-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan kooxda Al-Shabaab ay xubnihii ugu badnaa soo dhoobtay agagaarka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnaha AlShabaab ay soo buux dhaafiyeen tuulooyinka u dhow magaaladaasi, iyaga oo halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus. Ujeedka Al-Shabaab ayaa ah inay go’doon geliyaan magaalada caasimada ah ee Jowhar, sida aanu kasoo xiganay saraakiil dhanka amniga ah. Sidoo kale Shabaab ayaa la sheegay inay qorsheyneyo inay xayiraad saarto magaalada, si ay u hor istaagto in gudaha loo galo ama laga soo baxo, sidaas oo ay horay ugu sameysay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Xubnaha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu arkay deegaano muhiim u ah isku socodka HirShabelle, gaar ahaan waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee magaalada Jowhar. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale arrintaan walaac ka muujinaya dadka deegaanka iyo ganacsatada, maadaama ay saameyn xoogan ku yeelan karto. Al-Shabaab ayaa u muuqata inay billowdo beegsiga magaalooiyinka waa weyn, si ay ugu soo rogto xayiraad, maadaama ay culeys kala kulantay dagaallada haatan ku socdo. Dhibaatada ugu adag ayaa hadda ka taagan magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo ay kooxdu go’doomisay, taas oo keentay in sicir barar laga dareemo magaaladaasi, taas oo ay sidoo kale qaylo dhaan kasoo saareen xildhibaanada Soomaaliya. Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan la filayo inuu dalka ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goblllada dalka. The post Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka Jowhar + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Daraasad ballaaran oo muddo sanado ah socotay lagana sameeyay Subxaanyada ku nool dalka Soomaaliya ayaa dhowaan lasoo bandhigay. Daraasaddan oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Camuud oo magaalada Boorame, ee Jamhuuriyadda Somaliland taalla – iyo Jaamacadda Charles – oo ku taalla Jamhuuriyadda Czech, ayaa soo socotay muddo 12 sano ah. Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi oo ka mid ah baarayaasha daraasaddan waxna ka dhiga Jaamacadda Camuud oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in daraasaddu tahay mid ay soo bilaabeen baarayaal kale oo ajnabi ah, kuwaasoo sanadkii 2013 mid tan la mid ah ka sameeyay deegaanno ka tirsan maamul-goboleedka Puntland. Kooxda sameysay baaritaankan oo sidoo kale ay ka mid yihiin Jiří Šmíd, Sergio Matilla Fernández iyo Tomáš Mazuch oo ka socday Jamhuuriyadda Czech ayaa waxaa gacan ka geysatay wasaaradda deegaanka ee Somaliland. Baarayaasha ayaa muddadaas 12-ka ah xog ka uruurinayay Subxaanyada ku nool dalalka Masar, Eritrea, Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxay ku ogaadeen in noocan cusub ee Subxaanyada ay tahay mid dhif ah oo ku kooban dhulka Soomaalida. Noocan ayaa lagu arkay deegaanka Yufle oo 28 km u jira magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halka horena looga helay deegaanka Baargaal ee Puntland. Deegaanka Yufle, waa mid ka mid meelaha laga helay noocan cusub ee Subxaanyada Marka la baarayo waxaa sidoo kale la adeegsadaa kaamirooyin qaada sawirro fiican, oo muujin kara qolofta noolaha. Noocan cusub ayaa gaar u ah deegaanno ka tirsan Puntland iyo Somaliland, iyadoo sida uu sheegay Xasan aan noocan laga helin deegaannada kale ee Soomaaliya. Meelaha laga helay ee ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa ka siman nooca dhulka, oo ah mid aad u qallalan. Caqabadaha lagala kulmo daraasadaha laga sameeyo Soomaaliya XIGASHADA SAWIRKA,ŠMÍD J, FERNÁNDEZ SM, ELMI HSA, MAZUCH T (2023) Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi ayaa sheegay in inkastoo baaritaankan lagu sameeyay nooca cusub ee Subxaanyada laga helay Soomaaliya ay dalka u tahay wax weyn, haddana ay jiraan caqabado lagala kulmo daraasadaha laga sameeyo Soomaaliya. “Dadka deegaanka marka ay arkaan caddaan, waxay ku leeyihiin caddaankan uma imaan inuu wax baaro ee keyraadka ayuu guranayaa,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay inaan laga maarmin in la kaashado ajaanibta kale si dalka looga sameeyo daraasado waxtar leh. “Soomaalidu keligeed ma laha awood ay wax ku baaran, sida sheybaar iyo dhaqaale ma heystaan” “Anigoo Xasan ah keligey inaan tusaale ahaan wax kasoo baaro Kenya waxay iiga baahan tahay dhaqaale,” ayuu yiri. Sidoo kale ma jiraan khubarro Soomaali ah oo u diyaarsan inay gudaha dalka baaritaan ka sameeyaan, sida uu sheegay Xasan sheegay . Waxaa kale oo uu sheegay in saynisku uusan xad lahayn, isla markaana saynisyahannada caalamku ay wada shaqeeyaan. Qaran News
-
Dhibaatada Soomaalida ku haysata HYDERABAAD india (Q-3aad) Iyadoo ay badantahay dhibaatada soomaalida ku haysata indiya oo inteeda badan ay isu geysteen iyagu ayaynu eegaynnaa dhanka Isbitaallada 4. Isbitaallada hyderabaad Markii kuwa waddanka sii joogey ee ardayda iyo qaxoontiyada ahi ay musuqii iyo cudurkii lacag raadiska bareen ayay isbitaallada hyderabbaad iyaguna muhiimadda koowaad ka dhigteen lacagta iney ka urursadaan soomaalida nacabkeed u jabtey. Waxaa caado iska noqotey in qofka maalinta koowaad ee uu Isbitaalka booqdo ee diiwaanka la geliyo ee lacagta iyagoo gariiraya ay yidhaahdaan soo shub inta ka danbaysa wax xidhiidh ah oo toos ah lalama yeesho. Weyku adagtahay xaqlayaasha isbitaallada iyo shaqaalahooda in qofka si hufan oo qalbigoodu usoo jeedo ay ku fahamsiiyaan, maalin hebla kaalay, dawadaa sidaa u qaado, markaad hawsha noocaas ah dhammaysato, waxaa laguu bilaabayaa hawsha noocaas ah. Dadku iyagaa sida process-ku u socdo suuqa kasoo wareysta waayo takhtarradu waxay mashquul ku yihiin siday qof cusub u soo ugaadhsan lahaayeen. Dillaaliinta cisbitaalada u shaqaysaa si weyn ayay ugu xidhmeen kuwa cisbitaallada leh waxaa suura gal ah inuu qofka uu arko inuu caqabad ku yahay lacag urursashada uu ku ballamiyo shaqaalaha cisbitaalka iyo xataa kuwa waaweyn oo la dhibo qofkii miskiinka ahaa. Qaarbaa faylalkooda ogaan loo tuuraa, qaarbaa manida laga dayacaa, qaarbaa dhiigga ogaan loo xumeeyaa oo looga raajiyaa in qaboojiyaha la geliyo haddii uu kasoo dacwoodo ama uu la murmo qofka turjubaanka ah ee soomaaliga ah. Arrinta hyderabaad ka socotaa maaha wax qalin iyo qoraal lagu koobi karo waa arrin u baahan in dawladda hindiya iyo dawladda soomaalidu ka wada hadlaan oo wufuud loo soo diro oo weliba booliska indiya uu gacanta ku qabto. La soco— Yunta yuntanigimma@gmail.com Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - The Central Bank of Somalia (CBS) has confirmed the reappointment of Governor Abdirahman Mohammed Abdullahi for a second four-year term, putting to rest concerns among international financial organizations that President Hassan Sheikh Mohamud might replace him with an inexperienced appointee. Abdullahi, a finance and banking veteran, has been instrumental in implementing critical economic reforms since his initial appointment in July 2019. Source: Hiiraan Online
-
Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo. Maxamuud Sayid Aadan oo kasoo kicitamay magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, kana degmada iyo bulshada rayidka ah. Safarkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland,mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay agagaarka garoonka iyo qaybo kale oo kamid ah degmadaasi. Luuq ayaa kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacabay Gedo, kaas oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Shimbir. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadli doono amniga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sayid Aadan uu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere halkaas oo uu booqan doono madaxweyne ku xigeenku. Arrintaan ayaa ku timid, kadib markii ay dhowaan Jubbaland isku ballaarisay gobolka Gedo, oo muddo laga diidanaa, waxaana ay mugacowday maamul cusub. Si kastaba, saddexdii sano ee lasoo dhaafay gobolka Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland, haseyeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas. The post Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray degmada LUUQ + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - The Somaliland Electoral Commission declared on Tuesday that it will conduct its long-awaited national union and presidential elections on December 28, 2023, and November 13, 2024, respectively. The announcement comes as part of the self-declared Republic of Somaliland's effort to resolve ongoing political disputes. Source: Hiiraan Online
-
Magaalooyinka Puntland ayaa aad looga cabanaya kooxaha hubaysan ee lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga. Kooxahan oo ku lebbisan tuutaha ciidamada dowladda ayaa xilliyada habeenkii ah falal amni-darro ka sameeya magaalooyinka Puntland. Caasimadda Garoowe ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga cabanayo kooxaha adeegsada maandooriyaha Khamriga oo habeenkii jidadka u soo baxa. Kooxahan hubaysan ayaa falal amni-darro oo joogta ah ku haya shacabka waxaana xaafadaha qaarkood laga soo tebiyay in ay dhac ka geysteen. Laamaha Amniga Puntland weli wax jawaab ah kama bixin cabashada xooggan ee laga muujinayo kooxaha hubaysan ee Khamriilayaasha. Wararka ayaa sheegaya in kooxahan qaarkood ka tirsan yihiin ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland gaar ahaanna ciidanka Daraawiishta. PUNTLAND POST The post Khamriilayaasha hubaysan oo aad looga cabanayo gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Isniintii marti-qaad rasmi ah u diray ra’iisal wasaaraha dalka Israaiil Benjamin Netanyahu, si uu booqasho ugu yimaaddo dalka Maraykanka. Marti-qaadkan ayaa loo fidiyey ra’iisal wasaaraha intii uu socday wada-sheekayshi dhinaca telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye, maalin ka hor booqashoo uu madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ku tegayo Washington. Netanyahu ayaa xilka ku soo laabtay lix bilood ka hor, hase ahaatee Biden ayaa marar kala duwan ku gacan-sayray inuu marti-qaad u fidiyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil. Arrimaha ay isku maandhaafeen Maraykanka iyo xukuumadda garabka midig ee Israa’iil ayaa khuseeya, qulqulatooyinka ka jira daanta galbeed, iyo weliba tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda Israa’eel ee ku aaddan deegaamaynta. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biden oo marti qaaday u fidiyay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in mar kale ay booqasho ku tegaan jiidda hore ee deegaanada lagula dirirayo Shabaab, sida ay innoo xaqiinjiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Madaxweynaha ayaa tegi doono Galmudug, gaar ahaan aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo kamid ah meelaha uu hadda ka socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo sugayo amniga ay dowladda Soomaaliya geysay halkaasi, sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Aadan Cali oo isna shalay gaaray magaalada Galcad. Ujeedka ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu kormeero xarumaha ciidamada, isla-markaana uu dhiiro-geliyo askarta Soomaaliyeed ee ku sugan jiida hore ee dagaalka. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay safarka Xasan Sheekh. “Madaxweyniheynii maalmo kadib inuu safro oo dalka meelo gobollada ah inuu tego inuu halkaas fariisto uu ku hoydo uu ku harsado oo waqti ku qaato madaxdii halkaas tegaan iyadoo ay tahay qorshaha ay wadaan sidii loo soo afjari lahaa fikirka Khawaarijta” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay ku biiraan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. “Khawaarijta haloo soo jeesto, ha lala dagaallo, hana la’iska ilaaliyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u booqday jiida hore ee dagaalka, isaga oo tegay furimaha hore ee HirShabelle iyo Galmudug oo uu mar kale hadda soo booqanayo. The post XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale tegaya jiida hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Geneva (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Golaha Maxkamadda Danbiyada ee ICC Mahad Ahmed Hajji ayaa xafiiskiisa kulan kula aatay mas’uulka ugu sareeya hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OHCHR mudane Turk Volker. Labada mas’uul ayaa kawada hadlay horumarinta iyo wax ka abashada isla xisaabtanka danbiyada sababa dagaalka iyo sidii loola xisaabtami lahaa kuwa ka dambeeya oo cadaaladda loo hor keeni lahaa. Mudane Turk Volker ayaa Ambassador Mahad Xaaji la wadaagay sida ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay iney baarto tacadiyadda ka dhacay Soomaaliya oo qaarkood dhawaan ay dhaceyn iyo sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaadka ka dambeeya. Ambassador Mahad ayaa u sheegay madaxda hay’adda xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay ka dhacaan tacadiyo kala duwan oo la isla xisaabtamin wuxuuna tusaale u soo qaatay kiiskii Ikraan Tahliil oo wali rag iyo ruux aan lagu heynin. Ambassador Mahad ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in cadaalada iyo isla xisaabtanka ay tahey mid Muhiimad gaarka ah u leh ka hor tagga dambiyo dagaal oo dhaca. The post OHCHR oo billaabeysa baaritaannada tacaddiyo ka dhacay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Top economists call for action on runaway global inequality
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Failure to tackle the widening gulf between the world’s rich and poor will entrench poverty and increase the risk of climate breakdown, a group of more than 200 leading economists have said. Source: Hiiraan Online -
Somali, Sidama chief administrators vow to nurture saplings
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Chief administrators of Somali and Sidama states have vowed to nurture saplings planted as part of the Green Legacy Initiative. Source: Hiiraan Online -
Somalia President Hassan Sheikh Mohamud has condemned the militant group al-Shabab for imposing a weeklong blockade on the southwestern town of Baidoa. Authorities say the Islamist group has cut off supplies in and out of the area, worsening hunger caused by record drought and insecurity. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa banaanka hore ee xarunta Villa Hargeysa kula hadlay warbaahinta, isagoo sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah guddoonka golaha. Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoonka ay la xisaabtamayaan, maadaama ay is tuseen in baarlamaanka uusan sidaaan ku sii soca karin, wuxuu sheegay in kulamada golaha oo maalmahaan hakad ku jiray ay maanta u xigtay kulankii oo lagu soo xiray si deg deg ah. “Mooshin isla xisaabtan ah ayaan ka wadnaa Gudoonka Golaha, sidaan kuma sii shaqeyn karno, waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, waxaan hadda u shaqeynaa sidii baarlamaan waqtigiisu gabagabo yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankoodii shalay loogu qeybiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka, kadibna guddoomiye ku xogeenka labaad ee golaha oo shir guddoomineysay ayaa ku war gelisay in kulanka lasoo xiray. “Guddoonku maalin kasta wuxuu fasaxaa ugu yaraan 100 xildhibaan, sharciguna ugu badnaan 30 xildhibaan ayuu u ogolyahay inuu fasaxo, marka isla xisaabtan kama jiro meeshaan,” ayuu yiri Xildhibaanku. Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay cunaqabateynta ay kooxda Al-Shabaab ku soo rogtay magaalada Baydhaba, wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada laga soo doorto magaaladaas. Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa madaxweyne Laftagareen oo laga rabay in arrintaan uu wax ka qabto wuxuu ku eedeeyey inuu ku mashquulsan yahay muddo kororsi. “Nasiib darro Laftagareen wuxuu ku mashquulay muddo kororsi, xisaabtana uguma jirto inuu qaado tallaabo uu ku badbaadinayo dadkiisa, mana garanayo cano uu u yeelan karo kursi kaligiis ah oo lagu go’doomiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in hadii ay yihiin xildhibaanada federaalka ee K/Galbeed ka soo jeeda ay arrintaan kula xisaabtamayaan dowladda federaalka oo ay ka tirsan yihiin, isla markaana ay doonayaan in deg deg dadkooda looga dul qaado cunaqabateynta. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaano soo abaabulay mooshin ka dhan ah gudoonka golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
Qunsuliyadda Turkiga ee Somaliland oo xustay 7-guuradii ka soo wareegtay isku daygii afgambi ee 15-kii July Qunsuliyadda guud ee dalka Turkiga ku leedahay magaalada Hargeysa ayaa lagu xusay sannadguuradii toddobaad ee ka soo wareegtay afgambigii dhicisoobay ee sannadkii 2016-kii ka dhacay dalka Turkiga. Xaflad maanta lagu qabtay xarunta Hargeysa ayaa ku bilaabatay aamusnaan, waxaa goobta laga akhriyey aayado quraan ah oo lagu maamusayay dadkii halkaasi ku dhintay. Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, xildhibaano, aqoonyahano, hawl-wadeennada Macarif ee Hargeysa, iyo muwaadiniinta Turkiga ee ku sugan Somaliland, ayaa Qunsulka ku xigeenka Turkiga ee Hargeysa Onuralp Doğan Çakır oo ka hadlay xaflada ayaa u mahad celiyay ka soo qayb galayaasha xuska “xusuusta dadkii u huray nafahooda 15 july 2016 iyagoo difaacaya dimuqraadiyada Turkiga”. “Nasiib darrose, dalkeennu waxa uu noqday bartilmaameedka kooxo argagixiso oo kala duwan marar badan, maadaama qaybo badan oo adduunka ka mid ah maanta ay saameeyeen argagxisadu. Waxaana isku dayga afgambiga soo qorsheeyay mid ka mid ah kuwan: FETHULLAH GÜLEN ururka argagixisada ah (FETÖ), isla markaana ay fuliyeen xubnahooda. Waxay ku dhex milmeen ciidankii Turkiga ee sharafta lahaa. Waxay dileen 251 muwaadiniin, in ka badan laba kun oo kalena way ku dhaawacmeen…” ayuu yidhi. “FETÖ waxa ay fulisay falkii waxashnimada ahaa ee argagixisanimada waxa ayna wali wadaan inay isu muujiso dhaqdhaqaaq waxbarasho iyo samafal oo dibada ah iyo in ay bulshada dhexdeeda ka abuurto aragti marin habaabin ah. Iyada oo laga duulayo in argagixisadu ay tahay mushkilad caalami ah, waxa muuqata in FETO-ku khatar weyn keliya ku ahayn Turkiga, balse dhammaan dalalka ay ka hawl-gasho, sababtaas awgeedna waa in meel kasta lagula dagaallamo,” ayuu hadalkiisa ku daray. Qunsulka ku xigeenka Turkiga ee Hargeysa Mr. Onuralp Doğan Çakır ayaa isna u mahad celiyay dawladda Somaliland oo u muujisay taageerada Turkiga ka dib isku daygii afgambiga, isla markaana go’aamisay in dugsiyada Gülenist Terror Group (FETÖ) lagu wareejiyo hay’adda Turkiga Maarif Foundation. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhammaan masuuliyiinta iyo asxaabta Somaliland oo si buuxda u garab istaagay halgankayaga, sharaftana nagu maamuusay maantana nala jooga. Waxaa mahad iska leh wareejinta Iskuulka Feta-ku maamulayey oo door muhiim ah ku leh qabsoomida xafladan maanta lagu qabtay Iskuulka Macarif ee Turkiga”. “Waxaan jecelahay in aan idinkaga mahadceliyo adiga iyo dhamaan asxaabta Somaliland sida wadajirka ah ee aad isu garab taagteen dagaalka aan kula jirno argagixisada iyo Fettulah Gulen gaar ahaan ururka argagixisada ah ee Fettulah Gulen, sidii wanaagsanayd ee aad ula shaqaynteen mudadii dugsigan lagu wareejinayay Hay’adda Maarif Foundation, taasoo aan marnaba la ilaawi doonin”. FETO iyo hogaamiyahooda Fetullah Gulen ee fadhigoodu yahay Mareykanka ayaa abaabulay afgambigii looga adkaaday ee dhacay 15-kii July 2016, kaasoo ay ku dhinteen 252 qof, 2,734 kalena ay ku dhaawacmeen. Xukuumada Ankara waxa ay sidoo kale ku eedaysay FETO in ay ka danbeeyeen olole muddo dheer socday oo lagu doonayay in lagu afgambiyo dawladda iyada oo ay gudaha u galeen hay’adaha Turkiga, gaar ahaan militariga, booliiska iyo garsoorka. Gulen wuxuu ku noolaa musaafuris gudaha Mareykanka meel u dhow Saylorsburg, Pennsylvania ilaa 1999-kii. Qaran News
-
Xildhibaan Sheegay in Badhasaabka Awdal Afduubay Hargeysa(Qaran)Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Awdal afduubay. Xildhibaanku waxa uu sheegay in uu afduubay guddoomiyaha cusub ee gobolka Awadal iyo odayaal la socday. Sidoo kale waxa uu xusay in loo diley Shir-guddoonka wakiillada uma codayn kartid. Waxa uu bulshada reer Awdal ugu baaqay inay ka tashadaan isla markaana aanay waxba ka dhageysan guddoomiyaha gobolka Awdal. Waxaanu yidhi. “Huteelka Baraar ee magaalada Hargeysa ayaa afduub la igu gaystay, waxa i afduubay guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal. Borama inta uu ka soo duulay isaga oo 10 oday wata, oo uu gurigii aan galayay iga soo toosiyay ayaanu Huteel Baraar wada tagnay, ilaa 11:00 duhurnimo ayaanu wada hadlay, fariinta siyaasadeed ee uu sidayna waxa ay ahayd reer Awdal matagi karaan Shir-guddoonka guddoomiyena kama noqon karaan. Guddoomiyaha anigo ah xildhibaankiisiina la isoo beegsaday, la yidhi ‘uma codayn kartid reer Awdal’, anigana damiirkaygu wuu isiin waayay, sababto ah farba farta ku xigta ayaa lagu kabaa bini’aadamka. Sodonka sano anago guddoomiye gole doonayna in ILLAAHEY nagu guuleeyana aanu rajjeynayno. Haddaba reer Awdalow maanta uunbaa guulwadihii ugu weynaa, oo Muuse u ooyaya Nebi Maxamed, SCW, ayaa loo ooyaaye, ninka Somaliland ka ooyayso ka u ooyaya ayaa la idiinka soo dhigey guddoomiye gobol, in aanu dhex idiin ahayna waxa caddaynaysa in uu leeyahay nin reer Awdala looma codayn karo, muxuu taraya markaa?. Anaga oo xildhibaano ah oo xasaanad leh ayaa iyada oo ciidan iyo odayaal la wato Huteelada sidaasi dhexdooda naloogu galayaa, wax shaqaynaya maaha. Waar intay goori goor tahay guddoomiye idiinma noqon karro, dhexna idiinma noqon karo, Jufadiisa haw noqde kasiijeesta, wax aad ka dhageysataana yaanu jirin. Haddii beri doorasho madaxtooyo timaado muxuu idinku sameyn? Ninka Shir-guddoon cidkale ah maanta u ooyaya, waxa la idiin soo diraya guul wadayaasha waal waalan, ee waalidu madax martay, intay goori goor tahay ka tashada. Somaliland waa xor, waad Dimuquraadiyad, fikirkiisa qofku waa u xor, codkiisa waa u xor, dadnimadiisa waa xor, diintiisa waa u xor. Waxaan aad uga xumahay oo isna la diley xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, waad arkaysan naf lacaariga xisbiga KULMIYE, aniguna KULMIYE hore ayaan uga cibaadeystay” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa faah-faahin ka bixiyay shir muhiim ah oo ay qorsheynayso dowladda federaalka, kaasi oo ka dhacaya dalka Mareykanka. Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay VOA ayaa waxa uu sheegay in dhamaadka sannadkan uu shirkaasi ka qabsoomi doono Mareykanka, si dhaqaale loogu aruuriyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Ujeedka dhaqaale ururintaas laga leeyahay ayaa waxa uu La-taliyaha Amniga Qaranka ku sheegay sidii ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka. “Waxaa hadda rabnaa oo ku qancinay dowladdo saaxiibbo ah in shir bisha December la iskugu imaado Mareykanka, si lacag loogu aruuriyo ciidamada Soomaaliya, oo u hoggaansanaanaya Dastuurka dalka, kana daboolo kharashaadka muhiimka ah sida dhismaha iyo ciidanka qeybahooda kala duwan,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali. Waxa uu intaas sii raaciyay “In adduunka halmar uu gacan ka geysto dhismaha ciidan tayo leh, si ay dowladda Soomaaliya 2027-ka si dhameystiran ciidamadeeda amniga iyadu mushaarkeeda iyo qalabkeeda u awoodi karto.” Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaas ay qeyb ka yihiin dowladdo ay kamid yihiin Mareykanka Turkiga, UK, Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo Midowga Yurub iyo weliba dowladaha ay saaxiibka la yihiin ee dhaqaalaha ku yaboohi kara iyo kuwa kale ee kaalmeeya Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladaha casuumaysa, waa howl socota hadda, dhaqaalaha la tegi doono iyo farsamadeedii shaqo xawli hadda ku socota waaye. Marka waa in December dhaqaalaheeda la isku keeno wixii Soomaaliya loo dhisi lahaa, loo tababari lahaa hadda illaa 2027.” Hoos ka dhageyso wareysiga La-taliyaha Amniga Qaranka, kana bilow daqiiqada 8:00. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/07/01000000-0a00-0242-b0b4-08db86b4a14b_48k.mp3The post Dhageyso: DF oo shaacisay shir ka dhacaya Mareykanka oo lacag loogu ururinayo… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kahor inta uusan bilaaban wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu qorshuhu yahay in la xoreeyo deegaano dhowr ah. La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay VOA ayaa shaaciyay in la diyaariyay duulaankii lagu xoreyn lahaa magaalooyin ay kamid yihiin Ceelbuur iyo Galhareeri ee ku haray gacanta kooxda Al-Shabaab. “Waa howl dhameystiran xag ciidan waxay sugeysa amarkii sare ee madaxda iyo ku dhaqaaqisteeda, si loo soo afjaro wejiga koowaad oo runtii xooga dib u dhac yar ku dhacay dhameystirkiisa, la rajeynayo in toddobaadyada soo socda magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee ku haray laga xoreeyo cadowga,” ayuu yiri Xuseen Sheekh. Waxa uu intaas sii raaciyay “Arrintaas waa arrin millateri ahaan dhameystiran kaliya uu dhiman yahay go’aankii siyaasiga ahaa ee lagu howl-gali lahaa.” Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-gallo ay ka socdaan Shabeellaha Hoose iyo qaar kamid ah Jubbooyinka, laakiin wejigii labaad ee safka marka ahaa uu weli dhiman yahay, uuna bilaaban doono marka uu soo idlaado wejiga koowaad. “Wejiga hore bilow illaa dhamaad taageero aad u kooban oo ATMIS ah iyo taageero dhanka cirka ah oo dowladdo saaxiibo ah laga helay mooye waxaa Shabaab u xoog sheegtay ciidamadeena huwanta ah.” La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay cashir u dhigeen Al-Shabaab, oo ayadu ku doodi jirtay in aysan la-dagaalamin ciidamada Soomaaliyeed, balse is hayaan kuwa ajaaniibta ah. “Shabaab weligood waxay ku andacoon jirtay ciidamada Soomaaliya ma ahan cidda nala dirireysa ee aan la dirireyno, laakiin waa markii koowaad oo la tusay cidda ka adkaaneysa ee ka awoodda badan aysan aheyn ciidamo ajnabi ah oo ay tahay ciidamada Soomaaliyeed iyo shacabkeeda oo isku tegay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, marka uu soo idlaado kan hore oo maraya heer gaba-gabo, islamarkaana ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Villa Somalia oo shaacisay 2 magaalo oo la qosheyay in la xoreeyo kahor wejiga 2-aad appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – During a speech at the Turning Point Action conference, an assembly organized by far-right figurehead Charlie Kirk, former President Donald Trump expressed his intent to rejuvenate and strengthen his previously imposed travel ban, promising to make it “bigger and much stronger” than before. The reinstatement of this policy signifies Trump’s ambition to control who enters the country, mainly targeting citizens from majority-Muslim nations such as Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria, and Yemen. He said, “When I return to the office, the travel ban is returning. The U.S. will not be condemned for the same fate as countries like France.” The travel ban, known for its rigorous selection process, was a policy cornerstone during Trump’s tenure. It included an indefinite suspension of the Syrian refugee program and a temporary suspension of all other refugee programs. The Supreme Court upheld the ban, which President Joe Biden later abolished upon entering office. Trump, however, does not shy away from his previous policies, “Under the Trump administration, we imposed extreme vetting and put on a powerful travel ban to keep radical Islamic terrorists and jihadists out of our country — and with great success,” he asserted. He also indicated that he would reinstate Title 42, a policy that denied asylum to migrants and returned them across the border, aiming to “end the child trafficking crisis.” Trump’s vision of American culture Beyond his plans to reestablish the travel ban, Trump emphasizes the need for immigrants to assimilate and uphold American values. He advocates deep-seated love and respect for the country from its prospective citizens. He said, “We want people who can love and cherish our country.” The former president also discussed immigration reform. He proposed an executive order that would end automatic citizenship for children of illegal aliens, a move he believed would deter illegal immigrants and their extended families from entering the country. Trump’s speech wasn’t limited to immigration policies and travel bans. Despite his ties to Operation Warp Speed, the covid-19 vaccine initiative launched under his administration, he also engaged with contentious topics, such as vaccine conspiracy theories. He alluded to a potential reconsideration of his stance. “I will continue my long record of standing up to Big Pharma by creating a presidential commission to investigate what is causing the decades-long increase in childhood diseases, autoimmune disorders, autism, obesity, infertility, and other chronic health problems,” he said. Critics argue this statement might be a subtle nod to unfounded claims linking vaccinations to autism, a theory long dismissed by the scientific community. Classified document controversy Turning to the controversy surrounding the transportation of classified documents to Mar-a-Lago, Trump’s private resort in Florida, he expressed incredulity about potential legal consequences. His comments shed light on his perception of legality, particularly surrounding his behavior. “I had boxes piled up in front of the White House, and everybody was taking pictures of them because I wasn’t hiding anything,” he disclosed. The documents were reportedly stored in unsecured locations, including a ballroom stage and a bathroom at Mar-a-Lago. Despite the various indictments and legal controversies that have dogged his political career, Trump maintained his defiance. He claimed that each indictment from the “radical left Democrats” was a “badge of honor and courage,” seeing them as sacrifices made on behalf of his supporters. The post Trump to target Somalia in travel ban revival if elected appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – The nefarious web of Al-Shabaab, the jihadist terrorist group in East Africa, is expanding its reach beyond the borders of Kenya, as indicated by recent security operations. It appears the militant group’s recruitment strategy is now targeting foreigners, with Tanzanians and Ugandans emerging as the new demographic of choice, security officials reveal. On the rainy evening of July 12, Tanzanian nationals Abdirahman Shaffi Mkwatili, 25, and Sadam Jafari Kitia, 30, found themselves apprehended in Garissa, a bustling town near the Kenya-Somalia border. Their objective? To traverse the wilderness and join Al-Shabab in Somalia, armed with nothing more than a notebook containing directions in Swahili. The duo was apprehended in the Korakora area by vigilant police forces following a well-coordinated operation. This incident marked the third arrest of foreign recruits within a month, illuminating an unsettling shift in the recruitment dynamic. According to officials, the trend of Kenyans journeying to Somalia to join the jihadist ranks has dwindled. Many recruits have begun questioning the grand promises of wealth, glory, and familial security that the militant group had formerly peddled. Tanzanians, Ugandans under the scanner Within a fortnight of this event, three other Tanzanians—Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo, and Seif Abdalla Juma—were intercepted in a similar situation, their cover blown by watchful community members. Security agencies have also reported the recent arrest of a Ugandan national in Libya, thanks to the collaborative efforts between security forces and local communities. A senior security official, requesting anonymity, confirmed the development, stating, “We think they are now targeting Tanzanians, Ugandans, and others. Kenyans avoid joining them, and those who do return describe dire conditions.” As a countermeasure, security agencies have amplified surveillance and investigative procedures leading to more swift arrests of youths attempting to join terror groups. The public has also been cautioned to remain alert and share information on suspicious movements. Notably, those joining these terror groups are often exploited as suicide bombers—a sobering reality with which Kenya is all too familiar, having been the victim of numerous suicide attacks. The legal front: A battle against terrorism In a concurrent development, the courts are playing their part in this ongoing war against terrorism. On Friday, July 14, Chief Magistrate Martha Mutuku at the Mombasa law courts virtually-delivered a ruling that Mohamed Abdi Ali, alias Abu Fidaa, and Nuseiba Mohamed Ali, both charged under the Prevention of Terrorism Act (POTA), had cases to answer. Conversely, Abdirahman Idriss Hassan and Salah Mohamed Khalif were released under the provisions of Section 210 of the Criminal Procedure Code. The accused had been in custody since their arrest in 2016, with charges ranging from directing a terrorist act to being members of a terrorist group. T heir defense hearing has been scheduled for August 21 to 25. The battle against terrorism continues to rage on multiple fronts, from the recruitment pools to the courts. However, the ever-adapting strategies of these terrorist groups call for an equally flexible, vigilant response from security agencies, the judiciary, and the public. The post Foreign recruitment surge: Al-Shabab shifts strategy appeared first on Caasimada Online.
-
Galcad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Axmed Aadan Cali ayaa maanta gaaray degmada Galcad Gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka. Taliyaha ayaa maanta halkaas kula hadlay ciidanka, isagoo ka warbixiyey qorshaha dagaal ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu bilaaba doono dagaal aan joogsa doonin. “Dagaal adag ayaan ku jirnaa sidaan ayaan u lebisnaa doonaa ilaa cadowga aan ka tirtirno dalkeenna, ciidankaan waxay ka dhabeeyeen balantii ay qaadeen iyo kitaabkii ay mareen, laakiin waajibaad culus ayaa dhiman,” ayuu yiri. Taliyaha ciidanka dhulka ayaa geesiyaasha qaranka ee Galcad ku sugan kula dardaarmay inay ka dhasheen oo ciidan u yihiin dal burburay oo sagxada soo taabtay oo dadkiisii uu qaxooti yahay, qaarna xabsiyada caalamka uu ku xiran yahay. “Cid noo maqan ma jirto, waxaan ku qasbanahay in dalka, dadka iyo diinta aan ka difaacano cadowga, waana guuleysanay, waana sii dhameystireynaa guushaan oo ciidanku dhexda ha u xirto,” ayuu yiri Jeneraal Axmed Aadan Cali. Taliyaha ciidanka dhulka markii uu tegay Galcad wuxuu soo kormeeray fariisimaha ciidanka ee degmadaas iyo deegaanada hoos taga, wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha hoggaaminaysa ciidankaan jooga furimaha dagaalka. Jeneraal Axmed Aadan Cali ayaa warbixinno ka dhagaystay saraakiisha ciidanka, iyagoo uga warbixiyey xaalada ay ku sugan yihiin ciidanku, wuxuuna Talyuhu ku amaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii u dambeeyey ee lagu qaaday Khawaarijta. “Khawaarijtu arxan malaha, ciidanka waxaan farayaa inay u diyaar-garoobaan wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, culimadeenu waa ka fadwootay, waxaana dooneynaa inaan iska soo afjarno,” ayuu yiri. Gobollada dhexe ee dalka waxaa ka socda diyaar-garow militeri oo xoog leh, madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo saldhig ka dhiga doona Dhuusamareeb ayaa la sheegay in dagaalkaan uu hoggaami doono, isla markaana ay dowladdu qorsheysay in todobaadyada soo socda gobollada Galmudug iyo HirShabeelle laga soo ciribtaro kooxda. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliyaha ciidanka dhulka oo farriin dagaal u gudbiyey ciidan ku sugan Galcad appeared first on Caasimada Online.
