Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MANDERA, Kenya, June 2 (Xinhua) -- A police officer was killed and two others were wounded in an ambush by al-Shabaab militants in northeastern Kenya on Friday, local authorities said. Source: Hiiraan Online
  2. (ERGO) – Abdi Macalin Fiqi, pastoralist living in Galgadud, central Somalia, is happy to see his livestock recovering from various diseases and regaining full health after receiving veterinary treatment from Galmudug’s ministry of livestock. Source: Hiiraan Online
  3. NAIROBI, Kenya, Jun 2 – Over 350,000 children and adults across the Horn of Africa (Somaliland, Somalia, Ethiopia, Djibouti and Kenya) are learning to read and write in Somali with a free language app, Daariz. Source: Hiiraan Online
  4. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa weerarkii lagu laayey ciidamadiisa ee ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku sheegay inay sabab u aheyd musuq-maasuq. Museveni ayaa sheegay in ciidamo aan si wanaagsan loogu tababarin howlgallada dagaalka lagu geeyey Soomaaliya hab musuq-maasuq ah. Weerarka ayaan illaa iyo hadda aysan caddeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhasha, balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa gaarsiinaya khasaaraha dhimashada illaa 140 askari, ayada oo dhowr kalena ay u gacan galeen Al-Shabaab. “Dhibaato ayaa ka dhacday Soomaaliya. Ciidamadeena shalay ayey dib ugu laabteen halkii lagu weeraray ee inta ay argagaxeen ee ay ka carareen,” ayuu yiri Museveni. “Argagixisadii waa ay carareen, waxaana hadda heleynaa xaqiiq dheeri ah oo ku saabsan waxa uu khaladku ahaa. Khaladka wuxuu dhabtii ahaa musuq-maasuq, balse faah-faahin ayaa soo bixi doonta,” ayuu yiri madaxweynaha. Museveni ayaa sheegay in laba sarkaal oo sare oo ka mid ah taliska ciidamada ay sababeen dhibaatada. “Waan heli doonnaa aqoonsiga kuwaas. Balse mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaa Okia, oo ku sugnaa xarunta ciidanka ee Kampala. Waa midka askarta u sheegay inay cararaan. Marka waa xiran yahay,” ayuu yiri Museveni. Weerarka ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan tayada taliska ciidamada Uganda ee Soomaaliya. Muuqaalo ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo muujinaya askar naftooda la cararaya iyo kuwa nolosha lagu qabtay ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Uganda. Museveni ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada aysan u howlgelin sidii la filayey ayna argagaxeen, taasi oo ka dhex dhalisay kala yaac, ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab. Waxa uu dhaliilay habka loo xulay ciidanka Uganda ee la geeyey Soomaaliya, isaga oo sheegay in qaar cunooyinka kariya iyo kuwo ilaalo shaqsiyaad ah ay loo ekeysiiyey dagaal-yahano. “Qaar ka mid ah saraakiisha abaabulka, ayaa magacyada ilaaladooda, kaaliyayaashooda iyo cunto kariyayaashooda ka dhigay dagaal-yahano oo u qaaday Soomaaliya,” ayuu yiri Museveni. Hadalka Museveni ayaa waxaa laga fahmi karaa in Soomaaliya ay askarta u tahay fursad qaali ah oo kumanaan dollar ay ku sameyn karaan muddada ay joogaan, taasi oo keentay in la musuq-maasuqo habka ciidanka loo keeno. Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan taliyaha ciidanka lugta ee Uganda Jeneral Kayanja Muhanga oo baaraya weerarkii lagu laayey ciidanka Uganda. The post Museveni oo xog yaab leh ka bixiyey weerarkii lagu laayey ciidankiisa ee Buulo-Mareer appeared first on Caasimada Online.
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya 1-dii June. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarkaas lagu dilay xubnaha Shabaab-ka ah. “AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah, sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono, si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka. AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay xuddun u tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika, ayna ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya, sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab. Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ayaa muhiim u ah dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab oo meel dhexe soo gaaray, rajo badana laga qabo in dowladdu ay kooxda ka adkaato mar aan dheereyn. Diyaaradaha Mareykanka waxay ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan beegsiga kooxda, markii ay dagaalyahanadu galaan dhulka howdka ah, waxaana marar badan la arkay oo lasoo bandhigay meydadka tobanaan Shabaab ah oo dhul howd ah ay diyaaraduhu ku dileen. Waxaa xusid mudan in dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ay aad u yaraadeen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin sababta, balse waxaa si guud gaabis ugu yimid weerarradii ciidamada dowladda ay ku qaadi jireen dhulka ay joogaan Al-Shabaab. The post Mareykanka oo shaaciyey xogta weerar uu ka fuliyey Soomaaliya oo lagu dilay… appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbadda Salaadda Jumcaha ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha Soomaaliya ee ku biiradda Dallada Bulshada Bariga Afrika. Madaxweynaha ayaa cadeeyey in madaxda Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay aqbalaeen codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoshada Suuqa Bariga Afrika. “Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego waa la aqbalay codsigeenii ka mid noqoshada Suuqa bariga Afrika, dadkeenu waa kuwa ugu firfircoon Geeska Afrika, waana tan nagu dhiiri-gelisay inaan dirsano codsigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay inay dhiman yihiin waxyaabo yaryar oo farsamo ah oo ku saabsan hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso dalladaas. Hasayeeshee Madaxweynuhu wuxuu bulshada u cadeeyey in la aqbalay codsigii Soomaaliya ay ku dooneysay in lagu biiriyo wadamada ku bahoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC). “Shuruucda ka mid noqoshada ururkaas waxaa la keeni doonaa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inuu ogolaado,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray inay aqoonsi iyo sharciyo heli doonaan dadka Soomaaliyeed oo ku ganacsada dalalka todobada ah ee ku midoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika oo la qorsheynayo in Soomaaliya ay noqoto dalka 8-aad. “Dadkeena maanta kadib waxay sharci ku heli doonaan dal kasta oo daladaas ka tirsan meesha ay ka joogaan, dib dambana looma qash-qashaadi doono, inta aan la rabaynay oo aan raadineynay waa intaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo khudbadii Jimcaha ku shaaciyey arrin muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta dilay ninkii Al-Shabaab u qaabilsanaa baada iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho. Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu shaaciyey in Ninkaas ayaa lagu toogtay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose. Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabi jiray Cali Raaxo, wuxuuna kooxda wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago baad ah uga qaado. Waxaa lasoo bandhigay telfoonadii uu Cali Raaxo ka soo wici jiray dadka reer Muqdisho iyo meydkiisa oo la aqoonsa karo. Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah waxaa ka mid ah deegaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha Lafoole ilaa Galka Saalimow, sida lagu sheegay qoraalka. “Ciidanka ammaanka oo mudo dheer uruurinayey xogta dhagarqabahaan ayaa ku raadjoogay, waxaana ugu danbayn shartiisa la dhaafiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho, kuwaas oo khatar weyn uu ku ahaa hantidooda iyo naftooda,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu baahiyey warbaahinta dowladda. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Danbiile Cali Raaxo wuxuu Khawaarijta ka mid noqday sanadkii 2014-kii, wuxuuna ilaa markaas uu khawaarijta u qaabilsanaa baada hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo basaasida dadka macnaha u leh bulshada, si ay u bartilmaameedsadaan Khawaarijta.” Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh dowladda Soomaaliya ayaa xoogga isugu geysay beegsiga xubnihii Shabaab-ka ee dhibay dadka reer Muqdisho, kuwaas oo noqday kuwo la dilay iyo kuwo cararay. The post Sawirro: Ninkii Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda dadka reer Muqdisho oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka ayaa ka digay muddo kororsi dambe oo ku lamaansan kan hadda lagu heshiiyey. “Muddo kororsiga ay hadda madaxdu ku heshiisay wuxuu sii dhali doonaa muddo kororsi kale, madaxdu waxay ka tilaabsadeen dastuurkii dalka,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal. Wuxuu ku dooday in xittaa sanadka ay kororsadeen aysan ku qaban Karin doorasho qof iyo cod ah, “Dadkaan qaanuun ay heshiis ku yihiin ma jiro, dastuurkiina waa ka tilaabsadeen,” ayuu yiri. Sidoo kale Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in heshiiskaan uu xasarad cusub ku abuurayo waxyaabihii muhiimka ahaa ee dowladda laga rabay inay deg deg uga guul keento, sida dagaalka Al-Shabaab. “Iyadoo la galay wajigii labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo 2024-ka ATMIS la rabo in amniga dalka lagala wareego iyo waxa ay madaxdii dalku na hor keeneen, waa isku kaana qaba weysay, waxaan is weydiinay maxaa loo abuurayaa qalalaasahaan cusub,” ayuu yiri Sharma’arke. Sidoo kale R/Wasaarihii hore wuxuu la yaab ku tilmaamay sababta go’aan sidaas u weyn loo gaaray iyadoo Puntland ay ka maqan tahay miiska wadahadalka. “Wax kasta oo Puntland ay ku maqan tahay, wuxuu xil ka saaran yahay madaxweynaha iyo r/wasaaraha, waqtigii aan joogay xafiiska, sidaan oo kale Puntland waxay u diiday nidaamka 4.5, anigaa u tegay laba todobaad Ayaan Garowe fadhiyey, si doorashada dalka loogu heshiiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid. Wuxuu su’aal geliyey sababta ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ula fariisa la’yihiin Saciid Deni, “Dalka iyo dadka inay isku hayaan ayaa laga rabaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Hoos ka daawo The post Daawo: Cumar Cabdirashiid oo kashifay qorshe culus oo madaxda dalka ay damacsan yihiin appeared first on Caasimada Online.
  9. Somalia leaders have agreed to introduce direct elections from next year, starting with local council elections before parliamentary and presidential poll processes. The agreement, which also abolishes the office of the Prime Minister, must be ratified by parliament before its implementation. Source: Hiiraan Online
  10. The East African Community (EAC) has finally adopted a verification report seeking to admit Somalia into the regional bloc, a move that gives a ray of hope to the war-stricken country. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan sayray talooyin ay siiyeen xubnaha ku dhow kahor heshiiskii golaha wadatashiga qaran ay ka gaareen hanaanka doorashooyinka ee muranka dhaliyey, waxaa sidaas ogaatay Caasimada Online. Heshiiskas ayaa isbeddel weyn ku sameynaya hanaanka dowladnimo ee dalka, ayada oo la qadaanayo nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, meeshana laga saarayo ra’iisul wasaaraha, dalkana la gelinayo doorasho qof iyo cod ah. Hase yeeshee, heshiiska ayaa wax durba ka horyimid caqabado ay ka mid yihiin maamulka Puntland oo saameyn ku leh awood qeybsiga dalka oo diiday, iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ku jiraan madaxweyne iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo ku macneeyey isku dya muddo kororsi. Xildhibaano iyo xubno ku dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha kala hadleen in xilligan aanu isku furin buuq siyaasadeed, maadaama uu xafiiska joogo sanad kaliya, dalkana uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. “Madaxweynaha waxaa looga sii jeeday dagaalka Al-Shabaab, mana jirin cid buuq ku haysa, balse hadda wuxuu isku soo furay albaab mucaarado xooggan, annaga waan kala talinay balse tiisa ayuu qaatay,” ayuu yiri xildhibaan ku dhow madaxweynaha oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. “Waan ognahay in heshiiska aanu dhaqan galeyn. Waan ognahay in heshiis aan loo wada dhameyn oo Puntland aysan qeyb ka aheyn. Xitaa madax goboleedyada hadda taageersan qaarkood ayaa sanad kadib soo jeesan doona. Qodobada qaarna waa kuwo dastuuri ah oo u baahan in dastuurka wax laga beddelo.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska waxaa lagu eedeynayey inuu talo diid noqday, ayada oo xubnaha ku dhow ay hal hays ka dhigteen “albaabka ayuu xirtay.” Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskan la horgeyn doono baarlamanka, oo ayada oo aanu laga ansixin aanu meel mari doonin, mana cadda sida ay xildhibaanada uga falcelin doonaan. The post Xog: Xasan Sheekh oo ka talo-diiday xunaha ku dhow ka hor heshiiskii doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  12. Kampala (Caasimada Online) – In an extraordinary critique of the Ugandan Armed Forces, President Yoweri Museveni has attributed the recent devastating attack on a Ugandan army base in Somalia to corruption and inadequately trained soldiers. During an NRM Caucus retreat at the National Leadership Institute Kyankwanzi last Thursday, President Museveni openly castigated the conduct of Ugandan soldiers in the face of the Al Shabaab assault. He acknowledged the improper recruitment of unqualified personnel into combat roles and vowed to unearth the individuals behind these actions. The assault on the Forward Operating Base in Lower Shabelle, approximately 140 kilometers from the capital Mogadishu, occurred last week. The tragic event saw Al Shabaab insurgents claim the lives of numerous Ugandan service members, sparking nationwide outrage. President Museveni described the soldiers’ reaction to the attack as panic and disorganization, which he claims allowed Al Shabaab to overrun the base and destroy equipment. Corruption at the root The heart of the issue, Museveni suggests, lies in corruption within the Ugandan People’s Defence Force (UPDF) ranks. This corruption, he explains, allowed individuals ill-suited for combat roles, such as cooks and bodyguards, to infiltrate the ranks under the guise of fighters. “But it seems at some stage, some of the people who organize, they put the names of their bodyguards, personal assistants, and cooks,” Museveni observed. He strongly criticized this makeshift approach, implying it severely undermines the army’s effectiveness. President Museveni announced the arrest of a key individual allegedly involved in the scandal. He identified one Major Okia, who reportedly instructed soldiers to flee the battlefield. Museveni stated, “He is the one who told the soldiers to run away. So, he is under arrest.” While President Museveni did not name the other individuals implicated, he promised to uncover their identities and hold them accountable. A call for thorough investigation In the wake of this disaster, Lt Gen Kayanja Muhanga, Land Forces commander, has been dispatched to Somalia to probe the attack that resulted in the tragic loss of many Ugandan soldiers’ lives. Museveni iterated his disgust at the circumstances leading to the attack, describing deploying ill-prepared soldiers into a combat zone as criminal. He assured the nation that further details would be released following the Board of Inquiry’s conclusion of its investigation. As the country grapples with the gravity of the situation, President Museveni’s firm commitment to transparency, investigation, and accountability could herald a significant shift in addressing corruption and malpractice within the Ugandan military. The post Museveni decries corruption, poor training in Somalia attack appeared first on Caasimada Online.
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Somalia’s dream of joining the East African Community (EAC) has been given fresh momentum as EAC member states adopted a verification report that bolsters Somalia’s bid for membership. The 21st extraordinary Heads of State summit chaired by Burundi’s President Evariste Ndayishimiye featured the development and provided the conflict-torn nation a beacon of hope. President Hassan Sheikh Mohamud has been instrumental in pushing for Somalia’s inclusion into the EAC, a quest he first initiated during his term from 2012 to 2017. This was in conjunction with the Democratic Republic of Congo, which gained admission last year. The membership bid came to the forefront again when President Mohamud attended the 22nd Ordinary East Africa Community Heads of State Summit in July of the previous year, reiterating, “I am here to make a formal bid for Somalia to join the East African Community.” Implications of the verification report The adoption of the verification report means that the EAC Secretariat and Council have been directed to initiate negotiations with Somalia and present a report at the next Ordinary Summit, where a final decision on the matter will be taken. This information is captured in a communiqué signed by all member states. Responding to the EAC’s decision, Somalia recognized the development as a significant milestone, stating that it is fully prepared to join the EAC. The Foreign Affairs and International Cooperation issued a statement highlighting that Somalia’s membership will significantly enrich the EAC sister countries and contribute to regional integration and prosperity. “Somalia expresses its gratitude and appreciation to the heads of state and General Secretariat of the EAC for the communiqué that was made public and reaffirms its determination and desire to engage in productive negotiations that would hasten the EAC’s confirmation of its membership and formal admission,” the statement reads. Criteria for Membership Membership in the EAC is guided by the 1999 Treaty for the Establishment of the East African Community, which stipulates adherence to universal principles of good governance, democracy, the rule of law, respect for human rights, and civil liberties, among other things. A verification team comprising senior officials from the seven member states visited Somalia in January to assess the nation’s preparedness for membership. The team’s mandate involved evaluating institutional and legal frameworks, policies, strategies, projects, programs, areas of cooperation with other EAC Partner States, and expectations from its membership. The Council of the Ministers’ Summit approved the report during its 43rd ordinary session in Burundi in February. EAC Secretary General Peter Mathuki underscored the potential benefits of Somalia’s membership. He emphasized that the EAC could exploit Somalia’s coastline, the longest in Africa at 3,200 kilometers, to enhance trade. Mathuki also acknowledged the growth in intra-EAC trade due to political goodwill among member states, reporting a surge to Sh1.2 trillion (US$10 billion) from US$7.1 billion in 2019. The post Boost for Somalia as EAC membership bid progresses appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha, Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo bandhigey hantida uu leeyahay, 21 sanno oo uu xukunka dal kaasi hayo – ka dib doorashadii. Hantida gaarka ah ee Erdogan waxa ay gaadhaysaa 1,833,000 Liire [88,000 oo doollar] waxa intaas u dheer hanti ma guurto ah oo qiimaheedu yahay 370,000 oo doollar. Madaxda Soomaalida waxa la sheegaa in ay afar sanno oo keli ah ku sameeyaan malaayiin doollar. ~ Wargeyska Turkiga, AJ Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hawada laga saaray bartii Facebook ee guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali, kadib markii uu baahiyey qormooyin ay dhibsadeen dad badan, kuwaas oo hey’adaha ammaanka dalka uu ku suurad xumeeyey. Ninkaan oo ka falclinayey dagaalkii Mesagawaay oo Al-Shabaab ay sheegeen inay ku furteen hub badan ayaa sheegay inuu xog ku helay in hubka si ku tala gal ah loogu gacan geliyey kooxda. Sidoo kale wuxuu bartiisa Facebook inta aan laga xirin ku soo qoray in amniga Muqdisho laga iibsaday Al-Shabaab oo bil kasta lacag la siiyo, si qaraxyada iyo weerarrada ay uga dhaafaan caasimadda. Cali Yare wuxuu dowladda weydiiyey su’aal u dhigneyd, “Maxaad Al-Shabaab ugala heshii weyseen weerarrada ay ku qaadaan xeryaha ciidamada ee furimaha ku yaalla, si lamid ah heshiiska aad kula gasheen joojinta weerarradii Muqdisho?” Dad badan oo ka falceliyey qormooyinkii uu Cali Yare baahiyey saacadihii lasoo dhaafay ayaa muujiyey sida ay uga xumaadeen hadalladaas ay sheegeen inay meel ka dhac ku yihiin hey’adaha ammaanka oo muujinaya dadaal aan horay oo arag. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay meesha ka saarto weerarradii iyo dilalkii qorsheysnaa ee Al-Shabaab ay ka geysa jireen caasimadda Muqdisho. Sidoo kale dhul baaxad leh ayaa kooxda laga saaray halkii sano ee xukunka uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana socda qorshe hor leh oo dowladdu ay dooneyso inay ku soo afjarto kooxda waqti kooban. Maqaallada uu Cali Yare ka qoray arrimaha ammaanka dalka ayaa u horseeday inuu waayo oo laga xiro bartiisii Facebook, mana jirto cid la ogyahay oo toos u beegsatay ama sheegatay inay xirtay Facebook-gii Cali Yare, inkasta oo aad loogu tuhmayo dowladda. Sidoo kale Cali Yare oo is xijiya madaxweynihii hore Farmaajo ayaa saacadihii lasoo dhaafay wajahay falcelin adag oo kaga timid bulshada Soomaaliyeed oo aad ugu foogan arrimaha ammaanka dalka, maadaama lagu hanweyn yahay in dowladdu ay ka adkaato Al-Shabaab. The post Maxaa loo xiray boggii Facebook ee Cali Yare Cali? appeared first on Caasimada Online.
  16. Gudoomiyahaygii Cabdirisaaq Khaliif, war iyo wacaal toona kama hayo isaga oo Laascaanood jooga ayaa iigu dambaysay Ma jeclaysan talada uu Qaranka kaga maqan yahay, laakiin maaha in nalagu mashquuliyo Cabdirisaaq Talaabo halaga qaado. Cabdirisaaq Khaliif, waxa uu khalday waxa ka badan waxa uu Muuse Khalday, Muuse iyo Cabdirisaaq khaliif-na labada muuse ayaa fudud in dalka laga qabto” Xil. Mustafe Khayreeeye. Qaran News
  17. Garoonka Hargeysa Stadium oo Biyo Fadhiisteen Ciyaarihii ka socdayna baaqdeen. Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI. “Garoonkii kubadda cagta ee Hargeysa Stadium waxaa ka muuqda dayac iyo daryeel la’aan baahsan, taas oo Maanta iyo Shalayba kulamaddii furitaanka Horyaalka Heerka koowaad ay baaqdeen. Xisbigga WADDANI waxa uu u arka Raxmadda RABBI marka laga yimaado in Masuuliyiintii ay shaqadooda ahayd inay daryeelaan Hargeysa Stadium, inay gabeen oo aanay ka damqanayn garoonkii keliyaata ee Standard-ka oo noqday Balli ay biyihii fashiistaan. Ayaan darro ka weyni ma jirto in garoonkii Caasimadda farriimaha naga soo gaadhaya qaylo-dhaantiisa aanu ka damqan weyno, waxaana ceebtaasi ay dul-hoganaysa Wasaaradda Ciyaaraha iyo XKCSL. Waxaan wada ogsoonahay in garoonka lacag lagu galo qofkiiba (5,000/Sl.shillings), lama garanayo lacagtaasi meel ay marto. Miisaaniyadda Wasaaradda Ciyaaraha waxaa ku jirta lacago loogu tallo-galay in lagu dayac-tiro garoomadda. Dhanka kale, XKCSL wuxuu Naaddiyada uu ka qaado lacago xad dhaaf ah oo Cashuur ay ku sheegaan, lacago kale oo Ganaaxyo iyo Iibka ciyaartoyda uga soo xarooda lama yaqaano lacagaha intaas leegi meesha ay maraan. Iyada oo intaasi oo dhani ay jirto Maanta Xisbigga WADDANI aqballi maayo in Hargeysa Stadium xaalkiisu uu sidaas noqdo. Hargeysa Stadium Maanta uma u qalmayn in arrimahani ay soo wajahaan: 1. In Hargeisa Stadium ay biyihii fadhiistaan oo aanay haysan meel ay ka baxaan 2. In rooggii garoonku uu noqday mid madhay oo aan haysan dayactir, sidan lagu eegan karayn oo uu bedal u baahan yahay 3. In xaalka liita ee Suuliyaddu ay sababi karaan caafimaad-darro ka dhalata 4. In Hargeysa Stadium laga Shaqeysto ee aan loo shaqeyn Ugu dambeyntii, Xisbigga WADDANI waxa uu farta ku fiiqaya cidda sidaas ku tallo-galka u hagratay inay tahay Wasaaradda Ciyaaraha iyo XKCSL, weliba Masuuliyiinta Maanta jooga oo intaas looga han weyna” Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo war cusub kasoo saaray sugidda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaa shaaciyay in dhawaan xukuumaddu ay bilaabi doonto wejiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Al-Shabaab kaga sugan tahay dalka. Mudane Xamza ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay hormuud u yihiin bulshada loogana baahan yahay ku hoggaaminta dagaalka si ay ugu dhiirradaan, wuxuuna faray xubnaha golaha wasiirada XFS inay tagaan furimaha dagaalka. “Shacabku hoggaankooda halkaan ayay fadhiyaan, Haddii Wasiirku iska aamuso ama xishoodo oo uu dhaho ayaantaan Xamar wey ii fiican tahay dhib kama jiree oo dagaalkiiba waa dhammaaday haddii uu saas u maleeyo arrintu sidaas ma ahan, waxa aan u baahanay in aan baxno oo wasaaradda gaashanadhigga qorshe keento oo wasiiradu howl-galkaas uga qeyb qaataan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in kaliya aan looga harin in la sugay nabad-galyada balse loo baahan yahay in lasii xoojiyo, lana gaaro deegaannada ay weli joogaan kooxda Al-Shabaab, si looga qabsado oo looga xoreeyo. “Ajande qaran oo weyn waxaa inoo ahaa arrinta amniga, arrintii Amniga waxaa rabnaa in aan dardargelino, waxa aan u baahanahay in aan dardargelin la imaano oo Xukuumaddu hormuud ka tahay oo wajiga labaad ee dagaalka ah loogana qaybqaadanayo sidii horay looga qaybqaatay oo kale.” Waxa kale oo uu xusay in amnigu uu yahay ajende qaran oo u baahan in dowladda iyo shacabka ay iska kaashadaan cirib-tirka iyo ka hortagga kooxaha Khawaarijta. “Wasaaradda Gaashaandhiga waa inay la timaado qorshe cad oo lagu dhaqaaqayo si wejiga labaad ee howl-gallada loo guda-galo. Haddii aan goobtii dagaalka tagin oo ay iyagu shilinka bixin oo la hadlin, shacabka hoggaankiisu halkan ayay fadhiyaan.” Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa imanaya xilli uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Wejigan ayaa noqon doona mid lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab, sida uu hore u sheegay madaxweynaha Soomaaliya. The post Xamza oo amar cusub kusoo rogay wasiiradda DF kahor wejiga labaad ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  19. Xiisad dagaal ayaa maanta oo Jimce ah ka aloosan jidka laamiga ah ee u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif. Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhanka Gobolka Bari ayaa ku soo wajahan degaanka 22-aad, oo ay ku sugan yihiin ciidanka uu hoggaamiyo Jimcaale. Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa qabashada doorashada saddexda degmo ee Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka Garoowe appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska DANAB, gaar ahaan Ururka 5-aad ee guutada 16-aad iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-galo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada iskaashanaya ayaa waxay howl-gallada qorsheysan ka sameeyeen deegaanada kala ah; Yaaq-dabeyl, Qudus, Sariiraha, Aboodinka iyo Barja oo dhamaantood ah deegaano ay horey ugu sugnaayeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha howl-galka hoggaamineysay ayaa sheegay in deegaannada howl-gallada laga sameeyay ay Al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo waaweyn oo dadka shacabka ah ay ku dhibaateen jireen. Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howl-galladaasi ay ciidanka ku bur-buriyeen fariisimo iyo gabaadyo ay kooxda ku-laheyd deegaanadaasi. Sidoo kale waxa uu sheegay in muddadii uu socday howl-galka ay deegaanadaasi ka sameeyeen ciidamada iskaashanaya ay gubeen gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo magaciisa uu ku sheegay Cabdiraxmaan Gaagaale. “Howl-gallada waa soconayaan oo waa sii wadeyna,” ayuu yiri Taliye Carab oo sheegay inay sii wadayaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin dalka. Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland horay uga sameeyay marar badan howl-galo noocaan oo kale ah oo ay kula dagaal-yahaanada kooxda ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada Jubbaland. Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay ka fulisaaa weeraro xoogan oo ay ku beegsato xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland. Si kastaba, inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay hogaamineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka. The post DANAB iyo Daraawiishta Jubbaland ‘oo cagta mariyay’ fariisimihii iyo gabaadyadii Al-Shabaab ee… appeared first on Caasimada Online.
  21. Juunyo 2023 Jono Lancaster waa 37 jir kasoo jeeda magaalada galbeedka Yorkshire ee boqortooyada Ingiriiska. Wuxuu ku dhashay xaalad afka sayniska loo yaqaan ‘Treacher Collins’ taas oo ah, cudur hidde side oo qofka wajigiisu noqonayo mid aan si caadi ah u samaysmin. Waa taas sababta ay waalidkiis u xooreen markii uu dhashay. Jono oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in uu akhriyey qoraal ka sheekaynaya sida ay waalidkiis uga tageen markii uu dhashay. “Waan fariistay waxaana akhriyey qoraalladan, waxayna sheegayaan in markii aan dhashay ay waalidkay ka argagexen muuqaalka wajigayga,” ayuu yiri Jono Lancaster. Labadii waalid ee dhalay Jono, ayaa ka tagey 36 saacadood uun ka dib markii uu dhashay, ka dibna waxaa qaadday oo nuujisay Jean markii uu laba toddobaad uun jiray. Xaaladda Jono ayaa ah mid uu ilmuhu ku dhalanayo isaga oo aanay jirin labada lafood ee koodadka ama dhafoorrada loo yaqaan ee ku yaal indhaha hoostooda, taas oo sida muuqata wajiga qofka ku yeelanaysa saameyn qaab dhismeed. Jean waxay si sharci ah u korsatay Jono ilmaheedana uga dhigatay markii uu shan sanoi jir ahaa, “way i nuujisay aniga oo markaas laba isbuuc oo kaliya jira, markii aan shan sano jir gaarayna si rasmi ah ayey ii diiwaan gelisay ilmaheeda ahaan,” ayuu yiri. Jean ayaa noojin jirtay isla markaana korsatay caruur kale oo qaba xanuuno kala duwan, wuxuuna Jono ka mid ahaa caruurtaas. Jono oo dib u xasuusanaya noloshiisii dugsiga ayaa sheegay in uu xasuus fiican ka haysto xilliyadii uu dhiganayey dugsiga sare balse “xasuustaas waxaa la koray aniga oo isku dayaya in aan ka mid noqdo bulshada,” ayuu yiri. Ciyaalka isaga ka weyn ayuu sheegay in ay hoos u eegi jireen iyaga oo xitaa ka sameeyay heeso aan wanaagsanayn oo qalbigiisa dhaawacaya. Markii uu qaan gaaray Jono ee kuwii jilkiisa ahaa ay xiriirro samaysteen isagana uu damac xiriir galay ayuu sheegay in taasi aysan suurta gelin wejigiisa awgii wuxuuna yiri; “markaas ayaan bilaabay in aan wejigayga naco”. Wuxuuna bilaabay in uu soo xasuusto waalidkiisa isaga oo sida uu sheegay nacayb u qaaday labadii waalid ee dhalay. “Waxaan doonayey in aan u xanuujiyo sida aan qalbiga uga xanuunsanayo oo kale.” “Waxaan dhab ahaantii galaa xanaaq daran marka aan soo xasuusto labadii i dhashay,” ayuu yiri Jono. Jona wuxuu hadda qorayaa buug uu kaga hadlayo noloshiisa iyo dadkii ku lugta lahaa Dhanka kale Jono wuxuu donayey in uu helo waalidkiis si uu ugu sheego in uu fiican yahay farxadna dareemayo. Wuxuu u qoray warqad, laba toddobaad uun kadibna waxaa soo gaadhay warqad jawaab ah oo ay ku qoran tahay: “Ma doonayno wax wada xiriir ah. Isku dayga xiriir ee aad samayso waa la iska indha tiri doonaa.” Waxaana ku saxiixnaa warqadda sida uu sheegay Jono labadiisii waalidba. “Mar kale in ay labadan qof iska kay fogeeyaan , ayaa aad ii xanuujisay,” ayuu yiri. Jono wuxuu hadda qorayaa buug uu ugu yeeray ‘Not all Heroes ware cap” (halyey/geesi waliba koofi ma xirno) oo ah odhaah loo adeegsado dadka abaalka weyn gala ama xaaladaha adag kasoo gudbo ee aan la buunbuunin. Sannado ka hor ayaa mar la iga codsaday in aan hadal jeedin u sameeyo caruur dugsiga dhiganaysa, qaarkood ayaa igu soo orday waxayna i dheheen: ‘Jono hooyaday iyo aabahay ma aqaan, Jono waxaa la igu takooray sidan iyo sidan, waxaana halkaas ku go’aansaday in aan arrintan wax ka qabto,” ayuu yiri Jono oo ka hadlayey waxa ku dhaliyay in uu buug qoro. Wuxuu ku saabsan yahay buugiisu qaar ka mid ah dadka uu la kulmay noloshiisa oo uu halyeeyo ku tilmaamay iyo sida isaga qudhiisu uu u noqday halyey. “Runtu waxay tahay, in noloshayda uu jacayl ka buuxo,” ayuu yiri Jono Lancaster, ilmaha ay waalidkiis ku neceen qaab muuqaalkiisa balse hadda ah mida ay ku daydaan dad badan. Qaran News
  22. “Ma jiraan reer gob ah iyo reer xuni laakiin waxa jira qof gob ah iyo qof xun”. Odhaahdaasi qaaciido ayay leedahay. Waa wanaagga lama wadareeyo (reereeyo). Ma sax baa mise waa caksiga oo wanaagga waa la wadareeyaa xumaantana waa la qofeeyaa si guud? Jawaabta xadiiskan Rasuulka (SCW) ee Abu Hurayra werinayo ka eeg. Waxa uu tilmaamayaa inuu Rasuulku (SCW) wadareeyay wanaagga ummadda Nabi Muhammed oo dhan, reer yar iska daayoo. Waxa uu ku tilmaamay inay Ehlu Janno yihiin, oo keliya uu ka soo reebay nin iska diiday mooyee. “عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ كُلُّ أُمَّتِي يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ، إِلاَّ مَنْ أَبَى ‏”‏‏.‏ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَمَنْ يَأْبَى قَالَ ‏”‏ مَنْ أَطَاعَنِي دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ عَصَانِي فَقَدْ أَبَى ‏”‏‏.‏ Qofka qaba wanaagga lama wadareeyo, addilo ha keeno. Qaran News
  23. Mogadishu (HOL) - Jubbaland's regional administration President, Ahmed Mohamed Islam Madobe, convened a meeting with traditional elders from Sool, Sanaag, and Eyn regions in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa farriin dhowr nuxur xambaarsaneyd u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Farriinta Cabdiraxmaan ayaa la xiriirtay natiijadii dhawaan kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho. Dhowr qoddob oo macno leh oo farriintaasi ku jiray ayaa kusoo koobeyna warbixintaan, kuwaasi oo kala ah; 1. Muddo kororsiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in muddo kororsiga uu kamid yahay astaamaha kali-talisnimada iyo mid kamid ah waxyaabaha duminaya tiirarka dowladnimada. Wuxuu Xasan ugu baaqay inuu meesha ka saaro muddo kororsiga, uuna maamullada ku amro inay xilligoodii ku qabtaan doorashada. Wax ka beddelka muddada xil-haynta waxa uu ku taliyay in loo dhaafo guddiga gacanta ku haya Dastuurka, sidoo kale waxa uu Madaxweynaha weydiistay inuu dadweynaha la hadlo, una caddeeyo in isbeddelka muddada xil-haynta uu ka bilaaban doono muddo xileedka soo socda. Qoddobkan waxa uu jawaab u yahay mashruuca shanta sano iyo maamullada loo kordhiyay. 2. Dastuur-jabin Warsame waxa uu soo dhoweeyay doorasho qof iyo cod ah, laakiin jidka loo maray waxa uu sheegay inay kasoo horjeedo qoddobka 47-aad ee Dastuurka dalka, kaas oo Golaha Shacabka xaq u siinaya dajinta shuruucda la xiriirta doorashooyinka iyo xisbiyada. Tani waxay ku wajahan tahay qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo Baarlamaanka ka imaan, balse ka timid siyaasiyiin. 3. Ka-guurida nidaamka Baarlamaaniga ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir waxa uu sheegay in ka guurida nidaamka baarlamaaniga ah ee Soomaaliya waqtiga dheer kusoo dhaqmeysay loogana guurayo midka Madaxtooyada, inuu u baahan yahay afti Dastuur iyo cod dadweyne. Wuxuuna ku tilmaamay mid ka gudda-weyn Golaha Wadatashiga Qaran. Soomaaliya ayaa sidoo kale hore ugu soo dhaqantay nidaamka Madaxtooyada, intii uu dalka ka talinayay kacaanku, inkasta oo 1987-dii Maxamed Cali Samatar la siiyay kursiga ra’iisul wasaaraha, haddana majirin faa’iido weyn oo la dhaxlay. Cabdiraxmaan waxa uu ku dooday in xasilloonida dalka iyo dardar-gelinta howlaha dowladda in aanay ku xirneyn qaab dhismeedka, balse ay ku xiran tahay sida Dastuurka iyo sharciga loo ilaaliyo, iyo sida loo dhaqan-geliyo isku dheeli-tirnaanta awooddaha dalka. 4. Maxaa damaanad ah? Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu su’aal ka keenay waxa dhacay haddii madaxda maamullada ay qaban waayan doorasho marka la gaaro bisha June 2024 ama 30-ka November 2024, wuxuuna madaxweynaha weydiiyay sida ay shacabka ugu qanci karaan madax afar sano wax tallaabo ah u qaadin doorasho qof iyo cod ah, inay hadda hal sano dalka ku xoreyn karaan kuna qaban karaan doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in xilligaasi muddo kororsi labaad uu dhici karo, maadaama aan la hayn wax damaanad qaadaya in madaxda maamullada ay qabanayaan doorasho. 5. Midnimada iyo heshiiskii golaha wadatashiga Warsame waxa uu sheegay in heshiiskii 27-kii May, inuu u muuqdo mid gaar u ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama aan la sugin Puntland oo ka maqneyd, dhinaca kalena qabatay doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu Puntland kusoo celiyo Golaha, si loo helo go’aano mid ah. In lasii kala maqnaado waxay walaac ku tahay midnimada. 6. Tallooyin Tallooyinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur u diray madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kamid ah in xooggiisa isugu geeyo dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, uuna iska xiro waxyaabaha curyaaminaya dagaalka. Inuu qabto shirweyne qaran oo looga hadlayo dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, hanaanka doorashooyinka iyo haykalka dowladnimada iyo inuu dhinaca kale meesha ka saaro muddo kororsiga, ayaa kamid aheyd tallooyinka uu Warsame sida tooska ah ugu direy madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Aqriso: Lix cashir oo ku jiray farriintii uu CC toos ula wadaagay XASAN appeared first on Caasimada Online.
  25. The Board of Directors of the African Development Bank Group (www.AfDB.org) has approved an equity investment of $20 million in the Africa50 Infrastructure Acceleration Fund I (https://apo-opa.info/3MOlP3b), in support of its target to mobilize private capital for infrastructure across the continent. The Africa50 Infrastructure Acceleration Fund I is a pan-African infrastructure private equity fund that is mobilizing up to $500 million for investment and value creation in strategic infrastructure sectors. These include power, energy, digital and social infrastructure, transportation, logistics, and water and sanitation. The fund is sponsored by Africa50 (https://apo-opa.info/3OLnr05), an infrastructure investment platform established by governments and the African Development Bank. Africa50 brings infrastructure project development and financing under one umbrella. Africa50 has a strong track record of investments in the private sector and of projects undertaken under a Public Private-Partnership (PPP) framework. The mobilization of private capital is critical to closing the infrastructure financing gap in Africa, especially given the limited fiscal space of African governments which currently provide the largest source of infrastructure funding on the continent. The Africa50 Infrastructure Acceleration Fund I was established as a vehicle to help execute Africa50’s mandate of mobilizing private capital and accelerating further investment flows into African infrastructure by targeting private and institutional investors. African Development Bank Director for the Industrial and Trade Development Department, Abdu Mukhtar said the Bank’s investment in the Fund underlined its strategic nature and the fact that the Bank prioritizes investing in strategic infrastructure sectors that contribute to closing Africa’s infrastructure financing gap (estimated at $68-108 billion annually). “The Bank’s investment will support Africa50 to crowd-in private capital into African infrastructure through a private equity fund vehicle that private investors better understand and are more comfortable investing in,” Mukhtar said. Commenting on the approval, Wale Shonibare, African Development Bank’s Director for Energy Financial Solutions, Policy and Regulations said the Bank’s support for the Africa50 Infrastructure Acceleration Fund I aligned with its High Five objectives. “It also strengthens the Bank’s already existing partnerships with the Africa50 Group on initiatives such as the African Sovereign Investors Forum and the Alliance for Green Infrastructure in Africa,” Shonibare added. Alain Ebobissé, CEO of the Africa50 Group, said: “We are highly appreciative of the African Development Bank’s support for the Africa50 Infrastructure Acceleration Fund I. We look forward to continuing to work collaboratively with the African Development Bank and other investors to make a meaningful contribution to improving the infrastructure landscape on the continent.” By leveraging private capital for infrastructure investment, The Africa50 Infrastructure Acceleration Fund I can help create jobs, strengthen healthcare access, improve education access through digital technologies, enhance access to financial services and financial inclusion through fintech investments, and reduce the impact of climate change. The fund is projected to create 3,278 full-time equivalent jobs over the period 2023-2035, including 1,676 jobs for women. In addition, the fund is expected to contribute to fostering regional integration through improvements in transport and logistics infrastructure that can lead to increased inter and intra-regional trade. The African Development Bank and partners in the new fund will continue to provide growth capital and infrastructure equity to support the urgent need to accelerate private sector funding toward bridging the infrastructure financing gap in Africa. SOURCE African Development Bank Group (AfDB Qaran News