Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa daah furay Madasha Wadatashiga Agaasimayaasha guud, Xiriiriyeyaasha Mashaariicda iyo Lataliyeyaasha sare oo looga hadlayay dardargelinta howlaha hortabinta u leh Dowladda Hirshabeelle. Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa intii uu socday waxaa si qota dheer looga hadlay dhisidda nidaam wax ku ool ah ee xiriirka iskaashiga Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, Hay’addaha Dowladda, Caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran geedi socodka Dowlad dhiska Hirshabeelle, Dib u eegista fulinta halbeegyada howlaha afarta tiir ee barnaamijka Xukuumada, iyo Ka mira dhalinta barnaamijyada ay hay’addaha Dowladda la fuliyaan saaxibada beesha Caalamka. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Agaasimayaasha guud ee Wasaarradaha ay lafdhabar u yihiin horumarinta, dejinta iyo hirgelinta qorshaha Xukuumadda ayna wakiil ka yihiin hay’adda Dowladda, isagoo ku adkeeyay inay laba-laabaan gudashada waajibaadka saaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wadahadallo Dhinacyada ku Diriraya Suudaan uga Furmaya Sucuudiga JIDAH(Qaran)-Saraakiil ka socota ciidammada dalka Suudaan ayaa dib ugu laabtay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga si ay wada hadallo ula yeeshaan ciidamada RSF ee ay isku hayaan xukunka dalkaasi sida ay soo tabiyeen wakaaladaha wararku. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada RSF ee sida millatariga u tababaran inay ku noqonayaan magaalada Jiddah si ay uga qayb qaataan wada hadalka labada dhinac oo ay hakyeen dawladaha Sucuudiga iyo Maraykanku kadib markii dhowr jeer oo is xigxiga meel lagaga dhacay heshiisyadii xabbad joojinta. Geesta kale wada hadallo dhexdhexaadin ah ayaa waxa iyaduna dhinaceeda ka bilawday maalintii khamiistii dalka Masar, dadaalkaasoo ay soo dhaweeyeen ciidamada Millatariga dalkaasi SUudaan, oo ay isku dhow yihiin Masar iyo ciidamada RSF laftooda. Bishii April 15keedee sannadkan loollan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya taliyaha millatariga ee dalkaasi Abdil Fataax AL Burhaan iyo ku-xigeenkiisii hore haddana ah taliyaha kooxda RSF Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaanno Xamiidatii ayaa isku beddelay dagaal xooggan, kaasoo illaa hadda ay ku dhinteen ugu yaraan 3 kun oo qof isla markaana ay ku barakaceen in ka badan 3 milyan oo qof. Weftiga hadda tagay Sucuudi Carabiya ayaa calaamad u ah in millatariga dalkaasi ay dib ugu soo noqdeen dadaalladii dhanka diblomaasiyadda, kadib markii ay qaaddaceen wada hadallo loo ballansanaa in la gu qabto dalka Itoobbiya kuwaasoo ay marti galiyeen ururka IGAD ee bariga Afrika. Qaran News
  3. Baanka Somaliland oo 228 Sarifle kala Noqday Ruqsadihii Hargeysa(Qaran)-Baanka Dhexe Somaliland ayaa ruqsadihii isku sarrifka lacagaha qalaad kala noqday 228 sarrifle oo ay ku eedeeyeen in ay cusboonaysiisan waayeen ruqsadahoodii muddo saddex sannadood ah. Baanka dhexe wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:- Qaran News
  4. Magacyada,Iyo Beelaha Somaliland ee ay ka Soo Jeedaan 47 Marxuun oo 17.July 1989 Lagu Xasuuqay Xeebtii Geerida ee Jasiira ee Magaalada Muqdisho Xasuuqii 17 July 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee lagu gumaadey dad shicib ah oo reer Somaliland ah. Maalintii ay taariikhdu ahayd maantoo kale 17 July 1989 ayaa waxa dawladii Soomaaliya ee uu maamulaayay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay xasuuqii ba’naa ee xeebta Jasiira, taas oo lagu gumaaday dad dhalasho ahaan ka soo jeeday Jamhuuriyadda Somaliland. Maalintaas oo ahayd 17/7/1989-kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho degenaa, kuwaas oo laga soo guray guryahoodii iyagoo hurda. Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macallimiin, dhakhaatiir, arday baayacmushtar iyo dad kale oo shacab ah. Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee magaalada Muqdisho ka dhacda dhamaadkii sideetamaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladii xilligaas talada haysay iyo shacabku, waxay bilaabantay jimcihii 15 july 1989-kii markii ay dadwaynaha magaalada muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen. Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka sheikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadwaynihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan ayd masaajidka, ciidamaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada muqdisho lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby habaynkii ayaxadii soo galaysay ee 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafado ka tirsanaa magaalada Muqdisho sida madiina iyo Hodan oo ay deganaayeen dad reer Somaliland ahi. Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana Maslax Mohamed Siyaada amar ku qaar ka mid ah saraakiishii ciidanka qaranka ee ay isku qoyska ahaayeen inay layaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa. Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire(Cawil ) oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba. Warkan oo argagax ku noqday muqdisho gaarahaan safaaradii ajanabiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caalamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay inkabadan 100,000 qof ma jirto cid sidaa wax ugu qortay. Waxaana dadkaasi layska laayay iyadoon loo aabo yeelin waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland. Kuwani waa Liiska Dadkii Kacaankii Siyaad Barre ku sadaqeeyey xeebtii geerida ee Jasiira: Beeshaa Habaryoonis (West Burco Clan) 1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Trader 9.Mohamed Musa Mohamed – Trader 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader Beesha Ciidagale (West Burco Clan) 1.Husein Omar Husein – Trader 2.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 3.Musa Abdi Gaas – Businessman 4.Abdi Barre Osman – Graduate. 5.Barre Osman Abdi – Trader 6.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 7.Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. Beesha Gabiley Clan 1.Ali Mohamed Abdi – Student 2.Abdi Mohamed Abdi – Technician 3.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 4.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 5.Ibrahim Hassan Ege – Technician 6.Abdi Muhumed Daud – Businessman 7.Jama Mohamed Abdi – Trader 8.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 9.Rashid Mohamed Osman 10.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 11.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 12.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 13.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 14.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student 15.Hussein Osman Jama – Student 16.Khadar Mohamed Ahmed – Student 17.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 18.Hassan Nur Hersi – Student 19.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 20.Hassan Guure Abdi – Trader 21.Khadar nuur Jama – Trader 22.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 23.Mohamed Osman Jama – Trader Beesha Arab 1.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 2.Matan Abdi Habashi – Student 3.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib Beesha East Burco Clan 1.Hussein Ali Aden – Businessman 2.Saeed Nur Musa – Businesman 3.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 4.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 5.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 6.Jama Aden (barosin) – Civil servent 7.Hussein Kheyre Abdi – shicib isla habeenka ayaa waxa sii xoogaystay xasuuqa askartu ku hayaan shacbiga reer waqooyiga waxaanay qabteen laba nin oo kale inta lagaranaayo oo ayaguna ku shahiiday xeebta Jasiira kana mid ahaa dadki sida naxariistarada loo laayay. waakuwan labada shahiid magacyadoodu ilaahay ha u naxariistee Beesha Sama Roon 1.Warsame Dugsiye Reydal – Trader Beesha Madigaan 1.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Qaran News
  5. Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Danab ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayay ku beeniyeen in ay dhaq dhaqaaqyo ciidan sameeyeen. Ciidankan oo ku sugan Taliska Ligle ee duleedka caasimadda Garoowe ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka socda dhankooda. “Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa caasimadda Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena” ayaa lagu yiri qoraalka. Ciidanka Danab ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka laga daayo bara-kicinta islamarkaana ay ka waan-toobaan dadka weli hurinaya dhiillada colaadda. PUNTLAND POST The post Ciidamada taabacsan mucaaradka Puntland oo beeniyay in ay dhaq dhaqaaq ka wadaan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  6. Xiisad colaadeed ayaa ka aloosan miyiga Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaannada Horufadhi iyo Qorilugud ee Gobolka Togdheer Xiisadda oo ku salaysan muran dhuleed ayaa ka dhex taagan laba beelood oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Labada beelood oo dhawaan halkaas ku dagaallamay ayaa sida wararku sheegayaan weli is hor-fadhiya waxaana socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ah. Ciidamo ka tirsan Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale ku soo biiray xiidadda taagan sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay. Ciidamada Somaliland ku biirisay dhinac kamid ah beelaha dagaallamay ayaa sidoo kale lagu tilmaamaya tallaabo uga sii daraysa xiisadda taagan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ciidamo ku biirisay xiisad qabiil oo ka taagan Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.
  7. Booliska dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidanka Booliska Puntland u soo gacan geliyay nin ku eedaysan dil oo ka baxsaday degaannada Puntland. Cabbdifitaax Cali Warsame (Buur-madow) oo ku eedaysan dil ka dhacay degaanka Mayle ee Gobolka Mudug ayaa laga soo qabtay gudaha dowlad degaanka Soomaalida DDS. Booliska Puntland ayaa sheegay in eedaysane Buur-madow oo u baxsaday dhanka dowlad degaanka Soomaalida ay gacanta ku soo dhigeen Booliska DDS kadibna u soo gacan geliyeen Puntland. “Ciidanka Booliska Puntland ayaa la wareegay Cabdiftaax Cali Warsame (Buur-madow) oo ku eedaysan inuu geystay fal dil ah kaas oo ka dhacay deegaanka Mayle oo ka tirsan Gobalka Mudug” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska Puntland. “Iskaashi balaaran oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa u suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo, iyada oo ay la wareegeen Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Mudug” ayuu ku sii daray warkaas. PUNTLAND POST The post Booliska dowlad degaanka Soomaalida oo soo qabtay nin dil ka geystay Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ka mid ahaa siyaasiyiintii uu dhawaan shirka isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga wareystay khilaafka maamul ee ka jira gobolka Hiiraan. Dr. Cabdinuur oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa taageero weyn u muujiyey guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, isagoo aad u dhaliilay go’aankii uu xilka uga qaaday Madaxweyne Cali Guudlaawe. Dr. Cabdinuur ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay wax ka maqlaan welina ku xiran yihiin go’aanada Cali Jeyte, isagoo cadeeyey in guddoomiyaha gobolkaas uu u yaqaano Cali Jeyte. Wuxuu ku dooday inuu tix-gelinayo rabitaanka dadka reer Hiiraan iyo waaqica jira, taas oo tallaabadii uu Cali Guudlaawe xilka uga qaaday Cali Jeyte ka dhigeysa gardarro, sida uu hadalka u dhigay Dr. Cabdinuur. Sidoo kale digtoorka ayaa wareysigaan uu siiyey Universal TV wuxuu ku sheegay in Cali Jeyte uu mudnaa abaal-marin iyo qadarin dheeraad ah, markii la eego sida uu dagaalka Al-Shabaab ugu jiheeyey dadkiisa. “Xilku waa meerto waana la iska qaadaa, laakiin Cali Jeyte waa halyey umadaan u soo baxay, wuxuu mudnaa in lagu abaal-mariyo, horayna waan u sheegay cadaalad maaha in qof aad shaqo u dirsatay, isagoo ku sii maqan inaad xilka ka qaado,” ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamed. Sidoo kale musharax hore Cabdinuur, wuxuu sheegay in reer Hiiraan afkooda uu ku hadlo Cali Jeyte, “Cabsi kama qabo in reer Hiiraan ay ku dagaalamayaan Beledweyne cabsi kama qabo taas oo reer Hiiraan ma diriraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kala hadleen khilaafkaan, isla markaana uu qado dadaalo si hoose u socda oo lagu soo afjarayo khilaafkaan. “Wax kasta oo reer Hiiraan ay rabaan ayaan qabnaa in la sameeyo, HirShabeelle dacwooyinka laga tirsanayo iyo qaabka ay u dhisan tahay waxaan kala hadlay madaxweynaha dalka, waxaana soo jeediyey in guddi gaar ah loo xil-saaro,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Dr. Cabdinuur oo go’aan yaab leh shaaciyey kadib kulan uu la qaatay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban ka soo saaray go’doon ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Agaasime Xuseen ayaa sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo shacabka magaalada Baydhaba oo go’doon adag kala kulmaya kooxda Al-Shabaab. “Waxaan xanuunka la wadaagayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee go’doominta arxan darada ah ay ku hayaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Agaasime Xuseen Sheekh. Wuxuu sheegay in kooxdaas ay dagaal ba’an kula jirto shacabka Soomaaliyeed, “waxay tani marag madoon u tahay in dadaallada ay hormuudka ka tahay DFS ay kooxdaasi ku dabar go’i doonto,” ayuu yiri. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa twitterka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dedejineyso dagaalka kooxda looga xoreynayo dalka, taas oo sahli doonta in laga dul-qaado dadka ay ku go’doomiyeen gobollada dalka. “Waxaan u soo jeedinayaa shacab weynaha dalkeena in ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxdaan, DFS waxay xaqiijinaysaa dardar gelinta howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lagana xoreynayo kuwa ku hoos jira arxan daradooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud. Maalmihii lasoo dhaafay ayuu soo ifbaxay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, waxaana la sheegay inay u wareejiyeen go’doonkii ay 15-ka sano ku hayeen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Kooxdaan ayaa looga adkaaday dagaaladii ay dowladda iyo shacabka kula galeen gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, waxayna u wareegeen dhanka gobollada Bay, Bakool iyo Jubooyinka. The post Villa Somalia oo war kasoo saartay go’doonka la geliyey magaalada Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  10. Xukuumadda oo Dhexgashay Khilaafka Iskaashatada Gaadiidka Berbera Hargeysa(Qaran)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa kulan la qaatay iskaashatada gaadiidleyadda xamuulka Towfiiq ee ka shaqeeya Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Togdheer. Kulankan waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Muuse Jaamac Maxamed iyo agaasimaha Waaxda gaadiidka ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdikariin Baashe Cabdilaahi. Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka ayaa intii uu socday waxa lagu falanqeeyay sidii loo soo xal waara looga gaadhi lahaa khilaaf muddooyinkii u danbeeyay u dhaxeeyay iskaashatada gaadiidleyda xamuulka ee magaalada Berbera. Gaba’gabadii waxaa shirkaasi lagu soo afmeeray is afgad iyo kulamo danbe oo la xidhiidha sidii loo xalinlahaa khilaafkaasi isla markaana go’aano looga soo saarilahaa. Qaran News
  11. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka amniga kaasoo looga hadlay xaaadda guud amniga ee Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab. Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka ay ku jiraan qaban qaabadii ugu dambeysay ee ay ku doonayaan in ay kula wareegaan degmada Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoos taga, cidankii ugu badanaa ayaa la geeyay Galgaduud Ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helayo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana dowladdu ku dhawaaqday in Wajiga labaad ee dagaalka laga fulayo Hirshabeelle iyo Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir lagu soo bandhigay ciidamada cusub ee amniga xarunta, si ay uga hortagaan weerarada kooxda Al-Shabaab oo kal hor bartilmaameed ka dhigatay. Ciidamada maanta lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee xarunta maamulka gobolka Banaadir loogu tala-galay amnigeeda inay ilaaliyaan. Bandhiga ciidamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiye ku-xigeenka amniga, siyaasadda maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale. Bandhigan ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa dardar-gelinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyada oo ciidamada ilaalada ah la faray inay muujiyaan foojignaan dheeri ah. Xarunta maamulka gobolka ayaa horraantii sanadkaan waxaa weerar ku qaaday dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac geystay, waxayna ciidamada lasoo bandhigay kaalin mug leh ka qaadan doonaan amniga xarunta. Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar-galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaasi oo uu ku wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga, siyaasada maamulka gobolka. Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee ciidanka Birimadka Booliska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah. Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii dhicisoobay oo ay argagixisada 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta gobolka Banaadir. The post Sawirro: Ciidamada cusub ee ilaalada xarunta gobolka Banaadir oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.
  13. Dhusamareb (HOL) — United Nations' top official in Somalia, Catriona Laing, met with Galmudug's President Ahmed Abdi Karie 'Qoorqoor' on Friday to discuss state-building, local democracy, security, and plans to establish a regional UN office. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - Somalia's Banadir Regional Court has reopened a case against 36 Iranian and Pakistani fishermen previously convicted of unlicensed fishing operations. The defendants were apprehended off Hobyo's coast, in the Mudug region, and are currently appealing their convictions. Source: Hiiraan Online
  15. One person is yet to be found following a tragic boat accident that occurred in the waters of Mkokoni-mlango wa Chanu in Lamu East Sub County. Source: Hiiraan Online
  16. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS. Guddoomiyaha ayaa u kuur galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada. Waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiirageliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada. Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda. Guddiyadda maanta sida gaar ah u kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. A UN-owned ship arrived off war-torn Yemen on Sunday for a risky operation to pump more than a million barrels of oil from a decaying tanker and prevent a catastrophic spill. Source: Hiiraan Online
  18. Xildhibaan Khadar Guun oo sheegay in Muuse Biixi Doorashada ka Baqayo Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Khadar Guun oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo laga soo doortay Gobolka Maroodijeex, kana tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in KULMIYE laga kala tagay oo uu dhex taagan yahay uun Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbigaas Axmed Cabdi Dheere. Xildhibaan Khadar Guun oo maanta lagu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ku dhacay Gobolka Sool, waxaanu ku cambaareeyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse. “Aan Maamul xumaado oo aan idinla meeraysto, maamuusna yaanan waayin ee madaxweyne I dhaha intaa Muuse Biixi iyo waxa laga helaa maamulka KULMIYE. dhici mayso oo shacbigu wuu ka gilgilanayaa. ma maqasheen ninkii Carbeed ee yidhi maafishkaba keen oo maraqa ku soo badi. maanta Muuse markii la yidhi maafishkaba keen wuu ka baqayaa oo kuma dhaci karo doorasho. KULMIYE anigaa dhex joogay oo imika ka imi saaxiibkay Axmed Cabdi Dheere ayaa dhex taagan oo furayaasha haya, qoortaaba casaatay siduu mafaatiixdii xafiiska u hayay. waxa kaloo uu tilmaamay inuu ka xun yahay dagaalka ka dhacay gobolka Sool, waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ka dhintay labada dhinacba. Qaran News
  19. Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto.Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar. Kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dhina laamaha amniga. Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah. Saraakiisha Xarunta ayaa sidoo kale lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii Al-Shabaab 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo aan geysan khasaare xoogan, ciidanka ayaa ku guuleystay soo afjaridda weeerarkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. “Lix sannadood ka hor lix gobol oo nabadda ayaa lagu wareejiyay Muuse, maantana gobol baa maqan, dhiiggaa qulqulaya” Xoghayaha Guud ee WADDANI Hargeysa(Qaran)- Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dalku u baahan yahay in madaxweyne Muuse Biixi laga badbaadiyo, wuxuuna ku eedeeyay in dalkii midaysnaa ee loo dhiibay uu maqan yahay gobol dhammi isla markaana dhiigu qulqulayo. Xoghaye Khadar wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta ku soo dhaweynayey madaarka Hargeysa, xildhibaan Khadar Guud, oo uu ka mid ahaa madaxdii ka soo galbisay madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. “Waxa hubaal ah inay maanta Somaliland badbaado u baahan tahay, cidda ay u baahan tahay in laga badbaadiyaana waa Madaxweynaha kursiga ku fadhiya, lix sannadood ka hor Muuse Biixi waxa uu yimid Somaliland oo mid ah oo dadkeedu is jecel yihiin. lix sanno ka dib dadkeennu siduu u qaybsan yahay ayaynu ognahay,”ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen. waxa kaloo uu sheegay “Lix sannadood ka hor lix gobol oo nabadda ayaa lagu wareejiyay Muuse, maantana gobol baa maqan, dhiiggaa qulqulaya, dad baa dhimanaya oo carruur baa qaxday. lix sanno ka hor waxa Muuse Biixi dalka loo dhiibay Somaliland oo ah xiddig ka ifaysa Geeska Afrika oo ah meel laga filayo in habka nabadda iyo khilaafaadka loo xaliyo dunida u gudbiso. 32 sannadood ka dib Muuse ayay taariikhdiisa ku qormi doontaa in ergo Soomaaliyeed Xamar inooga timaado oo ay Hargeysa bilo inoo fadhido iyagoo leh cidda aanu dhexdhexaadinaynaa waa dadka reer Somaliland oo uu isagu madaxweyne u yahay.” “Waa arrin yaab leh in ergo Muqdisho inooga timid Hargeysa joogto oo ay madaxtooyadeennii fadhiisteen oo ay leedahay nabad baanu idinka (Somaliland) idinka dhex dhalinaynaa,”ayuu yidhi Xoghayaha WADDANI. Xoghayuhu wuxuu sheegay in maanta Somaliland ay u baahan tahay nabad iyo wadajir. waxa kaloo uu tilmaamay in Sool xabada laga daayo oo ay “Mucaaridka iyo shacabiga somaliland waxa ay qabaan si tusaale wanaagsan ay u noqoto wax-wadalahaanshiyaha somaliland in maanta Reer AWDAL xagooda loo jeesto oo lagu dhiso shirgudoonka wakiilada, Taas ayaanu ka shaqaynaynaa”. Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in musuqa ay ula dirirayso si cadaalad ah. Dagaalka musuq-maasuq ee dowladda wado ayaa waxaa ka dhashay qeylo la xiriirta “in dano kale laga leeyahay, laguna beegsanayo shaqsiyaad gaar ah,” taasi oo uu meesha ka saaray madaxweyne Xasan Sheekh. “Waa naga go’an tahay in kuwa dhacaya hantida ummadda ka dhaxeysa in aan Cadaaladda hor keeno wuxuu sharcigu qabana la marsiiyo, haddii uusan tuug ahayn waa la soo deynayaa ee ka har,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Hadalka madaxweynaha oo lasoo dhigay barta Facebook ee Telefishanka Qaranka ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, taasi oo u dhigneyd sidan; Cabdikheyr Xuseen Xasan: “Waa tallaabo wanaagsan haddii laga dhabeeyo mudane.” “Adiga iska billow baaritaanka iyo inta aad akoonada ku shubatay,” ayuu yiri Cabdifataax Daahir Xasan. Mahad ayaa isna yiri “Masha Allah mudane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii ugu sharafta iyo go’aanka fiicnaa ee soo mara Soomaaliya.” Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan: “Waxay haleynin dadka madaxda dalka ka ah ma halaabaan musuq-maasuq, wax is daba-marin nin jecleysi iyo in kalr oo badan waxaa ku caan ah idinka dalka xukuma.” “Wasiir ma la soo qabto ayaa rumeysanaa sheekadan inta kale iska baashaala,” ayuu yiri qof kale oo isaguna ka fal-celiyay arrintaan. Cabdullaahi Cilmi ayaa waxa uu yiri: “Waddanka dowlad kama jirto waxa indhaheygu qabanayaan wax loo dul qaadan karo maaha ee dowladda hala afgambiyo si ay wax un u hagaagaan.” “Madaxweyne hoostada ka bilaaw tuugada yar yar ha eryanee kuwa waa weyn so qabo,” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Maxamed. Cabdullaahi Yuusuf Banaas: “Sharciga aan adiga ku qaban ee qabanaya agaasimayaasha, kaas sharci adi kuu gaar ah miyaa madaxweyne? Runta maa leysku sheego.” “Masha Alllah mudane Xasan Sheekh dulqaad badane mar saddexaad soo laabon Soomaaliya ayaa kuu baahan cayayanka warkooda dhagaha ka furayso,” ayuu yiri Maxamed Xasan. Bile Cabdi Dabeyl ayaa isna waxaa uu yiri “Mahadsanid mudane madaxweyne Ilaahayna ha kula garab galo laakiin madaxweyne waxaan dhihi lahaa geeda caddaalad halaga sameeyo oo madaxdii adiga kaa horeysay ee 5 sano aan miisaaniyadii dowlada meel ku sheegin, guddigii maaliyada kala diray si aan loo xisaabin tuuganimada ugu weyn wadanka ay ka dhacday intii uu madaxweynaha ahaa ha lala xisaabtamo.” “Masha Allah madaxweyne Dr. Xasan Sheekh mahadsanid howl fiican baad dalka iyo dadka u heysaa insha Allah guul iyo gobanimo,” ayuu yiri Cabdinaasir Garweyne Cali. Idiris Axmed Cali: “Qaadka Kenya yaa koonta ugu xidhan sow maaha madaxweynaha iyo qoyskiisa?.” The post Fal-celin weyn oo ka dhalatay arrintii uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  22. The United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) said it has faced a "critical" funding shortfall to address the humanitarian needs of refugees in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  23. Former Vice President Mike Pence took to social media last week to blast Minnesota Democratic Rep. Ilhan Omar over her stance on Israel. Source: Hiiraan Online