Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballan-qaadkii ay horey u kala saxiixdeen. Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, ayaa ra’iisul wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balan-qaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda. Masuuliyiinta mashaariicda wasaaradda gacanta ku haya ayaa kulankaan uu la yeeshay ra’iisul wasaaruhu ku soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay. Sidoo kale waxay la wadaageen waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo ra’iisul wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa faray wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah. Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu faray in wasaaradda ay wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanq-aadkii ay horey u kala saxiideen. Ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u faray wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu tala-galay, taasi oo xoojineysa isla xisaabtanka xukuumadda oo si rasmi ah u billowday. The post Isla xisaabtanka xukuumadda oo billowday iyo R/W Xamza oo maanta tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
  2. Raage Garaad Cabdiqani ayaa sida wararku xaqiijinayaan xil wasiirnimo ka raadinaya xukuumadda Muuse Biixi. Raage oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa dhawaan ka soo laabtay dibadda waxaana munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in uu raadinayo booska wasiirka Gaadiidka Somaliland oo uu hadda fadhiyo Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed. Weli-se ma cadda in Muuse Biixi uu booskaasi wasiirnimo u magacaabi doono Raage iyo in kale. PUNTLAND POST The post Raage Garaad Cabdiqani oo xil wasiirnimo ka raadinaya Somaliland appeared first on Puntland Post.
  3. Days after he was officially banned from ever earning the Minnesota DFL's endorsement, Minneapolis City Council candidate Nasri Warsame says he is continuing his campaign. Source: Hiiraan Online
  4. Ugandan President Yoweri Museveni has said 54 of the country's peacekeeping troops were killed in a deadly attack last week in southwestern Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ka dhacay Buulo Mareer, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday saldhiga ATMIS ee magaaladaasi. Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dishay sarkaale sare oo ka tirsan ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda, kaasi oo ay magaciisa ku sheegtay Edward Nyororo. “Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo oo ahaa taliyaha guutada Zulu ee ka howl-gasha deegaanada Buulo-Mareer, Golweyn iyo Baladul Amiin ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkii saldhigga Buulo-Mareer ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta kooxda. Sidoo kale waxay soo bandhigtay kooxdu sawirka meydka taliyahaan, ee ay sheegtay inay ku dishay weerarkii Buulo Mareer. Al-Shabaab ayaa hore guul weyn uga sheegtay weerarkaasi, kaasi oo ay sheegtay inay ku dishay illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. Dhinaca kale, Askarta Uganda looga dilay weerarkaasi ayaa lagu sheegay inay gaareyso illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab. Sidoo kale, Militariga Uganda ayaa markii u horeysay qiray in qaar kamid ah askartooda ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab kadib weerarkaasi ay dagaal-yahaanada kooxda ku qaadeen saldhiggooda militari ee magaalada Buulo Mareer. Sarkaal Soomaali oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen ugu yaraan saddex askari, oo kamid ah kuwa Uganda, kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday saldhigooda Buulo Mareer. Si kastaba, Weerarkii Buulo-Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS. Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee Buulo Mareer. Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab. “Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni. Sidoo kale waxa uu intaas ku daray “Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM.” The post AL-SHABAAB oo sheegtay inay dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Uganda appeared first on Caasimada Online.
  6. Kenya has closed its diplomatic mission in the Sudanese capital Khartoum, as clashes intensify between the rival military forces. Source: Hiiraan Online
  7. Baidoa (HOL) - Ten members of al Shabab militants surrendered to the South West regional state forces in the Bay region on Monday. Source: Hiiraan Online
  8. Dowladda Senegal ayaa joojisay isticmaalka internet-ka mobilada ee meelaha qaar, sababo la xiriira rabshado dad badan lagu dilay iyo farriimo naceyb iyo qaran dumis ah oo lagu faafiyay internetka, sida laga soo xigtay bayaan ay Dawladda soo saartay. Dalka ku yaalla galbeedka Afrika ayaa waxaa saddex maalmood ka socday mudaaharaadyo rabshado wata oo ay ku dhinteen 16-qof, taasoo ka mid ah dibadbaxyadii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobannaan sanno ah. Rabshadaha ayaa ka dhashay xukunkii lagu ridday hoggaamiyaha caanka ah ee mucaaradka Ousmane Sonko, kaasoo lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, taasoo ka hor istaagi karta inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee dhacaysa Febraayo. PUNTLAND POST The post Senegal oo meelaha qaar laga joojiyay internet-ka mobilada appeared first on Puntland Post.
  9. A Saudi who hasn’t slept for 40 years We often see people who haven’t slept properly for days due to stress, anxiety, or other socioeconomic reasons. However, here is a Saudi man who has not been able to sleep for the last 40 years of his life! Saud bin Mohammad Al Ghamdi says that he is not mentally ill, nor does he suffer any mental illness. He is 70 years old and has not been able to sleep “normally” for the last 40 years. He has gone to multiple doctors who had described his condition as “Clinical depression”. He has done what was prescribed to him, he has taken several medicines but nothing seemed to work. His stress and anxiety did not reduce. Now, he has consulted with a few Sheikhs. It has helped him continue his work but his sleep issues are still there. He can lead a normal life, and do his daily tasks but he has not been able to combat sleep issues. Qaran News
  10. Qaar ka mida Xildhibaannada Barlamaanka Somalia Mushaarka laga jarayo+Sababta keentay Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan lagu waday in ay yeeshaan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka , kaddib markii kulanka ay soo xaadiri waayeen tiradii uu kulanka ku furmi lahaa. Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abshiroow ayaa sheegay in uu maanta baaqday kulankii baarlamaanka, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in kulanka kooram la’aan maanta u baaqdo. Waxa uu sheegay guddoomiye Abshirow in tallaabo laga qaadi doono xildhibaannada aan soo xaadirin kulamada baarlamaanka, waxa uuna cadeeyay in aysan isku xaquuq noqon doonin xildhibaannada kulamada soo xaadira iyo kuwa fasax la’aanta ku maqan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in lacago laga jari doono xildhibaannada kulamada baarlamaanka ee fasax la’aanta ku maqan, waxa uuna digniin adag u diray xildhibaannada aan soo xaadirin kulamada. Kulanka baarlamaanka ayaa maanta laga hor aqriyay magacyada xildhibaannada kulanka soo xaadiray, xildhibaannada fasaxa la ogyahay ku maqan iyo sidoo kale xildhibaannada fasax la’aanta ku maqnaa kulanka maanta. Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in xildhibaannada ka maqnaada kalfadhigan dhawwaan furmay, waxaana kulankan maanta baaqday imaanayaa xilli isbuucii hore xildhibaannada ka doodeen mooshinka muddo kordhinta. Qaran News
  11. Qatar,Maraykanka & UK oo $10.5 milyan oo gargaar ah ku caawinaya Soomaaliya 10.5 milyan oo doolar oo ah gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga, ayaa la siindoonaa Soomaaliya iyadoo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho. Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa la doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay sanadihii 2021 iyo 2022. Ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa ah cunto yari aad u daran taas oo ay ugu wacan tahay abaaraha iyo rabshadaha ka dhashay colaadaha. “Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadantinimo oo keliya ma xallin karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis, ergeyga Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya. In ka badan saddex milyan oo qof ayaa barakacay Soomaaliya tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore. In ka badan 500,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay dhintaan ama ay wajahaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa u jawaabay madaxweynaha dowlad goboeedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo si lama filaan ah uga hadlay doorashadii u dambeysay ee uu xildhibaano badan ku reebay, kuwaas oo uu kamid ahaa Prof. Dalxa. Laftagareen oo khudbad jeediyay ayaa a sheekeeyay arrimo cajiib ah oo isagu sameeyay intii ay socdeen doorashooyinkaasi oo ahaa kuwa dadban, isaga oo sidoo kale tilmaamay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u noqday kaliya inuu soo saaro xildhibaano iyo kuwa kalena uu reebo. “Aniga waxaan u noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa ay ahayd in aan xildhibaano soo saaro qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaa leedahay intaas ayaan rabaa haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne kasoo doonay”” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen Dalxa oo ka falceliyay hadalkan ayaa ugu horreyntii nin geesi ah ku tilmaamay madaxweyne Laftagareen, maadaama buu yiri uu qirtay khaladkii uu galay. “Marka ugu horreyso waxaan leeyahay madaxweyne Laftagareen marka loo fiiriyo raggii kale ee dambiga la galay wuxuu muujiyay geesinimo, inuu taas u bareerana waa raganimo,” ayuu yiri xildhibaan hore Prof. Maxamed Cumar Dalxa. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Wixii dhacay waxay ahaayeen wax khaldan, mar kalena in lagu noqdo ayaan ka digeynaa”. Maxamed Cumar Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyay in la’iska wada cafiyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, maadaama wixii dhacay uu ka garaabay. “Wuxuu mudan yahay aniga iyo dadka ila midka ah wixii dhacay Ilaahey dartiisa inay iska cafiyaan” ayuu mar kale wareysigan ku yiri Dalxa. Hadalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan heshiis rasmi ah laga gaaray doorashada soo socota, taas oo noqoneyso qof iyo cod, sida ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka. The post Dalxa oo ka falceliyay hadalkii madaxweyne Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  13. Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada. Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beenebeene. Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka socda Beesha Caalamka. Shirkaan waxa lagu faaqidayaa j ihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday hal sabab darteed u baaqday, taas oo kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga tiro xildhibaano ku filan, si uu fadhigu u furmo. Tirada kulankan soo xaadirtay ayaa noqotay 103 xildhibaan oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga, isla-markaana uu digniin culus u diro xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta. Waxaa uu Golaha laga hor aqriyay qaar ka mid ah magacyada Xildhibaannada maqan oo lagu sheegay in intooda badan ay joogaan magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo si adag uga hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in lala xisaabtami doono xildhibaanada maqan. “Maanta kadib waxaa inoo bilaabanaya xildhibaanada imaada iyo kuwa maqan inay isku xuquuq noqoneyn bishaan marka ay dhammaato,” ayuu yiri Cabdullaahi Bashirow. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in uusan jirin doonin xad-gudub xildhibaanada ah, isla-markaana tallaabooyinka ay qaadayaan ay u marayaan xeer hoosaadka u degsan golaha “Xildhibaan lagu xad-gudbaayo ma jiro, xeer hoosaadka waxa ku qoran lee mareynaa,” ayuu sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay, maadaama kulamo badan hore ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan. “Waa mas’uuliyad darro in kulanka baarlamaanka uu u baaqdo kooram la’aan” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xubnaha ka hadlay baaqashada kulankii maanta. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa hortaalo shaqo culus, waxaana maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen wax ka beddal lagu sameynayo dastuurka KMG ah. The post Kulankii Golaha Shacabka oo hal arrin darteed u baaqday appeared first on Caasimada Online.
  15. Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa ku dhawaaqay taageero dhaqaale oo ay iska kaashanayaan saddexdaan dal, isla-markaana lagu caawinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha weli ka jira gudaha dalkeenna, kuwaas oo saameeyay bulshada. Lacag dhan 10.5 milyan oo doolar oo ah gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga, ayaa la siin doonaa dowladda federaalka iyada oo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho. Taageeradan dhaqaale ayaa lagu doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay 2021 iyo 2022. Sidoo kale ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa ah cunto yari aad u daran taas oo ay ugu wacan tahay abaaraha iyo rabshadaha ka dhashay colaadaha. Ergeyga Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka hadlay iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah, balse waxa uu qiray in Soomaaliya aysan ku filneyn intaasi loona baahan yahay taageero kale si xal waar loogu helo dhibaatooyinka gudaha ee weli ka jira dalkeenna. “Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadantinimo oo keliya ma xallin karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis. Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan saddex milyan oo qof, tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore 2022-kii kadib abaaro, fatahaado iyo colaado soo laabtay. Si kastaba, in ka badan 500,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay dhintaan ama ay wajahaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa ku dhowaaqay taageero dhaqaale oo ay iska kaashanayaan saddexdaan dal, isla-markaana lagu caawinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha weli ka jira gudaha dalkeenna. Lacag dhan 10.5 milyan oo doolar oo ah gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga, ayaa la siin doonaa dowladda federaalka iyada oo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho. Taageeradan dhaqaale ayaa lagu doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay 2021 iyo 2022. Sidoo kale ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa ah cunto yari aad u daran taas oo ay ugu wacan tahay abaaraha iyo rabshadaha ka dhashay colaadaha. Ergeyga Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka hadlay iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah, balse waxa uu qiray in Soomaaliya aysan ku filneyn intaasi loona baahan yahay taageero kale si xal waar loogu helo dhibaatooyinka gudaha ee weli ka jira dalkeenna. “Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadantinimo oo keliya ma xallin karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis. Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan saddex milyan oo qof, tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore 2022-kii kadib abaaro, fatahaado iyo colaado soo laabtay. Si kastaba, in ka badan 500,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay dhintaan ama ay wajahaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan. The post Mareykanka, UK iyo Qatar oo malaayiin dollar ku caawinaya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  17. Shaki la’aan, mid ka mid ah magacaabisyada golaha wasiirrada ee uu Erdogan sameeyay ee ugu hadal haynta badan ayaa ahayd Hakan Fidan, oo muddo 13 sano ah soo hoggaaminayey Waaxda Sirdoonka Qaranka (MIT) oo haddana loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Hakan Fidan wuxuu taariikhda Turkiga ku galay in uu noqday magacaabistii rasmi ah ee ugu horreysay ee madaxa sirdoonka hal mar loo dallacsiiyo hogaanka diblomaasiyadda Turkiga. Fidan oo uu Erdogan ku tilmaamay ”furaha sirtiisa” ayaa lagu qiimeeyay in ay heerkan gaarsiisay sida uu ugasoo caddaaday shaqadiisa MIT oo ah hay’ad si joogta ah ugu leg leh hawlaha gobolka, laga bilaabo Libya illaa Suuriya, Ukraine illaa gobollada Caucasus. Waxaa madaxa sirdoonka loo magacaabay sannadkii 2010. Shaqada Fidan oo hawlahan daaha gadaashiisa ka qaban jiray sida habraacii xal u helidda PKK iyo isku daygii afgembi ee 15 kii july, ayaa si taxaddar leh loo daawan doonaa gudaha iyo bannaankaba Muddadii dheerayd ee uu xilka hayay, Hakan Fidan waxa uu ka qayb qaatay hawlo badan oo muran dhaliyay, gaar ahaan tallaabooyinkii uu ka qaaday isku daygii afgambi ee July 15-keedii. Laakiin falcelintii ugu horeysay ee isaga ka soo horjeedday waxay ka timid dibadda, ma ahan mid ka timid gudaha dalka. Ra’iisul wasaarihii Israa’iil Ehud Barak ayaa xilligaas sheegay in noqoshada Fidan ee madaxa sirdoonka Turkiga ay ahayd arrin laga naxo. Barak oo markii hore walaaciisa ka sheegay kulan xiran ayaa markii dambe si cad wuxuu ku andacoodey in Fidan uu qaatay mawqif uu ku taageereyo Iran sannadihii uu “diblomaasiga” ka ahaa Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah intii u dhaxaysay sannadihii 2008 iyo 2009. Mid ka mid ah hadalladiisa naadirka ah, ayuu Fidan bayaan uu soo saaray wargeyska Habertürk ee 2013, ku yiri “Markii ugu horreysay adduunka, dawlad (Israa’iil) waxay ka falcelisay maamulka sirdoon ee dawlad kale waxayna si cad u rabin in Hakan Fidan uu madax u noqdo MIT, danaheeda gaarka ah, waxayna sidaas ku sheegtay war-murtiyeed rasmi ah,” ayuu yiri. Waxaa jiray laba hawlgal oo muhiim ah oo ku astaysan xilligii Hakan Fidan uu xilka la wareegay oo mararka qaar isa saameeyay: xiisaddii ka dhalatay markii uu xumaaday xiriirka dowladda iyo ururka Gülen, iyo geeddi-socod wada-xaajood ah oo Oslo ka bilowday ee lala galay PKK si xal loogu helo dhibaatada Kurdida. Xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo ururka Gülen ayaa sidoo kale u qaadday MIT iyo madaxa hay‘adda, Hakan Fidan, cinwaannada sarsare ee wararka. Bishii Febraayo 7, 2012, xeer ilaaliye gaar ah oo idman oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay ururka Gülen ayaa Hakan Fidan iyo laba sarkaal oo MİT ka tirsan ugu yeeray si ay uga marag furaan kiiska Midowga Bulshooyinka Kurdistan (KCK), laakiin Fidan iyo MIT ma aysan markhaati furin. Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdoğan oo xilka ka maqnaa sababo la xiriira qalliin uu xilligaas ku maqna, ayaa hadal uu jeediyay kaddib sheegay in la xiri doono haddii Fidan uu hadal ka sheego, isagoo xusay in dhacdadan ay tahay shirqool uu Gülen soo maleegay. Waqtigaas, dawladdu waxay ku eedaysay ururka Gülen inay mas’uul ka yihiin baahinta warar ku saabsan nuxurka wada-xaajoodka Oslo iyo baahinta eedeymaha sida MIT oo hub siisay ururrada Islaamiga ah ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ee bilaabmay 2011. Ajendaha wuxuu ahaa in Turkiga oo taageera mucaaradka Suuriya ay si wada jir ah u afgembiyaan nidaamka Bashaar Al-Asad ee dalkooda, iyo taageero hub oo lasoo marsiiyo MİT, dowladduna way diiday eedeymahaas. MIT iyo Fidan ayaa muddo dheer laga hadal hayey gudaha iyo dibadda dalka, sababtuna tahay siyaasadda la raacay gaar ahaan xilligii ugu horreeyay ee dagaalka sokeeye ee Suuriya. Mid ka mid ah qalalaasihii ugu weynaa ee dhaca taariikhda casriga ah ee Turkiga ayaa ahaa isku daygii afgembi ee 15 kii july 2016 dalkaas ka dhacay. Xilligan waxa si weyn looga dooday waxa MIT oo uu madaxda ka ahaa Hakan Fidan ay sameeyeen iyo waxa ay qaban waayeen. In kasta oo ay kobcisay awoodda iyo xog-ururinta, haddana in aan hore loo ogaan in koox ka tirsan ciidammada Turkiga ay isku dayaan afgambi, ayaa weli ka mid ah arrimaha la dhaliilayo. Guddoomiyaha xisbiga CHP Kemal Kılıçdaroğlu, oo isticmaalaya weedha ah “isku day afgambi oo la xakameeyey” ayaa ku andacooday in wixii dhacay 15-kii Luulyo ay dhab ahaantii ahaayeen shirqool ay qorsheeyeen sirdoonka iyo dowladda. Dhanka kale, dowladda ayaa ku eedeysay Kılıçdaroğlu inuu “been sheegay”. Hakan Fidan ayaan u tagin guddiga laga dhisay baarlamaanka dalka Turkiga si ay baaritaan ugu sameeyaan isku daygii afgambiga, taasoo keentay inay kor u kacdo dhaleeceynta isaga ka dhanka ah ee mucaaradka. Dhab ahaantii, isku daygii ahaa in Hakan Fidan laga qaado MIT oo si toos ah siyaasadda loogusoo daro ayaa markii ugu horreysay waxaa fuliyay Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Ahmet Davutoğlu 2015. Davutoglu, oo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Guddoomiyaha Xisbiga AKP ka dib markii Erdogan loo doortay Madaxweynaha 12aad 10kii Agoosto 2014, wuxuu Fidan u magacaabay musharax baarlamaan oo kasoo baxa Ankara doorashadii 7-dii June ee sannadkii 2015. Isagoo ka falcelinaya iscasilaadii Fidan ee MIT iyo go’aankii uu ku galay siyaasadda isagoon ogeyn,Erdogan ayaa ka hortagay howshaas isagoo la kulmay Davutoğlu iyo Fidan labadaba. Erdogaan waxa uu saxaafada u sheegay in uu ka xun yahay Fidan waxa uuna yidhi “MIT ma aha machad caadi ah. Waa hay’adda ugu muhiimsan ee dawladda. Haddii hay’adda sirdoonka ee qaranku ay daciifto, suurtogal maaha in dawladdaasi sii noolaato. Imika hawshan oo kale ayaanu u keenay, anigaa keenay. Hadday arrintu sidaas tahay, markuu baxayo haddaan loo oggolayn, waxay ahayd inuu meeshaas joogo oo aanu ka bixin. Markaa, dabcan, waan dhibsaday.” Wixii ka danbeeyey isku daygii afgambi ee 15kii July5 waxaa lagu qeexi karaa inay tahay xilligii labaad ee Hakan Fidan- madaxa MIT. Muddadan iyada ah waxay MIT, oo uu hogaaminayo Fidan kordhisay dhaqdhaqaaqyadeeda “la dagaalanka argagixisada” ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale dalka guduhiisa , iyada oo ay ugu wacan tahay kororka awoodda sirdoonka aadmiga iyo tignoolajiyada. Tallaabo kale oo muhiim ah oo muddadan ku beegnayd ayaa ahayd kororka waxtarka MIT ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan jagagaarka dhow ee Turkiga. Isagoo ka qayb qaadanaya ku dhawaad dhammaan safarradii dibadda iyo xiriirkii Madaxweyne Erdogan, Fidan ayaa sidoo kale si dhow ula shaqeeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlüt Çavuşoğlu iyo Wasiirka Difaaca Qaranka Hulusi Akar, waxuuna qeyb ka noqday labada dhinac ee amniga iyo siyaasadda dibadda. Fiiro gaar ah ayaa loo soo jeediyay doorka sii kordhaya ee MIT ee kordhinta saameynta ay ku leedahay gobolka dhow ee Turkiga, gaar ahaan Liibiya iyo Suuriya. Marka laga soo tago hawlihii ay ka wadday gobolladaas, MIT waxay sidoo kale door ka qaadatay dib u soo celinta wadahadalladii dalal badan oo xiriirka Turkiga uu burburay. Tallaabada ugu horeysa ee caadiga ah ee xiriirka wadamada sida Imaaraatka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Israel ayaa mar walba la marayey hay’adaha sirdoonka. Hababka caadiga ah ee ay hay’adaha sirdoonku ku soo kordhiyeen marxaladda siyaasadda ayaa la soo mariyey wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana hawshaas lagu soo gebagebeeyey tallaabadii u dambaysay ee heer hoggaamiyeyaal. Xiriir wanaajinta Suuriya oo Hakan Fidan uu shakhsi ahaan ugu lug leeyahay, waa mid ka mid ah hawlihii MIT ay qabatay. Fidan iyo Akar ayaa wada xaajoodka Suuriya ka bilaabay Ruushka maalmihii u dambeeyay ee sannadkii hore. Ma noqon doonto wax la yaab leh in mid ka mid ah hawlihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu Fidan jeclaa in uu si dhakhso ah u soo gabagabeeyo ay tahay wanaajinta xiriirka Turkiga iyo Suuriya. Sida laga soo xigtay falqeeyaasha, sida Fidan uu u qaban doontuo xiriirka Maraykanka iyo reer galbeedka ayaa noqon doona mid muhiim ah oo go’aaminaya habka xiriirka caalamiga ah ee Turkiga sanadaha soo socda. Source
  18. Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen dhankooda, iyaga oo sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 10 xubnood. Xubnahaan ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha, kuwaas oo inta badan ka dagaalama gobollada dalka, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneyd ee hal mar kasoo goostay Al-shabaab. Dhinaca kale, maalintii shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo Al-shabaab ka yimid. si kastaba ha ahaatee, shakhsiyaadkaan ayaa sheegay in ay ka faa’iideysanayaan cafiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiyaasha Baarlamannada Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Riyaad ee xarunta dalkaas Sacuudiga. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaadh ee xarunta Boqortooyadda Sacuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh. Gudoomiye Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Waddan. Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan waxaana lagu ballamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sacuudiga iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Baarlamannada Soomaaliya iyo Sacuudiga oo guddi wadajir ah dhisanaya appeared first on Puntland Post.
  20. Wadamada saliida soo saara ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dhimista wax soo saarka si ay kor ugu qaadaan qiimaha caalamka. Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay dhimi doonto hal milyan oo fuusto maalintii (bpd) bisha July waxayna Opec+ sheegtay in bartilmaameedyadu hoos u dhici doonaan 1.4 milyan bpd dheeraad ah laga bilaabo 2024. Opec+ ayaa ku dhawaad ​​40% ka ah saliida qeydhiinka ah ee aduunka go’aamadeeduna waxay saameyn weyn ku yeelan karaan qiimaha shidaalka ee caalamka. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo wareysi gaar ah siiyay Universal Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida arrinta Facebook ee Cali Yare Cali iyo sidoo kale dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Al-Cadaala ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay Facebook-ga ka xirtay siyaasiga Cali Yare oo si weyn u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh. “Annaga sideeda qof shaqsi ah oo aan beegsano ma jirto waxaasna kama shaqeyno. Facebook iyo annaga heshiis ayaan ku jirnaa, waxaana is fahan ka gaarnay waxyaalaha aan shuruucdooda waafaqsaneyn aan loo ogolaan in Soomaaliya laga isticmaalo,” ayuu yiri. Wuxuu intaas sii raaciyay “Ma war-sano habeel noo xira, habelna noo soo daaya annaga baahi uma qabno, iyagana uma qabaan”. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka dowladda uu yahay beegsiga baraha Al-Shabaab ee Internet-ka. ama kuwa taageera, si looga hortago faafinta farriimahooda. “Haddii lasoo helo Facebook ay leeyihiin Al-Shabaab oo jira hal bil waxa aan sheegeyno waa been, way abuuraan waana xirnaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday weerarkii maalmo ka hor ka dhacay gudaha deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh. Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in weerarka kadib ay dhaceen illaa saddex dagaal, isaga oo qiray in looga dilay 9 askari, gaadiidna looga gabay, isaga oo dhinaca kale sheegay inay Al-Shabaab ka dileen 150 xubnood oo kamid ahaa dagaalyahanada weerarka soo qaaday. “Ciidan illaa 9 askari ayaa halkaasi ku shahiiday, sidoo kale tiro dhaawacyo ah ayaa jiro dhankooda illaa 150 ayaa dagaalladaas uga dhintay,” ayuu yiri C/raxmaan Al-Cadaala. “Goobtii iyo dhulkii lagu dagaalamay oo dhan waxaa hadda jooga ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale wareysigan ku yiri wasiir Al-Cadaala. The post Daawo: Al-Cadaala oo ka hadlay arrinta Cali Yare iyo dagaalkii Masagawaa appeared first on Caasimada Online.
  22. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Amniga kusoo bandhigeen Maandooriye iyo dadkii ka ganacsanaye, kadib howlgal laga fuliyay degmada Kaaraan. Goobta lagu soo bandhigay Maandooriyahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sare Macalin Mahdi, Maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiil kale. Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ka hortaga waxyaabaha halista ku ah xasiloonida Caasimadda iyo mustaqbalka ummadeena, isaga oo Sidoo kale uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in sharciga lala tiigsan doono. Goobjoog News +2 All reactions: 2727 Source: goobjoog.com
  23. uddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh. Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sucuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan. Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Ciidamada Amniga magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigay 10 xubnood oo sida ay sheegeen iska soo dhiibay Al-shabaab. Saraakiisha Laamaha Amniga Baydhabo ayaa sheegay in xubnaha isa soo dhiibay ay ka tirsan yihiin kooxda Jabhadaha u qaabilsan Al-shabaab. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay xubnahan iska soo dhiibay Baydhaba ay noqonayaan tiradii ugu badnayd ee hal mar iska soo dhiiba Al-shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay sii kordhayaan dhalinyarada iska soo dhiibaya Al-shabaab kadib markii ay soo ajiibeen baaqii dowladda. PUNTLAND POST The post Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo iska dhiibay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.