-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal ayaa mar kale saaka dib uga bilowday degaan ka tirsan Gobolka Togdheer oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood. Dagaalka labada beelood ayaa ka socda balliga lagu magacaabo Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaannada Horufadhi iyo Qorilugud ee Gobolka Togdheer. Faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka labada beelood oo sida wararku sheegayaan salka ku haya muran dhuleed. Beelaha dagaallamaya oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale saacadihii u danbeeyay gurmadyo xooggan ka helay labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed mar kale maanta dib uga qarxay Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno mucaaradka kamid ah ayaa kusoo idlaaday galinkii dame ee shalay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa shalay xooggiisa la dul dhigay qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay mucaaradkan horey doodda uga keeneen. Xoggo cusub ayaa kasoo baxaya kulankaan, xilli xukuumadda ay baahisay war-saxaafadeed ay kaga gaabsatay halka saxda ah ee la isla gaaray, waxa lasoo warinayaa inuu jiri doono war-murtiyeed rasmi ah oo illaa caawa la dhameystiri doono oo ku saabsan qodobadii lagu heshiiyay. Kahor waxaa soo baxaya qodobo la isla ogolaaday iyo kuwa gacan laga taagay iyo kuwa kale oo madaxweynaha ogolaaday in lagala heshiiyo oo dooddo sii socoto. Haddii aan dul istaagno qodobada; 1. Muddo xileedka Xasan Sheekh Madaxweynaha waxa uu toos u ballanqaaday in uusan maalin ku darsaneyn muddo xileedkiisa afarta sano, haddaa rabtaan waa i celin kartaan ayuu ku yiri raggii shirka fadhiyay. 2. Maamulka Puntland Waxaa lagu heshiiyay in maamulka Puntland lagu soo celiyo miiska oo taladooda la dhageysto lana tixgeliyo, maadaama aan looga maarmin heshiisyada noocaan ah, madaxweynuhuna qodobkaan waa aqbalay. 3. Nooca doorashada Labada dhinacba waxay isku raaceen qabashada doorasho qof iyo cod ah. Mucaaradka waxay dalbadeen in geediga doorashadaas iyo sida loo fulinayo in heshiis laga gaaro marka hore. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la sheegay inuu taasna ogolaaday. 4. Doodda madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qodobkaan waxaa la sheegay inuu aqbalay in lagu daro qodobada heshiiska laga gaarayo ee u baahan in looga sii wada-hadlo kulamada soo aadan. Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in uusan kulankan noqon midkii ugu dambeeyay, oo qodobada u baahan doodda ay noqdaan kuwa loo dhigto kulamada soo aadan, iyada oo la ballaarinayo madasha. Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-galay kulankaan ayaa la filayaa inay hadli doonaan wixii caawa ka dambeeya, markaas oo la filayo in war-murtiyeedk si rasmi ah loo faafiyo. Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga. The post Xogta kulankii usoo dhamaaday Xasan iyo mucaaradka (qodobada la isku afgartay) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa masuuliyiinta degmooyinka iyo hay’adaha amniga uga digay isku-day ay wado kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku rabto inay dad ku dhex yeelato, si ay ugu fududeeyan dhaq-dhaqaaqeeda caasimada. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa si adag uga digay in wax lala wadaago Al-Shabaab. Yabooh oo la hadlayay masuuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka ayaa ka dhawaajiyay in cadaaladda loo siman yahay, qof walba oo lagu caddeeyo in uu wax la wadaagay Shabaab la horgeyn doonno maxkamad. “Cadowga waxa uu raba inuu dadka kala laaluusho oo isku dayo hay’adaha amniga iyo maamulka degmooyinka inuu dad ku dhex yeesho, oo uu dhex-galo,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Waxa uu intaas sii raaciyay “Mas’uuliyad inta uu doono hala ekaato qofkii Khawaarij u dhawaada, ku raad-yeesha ama maalin wax dhex-mareen cadaaladda ayaa soo qaban doonto, u maleynmaayo in dhibka ay dalka ka wadaan ama caasimadda ka wadaan in ay kaligood wadaan.” Maamulka gobolka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu la xisaabtan ku sameynayo masuuliyiinta “si qofkii lagu helo in uu la shaqeynayo ama wax la wadaagayo Shabaab loo qabto loona horgeeyo maxkamad.” “Dad naga mid ah maamul ama hay’adaha amniga ha ku jiraan ama dadka shacabka ah ha ku jiraan ayaa hoggaaminaya dhibka ay caasimadda ka wadaan, qofkii mas’uul ah ee la ogaado in uu Khawaariij la shaqeynayo wuu ka dambi badan yahay shacabka, qof weliba waa in uu ka dheeraadaa.” Kooxda Al-Shabaab ayaa marar dhowr ah la sheegay inay xiriir hoose la leeyihiin xubno ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan laamaha amniga, ayada oo horay walaac looga muujiyay isku-milankaas, oo hadda u muuqda mid uu gabalku udhacay, marka la eego qorshaha dowladda federaalka ee dagaalka Al-Shabaab. The post Maamulka gobolka oo madaxda dowladda uga digay isku-day ay Al-Shabaab wado appeared first on Caasimada Online.
-
Brussels (Caasimada Online) – Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkaas, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in Abu Dhabi ay ku lug leedahay olole sumcad dil ah oo lagu doonayey in ugu yaraan 1,000 qof oo ku nool Yurub lagu xiriiryo ururka Ikhwaanul Muslimiin. Kooxda Iskaashiga Baariista Yurub ee loo soo gaabiyey EIC ayaa warbixin ay daabacday Jimcihii ku sheegtay in Imaaraadka Carabta uu beegsaday shaqsiyaadkan oo ku kala nool dalal badan oo Yurub ah, taasi oo qeyb ka aheyd olole sumcad dil ahaa oo ka dhan ah Qatar, intii uu jiray khilaafkii dalalka Khaliijka. Intii u dhaxeysa 2017 illaa 2020, Alp Service, oo ah shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay, fadhigeeduna yahay Switzerland, ayaa abuurtay galka dad ku kala sugan 18 dal oo Yurub ah iyo 400 oo urur, ayada oo wakiil ka ah sirdoonka Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay warbixinta. Warbixinta waxaa saldhig u ah 78,000 oo dokumentiyo sir ah, oo ay heshay warbaahinta Faransiiska ee Mediapart, lana wadaagtay EIC. Dukumentiyada waxaa ka mid ah magacyada boqolaal shaqsi oo laga sameeyey naqshado sawiro oo la xiriirinaya xagjirnimo. Wasiir la beegsaday Illaa 80 urur iyo 160 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa kasoo jeeda Belgium. Waxaa ka mid ah Zakia Khattabi, oo ah wasiirka deegaanka iyo joogteynta ee federaalka. Khattabi ayaa u sheegtay warbaahinta Faransiiska ee Le Soir inay rajeyneyso in baaritaanka “uusan qarash badan ku bixin, sababtoo ah wax walba waa been abuur.” Waxay sheegtay inaysan wax xiriir ah la lahayn Ikhwaanul Muslimiin. Xisbigeeda, Ecolo, oo sidoo kale ku jira liiska, ayaa si xooggan ugu cambaareeyey Imaaraadka ku lug lahaanshaha lagu tuhunsan yahay. “Tallaabada Imaaraadka Carabta, ayada oo dhex-mareysa shirkadda Swiss-ka waa fadeexad. Waxa ay astaan u tahay dhaqanka ka dhanka ah dimoqraadiyadda ee taliskan,” ayuu yiri xisbiga Ecolo. “Natiijooyinka sida iska cad waa kuwa nacasnimo ah oo lagu qoslo oo aan u qalmin jawaab ama dareen.” Wasaaradda arrimaha dibedda Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta ee Brussels, waxayna ka dalbatay “sharraxaad buuxda iyo faah-faahin,” ayey wasaaradda u sheegtay Middle East Eye. “Waxaan ka xunnahay oo cambaareyneynaa eedeymaha aan loo qiil dayin, sida kuwa ka dhanka ah wasiir Khattabi,” ayey ku dartay. Imaaraadka oo bixiyey €5.7m Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa lacag 20,000 iyo 50,000 oo euro ah ku bixiyey qof kasta oo la beegsaday, sida uu sheegay Le Soir. Imaaraadka ayaa guud ahaan shirkadda Alp iyo madaxeeda Mario Brero siiyey ilaa 5.7 milyan oo Euro Alp ayaa billowday olole warbaahineed. Waxay wax ka beddeshay bogagga Wikipedia ee shaqsiyaadka la beegsaday, waxayna isku dayday inay bankiyo ka dhaadhiciso in la xiro akoono gaar ah. In ka badan 200 oo qof iyo 120 urur oo kasoo jeeda Faraniiska ayaa waxaa loo sameeyey galal ay abuurtay Alp, sida ay sheegtay Mediaport. Waxaa dadkaas ka mid ah musharaxii hore ee madaxweyne Benoit Hamon. “Tan iyo markii aan isku sharxay madaxweynaha, hal fariin xitaa kuma daabici karo baraha bulshada iyada oo aan la igu weerarin khayaali aan macquul ahayn iyo eedeymaha ah inaan xiriir la leeyahay Islaamiyiinta,” ayuu u sheegay Mediapart. Saraakiisha Imaaraadka Carabta ma bixin wax jawaab ah markii ay sidaas ka codsadeen kooxda EIC. Sirdoonka Alp ayaa sheegay in warkan saldhig looga dhigay “xog la xaday”, waxayna sheegeen in sidoo kale qeybo ka mid ah dokumentiyada “la been abuuray”. Bishii March, wargeyska New Yorker ayaa weriyey in Imaaraadka Carabta ay maal-geliyeen olole ay fulisay Alp si loo sumcad dilo hay’adda fadhigeedu yahay UK ee Islamic Relief, islamarkaana mas’uuliyiinta ururkaas loola xiriiriyo Ikhwaanul Muslimiin. Sida lagu sheegay warbixinta, Alp ayaa isku dayday inay Heshmat Khalifa, oo horey xubin uga ahaa ururkaas, ay ku xiriiriso argagixisanimo, kadib shaqadii uu ninkan oo u dhashay Masar kasoo qabtay Bosnia, sagaashamaadkii. Sannadkii 2014, Imaaraadku ayaa Islamic Relief ku daray liiska 86 koox oo “argagixiso” oo la mamnuucay, waxaana weheliyey dhawr urur oo Muslim ah oo caan ah, oo uu ku jiro Golaha Xiriirka Islaamka Maraykanka. Abu Dhabi waxay Islamic Relief ku eedaysay inay tahay garab ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin, eeddaas oo Islamic Relief ay beenisay. The post Imaaraadka oo fal yaab leh ka fuliyey 18 dal oo Yurub ah iyo caro xooggan oo ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
-
. Waxaa laga yaabaa inaad maqashay dad badan oo diinta Islaamka soo galay, laakiin sheekada nin reer London ah oo magaciisa la odhan jiray Yusuf Oak sida u uku soo islaamay waxa ay ahayd sheeko gaar ah oo xiise leh. Qaadashadiisa diinta Islaamka waxay ku soo beegantay markii uu helay nuqul ka mid ah Kitaabka Quraanka Kariimka oo kaas oo ku dhex dhacay garoonka Manchester United ee Old Trafford. Waxay ahayd sannadkii 2007-dii xilligaas oo uu Yuusuf u shaqaynayey naadiga Manchester United. Maalin maalmaha ka mid ah isaga oo shaqaynaya ayuu garoonkii ka helay kitaab Quraan ah. Isaga oo ka hadlaya safarkiisii uu ku doonayey in uu Islaamka ku soo ogaado, waxa uu yidhi, “Waxay ahayd wax la yaab leh, in uu Qur’aanka ka helay garoonka dhexdiisa. Markii aan helay kitaabkaas Quraanka ah, waxa uu ahaa mid boodhaysan. Isla markii aan arkay qoraal-gacmeedkan, waxa aan dareemay in aan soo qaato oo aan nadiifiyo.” Waxa uu BBC-da uga warramayey sheekadiisa isaga oo fadhiya Xarunta Islaamka ee Indonesia ee Waqooyiga London. Yuusuf markii uu helay kitaabkaas inta uu nadiifiyey ayuu geystay gurigiisa, xilli ay xaaskiisu Iyana ka xanaaqday markii ay ogaatay in kitab qur’aan ahi guriga yaallo. Markii uu maqlay hadalka xaaskiisa ee ah in ay ka cadhaysan tahay kitaabka, Yuusuf waxa uu uga digay in kitaabkaas ay qashinka ku tuurto isaga oo ugu hanjabay “haddii aad tuurto adna wan ku tuuri doonaa” Yuusuf ayaa ku jawaabay ‘Intadan Qur’aankan tuurin meel baan kugu tuurayaa’. Markii ay maqashay xaaskiisu jawaabta Yuusuf, ayay saaxiibkeed weydiisay, ‘Haddii aadan Muslim ahayn, maxaad sidaas u samaynaysaa?’ Yuusuf wuxuu ugu jawaabay, Buugan hal sadar ma aadan akhriyin, haddana waxaad doonaysaa inaad isla markiiba tuurto. Yuusuf ayaa ka dhashay qoys Masiixi ah. . Difaacii adkaa ee uu kala hortagay xaaaskiisu waxa uu keenay in kitaabkaas qur’aanka ahi uu baaqi ku sii ahaado gurigooda. In kasta oo wakhtigaas Yuusuf aanu weli qaadan diinta Islaamka, haddana isaga laftiisu waxa uu is-weydiiyey sababta ugu jiro damaca weyn ee kqu aaddan in uu difaaco diinta Islaamka. Yuusuf ayaa sheegay in weligiiba uu jirey dareen si gaar ah u jiidanayey oo ku aaddana muslinnimada. Waxaana jirtay xilli xilliyada ka mid ah oo isaga iyo saaxiibbadii inta ay dalxiis u aadeen Spain ay haddana isku af dhaafeen waxyaalo muslinnimada ku saabsan. Markii dnabe waxa uu bilaabay in uu la xidhiidho dad badan oo ka baxay diintoodii hore oo islaaamay, si uu wax uga korodhsado. Waxa uu sidoo kale la xidhiidhay culimo badan, illaa uuu ugu danbayn la kulmay qof muslim ah oo ay asxaab yihiin oo uga jawaabay su’aalihii u qabay oo dhan. Waxaa dhacday in Yuusuf uu la xidhiidhay maamulkii masaajidka gurigiisa u dhowaa kaas oo markii danbe shahaadada u qabtay. Halkaas ayuu Yuusuf ka bilaabay in uu qofnimadiisa bannaanka iyo gudahaba uu u guuro muslimnimo, taas oo ka billaabatay in uu ka tago dhaqamada aan islaamku bannaanayn, isaga sida oo kalena gadhka la baxay, mar walbana waxa uu isku dayi jiray in uu jameeco masaajidka ku la tukado. Marka loo eego natiijooyinka tirakoobka 2021 ee Boqortooyada Ingiriiska, tirada Muslimiinta ku nool waddanku waa 6.5 boqolkiiba tirada guud ee dadka waddanka, halka 2011 ay ahayd 4.9 boqolkiiba Qaran News
-
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay, inay ka xun tahay isla markaana ay cambaaraynayso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taala magaalada Laascaanood, 11kii bishan July 2023, sida ay hadalka u dhigeen. Tedros Adhenom, madaxa hay’addaas ayaa qoraal uu ku soo qoray barta twitterka ku sheegay in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii cisbitaalkaas. Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer sheegtay in aanay iyadu beegsan goobaha caafimaadka, xilli muddooyinkii u danbeeyey uu dagaal ka socday magaaladaasi Laascaanood. Qaran News
-
Two Bristol women have been arrested and charged after taking part in a Just Stop Oil “mums’ march” in London on Wednesday (July 12). Sophie Holland and Rowan Tilly, both from Ashley Down, were arrested alongside Rebecca Cassar from Bradford-on-Avon after police asked the group of protesters to move off the road and the three women refused. Source: Hiiraan Online
-
Xabaal-wadareedyo Laga Helay Suudaan oo Walaac Dhaliyay Hargeysa(Qaran)-Xabaal wadareed ayaa laga helay gobolka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan,sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sudan maanta oo Khamiis ah. Xabaal wadareedkan ayaa la sheegay in ay ku aasan yihiin dad gaadhaaya ilaa 87 qof,waxaana helitaanka xabaal wadareedkani kusoo beegmaysa xili uu socdo shir madaxeedka gobolka oo ay marti gelisay dawladda Masar,kaas oo lagu doonaayo in xal loogu helo xaaladda dagaal ee dalka Suudaan. Xafiiska xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ciidamada gurmadka deg deg ah ee RSF loo soo gaabiya ay mas’uul ka yihiin dadkan la laayey ee xabaal wadareedka lagu wada aasay. Warkan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa lagu sheegay in dadkan xabaal Wadareedka lagu riday ay ku jiraan dad kasoo jeeda dadka loo yaqaano Masaalitka,taas oo muujinaysa in dilkani salka ku hayo isir nacayb. Bayaan uu soo saaray xafiiska Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka ay kasoo jeedaan dadkan la laayey lagu khasbay in ay dadkoodan ku aastaan meel u dhow magaaladda Al-Jenayna intii u dhexaysay 20-kii June ilaa 21-kii June. Qoomiyadda Masaalitka ayaa ka mid ah qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee ku nool gobolka Daarfuur ee dalka Suudan Qaran News
-
Sweden oo Diiday in la Dhiibo Laba Nin oo Turkigu Doonayey SWEDEN(Qaran)-Maxkamada sare ee dalka Sweden ayaa diiday dalab uga yimid dawladda Sweden dhiigeeda dalka Turkeyga,kaas oo lagu dalbanaayey in Turkey loo dhiibo laba nin oo eedaysaneyaal ah. Maxkamadda sare ee Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku diiday in la dhiibo laba nin oo ay dawladda Turkey raadinaysay muddo dheer,kuwaas oo ay ku eedaysay in ay ka tirsan yihiin ururka mucaaridka ah ee uu hogaamiyo Sheekh Fatxulaah Gollan,waxaanay maxkamadda sare ee Sweden caddaysay in aanay labadan nin wax dambi ah ka gelin dalalka Scandinavian-ka,sidoo kalena waxa ay sheegtay in aanay codsiyada Turkeygu buuxin shuruudaha dambiyada laba dawladood isugu dhiibi karaan dambiileyaal. Dawladda Turkey ayaa ku eedaysay ururkan oo uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Fatxulaah Gollan oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkeyga sannadkii 2016-kii, iyada oo wixii intaas ka dambeeyey ku daba jirtay xubnaha ururkaas. Dawladdaha Turkey iyo Sweden ayaa hore khilaaf uga dhaxeeyey,kaas oo sababay in dawladda Turkey ay diido in Sweden ay ku biirto gashanbuurta NATO,waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkoodu sii cakirmo. Xabaal-wadareedyo Laga Helay Suudaan oo Walaac Dhaliyay Hargeysa(Qaran)-Xabaal wadareed ayaa laga helay gobolka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan,sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sudan maanta oo Khamiis ah. Xabaal wadareedkan ayaa la sheegay in ay ku aasan yihiin dad gaadhaaya ilaa 87 qof,waxaana helitaanka xabaal wadareedkani kusoo beegmaysa xili uu socdo shir madaxeedka gobolka oo ay marti gelisay dawladda Masar,kaas oo lagu doonaayo in xal loogu helo xaaladda dagaal ee dalka Suudaan. Xafiiska xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ciidamada gurmadka deg deg ah ee RSF loo soo gaabiya ay mas’uul ka yihiin dadkan la laayey ee xabaal wadareedka lagu wada aasay. Warkan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa lagu sheegay in dadkan xabaal Wadareedka lagu riday ay ku jiraan dad kasoo jeeda dadka loo yaqaano Masaalitka,taas oo muujinaysa in dilkani salka ku hayo isir nacayb. Bayaan uu soo saaray xafiiska Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka ay kasoo jeedaan dadkan la laayey lagu khasbay in ay dadkoodan ku aastaan meel u dhow magaaladda Al-Jenayna intii u dhexaysay 20-kii June ilaa 21-kii June. Qoomiyadda Masaalitka ayaa ka mid ah qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee ku nool gobolka Daarfuur ee dalka Suudan. Booqashada Ra’iisul-wasaaraha Hindiya ku Tagay Faransiiska Hargeysa(Qaran)-Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa gaadhey dalka Faransiiska,iyada oo ay dalkaas uga bilaabmi doonto booqasho muddo laba cisho ah qaadan doonta. Dawladdaha Hindiya iyo Faransiiska ayaa la filayaa in ay kala saxeexdaan heshiis ay dawladda Hindiya kaga iibsanayso dawladda Faransiiska hub kala duwan oo ay ku jiraan Diyaaraddo iyo Maraakiibta badda hoosteeda marta ee Gujiska loo yaqaano. Ra’iisal wasaare Modi ayaa dalkaas gaadhey maanta oo Khamiis ah,kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron,sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya. Dhanka kalena ciidamada Dalka Hindiya ayaa ciidamada dalka Faransiiska kala qayb geli doona dholatus military oo dalkaas ka dhici dona maalinta Jimcaha ee berri. Gegida diyaaraddaha ee magaaladda Baris waxa ra’isal wasaaraha dalka Hindiya kusoo dhaweeyey dhiggiisa dalka Faransiiska Elisabeth Borne iyo xubno kamid ah qurba joogta Hindiya ee dalka Faransiiska. Qaran News
-
Only one out of the 23 Kenyan regions that were severely hit by drought remain in dire condition following heavy rainfall recorded during the March-May season, the National Drought Management Authority (NDMA) said in a report released Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Interior CS Kithure Kindiki on Thursday visited police officers who he said were injured in the line of duty. Source: Hiiraan Online
-
Geriley (Caasimada Online) – Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo shalay ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo. Maleeshiyada Al-Shabaab oo maalmihii ugu dambeysay isku uruursanayay waddada ka timaada dhanka deegaanka Faafaaxdhuun ee soo gasha Gariley ayaa barqanimadii shalay dhowr jiho ka weeraray Xerada Gariley, oo daba-yaaqadii bishii June ay banneeyeen Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Wararka ayaa sheegaya bilowgiiba in Shabaabku ay ka soo gudbeen difaaca hore ee ciidamadu ka ilaalinayeen deegaanka ee xigga dhanka Faafaaxdhuun, oo 80km u jirta Degmada Baardheere. Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa la sheegay inay isaga baxeen xeradaasi, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay Shabaabkii weerarka qaaday. Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad xoog leh oo ciidamada meelo kala duwan uga yimid ay suurtagelisay in Shabaabka dib looga saaro deegaankaasi. Aadan Xaashi Maxamuud oo ka mid ah dadka reer Gariley ayaa Dhacdo.com u sheegay in dagaalku uu soo gaaray illaa caawa fiidkii, ugu dambayna ay hadda deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada. Aadan Xaashi ayaa sheegaya in uu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, isagoo intaa ku daray inaanay hadda jirin cid si sax ah u sheegi karta in uu khasaaruhu gaarsiisan yahay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaawacyada askarta loo qaaday Degmada Ceelwaaq, halkaas oo saldhig weyn iyo xarun caafimaad ay ku leeyihiin Ciidanka ATMIS ee ka socda dalka Kenya. Salaan Cabdullaahi Cagey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Gariley ayaa BBC u sheegay in ay jab xoogan u gaysteen kooxaha argagixisada. “Khasaare badan ayaa jira, koley waa meel uu dagaal ka dhacay, dad shacab ahna way ku dhinteen, ayagana way ku dhammaadeen, guryo badana way burbureen, haddana annaga ayaa ku sugan.” Ayuu yiri Salaan Cabdullaahi. Dhanka kale dadka deegaanka oo maalmo ka hor bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan ayaa la sheegaya in intooda badan ay ka baxeen deegaanka, ayna gaarayaan tuulooyinka ku dhow dhow deegaankaasi. Gariley oo hoostagto Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob istiraatiiji ah, kuna dhow xadka Soomaaliya la wadaagto Kenya, waxaana la tilmaamaa in 12km oo keliya u jirto xuduudda. 4-tii bishan ayay sidaan oo kale mintidiinta Al-Shabaab u soo weerareen xeradaasi, inkastoo markaasi ay ku guuldareysteen inay la wareegaan. Militariga Kenya ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Xerada Gariley, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka. Xeradan ayaa ka mid ah illaa toddobo saldhig oo dhammaadkii bishan June ay isaga baxeen Militariga ATMIS. The post Xog ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Within a year short of one week, 2 airplanes crash landed on Runway 05 at Aden Adde International Airport, Mogadishu. The first accident occurred on July 18, 2022 and the second crash was on July 11,2023. Miraculously, there were no fatalities involved despite the first plane crashed, cater wheeled, rolled on its back then caught fire; Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa war kasoo saartay tallaabadii Golaha Wasiirrada. Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay ansixinta hindise-sharciyeedka hubka Soomaaliya oo shalay Golaha Wasiirrada ay ansixiyeen. Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana tallaabadan lagu xoojinayo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka. Sidoo kale waxay ka dhawaajisay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah, xilli ay socdaan dadaallo ay dowladda ku dooneyso in Soomaaliya looga qaado cuna-qateynta ee saaran. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada sidoo kale waxaa ka go’an dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in guud ahaan dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah, si looga hor tago falalka amni darrada ah, Soomaaliyana looga qaado cuna-qateynta hubka,” ayey Marwo Makko ku tiri qoraal ay soo saartay. Shirkii Golaha Wasiirrada ee shalay ayaa lagu ansixiyey hindise-sharciyeedka hubka Soomaaliya iyo xeerka amniga iyo bedqabka xarumaha dowladda, amniga hoteellada, goobaha ganacsiga iyo xarumaha adeegyada bulshada, kuwaasi oo muhiim u ah qorshayaasha amni ee dowladda. Si kastaba, Cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayay dowladdu horay u sheegtay inay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab. Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. The post La-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh oo ka falcelisay tallaabadii xukuumadda appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xidlhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweynaha Israel Isaac Herzog oo lagu wado inuu Arbacada soo socota khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Ilhaan Cumar ayaa diiday inay ka qeybgasho hadal-jeedinta madaxweyne Isaac Herzog, sababo la xiriira xiisadda weli kala dhexeysa maamulka Israel. Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayaa ku sheegtay in sida ay uga baaqatay kulankii ra’iisul wasaaraha Hindiya la yeeshay golaha ay ka tirsan tahay ay kana uga baaqsan doonto, waxayna sababta ku sheegtay in dowladahan aysan ilaalin xuquuqda bani’aadanimada. “Bishii lasoo dhaafay, waxaan kasoo horjeestay martiqaad loo fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si uu uga hadlo fadhiga wadajir ah, sababtuna waxay aheyd halka dowladdii ka taagan tahay xaquuqda aadanaha. Bishanna kama qaybgeli doono khudbad la mid ah oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.” ayay tiri Ilhaan Cumar. Sidoo kale waxay Israel ku eedeysay inay horay deegaanadeeda ka mamnuucday ayada iyo Rashida Tlaib oo ay sheegtay in loo diiday inay soo aragto ayeyadeed. “Ma jirto si aan uga qaybgalo khudbad uu fadhiga wadajirka ah u jeedinayo madaxweyne waddankiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib u diiday inay soo aragto ayeydeed.” ayay tiri. Dhanka kale waxa ay soo hadal qaaday qaddiyadda Falastiin, waxayna sheegtay in Israel ay si cad wacad ugu martay inay burburin doonto rajada dowladnimo ee Falastiin. Si kastaba, Ilhaan Cumar ayaa bishii April laga saaray guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii lagu eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel, laakiin bishii June ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda, kaas oo mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda. The post Ilhaan Cumar oo diiday inay hor fariisato madaxweynaha… appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad u diray madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu qanciyo Ruushku in aanu hakin hindisaha dibedda loogu dhoofiyo sarreenka laga raro dekedaha ku yaalla baddow. “Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dedaal ku bixinaya inuu xidhiidh la sameeyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in horumar laga sameeyo soo jeedintiisa, isaga oo xidhiidh la samaynaya Ruushka” ayuu yiri afhayeen u hadlay Antonio Guterres. Afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo hindisaha uu wado xoghaye Antonio Guterres, isagoo intaas ku daray “in lagu jiro xilli xasaasi ah”. Hindisahan ayaa ogolaanaya in sarreenka laga dhoofiyo dekedaha Ukraine, kuwaas oo Ruushku xannibay, tan iyo markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine sannadkii hore, waxaana laga yaabaa in dib loo cusboonaysiiyo bishan July 18-keeda. Moscow ayaa marar kala duwan ku cel-celisa in aanay faa’iido badani ugu jirin hindisahan. Waxaa jiray hindise kale oo kan barbar socday kaas oo u dhexeeyey Qaramada Midoobay iyo Ruushka, kaas oo la doonayey in caqabadaha lagaga faydobheshiiska ogolaanaya in debedda loo dhoofiyo sarreenka Ruushka iyo agabka kale ee beeraha lagu bacrimiyo. Mid ka mida qodobada ugu waaweyn ee Ruushku dalbanayo ayay ka mid tahay in baanankeeda ka shaqeeya maalgelinta beeraha in dib loogu fasaxo, nidaamka is-afgaradka baananka ee caalamiga ah, si uu xidhiidh ula samayn karo baananka kale. The post Xoghayaha QM Antonio Guterres oo waraaq u diray madaxweyne Putin appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad u diray madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu qanciyo Ruushku inaanu hakin hindisaha debedda loogu dhoofiyo sarreenka laga raro dekedaha ku yaalla Ukraine. “Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dedaal ku bixinaya inuu xiriir la sameeyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in horumar laga sameeyo soo jeedintiisa, isaga oo xiriitlr la samaynaya Ruushka” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Antonio Guterres. Afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo hindisaha uu wado xoghaye Antonio Guterres, isagoo intaas ku daray “in lagu jiro xilli xasaasi ah”. Hindisahan ayaa ogolaanaya in sarreenka laga dhoofiyo dekedaha Ukraine, kuwaas oo Ruushku xannibay, tan iyo markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine sannadkii hore, waxaana laga yaabaa in dib loo cusboonaysiiyo bishan July 18-keeda. PUNTLAND POST The post Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo baaq u diray Madaxweynaha Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Jaamacadda Boosaaso-Garoowe, waxaa ku soo xirmay Bandhiga Todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Sannadkiiba mar lagu qabto. Bandhiga waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin hore, Aqoonyahanno iyo Bahda Dhaqanka iyo Suugaanleyda Soomaaliyeed. Xuska oo si weyn loo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay guud ahaan Agabka kala duwan ee Hiddaha iyo Dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed. Waxaa kale oo lagu soo bandhigay falanqayn iyo dood cilmiyeedyo ku saabsan xiriirka Dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida iyo Diinta Islaamka. Bandhiga ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay diraasado laga sameeyay Taariikhda iyo Sooyaalka dhammaan qaybaha kala duwan ee Suugaanta Soomaaliyeed. Bandhigan Todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka ee ay qabatay Jaamacadda Boosaaso-Garoowe, waxaa dhanka Dhaqaalaha ka taageerayay Ururka Dhalinyarada YPEER oo kaashanaya Midowga Yurub iyo Hay’adda UNFPA. Halkaan ka eeg Sawirada Bandhiga PUNTLAND POST The post Jaamacadda Boosaaso oo si weyn u xustay Todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii wadatashi ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxdii hore ayaa maanta lagu gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga arrinsanayay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran. Hanaanka uu kusoo idlaaday shirka ayaa waxaa soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, isaga oo shaaciyay waxa uu ka dhigan yahay shirkaan iyo is-fahamkii lagu gaaray. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay war-saxaafadeed kasoo baxay shirka wadatashiga ee u dhexeeyey madaxda qaranka iyo madaxdii hore ee dalka. Mudane Xamza ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhaweyneyso tallooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed. “Waxaa soo dhaweynayaa tallooyinka wax ku oolka ah, si loogu biiriyo hiigsiga xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.” Shirka oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay xukuumadda kasoo saartay gaba-gabada shirka. Sidoo kale xukuumadda ayaa shaacisay in kulamada noocaan ah ee wadatashi ay sii socon doonaan, uuna kan soo gaba-gaboobay uu billow u yahay kuwa kale oo laga yeelan doono arrimaha masiiriga ah ee dalkeena. Si kastaba, Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga. The post ‘Waxa uu ka dhigan yahay shirka Xasan iyo mucaaradka ugu soo dhamaaday Muqdisho’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka qeyb-galay shirka wadatashi ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay walaaca maqnaashaha Puntland. Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa madaxweyne Xasan la wadaagay walaaca ay ka qabaan ka maqnaashaha Puntland ee Wadatashiga arrimaha masiiriga ah, xilli uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Villa Somalia. Waxay madaxweyne Xasan usoo jeediyeen inay muhiim tahay ka qeyb-galka Puntland ee kulamada wadatashi ee arrimaha masiiriga ah, sidaas darteedna sida ugu dhaqsah badan ay madaxda sare ula fariistaan maamulka, si xal looga gaaro tabashada ay qabto. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxay madaxweyne Xasan ugu baaqeen inuu wada-hadal la furo hoggaanka maamulka Puntland, si ay hadda kadib qeyb uga noqdaan kulamada muhiimka ah, ayada oo Puntland ay ka maqneyd kulankii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran. Kulankii 27-kii May ee Golaha ayaa lagu gaaray heshiisyo xasaasi ah oo keenay inuu qabsoomo kulanka wadatashi ee maanta lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho, kaasi oo madaxdii hore ay madaxda sare ee dalka kula wadaageen tallo soo jeedin ku aadan qodobada heshiiskaas. Arrintan ayaa imaneysa xilli Villa Somalia ay shaacisay inay socdaan wada-hadalo hoose oo u dhaxeeya madaxda sare ee dalka iyo hoggaanka Puntland, si xa looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosna. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud oo shaaciyay inuu socdo wada-hadalka hoose ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, ayaa sidoo kale guul ka rajeeyay wada-hadalladaasi. “Puntland maqnaashaheeda sida dadkan loola tashanaayo ayaa diyaar loola yahay in loola tashado Soomaaliyana way isu baahan tahay, Puntland-na Soomaaliya ayay u baahan tahay, Soomaaliyana hadda ma awoodo in dowlad-goboleed ay gooni uga istaagto marka mabda’ guud waayay oo hoos imaanayo Soomaali Heshiis ah” ayuu yiri Xuseen. Waxa uu intaas sii raaciyay “Wada-hadalka (DF & Puntland) waa furan yahay si hoose ayay hadda u socdaan, waxaan rajeynaa Insha Allah inay mira-dhasho oo la’isku yimaado oo tabashada laga wada-hadlo.” Si kastaba, Maamulka Puntland oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Villa Somalia ayaa horay ugu dhawaaqday go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, taasi oo keentay inuu go’o xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe. The post Madaxdii hore oo walaac ka muujiyay maqnaashaha Puntland, dalabna u jeediyay Xasan appeared first on Caasimada Online.
