Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Food and Agricultural Organization (FAO) of the United Nations said Monday that ongoing drought in several parts of Ethiopia have killed around 6.8 million livestock. Source: Hiiraan Online
  2. Holding the AGM in Dubai will be a showcase of what can be achieved by aviation with supportive government policies and decisions. Source: Hiiraan Online
  3. They killed their housemaid and froze her body in the Freezer Joanna Daniela Demafelis left her country and traveled thousands of miles away to Kuwait to earn a good living but recently she was found dead. Her body was found in a freezer in Kuwait. Interpol came into action and was in search of her employer. The employer family consists of a Lebanese man Nader Issam Assaf and his Syrian wife Mona Hassoun. Assaf fled Kuwait with his wife and two children and her apartment was locked, the apartment owner recently got court permission to enter the apartment. A Kuwaiti court sentenced in absentia the Lebanese man and his Syrian wife to death by hanging over the murder of a Filipina maid, a judicial source said. The worker Demafelis was reported missing 2 days before the family fled Kuwait. After the investigation, the officers and the relatives believe that this crime might be committed by Assaf’s wife who was a strict lady and she totally had control over her Husband. Assaf was brought up by her parental aunt in Beirut. Her aunt told that it is impossible to believe that her nephew could kill anyone. This crime might be committed by his wife as she is a strict and edgy lady and his nephew always feared her. While covering this news, I really have goosebumps. When we bring a housemaid from her home country, a mother leaves her children, a daughter leaves her parents, a wife leaves her husband and a sister leaves her brother. Qaran News
  4. Somalia, the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and the United Nations on Monday launched a joint campaign to protect the environment and reduce the effects of climate change. Source: Hiiraan Online
  5. Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidankeeda ee Buulo Mareer, kaasi oo looga laayay askar badan. Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye oo la hadlay VOA ayaa shaaciyay in saraakiil iyo askar kamid ah kuwii ku sugnaa Buulo Mareer ay ku badbaadeen agagaarka iyo meel kamid ah saldhigaasi. Waxa uu sheegay in askartaan la helay kadib markii ciidamada Uganda ay dib u qabsadeen saldhigoodii Buulo Mareer, kaasi oo markii hore la sheegay inay si cagmarin ah kula wareegeen dagaal-yahaanadii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday. “Tirada la xaqiijiyaya ee saldhiga iyo agagaarkiisa laga helay waa 4 askari, oo isugu jiray sarkaal iyo saddex kale oo darajooyin kale lahaa oo laga helay saldhiga iyo meelo ku xeeran saldhiga” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye oo la hadlay VOA. “Aad ayay daciif u aheyd,” ayuu yiri afhayeenka oo ka hadlay xaaladda askartaasi ka badbaaday weerarkaasi. Sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah afartaasi oo sarkaal ahaa uu lugta dhaawac kasoo gaaray, balse uu badbaaday. Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS. Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee Buulo Mareer. Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab. “Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni. Sidoo kale waxa uu intaas ku daray “Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM.” The post Xog ka cusub weerarkii Al-Shabaab ee Buulo Mareer iyo 4 askari uu Ugandees ah oo… appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada askarta lagu dilay weerarkii ay toddobaadkii tegay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerarkaas kaga dhinteen 9 askari, balse Al-Shabaab ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen, oo gaaraya illaa 150 dhimasho ah. Wasiir Al-Cadaalla oo la hadlayay TV-ga Universal ayaa sidoo kale beeniyay inay Al-Shabaab hub iyo gaadiid dagaal kaga furteen ciidanka dowladda weerarkii Masagawaay. Wasiir Al-Caddaala wuxuu sheegay hubka iyo gaadiidka ay soo bandhigeen Alshabaab inay yihiin kuwo been abuur ay dadka ku jahwareerinayaan. Wuxuu sheegay hubkaas iyo gaadiidkaas inay yihiin kuwo horey Al-Shabaab u qabsadeen. “Baabuurtaa hadda ma aha. Sawiraddaasna hadda ma aha. Waa wax la isku sameeyay. Maxay hubka ugu kor hadli waayeen markii ay qabsadeen. Maxaynan calaamadaha Masagawaa dadka ugusoo bandhigin, ileen waala yaqaanaaye,” ayuu yiri wasiir Alcaddaala. Dhinaca kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay dowladdu in aysan joojin dagaaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Wuxuu sheegay weli inay socdaan oo dhul badan la xoreeyay. The post DF oo qirasho ka sameysay WEERARKII Masagawaay appeared first on Caasimada Online.
  7. MUQDISHO Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. İbrahim Mete Yağlı ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Isimmada SSC-Khaatumo. Turkiga ayaa qeyb ka ah dalalka daneynaya in xal laga gaadho dagaalka muddada dheer ka socda gobolka Sool, waxaana maalmo ka hor ka degay Hargeysa wakiilka Turkiga ee wada-hadallada Somalia & Somaliland ayaagoo xoggo warbaahinta loo dusiyey xaqiijiyeen inuu la wadaagay Madaxweyne Muuse Biixi dareenkiisa ku aaddan Qadiyada Laaacaanood. Qaran News
  8. Wafti uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga WADDANI Amb.Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa saaka kormeer ku tagay Xarunta Khaad Qaadashada ee degmada Dila. Masuuliyiintan ayaa bulshada ku Dhiirigeliyey inay qaataan kaadhka isla markaana ay qayb ka noqdaan isbedelka uu WADDANI wado. Amb.Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa saaka kormeer ku tagay Xarunta Khaad Qaadashada ee degmada Dila. Masuuliyiintan ayaa bulshada ku Dhiirigeliyey inay qaataan kaadhka isla markaana ay qayb ka noqdaan isbedelka uu WADDANI wado. Qaran News
  9. Laascaanood (Caasimada Online) – Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, oo ahaa taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in dhibaatada heysata uu la qeybsa doono dadkiisa reer Sool. “Laascaanood illaa 6-dii bishii February, ee sanadkaan 2023-ka. Waxaa ka socday dagaal, kaas oo u dhaxeeyey dadka reer Sool iyo ciidamada Somaliland, dagaalkaas wuxuu sababay khasaare aad u fara badan, oo naf iyo maalba leh,” ayuu yiri. Taliyaha oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in marar kala duwan uu madaxda Somaliland kala hadlay in dadka Laascaanood aan dagaal lagu qaadin, maaddaama ay yihiin buu yiri dad ay iyagu xukumaan. “Dad badani inay ku dhinteen, oo ay dad badani ku dhaawacmeen, magaalada in la duqeeyey, oo burbur hantiyeed oo fara badani uu ka dhacay, magaalo dhan oo dadkii daganaa ay ka qaxeen, oo 90% ay ka maqan yihiin, ayaa igu kaliftay in dadkii aan kasoo jeeday aan dareenka la qeybsado, intaas ayaan uga soo tagay Somaliland,” ayuu yiri Janankaan soo goostay. Wuxuu sheegay in dadaal kasta uu ku bixiyey in Somaliland ay duulaanka ka joojiso dadkiisa, balse waxaba laga dhageysan waayey, “Waxaan go’aansaday inaan kasoo baxo halkaas, oo ciidanka Somaliland aana kasii mid ahaan, dadkayga ayaan u imid, waxaana la qeybsa doonaan dhibka ay ku jiraan,” ayuu yiri Jeneraal Geeesood. Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, ayaa tilmaamay in muddo ku dhaw lix bilood uu ka war sugayey bal si un in loo xaliyo dagaalka Laascaanood, taas oo uu sheegay inay wax kasoo naasa cadaa waayeen. Markii la weydiiyey sida uu uga soo baxsaday ciidamada Somaliland wuxuu sheegay in markii hore uu u baxsaday dhinaca magaalada Jigjiga, kadibna uu marin kasii dhigtay Buuhoodle, si uu u gaaro Laascaanood, oo uu hadda uu joogo. Dhanka kale dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayaa taliyaha u wareygistiisa dhanka ciidanka ka dagaalamaya Sool ku macneeyey inuu iyaga markii horaba ku matalayey Somaliland, haatanna uu dhankooda kaga soo biiri doono dagaalka, oo iyaga uu la safan doono. Wuxuu sheegay in afar maalmood ka hor uu ka soo baxay ciidanka Somaliland, isagoo cadeeyey in maamulkii ka sareeyey uu ku war-geliyey inuu isaga tegayo shaqada ciidanka. Ciidankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu ka tirsanaa jiray, sidoo kale 10-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Somaliland, sanadkii 1998-dii, wuxuu sheegay inuu lasoo shaqeeyey ciidamada Puntland, isagoo kasoo noqday taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka. Janankaas ka soo goostay Somaliland eek u biiray ciidamada SSC ee Somaliland kula dagaalamaya gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood wuxuu sheegay in ciidankii burburay ee xoogga Soomaaliya uu ku biiray sanadkii 1973-kii, wuxuuna tababarkii ugu horeeyey ku qaatay kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. The post Abaanduulihii militariga Somaliland ee isku dhiibay SSC oo bixiyey xogo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Marwo Catriona Laing ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan. Soo dhaweynta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda JFS, ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale. Intaas kadib waxa uu kulan soo dhaweyn ah wasiirku kula qaatay Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa 3-dii May u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Britain inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya. Catriona Laing ayaa sidoo kale noqoneysa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, waxayna xilka kala wareegi doonta Amb. James Swan oo isagu u dhashay dalka Mareykanka. Catriona Laing ayaa waxay kusoo kordhin doonta doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblumaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Xoghaye Guterres. Sidoo kale oo ay ku jirto in Laing ay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dowladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM António Guterres. Magacaabista Ling ayaa timid kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. António Guterres ayaa xilligaasi ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata. The post Sawirro: Catriona Laing oo soo gaartay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Zamfara (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa dalka Nigeria ku dishay ugu yaraan 30 qof, halka ay afduubteen tiro caruur ah, weeraro ka kala dhacay illaa saddex gobol oo ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka iyo dadka deegaanka. Falalkan ayaa ka dhacay gobollo ay ku xooggan yihiin, kooxaha budhcadda ahi, waxayna weeraradooda u adeegsadaan mootooyin, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaha aanay joogin ciidamada boolisku, xilligaas oo ay afduub kula kacaan dadka deegaanka, iyo ardayda, iyaga oo dalbanaya madaxfurasho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahan hubaysani, inay weeraro ku ekeeyeen tuulooyinka Janbako iyo Sakkida oo ku yaalla dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalkaas, waxay gobolka Zamfara ay ku dileen illaa 24 qof. Dablaydan ayaa sidoo kale tuulada Gora ka afduubtay, caruur yaryar oo loo dirsaday inay kaymaha ka soo ururiyaan xaabada dabka lagu shito. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sidoo kale sheegay in gobolka Sokoto, uu isna ka mid yahay, meelaha ay budhcaddani weerarada ka geysatay, iyaga oo bartilmaameedsaday shan tuulo oo hoostaga degmada Tangaza. Warar kale ayaa sheegaya in dablaydu ay dad gaadhaya 25 qof ku dileen deegaanka Imande Mbakange, oo ku yaalla gobolka badhtamaha dalkaas dhaca ee Benue, halka ay guryo kala duwan ay dab qabadsiiyeen. Illaa haatan war badan lagama hayo ujeedada ka dambaysa weeraradan. VOA + Reuters. The post Dabley hubeysan oo dil iyo afduub ka geysatay Nigeria appeared first on Caasimada Online.
  12. The International Crisis Group (ICG) has recently issued a long statement on the fighting between “Sool clan and Somaliland” for the control of the town of Las Anod. Entitled “Time for Somaliland and the Sool clan to Talk”, Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isku dhex-yaac baahsan uu ka jiro golaha shacabka, isagoo tusaale u soo qaatay in guddoonka oo maanta yeerinayey xildhibaanada maqan uu ka tegay xubno ka maqnaa golaha. Xildhibaan Jeesow ayaa guddoonka ku eedeeyey isku dhexyaaca uu sheegay inuu ka jiro golaha, “Fadhigii maanta wuxuu nooga baaqday kooram la’aan, waxaana suurta gal ah in guddoonku uu fasaxay xildhibaano badan,” ayuu yiri Jeesow. Xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray, “Markii la yeeriyey magacyada xildhibaanada maqan, waxaa laga tegay xubno badan oo aan aqaan golahana ka maqnaa, marka waxaan waxay tilmaamayaan isku dhexyaaca dhinaca maamulka ah ee golaha ka jira.” Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa dalbaday in hadda kadib ay jirto xisaab adag oo guddoonku cadeeyo xildhibaan kasta waxa uu ku maqan yahay, “Waxaa miiska saaran dood masiiri ah oo dastuurka wax looga bedelayo, marka kooram hadaan soo buuxi weyno ma waxaan bedeli karnaa dastuur?” ayuu yiri Jeesow. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka oo joogay kulankii maanta baaqday ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaanadu ay waajibkooda guda waayaan. “Xildhibaan kasta oo maqnaada, waxaan halkaan ka yeeri doonaa magaciisa, si dadkii soo doortay ay u ogaadaan, xildhibaan maqan iyo mid jooga isku xuquuq ma noqon doonaan,” ayuu yiri Abshirow. 87 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay maanta, kuwaas oo 16 ka mid ah ay saxiixeen buuga xaadirinta, waxaana arrintaas ka hadlay guddoonka. Guddoomiye Abshirow wuxuu ku dooday in xildhibaanada saxiixay buugga xaadirinta ay ka fiican yihiin xildhibaanada iska maqan, “Waa inaan kala saarno, ugu yaraan xildhibaanada yimid ee tegay waxay buuxiyeen kooramka,” ayuu yiri. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shalay dhaliilay sababta shir guddoonka loogu soo diro guddoomiye Abshirow, markii laga doodayo arrimo xasaasi ah, inkastoo hadalkaas uu raali gelin ka bixiyey markii ay dhibsadeen xildhibaano badan. Guddoomiyaha koowaad ee golaha shacabka ayaa ku maqan dalka Sacuudiga, sidoo kale waxaa maqan ku xigeenkii koowaad, waxaana kulamada shir guddoominaya ku xigeenka labaad, iyadoo uu miiska saaran yahay muddo kororsi cusub iyo wax ka bedel ka qorsheynayo in lagu sameeyo dastuurka. Hoos ka daawo Jeesow The post Daawo: Xildhibaan Jeesow oo kashifay maamul xumo baahsan oo ka jirta golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Ismaaciil Cabdi Cadaawe oo maalmo ka hor baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalkiisa, iyadoo ay jir dilayaan ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey. Ismaaciil oo ka tirsan ciidamada NISA ayaa horay lugtiisa ugu waayey weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa ciidamadii la tacaalayey soo afjaridda weerarkaas. Maalmo ka hor waxaa aad baraha bulshada loogu faafiyey oo caro badan abuuray muuqaal muujinaya iyadoo Ismaaciil lagu jirdilayo xarunta ciidanka Taraafikada ee Muqdisho, waxaana isugu tegay ciidamo badan iyo sarkaalkii hoggaaminayey. Ninkaan ayaa sheegay in xaruntaas uu u tegay si uu ciidanka uga soo furdaamiyo mooto Bajaaj uga shaqeyneysay magaalada oo laga xareeyey, iyada iyo wiilkii u wadaba, kadib markii ay wadooyinka Muqdisho ka qabteen ciidamada Taraafikada. Dhibane Ismaaciil, wareysi uu siiyey Weriye Xuseen Cabdulle ayuu ku faahfaahiyey sababtii keentay inay jirdilaan oo isugu tagaan ciidamadii joogay xarunta Taraafikada iyo sarkaalkii ugu sareeyey. Mar la weydiiyey inuu helay wax jawaab ah ama ay la soo xiriirtay madaxda dalka, markii muuqaalkaas la baahiyey kadib, wuxuu sheegay in aysan jirin cid ka soo jawaabtay muuqaalkii argagaxa lahaa lee lagu baahiyey baraha bulshada. “Wixii igu dhacay cid ka soo jawaabtay ma jirto, waxaan cadaalad ka rabaa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaa na deeqda cadaalad, anigu waxaan u naafoobay qarankeyga,” ayuu yiri Ismaaciil Cadaawe. Wuxuu sheegay in ragga jirdilka u geystay aysan horay isku garaneyn, balse uu ugu tegay dacwo, kadibna ay garaaceen oo isugu tageen. “Waxay igu dhaheen waxaa tahay xarig, waa I handadeen, markii aan isku sheegana sarkaalkii wuxuu igu dalbaday ciidankiisa, xitaa jirdilka ugu daran wuxuu iigu geystay gacantiisa,” ayuu yiri Ismaaciil Cabdi Cadaawe. Hoos ka daawo wareysiga The post Daawo: Wiilkii lagu jir-dilay xarunta ciidanka Taraafikada oo bixiyey faahfaahin cusub appeared first on Caasimada Online.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shirka madasha xiriirka arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya. Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaas ayaa musiibo ku tilmaamay deeqa iyo raashinka la siiyo dadka reer miyiga ah xilliyada uu roobku da’ayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaas looga danleeyahay in dadka beeraleyda ah aysan abuuran beerahooda oo lagu mashquulinayo macaawino markii ay ku dhaqaaqi lahaayeen inay dalag soo saartaan. “Qofkii beertiisa fasha markii ay u soo go’do hadii la keeno oo dadkii loo qeybiyo Ganley macaawino ah, soo musiibo maaha?” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in deeq bixiyaasha aysan ku eedeyneyn arrintaas oo madaxda Soomaalida ay leedahay qaladkaas, sababtoo ah wax qorshe ah kama lihin abaaraha, fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee dhici kara. “Hadii aan weydiiyo wasiirka wax un ku saabsan arrimaha bini’aadanimada ‘wuxuu war iiga bilaabayaa deeq bixiyaashu waxay balan qaadeen inay noogu deeqi doonaan intaas’ sidoo kale hey’adda maareynta masiibooyinka hadaan weydiiyo qorshahooda wuxuu ku egyahay balan-qaadka deeq bixiyaasha” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in muhiim ay tahay in la bedelo siyaasadda noocaas ah “Kama faa’iideyno deeq nala siiyo, laakiin waayihii abaaruhu dhaceen dadkii laga soo daad-gureeyey waqooyi iyo gobollada dhexe inta wax la baray maanta waxay ka mid yihiin hoggaamiyeyaasha dalka, sidaas oo kale ayaan u baahanahay hadda,” ayuu yiri. Shirkaan uu Axmed Madoobe ka furay Kismaayo waxaa isugu yimid wasiirrada gargaarka ee dowlad goboleedyada iyo hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka, waxaana looga arrinsanayaa xaaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey musiibo heysata shacabka oo madaxdu ogtahay appeared first on Caasimada Online.
  16. Plastic pollution poses a major global problem, with 400 million tons of plastic produced annually. Each day, over 2,000 garbage trucks deposit plastic waste into our oceans, rivers, and lakes, yet only a third of it undergoes recycling. Source: Hiiraan Online
  17. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala dalka. Shirkaan ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Bangiyada ayaa diirada lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hannaanka Maaliyadda Soomaaliya. Kulankaan ayaa soo kale looga hadlay hannaanka Maaliyadda Bangiyada iyo xoojinta ka hortaga lacagaha sharci- darada ah, sare u qaadid dakhliga gudaha dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka ka sheegay in ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliyeed ay lafdhabar u yihiin horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida dakhliga gudaha. Waxa ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda Bangiyada isku afgarteen in la xoojiyo ka hortaga lacagaha aan marin habraacyada dirista iyo kala qaadashada iyadoo si gaar ah loo hubinayo hannaanka lacag ka wareejinta Bangiyada iyo Xawaalahada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garbahaarey (Caasimada Online) – Ku dhowaad toddobaad waxaa xayiran duulimaadyadii tegi jiray gobolka Gedo, gaar ahaan garoonka Doolow ee gobolkaasi. Xayiraadda duulimaadyada ayaa markale xaalad go’doon ah gelisay gobolka Gedo, oo markii horeba ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay maamulka gobolka iyo kan Jubbaland. Arintaan ayaa saameysay guud ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Waxaa lasoo warinayaa in dad xanuunsan oo isugu jira waayeel iyo caruur ay ka maqan yihiin balamaha isbitaalada, maadaama aysan tagi karin Muqdisho iyo meelo kale. Xayiraadda duulimaadyada ee Gedo ayaa waxa uu maamulka gobolka ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay. Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa waxa uu si gaar ah arrintaan ugu weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha ee ah inaysan tagi karin gobolka Gedo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xayiraada dulimaadyada ee Gedo ay daba socoto kadib markii ay diideen in xubno ka socda maamulka Jubbaland ee is-hayaan ay tagaan gobolkaasi. “Diyaaradii waa la joojiyay waxaa la yidhi nimankaan waa in aad qaadan, waa la baajiyay diyaaradii. Markaa waxaa noogu xigtay in diyaaradihii la yidhaahdo duulimaad ma sameyn kartaan, arrintaas masuuliyadeeda waxaa leh ninkan ra’iisul wasaaraha ah xamza oo waxaa la ii sheegay inuu ku dhex jiro diyaaradaha oo aad u dhex boodayo,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo oo la hadlay BBC. Waxa uu intaas kusii daray “Anaga dadka aan celino waa dad la yaqaano oo cid kasta Muqdisho iyo maamullada waa laga celiya cidii dhib ku haysa waa wax caam ah oo dalka ka jira waana maamulkaas Kismaayo jooga.” Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in iyaga iyo maamulka Kismaayo ee uu hoggaamiya Axmed Madoobe ay kala yihiin laba garab oo shaqo isku laheyn, islamarkaana uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed, oo aan lagu qasbi karin, sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba, xayiraada duulimaadyada ee Gedo ayaa uga sii dareysa xiisadda, ayada oo saameyn xooggan ku yeelatay dad ku dhow 300 qof oo si maalinle ah iskaga kala gooshi jiray Gedo iyo Muqdisho, sida ay sheegeen maamulka gobolka iyo shirkadaha diyaaradaha. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulkaas mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). Kulankaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxweyne ku-xigeenka koowaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubbaland ku matala gobolka Gedo ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo sanadihii la soo dhaafay khilaafaad ka taagnaa. Dhawaan ayaa lagu wadaa in dowlad-goboleedka Jubbaland ay soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib marka ay soo dhammaadan la-tashiyada bulshada gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u cadeeyey inay ka go’an tahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland. The post Duulimaadyada GEDO oo weli xayiran iyo xiisadda oo kasii dareysa appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) - Catriona Laing, the new Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia, arrived in Mogadishu, the capital of Somalia, today. Source: Hiiraan Online
  20. Las Anod (HOL) - Brigadier General Saleeban Barre Geesood, a former commander in the Somaliland army who defected, stated that his decision to leave Somaliland was due to the lack of effective measures to stop the ongoing war. Source: Hiiraan Online
  21. Riyadh (Caasimada Online) – Baarlamannada Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa guddi wadajir ah dhisanaya, kadib kulan ay Riyadh ku yeesheen guddoomiyaasha baarlamannada labada dal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho ku jooga dalka Sacuudiga ayaa waxa uu kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalkaas Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh. Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa dalka Sacuudiga ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kulanka ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo xildhibaanno katirsan labada baarlamaan, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka. Gunnaanadka kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Sidoo kale waxaa lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan-gelinta arrimahan iyo xiriirka labada baarlamaan ee Sacuudiga iyo Soomaaliya. Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. The post Muxuu yahay guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ay dhisayaan? appeared first on Caasimada Online.
  22. Bosaso (HOL) - Police forces in Bosaso, a city in Puntland, have apprehended four men suspected of participating in an armed attack against an impoverished family. The assault took place in the family's home last night, where they were subjected to torture and threats. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) - The Deputy Minister of Information for Somalia, Abdirhman Yusuf Al-Addala, has said 150 al-Shabaab fighters were killed in a foiled al-Shabab attack in central Somalia last week. Source: Hiiraan Online
  24. Kampala (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Buulo Mareer ee kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhiga ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ee magaaladaasi, waxay dowladda Uganda wajaheysay cadaadis gudaha oo la xiriira arrintaas. Dadka reer Uganda qaarkood ayaa waxay dalbadeen in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay sheegeen “in si bahal-nimo ah ugu dhimanayaan dal kale,” halka qaar kale ay dowladda usoo jeediyeen in loo aargudo askartooda. “Waa dareen isku jira qaar waxay nagu tirtirsiinaya in aan aargudano, qaar kalena waxay doonayaan in ciidanka laga soo saaro sababto ah waxay leeyihiin ciidankan waddankeena uma dhimanayaan ee dad kale ayay madaxooda ku dhimanayaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Uganda oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay dareenka uga yimid dadka reer Uganda. Waxa uu intaas kusii daray “Annaguna waxaan leenahay waa in aan joogna (Soomaaliya) si Afrika oo dhan nabad uga dhalato.” Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Uganda ay dooneyso in joogitaankeeda Soomaaliya uusan waxba iska beddelin kadib weerarkii Buulo Mareer ee looga dilay askar badan. Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. Dadka reer Uganda ayaa guud ahaan si weyn uga calool xumaaday weerarkaasi, waxayna u arkeen inay u dhinteen si cadowtinimo ah, ayada oo dowladdu ay ku adkeysanayso in howl-galka uu sii socdo illaa uu gaaro hadafkiisa macquulka ah. Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS. The post Uganda oo laba arrin midkood ka fakareysa kadib weerarkii saldhigga Buulo-Mareer appeared first on Caasimada Online.