Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somalia's National Security Advisor, Hussein Sheikh Ali, has revealed that the Somali government has acquired a significant arsenal of new weapons and helicopters to bolster its counterterrorism operations. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaawo Sokor oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadashay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay oo ayada laga soo doortay. Xildhibaan Xaawo ayaa farriin u dirtay madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyadoo ka codsatay in tallaabo deg deg ah uu qaado inta xaaladaan aysan sababin macaluul ama xaalado kale oo bini’aadanimo. Xaawo Sokor ayaa ka tirsan guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka, waxayna faahfaahin ka bixisay waxa ay kala socoto arrinta ka soo korortay magaalada Baydhaba. “Sida aad la socotaanba Baydhaba muddo toddobaad ah waxay ku jirtaa go’doon ay Al-Shabaab geliyeen, kiilada Sonkorta ah waa la gadaa 2 dollar, marka waxaan farriin u dirayaa dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, waa jiraan ciidamo xoreyn kara dalka, marka deg deg halooga howlgallo arrintaan,”ayey tiri xildhibaan Xaawo. Waxay sheegtay in reer Baydhaba ay markii horaba wajahayeen xaalado adag, kadib markii ay iska soo daba noqdeen abaaro daran, sidoo kalena kooxda Al-Shabaab ay dadka u diiday inay beerahooda tacbadaan. “Shabaabka wax go’doominaya waa tiro aad u yar, waxayna go’doominayaan malaayiin ama kumanaan qof, kaliya waxay rabaan in lala dagaalo, dowladeenu maalin kasta waxay sheegtaa in la qaadayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, marka madaxda waxaan ka codsaneynaa in shacabka Baydhaba deg deg dhibaatada looga dul qaado,” ayey yiri. Xildhibaan Xaawo Sokor ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaato ka jirta xeebaha dalka, taas oo sababtay in baddu ay disho dad badan maalmihii ugu dambeeyey. Waxay sheegtay in lix qof ay xeebaha Muqdisho ku dhinteen todobaadkaan, iyadoo dowladda ka codsatay in dadka loo sheego in bad-xiran la galay oo biyaha ay ka fogaadaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Farriin ka dhan ah go’doonka Baydhaba oo loo diray Xasan Sheekh iyo Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  3. Taliska Booliska oo ka Hadlay Dhaawacii Xubno Bileys ahi u geysteen Xildhibaan Hargeysa(Qaran news)-Taliska booliska Somaliland ayaa sheegay in xubno ka mida ciidanka oo waxyeelo u geystay xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka mida golaha wakiillada ay xidheen. Sidoo kale taliska boolisku waxa uu hoosta ka xariiqay in saraakiil ciidan loo saaray sababta keentay in falka foosha xun dhaco. Waxaa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska JSL waxaanu u dhigna sidan. “Maanta abbaaro 9:30kii Subaxnimo waxa isku dhac dhexmaray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka mida golaha Wakiillada Somaliland JSL iyo xubno ka mida Ciidanka qaranka JSL. Waxaanay Ciidanku waxyeello gaadhsiiyeen Xildhibaanka. Markii falkaasi taliska Ciidanka Boolisku ku war helay waxa uu degdeg talaabo uga qaaday askartii, isla marnaa uu xidhay. Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray xubno Saraakiila oo baadhaya Sababta arintaa foosha xun keentay” Qaran News
  4. Laba Xubnood oo qaadacay Go’aankii ka soo Baxay Xubnihii Komishanka ee Xukuumaddu Dhaqdhaqaajisay Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenkii Komishanka doorashooyinka Qaranka Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka ay soo saareen garabkii Xukuumaddu u yeedhisay shaqadooda ee sheegay in doorashada ururrada ee bilaa xeerka ahi ay soo horeynayso. Cabdicasiis Xirsi wuxuu sidaas ka sheegay Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen komishineer Ibraahim, waxaanay sheegeen in go’aanka maanta soo baxay uu ahaa mid lagu soo diyaariyay madal ka baxsan xarunta Komishanka oo sharci darro ah isla markaana aanay ku kala duwan yihiin 5 xubnood ee kale oo ka tallaabsaday sharciyadii. Waxay tilmaameen in aan la tixgelin qaraaro dhawr ah oo xal keeni lahaa oo ay u soo bandhigeen xubnaha kale ee komishanka doorashooyinka. Tallaabadan Komishanku ku kala qaybsamay ayaa dalka u horseedaysa khilaaf hor leh, maadaama beelo ka mid ardaayada waaweyn ee dalku ay sheegeen in aanay deegaannadooda ka qabsoomi doonin dporashada Ururrada ee Madaxweyñe Muuse Biixi jujuubka ku meelmariynayo. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku dishay xaaskii Agaasime Muxudiin Xasan Saabeey oo baxsad ka ah dowladda, kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq. Ehellada gabadha la dilay ayaa maanta warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in gabadha oo suuqa adeeg u soo doonatay ay dardareen laba Cabdibile oo ciidanka dowladda ah. Intaas kadib waxay sheegeen inay isku dayeen inay raadiyaan taliska ay ka tirsan yihiin ciidanka dilay gabadha, balse ay taas ku guul-dareysteen, waxayna farriin u direen dowladda. Odayaasha u hadlay ehelka gabadha ay dileen ciidamada waxay sheegeen inay dareemayaan in shaatiga dowladnimada lagu dul-minayo, iyadoo Saabey Muqdisho laga eryaday, hadana xaaskiisii la dilay, sida ay hadalka u dhigeen. “Waxaan cabasho ka nahay dowladda, hadana ayada ayaan u cabaneynaa, dowladaan Alle ayaa nasiiyey aad ayaan u taageersanahay, shalay laba Cabdibile ayaa laamiga ku jiirtay gabar ilmo u heysay Muxudiin Xasan Jurus, waana ka dhaqaaqeen,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay. Wuxuu sheegay in aagga ay gabadha ku dileen ciidankaas ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka dowladda, balse ay waayeen cid uga jawaabta cabashadooda. “Dowladdu gaadiidkii gabadha dilay ayadaa leh, anaguna waxaan nahay dadkeeda, dhib awal ayuu na heystay oo dowladdu waxay nooga dhegtay Muxudiin Xasan, hadana gabadhii ilmaha u heysay ayay dowladdu dishay,” ayuu odagaan hadalkiisa ku sii daray. Waxay sheegeen inay yihiin qabiil dhan oo cabanaya, isla markaana ay dowladda ka codsanayaan in dib loo fiiriyo arrintooda, “Dowladda waxaan ka rabnaa inay dib u aragto hagarta shaatigeeda oo nalaku dilaayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray odaga u hadlay reerka. Hoos ka daawo The post Daawo: Ciidamada DF oo dilay xaaskii Muxudiin Saabey oo baxsad ka ah dowladda appeared first on Caasimada Online.
  6. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sameeyey ballan-qaad cusub oo ka dhan ah Soomaaliya, haddii dib loogu doorto Aqalka Cad, doorashada dhaceysa November 2024. Trump ayaa sheegay inuu dib usoo celin doono mamnuucista socdaal ee horey uu u saaray Soomaaliya iyo dalal kale, oo qof ka imanaya aanu soo geli doonin dalka Mareykanka. “Marka aan xafiiska kusoo laabto, xayiraadda safar dib ayey usoo laaban doontaa, ayada oo xitaa ka weyn kana xoog badan sidii hore,” ayuu Trump ku sheegay khudbad uu Sabtidii jeediyey. “Mareykanka kuma dhici doonto waxa hadda haysta dalal ay France ka mid tahay,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya dibad-baxyadii dhowaan ka dhacay dalkaas ee ka dhashay markii booliska ay dileen Nahel Merzouk, oo ahaa wiil dhallinyar oo asal ahaan kasoo jeeda Morocco iyo Algeria. Trump ayaa markii uu xafiiska joogay wuxuu muwaadiniinta Soomaaliya iyo shan dal oo kale oo Muslim ah oo kala ah Iran, Iraq, Libya, Sudan iyo Syria ka mamnucuay inay yimaadaan Mareykanka. “Waxaan qaadaneynaa dad halis ah. Waxaan u ogolaaneynaa inay malaayiin malaayiin usoo galaan dalkeena,” ayuu yiri Trump. Waxa uu wacad ku maray inuu dib u masaafurin doono dadka xuduudda kasoo galaya Mareykanka. Bilihii dhowaa, waxaa aad u kordhay Soomaalida tahriibka ku imaneysa Mareykanka ee kasoo gudbaya xudududa Mexico, oo ku jiraan dad caan ka ah baraha bulshada. Trump wuxuu sheegay inuu dib usoo celin doono Qodobka 42, kaasi oo magan-galyo u diidaya muhaajiriinta dibna ugu celinaya xuduudda ay kasoo gudbeen. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in maalinka koowaad ee uu dib u galo Aqal Cad, haddii la doorto, uu muwaadinnimada Mareykanka u diidi doono caruurta ay dalka ku dhalaan dadka aan sharciga haysan. Iminka, qof kasta oo Mareykanka ku dhasha toos ayuu u helaa muwaadinnimada, xittaa haddii waalidkiis ay sharci darro ku joogaan, waxayna ku qoran tahay dastuurka, taasi oo Trump ku adkeyn doonta inuu joojiyo. “Waa inaan kordhinaa dadaallada aan ku xaqiijineyno in qof kasta oo Mareykanka yimaada uu yahay qof nala wadaaga qiyamka Mareykanka oo ku milmi kara dhaqankeena. Waxaan rabnaa dad jeclaan kara dalkeena,” ayuu yiir. “Maamulkii Trump wuxuu soo rogay baaritaan xooggan, wuxuuna soo saaray xayiraad safar si xagjiriinta Islaamiga ah iyo jihaadiyiinta looga ilaaliyo dalkeena, waana ku guuleysanay sidaad ogtihiin.” The post TRUMP oo ku dhowaaqay arrin ka dhan ah Soomaaliya haddii dib loo soo doorto appeared first on Caasimada Online.
  7. Labada xubnood ee guddida Doorashooyinka ugu jira labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa qaadacay go’aankii maanta ka soo baxay guddida Doorashooyinka. Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta sheegay in doorashada ururradu soo horrayso oo ay dhacayso 28 December, halka ta madaxtooyadana la qabanayo 13 November 2024. Source
  8. Toronto (HOL) - In a thrilling finish, Hilaac FC claimed a hard-fought victory over reigning champions SEIF FC in the 2023 Somali-Canadian Soccer Tournament. The high-profile event, organized by the Today Group, concluded on Sunday in Toronto. Source: Hiiraan Online
  9. Toronto (HOL) - In a thrilling finish, Hilaac FC claimed a hard-fought victory over reigning champions SEIF FC in the 2023 Somali-Canadian Soccer Tournament. The high-profile event, organized by the Today Group, concluded on Sunday in Toronto. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe lagu soo daabacayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo hadda sii idlaaneysa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta kulan la qaatay guddiga dib-u-daabacidda lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna. Dib usoo nooleynta Shillin Soomaaliga ayuu sheegay inay qeyb ka tahay sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyada oo ay socoto dhismaha iyo howl-gelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in la ballaarinayo la-tashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka. Dhankooda, Guddiga hagidda mashruuca kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa ra’iisul wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub. Ugu dambeyntiina kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, howl-galinta xarumaha Bangiga Dhexe ee dowlad-goboleedyada, iyo qorshaha dhaw dib-u-daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah. The post Arrin ka cusub qorshaha ay DF kusoo daabaceyso lacag cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (Reuters) – Russia’s announcement that it was withdrawing from a pact that allowed Ukrainian grains to leave Black Sea ports sent a shiver through poorer countries, many of which are already reeling from inflation, climate shocks and conflict. Source: Hiiraan Online
  12. Xubnaha Kamooshinka doorashooyinka ee matalaayay xisbiyada mucaaridka ayaa qaadacay qoraalka garabka muxaafidka ee golahaasi ay soo saareen ee qeexaayay in doorashada ururada la soo horaysiiyo arinkaasi oo buuq badani ka dhashay. Dhanka kalena waxa bilaabmay shikari doceedyo lagaga tashanaayo go’aankaasi ka soo baxay qayb ka mid ah gudiga doorashooyinka waxana hadli doona dadyow kala gedisan Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray jadwalka doorashooyinka muranka uu hareeyay ee muddooyinkii dambe isku hayeen xukuumadda Muuse Biixi iyo mucaaradka. Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa uu shaaciyay in doorashada Xisbiyada Qaranka la qabanayo 28-ka December ee sanadkaan 2023-ka, “si loo helo saddex xisbi qaran oo ansaxsan lana siiyo shahaadada xisbino ee tobanka sano, KDQ uu muddadaas ka horaysa ku dhameystiro wixii farsamo ah.” Sidoo kale waxa uu guddiga ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha la qaban doono 13-ka November 2024-ka, taasi oo ka dhigan in muddo kordhintii Golaha Guurtida u sameysay uu dhameysanayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. “Komishabka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu ka codsanayaa Golahaasha Sharci-dejinta inay dhameystiraan qabyooyibja sharci ee doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland. Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu ka dalbaday dhamaan daneeyayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka in ay kala shaqeeyaan fududeynta wixii farsamo ah ee la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka, si aysan uga dib dhicin jadwalka uu soo saaray. “Guddiga markii uu garwaaqsaday hanaanka Xisbiyada baddani saldhig u yahay nidaamka siyaasadeed we Jamhuuriyadda Somaliland, tirada xisbiyada siyaasiga ahna aanay ka badnaan karin saddex xisbi sida ku xusan qodobka 9-aad faqradiisa 1-aad iyo 2-aad ee Dastuurka JSL,” ayuu guddiga ku sheegay sababaha kala horeysiinta labada doorasho ee la isku hayay. Jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa uga soo diaraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada. Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay. The post Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray jadwal uga sii daraya xiisadda appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure oo ka hadlay dagaalka musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu jiro musuq ka daran midka uu hadda socdo dagaalkiisa. Xildhibaanka ayaa waxa uu musuq-maasuq ku tilmaamay ku tagri-falka awood qeybsiga dowladda ee dhanka xilalka, kaasi oo uu soo jeediyay in lagu daro dagaalka musuqa, maadaama musuqa uusan aheyn xoolo dadweyne oo la dhaco kaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Awood qeybsiga kuraasta waxba kuma lihin, marka waxaa u aragna in iyada lafteeda ay musuq-maasuq tahay, oo aysan dadka Digilka sheegta ee aan kasoo jeedo ee kuraasta uga fadhino aysan waxba ku laheyn,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure. “Dowladda iyo guddoonka waxa u sheegayna in la musuq-maasuqay kuraasta ku laheyn dowladda iyo guddoonka. Musuqa ma ahan lacag la lunsaday kaliya ee ay ku jirto awood qeybsiga.” Xildhibaanka ayaa waxa uu carabaabay in Agaasimayaal aysan haysan Digil, loona xagliyo Mirifle, isaga oo tusaale usoo qaatay agaasimihii u dambeeyay ee loo magacaabay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha. “Agaasimayaasha marwalba waxaa la yiraahda Digil &Mirifle ayaa leh, marwalba Miriflaha ayay u xagliyaan marka runta ka hadalno oo agaasimayaasha qaata,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure. “Musuq-maasuqa dowladda ay sameysay waxaa ka mid ah magacabistii agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo la siiyay wiil ay qaraabo yihiin Sheekh Aadan Madoobe.” Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si adag u sheegay in dadkiisa xaq u leeyihiin awood qeybsigooda in la siiyo, kaasi oo uu sheegay in la musuq-maasuqay. “Waa in aan si dhab ah ula dagaalano musuqa, oo kaliya ma ahan lacag ee musuq-maasuqa waxa uu kamid yahay jagooyinka la qeybsanayo oo anaga xaq ayaa u leenahaya in waxa la musuq-maasuqay lagu soo daro awood qeybsiga.” The post Daawo: Xildhibaan farta ku fiiqay ‘musuq ka daran’ midka ay DF la dagaalameyso appeared first on Caasimada Online.
  15. Hargeysa(Qaran)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorashada Ururada la qaban doono 28 December 2023. Sidaasna waxay ku sheegeen in warmurtiyeed ay soo saareen oo 5 kamid ah 7 xubnood saxeexeen. Halka labada kalena ay ka gows qabsadeen doorashada ururrada. Arinkani dalka waxa uu galin doonaa buuq siyaasadeed oo aan laga fiirsan se loo badheedhay. Waxana cad in gudiga doorashadu ay ku kala qaybsanyihiin arinkani oo xisbiyadii mucaaridka ahaa ay ka maqayihiin qoraalkani hada ka soo baxay Qoraalka ay soo saareenn garab ka mid ah gudiga doorashadu waxa uu u dhignaa sidani Qaran News
  16. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u cayimay jadwalka doorashada xisbiyada iyo tan madaxtooyada maamulkaas. Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa lagu go’aamiyay jadwalka kala horraynta doorashada xisbiyada iyo midda madaxtooyada Somaliland. Qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada xisbiyada Somaliland la qaban doono taariikhdu marka ay tahay 28 December ee sannadkan 2023. Doorashada madaxtooyada Somaliland ayuu sidoo kale sheegay in la qaban doono bil ka hor dhammaadka mudda xilkeedka xilka madaxweynaha oo ku beegan 13 November ee sannadka 2024. Halkan ka akhriso go’aanka guddiga PUNTLAND POST The post Guddiga doorashada Somaliland oo si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka maamulkaas appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay dagaalka ay dowladdiisu kula jirto musuq-maasuqa ayaa shaaciyay ballan uu la galay bahda Garsoorka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Garsoorka ay ku balameen in qofna lagu dulmin cadaaladda, xilli uu socdo dagaalka musuq-maasuqa, oo loo soo xir-xiray masuuliyiin dhowr ah. Xasan ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay masuuliyiintii hore iyo shaqsiyaadka kale ee baxsadka ka ah cadaaladda, inay yimaadan oo gar baxaan, islamarkaana aan cadaalad darro ah lagu samayn doonin. “Ha cararin, ha dhuumanun haddii aadan tuug ahayn, cadaalad darro in aan qof lagu samayn waa waajib ina saaran. Garsoorka hadda jooga waan ku balanay in qof Soomaali ah ay ku dulmin cadaaladda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hadalkan oo lasoo dhigay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo bulshada ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cabdinuur Cali Maxamuud: “Garsoor ma ahan garsoor cid amarkii ku shaqeynaya, garsoor la”aan baa dhaanta.” “Waxay ka bilaabanaysaa gurigaada waxayna u gudbaysaa bulshada haddaba yaanan la isku xirin garta iyo gardaradda,” ayuu yiri Xasan Mursal oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan. Xasan Khaliif Cali ayaa isna yiri “Mudane madaxweyne musuq-maasuqa waa dilaa weyn waa in aad si dhab ah u la dagaalanto ciribtirkiisa bogaadin.” Cabdiqaadir Birre: “Ballan kaliya lama rabee hubi inuu sharcigii fulay dabagal fiicana ku samee madaxwayne.” “Aad iyo aad qofkii carara asaga marqaati iskugu filan, Soomaali saas ha u ogaato,” ayuu yiri Farxaan Axmed. Xuseen Al-Xaaji ayaa sidoo kale yiri “Cadaaladda aad kula balantay garsoorayaasha waa la joojiya banaan la jiifiya banaan. Mana la aamini karo ila daadka guryaha ku dhistaay xoolaha shacabka in lagala wareego.” “Tan kale madaxweynaha hadii uu ku yimiid musuq-maasuuq ma laga yaabo in uu saaxiibkii u xiro musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.” Cabdullaahi Yuusuf Banaas: “Boqolaal ayaa xabsiyada Xamar iyo kuwa gobollada ku xiran, maxay galabsadeen?. Teeda kale shacabka marin-habaabinta ka daa madaxweyne.” Cali Jabiin Xuud ayaa isna yiri “Garsoorka Naftirkiisa aaba musuqa kow ka ah wallaahi sidaba horey loo cadeeyay.” “Ha cararin ee kaalay gar bax eedeysanoow,” ayuu yiri Saadaq Maxamed. Cabdisamed Cartan Axmed: “Garsoorka ku laabo meeshii aad ku oge6d ma joogaan shaafto ayey barteen.” Cabdicasiis Kulow ayaa isna waxa uu yiri: “Garsoorka madaxda qaranka hada joogto iyo kuwii hore ha uyeero kadib masaakiinta ha ku soo qatimo ileen Soomaaliya waxay tiraa Dibiga qal weesha haku quus-qaadatee.” The post Sidee looga fal-celiyay ballanta uu Xasan Sheekh la galay garsoorka hadda jooga? appeared first on Caasimada Online.
  18. Gudiga doorashooyinka ayaa ku kala jabay habka ay u dhici doonto doorashada fooda inagu soo haysaa, iyada oo xubnihii ka soo jeeday mucaaridku ay gabi ahaanba qaadaceen qorshe ay soo dhigeen in lagu dhawaaqo oo ah in doorashada ururada lagu dhawaaqo in dalka laga qabto taasi oo ahayd ta uu in badan madaxweynaha kordhiska ku jooga uu saxaafada mariyay in dalka laga qaban doono doorashada ururada taasi oo aad moodo in ay hada rumoobayso Hada ma jiraan gudi doorasho oo ku midaysan in dalka ay qabsoonto doorashada ururadu, hadii garab ka mid ah gudiga doorashadu ay ku dhawaaqaan sida ay rabaan waxa ay dalka ka abuuri doontaa muran siyaasadeed oo hor leh. Gudiga doorashada oo baryahanba urursanaayay xogo oo la kulmay hogaamiye dhaqameedka ayaa waxa ay dhamaan hogaanka dhaqanku u sheegeen in xiligan dalku u baahanyahay doorasho madaxweyne isla markaasina la danbaysiiyo ta ururada. Wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay gudiga doorashada ma jiraan. Qaran News
  19. Al Shabaab militants are recruiting foreigners from neighbouring countries, as fewer Kenyans are joining, security officials have said. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo ku Gaaray Magaalada Baydhabo. Madaxweynaha iyo Madaxa Hay’adda UNFPA ayaa ka wada Hadlay hormarinta adeegyada caafimaadka, barashada farsamada gacanta, shaqa abuurka dhalinyarada iyo xoojinta wada shaqaynta hey’adda iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed. Madaxa Hay’adda UNFPA ayaa waxaa lagu wadaa inuu gaaro magaalooyinka caasimadaha u ah maamul goboleedyada, waxaana uu kulamo kale duwan la qaadan doonaa madaxda maamullada, isaga oo sidoo kale dhawaan soo gaaray Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in ay heshay noocyada kala duwan ee hubka culus oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca. La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Shiikh Cali oo wareysi siiyay VOA Somali ayaa sheegay in hubkan cusub loo adeegsan doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Ciidamada Soomaaliya ayaa markii u horraysay tan iyo burburkii dalka waxay ku hawlgeli doonaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopter-ka sida uu xaqiijiyay Xuseen Shiikh. “Dowladda Soomaaliya waxay heshay hub kamid ah kuwii xaaraanta ka ahaa ee lagu adkayn jiray. Qaarkood saaxiibo ayaa soo siiyay qaarna way soo gadatay” ayuu yiri la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya. “Hubkaas waxa ku jira diyaaradaha helicopter-ka, hoobiyaasha waaweyn ee 120mm ah iyo qoryaha loo yaqaan ZU-ga” ayuu sii raaciyay La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Amniga Qaranka ayaa sheegay in tallaabadan dowladda Soomaaliya qaaday kadib markii laga khafiifiyay cuna-qabataynta hubka ee saaran dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo heshay hubka culus oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa helay hub culus iyo diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u ah, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU. “Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd sanad kahor ayaa laga khafiifiyay, sidaas ayay dowladda bilihii lasoo dhaafay hubabka ku jiray kuwa xaaraanta ahaa ama lagu adkeyn jiray inay soo hesho Soomaaliya ay saaxiibo soo siiyaan qaarna ay soo gadatay,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya. “Waxaa jira Helicopter hub saaran yahay loogu tala-galay inta badan in dhaawaca lagu daabulo oo ciidanka Soomaaliya ay maanta leeyihiin, hubka waaweyn ee hoobiyeyaasha ee 120-ka oo ku jiray hubka ka xaaraanta ah dowladda Soomaaliya.” Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haystaan hub culus oo hore aan loogu ogoleyn Soomaaliya, sidaas darteedna ay ka tabar badan yihiin Shabaab-ka ay dagaalka kula jiraan. “Waa jirta tabar ay hadda ciidamadeenu dheer yihiin xaga hubka ay ciidanka Shabaab ay wataan. Ciidanka Soomaaliya waxay ku hubeysan yihiin hub aysan hore u haysan.” Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaadka sannadkan dalka Mareykanka lagu qaban doono shir dhaqaale loogu ururinayo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka. Dhismaha ciidanka ayuu sheegay inay muhiimad gaar ah siinayaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda dowladdu ay heysato ciidamo ku filan inay gobollo kala duwan kula dagaalamaan Al-Shabaab. Ugu dambeyntii Xuseen Sheekh wuxuu sheegay inay aad ugu ololeyneyso dowladda Soomaaliya in laga qaado cuna-qabateynta hubka ee sanadaha badan saaran dalka, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in dhawaan ay dowladda Soomaaliyeed soo iibsan doonto hub aan lagu koontorooleyn, markii ay ku guuleysato in laga qaado cuna-qabateyntaan. The post Ciidamada Soomaaliya oo helay hubkii ugu cuslaa abid iyo diyaaradaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeysa (Qaran news)-Xaalada xildhibaan Jamaal Adan Diiriye ayaa degan kadib markii rag ciidan ahi ay dhaawacyo u gaysteen wewrarkaasi oo lagu sheegay mid qorshaysnaa Jamaal Adan Diiriye oo aanu ku booqanay cisbatalka Amal Grand Hospital ee ku yaala bariga Hargeysa oo aanu waydiinay in ragan askarta ah ee weeraray ay hore wax u dhex mareen waxa uu sheegay in aanu ragaasi aqoonin horena u arag. Ragani oo la yiqiinsaday ayaa hada uu boolisku gacanta ku hayaa isla markaasina baadhitaan lagu hayaa mana haboona in laga hordhaco baadhitaanka. Waxana maanta cisbatalka buzz dhaafiyay dadkii soo doortay, madax xaga dhaqanka ah iyo asxaab badan oo uu lahaa oo ay ku jireen xildhibaano Qaran News