-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Galcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee Galmudug. Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Budbud, waxaana ciidamada Danab ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo la hadlay watrbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalka ay ka sameeyeen deegaankaasi, isaga oo sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen Shabaab. Beeryare ayaa sidoo kale tilmaamay inay cagta mariyeen goobo ay Al-Shabaab ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee walxaha qarxa iyo goob kale oo ay ku kaydsadaan hubka. Waxaa kale oo uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab u ahaa inay hubkaas ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, kuna soo weeraraan ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay kooxda ka saaraan deegaanada maamul goboleedka Galmudug. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana wlei xaaladda ay tahay mid aa u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka magaalada Galcad ee gobolkaasi. Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay qabsadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo la filayo inay kuu soo biiraan waddamada dariska ah. The post Danab oo burburisay kaydkii qaraxyada ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Sida ay ku warrantay mid kamida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya laamaha amaanka dalkaas ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Mooyaale ay ku qabteen labo nin oo ajaaniib ah oo u socday in ay ku biiraan kooxaha argagixisada ah. Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah. Xog kale oo la helay ayaa sheegeysa in labada nin ay ku wajahnaayeen Magaalada Jilib iyagoo kasoo socdaalay dalka Tanzania. Eedaysanayaashu waxay daaha ka qaadeen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Argagixisada. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xarigga ragga gacanta lagu dhigay uu ku soo beegmayo laba todobaad kadib saddex muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania laga soo qabtay isla deegaanka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Kenya oo qabtay laba nin oo rabay in ay ku biiraan kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Dabayaaqadii Abriil-2023, dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal kadhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kaladuwan oo muhiim ah. Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii kahorreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda. Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomalaiyeed xog kooban oo aan helnay taas oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay sanadkan 2023. Bisha Kordhinta Fiisaha. Fasaxa shaqada January $423,950.00 $036,500 February $375,530.00 $071,160 March $268,840 $78,770 April $231,460 $219,290 May $361,470 $386,060 June $480,550 $340,730 Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayay dardar galinta howlgallada ka socda deegaanada Jubbaland, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland. Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga maamulkaas General Yuusuf Cismaan Dhuumm iyo taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka iyo Hay’adaha amniga Jubbaland, waxaana siweyn loogu gorfeeyay sidii loo sii socosiin lahaa howlgalka ciidanka ka wadaan Jubbada hoose. Madaxweynaha ayaa shacabka reer Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgallada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii shacabka ay kaga dulqaadi lahaayeen sida uu hadalka u dhigay, isaga oo taliska uga mahadceliyay guulaha laga gaaray dagaalka. Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ku gaaray deegaanno dhowr ah oo dhaca gobolka Jubbada hoose, waxaana sidoo kale jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka Gedo. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dowladda federalka Soomaaliya ku dhawaaqday in la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo taaridoona xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Two police officers and a teacher were killed and others injured when al-Shabab militants overran a police station in Mandera County, northeast Kenya, early Friday, authorities said. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - Suspected al-Shabab militants killed two police officers and a teacher were killed, and others were injured early Friday in an attack on the Wargadud police camp in the Mandera South area. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - Suspected al-Shabab militants killed two police officers and a teacher were killed, and others were injured early Friday in an attack on the Wargadud police camp in the Mandera South area. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho. Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed. Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo. Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi Waxaa kale oo goobjoog ahaa kulanka madaxweyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisulwasaareyaal hore Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, guddoomiyeyaal hore golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Shiikh Aadan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Maxamed Mursal Shiikh iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo war qoraal ah soo saartay ayaa jawaab adag ka bixisay warbixintii ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO kasoo saartay dagaalka Laascaanood, taas oo lagu eedeeyay ciidanka Somaliland. Madaxa hay’adda, Tedros Adhanom oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku shaaciyay in hay’addu ka xun tahay, islamarkaana ay cambaareynayso weerarkaasi, ayada oo si cad u sheegtay in goobaha caafimaad aysan noqon karin bartilmaameed. “WHO waxay cambaareeynaysa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada. – Caafimaadku ma ahan bartilmaameen.” ayuu yiri. Somaliland oo ka jawaabeysay eedeyntan ayaa iska fogeysay, waxaana wasaaradda arrimaha dibaddu sheegtay in ciidamadooda ay dhulka iyo shacabkaka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, soo duulay, sida lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo ay Somaliland shaacisay inay ilaalisay kaabashayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaallada iyo xarumaha kale ee adeegga dadweynaha. “Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in WHO kala shaqeyneyso, sidii gurmad iyo adeeg caafimaad loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan. “Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa lagu yidhi mar kale lagu yiri qoraalka, Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay inay ciidankeeda bartilmaameedsadeen goobaha caafimadka, xilli billihii dambe uu dagaal ka socday magaalada Laascaanood oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Si kastaba, labada dhinac ayaa ka dhaga fureystay baaqyada caalamiga ah ee joojinta dagaalka, ayada oo dhinac walba uu shuruud horleh ku xiray xabad joojin ka dhaqan-gasha Laascaanood. The post SOMALILAND oo jawaab ka bixisay warbixintii WHO ee dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo xalay Al-Shabaab ay kusoo qaaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in ragga dagaalka soo qaaday oo aad u hubeysnaa ay wateen gaari Hoomey ah, isla-markaana ay beegsadeen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka ee degmadaasi, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad xoogleh oo u dhexeeyay labada dhinac. Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka culus, taas oo cabsi xoogan ku abuurtay. Ugu yaraan saddex askari ayaa laga dilay ciidanka ku sugnaa goobta, halka Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyaguna laga toogtay labo, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kale. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha weerarka soo qaaday ay goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay iska caabin kala kulmeen ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidanka ammaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen degmada Dayniile iyo deegaanada kale ee u dhow ee gobollada Shabeelooyinka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay. Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ay kooxda ka fulineyso gudaha caasimada, waxaana u dambeeyay qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu Cabdikariin Macalin Axmed (Afarsheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Marka. Qaraxaan ayaa salaadii Makhrib ka dhacay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana la beegsaday masuulkaas kaliya, kadib markii uu isku qarxiyay Nin haligay naftiisa oo soo xirtay Jaakadda Qaraxda. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa u muuqata inay culeys soo saartay caasimada, kadib markii ay istaageen inta badan howlgalladii xooganaa ee ka socday gobollada dalka. The post Al-Shabaab oo dagaal culus kusoo qaaday DAYNIILE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Because of fighting in Ethiopia’s Tigray region, thousands of Ethiopians fled to neighboring Somalia. In 2020, when intense fighting in Ethiopia’s Tigray region broke out between government forces and the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), thousands of Ethiopians were forced to flee their country. Source: Hiiraan Online
-
Defence CS Aden Duale on Friday embarked on a tour to visit terror hotspots along the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxame Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo kuwa xoogga dalka ee howlgallada ka wada Jubbooyinka, kadib markii ay ciidamada huwanta guullo ka gaareen dagaalladii u dambeeyay oo ay ku qabsadeen deegaano horleh. Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada ee Jubbaland, iyo kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo madaxweynaha la wadaagay howlgalladii ugu dambeeyay ka dhacay gobollada Jubbooyinka ee maamulkaasi. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, General Yuusuf Cismaan iyo inta badan saraakiisha hay’adaha amniga ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sarakiisha faray inay dardar-geliyaan howlgallada ay ka wadaan maamulkaasi, gaar ahaan duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalada illaa hadda la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka, ayna sii wadi doonaan. Dhanka kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa farriin culus u diray reer Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada ku garab siiyaan dagaalka Al-Shabaab “Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan” ayaa lahgu yiri warka kasoo baxay Jubbaland. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab lagu dilay Jubbooyinka, kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ka dhacay gobolladaas oo dhaca koonfurta dalka. The post Axmed Madobe oo u yeeray saraakiisha ciidanka kadib… appeared first on Caasimada Online.
-
Human Right Watch oo Warbixin Dhiillo leh ka soo Saartay Mali Maali(Qaran)-Warbixin ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Human Right Watch ayaa lagu sheegay in dilal baahsan,kufsi iyo dhacba ka dhacay sannadkan deegaanada Waqooyi bari ee dalka Mali. Waxa warbixintan ay hay’adda Human Right Watch soo saartay sidoo kale lagu sheegay in dad badani ay ka baro kaceen deegaanadaasi,waxaana warbixintan ay hay’addu ku sheegtay in ilaa lix weerar ka dhaceen goboladda Gao iyo Menaka,waxaana weeraradaasi dhaceen bilihii January iyo June ee sannadkan. Warbixintan ay soo saartay hay’adda Human Right Watch waxa lagu sheegay in boqolaal qof lagu dilay goboladdaas iyo deegaanada hoos yimaada,halka la barakiciyey dad gaadhaaya tobanaan kun oo qof,kuwaas oo lagu khasbay in ay ka qaxaan guryahoodii. Cilmi baadhe ka tirsan hay’adda Human Right Watch oo warbixintan lagu xusay,laguna magacaabo Sahel Ilaria Allegrozzi ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ee ka dagaalama dalkaasi ay si arxan darro ah u weeraraan dadka rayidka ah ee deegaanada Waqoyi Bari dalka Mali ku nool,iyaga oo u adeegsada qoryaha fudud ee sida daran dooriga ah u dhaca,qoryaha baasuukaha loo yaqaano iyo hub kale. Kooxahan ayaa warbixinta lagu sheegay in ay adeegsadaan marka ay weerarada qaadayaan mootooyin iyo gawaadhi,iyaga oo meelaha ay weerarayaan si kedis ah u gala. Qaran News
-
Koonfur Afrika oo Baadi-goobaysa Budhcad Baabuurta Gubaysa Captown(Qaran)-Dawladda Koonfur Afrika ayaa ciidamadeeda geystay afar gobol oo kamid ah dalkaas,kadib markii 21 gaadhi oo badeecado kala duwan siday lagu gubay waddooyin ku yaalla dalkaasi. K in la gubo gaadiidkan tirada badan,iyada oo wasiirka Amniga dalka Koonfur Afrika Beki Cele oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in laga yaabo in dhacdadani tahay mid lagu burburinaayo dhaqaalaha dalkaasi,mana sheegin cidda ka dambaysa weeraradan. Ciidamada Booliska ayaa ku raad jooga 12 qof oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyaan weeraradan lagu gubay gaadiidkan 21-ka gaadhi gaadhaaya,isaga oo intaas ku daray in aan gubitaanka gaadiidkan lala xidhiidhin Karin rabshadihii dhacay bishii July ee sannadkii 2021,rabshadahaas oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof,halka ganacsi badana khasaare kasoo gaadhey. Ciidamada Militariga Koonfur Afrika ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee dalkaasi,iyaga oo sidoo kalena baadhitaanno ka wada goobaha lagu tuhusan yahay in ay ku dhuumanayaan dadkii falalkan gawaadhida lagu gubay ka dambeeyey. Qaran News
-
Sweden oo Ogolaatay in la gubo Baybalka Sweden(Qaran news)-Mas’uuliyiinta dalka Sweden ayaa soo saaray sharci ogolaanaaya in nuqulo kamid ah Tawraad iyo Baybalka lagu gubo agagaarka safaaradda Israel ee magaaladda Stockholm ee caasimadda dalka Sweden. Ogolaanshaha ay dawladda Sweden ogolaatay in la gubo Baybalka ayaa kusoo beegmaya xili la filayo in ay mudaharaadyo lagu gubayo Baybalka iyo Tawraad. Idaaacdda Qaranka Sweden ee Sveriges Radio ayaa sheegtay in la fasaxay dadkii qaban qaabinaayey muddoharaadkan lagu gubayo Baybalka iyo Tawraad, iyada oo mudaharaadkani uu dhici doono Sabtida maanta. Dhanka kalena Golaha Yuhuuda ee Yurub ayaa si adag uga hadlay tallaabadan ay dawladda Sweden ku fasaxday isu soo baxan lagu gubayo Baybalka iyo Tawraad,waxaanay sheegeen in ay si adag u cambaarayn doonaan falkan iyo go’aanka dawladda Swedenba. War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Yuhuuda ee Yurub ayaa lagu sheegay in daan daansiga,Cunsuriyadda iyo nacaybka Yuhuuda,sida tan oo kale aanay meelna ku lahayn bulsho kasta oo ilbaxnimo leh. Dawladda Sweden ayaa hore u ogolaatay gubitaanka Kitaabka Qur’aanka kariimka ah,iyada oo nin u dhashay dalka Ciraaq uu hore ugu gubay dalkaas,taas oo cadho badan ku abuurtay bulshada Muslimiinta ah. Qaran News
-
Mashaariic daruuri ah oo loo dhagax-dhigay Barokacayaasha Naasahablood Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland Faadumo Cabdilaahi Cumar, ayaa kaamka Barakacayaasha Naasa Hablood C ee magaalada Hargeysa ka Dhagax-dhigtay Dhismayaal iskugu jira Xarun Caafimaad iyo Dugsi waxbarasho. Madasha dhagax dhiga waxa goobjoog ahaa mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Somaliland iyo madax katirsan hay’adda NRC iyo marti Sharaf kale. Guddoomiye Faadumo ayaa ka codsatay barakacayaasha Naasa Hablood C inay ilaashadaan xarumaha mihiimka u ah adeegyada noloshada. Waxaaney tidhi. “Farxad weyn ayay noo tahay in aanu maanta goobjoog halkan u ahaano, dhismaha 5-ta fasal ee loo bineynayo Kaamka Naasa Hablood C, kana wada hawlgali doonaan dowladda hoose iyo NRC. Bulshada midbaan leeyahay, waxaan leeyahay inta badan hantida Qaranka lama daryeelo, waxa aad maanta nasiibka u hesheen, ee Iskuulkii, MCH-kii, Saldhigii booliska, iwm, in aad ilaashataan oo aad daryeeshaan ayaan idinka codsanaya” Xildhibaan Caydaruus Cabdisamed oo ka mida golaha degaanka ee degmada Hargeysa, ayaa sheegay in dowladda hoose ay ka go’an tahay cidkasta oo meesheedii laga raro inay u qabato adeegyo dhammeystiran. Waxaanu yidhi. “Waxa halkan la dhagax-dhigey dugsi ka kooban 5 fasal, waxaana laba fasal inaga caawinaysa hay’adda NRC, waaney ku mahadsan tahay ka dabataga ay dadka ka daba timid, iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ah oo dowladda hoose dhisayso isla markaana ay ku dhisayso cashuurtii la idinka qaadayay. Dowladda hoose waxa ka go’an marka ay dad rarto inay ka daba tagto, adeegyada mihiimka u ah nolosha ay u dhammeystirto, dhagaxa hadda la dhigey ayuu horumarkiini ka bilaabmaya” Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa cambaareysay duqeymo lagu eedeeyay inay Somaliland ka geysatay Laascaanood, kuwaasi oo burburiyay goob caafimaad oo ku yaalla magaaladaasi. WHO ayaa sheegtay in ay ka xun tahay, islamarkaana ay cambaareynayso weerarkaasi, ayada oo si cad u sheegtay in goobaha caafimaad aysan noqon karin bartilmaameed. Weerarkaasi oo ay hay’addu sheegtay inuu dhacay saddex maalin kahor, iyada oo sheegtay inuu ka dashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Madaxa hay’adda, Tedros Adhanom oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku shaaciyay in khasaaraha uu intiisa badan soo gaaray shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanadii ku jiray isbitaalkaas. “WHO waxay cambaareeynaysa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada. – Caafimaadku ma ahan bartilmaameen.” Hoggaanka SSC ayaa ku eedayay millateriga Somaliland in ay fuliyeen duqaymo burburiyay qaybo kamid ah isbitaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer iska fogeysay inay bartilmaameedsadeen goobaha caafimadka, xilli billihii dambe uu dagaal ka socday magaalada Laascaanood oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Si kastaba, labada dhinac ayaa ka dhaga fureystay baaqyada caalamiga ah ee joojinta dagaalka, ayada oo dhinac walba uu shuruud horleh ku xiray xabad joojin ka dhaqan-gasha Laascaanood. The post WHO oo cambaareysay arrin lagu eedeyay Somaliland inay ka gaysatay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashadee inay Cayimaan ayaa looga Fadhiyaa Komishanka doorashooyinka? Hargeysa(Qaran)-Guddida Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay 24 saacadood gudahood ku shaaciyaan cayimaada doorashooyinka. Komishanka oo ka galgashay waajibaadkooda dastuuriga ah oo maxkamadda sare ka socday dhawaan inay u soo caddayso doorashada ay soo horaysiinayaan labada doorasho ee kala ah madaxtooyada iyo ta Ururrada. Waxay kala kulmeen weji gabax kadib. Markii Maxkamaddu ay sheegtay in cayimaada doorashooyinku ay tahay shaqadii Komishanka, waxayna fartay inay shaqadooda qabsadaan. Arrintaasi waxay dibadda u soo saartay khibrad la’aanta Guddida doorashooyinka oo ay iskugu tageen dhallinyaro layli ku ah shaqada iyo siyaasaddaba. Komishanku waxay toddobaadkii hore ay wada tashiyo ka dhegaysteen dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka oo dhan, waxana maanta looga fadhiyaa inay la shir yimaadaan qorshe hawleedkooda doorashada, iyadoo dadweynuhu aad u sugayaan doorashada madaxtooyada oo ah ta xeerkeedii iyo xoolaheediiba diyaarka yihiiin. Waxa laga dhawrayaa in aanay noqon qaar madaxtooyada looga soo yeedhiyo shaqadooda, waxa se hortaalla inay si madax-bannaan u gutaan waajibaadkooda. Doorashda ururraddana waa inay doorashada madaxtooyada kadib la qabtaa maadaama oo labada doorasho ta madaxtooyadu horreysay. Haddiise sida hore looga arkay ay iclaamiyaan doorashada Ururrada siyaasadda waxa ay dalka gelinayaan murug iyo xasarad hor leh oo wax u dhimaysa wadajirka ummadda reer Somaliland xilli uu dalka ka socdo dagaal lagu hoobtay oo ilaa hada taagan oo aan u baahnayn muran sii xoojiya oo dalka iyo dadkaba wiiqa Go’aanka Komishanku wuxuu noqin doonaa mud qas iyo qalaanqal u horseeda Somaliland ama mid dalka u horseeda midnimo iyo wadajir lagaga baxo khilaafyada jira ee kala qaybiyay ummaddii midaysnayd Muuse Biixi Hortii. Qaran News
-
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Saraakiisha Ciidamada Jubaland ka dhegaystay warbixin ku saabsan Hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Nabad-diidka ah ee ka socda Jubaland. Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira waxaana uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah. Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidiii lagu xaqiijin lahaa Amniga iyo Xasiloonida Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddoomiyay Shir ku saabsan Amniga Jubaland appeared first on Puntland Post.
