ciidamada Somaliland laayeen dad mudaharaadayaal ah oo shacab ah, intaa kadibna ay Somaliland magaalada duqaysay oo ay madaafiic waa wayn la dhacday. Waxa uu sheegay in dadka magaalada ka qaxay ay dhanyihiin 300,000 oo qof inkasta oo hay’addaha caalamiga ahi ilaa 180,000 ku qiyaaseen dadka qaxay, waxa uu intaa ku daray in ay xidhmeen dhamaan goobihii waxbaraashadu. Ugu danbayn, beesha caalamla, Qaramada Midoobay iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay Somaliland ku qanciyaan in ay ciidankeeda kala baxdo dhulka SSC. Hadhimo-sharafeed Madaxweynaha Jubbaland , Axmed Madoobe ayaa kulan qado ah la qaatay Isimmada dhaqanka SSC-Khaatumo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho. “Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.” ayaa lagu yidhi qoraal uu baahiyay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland. Qaran News
  17. Garoowe (Caasimada Online) — Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa u ololaynaya in liiska argagixisada lagu daro Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xubnahan ayaa waxay doodda u weyn ee u cuskanayaan qorshahaan ay ku rabaan in Somaliland lagu daro liiska argagixisada, ku saleeyay duulaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sida laga soo xiganayo Xildhibaanadan, waxay qorsheynayaan in soo jeedintan ka dhanka ah Somaliland horgeeyaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bisha June si uu go’aan gole u noqdo. ”Muuse Biixi iyo maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso sida uu Laascaanood-ba ka sameeyay ee falalka bahalnimada ah, ” ayuu yiri xildhibaan kamid ah kuwa wada qorshahaan ka dhanka ah Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha laga soo doorto deegaannada SSC ayaa hormuud ka ah qorshahaan lagu rabo in Somaliland lagu daro liiska argagixisada ee la horgeynayo Baarlamanka Puntland. Somaliland iyo bulshada reer SSC ayaa si weyn u kala fogaaday tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood, kaasi oo qaatay billooyin dhowr ah, uuna ka dhashay khasaare xooggan. Si kastaba, Go’aannada Baarlamaanka Puntland ayaa la sheega in inta badan saameyn xooggan ku leeyihiin xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee hadda isku hayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka. Arrinta ayaa imaneysa xilli xukuumadda Somaliland ay wajaheyso culeysyo waaweyn oo ah xagga ciidanka iyo cadaadisyo diblomaasiyadeed, oo caalami ah xili ay sii socdaan colaadaha sii daba dheeraanaya ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Colaadda ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka, iyadoo dhowr dal iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen Somaliland inay gaysatay dambiyo dagaal iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. The post XOG: Xildhibaanada Puntland oo wada qorshe culus oo ka dhan ah SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  18. ” Dalka Cadaab Waxa Ugu Filan Muusahaa Haysta, Tala Xumadiisa Waa Ninkaa Doorashadii Inuu Dhigo Laga Kari Waayay, Talada Wanaagsani Waa In Nidaamka Muuse Laga Tashado” …Xildhibaan Mustafe Kheyreeye Qaran News
  19. Cirro Baafinaaya Kaydh 10 La Sheegayay In Berbera Looso Iibinaayo Ayaa yidhi. ” 10 sanno, waxaa miisaaniyada ku jiray Laydh Berbera looso iibinaayo, Halkan waxaan imi 2021, waxaan soo maray madaarka oo laga waday mashruuc Imaaraadku keenay oo Laydh bilaasha ah, Ingineeradii waday waxay nagu yidhaahdeen magaalada iyo Dekedda hadii ay waynaato Laydhkan wuu ku filnaan doonaa waana bilaash. Waar waxan Berbera Laydhkeeda qaata ma Xanfalibaa horta ? Berbera meeshi laydh ka caban lahayd maaha, dakhliga miisaaniyadu halkan ayuu kasoo xarooda saamina 10 way ku keedahay magaaladu, inay ka laydh la’aato maaha dadka xaqooda hala siiyo. Waxaan balan qaadaynaa in mid 10-20 cent ah keeno hadii aanaan mid bilaasha keenin, waad ku tala galaysaan oo waan keenaynaa.” Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Riyadii Soomaaliya ee ku biiritaanka suuqa iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa u muuqata inay rumoobeyso, kadib dadaallo muddo socday. Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa maanta ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay tallaabadan, oo lagu tilmaamay “guul diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo u soo hoyatey dalkeena.” War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay arrintqqn, ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wax weyn ku soo kordhin doonto wadamada walaalaha ah ee EAC, islamarkaana ay ka qayb-qaadan doonto is dhex-galka iyo barwaaqada gobolka. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhawaynaysaa ansixinta “Warbixinta Xaqiijinta” ee codsigeeda ay soo saareen Madaxda Waddamada Bariga Afrika, kaasoo dib u eegis iyo falanqayn lagu sameeyay shir-madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee 31-kii May lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Waxa kale oo lagu yiri “Qaadashada warbixinta hubinta ayaa ah tallaabo xusid mudan iyo marag ma doon ah in Soomaaliya ay diyaar u tahay oo ay si buuxda u qalabaysan tahay in ay ku biirto EAC.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadiyay in kalsoonida uu kasoo baxay shir-madaxeedka codsiga Soomaaliya ee ah inay ka mid noqdaan EAC iyo xirfadda ay muujisay xoghaynta. “Soomaaliya waxay mahad-celin iyo bogaadin u soo jeedinaysaa madaxda xubnaha ka ah iyo xoghaynta guud ee bulshada Bariga Afrika.” Bayaanka dowladda ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in tallaabadan ay xaqiijinayso go’aankeeda iyo rabitaankeeda ku aaddan inay gasho wada-hadallo miro-dhal ah oo soo dadajin kara xaqiijinta EAC ee xubinnimadeeda iyo si rasmi ah ku biiristeeda. Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan. 14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan. Si kastaba, Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika. The post Riyadii Soomaaliya ee EAC oo rumoobeysa iyo DF oo war kasoo saartay appeared first on Caasimada Online.
  21. Jeddah (Caasimada Online) – Safiirkii dhawaan is-casilay ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya ayaa xilkii si rasmi ah u wareejiyay, sida uu Danjiraha ku shaaciyay qoraal uu soo saaray. Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa xilkii safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga ku wareejiyay sii-haya xilka, Mudane Abshir Warsame. Saalim ayaa uga mahad-celiyay dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sacuudiga, howl-wadeenada safaaradda, Qunsliyada Guud ee Jeddah iyo weliba munduubiyada OIC, sidii ay ula shaqeeyeen muddadii uu ku sugnaa Sacuudiga, uuna hayay xilka safaaradda. Saalim Macow Xaaji ayaa dhawaan is-casilay, kadib markii uu si weyn uga cowday Hinda Culusow oo ah madaxa hab-maamuuska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Danjire Saalim ayaa qoraal uu hore u soo saaray uga andacooday in laga reebey ka qeyb-galka shirka 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19-ka May, 2023. “Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo,” ayuu ku yiri qoraalka. Waxa uu intaas ku daray “waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado.” Waxa uu sheegay inuu arrintaasi la socodsiiyey wasiirka arrimaha dibadda, balse wasiir Abshir Cumar Huruse uu ka gaabsadey inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo. Arrimaha uu safiirka sheegay waxaa sidoo kale mid ah inuu yiri “in leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.” Si kastaba, waxaa xusid mudan in safiir Saalim Macow uu kamid yahay shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana la hadal hayey in la beddeli doono. The post Safiirkii is-casilay ee Somalia u fadhiyay Sacuudiga oo qaaday tallaabo cusub appeared first on Caasimada Online.
  22. Jowhar (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al Shabaab ayaa xaalad amni darro ka abuuray waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ka dib markii ay soo saldhigteen deegaanka Qalimow oo isku xira Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Maleeshiyadan ayaa Arbacadii shalay waxay waddada Qalimow ka kaxeysteen illaa toban gaari oo dad rakaab ah ay la socdeen, mid ka mida uu qaad u siday Magaalada Jowhar. Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay gaadiidkaasi iyo rakaabkii la socdayba ay geeyeen deegaanka Basra, oo ku taala waddada xiriirisa Balcad iyo Afgooye. Shabaabka ayaa dib u xoriyadooda u siiyay qaar ka mid ah dadkii socotada ahaa, halka qaarka kalena ay ku hayaan deegaankaasi Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka ay Shabaabku ku reebteen Basra ay ku jiraan dad ganacsato ah. Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in mintidiinta lagu arkayo deegaanka Qalimow, oo muhiim u ah isu socodka Balcad iyo Jowhar. Tani ayaa baqdin ku keentay dadka ku safra waddada Jowhar iyo Muqdisho, oo billihii ugu dambeysay ay soo badanayeen dadka ku safra waddadaasi. Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan weli ka hadlin Shabaabka hubeysan ee soo degay waddada Qalimow. The post Maleeshiyada Al-Shabaab oo xaalad ka abuuray waddada Jowhar iyo MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.