-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maalinimadii Isniinta ee 05/06/2023-ka xadhiga ka jaray dhismaha taariikhiga ah ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex. Guddoomiyaha waxa madasha furitaanka dhismaha ku wehelinayay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Shuruucda, Garsoorka iyo Xuquuqul Insaanka ee Golaha Guurtida Xildhibaan Mustafe Maxamed Daahir, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Maxamed Baaruud, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Taliyaha Ciidanka Asluubta Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cabdi Xasan Mire, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, Xoghayaha fullinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur, garyaqaanno, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kale. Ugu horayn waxa madasha xadhiga lagaga jarayay dhismaha cusub ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, ka warbixiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, waxaanu sheegay in mudadii ay jiray Jamhuuriyadda Somaliland, laga soo bilaabo 1991-kii ay Maxkamadda Rafcaanku dulsaar ku ahayd Maxkamadda Gobolka Marood-jeex, arrintaasi oo culays badan sababi jirtay, maadaama Gobolka Maroodijeex yahay Gobolka ugu bulshada badan dalka. Waxaanu is dul taagay in hirgalinta dhismahan oo ka kooban 13 xafiis iyo hoolkii dacwaduhu uu soo maray marxalado kala duwan kaasi oo ay dadaal kaga baxeen. Geesta kale waxa madasha ka hadlay Garyaqaan Maxamed Jaamac, waxaanu tibaaxay duruufaha kala duwan ee Garsoorku soo maray iyo meeqaamka wanaagsan ee maanta uu marayo. Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Maal ayaa sheegay in kaaba-yaashu hal-bowle u yihiin socodsiinta shaqada maalinlaha ah ee Garsoorka, dhismahanina kamid yahay guulaha Garsoorku ku talaabsaday. Geesta kale Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud ayaa boggaadiyay Garsoorka marka ay noqoto fidinta dhanka adeegga, ee tisqaaday iyo kobcinta aqoonta hawl-wadeennada Garsoorka. Taliyaha Ciidanka Asluubta, taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xoghayaha fullinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa iska daba maray waxqabadka wanaagsan ee Garsoorka ka socda hadday noqoto dhismayaasha iyo horumarka kale ee baaxadda leh. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa dhankiisa xusay sida ay u qiiro-galiso marka uu xasuusto cidhiidhigii iyo duruufihii ku geddaanaa Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo hannaanka wanaagsan ee ay maanta hawshu u socoto. Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed ayaa ka waramay doorka Maxkamadaha Guurguura waxaanu tibaaxay in ay la duruuf yihiin bulshada isla markaana goobaha ay ku suganyihiin ugu tagaan, arrintaasi oo uu ku sifeeyay horumarka wanaagsan ee dalku cagta saaray. Gaba-gabadii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo si rasmi ah u furay dhismaha Maxkamadda Rafcaanka ayaa ugu horayn u mahadceliyay Madaxweynayaashii kala danbeeyay ee dalka oo qayb laxaadle ka qaatay helitaanka dhulka laga yagleelay Maxkamadda Rafcaanka iyo dhamaystirka dakhligii lagu dhisayba. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhismahani yahay mid taariikhi ah, kaasi oo noqonaya dhismihii u horeeyay ee ay yeelato Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex tan iyo 1991-kii. Geesta kale Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay sida hufan ee Garsoorku bulshada ugu adeego waxaanu xusay in sannadkii 2022-kii Maxkamadaha dalka ay soo galeen 21,086 dacwadood, kuwaasi oo ay 17,680 dacwadood oo kamid ahi dhammaadeen, arrintaasi oo ka dhigan in 85% (Shan iyo sideetan boqolkiiba) ay dhamaadeen dacwadihii soo galay Maxkamadaha dalku. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in Guddoomiyayaasha Maxkamadaha dalku si weyn u qaabilaan cabashooyinka dadweynaha, waxaanu sheegay in ay jiraan maalmo u gaar ah cabashooyinka dadweynaha taasi oo loogu maareeyo tabashadooda. Waxaanu xusay in dhawaan Maxkamadaha dalka laga hirgaliyay nidaamka casriga ah ee GIS-ka, kaasi oo door wanaagsan kaga jira hubinta muranada ku saabsan dhulka ee soo gaadha Maxkamadaha. Gunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa tibaaxay hiigsiga dhow ee Garsoorka kuwaasi oo ay ka mid yihiin hirgalinta naadiga Garsoorka kaasi oo lagaga faa’iidaysan doono khuburada talax-gabka ah ee Garsoorka iyo casriyeynta nidaamka garsoorka “electronic system” kaasi oo waxbadan ka tari doona geedi socodka shaqada, hadday noqoto mudaymaha iyo shaqooyinka kale. Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii ka soo qayb gashay iyo hawl-wadeenadii munnaasibadda soo agaasimay iyo cid kasta oo door ku lahayd hirgalinta dhismaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex. Wa bilaahi tawfiiq. Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
-
Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan kugu salaamay, salaanta islaamka ee Asalaamu Calalaykum Waraxma Tullaahi. Salaanta kadib. Fariintan aan hawada kuu soo marsiinayo laba saboob dartood weeye. Waa tan koowaadee; waxaa tahay qof xil qaran haya, sidaas darteedna waa dhaqan siyaasadeed in madaxda loo diro warqad furan. Waa tan labaad e; aqoon shakhsi ah kuuma lihi oo qiyaas kama haysto fekerkaada iyo hannaankaada talo dhagaysiga, sidaas baan fariin qoraalkan kuugu soo dirayaa. Tan iyo kolkaad xilka qabatay xanta magaalada kuu taal kama mid ahan musuqmaasuq, waase kaa muuqataa inaadan waxba ka qaban musuqa geesahaaga oo dhan mushaaxaya. Tan hore waa tallaabo aad ammaan uga heleyso ummadda, ilaahayna aad ajar uga heleyso. Waliba, waxaa dad xog ogaal ah ii sheegeen inaad diiday saami-qeybsi maalinle ah oo ka imanaya dakhliga rakaatada ah ee isbaaro madaxeedka ah ee laga qaado Jaadleyda, waliba aad tiri, xoolo xaaraan ah ubadkayga iyo qoyskayga siin maayo. Sifada labaad ee ah inaadan musuqa waxba ka qabanin, tabar yaridaada bay sheegaysaa, waadse muujisay sidaad u karhayso xoolaha xaaraanta ah ee laga sameeyo maandooriyaha Jaadka. Eeboow na astur. Mid kaloo farxad lehna waa lagugu arkay, oo waa inaadan shisheeye ku xirmin oo danaha qaranka aad si qarsoodi ah kala heshiinin, ilaa iyo hadeer. Ka Dhawrsanaan-taada labadaas cudur, waxaa sabab u ah ineysan kugu jirin garoojooyin siyaado ah oo kugu kicin karo labada shahwo ee dadka haadaanta ka tuurta,; waa shahwada maalka iyo shahwada xukunka. Laabadaasba hadii lagaa baaray, wali waxaa tahay qof ka badqaba. Sidaad noqon doonto mustaqbalka mooyee, waase ducaysantahay hadaad iska ilaaliso labadaas xanuun ee dilaaga ku ah dowladnimada. Mudane Raisal Wasaare, Intaas aan ku joojiyo faanka aan kugula dul dhacay, ee aad moodo inaan is ilaaway. Horta maxaan rabay inaan kaala hadlo? Ma talo siin bey ahayd? Ma taariikhayn bey ahayd? Ma qolo kalaan u tibaaxayaa? Ma tawaawac bay aahayd? Intaas midkood kaliya maahayn ee waaba intaas iyo tuducyo kale oo lagu daray. Mudane Ra’iisal Wasaare, Afar waddo oo taariikhda soo martay baan kaaga war bixinayaa, mid shanaadna waa taladaan ku siinayo, marka sheekada isku karis baan ka dhigayaa ee hadba intii aad uga baahato ka adeego. Haddii aad dhammaantood iska xoortana, dhamaadkaada unbaa sheegi tubtaad ku danbeyso. Afeef: Tusaala-yaasha aan soo qaadanayo, madaxdii dhimatay waan ka leexinayaa wixii xanaf leh, waayo qof qabri galay qalin laga daba qoray, Alle ha u naxariisto ka badan lama qori karo, hadaysan duruuf cilmi doon ah kugu kallifaynin. Laakiin sida xeerku yahay, ruux aan iska kaa qaban karin, inaad halgaaddo waa gunnimo garaadka kaa gasha. Rabiyow magantaa. Gogol-dhig: Geeddiga qaran ee gaarigiisa uu gar wadeenka ka yahay Madaxweynaha wuxuu jecelyahay inuu ku socdo jidkii uu sheegay inuu guusha ku gaarayo ee uu ku talagalay, ee lagu soo doortay. Wuxuu u baahdaa inuu dhiso xukuumad hirgalisa ajandayaashaas, oo ka bilaabanaysa magacaabista Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumadda uu rabo Madaxweynaha ee uu soo ballan qaaday xiligii ololihiisa doorashada ama khubaro iyo awood siyaasadeed xubno uu u kaashanayo. Halkaas kolka la marayo Ra’iisul Wasaaraha cusub boqolkiiba sagaashan wuxuu magacaabaa siduu jecelyahay Madaxweynaha, wuxuuna dadka u sheegaa dhaqan wanaagsan maahan ninkii i magacaabay inaan hadeer magacyo isku qabsano, isagaana la doortay, marka laba ama sadex waan dhex gashan karaa, laakiin u taga Madaxweynaha. Waxaase qalbigiisa ku jirta Baarlamaanka yaanan lagu soo celinin xukuumadda ee is gaabi. Xilligaas Ra’iisul Wasaaraha waa nin dhaga-nugul, daacad u ah Madaxweynaha, talo walba ula noqonaya, maalinta uu dhaafo Baarlamaanka ee uu helo codka kalsoonida ilaa sadex bilood waxaa ka qaadata inuu xilalka kala wareejiyo, sadexda bilood ee ku xigtana, waxaa shaqo u noqota inuu xafiiskiisa barto, xiriirka gudaha iyo dibada kala fahmo, laba safar oo dibada ahna aado, xan badanna uu soo helo. Dibadaha wuxuu kusoo arkaa dowlado sadex nooc kala ah. Kuwa ku yiraahda maxaad farriin nooga sidaa Madaxweynaha? Kuwa ku yiraahda waxaan diyaar u nahay inaan adiga si gaar ah kuula shaqeyno, madaxweynahaga waa qof aanan la fahmi karin, marka diyaar ma u tahay inaan miisaaniyad, xiriiro caalamka ah iyo qorshe kuu diyaarino oon wada shaqayno? Waxaa jira kuwa saddexaad oo ah dowladaha aanan fahamsanayn xaaladda Soomaaliya oo wax ajanda ahna aanan ka lahayn, kuwaasna uma dhaafayaan soo dhawoow, Soomaalida waa dad wanaagsan. Maxaan idin kala shaqeynaa oon wada qabsanaa? Markay lix bilood u dhamaato, waxaa geesaha ka bilowdo mawjado siyaasadeed, iyo muran joogto ah, wareerka halkaas ka bilowda wuxuu salfadaa saddex sano ee u horeysa Ra’iisul Wasaara-yaasha, sanadka afraadna waxay salfataa Madaxweynaha laftiisa. Mudane Ra’iisul al Wasaare, Halkaas markay joogto aan kuu kala sharxo khaatumada Ra’iisul Wasaara-yaasha iyo hab dhaqankooda kala duwan anigoo adeegsanayna eray bixinno kooban oo ka turjumayso siday albaabka uga baxeen. Gaariga ka dag adigoo aanan qallibin Waxaa dalka soo maray Ra’iisul Wasaare-yaal diiday iney ajnabi u shirqoolaan Madxweynahooda oo dano gurracanna uga fuliyaan gudaha dawladdooda. Sidoo kale, diiday iney gorodda ka fuulaan qofkii sharfay ee shalay shaqada keenay, xitaa ka fogaaday iney damcaan darinta uu ku fadhiyo inay ka jiitaan. Waxaa usoo baxday iney muunad iyo magac ay ka helayaan iney ka xishoodaan ninkii xilka siiyey. Mararka qaar wey isku dayeen iney abuuraan jawi baddali kara xaaladda oo xilka kusii hayn kara, laakiin kolkay ku adkaatay waxay go’aansadeen iney gaariga kaligood ka dagaan si tartiib ah, iyagoo ka fogaanaya inuu wada qallibmo. Ragaas ayaan mid mid u dul istagayaa. Dr. Cali Maxamed Geeddi: Isagoo haysta taageerada Barlamaanka oo buuxda, waliba kaga adkaaday Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha oo wada jira, haddana si deggan oo sahlan buu gaariga uga dagay. Sidoo kale, wuxuu mar haystay garab istaag buux oo beesha caalamka ah haddii uu kasoo horjeesto Madaxweynihiisa, taasoo uu diiday oo uu waliba carrab kulul ugu jawaabay, kolkaas kadibna ay bilaabeen qorshihii Geeddi xilka looga tuuri lahaa. Marag waxaa loo hayaa in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Alle ha u naxariistee uu ka shallaayay inuu nin karti leh oo misana uroonaa uu lumiyey. Cumar Cabdirashiid: Muddo xileedkiisii koowaad, wuxuu gaariga ka dagay isagoo haysta teegeerada beesha caalamka, lana hareereeyay madaxweynihii oo ku khasbanaaday inuu ka laabto go’aannadiisii qaarkood. Laakiin Cumar, wuxuu ku tagay si deggan oo shanqar yar, taasoo dhalisay inuu isla jagadii mar labaad hanto oo siyaasad lagula shirkoobo, waana siyaasiga kaliya ee laba jeer noqday Ra’iisul Wasaare taariikhda Soomaalida. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo: Taageeradii ugu weyneyd isagoo haysta oo shacabka u mudaaharaadayaan oo la leeyahay caynaanka hay oo ha naga tagin, sidoo kalena horay usoo diiday inuu ajnabi ku caawiyo shirqool siyaasadeed lala damacsanaa Madaxweynihiisa ayuu gaariga ka dagay. Intaas waxaa dheer, waa Ra’iisul Wasaaraha kaliya ee xilka ka dagay, isagoo shardi ka dhigtay qofka ka dhaxlayo jagada oo ah ku xigeenkiisii, waana loo fuliyey ballantaas. Waxaa xusid mudan, markii uu Farmaajo diiday faragalinta shisheeyaha waxaa lagu yiri, waxaan ku tusaynaa adigoo la isugu kaa tagay oo inta kale kula dirirsantahay. Farmaajo ficilkiisii wanaagsanaa wuxuu ku helay inuu u dallaco Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Sadexdaas masuul waxaan ka dhaxalnay inuu dalkii sii socda, iyagana xushmad iyo qaddarin ku kasbadeen. Dulmane, haddana la gaaday: Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid): Waa hannaan ugub ah oo ka duwan hababkii ay ku baxeen Ra’iisul Wasaare-yaashii soo maray dalka. Isagoo daacad u ah Madaxweynihiisa, shaqadana aysan isku qabanin, shisheeyana aanan ka raacin, dalkana uusan ka jirin qalalaase siyaasadeed oo ay tahay in lagu dajiyo, ayaa weerar gaadmo ah lagu soo qaaday, haddana laga hor istaagay inuu hortago Baarlamaanka. Sidaas baana lagu xukumay isagoo maqan. Ra’iisul Wasaare Saacid waa sabray, waana ka tagay booskii si buuq la’aan ah, edeb iyo deggenaan buuna raaciyey oo hadal xun iyo ficil hooseeya kama daba tuurin Madaxweynihiisii. Saaxib iyo cadow isku si ula dhaqan: Tan iyadana waa ugub, waliba waa wada ugub. Dhalashada, dhaqanka, iyo dhamaadka. Waa marka Madaxweynaha shaqada u wada dhaafo Ra’iisul Wasaarihiisa, wargalin iyo wada tashi kaliya ku ekaado, hagid iyo hogaamin qaran marka laga reebo, muuqaalka, gole ka hadalka iyo matalaadda hawlaha Dowladda uu si mug leh uga muuqdo Ra’iisul Wasaaraha. Taasi waxay u qalantay inuu daacad buuxda usii noqodo Madaxweynihii soo magaacabay, haddana muuqasho iyo awood buuxa ugu daray. Laakiin, waxaa la arkay, isagoo shisheeyo la shirqoolaya, isku dayaya inuu siro dadkoo dhan, xitaa naftiisa haday ku kallifto. Marka danbana, dadkoo wada faraxsan uu kaligiis ku guulaysto inuu dhaxlo Madaxweynihii uu khayaamay. Bal yaabkan eega! Waxaa adag inaad fahamto marka uu xumaanta kuu falkinayo, inta badan, waran-kiisu shiish maleh illeen waa nabar xatooyo ahee, ama waa gacan saddexaad. Laakiin, haddii uu kula helo waranka, wuxuu kari karaa inuu caddaymo kugu tuso in warankaas uusan isagu kugu shiishin ee ay halgaad kadis ahi kugu dhacday, ama wuxuu ku tusi karaa caddaymo aad ku qanacdo in qofka hebel la yiraahdo uu ganta gaashaanka qabtay, sidaasna ay fallaartii kuugu soo fakatay. Kolkaasna, waxa kaliya ee kuu furan waa inaad dhibtii uu kuu gaystay aad isaga laftiisa uga tacsiyeeyso oo aad ku dhahdo waxba ha u arkin inaad igu ceeboowday, iskana ilaaw waxa igu dhacay oo waan ogahay adiga inaadan rabin, raallina aadan ka ahayn dhibta isoo gaartay. War ninku xirfad badanaa oo xariifsanaa! Wuxuuse ku danbeyey, kaligiis inuu quusay, oo xitaa rakaabkii saarnaa doontii uu naakhuudaha ka ahaa ayaa biyaha dhinacooda tubada uga soo furay. Mid baa igu yiri; ka warran qofka wali la jaalka ah sidaad adiguba ahaan jirtay mar? Waxaan ugu jawaabay jecaylkiisa ninkii iiga danbeeya, neceybkiisana wuu iiga danbeyn. Waana khaatumada qofka si isku mid ah ula dhaqma saaxiibkiis iyo cadawgiis. Ma liibaanaha lagu liibaano: Nuucaanna wuu jiraa, waana marka damac xukun ama dantaada ah, aydnaan isku qaban Madaxweynahaaga, laakiin aad shisheeye u gacan gasho, waliba iyagoo aanan kula heshiinin intay si xun kuu dhibaateeyaan oo nafsi ah, oo laba dal sirdoonadooda ay kuu wada dhigaan shax shareed heerkeedu aad u sarreeyo, ayna ku gaarsiiyaan adigoo ka carayaya iney xogtaada bannaanka usoo baxdo aad u qabato shaqo kasta oo dumineysa dalka, dhaawac uusan kasoo kici karinna ku dhufato Madaxweynihii ku sharfay, habka aad u shaqeyneysana ay ku dhamaato inaadan adigana mustaqbal lahayn, aadna soo fulisay wax kasta oo lagaa rabay si aad lafahaaga u badbaadsato. Noocaan waxaa la dhahaa ma liibaanaha lagu liibaano, waa marka aad dhibbane u tahay shirqool aad is aragtay inaad dhexda ugu jirto, adigoonan go’aansanin ama dantaada ku jirin, dadkuna maadama aysan haynin xogtaada rasmiga ah waxay ku wareerayaan sifada ay ku siinayaan. Waa nin rag ah oo iska celiyey hebel iyo hebel. Waa nin wareersan oonan dantiisa aqoonin. Armaaba laga gardaranyahay iyo sifooyin kale oo dhammaantood aanan xog sax ah ku dhisneyn. Khasaaraha noo qaybi: Waa marka aad damacdo inaad tartan la gasho Madaxweynahaaga ood iska dhaadhiciso u sharax ummadda inaad ka fiicantahay Madaxweynihii ku magacaabay, dowladdana wixii ka khaldamay aadan adiga qayb ka ahayn. Waa marka, damaca ku indha-tiro, eed ku dhammayso inaad la safato wareega labaad ama saddexaad ee tartanka qof mucaarad idin ku ahaa adiga iyo Madaxweynaha aad jallaafada la ridayso. Jidkaan dhawr jeer baa la tijaabiyey, lagama waantoobo, lagumana guulaysto. Waa halkii Xirsi Magan ka yiri, talo xume u tag oo talo xume ka tag waa tubteydii. Waxaan usoo joogay, iyadoo wareeggii labaad la joogo, uu Ra’iisul Wasaare xilka haya oo tartanka ka haraya wareeggii labaad oo baryo iyo shuruud hor dhigayo musharrax mucaarad ahaa oo guulaysan raba, misana warkii loogu soo koobay, dadka aan tixgalin doono baan kugu darayaa. Wallee taasoo kale cuqubo baa lagaa dhahaa. Allow magantaa. Xamze maxaa u xal ah? Marka koowaad dadkoo dhan waxaad uga duwantahay, adiga nasiib kuma aadan iman oo magacaaga Google lagama soo helin. Sidoo kale talo saaxiib ku yaqaanna iyo olole beeleed kumaadan noqon Ra’iisul Wasaare. Waxaad tahay xubin Xisbiga Madaxweynaha ka tirsanaa, aqoon muddo dheer uu kuu lahaa, adigana waad soo sabirtay oo muddo xileedkii hore tabasho ayaad ku dhammaysatay, 5 sano oo mucaaradnimo ahna waad lasoo safatay hogaamiyahaaga. Intaas adigoo xusuusto, taladaya oo kooban waa sidaan; Koow: Sidaad u muuqato inaad sanadka dhamaaday u dhaqmeysay ku sii wad, waana sifooyinka aan kor kusoo xusay ee aan kugu ammaanay. Labo: Rag damac kama dhammaadee, hadday kuu soo xaluulato hawo dhahaysa anna maan Madaxweyne noqdo, waa iga talee awood aadan usoo dhididin ha isku dhadhamin. Orodoo soo kifaax oo dadnimaada soo tijaabso. Qoriga laguu dhiibtay inta ku hartay ee rasaas ah intaa u celiso ninkii iska lahaa, waliba si qurxan adigoo u sii dhaqay, si tartiib ah iridda uga siibo. Markaas kaddib, tolkaa, taladaa iyo tayadaa intaad isku darsato damacaaga usoo harjad. Hadaadse isku daydo kursi Madaxweyne baan si dhuumasho ku dafayaa, hortaaba la hollin waa ee bal tubta isku tashiga soo tijaabi. Saddex: Shisheeye ha usoo raacin Madaxweynahaaga, marna libin kuma gaaraysid, waxaadna ku danbayn doontaa adigoo bir is moodaya inaad sidii buufinkii kaligaa u dillaacdo ama intay wax fool xun kugu sameeyaan baad hayin la hogaansado u noqon, kolkaas bay ficilladaada oo dhan wada fool xumaaanayaan. Markaad xilka weysana, shisheeye iyo sokeeyo mid ku salaama arki meysid. Afar: Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan ayey is qabteen Raisal Wasaarihiisa, xantii oo aanan bannaanka usoo bixin, buu aniga ii yeertay masuulkaas isagoo suuqa kasoo maqlay inaan gadoodsanahay. War dheer oo nuxurkiisa yahay, inaad ila jirsato baan rabaa oo aan Wasiir kuu magacaabi si aan ula diriro Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidii uu war kale iiga sugayey, baan ku iri, malaha waad ilowdayee inaan kasoo gows-qabsaday Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa saldhig u ahaa inuu adiga kuu magacaabay Ra’iisul Wasaare, hadeerna kolka dagaalkiinna qarxo anigu waxaan dib ula heshiinayaa Madaxweynaha ee haddaad talo yeeleyso, orodoo la heshii oo la saaxiib Madaxweynaha. Mudane Ra’iisul Wasaare, Xusuusnoow dad badan waxay Madaxweynaha ula dirirsanyihiin dartaa, maalinta aad is qabataanna, isagay la jirsanayaan. Sidaas darteed meeshaada ku qalalso, kuna qaboowso. Deeqsinimada xadka dhaafsan iska yaree oo jagada Ra’iisul Wasaaraha u ekeeysii mid jirta oo joogta, adigoonan madaxa ku dhufanin Madaxweynahaaga. Waan arkaa inaad saxiixday qodobo dastuurka khilaafsan oo taabanaya awoodaha xafiisyada ugu sarreeya dalka. Kuma lihi anigu sida dadka qaar, beesha aad matasho maxaad ula tashan weysay? Waxaanse ku leeyahay iska ilaali inaad saxiixdo warqad dastuurka si qayaxan uga hor imanaysa, waayo, adigu sharci fuliye unbaa tahay ee sharci dajiye ma tihid. Sidoo kale, ha saxiixin waxaanan kuu qalmin, calafna ilaah baad u leedahay ee cadkaad ku fadhido hana cunin, hana ceebeynin. Nin aad kuu yaqaan oo siyaasadana aan ku jirin wuxuu igu yiri, adigoo hal asbuuc magacaaban, Ra’iisul Wasaare Xamze, inuu Madaxweynaha xanto oo uu ku nafiso waa laga yaabaa, subax inuu iska dhaqaaqo oo iscasilo waa laga yaabaa laakiin kama hor imanayo, waxbana kama diidayo Madaxweynaha. Aniga laftayda sidaas baan kuugu duceeyey. W/Q: Fahad Yaasiin La-taliyihii Hore ee Amniga Qaranka The post Warqad ka timid Fahad oo ku socota Xamza: Cadkaad ku fadhido hana cunin hana ceebeynin appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray wargelin cusub oo ku socota shacabka, kaasi oo uga dalbanayo in lagu soo wargeliyo haddii ay arkaan shaqaale dowladeed oo ku kacay musuq-maasuq. Wargelintan kasoo baxday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed looga dalbaday inay hubiyaan in warqadda lacag qabashada adeeg dowladeed ay ku cadahay tirada lacagta laga qabtay, si loo xoojiyo hufnaanta iyo la-dagaalanka musuqa. “Si waafaqsan Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci No.17) iyo Xeerarka Canshuurta Dowadda, haddii aad bixiso canshuur, ganaax, kiro, lacag adeeg iyo nooc walba oo dakhli ah oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya (Dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir), hubi in aad qaadato warqadda lacag qabashada (receipt voucher) iyo in tirada lacagta lagaa qabtay ay ku caddahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Haddii aad rabto aragto khalad, wax is-dabamarin, khiyaano ama xeeladeysi ku saabsan nidaamka lacag qabashada, fadlan la wadaag Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.” Arrintan ayaa imaneysa xilli kal hore ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah musuq-maasuqa, kaasi oo aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale waxay qorsheynaysa inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo dhawaan Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka. Qaraarkan ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha. Sidoo kale waa mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. The post Hanti-dhowrka qaranka oo dalbaday in lagu soo wargeliyo tuug shaar dowlad wata appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degaanka Ceel-haarre ee duleedka magaalada Qardho ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Saciid Deni ayaa sida la filayo ku hakan doona degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, halkaas oo kulamo kula qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi. Madaxweyne Deni ayaa waxaa lagu wadaa in uu todobaadka danbe si rasmi ah u furo kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo qodoba xasaasi ah horyaallan, oo uu kamid yahay wax ka beddelka Dastuurka Puntland oo ka dhashay muran xooggan. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa horraanta bishii hore ee May magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya wax ka beddelka uu maamulka Saciid Deni qorsheynayo inuu ku sameeyo Dastuurka Puntland. Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa timid kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, gaar ahaan qoddobka xisbiyada siyaasadda maamulkaasi, islamarkaana laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi. Xubnaha guddigaan ayaa lagu wadaa in Golaha horgeeyan warbixinta fallanqeyn iyo daraasad ay kusoo sameeyeen arrinta wax ka beddelka dastuurka Puntland ee soo jeedisay xukuumadda uu hoggaamiyo Saciid Deni. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la fahamsan yahay in Deni uu gadaal ka riixayo arrintaan, si uu baarlamaankana u meel-mariyo in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka. Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Saciid Deni ee Garoowe ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay weli socdaan wada-hadallo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed iyo amni ee qabsoomida doorashada dowladaha Hoose ee Garoowe iyo laba degmo oo kale, kuwaasi oo hore u hakiyay guddiga doorashooyinka Puntland. The post Xog: DENI oo ku wajahan Garoowe xilli xiisad ay jirto appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeraad ka bixisay dacwad ay ka gudbisay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood. Dacwadaan oo uu ku saxiixna xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa waxaa lagu dalbanayay in Cabdirisaaq Khaliif la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada, kadib markii uu ku eedeeyay inuu jabiyey dastuurka Somaliland. Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Axmed Carshe oo la hadlay MMTV ayaa waxa uu dacwadaasi ku tilmaamay mid sharci ah, islamarkaana timid kadib markii Golaha Wakiilada ay ku fashilmeen inay tallaabo ka qaadan Cabdirisaaq Khaliif. “Golaha Wakiilada muddo lix billood ah ayaa la sugayay, way ku fashilmeen oo tallaabo way ka qaadi waayeen, iyaga oo arkayey Cabdirisaaq Khaliif in uu badheedhay inuu dagaalka ku jiro, markaa qodobka 79-aad faqradiisa 2-aad ayaa ogol in xeer ilaaliyaha guud uu dacwad ku oogo,” ayuu yiri afhayeen Carshe. Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xil ka xayuubinta Cabdirisaaq Khaliif ay hortaagan yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay guddoomiyaha dacwada laga gudbiya6 ay la fikir yihiin. “7 xildhibaan oo Baarlamaanka ku jira oo taageersan huwanta la dagaalameysa Qaranka Somaliland ee kusoo duushay ayaa is-hortaagay in Golaha Wakiilada ay Khaliif dacwad kusoo oogan, inta kalena way ka baqeen oo waajibaadkoodii waa gudan waayeen,” ayuu yiri. Xildhibannada uu eedeeyay afhayeenka oo aanu magacyadooda carabaabin ayuu shaaciyay in sidoo kale dacwad lagu soo oogi doono, kuwaasi oo eed uga dhigay in warbaahinta ka taageeraan guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif. Si kastaba, dacwada xeer ilaalinta kadib ayaa waxay Maxkamadda Sare ee Somaliland ay guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif u dirtay warqad ay uga dalbaneyso inuu 7-cisho kaga soo jawaabo dacwad dastuuri ah oo xeer ilaalinta Somaliland ay u soo gudbisay maxkamadda. The post Somaliland oo shaaca ka qaaday arrinta ka dambeysa tallaabadii ay shalay qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Mubaarik Xeel-dheere oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si addag uga hadlay tallaabada aan sharciga waafaqsanayn ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku doonayso inay xasaanada iyo xilka iyo xubinimada Golaha kaga qaado Guddoomiye Cabdirasaaq Khaliif Axmed Xildhibaan Xeel-dheere oo isagu ku sugan Magaalada Burco war-baahinta la hadlay ayaa yidhi sidan:“Golaha Wakiilaadu maaha malcaamada uu ina Biixi haysto,Guddoomiye Cabdirasaaq khaliif wuxuu ku amba baxay sifo sharci ah oo uu Madaxweynuhu oggaa oo Golaha fasax ayuu ka qaatay kii ayuu ku maqan-yahay weli,Golaha ayey u taal arrintiisu,lakiin maaha mid u taala ina Biixi iyo ina Xaaji Cali iyo ina Hayaanka Xeer illaaliyaha ah mid-na,arrintan waa fal wax-shinimo ah oo sharciyadda baal-marsan “ Xildhibaan Xeeldheera ayaa sheegay in xeer illaalinta iyo Maxkamadda Sarre ay sameeyey sharci jebin, isla markaana ay tallaabooyinka ay qadeen ay yihiin qaar dastuurka khilaafsan “Sida aad ku arkaysaa war-baahinta Maxkamadii Sarre ayaa hawsheedii iska bilaabatay iyadoo aan la soo gaadhi Golayaashii ,haddaba Waxa si badheedh ah la iskaga indho tiray nidaamkii sharci eeuu jideeyey Dastuurka Qaranku,iyado uu xeer ilaaliyihii guud uu ku guul-daraystay inuu raaco nidaamkii Dastuurka jideeyey ee ahaa in xubinta marka hore maamuuska laga xayuubiyo,lakiin Xildhibaankii uu ula dhaqmay sidii qof shacab ah ,dacwadiisina uu ugu gudbiyey Maxkamada Sare markaa waxay ahayd-ba inuu Maxkamada kale u gudbiyo oo aanu Maxkmaddaha kale tegin-ba “ “Dastuur jebinta labaad ee la sameeyey waxay ahayd waxay Maxkamadda Sare ay Xildhibaankii haystay xasaanadii ama maamuuskii isagoo laga xayuubin ayey warqad yeedh-mo ah u dirtay,waxaanay ula dhaqantay sidii qof shacab ah “ayuu yidhi Xildhibaan Xeeldheere Geesta kalena Xildhibaan Xeel-dheere ayaa ka digay haddii uu qorshahan sharci darrada ah ee ay wadato Xukuumaddu uu u hirgalo inay Xildhibaano kale la beegsan doonto “Haddii ay hirgasho in Guddoomiye Cabdirasaaq Khaliif laggu soo eedeeyo ama xilka lagga qaado nidaamkan khaldan ee dastuur jebinta ah,waxay galaafan doontaa Xildhibaano kale oo jooga..” “Khiyaamadda ugu weyni waa khiyaamadda lagga gallo dastuurka ,waxaynu ognahay inuu dastuur illaaliyaha koobaad ee Qaranku yahay Madaxweynaha ,haddii uu arrinka fooshan xun ee dastuur jebinta ah uu ka aamuso waxa dhici doonta in isagana si aan dastuurka iyo sharciyadda dalka waafaqsanayn xilka loogga qaadi doonno.”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarik ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay tallaabo ka qaadi doonaab weerarka sharci darrada ah ee ay ku soo qaaday Golaha Wakiillada Xukuumadda Muuse ee uu wakhtigeedii dhammaaday “weerar ayaa golaha lagu soo qaaday sharciyaddii-na looma marrin qaniin-yo ayaa qaniinyo kaa gowysa waxa aanu samaynayno waa la garanayaa.” Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, waxayna, ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo. Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Shanta dal ee ku mideysan taageerada Soomaaliya oo bayaan soo saaray MOFA/QatarCopyright: MOFA/Qatar Wakiilo ka kala socda dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkiga, Maraykanka, Imaaraatdka iyo Ingiriiska, oo kulankoodii saddexaad uga qabsoomay magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa si wada jir ah bayaan u soo saaray. Kulanka oo isniintii dhacay ayaa sida bayaanka ku xusan looga hadlayey xaaladaha Amniga, Siyaasadda iyo biniaadannimo ee Soomaaliya. “Saaxiibadu waxay hoosta ka xariiqeen taageerada ay u hayaan dawladda federaalka Soomaaliya, si ay u gaadho degganaansho amni ee xaaladda hadda, in lagasii hadlo siyaabo loo dhiso kalsooni, dhismaha iyo horumarinta siyaasadeed, iyo qabanqaabada la dagaalanka aragagixisada iyo taageerada amni ee heer caalami.” ayaa lagu yiri bayaanka oo si wada jir ah ay usoo saareen wakiilada shanta dal iyo Sooomaaliya. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu muujiyey in ay kooxdu soo dhaweynayso sida ay dawladda Soomaaliya u xoojinayso waaxdeeda amniga iyo isu diyaarinta sida ay ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga marka ay 2014-ka ka baxaan ciidamada midowga Afrika ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya. Dalalkan shanta ah ayaa si gaar ah u daneeya Soomaaliya iyaga oo qaybo kala duwan ka caawiya, sida amniga, dhaqaalaha iyo dawlad dhiska, kulankanna wuxuu noqonayaa koodii saddexaad ee ay Soomaaliya si wada jir ah uga yeeshaan. Qaran News
-
Nuxurka Kulanka Amiirka Sacuudiga MBS & Wasiir Blinken xilli khilaaf adagi dhex yaallo Labadooda Dal JEDDAH — Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa saacadihii hore ee maanta la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, waxayna ka wadahadleen arrimo badan oo labada dhinac ah, kuwaas oo ahaa ‘wadahadallo furan oo daacad ah’ sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Diblomasiga ugu sarreeya Maraykanka ayaa Sucuudiga soo gaaray Talaadadii, waxaana booqashadiisu aheyd mid si weyn loo sugayay, iyada oo uu xiriirka labada dal aanu wanaagsaneyn, sababo la xiriiraa khilaaf qotodheer oo ku saabsan qodobbo dhowr oo ah ay ku jiraan siyaasadda Iran ee arrimaha amniga gobolka, qiimaha shidaalka iyo xuquuqul insaanka. Washington waxa ay sidoo kale rajaynaysaa inay sii waddo wadahadallo ku saabsan suurtogalnimada in caadi laga dhigo xiriirka ka dhexeeya boqortooyada Sacuudiga iyo Israa’iil, iyada oo ka hortagaysa ballaarinta saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ee gobolka. Blinken iyo dhaxal sugaha boqortooyada, oo sidoo kale loo yaqaan MbS, ayaa kulmay saacad iyo afartan daqiiqo, sida uu sheegeay sarkaal Mareykan ah, iyaga oo ka hadlay mowduucyo badan oo ay ku jiraan Israel, colaadda Yemen, qalalaasaha Suudaan iyo sidoo kale xuquuqda aadanaha. Qaran News
-
Gobol ku yaalla Dalka Maraykanka oo muhaajiriinta u tarxiilaya Gobol kale oo isla Maraykanka ah Waaxda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka Florida (FDEM) ayaa qiratay door ay ku lahayd laba duulimaad oo maalmihii la soo dhaafay 36 muhaajiriin ah lagu geeyey magaalada Sacramento ee gobolka California. Duulimaadkii ugu horeeyay oo16 tahriibayaal ah wada ayaa magaaladaas gaaray todobaadkii hore, ka dibna diyaarad labaad ayaa Isniintii timid, taas oo ay la socdeen 20 muhaajiriin ah. Maamulka California ayaa baaraya in wax sharci ah la jabiyay iyo in dadka la marin habaabiyay. Florida ayaa sheegtay in dhammaan muhaajiriinta ay si iskood ah u duuleen. Tani waa qirashadii ugu horeysay ee Florida si cad u qirato tan oodhacday maalmo aamusnaan ah ka dib duulimaadyada. “Iyadoo loo marayo oggolaansho af iyo qoraal ah, muhaajiriintu waxay muujiyeen inay rabaan inay aadaan California,” Alecia Collins, agaasimaha isgaarsiinta FDEM, ayaa ku tiri hadal ay soo saartay Talaadadii. Ms Collins ayaa sheegtay in “qandaraasle uu joogay” si loo hubiyo in soogalootiga ay si nabad ah ku gaareen “hay’ado gacan saddexaad ah”, oo loogu magac daray Hay’adaha samafalka Katooliga. FDEM ayaa sidoo kale baahisay muuqaal laga arkayo gaadiid, kaasoo u muuqday mid muujinaya muhaajiriinta, qaarkood waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay. Sannadkii hore, Mr DeSantisbarasaabka gobolkan, waxa uu laba diyaaradood oo siday muhaajiriin u diray Martha’s Vineyard, oo ah aagga qaniga ah ee Massachusetts. Florida iyo ugu yaraan laba gobol oo kale oo uu Jamhuurigu gacanta ku hayo ayaa basas badan oo muhaajiriin ah u diray magaalooyinka ay maamulaan Dimuqraadigu si ay uga mudaaharaadaan siyaasadaha socdaalka ee dawladda federaalka. Qaran News
-
Geedkii Wardheer oo go’ay, waxa looga naxay sidii oday guurti ah oo geeryoodey! Geedka Quracle, waxa uu ku yaallaa magaalada taariikhda weyn ee Wardheer oo ah xarunta gobalka Doollo ee DDS. Odayaashii hore waxay sheegaan in geedkan uu jiro qiyaastii 300 sanno, waxaa meel u dhow ku yaalla ceel-biyood fac-weyn oo gacan ku qod ah kaa oo lagu magacaabo Quracle, sababta magaca Quracle loogu bixiyayna waa in ceelku ku yaallo meel u dhow Quraca maanta jabay, mudo kadibna isla geedkii ayaa isaguna qaatay magacii dartiis ceelka loogu bixiyay ee (Quracle) wuxuuna kamid yahay ceelasha taariikhiga ah ee magaalada wardheer ku yaalla sida. Jiilaya, Qarandi, Mataan, Camuud, Sonkor, Quracle iyo kuwo kale, Quraca maanta dhacay wuxuu mar ahaa xaafiis looga taliyo dadka ku nool magaalada Wardheer iyo nawaaxigeeda, taariikhda magaalada Wardheer meel wayn ayuu kaga jiray. Magaalada Wardheer dhanka Koonfur galbeed ayuu ka jiraa marka aad talaalada joogto, waxaa dhiniciisa ku yaalla labo qudhac. Dadka badan kooda ayaa ku talinaya in geedkaan aan sidaas lagu ilaawin ee aas qaran loo sameeyo maadaama uu yahay mid kamid ah astaamaha ugu caansan Wardheer oo ah magaalo magac iyo taariikh weyn ku leh gayiga Somalida Qaran News
-
Doolow (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta Soomaaliya. Qaraxyada oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow, halkaas oo haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan ah. Qaraxa koowaad ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay ilinka hore ee xerada, halka qaraxa labaad uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo ka baxeysa xerada, si weyna ay u maqleen jugta qaraxyada. Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan qaraxayada loo adeegsaday oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku sugnaa ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xerada, taas oo adkeysay in macluumaad laga helay khasaaraha. Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka degmada iyo kuwa gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib markii ay Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhig ay ciidanka Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareere ee Shabeelaha Hoose. Si kastaba, weerarkan cusub ee ka dhacay Gedo ayaa kusoo beegmay, ayada oo xalay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabay gobolkaasi. The post Qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka Itoobiya ee Doolow appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta Wariyeyaasha la wadaagay warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dhowaan uu bilaaban doono howlgalkan oo ay horkaceyso dowladda federaalka, ayna ka qayb-qaadanayaan waddamada dariska ah. Wasiirka ayaa xusay in waddamada gobolka ay dareemayaan qatarta kooxda, maadaama ay halis ku tahay gobolka oo dhan. “Sida aad la wada socotaan waxaa socda howlgallada lagu ciribtirayo Khawaariijta oo qaybo badan oo dalka ah ka socda, waxaa intaas dheer in howlgalka qaybtiisa labaad ee Dowladda Federaalka hoggaamineyso la filayo in uu dhawaan billowdo, waxaana xusid mudan in waddamada deriska ah ee khatarta khawaariijta nala dareemaya ay iyaguna qayb ka yihiin howlgalkaan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ka socda Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ay ka hoos shaqeyn doonaan kuwa Xoogga dalka, isla-markaana marka uu u dhammaado howlgalka, isla-markiiba ay dib ugu laaban doonaan waddamadooda, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidanka ka imaanaya waddamada deriska ah oo ka hoos shaqeyn doonna Ciidamada Dowladda Federaalka waxa ay degdeg ugu laaban doonnaan waddamadooda sida ugu dhaqsiyaha badan marka uu dhammaado howlgalka oo muddo kooban qaadan doonna” ayuu hadalkiis sii raaciyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaloiya, Mudane Daa’uud Aweys. Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii Soomaaliya laga suuliyo Khawaarijinta waxaa dhici kara inay u gudbaan waddamada dariska ah, waxaana kamida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran ay uga qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. The post Dowladda oo shaacisay xog ku aadan wajiga labaad ee DAGAALKA Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi aya weerar culus ku qaaday kooxda Nabad iyo Nolol oo ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in haatan Nolol iyo Nabad rasmi ah ay ka jirto dalka, balse markii hore la’iska sheegan jiray, sida uu hadalka u dhigay. “Meeshaan niman saaxibadey ah ayaa Nabad iyo Nolol la baxay Nabad iyo Nolol hadda ayay jirtaa oo rasmi ah, markii hore Nabad lama heysan, Nololna lama heysan” ayuu yiri Fiqi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxdii hore ay dadka ku qasbi jireen Nabad iyo Nolol, basle haatan waxa jira ay marqaati ka yihiin dadweynaha Soomaaliyeed. “Hadda nabadda buuxda idinka ayaa marqaati ka ah yaa idinku qasbay nabadda aad hadda sheegeysaan ebel taas mid sanka la’iska gelinaayo ayay aheyd,” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kooxdii ay hore ay lacag adeegsan jirtay, si ay u gaarto danaheeda siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. “Awal waxay aheyd lacagtaan isii oo Nabad iyo Nolol igu magacow wax la gadanayo ayay ahayd” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray Nabad iyo Nolol, isaga oo uu ugu baaqay inay hadda u diyaar garoobaan tartan adag, maadaama la furayo xisbiyada siyaasadda dalka. Soomaaliya ayaa haatan galeysa marxalad cusub, maadaama lagu heshiiyay in doorashooyinka ay noqdaan qof iyo cod, walow dood xoogan laga keenay. The post Daawo: Wasiir FIQI oo weerar culus ku qaaday kooxda Nabad iyo Nolol appeared first on Caasimada Online.
-
ABIDJAN, Ivory Coast, June 7, 2023/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) last month launched the Integrated Urban Infrastructure and Climate Adaptation Study Project in Djibouti city in Djibouti. The study will lead to a roadmap for improving access to resilient urban infrastructure and basic services. It also entails building institutional capacity for inclusive and participatory urban planning and management while addressing gender disparities. The project is financed by a $3.8 million grant from the African Development Fund, the Bank Group’s concessional lending window for low-income African countries. It will run for three years (2023-2025) and be implemented by the Djibouti Roads Agency. A delegation to Djibouti for the launch event also had separate talks with Djibouti government officials on the benefits of the African Disaster Risk Management Financing Program (ADRiFi) (https://apo-opa.info/3qzwFCl). At a meeting with Djibouti’s Finance Minister and Governor of the Bank, Ilyas Moussa Dawaleh, the delegation outlined the objectives and components of the ADRiFi program, pointing out that it will provide Djibouti with better cover against flood risks. The delegation indicated that the program would also build the capacity of national stakeholders involved in disaster risk management and help develop a national disaster risk financing strategy. In his remarks, Minister Dawaleh expressed his approval for Djibouti’s participation in the program. The team had similar discussions with the Minister of Infrastructure and Equipment, Hassan Houmed Ibrahim. In February 2023, the African Development Bank adopted a new 2023-2027 Country Strategy Paper (CSP) for Djibouti. This CSP supports efforts to promote more inclusive growth by focusing on accelerating structural transformation and economic diversification. For example, the new CSP has prioritized the development of socio-economic infrastructure in the energy and transport sectors. These include improving the mobility of the population and promoting trade, and increasing the production and distribution of cleaner, less expensive energy. As at 31 May 2023, the African Development Bank’s active portfolio in Djibouti amounted to $87 million, covering 11 projects in the transport, energy, social, governance and agriculture sectors. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaloiyeed, kuwa NISA iyo sidoo kale saaxibada caalamiga ah. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi, isla-markaana qorsheynayay inay weeraro soo qaadaan. “Waqtigan aan idinla hadleyno wuxuu howlgal ka socdaa meesha la yiraahod Baladul Amiin oo gobolka Shabeelaha Hoose ka tirsan, halkaas oo ay Khawaarijta isku dayayaan inay weeraro ka fuliyaan, iskuna aruursanayeen, balse ay ka war heleen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 20 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, welina uu socdo, sida uu hadalka u dhigay. “Inta naloo soo xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay illaa labaatameeyo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, wixii dheeraad ah waa idinla socod siin doonaa” ayuu raaciyay. Dhanka kale, wasiirka oo soo saaray warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan waddada dariska, gaar ahaan Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya. “Waxaa xusid mudan in waddamada dariska ah ee qatarta Khawaarijta nala dareemaya ay iyaguna qayb ka yihiin howlgalkan” ayuu mar kale yiri wasiir Daa’uud Aweys. Wasiirka ayaa intaasi kusii daray “Haddii Soomaaliya laga suuliyo Khawaarijinta waxaa dhici kara inay u gudbaan waddamada dariska ah, waxaana kamida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. The post Daawo: Howlgal ka dhacay Baladul Amiin oo lagu dilay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
“Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo mudaneyaasha kale ee Golaha Wakiilada toona xaq looguma laha inay maxkamadi gal-dacwadeed u furto ka hor inta aan xasaanadda laga qaadin. Qoraalada aan arkayaana, meelba kumay dalbane, hawshooda ayey iska wataan. Xasaanadda mudaneyaasha midkoodii lagu xadgudbaa waa iyadoo lagu wada xadgudbay oo kale. Mudanaha haybadda qaranka kaalinta saddexaad kaga jirana, warqadahani ma xeerin xataa intii mudanayaasha kale uun uu kala sinnaa. Golahanna, xujo ayaa hor taal. Su’aashuba waxay tahay: Dastuurkii miyaa la laabay? Magaceenii haddeed halkii Jamhuuriyadda ahayd miyaan ku bedelannaa Boqortooyada? Waa halkii Aadan Siiree, “Ma aqbali karno sharcan wa caqlan!”. Waxa Qoray Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland. Source
-
Markii jihada cusub la qaaday, dhacdooyin isku sidkan oo dhamaantood gundhigoodu hal qodob yahay? 31/05/2021, waxa Somaliland ka dhacday doorasho isku sidkan oo ahayd Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Bishii June, waxa soo baxday natiijadii doorashada, oo noqotay mid mucaaradku guul weyn ka gadheen, taas oo ah in aqlabiyad Golaha Wakiillada oo ahaa 82 xidhibaan in mucaaradka (Waddani iyo UCID) heleen 52 ka mid ah 82 xubnood. Bishii July/2021, Maayarada lix magaalo ee waaweyn ee Somaliland shan ka mid ah Mucaaradka helay oo loo doortay,marka laga tago Berbera. Bishii AUGUST/2021-kii, ayaa jugtii u weynayd gaadhay Xukuumadda iyo Xisbigeeda, ka dib markii si lama filaan ah Mucaaradka ugu guuleysteen saddexda xubnood ee shirguddoonka Golaha Wakiillada, taas oo Kulmiye iyo xukuumaddiisu Tamar iyo wakhti badan geliyaan. Isla bishaas, ayuu madaxweynuhu Golah wakiillada ee cusub ku soo celiyey xeerkii furashad Ururrada siyaasadda ee xeer 14/2021 oo golihii hore ansixiyeen, waana halka uu ka bilowday khilaafka siyaasaddeed ee ilaa maanta taagan. November, 2021-kii Shirweynihii Waddani iyo Wareejintii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa dhacday, taas oo siyaasadda Somaliland wax ka beddeshay. Isla bishaasi 20-keedii ayuu madaxweynuhu k hadlay wareejinta Kulmiye, maalmo ka dib markii guddoomiye Xirsi Cali xaaji Xasan loo doortay Guddoomiyaha Waddani. December, 2021-kii ayaa maxkamadda sare dacwad u gudbiyeen koox Xildhibaanno ah iyo koox siyaasiyiin badan banaan ah oo urur doon la baxday oo ay dabada ka riixaysay xukuumaddu. December 23-keedii ayaa Madaxweynuhu ku dhawaaqay in ururradii furan yihiin, dalkuna doorasho ururro gelayo, xilli aanay Maxkamadda sare ku dhawaaqin dacwada loo gudbiyey. Bishii January 2022-kii ayey Maxkamadda sare ku dhawaaqday in xeer 14/2011 dhaqan gal yahay, doorasho toos ah oo ururro la galayo, iyada oo maxkamaddu laashay dacwadii xildhibaannada aqbashayna dawcadii kooxda siyaasiyiinta ah. Isla bishii January dhamaadkeedii ayuu Madaxweynuhu magacaabay guddida diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda Bilihii February ilaa March dhawr urur Siyaasaddeed ayaa lagu dhawaaqay Bishii April 2022-ka, ayaa komishanka doorashooyinka oo diyaaranaya hawlaha doorashada madaxtooyada khilaaf la weriyey gudahooda laga abuuray oo ka dhex qarxay Bishii May 2022, ayey madaxweynuhu faro geliyey Komishanka isaga oo guddi u magacaabay Isla bishii May 14-keedii ayaa xubintii u horreysay ee Komishanka ahi is casishay, halkaas waxa ku soo dhamaaday rejadii iyo qorshihii doorashada Madaxtooyada ee ay Komishankii wakhtigaasi wadeen, waxaana burburay Komishankii qabtay doorashadii isku sidkanayn gacanta ku hayey diyaarinta doorashadii Madaxtooyada. Bishii June 2022, ayaa mudaharaad salmi ah oo ay mucaaradku sameeyeen, waxa uu keenay in siyaasiyiin mucaaradka ah la xidh xidho, kuwo kale la jidh dilo, halka taageerayaasha qaarkood la garaacay. Bishii June ilaa July ayaa la ansixiyey oo la dhamaystiray xubnaha komishanka cusub. Bishii AUGUST 2022-kii, mucaaradka ayaa isu soo baxyo waaweyn oo ay xukumadda iyo dib u dhaca doorashada kaga cabanayeen ka sameeyey gobollada waa weyn ee dalka, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayey dad ku dhinteen markii ciidanku rasaas u adeegsadeen. Isla bishaas maalintii mudaharaadku dhacay habeenimadii ayuu madaxweynuhu ku eedeeyey ayaa ku eedeeyey Cirro iyo Faysal wixii dhacay. Bishii September 24 ayaa Komishankii cusbaa sheegeen in ay Sagal bilood ku qaban karaan doorashada madaxtoyada, iyaga oo madaxweyne u gudbiyey, isla markaana madaxweynuhu u sii gudbiyey Golaha Guurtida. Isla bisha Golaha Wakiillada ayaa wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyey xeer 14/2011, taas oo abuurtay khilaafka Golaha Guurtiduna markii loo gudbiyey dib u soo celiyaan, halka Wakiilladu markale ku celiyeen. Bishii October 2022-kii ayaa Golaha Guurtidu u kordhisay Madaxweynaha muddo laba sanno ah oo aan ahayn wakhtigii Komishanku sheegeen in ay doorasho madaxtooyo ku qaban karaan ee sagaalka bilood ahayd, waxaana halkaas ku soo afmeeran tahay rejadii doorasho dhacda 2022-ka oo qorshuhu ahaa in ay qabsoonto. Isla bishan waxa sii khilaafka ayaa sii xoogeystay, mucaaradka ayaa diiday muddo kordhinta loo sameeyey Madaxweynaha. Bishii November waxa ku eekayd maalintii ahayd in ay dhacdo doorashada madaxtooyadu Isla bishaas, Mucaaradka ayaa sheegay in aanay aqoonsanay madaxweyne Muuse Biixi inuu yahay Madaxweyne madaama wakhtigii la doortay uu dhamaaday. Bishii December 26 ayaa Laascanood lagu dilay Cabdifataax Hadraawi Sangub, 27 isla bishaas ayey mudahahaadyo iyo kacdoon ka bilowdeen Laascaanood 28 bishaas, ayaa diiwaan Gelinta codbixiyeyaasha loo dareeray guud ahaan Somaliland. Bishii February 2023-ka, ayaa dagaallo toos ahi ka bilowdeen Laascaanood kuwaas oo weli socda. Isla bishaas 26-keedii ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku eedeeyey Madaxweyne in talaabo kasta oo dhinaca nabadda loo qaaday ay ka socon wayday dhinac Madaxweynaha Bilihii March, April ilaa May, waxa bilowday cadaadis Beesha caalamku saarayso Madaxweynaha oo ay ku cadaadinayaan inuu xal ka gaadho qabsoomida doorashada iyo xaaladda Laascaanood. Bishan May 18keedii ayuu Madaxweynuhi sheegay inuu hayo, isagu furaha nabadda Laascaanood, sidoo kale waxa uu duray Beesha caalamka oo uu sheegay in aanay maamulin doorashooyinka Somaliland. 31 May, ayey dalka ka bilaaban tahay qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaashu. Isla maalintan ayey Komishanku sheegeen in go’aan doorasho ay soo saari doonaan oo dalku doorasho galayo marka kaadh qaybintu dhamaato. Bishan JUNE, Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda sare ayaa soo saaray dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Wakiillada, iyada oo Guddoomiyaha Golahaasi deedefeeyey. Bishan June 21-keeda marka ay dhamaato kaadh qaybintu, waxa iyadu dhamaanaysa 9 bilood ee Komishanku ku sheegeen in ay doorasho Madaxtooyo ku qaban karaa Khilaafka cusub bishan abuurmay lama oga halka uu ku dambayn doono, waana mid saamayn kara go’aanka Komishanku sheegeen in ay soo saarayaan. Maxaa ku baxay? Source
-
Magaalada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo ayaa laga soo tebinayaa in uu go’ay damalkii taariikhiga ah ee Quracle. Damalkan oo da’diisa lagu qiyaasay in ka badan 300 oo sano ayaa ku magacaaban ceelka Quracle ee magaalada Wardheer. Ceelka Quracle ayaa kamid ah ceelasha ay caanka ku tahay Wardheer oo ay ku jiraan Mataan iyo Camuud kuwaas oo lagu xasuusto suugaanta Soomaaliyeed. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah bulshada Wardheer ay baroor-diiq u sameeyeen geedkan taariikhiga ah ee go’ay oo mar ahaan jiray xafiis looga taliyo degaanka. PUNTLAND POST The post Wardheer: Damalkii taariikhiga ahaa ee Quracle oo go’ay appeared first on Puntland Post.
