-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay gelinkii dambe ee Talaadada ay afduub ka geysatay gobolka Hiiraan, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanka Farlibaax iyo degmada Beledweyne. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay waddada u galeen gaari ay la socdeen shaqaale caafimaad, kadibna ay horay u kaxeyseen dadkaasi. Tirada dadka la afduubtay ayaa gaaraya illaa 6 qof oo 5 kamid ah ay yihiin shaqaale caafimaad oo u shaqeynayay hay’adda Wardi oo howlo caafimaad ka wada Hiiraan. Sidoo kale qofka lixaad ayaa la sheegay inuu yahay ruux shacab ah, isla-markaana horay usoo raacay gaariga shaaqaalaha caafimaadka wateen oo kusoo jeeday Baledweyne. Shaqaalahan ayaa ka yimid tuulooyin hoostaga Farlibaax, halkaas oo kasoo fuliyeen adeegyo caafimaad, balse soo laabashadooda ayay afduubteen xoogaga Al-Shabaab. Lama oga halka ay Al-Shabaab la aadeen shaqaalahaasi oo aan la ogeyn waxa ay hadda ku sugan yihiin, maadaama ay u gacan galeen kooxda oo dagaal ka wada halkaasi. Dhanka kale, ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu baadi goobayao dadkaasi ka bilaabay duleedka Beledweyne, oo ah halka lagu afduubtay shaqaaladaasi. Ma’ aha markii ugu horeysay oo ay kooxda Al-shabaab afduubtaan shaqaale ka tirsan hay’addaha ka howlgala gobolka Hiiraan, waxaana arrin kusoo laa laabtay gobolkaasi. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ay weyn ay dadka deegaanka ugula dagaalameen kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray bariga gobolkaas oo ka tirsan HirShabelle. The post Al-Shabaab oo shaqaale caafimaad ka afduubtay duleedka Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan degaanka Ceel-haarre ee duleedka magaalada Qardho ayaa dhawaan ku wajahan caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa sida la filayo ku hakan doona degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal halkaas oo uu kula kulmayo bulshada degmadaas. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu todobaadka danbe si rasmi ah u furo Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo qodoba xasaasi ah horyaallan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dhawaan ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xariga ka jaray shan wado oo laami ah oo laga hirgaliyay Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa socod ku soo maray qaar kamid ah wadooyinka isagoo Sidoo kale madasha xarig jarka ka sheegay in Wajiga hore ee shaqadan oo hada gabo gabo ah ay ku xigto bilowga Wajiga labaad oo 14km oo dheeri ah ay Dowladu ku dari doonto. Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay dhammaan shacabka ku nool Magaalada Kismaayo inay ilaashadaan kaabayaasha hormarka isla markana ay u tanaasulaan danta guud. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in hormarinta adeegyada bulshada ay u baahan yihiin in si wadajir ah ay uga shaqeeeyaan hay’adaha Dowlada iyo shacabka si ay u noqdaan Kuwo miro dhal ah. Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu kormeeray qaar kamid ah tuubooyinka loogu tala galay in xiliga roobka ay biyaha ka qaadan wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada kuwaas oo Shaqo ay ka socoto. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo xariga ka jaray shan waddo oo laami ah appeared first on Puntland Post.
-
Police have fired tear gas to disperse Kenyans demonstrating in the capital against government plans to impose higher taxes. Source: Hiiraan Online
-
(Bloomberg) -- Italian Prime Minister Giorgia Meloni vowed to grant Tunisia $750 million in aid and to back it in its negotiations with the International Monetary Fund over a crucial bailout. Source: Hiiraan Online
-
Cases of kidnap have been on the rise as the motive of the kidnappers remains unknown, the latest being that of the daughter of Media Personality Ciku Muiruri. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka u joogay Soomaaliya Larry André ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababtii uu uga hor yimid muddo kororsigii Farmaajo iyo waxa ka jira eedeyn ah in Mareykanku fashiliyey qorshii uu Farmaajo ku sii xukumi lahaa dalka. Larry André oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in caqabadda kaliya ee Farmaajo qabsatay ay aheyd inuu ka talaabay dastuurka dalka, taas oo qad cagaaran uu ku tilmaamay. “Cadaadisku wuxuu madaxweyne Farmaajo ka haystay dhinaca dastuurka, wuxuu aad ugu dib dhacay muddo xileedkiisii. Khad cas ayay u tahay Soomaaliya, baalmarista dastuurka, sababtoo ah waa dal tobanaan sano ku soo jiray fawdo iyo gacan ka hadal,” ayuu yiri danjire Larry André. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku doodi jiray inuu hir-gelinayo doorasho qof iyo cod ah, wxuuna baarlamaankii waqtigaas isku dayey inuu u kordhiyo muddo laba sano ah, balse waxaa ka dhashay gacan ka hadal, kadibna waxaa la aaday doorasho dadban. Safiirkii Mareykanka u joogay xiligaas danjire Larry André, wuxuu wareysigaan ku sheegay in markii ugu horeysay uu Farmaajo bartay sanadkii 2020-kii, xiligaas oo Jabuuti uu ka ahaa safiir u jooga Mareykanka. Larry wuxuu sheegay in xilligaas uu Farmaajo u tegay dalka Jabuuti inuu ka qeyb galo wadahadalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Somaliland oo Jabuuti ay marti gelisay. Sanad kadib Larry waxaa loo soo magcaabay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay inay wada qaateen maalinkaas waqti is barasho oo ku filan, fikrado badana ay is dhafsadeen. “Maalintaas waxaan Madaxweyne Farmaajo u cadeeyay in ay khatar tahay in la dhaafo muddo xilgeedka ku xusan dastuurka Soomaaliya” ayuu yiri danjire Larry André. Diblomaasigaan wuxuu Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku amaanay, sidii uu u maareeyey doorashadii dhibka badenyd ee Soomaaliya. “Waxaan arkaynay in ra’iisul wasaare Rooble uu sameynayay wax kasta oo uu karay, isagoo adeegsanaya awoodiisa, si uu u hormariyo hanaanka doorashada, inkasta oo aan la hadlaynay madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, hadana waxaa lagu guuleystay inay doorasho dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Larry André. The post Safiirka Mareykanka oo shaaciyey xog ku saabsan wixii ay isku qabteen Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo, oo sanado badan ay ka taagned xiisad u dhaxeysa isaga iyo siyaasiyiinta beel ahaan kasoo jeeda gobolka qaarkood. Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia. Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo. Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka. Waxaa dhowaan Muqdisho loo diiday inay ka soo kacdo diyaarad sidday mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasoo dhalisay is mari waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii Gobolka Gedo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Gedo, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadaas. Hoos ka aqriso magacyada xubnaha gobolka The post Aqriso magacyada: Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Video of Saudi man mocking the abaya goes viral The video showed a man wearing a traditional Saudi Dress and headgear meeting a woman inside a living room and telling her to remove her abaya saying the time of abaya is over and this is the time of entertainment.The video was filmed in Riyadh and the man was also seen kissing the hand of the woman. The woman is a Jordanian fashion model The woman who appeared in the video is a Jordanian Fashion model whereas the man’s identity is yet not disclosed but it is clear that he is a Saudi national. Above all, both are accused of violating public morality and Islamic values. Arrest orders are issued Saudi online newspaper Ajel reported that the Governor of the Northern Region Prince Faisal Bin Khaled ordered to arrest of the man who appeared in the disgraceful video. Whoever tries to violate moral and religious values in Saudi Arabia will be punished according to the mentioned legal punishments. Watch:Viral Video No need to wear an Abaya In a previous statement, the crown prince of Saudi Arabia Prince Mohammed bin Salman has said that women are required to wear an abaya in public if they are wearing a modest dress. After this statement, many women in Saudi Arabia have been opting for this option. Qaran News
-
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa saacadihii hore ee Arbacada maanta ah la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, waxayna ka wadahadleen arrimo badan oo labada dhinac ah, kuwaas oo ahaa ‘wadahadallo furan oo daacad ah’ sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Diblomasiga ugu sarreeya Maraykanka ayaa Sucuudiga soo gaaray Talaadadii, waxaana booqashadiisu aheyd mid si weyn loo sugayay, iyada oo uu xiriirka labada dal aanu wanaagsaneyn, sababo la xiriiraa khilaaf qotodheer oo ku saabsan qodobbo dhowr oo ah ay ku jiraan siyaasadda Iran ee arrimaha amniga gobolka, qiimaha shidaalka iyo xuquuqul insaanka. Washington waxa ay sidoo kale rajaynaysaa inay sii waddo wadahadallo ku saabsan suurtogalnimada in caadi laga dhigo xiriirka ka dhexeeya boqortooyada Sacuudiga iyo Israa’iil, iyada oo ka hortagaysa ballaarinta saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ee gobolka. Blinken iyo dhaxal sugaha boqortooyada, oo sidoo kale loo yaqaan MbS, ayaa kulmay saacad iyo afartan daqiiqo, sida uu sheegeay sarkaal Mareykan ah, iyaga oo ka hadlay mowduucyo badan oo ay ku jiraan Israel, colaadda Yemen, qalalaasaha Suudaan iyo sidoo kale xuquuqda aadanaha. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay Xoojinta Iskaashiga labada dhinac appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay saaka ciidamada milatariga maamulka Somaliland ku qaadeen qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dhankooda ciidanka SSC-Khaatumo ayaa ku jawaabay madaafiic culus oo la sheegay inay ku hoobteen xerada Goojacadde oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Somaliland. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi, waxayna sheegeen inay dareemeen walwal iyo cabsi xoogan oo ka dhalatay madaafiicdaaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicda ay geysteen khasaar isugu jiro dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda. “Dhaawacyo yar yar mooyee wax khasaare ah ma ogi, guryo gubtana way jiraan” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi. Wararkiika ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan. Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo. Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta. Si kastaba, waxaa Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah. The post MADAAFIIC mar kale lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili. General Fayyad ayaa ugu horeyntii waxa uu wasiirka iyo wafdigiisa si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaasi. Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sacuudig ayaa waxay kulankaan uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labada dal. Sidoo kale waxay labada masuul lafa-gureen sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay wasiir Jaamac. Dhawaan unbay aheyd markii ay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kulan muhiim ah ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan. Labada hoggaamiye ayaa waxay markaas ka wada-hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya & Sacuudiga iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Villa Somalia. Kulankaas ayaa sidoo kale waxay labada masuul uga wada-hadleen gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ay ka wadaan gobollada dalka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Soomaaliya iyo Sacuudiga ‘oo kor u qaadaya’ iskaashiga laba dhinac oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye Khaliif iyo mudanayaasha kale ba xaq looguma laha in gal-dacwadeed lagu furo iayadoo… “Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo mudaneyaasha kale ee Golaha Wakiilada toona xaq looguma laha inay maxkamadi gal-dacwadeed u furto ka hor inta aan xasaanadda laga qaadin. Qoraalada aan arkayaana, meelba kumay dalbane, hawshooda ayey iska wataan. Xasaanadda mudaneyaasha midkoodii lagu xadgudbaa waa iyadoo lagu wada xadgudbay oo kale. Mudanaha haybadda qaranka kaalinta saddexaad kaga jirana, warqadahani ma xeerin xataa intii mudanayaasha kale uun uu kala sinnaa. Golahanna, xujo ayaa hor taal… Su’aashuba waxay tahay: Dastuurkii miyaa la laabay? Magaceenii haddeed halkii Jamhuuriyadda ahayd miyaan ku bedelannaa Boqortooyada? Waa halkii Aadan Siiree, “Ma aqbali karno sharcan wa caqlan!” W/Q: Xildhibaan Mukhtaar Maydhane. Qaran News
-
“Eedeynta Gudoomiye Khaliif iyo Maamus ka Xayuubinta Xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha Sare lasoo dhex Mariyay, Waxay Ka dhigan tahay in la rabo in si toos ah loo Ambabixiyo Rajadii yareed ee laasacanood iyo Sool clan laga qabay,Waase Hadaanu Idinka Yeelno. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Saaxibaday ahna Waxaan usheegayaa, Tan Hadii laina. marsiiyo Nin walboow Filo adna inaad ku xigto oo maalinba mid inaga mid ah horteena lagu cuni doono” Xil. Axmed Khaliif. Qaran News
-
Gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhaliilay habka ay Maxkamadda sare u dhaqmayso, waxana uu sheegay in maxkamadii xalka qayb ka noqon lahayd ay ku milantay xukumadii, qoraal uu gudoomiye Xirsi ku baahiyay bartiisa Twitarka oo koobnaa waxa uu nuxurkiisu u dhignaa sidan hoos ku xusan. Maxakamada sare ee Dastuuriga ah oo laga filayay in ay xalka qayb ka noqoto ayaa waxa muuqata in ay ku milantay xukuumaddii oo ay u tafaxaydatay in ay muranka daraf ka noqoto oo shaqadii Golaha Wakiillada soo gasho. Waxa aannu uga digeynnaa in ay hore ugu socoto talaabadaa gurracan, Somaliland intaa taagan ayaa dhib ugu filan ee ha uga darina oo qaranka dhiig-buxu ku socdo dhaawac kale ha u geysannina! Qaran News
-
Dowladda Jubaland ayaa Caawa mas’uuliyiin cusub u magacowday Gobolka Gedo. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu magacaabay Maamulka cusub ee Gobolka Gedo. Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cabdi Jaamac halka Cismaan Nuux Xaaji loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Gedo ayaa loo magacaabay Nasteex Cabdi Saalax sida ku cad wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Jubaland. Ibraahim Madoobe Maxamed ayaa sidoo kale loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada halka Maxamed Xuseen Isaaq loo magacaabay Xoghayaha Gobolka Gedo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo Maamul cusub u magacowday Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Somaliland ayaa u gudbisay Golaha Wakiillada ee Somaliland in la laalo xubinnimadii Golaha Wakiillada ee guddoomiyaha golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood. Dacwadaan waxaa ku saxiixan xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan. Xeer Ilaalinta ayaa ku eedaysay guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif inuu jabiyey dastuurka Somaliland. Guddoomiyaha ayaan weli ka hadaly eedeynta loo jeediyey, waxaana la xaqiijiyey inuu ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo dagaal looga saaray Somaliland. Dacwadda ay gudbisay xeer ilaalinta Somaliland ayaa ka kooban afar eedeymood oo kala ah: 1 – In uu guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ka hor yimid jiritaanka iyo minidamada Somaliland, kadib markii uu taageeray go’aannadii ay soo sareen odayaasha dhaqanka Laascaanood oo sheegay in Sool, Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn Somaliland isla maraakana ay hoos tagayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay in guddoomiyuhu uu jebiyay qodobka 1-aad iyo 2-aad ee dastuurka Somaliland. 2 – In Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu ka been sheegay dhaartii daacadnimo ee ugu dhaartay Somaliland. 3 – In uu jebiyay dastuurka Somaliland, kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo in golaha uu ka maqnaa 20 fadhi fasax la’aan. 4 – Iyo inuu cambaareeyay ciidamada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay in uu yiri waxay geysteen xasuuq ka dhan ah bini’adannimada. Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ka dalbatay in meesha laga saaro xubinnidamada golaha wakiillada ee Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, maaddaama ay sheegeen in uu dastuur jebin ku kacay. Intaas kadib Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif u dirtay warqad ay uga dalbaneyso inuu 7-cisho kaga soo jawaabo dacwad dastuuri ah oo xeer ilaalinta Somaliland ay u soo gudbisay maxkamadda. The post Somaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Cabdirisaaq Khaliif oo tegay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye Khaliif oo ka jawaabay warqadii maxkamada sare ayaa yidhi “Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha, waxaanu baal marsan yahay Dastuurka Dalka iyo dhamaan Xeerarka Dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo waana arin Jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] ee Awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu Xadgudbay.” Qaran News
-
Guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa si adag uga jawaabay qoraal ka soo baxay maxkamadda sare ee Somaliland. “Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha waxaanu baal marsan yahay Dastuurka iyo dhamaan Xeerarka Dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo waana arin Jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] ee Awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu Xadgudbay.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dacwadiisa soo gabagabeysay, xukun adagna ku riday Warsame Xasan Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ka dagaalanta qeybo kamid ah Soomaaliya. Ninkaan ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho uu ka aaminsan yahay inay yihiin ‘Kufaar’ isla markaana ay qolo kasta ku qiimeeyaan waxa uu aaminsan yahay hoggaamiyahooda. Ninkaan waxaa lasoo bandhigay muuqaalka isagoo suuqa Bakaaraha ku xabadeynayo goobo ganacsi oo diiday inay canshuur siiyaan Daacish, ilaa laba tukaan ayaa lasoo bandhigay isagoo xabadeynaya. Lama sheegin cid ku geeriyootay xabadihii uu goobaha ganacsiga ee suuqa Bakaaraha uu ka dhex-riday Warsame, waxaana la qabtay bilo ka hor. “Waxaa la ii soo diray inaan soo xiro tukaamada ka furan Bakaaro ee diidan inay bixiyaan canshuurta Daacish, dhowr xabo ayaan kor ugu riday tukaamadii aan tegay,” ayuu yiri ninkaan oo lasoo bandhigay isagoo xabadeynaya ganacsatada Bakaaraha. Maxkamadda ciidamada oo muddo gacanta ku heysay kiiska ninkaan ka tirsanaa Daacish ee ‘Kufaarta’ u yaqaanka dadka reer Muqdisho ayaa maanta ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah. “Xamar waa daarul kufri, daarta shacab laguma qiimeeyo, waxaa lagu qiimeeyaa hoggaamiyaha ka taliya, kitaabka uu ku dhaqmo ayey ku xukuman yihiin dadka ku nool magaaladaas,” ayuu yiri Warsame oo 15 –sano oo xabsi ah lagu xukumay maanta. Wuxuu sheegay in yaraantiisii uu ahaa xoolo dhaqato, isla markaana uu ku dhashay gobolka Gedo, sidoo kale uu xoolihiisa u naq raaciyey qeybo ka mid ah gudaha dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya. “Geel iyo Lo’ ayaan raaci jiray, dhul badan ayaan la maray, si aan u daajiyo, waxaan Daacish uga biiray duleedka Beledxaawo, muuqaaladooda ayaan daawaday, waxaana ka dhacay buuraleyda gobolka Bari, anigoo maray dhulka, waxaana halkaas kula kulmay Cabdulqaadir Muumin,” ayuu yiri Warsame. Hoos ka daawo The post Daawo: Xukunka nin ka tirsan Daacish oo ‘Kufaar’ u yaqaan dadka ku nool Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
