-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - In a chilling turn of events, an explosion struck a residential area in the Shirkole neighbourhood of Mogadishu's Hodan district last night, causing a major security concern. This incident starkly contrasts the recently enhanced security efforts by US and Turkish-trained special forces in the capital. Source: Hiiraan Online
-
Doha (HOL) - In the wake of an escalating crisis in Somalia, top representatives from six nations gathered for an intense round of discussions in Doha this week, the third meeting of its kind. The group, comprising delegates from Qatar, Somalia, Turkey, the United Arab Emirates, the United Kingdom, and the United States, reaffirmed their commitment to stabilizing the East African nation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur. Wasiir Cilmi oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa uu sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha mideynta canshuuraha iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa Hhey’addaha maaliyadda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Sidoo kale waxaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ku wehliyay furitaanka shirkaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Hon. Raho Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Hon. Cabdiqafaar Xaange. Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxiibada caalamka. Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan. Geba-gebada shirkaan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah, oo dhinacyadu ku gaareen shirkaan maanta ka furmay. The post Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Warqadda Xeer Ilaaliyaha Guud u qoray Golaha Wakiilada ee ku taariikhaysan maanta iyo warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL waxa ay marag cad ka yihiin in awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha Wakiilada JSL ay toos ula wareegtay Waaxda Garsoorku iyada oo Dastuurku kala madax bannaaneeyey waaxyaha Qaranka JSL ee kala: Garsoorka, Sharci dejinta & Fulinta. In mundane ka tirsan Golaha Wakiilada oo la eedeeyey laga qaado xubinnimada oo Golaha laga saaro, waxaa waajibkaas gaar u leh Golaha Wakiilada waxaa loo raacayaa Dastuurka Qaranka qoddobka 79aad iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, in meela kale awooddii maroorsato waa gef iyo faro-gelin qaawan, waa arrin laf-jab iyo dhaawac ku keenaysa kala madax bannaanaantii Dastuurku waajibiyey, nidaamka Dawladnimada waaxyaha kala madax bannaani xilalka iyo awoodaha iskuma qabsan karaan. Taariikhda maaha markii ugu horreysay ee mundane la eedeeyo ama Golaha laga saaro. Intii aan annigu aan Guddoomiyaha ahaa dhawr mudane baa laga saaray Golaha, balse waajibkaa ka saarista xubinta ee Golaha ama maamuus ka xayuubinta waxaa iska lahaa Golaha Wakiilada oo keliya maadaama Xubnaha Golaha Wakiiladu ay leeyihiin dhowrsanaan la mid ah ta uu leeyahay Madaxweynuhu. Aqalka Golaha Wakiilada waxa ku waajib ah isaga oo raacayaa Xeer hoosaadkiisa iyo Dastuurkaba ka falcelinta talaabadan ugubka ah ee ay Waaxda Garsoorku u qaadday dhanka sharci jabinta iyo maroorsiga awooddii Golaha. Ugu dambeyn, waxa aan leeyahay; ciddii sharciga aynu dhigannay ku tumataa iyada ayaa luminaysa sharciyaddeeda iskana xayuubinaysa wixii sharcigu siiyey. W/Q Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Source
-
This is an attempt to shed light on the complexities of the recent constitutional review proposal made on 27/05/2023 by the National Consultative Council (NCC) composed of President Hassan Sheikh Mohamud and three regional presidents namely, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka, oo ay qeyb ka yihiin kuwa degan hantida ma-guurtada ah ee wasaaradda. Warqad wargelin ah oo kasoo baxday wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa waxaa lagu faray shirkadaha iyo ganacsatadaas inay iska soo diiwaan galiyaan wasaaradda. “Dhamaan shirkadaha ka shaqeeya shidaalka, gaaska cuntada, diyaaradaha keenida, kaydinta, daabulida, kaalimaha shidaalka iyo kuwa degan dhamaan hantida ma-guurtada ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS waxaa la farayaa inay yimaadaan wasaaradda oo iska soo diiwaan-geliyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxat wasaaradda. Yeerista wasaaradda ee shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka ayaa waxaa qeyb ka ah, ku wargelinta dhamaan waxa uu xeerkan farayo shirkadahaas, loolana socdo badqabka dadka ka shaqeynaya arrimaha shidaalka “Sida aad la wada socotaan waxa uu dalka Soomaaliya wali ku jiraa dib-u-dhiskii dowladnimada Soomaaliya oo maalinba maalinta ka danbaysa horumar lagu tilaabsanayo sidaa awgeed ayaa waxaa jirta in Golaha Wasiirada dalka ay ansixiyeen Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 120 30/03/2023 kaas oo ah Xeer Nidaamiyaha Dareer-hoosaadka Batroolka. Xeerkan oo tilmaamaya noocyada kala duwan oo ah habka dareer-hoosaadka Batroolka ku shaqa leedahay.” Qoraalka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Ugu danbayntii waxaan idiin rajaynaynaa wada-shaqayn wacan iyo fulinta amarka wasaaradda, kaas oo aad iyo muhiim ugu ah dowladnimadda Soomaaliya.” Warqaddan kasoo baxday wasaaradda ee amarka cusub lagu soo rogay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka ayaa waxaa ku saxiixna agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi Carabey. The post DF oo amar cusub kusoo rogtay shirkado dhowr ah appeared first on Caasimada Online.
-
“Warqadda Xeer Ilaaliyaha Guud u qoray Golaha Wakiilada ee ku taariikhaysan maanta iyo warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL waxa ay marag cad ka yihiin in awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha Wakiilada JSL ay toos ula wareegtay Waaxda Garsoorku iyada oo Dastuurku kala madax bannaaneeyey waaxyaha Qaranka JSL ee kala: Garsoorka, Sharci dejinta & Fulinta. In mundane ka tirsan Golaha Wakiilada oo la eedeeyey laga qaado xubinnimada oo Golaha laga saaro, waxaa waajibkaas gaar u leh Golaha Wakiilada waxaa loo raacayaa Dastuurka Qaranka qoddobka 79aad iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, in meela kale awooddii maroorsato waa gef iyo faro-gelin qaawan, waa arrin laf-jab iyo dhaawac ku keenaysa kala madax bannaanaantii Dastuurku waajibiyey, nidaamka Dawladnimada waaxyaha kala madax bannaani xilalka iyo awoodaha iskuma qabsan karaan. Taariikhda maaha markii ugu horreysay ee mundane la eedeeyo ama Golaha laga saaro. Intii aan annigu aan Guddoomiyaha ahaa dhawr mudane baa laga saaray Golaha, balse waajibkaa ka saarista xubinta ee Golaha ama maamuus ka xayuubinta waxaa iska lahaa Golaha Wakiilada oo keliya maadaama Xubnaha Golaha Wakiiladu ay leeyihiin dhowrsanaan la mid ah ta uu leeyahay Madaxweynuhu. Aqalka Golaha Wakiilada waxa ku waajib ah isaga oo raacayaa Xeer hoosaadkiisa iyo Dastuurkaba ka falcelinta talaabadan ugubka ah ee ay Waaxda Garsoorku u qaadday dhanka sharci jabinta iyo maroorsiga awooddii Golaha. Ugu dambeyn, waxa aan leeyahay; ciddii sharciga aynu dhigannay ku tumataa iyada ayaa luminaysa sharciyaddeeda iskana xayuubinaysa wixii sharcigu siiyey.” WQ. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale oo hore u hakiyeen, ayaa waxay rejo wanaagsan ka muujiyeen in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed iyo amni ee saameynta ku yeeshay saddexdaasi degmo. Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xal ka gaarista doorashada golaha deegaanka ee saddexda degmo ay ku howlan yihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanka. Waxa uu xusay in wada-hadalka arrintaan la xiriira uu meel fiican marayo, islamarkaana maalmaha soo aadan lagu wado in la shaaciyo jadwalka qabsooomidda doorashada saddexdaasi degmo. “Sidaad la socotid waa innagii hakinnay saddexda degmo sababo farsamo iyo amni oo markaas jiray welina waxaan war ka sugeynaa hay’adaha dowladda ee ay arrimahaas quseyso iyo bahda dhaqanka meel wanaagsan ayayna mareysaa, marka ay soo dhammaato ayaanu shaacin doona xilliga ay deegaannadaas doorashada ka qabsoomeyso,” ayuu guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in hadda aysan jirin caqabad weyn oo hortaan doorashada saddexda degmo, hase yeeshe fursad siinayaan in xal siyaasadeed laga gaaro qabsoomideeda. “Wax hadda taagaan oo caqabad weyn ah ma jiraan, annaga guddi ahaan wax hadda taagan oo aanu ognahay ma jiraan, laakiin maaddaama ay markii hore u hakatay sababo markaa jiray oo siyaasadeed ama amni marka in sababihii qaab xal ah looga saaro unbaa lagu mashquulsanaa.” “Annaguna maaddaama aan fursad siineynay intii ku hawlanayd arrimahaas xalliso welina fursaddii baanu weli siineynaa oo warbaan ka sugeynay laakiin wax dhibaato ah oo hadda taagtaagan ma ogi,” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq oo la hadlay BBC. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa 24-kii May ku dhawaaqay in xaalad amni oo soo korodhay darteed loo hakiyay doorashada degmada Garoowe, ee qorshuhu ahaa inay ka qabsoomto doorashadii dhacday 25-kii bishii hore. Sidoo kale waxa uu xilligaas guddiga hakiyay doorashada dowladaha Hoose ee degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiraan, kadib markii uu qiimeyn ku sameeyay xaalka guud ee shaqada doorashada. Guddiga ayaa waxa uu markaas qiray muhiimada ay leedahay deganaanshaha iyo in wada-hadal lagu xaliyo waxkasta lagu kala duwan yahay oo la xiriira doorashada dowladdaha Hoose ee saddexdaasi degmo. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay socdaan wada-hadallo la xirira arrintan, ayada oo weli ciidamadii hor taagnaa doorashada ay ku sugan yihiin duleedka magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka biyo diidan go’aan dhawaan kasoo baxay guddi arrimahaan loo xil-saaray, oo go’aamiyay inay fariisimahooda ku laabtan ciidamadu. The post Puntland oo war cusub kasoo saartay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Madaxweyne hore Gaas, Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid, Senatarro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ku shiray magaalada Naitoobi ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland. Xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Soomaaliyeed ee laga soo doorto Puntland oo ka warbixiyay Shirkaas Nairobi ayaa sheegay in looga hadlay doorashada Puntland ee 2024, Ilaalinta Dastuurka Puntland iyo sidoo kale arrinta dagaalka Laascaanood. ” Gudoomiyaha waxaa lagula dardaarmay in Dastuurka Puntland oo ah heshiis Bulsho ay ilaashaan Golaha wakiiladdu, sida oo kalena in ay ka shaqeeyaan in Puntland ay doorasho la isla ogol yahay ay ka dhacdo 8 Jan 2024 ” ayuu yiri xildhibaan Cismaan Yuusuf. Arrinta Laascaanood ayaa sida Xildhibaanku sheegay la isla gartay in ay waajib tahay in dhammaan laga wada qayb qaato difaaca Laascaanood iyo guud ahaan SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Puntland oo lagu qabtay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo Mareer ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigooda, kaasi oo looga dilay askar badan. Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hore uga sii soconayaan ciidamadeedu, islamarkaana aysan dhacdadaasi wiiqi doonin hadafkeeda ay u joogaan gudaha Soomaaliya ee howl-galka ATMIS (ex-AMISOM). Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Nathan Mugisha oo booqday ciidamadii dhawaan ku dhaawacmay weerarkii Buulo Mareer ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Uganda ay ka go’an tahay in ay fuliyaan waajibaadka howl-galka ATMIS, iyada oo todobaadkii hore la weeraray saldhigooda. “Waxaan dejinay xaaladda, waxaana socda dib-u-eegidda iyadoo horayna loo sii socon doono sidii loo qorsheeyay. Dhacdadu nagama wiiqi doonto hadafkeena,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Mugisha. “Waxaan sii wadi doonnaa geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya, annagoo taageerayna Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale, iyo isbeddel.” Arrintan ayaa imaneysa, xilli dowladda Uganda ay wajaheyso cadaadis gudaha, islamarkaana dadka reer Uganda qaarkood ay dalbadeen in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay sheegeen “in si bahal-nimo ah ugu dhimanayaan dal kale,” halka qaar kale ay dowladda usoo jeediyeen in loo aargudo askartooda. “Waa dareen isku jira qaar waxay nagu tirtirsiinaya in aan aargudano, qaar kalena waxay doonayaan in ciidanka laga soo saaro sababto ah waxay leeyihiin ciidankan waddankeena uma dhimanayaan ee dad kale ayay madaxooda ku dhimanayaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Uganda oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay dareenka uga yimid dadka reer Uganda. Uganda ayaa dooneysa in joogitaankeeda Soomaaliya ee xilligaan uusan waxba iska beddelin kadib weerarkii Buulo Mareer ee looga dilay askar badan. Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS. The post Uganda oo shaacisay waxa xiga kadib weerarkii Buulo-Mareer ee askarta looga laayey appeared first on Caasimada Online.
-
The French medical charity Doctors Without Borders has warned of a looming health crisis in Kenya's sprawling Dadaab refugee complex. The camp hosts nearly 300,000 refugees from Somalia and neighboring countries. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddi cusub. Guddigan cusub ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha u xil-saaray qaban-qaabada xuska sanad-guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda, kuwaasi oo ka kooban siddeed wasiir iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63-aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda,” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Guddigan cusub ayaa waxaa guddoomiye ka ah wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale waxaa xubno ka ah; wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), wasiirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Maxamuud Barre iyo wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye. Xubnaha guddigan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Biixi Iimaan Cige, wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Si kastaba, Guddigan cusub ee maanta uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa ka shaqeyn doona qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda. The post R/W Xamza oo magacaabay guddi 9 xubnood ah + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo tababar kusoo qaatay dalka Talyaaniga oo kamida dalalka waa weyn ee taageero dowladda dhexe. Ciidamadan ayaa waxaa gudaha garoonka kusoo dhoweeyay Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif), safiirka Talyaaniga u joogo Muqdisho iyo saraakiil kale oo ugu tegay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Taliye Kaniif oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyay askartan ay dowladda Soomaaliya usoo tababaray Talyaaniga. “Waxaan idinku amaanayaa dhabar adeegga, aqlaaqda iyo kartida aad ka muujiseen inta aad tababarka ku jirteen oo dalka aad ka maqneedeen” ayuu yiri taliye Kaniif. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ka qayb-qaadan doonaan howlaha shaqo ee Booliska Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay si hufa ugu adeegaan dadkooda. “Waxaad keenteen wanaag iyo sharaf aad kusoo siyaadiseen ciidanka Booliska iyo sharaf aad ugu adeegi doontaan dadkiina” ayuu sii raaciyay. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Talyaaniga oo isku xil-saartay tababarka ciidamadan cusub oo ku biiraya Booliska Soomaaliyeed oo haatan howlgallo ka wada gudaha magaalada Muqdisho. “Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dowladda Talyaaniga, safiirka iyo macallimiintii idin soo tababartay dhammaantood, guul ayaan idin rajeynayaa,'” ayuu mar kale yiri. Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna taageero kala duwan siiyaa dowladda federaalka. Si kastaba, ciidamadan cusub ee tababarka kusoo qaaday Talyaaniga ayaa kusoo aaday, xilli loo baahnaa, isla-markaana uu dalka ka socdo qorshe lagu sugayo amniga guud. The post Daawo: Maxay yihiin ciidanka ka yimid Talyaaniga ee maanta soo gaaray MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.
