-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Galcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ag uga dhacay agagaarka degmada Galcad, waxaana lala eegtay mooto ay la socdeen dad shacab ah. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in mootada oo aheyd Fekon ay miinada kula qaraxay deegaanka Cali Heelle oo u dhow Galcad, waxaana ku dhintay saddex qof oo saarnaa. Saddex qof oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaan ay qaraabo dhow ahaayeen, isla-markaana ay booqasho u socdeen xilliga uu haleeyay qaraxa miino. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi. Galcad oo kamid ah magaalooyinkiii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, waxaana uu khasaare kasoo gaaraa ciidamada huwanta iyo sidoo kale dadka deegaanka ee isticmaala wadada. Gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkooda uu yahay in lagu xoreeyo degmooyinka ka maqan Galmudug. The post 3 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Galcad + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka Hadlay Dhaawac soo Gaadhay iyo Ciddii soo Weerartay Hargeysa(Qaran)-Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inuu dhaawacyo fududi ka soo gaadheen kadib markii wax uu ku sheegay budhcad abaabulani soo weertay. Xildhibaan Jamaal Aadan wuxuu sidaas ku sheegay war-qoraal ah oo uu ka soo saaray dhaawaciisa iyo cidda soo weerartay “Waxa uu dhawac fudud iga soo gaadhay budhcad abaabulan oo igu soo qaaday weerar aniga oo ku guda jira shaqo maalmeedkaygii, Ilaahay ayaa mahad iska leh,”ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal oo farriin kooban ku baahiyay facebookgiisa. Xildhibaanku wuxuu sheegay in nimankii weeraray ay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska waxaanu yidhi “Waan fiican nahay, nimankii falkaas geystay waxa ay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska , cidda ka danbaysa iyo waxa ay yihiin waxa ay ka soo bixi doontaa baadhitaanka ciidanka.” Mudanuhu waxa kaloo uu sheegay in waxyeello laga gaadhsiiyay gaadhigiisii. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ee taabacsan mucaaradka kasoo horjeedo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay war ka soo saaray xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ugu horreyn taliska ayaa beeniyay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan uu ka wado magaaladaasi, kuwaas oo horey loogu eedeeyay, maadaama ay sababi karaan dagaallo horleh. Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamadan oo ay horay isugu dhaceen madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la doonayo in bulshada deegaanka la barakiciyo, ayada oo eedda dhabarka loo saarayo ciidamada kumaandooska ah ee Danab. “Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa caasimadda Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena” ayaa lagu yiri bayaanka. Garoowe ayaa waxaa weli ka taagan xiisad u dhexeysa mucaaradka iyo xukuumadda oo horay ugu dagaalamay bartamaha magaaladaasi. Shacabka Garoowe ayaa dhankooda welwel xoogan ka muujinaya xiisadda weli ka taagan halkaasi, maadaama ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac. Sidoo kale waxaa weli socda dadaallo la doonayo in la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac, si xal loogu helo muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh Puntland. Si kastaba, xiisaddan ayaa ka dhalatay furista dastuurka maamulka Puntland, ayada oo Saciid Deni lagu eedeeyay inuu wado qorshe uu ku doonayo muddo kororsi horleh. The post Ciidamada kasoo horjeedo DENI oo war cusub ka soo saaray xiisadda Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ku jira diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab. Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada ay ka wadaan bariga gobolka Galgaduud ee Galmudug. Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey, waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ciidanka xoogga dalka ay ka bilaabi doonaan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo xalay marti ku ahaa barnaamij Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay ayuu ku soo bandhigay qorshaha dowladda hanashada amniga qaranka. Xuseen Sheekh ayaa aad u sharaxay qorshaha dowladda ee dhinacyada la wareegidda amniga qaranka, bixitaanka ciidanka ATMIS, qaadidda cunaqabateynta hubka ee dalka saaran, dhismaha ciidanka qaranka iyo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo. Sida uu cadeeyey Xuseen Sheekh, howlgalka ATMIS wuxuu ku fashilmay qorshihii magaca looga bedelay oo ahaa in ciidanka qaranka ay dalka kala xoreeyaan kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ku andacoodaan inay ka maqan tahay saanad ay dalbadeen, sida diyaarado dagaal iyo agab kale. Si looga maarmo ATMIS, dalkana looga xoreeyo Al-Shabaab, wuxuu sheegay inay dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo ka imaanaya dalalka la isku yuraahdo safka hore, kuwaas oo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku garabsiin doona wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab. Hadda wuxuu sheegay inay soo gabagabeynayaan wajigga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana la bilaabayo wajiga labaad oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada ka socda wadamada safka hore. Sidoo kale, Xuseen Sheekh wuxuu hoosta ka xariiqay in 18 bilood ay qorsheeyeen in dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si loo soo gabagabeeyo howlgalka ATMIS oo dowladda Soomaaliya ay si buuxda u hanato guud ahaan amniga dhulka Jamhuuriyadda. Wuxuu sheegay dhaqaalaha ay ciidanka ATMIS ku bixiyaan dalalka Midowga Yurub in loo wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidankii hordhaca u ahaa bixitaanka ATMIS oo 2,000 gaaraya mushaarkoodii loo wareejiyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Dhismaha ciidanka ayuu sheegay inay muhiimad gaar ah siinayaan, isagoo hoosta ka xariiqay in hadda dowladdu ay heysato ciidamo ku filan inay gobollo kala duwan kula dagaalamaan Al-Shabaab. Ugu dambeyntii Xuseen Sheekh wuxuu sheegay inay aad ugu ololeyneyso dowladda Soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee sanadaha badan saaran dalka, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in dhawaan ay dowladda Soomaaliyeed soo iibsan doonto hub aan lagu koontorooleyn, markii ay ku guuleysato in laga qaado cunaqabateyntaan. The post DF oo shaacisay arrin ku qasabtay in dalal kale ciidan ka dalbato kadib markii ATMIS… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Bisha December ee sanadka dambe uu dalka ka baxayo askariga ugu dambeeya Ciidanka ATMIS, xilli bishii hore ay bilaabeen in ay baxaan qaar ka tirsan ciidanka ATMIS, kuwaas oo baneeyay dhowr saldhig oo lagu wareejiyay SNA. La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin oo ka qeybgalaya Barnaamijka Dood ah oo kabaxayay Twitter space ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sida qorshuhu yahay Saddexda kun ee ugu dambeysa ciidanka ATMIS ay dalka isaga bixi doonaan 30-December ee sanadka dambe sida uu heshiiska ahaa La taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kabixitaanka ATMIS dowladda ay u diyaar garowda sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga,waxa uu tilmaamay in dowladda sidoo kale ay gaba gabo marsiineyso howlgalka ka dhanka ah khawaarijta dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad si Argagixisada degaannada fara ku tirska ah ee ay ku dhuumaleysanyaan looga saari lahaa. Sidoo kale wax u sheegay la taliyah in ay meel fiican mareeyso arrinta Cunaqabateeynta Hubka ee saaran Soomaaliya u sheegay in meel gaba gabo ah mareyso Novembar sanadkana ay soo dhammaan doonto,islmarakana dowladda soomaaliya ay la soo dagi doonto saanad Milatari. Hadalka La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa kusoo aadaya xilli dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay u ololeynayaan in Man Date cusub la siiyo ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo howlgalkooda uu soo socday muddo dhowr iyo toban sano ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
President Abdiaziz Hassan Laftagareen has undoubtedly emerged as a beacon of hope for the Southwest State of Somalia, as he tirelessly works towards the development and progress of the region. With his visionary leadership and unwavering commitment, his tenure in office has witnessed remarkable advancements across various sectors, propelling Southwest Somalia towards a brighter future. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda Maroodijeex oo ugu Fartay Xeer Ilaalinta Amar ku saabsan Dacwada Bushaaro Baanday Hargeysa(Qaran news)-Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa maanta xeer ilaalinta ku amartay in la kala saaro dacwadda Bushaaro Baanday iyo dacwadda kale ee lagu eedaynayo Weriyeyaasha aan ku sugnayn gudaha Somaliland. Weriye Bushaaro Baandey ayaa in Muddo ah ku xidhneyd magaalada Hargeysa iyadoo dhowr jeer oo hore maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xabsi ku hayn u dirtay. Weriyahan ayaa xukuumadda Somaliland xidhay muddo haatan laga joogo laba bilood, waxana ay ku eedaysay inay ku faafisay wax ay ugu yeedheen warar badan oo been abuur ah. Qaran News
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ugu dambeyn ay Jubbaland la wareegtay ciidamo maleeshiyaad ah oo bilihii lasoo dhaafay lagu tababarayay gudaha magaalada Baardheere oo ka tirsan gobolkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay la wareegeen maamul ahaan, ayna hoostagi doonaan dowlad goboleedka Jubbaland. Macallimuu ayaa sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo ay uruuriyeen siyaasiyiin kale, balse haatan lagu daray kuwa daraawiishta ee Jubbaland. “Ciidankaas wuxuu ahaa ciidan ay dad kale uruuriyeen haddana iyaga oo sidoodii ah waa lala wareegay, waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay dalka difaacaan” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay ka howlgeli doonaan deegaanka iyo sidoo kale meelaha ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhulka Jubbaland “Hadda dowlad goboleedkaa la wareegay waxaa laga dhigay ciidamada daraawiishta Jubbaland, sidooda ayayna u shaqeynayaan deegaanka ayayna ka howlgeli doonaan” ayuu sii raaciyay. Maleeshiyaadkan oo horay shaki looga muujiyay ayaa waxaa in muddo ah tababar ku qaadanayay gudaha degmada Baardheere, waxaana kamid ah siyaasiyiinta ka dambeeyay uruurinta ciidankaasi, Senator Cabdullaahi Ismaaciil (Fartaag) iyo Wasiir Cabdirashiid Janan, kuwaas oo sheegay inay ciidankaas ay la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo sii hadlaya ayaa xusay in haatan ay dib usoo celiyeen mashaariicyadii gobolkaasi, si looga faa’iideeyo dadka shacabka “Hadda mashaariicda gobolka dib ayaa loogu fasaxay Baardheere illaa saddex mashruuc ayaa laga dhagax dhigay, waxaana daah-furay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland, marka shaqada si wanaagsan ayay u socotaa” ayuu mar kale guddoomiye Cismaan Nuux Xaaji. Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Jubbaland haatan ka wado gobolka Gedo oo ay inta badan la wareegtay, kadib markii ay dhowaan usoo magacowday maamul cusub. The post JUBBLAND oo la wareegtay maleeshiyadii lagu tababaray magaalada Baardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in laga dareemayo sicir barar baahsan, kadib magaalada ay go’doomiyeen Al-shabaab, shacabka ayey si weyn saameyn u yeelatay arriintaan kusoo korortay Baydhabo. Go’doominta Al-shabaab ay saareen magaalada ayaa waxaa ay keentay in ay adkaadaan in ay tagaan gacansiyadii ka bixi jiray Muqdisho ee gaari jiray, waxaana deegaanno ka tirsan gobolka Baay ku go’doonsan gaadiid badan oo siday shixnado kale duwan oo u socday magaalada Baydhabo. Al-shabaab ayaa go’doon saartay Baydhabo, kadib markii maamulka Koonfur Galbeed oo xabsiga dhigay dhowr maamulayaal Iskuul kuwaas oo ajiibay in ay u tagaan Al-shabaab oo ka dalbatay in ay bixiyaan lacago, waxaana markii ay soo laabteen xabsiga dhigay ciidanka maamulka. Majiro wax war ah oo ku aadan arrintaan oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ku aadan xaaladda kusoo korortay magaalada Baydhabo iyo go’doonka la saaray, arrintaan ayaa saameyn badan ku yeelatay bulshada kuwooda danta yar ee ku nool Baydhabo. Xubnaha Mucaaradka Koonfur Galbeed oo shir’jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo, waxaana ay ugu baaqeen dowladda federalka in ay wax ka qabato arrintaan oo loo gurmado bulshada ku nool magaalada oo la go’doomiyay. Magaalada Baydhabo go’doonka ay saareen Al-shabaab ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Xudur oo ka tirsan gobolka Bokool ay hore u go’doomiyeen Al-shabaab muddo dhowr iyo toban sano ah, taas oo keentay in magaalada uu ka dilaaco sicir barar baahsan oo bulshada saameeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan balse la sheegay in dhawaan loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ka faa’iideystay gadood ay shalay magaalada Beledweyne ka sameeyeen ciidan ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle ee ka hawlgala magaaladaasi. Ciidamadan oo ka cabanaya dhowr bilood oo aysan wax mushaar ahi qaadan ayaa xiray qaybo ka mida waddooyinka Magaalada Beledweyne, iyaga oo hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee magaaladaasi. Xubno ka tirsan Maamulka Cali Jeyte ayaa ciidamadaasi ku qanciyay in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay ku soo biiraan Ciidanka Daraawiisha Hiiraan State, iyagoo ballanqaaday in Maamulka Hiiraan State uu xuquuqdooda siin doono, taas oo ay aqbaleen. Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) oo Cali Jeyte uu u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada la hadlayay ayaa sheegay in maamulka Hiiraan State uu bil walba mushaar ahaan u siin doono lacag dhan laba boqol oo dollar ($200), halka ay markii hore qaadan jireen boqol dollar ($100). “Waxaa ballan iyo axdi ah inaad xuquuqdiina heshaan, waxaa ballan ah inaydaan dayacmin, maanta wixii laga bilaabo waxaan rabnaa inaad la shaqeysaan bulshadiina iyo maamulkiina, wixii maanta ka dambeeyana xaqiina iyo xuquuqdiina diyaar annagaa la ah, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha Hiiraan State, Madaxweyne Kuxigeenka iyo bulshada Hiiraan,” ayuu yiri Cabdicasiis Jaaburi. Jaaburi ayaa yiri “Meeshii aad boqol dollar ka qaadan jirteen, waxaa ballan ah Maamulka Hiiraan State inuu laba boqol oo dollar bishan gudaheed idinkaga dhigo ay 14-ka maalmood ka dhiman tahay, wada shaqayn wacan, waddadana hala furo.” Qoraal ka soo baxay Xafiiska Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in ciidankan oo gaaraya 250 askari aanay muddo afar bilood wax mushaar ahi ka helin HirShabelle. Ciidamada ayaa la sheegay in markii dambe la geeyay goobta uu ka socdo Dhismaha Madaxtooyada cusub ee ay Hiiraan State dhisaneyso. Dowlad Goboleedka HirShabelle iyo Gudoomiyaha magacaaban ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) oo qudhiisu ku sugan Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin ciidamada ka goystay maamulka. Tani ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada HirShabelle ay ku kala qaybsamayn xil ka qaadistii uu Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu bishii hore ku sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan. Beledweyne ayaa waxaa muddo bil ah ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistaasi. The post Sawirro: CALI JEYTE oo ka faa’iideystay ciidan maamulka HirShabeelle ka gadooday appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku wajahan gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, warar kale duwan ayaa kasoo baxaya safarka madaxweynaha ee deegaannada Galmudug. Safarka madaxweynaha ayaa waxaa uu daaran yahay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab ee laga bilaabayo Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana dhowaan gobolka dowladdu ay geysay ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku wajahan Ceelbuur, Wabxo iyo Galhareeri. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu saldhigan doono magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlgallada laga fulinayo Galmudug, waxaana jirta in sidoo kale uu safar ku tagi doono magaalooyinka laga saaray Al-shabab ee Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan Ceeldheer iyo Xarardheere. Magaalooyinka Galcad, Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ciidanka xoogga dalku ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, walow sidoo kale ay jiraan ciidamo ka tirsan Kumaandooska oo ku sugan deegaanka lagu magaacabo Budbud, ciidankaan ayaa ku wajahan magoolooyinka ay ka maqan gacanta dowladda. Saraakiil Sare oo xoogga dalka ah ayaa laga soo xigtay in uu soo dhammaaday diyaar garowga ciidan, iyaga oo sheegay duulaankooda koowaad uu ku wajahan yahay deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Ceelbuur, Wabxo iyo Galgareeri oo ay Al-shabaab maamulaan. Ciidanka dowladda ayaa waxaa taageeraya ciidan ka tirsan Africom, kuwaas oo saldhig ka sameystay deegaanka Galcad, halkaas oo ciidamadii ugu badnaa ay geysay dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay, kadib tabarro ay kusoo qaateen dalalka Masar, Uganda iyo Eritrea. Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa laga fulin doonaa deegaanno ka tirsan Galbeedka gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle, sida dhowaan warbaahita uu ka horsheegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow. Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federalka ay sheegtay in Wajiga labaad uu noqon doono mid ka baaxad weyn wajigii hore, waxaana wajigaan qeyb ka noqon doona ciidamo ka soocda dowladaha safka hore, kuwaas oo taageeri doona ciidanka dowladda, xilli hoos loo dhigay doorka ciidanka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan Jubbaland ay kasoo tegi doonaan Kismaayo, isla-markaana ay maanta gaari doonaan tegaaan Luuq, oo kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee loo soo magacabay Gedo. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaban-qaabo xoogleh oo ku aadan soo dhaweynta wafdiga laga dareemayo Luuq. Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaas ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka cusub ee gobolka Gedo iyo ciidamo dheeraad ah oo la geeyay degmada. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa marka uu tego halkaas la filayaa inuu shirar ka bilaabo, kuwaas oo looga hadli doono amniga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sayid Aadan uu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere halkaas oo uu booqan doono madaxweyne ku xigeenku. Arrintaan ayaa ku timid, kadib markii ay dhowaan Jubbaland isku ballaarisay gobolka Gedo, oo muddo laga diidanaa, waxaana ay mugacowday maamul cusub. Si kastaba, 3-dii sano ee lasoo dhaafay Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada ama xubnaha kale ee Jubbaland ku metela gobolka Gedo. Hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas. The post Xog: Maxamuud Sayid Aadan oo tegaya gobolka GEDO appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq ee gobolkaasi, wafdigaan ayaa tegaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland. Gobolka Gedo oo uu ka jiray khilaaf dhanka maamulka ah Degmada Luuq ayaa aheyd degmadii ugu horreeysay ee Maas’uuliiinta Maamulkeeda ay taageereen kuna biireen Maamulka Jubbaland, waxaana magaalada ka socota qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha ku-xigeenka. Wafdigaan ayaa waxaa uu hordhac u yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Luuq, waxaana safarkaan uu kusoo aadayaa xilli deegaannada laga dareemayo dhaqdhqaaqyo ciidan oo ay wadaan DANAB iyo Daraawiishta. Warraka laga helayo gobolka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo mas’uuliyiinta la socda ay isku mari doonaan Saddex degmo oo gobolka ah, walow aan la ogeyn inuu tagi doono magaalada Baardheere ee Gedo. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa khilaaf xoogan uu ka dhexjiray Mas’uuliiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo maamulka uu hoggaamiyo madaxweynaha Jubbaland, xilli dhowr jeer ay dhaceen dagaallo u dhaxeeya labada dhinaca, kaas oo ka dhacay gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Putin oo sheegay in Guluf Rogaal Celis ah Lagu soo Qaaday dalkiisa Moscow(Qaran)-Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa sheegay in gulufka rogaal celiska ah ee Ukraine ku soo qaaday dalkiisa aanay wax guul ah ka gaadhin tan iyo markii bilawday Isaga oo waraysi siinayay Barnaa mijka la yidhaahdo , Mosko, Kremilin, Putin, ayaa madaxweyne Putin ku sheegay in dhammaan iskyu dayadii Ukraine ay ku doonayeen inay dalkiisa ku waxyeelleeyaan aanay ku guulaysan. Balse madaxweyne Putin ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo hawlgallada ciidamada dalkiisu ka wadaa UKrain iyo qorshayaasha ay damacsan yihiin. Hadalka madaxweyne Putin ayaa imanaya maalin uun kadib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky u sheegay warbaahinta NBC in RUushku ku dhowyahay in dagaalka lagaga guulaysto. Warbaahinta kala duwan ee caalamka ayaan iyadu xaqiijin Karin sheegashada Putin, balse gulufka rogaal celiska ah ee Ukrain ku qaadday dalkasai RUushka ayaa lagu dhex arkayay hubka casriga ah ee kala duwan ee ay dawladaha reer galbeedku ugu deeqeen Ukrain sida taangiyada Jarmalka ee loo yaqaanno Leopard Tanks oo ah kuwii ugu danbeeyay iyo baabuurta dagaalka ee Marykanka ee iyagana loo yaqanno Bardley. Qaran News
-
Roobab Waaweyn oo ka Da’ay Kuuriyada Koonfureed iyo Khasaaraha ka Dhashay Kuuriya(Qaran)-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dalka Kuuriyada Koonfureed kadib markii roobab xooggan oo dalkaa ka da’ay ay 15 baabuur ku xannibeen dhuun weyn ay biyuhu ka baxaan Shaqaalaha gurmadka ee dalkaasi ayaa toddobada qof ka soo saaray dhuuntan oo ku taallay dhulka hoostiisa sida ay sheegeen warbaahinta dalkaasi. Mahiigaannada dalkaasi ka da’aya ayaa sababay fatahaado baahsan iyo meelaha qaarkood oo dhulku go’ay iyo waliba dhaamamka oo buux dhaafay. Ugu yaran 400 oo ka mid ah shaqaalah gurmadka ayaa ku hawllan baadigoobka dad kale oo waliku go’doonsan dhuuntaasi biyuhu maraan oo ku taalla magaalada CHengujuu ee badhtamaha dalkaasi halkaasoo baabuur badan ay biyuhu u la tageen Sabtidii sida ay sheegeen masuuliyiinta magaaladaasi. Roobabka ka da’aya dalkaasi Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay inay u badan yihiin inta u dhaxaysa bilaha June illaa badhtamaha September ee bisha sagaalaad kuwaasoo inta badan roobaba xooggan oo khasaare geystay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS. Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada. Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu guddiyada ku dhiiri-geliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxa uu boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la-xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda. Guddiyadda shalay sida gaar ah u kormeeray waxaa kamid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uu ku wehlinayay guddoomiyaha golaha Aqalka. Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran. The post Sawirro: Aadan Madoobe oo xarumaha lix guddi oo BF… appeared first on Caasimada Online.
-
You’re reading an excerpt from the Today’s WorldView newsletter. Sign up to get the rest free, including news from around the globe and interesting ideas and opinions to know, sent to your inbox every weekday. Source: Hiiraan Online
-
UNITED NATIONS, July 17 (Reuters) - A pact that has allowed the safe Black Sea export of grain from Ukraine for the past year will expire at the end of Monday if Russia does not agree to extend the agreement brokered by the United Nations and Turkey to combat a global food crisis worsened by Russia's invasion of its neighbor. Source: Hiiraan Online
-
Drought conditions in the Horn of Africa region have displaced around 2.7 million people, the United Nations World Food Program (WFP) said Sunday. Source: Hiiraan Online
