-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay qorshaha dowladda federaalka ee wejiga labad ee dagaalka Al-Shabaab, ayaa saluug ka muujiyay qaabka loo wado. Cali Jeyte ayaa waxa uu sheegay in qorshaha cusub ee dagaalka uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne. “Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo (dagaalka), mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso. Aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay.” Sidoo kale waxa uu sheegay haddii aan la helin dadka deegaanka oo aysan qeyb ka noqon dagaalka aan lagu guuleysan karin in Al-Shabaab laga saaro dalka, kaasi oo ah hadafka u weyn ee laga leeyahay gulufka dagaal ee dowladda wado. “Dagaalka aan hadda galnay waxa uu ahaa kacdoon bulsho oo dowlada caawinayo, waxaa moodaa in laga leexday foormaladii dagaalka, sida kaliya oo lagu guuleysan karo dagaalka waxay tahay in la helo kacdoon bulsho aniga aragtida aan qabo ee aan soo fulinay.” “Aniga halkaas ayaa uga haray malaha foormalo ka fiican ayay hayaane kaas ayaa ka sugayna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore loogu dhaliilay qorshaheeda wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo shisheeye, inkasta oo iyadu sheegtay in qorshaha dagaalka ay doorkooda ka qeyb-gelineyso dadka deegaanka, taasi oo illaa hadda aan muuqaan. The post Cali Jeyte: Dagaalka waxaa uga haray madaxda qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Qoyskii dhowaan weerarka loogu geystay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay weli sugayaan caddaalad, qoysaan ayaa laga baahiyey muuqaal naxdin leh Sabtidii, kaas oo muujinayay qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb iyo handaad ah loo geysanayo. Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay oo iyadoo ku sugan dalka Faransiiska BBC la hadashay ayaa sheegtay in weli aysan helin cadaaladdii ay ka filayeen laamaha ammaanka Puntland. Booliska magaalada Boosaaso ayaa horay u shaaciyey in lasoo xiray afar dhalinyaro ah, oo ku eedeysan inay falkaas ku kaceen, waxaana sii maqan qof kale oo weli lagu dabajiro, sida laga soo xigtay booliska. Kheyriya ayaa sheegtay in sababta raggaas loo hayo ilaa hadda ay ka dhigan tahay inaan dembi loo heysan, “Maanta ayaa lagu ballansanaa in maxkamad la horgeeyo, balse haddana Axad ayaa loo dib dhigay,” ayey tiri Kheyriya. Waxay intaas ku sii dartay, “Annaga waxaan ku faraxsanahay in maxkamad la horgeeyo, cadaaladda la marsiiyo, markaas ayaan qanceynaa oo cadaalad baan helnay ayaan dhihi doonaa, waxbaa la qabtay iyo wax baa la xiray cadaalad uma arko.” Ugu dambeyntii Kheyriye waxay soo dirtay codsi waxayna tiri, “Waxaan codsanayaa in dadkeygu ay cadaalad helaan, oo dowladda Puntland ay raggan cadaaladda horgeyso, nimankii falkaas geystay ee la arkayo iyagoo dad jiifa ciid madaxa uga shubaya, anigu weli ma arko cadaalad, marka maxkamad la horgeeyo baan qancayaa,.” Sida laga arki karo muuqaalka, kooxdaan ragga ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya, sidoo kale waxay aad ugu hanjabayaan hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah. Taliyaha booliiska gobolka Bari Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa horay u sheegay in dhibaatadaan ay asalkeedii ka timid hadallo aflagaado ah oo la isku weydaarsaday barta Tiktok, taas oo markii danbe keentay in reer aan waxba galabsan ay arrintaasi dhibanayaal u noqdaan. “Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey baraha bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira ayaa loo dhacay, waxaana qof hurda dhabanka laga saaray Cag, jawaabta iyo waxyaabaha ay kula kaceen, iyagoo ah dhalinyada unbaa ka falcelin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhibaatada geystay,” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir. Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysanayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marin doono ciqaabtooda. Kheyriya ayaa sheegtay in arrintan ay asalkeeda ka ka bilaabatay kaddib markii ay is khilaafeen gabar sida ay sheegtay guri ay isla degganaayeen. “Gabadhii way soo caytantay, anigana waan soo caytami jiray, dad ilma adeerradeed ah ayaa u hiilin jiray. Tiktok ayagoo badan iyo aniga keligey ayaan noqon jirnay, waxay igu eedeeyeen ugaas bay cayday aniga Ugaas ma caayin, qabiil bay caayeysay anna qabiil baan caynayey,” ayey tiri Kheyriya oo la weydiiyey halka uu ka soo bilowday kiiskaan. Waxay Kheyriya intaas ku sii dartay, “Gabadha ayaa mar maqribadii ah ayay Tiktok iiga soo hanjabtay oo tiri waa in 24 saac gudahood wax laga qabtaa oo jawaab lagu tusaa, 3-dii habeenimana reerkeyga ayaa la weeraray.” Wiilashan hadda booliisku gacantu ka hayo, ayay Kheyriya sheegtay in la dirsaday oo gabdhihii ay is khilaafeen oo ilmo adeer ay yihiin, kuwaas oo hadda ku jira gacanta hey’adaha ammaanka Puntland. The post Kheyriya Maxamed oo xog ka bixisay sidii qoyskeeda loogu bahdilay Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Amaanka oo ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood,Bayaana ka soo saaray dagaalka Laascaanood NEW YORK Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay golaha. Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyn dib u xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada kuwii colaadda ku nafwaayay, soo kabashana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay. Waxaa kaloo warbixinta lagu yiri “Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka, si xabadda loo joojiyo – wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahayna loo bilaabo.” Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala. Warbixinta ayaa dhinaca kale ugu baaqday Xafiiska Qaradamada Midoobay ee Soomaaliya inuu taageero iyo gacan dheeri ah ka geysto arrintan. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah. Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha. Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Waxaa kaloo Golaha Ammaanka ay ugu baaqeen deeq bixiyeyaasha inay dardar geliyaan kaalmada bani’aadannimo ee loo fidiyo Soomaaliya, iyagoo dhinacyada ka dalbaday inay sahlaan galaangalka kooxaha miinada iyo aaladaha qarxa ka saara goobaha colaadaha. Qaran News
-
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY ISIMADA DHAQANKA GOBOLLADA SOOL SANAAG EE MAALMAHAN JOOGAY MUQDISHO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal. Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Abdikadir Ali Dige Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ Twitter: @TheVillaSomalia Qaran News
-
Mareykanka oo ka faa’ideysanaya daruufta iyo burburka dhaqaale ee Yurub kasoo gaaray dagaalkii 2aad ee dunida ayaa shirkii Bretton Woods oo qabsoomay inyar kahor dhamaadkii dagaalka 2aad layimid aragti ah in sicirka dhaqaalaha aduunka lagu sidko doolarka oo xiligaas sidookale ku xudun-xirnaa qiimaha dahabka. Inkastoo aysan dowladahii shirkaas kasoo qeyb-galay kuwada qanacsaneyn aragtidaas hadana majirin fikrad xambaarsan dhaqaalaha uu Mareykanku waday, ayadoo dowladii aqbashana Mareykanku u balan-qaaday inay saami kuyeelan doonto mashaariicda dib usoo nooleynta dhaqaalaha Yurubtii dagaalada kuburburay sida mashruucii hirgalay dagaalka kadib ee loogu magac daray ‘Marshal Plan’. Shirka Bretton Woods waxaa markiiba kafar-camay hay’addo ilaa iyo maantadan saameyn mug leh kuyeeshay dhaqaalaha aduunka sida Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Aduunka oo xiligaas loo yaqaanay bankiga caalamiga ah ee dib u dhiska & horumarinta oo dabcan qasadkiisu ahaa dib u dhisida Yurubtii burburtay kaliya, iyo Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO). Muddo kadib waxaa markale seexada bangiyada lagusoo kordhiyey hanaanka SWIFT Code oo ah hab dhaqso lagula socon karo dhaq-dhaqaaqa iyo kala wareejinta qarashaadka bangiyada dunida kaasoo qeyb weyn kaqaata dabagalka iyo xayiraadaha lacagaha bartilmaanka ah. Waxii waqtiyadaas kadanbeeyay lacagta doolarku waxay 80% udub dhexaad u noqotay iibka badeecada, sarifka lacaha qalaad, maalgashiga caalamiga ah, deeymaha, yabooha bini, aadnimada ama keeydka dhaqaale ee shaqsi ama dal leeyahay. Go,aanadii kasoobaxay shirkii Bretton Woods iyo kuwii daba-socdayba waxaa lagu tilmaamaa inay ahaayeen dabin ama shirqool loo maleegay dhaqaalaha dunida gaar ahaan wadamadii aan codka kulaheyn shirkaas ee xornimada helay waqtigaas kadib ama wadan kasta oo laga dareemi karay inuu ka siyaasad iyo aragti duwan yahay Mareykanka iyo xulufadiisa ayadoo loo adeegsaday xeelado dhaqaale oo ay kamid yihiin xayiraadaha lacagaha, amaaho lacageed oo sharuudo iyo ribooyin adag huwan ama cunno qabatayn. Isticmaalka doolarka ayaa fursad u siiyey xulufada reer galbeedka inay lasocdaan dhaq-dhaqaaqa iyo keydka dhaqaale ee shaqsiyaadka ama dalalka ay danaynayaan goob-walba iyo goor kastaba. Shaki kumajiro in lacagaha qiimahoodu sareeyo sida Yen-ka Japan, Euro-da Yurub, Pound-ka Britain, Yuan-ta China ama Dollarka Canada midkoodna uu gaari waayey mustawaha isticmaal ee doolarka Mareykanku leeyahay walloow ay jirto in qaarkood kasicir qaalisan yihiin doolarka. Cilladaha soojireenka ah ee doolarku wali leeyahay Inta badan lacagaha ay isticmaalaan dowlaha dunida waa kuwo kusidkan dahabka maadaama dahabku taariikh fog oo bulshada caalamku isla ogoshahay kuleeyahay ganacsiga dunida islamarkaasna qiime ahaan inta badan fadhiyo halka badeecadaha kale qiimahooda badanaa sabeeyo. Sidaas darteed, marka ay lacagta dalalkooda laga isticmaalo daabacayaan waxaa cadadka iyo sicirka lacagtaas lagu jaangooyaa keeydka dahab ee dalkaas leeyahay ama hantida qaran ee dowladuhu gaarka u leeyihiin taasoo looga gol leeyahay in lagu kasbado kalsoonida dowladaha ganacsiga kaladhexeeyo dalkaas si ay magdhow ugu helaan hantidooda markii uu hoos u dhac ku yimaado sicirka lacagta dalkaas ee gacantooda kujirta. Lacagaha noocan oo kale ah waxaa looyaqaanaa Commodity money, waana lacag hubinti fiican u leh ganacsiga dunida. Marka loo imaado lacagaha Mareykanka, UK, Canada, Russia iyo Ururka Midoowga Yurub iyo dalal kale oo badan waa lacago aanan kuxudun-xirneyn dahabka, qalinka ama agabyada kale ee qiime ahaan salka adag leh, waxaana lacagaha noocan oo kale ah lagu magacaabaa Fiat Money, waayo waa lacago kudhisan hadba inta ay gaarsiisan tahay kalsoonida ay dalkaas kuqabaan dalalka laleh macaamilka ganacsi halka daabacaada iyo lasocodka lacagtaas uu gacanta kuhayo bankiga dhexe ee dalkaas. Dhaliilaha ugu weyn ee lacagta Fiat Money leedahay waa in dowladuhu si gaar ah u go,aamiyaan daabacaada lacagta dalkooda ayagoon xeerin hantida keydka ugu jirta taasoo horseeda qiimadhaca sicirka lacagta iyo sicir barar. Waxii kahoreeyey 1970-ka, doolarka Mareykanku waxuu kudun xirnaa qiimaha dahabka balse dagaalkii dabada dheeraday ee Vietnam iyo Mareykanka ayaa horseeday in doolarka kujira gacanta dowladaha kale kafarabato keydka dahab ee Mareykanku leeyahay taasoo sababtay in lakala raro doolarka iyo dahabka. Xiligaas kadib, daabacaada doolarka waxay noqotay sida ugu fudud ee dowladdu ku xaliso daruufaheeda dhaqaale. Goorahaan, Mareykanku waxuu sannad kasta daabacaa 1 trillion ama kun malyan oo doolar taasoo mar muujinaysa culeysyada dhaqaale iyo sicir barar ee dowlada Mareykanku wajahayso marka kalena qiima dhaca doolarka kudhacaya. Cilmi baarisyo lasoo bandhigay ayaa cadeeynaya in doolarku lumiyey 60% qiimahiisa tan iyo markii koowaad ee ladaabacay 1913-kii. Maxaa sababay caqabadaha uu maanta wajahayo doolarka Mareykanka Xiriirka xumaaday ee Sacuudiga iyo Mareykanka: labadan dal oo mudo fog lahaa xiriir aad u wanaagsan oo lama taabtaan lagasoo bilaabo helitaankii keydka shidaalka Sacuudiga oo markiiba iibka shidaalka ku guntay doolarka kaasoo lacagta doolarka siisay taageeradii ugu wayneyd oo uu suuqyada aduunka kahelo ebad, colaadihii soomaray Bariga Dhexe, maalgashiga miisaanka leh ee muwaadiniinta Sacuudigu kasameeyaan Mareykanka, iibka hubka iyo qeybo kale. Tan iyo doorashadii madaxweyne Biden, xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanku waxuu ahaa mid uu hareeyey mugdi iyo is fahan daro xoogan taasoo keentay in Sacuudigu oo libin ahaan u haysta shidaalkiisa baadi goobo saaxiibo iyo suuq cusub oo kamadax banaan Mareykanka. Go,aankan ayaa durbadiiba waxaa fursad kadhex arkay China iyo Russia oo Sacuudiga ku qanciyey inuu abuuro suuq kamadax banaanka Mareykanka. Sacuudiga ayaa talaabadaas u arkay mid banaanka keenaysa awoodiisa siyaasadeed iyo dhaqaale taasoo keentay inuu aqbalo heshiiska Iran oo China garwadeenka ka tahay. Sacuudiga ayaa sidookale qorsheynaya inuu markii ugu horeysay shidaalkiisa ku iibiyo lacagta Yuanta China waxayna noqon doontaa dharbaaxadii ugu cusleyd ee doolarka Mareykanku kudhacda hadii ay uu qorshahaas hirgalo. Ururka BRICS: ururkan waa mid ay kumideysan yihiin dalalka Brazil, Russia, India IYO S/Africa oo wadarta dadka kunool gaareyso kalabar bulshada dunida islamarkaana kobaca dhaqaalaha dalalkoodu soosaaro gaarayo 26 trillion doolar. Madaxda ururkaan ayaa wada olole xoogan oo wadamada caalamka loogu qancinayo in la abuuro hanaan dhaqaale oo kamadax banaan doolarka Mareykanka taasoo ah inay dalalku wax ku kala iibsadaan lacagaha ay gaar u leeyihiin si ay awood u yeeshaan lacagahooda. Aragtidaan ayaa aad usoo jiidatay dalal farabadan waxayna horseeday inay dalal cusub oo gaaraya 19 dal soo codsadaan ku biiritaanka ururka BRICS. Waxaa kale oo qorsheysan inay dalalkaan mustaqbalka dhow sameeystaan lacag u gaar ah ururka, ayadoo ay suuragal noqon karto in lacagta China ee Yuanta loo aqoonsado mida ururka kadhexeyn doonta. Gulufkaan ay horboodayaan China iyo Russia oo wadna qabad siyaasadeed iyo mid dhaqaale kunoqday Mareykanka, ayaa saameynta waqtiga dhow laga baqayo tahay isbadal ku dhaca sicirka doolarka. Waayahaan waxaa aad usoo badanaayey wadamada lacagahooda gaarka ama dahabka ku kala iibsanaya badeecadahooda sida China, France, Russia, Brazil, Japan, India, Iran, Libya, Germany dalalka koonfurta Asiya. Waxaa sidookale xusid mudan in dowlado farabadan ay dib u ceshanayaan keydkii dahab ee kayaalay bangiyada caalamka ayagoo dib u celinaya doolarkii gacanta ugu jiray. Dhowaan ayey aheyd markii uu madaxweyneynaha Kenya William Ruto sheegay in laga digtoonaado istcimaalka doolarka halka uu madaxweyne Xi Jinping sheegay in waayihii doolarku gaba-gabo marayo. Hadaba, marka la iskusoo-duubo macluumaadkaas oo idil, waxay muujinayaan in doolarku wajahayo cadaadis iyo hoos u dhacii ugu darnaa oo ay gadaal kariixayaan gaashaan buur siyaasad ahaan quus kataagan siyaasadaha qalafsan ee Mareykanka. Waqti dhow, waxaa muuqata in doolarku sii ahaanayo lacagta loogu adeegsiga badan yahay balse hadii uusan dhcin isbadal siyaasadeed iyo dhaqaale oo Mareykanku la yimaado, waxay u badan tahay in ololaha hada socda uu wiiqi doono qiimaha doolarka iyo dhaqaalaha Mareykankaba. Shaki kumajiro isbadal kasta oo ku yimaada doolarka, inuu saameyn toos ah kuyeelan doono dhaqaalaha iyo nolosha mujtamaca Soomaaliyeed. Arrinkaan ayaa waqtigan u baahan in dowladda Federalka ah iyo ganacsatada ku baraarugaan kana wada-tashadaan waxii laga yeeli lahaa duufaanta xowliga kusocota ee soo caga dhigatay xuduudaha dalalka dariska ah. Maadaama uusan shilin Soomaaligeenu awood iyo aqbalaad ku laheyn suuqyada caalamka waa muhiim inay bulshadeenu garato in qasaaraha doolarka ku yimaada yahay qasaare hantideeda kuyimid. Waa in bulshadeenu si maskax iyo garasho leh u gorfeysaa hardanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee socda kana fogaanaa go,aanada qar iskatuurnimada leh ee dhinac gaar ah lagu safanayo maadaama aan cashar kasoo baranay martigalinta siyaasadaha is-diidan ee dowladaha awooda badan. W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed Email: zudeys9@gmail.com The post Mustaqbalka $DOOLARKA Mareykanka oo wajahaya cabsidii ugu weyneyd! appeared first on Caasimada Online.
-
SECURITY COUNCIL PRESS STATEMENT ON THE SITUATION IN SOMALIA New York – The members of the Security Council reaffirmed their full respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of Somalia. The members of the Security Council expressed concern about the ongoing violence in Laascaanood, situated in the Sool region of Northern Somalia, which has led to a large number of civilian casualties and the displacement of more than 150,000 people. They expressed their deep sympathy and condolences to the families of the victims and wished a full and speedy recovery to those injured. The members of the Security Council welcomed efforts and initiatives by the Federal Government of Somalia (FGS), Ethiopia and clan elders to secure a ceasefire and promote inclusive, Somali-owned national dialogue. They called on all parties to reach a ceasefire agreement urgently and encouraged inclusive dialogue and peaceful dispute resolution, and called on the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) to provide further support in accordance with its mandate, including through engaging with all parties where necessary. The members of the Security Council expressed deep concern about the loss of life and injuries sustained in Laascaanood, in December 2022, when protests were quelled by “Somaliland” security forces, as reported in the Secretary-General’s report of 16 February 2023 (S/2023/109). They condemned the violent clashes between “Somaliland” security forces and clan militia. They condemned all acts of violence against civilians, and condemned in the strongest terms the civilian casualties and damage to civilian infrastructure caused by the conflict. The members of the Security Council called for the immediate withdrawal of “Somaliland” security forces and called on all parties to exercise restraint and to refrain from provocative actions, incitement to violence and inflammatory rhetoric in order to de-escalate the situation on the ground, rebuild trust and to create the conditions for peace. The members of the Security Council reminded all parties of their obligations under international law, including international humanitarian law, as applicable. They urged all parties to hold accountable those responsible for violations of international humanitarian law and violations and abuses of human rights. The members of the Security Council expressed concern about the impact of the violence on the humanitarian situation in Laascaanood and the Sool region, compounding the displacement and hardship caused by the drought in 2022. They called on all parties to allow and facilitate, in accordance with relevant provisions of international law, including applicable international humanitarian law, and in a manner consistent with the United Nations guiding principles of humanitarian emergency assistance (United Nations General Assembly resolution 46/182), including humanity, neutrality, impartiality and independence, the rapid and unhindered provision of humanitarian assistance. The members of the Security Council called on all donors to scale-up humanitarian assistance to ensure the provision of humanitarian aid and essential assistance. They called on all parties to permit access for explosive ordnance disposal teams to assist with the removal of explosive remnants. Qaran News
-
Sharm El-Sheikh (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeyb-galaya madasha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta adduunka (GSR-23) oo uu soo qaban-qaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka. Madashan oo ka dhacaysa magaalada Sharma El-Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyaga oo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda. Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha ayaa maareeyaha guud ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh waxa uu ka qeyb-galay dood-cilmiyeed loogu tala-galay madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka. Mustafa ayaa halkaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay istaraatiijiyadda qaranka iyo hababka lagu kobcin karo iskaashi dhexmara qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka. Maareeyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay in la yeesho siyaasad iyo xeer-nidaamin kor u qaadaysa hal-abuurka, tartanka suuqa iyo ilaalinta macaamiisha. “Iskaashi dhexmara dowladda iyo ganacsatada waxa uu suuragalinayaa in la wadaago khibrad iyo aqoon suurtogelisa in la hirgeliyo adeegyo dhigitaal ah oo faa’iido u leh bulshada,” ayuu yiri mareeyaha “Waxaa iyadna sidoo kale laga maarmaan ah in la helo hab isku dhafan oo u dhaxeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo hubiyo iswaafaqsanaanta siyaasadaha iyo xeer-nidaamiyeyaasha, islamarkaana si hufan loo wada hirgeliyo.” Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in wax-wada qabsiga dowladda iyo ganacsatada (PPPs) iyo iskudubaridka hay’adaha dowladda ay yihiin labo tusaale oo muhiim u ah wada-shaqeyn dhexmarta qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada Digital-ka ah. The post DF oo madal caalami ah uga qeyb-galaysa Sharm el-Sheikh appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa ka hortimid hannaanka dowladda Federaalka Soomaaliya sannadkan u maareysay arrimaha Xajka. Wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa si adag u cambaareysay wax ay ku tilmaantay musuq maasuq iyo eex dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay qeybsiga saamiga Xajka. ” Wasaaradda Caddaaladda Puntland waxay Canbaaraynaysaa boobka,eexda iyo musuqmaasuqa ay Wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalku ku samaysey hab qeybsiga,maamulka iyo Adeegyada Xajka ” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si ku dhisan caddaalad-darro u qeybsiga saamiga Xajka ee sannadkan islamarkaana Puntland 850 kursi ka siisay tirada guud oo dhan 11,500. PUNTLAND POST The post Puntland oo dowladda Federaalka ku eedaysay in ay musuq maasuq ku samaysay arrimaha Xajka appeared first on Puntland Post.
-
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa ugu horrayn xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa ugu baaqay Somaliland in ay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo goobaha dagaalka, islamarkaana ay dhinacyadu xakameeyaan. Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha. Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo Somaliland ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xalay casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho. Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Isimada Dhaqanka SSC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loo maareeyey kiiska 36 qof oo ajaanib ah oo shalay lagu xukumay Muqdisho. Sidoo kale Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyey in masuuliyiin ka tirsan dowladda ay u xiran yihiin xatooyo xoola dadweyne, kuwaaas oo dhawaan la hor geynayo maxkamadaha dalka. “Saraakiil ciidan, shaqaale dawladeed iyo masuuliyiin kale ayaa u xeran xatooyada xoolo dad wayne, dhawaana Maxkamad ayaa la soo taagi doonaa dhamaantood,” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud. Sidoo kale wuxuu balan-qaaday in hantida dadweynaha ay ilaalinteeda masuuliyad gaar ah iska saari doonaan, qofkii lagu qabta isagoo xadayana ay sharciga horgey doonaan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan lee yahay lacag dawladda lee dahay Sarkaal ama qof kasta oo dowladda ka tirsan Accoun gaar ah looguma shubi karo, haddii aad qayb ka noqoto arrintaas, ogow in aad danbiga qayb ka tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska 36 nin oo ajaanib ah, kuwaas oo u kala dhashay wadamada IIraan iyo Pakistan. “Markii aan baarnay waxaan u gudbinay maxkamadda, waxaana qof kasta lagu xukumay 11 kun oo dollar, lacagtaas waxay noqoneynaa (seddax boqol sagaashan iyo lix kun) iyo $30 kun oo dollar oo kalluunkii ay xadayeen lagu qiimeeyey,” ayuu yiri Xeer ilaaliyuhu. Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa u digay ajaanibta ku hamineysa inay si sharci darro ah ku soo raadiyaan kheyraadka Soomaaliya, isagoo dadka Soomaalida ah ee ku howlan inay ajaanibta ka caawiyaan falalka xatooyada ah ugu goodiyey inay mari doonaan ciqaab adag. “Xafiiska xeer ilaaliyaha wuxuu baaritaan ku hayaa dad aan weli lasoo xirin, qof kasta oo masuul dowlo ah ama shacab ah waxaan uga digayaa musuq maasuq, waxaan ula dagaalami doonaa si adag, nagamana faka doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suleymaan Maxamed Maxamuud. Hoos ka daawo The post Daawo: Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan DF ‘oo loo xiray’ xatooyo appeared first on Caasimada Online.
-
A wide view of the Security Council meeting on the situation in Somalia. New York – The members of the Security Council reaffirmed their full respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of Somalia. The members of the Security Council expressed concern about the ongoing violence in Laascaanood, situated in the Sool region of Northern Somalia, which has led to a large number of civilian casualties and the displacement of more than 150,000 people. They expressed their deep sympathy and condolences to the families of the victims and wished a full and speedy recovery to those injured. The members of the Security Council welcomed efforts and initiatives by the Federal Government of Somalia (FGS), Ethiopia and clan elders to secure a ceasefire and promote inclusive, Somali-owned national dialogue. They called on all parties to reach a ceasefire agreement urgently and encouraged inclusive dialogue and peaceful dispute resolution, and called on the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) to provide further support in accordance with its mandate, including through engaging with all parties where necessary. The members of the Security Council expressed deep concern about the loss of life and injuries sustained in Laascaanood, in December 2022, when protests were quelled by “Somaliland” security forces, as reported in the Secretary-General’s report of 16 February 2023 (S/2023/109). They condemned the violent clashes between “Somaliland” security forces and clan militia. They condemned all acts of violence against civilians, and condemned in the strongest terms the civilian casualties and damage to civilian infrastructure caused by the conflict. The members of the Security Council called for the immediate withdrawal of “Somaliland” security forces and called on all parties to exercise restraint and to refrain from provocative actions, incitement to violence and inflammatory rhetoric in order to de-escalate the situation on the ground, rebuild trust and to create the conditions for peace. The members of the Security Council reminded all parties of their obligations under international law, including international humanitarian law, as applicable. They urged all parties to hold accountable those responsible for violations of international humanitarian law and violations and abuses of human rights. The members of the Security Council expressed concern about the impact of the violence on the humanitarian situation in Laascaanood and the Sool region, compounding the displacement and hardship caused by the drought in 2022. They called on all parties to allow and facilitate, in accordance with relevant provisions of international law, including applicable international humanitarian law, and in a manner consistent with the United Nations guiding principles of humanitarian emergency assistance (United Nations General Assembly resolution 46/182), including humanity, neutrality, impartiality and independence, the rapid and unhindered provision of humanitarian assistance. The members of the Security Council called on all donors to scale-up humanitarian assistance to ensure the provision of humanitarian aid and essential assistance. They called on all parties to permit access for explosive ordnance disposal teams to assist with the removal of explosive remnants. Source: UNSOM The post SECURITY COUNCIL PRESS STATEMENT ON THE SITUATION IN SOMALIA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi oo ah La-Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka. Sarkaalkaan waxaa Aabihiis ah Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, wuxuuna ugu kalsoonyahay si aad ah. Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramay wafdiga Uganda sida ay dalka uga socdaan hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wafdigaan la wadaagay caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halganka xoreynta ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiigga iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab. Safarkaan uu dalka ku yimid la taliyaha dhanka howlgallada ee madaxweynaha Uganda, wuxuu ku soo aadayaa maalmo kadib, markii ciidanka Uganda lagu laayey weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ay ka degaanaayeen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeellada Hoose. Madaxweynaha Uganda ayaa qiray in 54 lagu dilay weerarkaas, wuxuuna shaaciyey inay jirtay dayacaad sababtay in ciidanka sidaas loo laayo. Dhankooda Al-Shabaab waxay soo bandhigeen muuqaal muujinaya sida uu weerarkaasi u dhacay, sidoo kale waxay soo bandhigeen cadeymo muujinaya inay nolosha ku wateen dhowr askari. Ciidanka Uganda waxaa lagu tilmaamaa kan ugu badan ee howlgalka ATMIS, waana markii ugu horeysay oo weerarrada Al-Shabaab uu jab noocaas ah ka soo gaaray, taas oo caro badan ku abuurtay dowladda iyo shacabka Uganda. The post Sawirro: Wiilka Museveni oo farriin culus soo gaarsiiyey Xasan kadib weerarkii… appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay golaha. Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyn dib u xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada kuwii colaadda ku nafwaayay, soo kabashana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay. Waxaa kaloo warbixinta lagu yiri “Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka, si xabadda loo joojiyo – wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahayna loo bilaabo.” Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala. Warbixinta ayaa dhinaca kale ugu baaqday Xafiiska Qaradamada Midoobay ee Soomaaliya inuu taageero iyo gacan dheeri ah ka geysto arrintan. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah. Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha. Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Waxaa kaloo Golaha Ammaanka ay ugu baaqeen deeq bixiyeyaasha inay dardar geliyaan kaalmada bani’aadannimo ee loo fidiyo Soomaaliya, iyagoo dhinacyada ka dalbaday inay sahlaan galaangalka kooxaha miinada iyo aaladaha qarxa ka saara goobaha colaadaha. The post Golaha Ammaanka QM oo bayaan kulul kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia said on Wednesday it had foiled an attack by jihadist group Al-Shabaab on a town on its border with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The United Nations Security Council (UNSC) reaffirmed its commitment to Somalia's sovereignty, territorial integrity, political independence, and unity amidst escalating conflict in the Sool region, with particular concern for the city of Las Anod, also known as Laascaanood. The city has been the epicentre of a violent dispute between the self-declared state of Somaliland and local militia from the Sool clan clan since February 6. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa war kasoo saartay weerarkii maanta barqadii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidankeeda ee magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankan oo aan ka tirsanayn howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS oo saldhiggoodu yahay Doolow ay ka fashiliyeen weerar naftii halignimo ah oo kooxda Al-Shabaab ay la damacsanaayeen inay ka geystaan saldhiga ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka. “Itoobiya ayaa ku guulaysatay inay fashiliso weerar ay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku doonayeen inay ka fuliyaan magaalada xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Doolow,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa ka hortagay raggii weerarka soo qaaday ka hor inta aysan dhibaato geysan.” Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saldhigga ciidanka Itoobiya ku weerareen laba gaari oo uu midkood ahaa Surf, kuna qarxay afaafka hore ee saldhigga. Qaraxaan ayaa sababay dhaawaca afar askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya, sida laga soo xiganayo sarkaalkan la hadlay warbaahinta dowladda. Ciidanka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay wadihii gaariga labaad, kaasi oo ku qarxay meel ka durugsan saldhigga, mana geysan wax khasaare ah, sida uu sheegay sarkaalka sare ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Ciidanka Itoobiya ee maanta la wareeray ayaa waxay dowladd Soomaaliya ka taageerayaan cirib-tirka kooxaha argagixisada, waxayna qeyb ka yihiin qorshaha dowladda ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ee looga xoreynayo dalka. Si kastaba, Weerarkan ayaa kusoo imanaya, maalmo uun kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar cag-marin ah ku qaadeen saldhig ay ciidanka Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo Mareere ee Shabeelaha Hoose. The post Dowladda Ethiopia oo war ka soo saartay weerarkii Doolow appeared first on Caasimada Online.
