Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Last summer, I received an email that was the comic creator’s equivalent of a letter from Hogwarts – Marvel Comics wanted me to pitch a story for their huge ‘Edge of Spider-verse’ comic series. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo kormeeray xarunta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi waxa uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howl-wadeennada hay’adda, xilli isbeddel lagu sameeyay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Mudane Xamza ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda hay’adda, isaga oo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar-gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey. Waxa uu la wadaagay ra’iisul wasaaraha in ka hoggaan ahaan ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed, xilli hay’adda noqotay xudunta musuq-maasuq dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa agaasimaha cusub u sheegay in looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo. Xamza ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay muhiimada ay hay’adda u leedahay dalkeena, islamarkaana ay tahay halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taasi oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto. 8-dii bishaan ayay aheyd markii Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe uu agaasime ku-meel gaar ah u magacaabay hay’adda fadeexadda musuq-maasuq uu hareeyey ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Tallaabadan ayaa timid kadib markii agaasimihii hore ee hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii ay kusoo baxday fadeexad musuq-maasuq. Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay kusoo oogtay dacwad musuq-maasuq, lunsasho hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne, inkasta oo eedahaas uu beeniyey markii uu soo saaray warqadda uu isku casilay. Xubnaha 18-ka ah ee kiiska musuq-maasuq lagu soo oogay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Maxamed Aadan Koofi, oo isna horey usoo noqday agaasimaha hay’adda ee ka horreeyey Cabdul, kaasi oo isna sidoo kale iska fogeeyey eedaha loo jeediyey kuna macneeyey kuwo dano kale laga leeyahay. Si kastaba, hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Waxa ka miro-dhalay isbeddelka hay’adda socdaalka kadib fadeexaddii musuqa appeared first on Caasimada Online.
  3. Xukuumadda Somaliland oo sheegatay inay Guul ka gaadheen Dagaal ka Dhacay Lascaanood Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Somaliland ayaa guul ka sheegatay dagaal saaka ka dhacay Laascaanood. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Daakhiliga oo u qornaa sidan:- “Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey. Markasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah.” Qaran News
  4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Biixi Iimaan Cige ayaa manta kulan is-xog wareysi ah la yeeshay Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya. Kulan kaan oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan hor yaala wasaaradda maaliyadda XFS oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka Maamulka Maaliyadda Guud ee PFM iyo dhameystirka Barnaamijka Dayn Cafinta. Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dadaalaya dar-dar galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka. Source: goobjoog.com
  5. Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiisyo ka kooban maalgashiga, warshadaha difaaca, tamarta iyo isgaarsiinta. Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Madaxweyne Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah. Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeeray heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.” Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey. Hoggaamiyaha Turkiga ayaa Isniintii gaaray Sacuudiga, taasoo qeyb ka ah booqasho saddex maalmood ah oo uu ku marayo dalalka Khaliijka, si uu u xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya. Erdogan ayaa Sacuudiga kadib booqan doona dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Sacuudiga oo kala saxiixday Heshiisyo Taariikhi ah appeared first on Puntland Post.
  6. Hooyo ku nool dalka Hindiya [India] ayaa isku dishay iyadoo ku hor boodaya Gaari bas ah, si qoyskeeda ay u helaan kaalmo dawladeed dhimashadeeda awgeed, oo wiilkeedana looga bixiyo lacagta uu dhigto Jaamacadda, sida Booliisku Baahiyay. Haweenaydan oo 45 jir ah ayaa magaceeda lagu sheegay Paapaathi, waxay ka shaqayn jirtay nadaafadda xafiiska ururinta degmada waxayna korsanaysay Gabar iyo Wiil, iyadoo ay kala tageen ninkeeda, iyadoo is dishay si ilmuhu Magdhow u helaan. Muddooyinkii dambe dalka Hindiya waxaa kusoo badanayay dhacdooyinka nuucaan oo kale ah, Booliiska ayaa diiwaan geliyay dhowr dhacdo oo sidaan oo kale ah, kuwaas oo ay sameeyeen muwaadiniin reer Hindia ah oo nolosha maaro u waayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Las Anod (HOL) - Heavy fighting broke out on Wednesday morning in the eastern part of Las Anod town, involving the Somaliland army and SSC-Khatuma forces. Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallim cabdulle ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda Secours Islamique France SIF oo uu hogaaminayay Madaxa hay’dda SIF Gorkhamas Huseynov. Kulanka oo is barasha iyo gogol xaar u ahaa wada shaqayn dhexmarto labada hay’adood ayey ka wada hadleen labada mas’uul,arrimo ku saabsan in hay’adda Secours islamique in SoDMA ka caawiso in deeganada laga saaray Al-shabaab iyo kuwa dhawaan laga xoreyn doono. Kulan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii bulshada halkaas ku nool gargaar loo gaarsiin la haa,in ay ka saacidaan qeybo kamid ah xarumaha Hay’adda Maaraynta sidii qalabeen loogu sameeen lahaa kuwaas dhowaan laga hirgeliyay dowlad goboleedyada iyo Qodobo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliland iyo Puntland. Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu talo ugu jeediyay hoggaanada labada maamul, Muuse Biixi iyo Saciid Cabdullaahi Deni, oo uu sheegay in lagama maarman tahay in saamileyda siyaasadda ay kala fariistaan muranka ka taagan arrimha doorashooyinka. “Madax adayga iyo xukun ku dhegga kuwo talada haya wuxuu sababaa in dawladnimada Soomaaliya ee qalfoofka (skeleton) ah, laakiin indhaha shacabka ka asturan ay marada ka roganto, loona baylihiyo xaaladdii dabiiciga ahayd ee loollanka reeraha, markaana ay taladu faraha geesawaynta siyaasadda ka baxdo, qoomamo iyo shalaaytina la soo yuurarsadaan.” Wuxuu kula taliyay hoggaanada Puntland iyo Somaliland in ay xal keenaan kahor inta aysan xiisadaha siyaasadeed ee deegaanadooda ka taagan faraha ka bixin, “kala heshiiya geesawaynta siyaasadda ee aad xukunka isku haysaan ka gudubka xilliga kala guurka.” Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran; Talo aan la i warsan oo hoggaanka Somaliland iyo Puntland ku socota. Haddii aad dib u milicsato taxanaha taariikhda siyaasadda ee Soomaaliya, mar walba oo ay geesawaynta siyaasaddu (Political elite) heshiin waayan duul kale ayaa xukunka gacantooda ka dhufsada. Geesawayntii siyaasadda ee lixdamaadkii markii ay is diideen, waxaa xukunkii ka xoogay milaterigii, ciidankiina markii lagu kari waayey in ay talada u celiyaan shacabka, xukun rayad ahna dib loogu laabto, odaygii u waynaana uu cid kasta ka aamin baxay, jabhado ayaa xukunkii ka eryaday. Somaliland iyo Puntland, waxaa ka dhismay maamullo ay xeerbeegti iyo odayadii dhaqanka udub dhexaad u yihiin, halka Koonfurta ay Jabuuti iyo dawlado kaloo shisheeye wax iskugu aadiyeen. Waxaa muuqata in odayadii dhaqan ee SL iyo PL ay awooddoodii wiiqantay sababo kala duwan awgood, geesawayntii siyaasadduna heshiis ku ahayn maaraynta xukunka marxaladda kala guurka. Loolanka siyaasadeed ee Koonfurta, inkastoo maalin dhowayd la sigtay, haddana mar walba cunsurka shisheeyaha iyo argagexisada ayaa dheelitirayaal ka ah. Waxayse geesawaynta siyaasadda Soomaalida ka siman yihiin, gaar ahaan kuwa xukunka haya in ay isku gadaamaan durbaan tumayaal, haadaan ka tuura oo horay u soco hana u joojin ku haya. Madax adayga iyo xukun ku dhegga kuwo talada haya wuxuu sababaa in dawladnimada Soomaaliya ee qalfoofka (skeleton) ah, laakiin indhaha shacabka ka asturan ay marada ka roganto, loona baylihiyo xaaladdii dabiiciga ahayd ee loollanka reeraha, markaana ay taladu faraha geesawaynta siyaasadda ka baxdo, qoomamo iyo shalaaytina la soo yuurarsadaan. Halka mar oo iyadoo aysan dawladdii dumin gacanta geesawaynta xukunka laga saaray waa 1969, taana waxaa sabab u ahaa mu’asasada ciidanka oo weli dhisnayd, laakiin markii milaterigii siyaasaddii ku fasahaaday waa tay isla duntay oo ilaa iyo maanta meel laga soo qabto la waysan yahay. Talada aadnan i warsan ee aan hawada idiin soo marinayaa waxay tahay; yaan qalfoofka la qaawinin oo xaaladdii dabiiciga ahayd la iskula laaban ee kala heshiiya geesawaynta siyaasadda ee aad xukunka isku haysaan ka gudubka xilliga kala guurka. Haddiise aad diiddaan waxaa hubanti ah, sida uu qaanuunka dabiiciga ah iyo sunnada koonka dhigayso in xaalada hubanti la’aanta ee la geli doono, aadan jilayaasheedii noqon doonin, ama idinkoo intaa ka itaal liita talo ogolaan doontaan. The post Ergeyga madaxweyne Xasan oo warqad furan u diray Muuse Biixi iyo Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  10. WADDANI oo Shaaciyay in Go’aanka Komishanku dhaawac ku yahay Somaliland Hargeysa(Qaran)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in go’aankii ka soo baxay Komishanku uu yahay mid dhaawac u geysanaya wadajirka Jamhuuriyadda Somaliland. Xoghayuhu wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI uu si mugle uga tashanayo go’aanka uu ka qaadanayo dhawaaqa Komishanku ku sheegeen in doorashada Ururradu ay dalka ka qabsoomi doonto 28ka December 2023, halka doorashada madaxtooyadana ay u qoondeeyeen sannad kadib. Waxaanu tilmaamay in talada ay wax ka siinayaan taageereyaasha xisbiga WADDANI. Xoghayaha WADDANI Waxa ay u soo jeediyay Taageerayaasha inay sugaan warka iyo mawqifka uu soo saarayo Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Qaran News
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa laga soo warinaya sicir-barar iyo xaalad adag oo ay sababtay go’doomin ay magaalada ku sameeyeen kooxaha argagixisada. Ganacsatada magaalada Baydhabo oo raashinka uga soo dego dekedda magaalada Muqdisho ayaa awoodi la’ inay magaalada galiyaan badeecada, waxaana muddo toban cisho ka badan xayiran dhamaan gaadiidkii adeegyada u siday magaalada Baydhabo. Raashin iyo gaadiid kaliya ma ahan waxay kooxdu diiday in magaalada la galayo, sidoo kale waxay kooxdu diiday wax soo saarkii ka imaanayay banaanka magaalada, sida caanihii, xoolihii, malabkii iyo waxkasta oo magaalada Baydhabo lasoo galin jiray. Jihooyinka oo dhan ayay fadhiisteen. Arrintan ayaa sababtay inay wax walba saddex jibaar kor u kacaan xaga qiimaha. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa sidoo kale degan magaaladaan, waana dhibaato horleh go’doominta iyo cuna-qabateynta ay argagixisada ku sameysay magaalada Baydhabo. Waa markii koowaad oo ay magaalada sidaan ku sameeyaan laakiin deegaanada kale ee Koonfur Galbeed sida; Xudur, Waajid iyo Ceelbarde ayay hore sidan oo kale u cuna-qabateeyen. Sababta keentay go’doominta magaalada Baydhabo ayaa warar kala duwan ka imaanayaan, waxaase ugu muhiimsan in maamulka Koonfur Galbeed uu xiray koox macalimiin iyo maamulayaal iskuul iskugu jira oo ajiibay amar u yeeris ah oo kaga yimid kooxda Al-Shabaab. Kooxda ayaa la sheegay inay ka caratooy in la xiray xubnihii u tegay ee ajiibay amarkooda. Waxaa jirtay xilli ay 80 KM magaalada u jireen oo ay middaan oo kale sameyn karin, laakiin maanta aad ayay magaalada qarka ugu saaran yihiin. Haddaba maxaa la gudboon dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed? 1. Foojignaanta xaalad bini’aadannimo Inay magaaladu sidaan go’doon usii ahaato oo aanay dadka helin raashin, waxay dhalin karta xaalad bini’aadannimo oo deg deg ah. Dowladda federaalka ah, maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha samafalka waa inay usii gaashantaan arrintaas imaan karta haddii aan la helin xal deg deg ah. 2. Ciidanka dowladda federaalka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed Koonfur Galbeed waxaa jooga ciidan fara badan oo labada heer dowladeed ah, waqtiyadii hore waxaa kooxda lagula diriri jiray dhul ka fog magaalada Baydhabo, si aanay magaalada usoo hunguriyeyn ama iskugu dayin fal sidaan u guracan. Ciidanka dowladda federaalka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed ee jooga gobolka Baay, gaar ahaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda waxay ku qasban yihiin inay bilaabaan dagaal aan daahin, si loo furo waddooyinka soo gala magaalada. Dowladda dhexe iyo maamulka waxaa la gudboon inay taas deg deg diirada u saaran. 3. Wejiga labaad ee dagaalka guud Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lasoo warinaya inay dhawaan rabaan in Galmudug ay ka bilaaban wejiga labaad ee dagaalka, laakiin marka la eego xaalka laga soo warinayo magaalada Baydhabo iyo guud ahaan degmooyinka Koonfur Galbeed. Waxay dad badan qabaan in wejiga labaad ee dagaalka lala aado dhanka Koonfur Galbeed, oo shacabkaas culeyska laga dabciyo. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin dhibaatadaas, waxaana xooggan baaqa shacabka ee ah in xaaladda Baydhabo laga dhigo kiis gaar ah oo deg deg ah. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale muujin culeyska arrintaan iyo waxa ka dhalan kara haddii aan dhaqso loo wajahin. The post Go’doonka Baydhaba kadib saddex tallaabo oo loo baahan yahay in deg deg loo qaado appeared first on Caasimada Online.
  12. Xisbiga UCID oo Go’aankii Komishanka ku Sifeeyay mid lagu kala dirayo Somaliland Hargeysa(Qaran)-Xisbiga UCID ayaa Go’aankii shalay ee garabka Muuse Biixi ee Komishanka ku tilmaamay mid sii kala dirayaa Somaliland intii isku hadhsanayd. Sudaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga UCID oo u qornaa sidan:- Qaran News
  13. Jeddah (Caasimada Online) – Shirkad Turkish ah ayaa Sacuudi Carabiya siin doonta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), waxaa sidaas shaacisay Riyadh kadib booqasho uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ku tegay boqortooyada. Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency (SPA). Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeeray heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.” Qiimaha uu ku kacayo qandaraaska weli lama shaacin. Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey. Hoggaamiyaha Turkey ayaa la filayaa in goor dambe oo Talaadada maanta ah uu tego dalka Qatar. Kadib markii ay ka qeyb-galeen madasha ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga ee Jeddah, Erdogan iyo Amiir Mohammed ayaa ka wada-hadlay “rajooyinka iskaashi wadajir ah,” ayey tiri SPA. Labada hoggaamiye ayaa saxiixday heshiisyo iskaashi oo quseeya dhinacyada tamarta, maal-gashi toos ah, difaaca iyo warbaahinta, sida lagu yiri warbixinta. Waxay intaas ku dartay in saraakiisha Sacuudiga “ay laba qandaraas la saxiixdeen shirkadda Baykar.” Diyaaradaha drone-ka ee ay soo saarto Baykar ayaa lagu isticmaalay dagaallo ka dhacay dalalka Azerbaijan, Libya iyo Ukraine. Sacuudi Carabiya “Waxay heli doontaa diyaaradaha drone-ka iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado diyaargarowga ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada iyo xoojinta awooddeeda difaac iyo wax soo saar,” waxaa sidaas Talaadada yiri wasiirka difaaca Amiir Khalid bin Salman. Ma uusan sheegin nooca diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ay boqortooyadu raadinayso inay hesho. Diblomaasi Carab ah oo ku sugan Riyadh, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan loo ogolayn inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay inay tahay nooca TB2 ee Baykar. Bishii la soo dhaafay, Kuwait ayaa sheegtay in ay gashay heshiis 367 milyan oo dollar ah oo ay kusoo iibsaneyso diyaaradaha TB2. Booqashada Erdogan ee toddobaadkan ayaa ah tii labaad ee uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii ay dhawaan isku soo dhawaadeen Ankara iyo Riyadh, kuwaas oo xiriirkooda uu xumeeyey dilkii 2018-kii ee saxafigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul. Turkey ayaa ka caraysiisay Sacuudiga iyada oo si xooggan u daba-gashay kiiska xilligaas, islamarkaana furtay baaritaan kadibna warbaahinta caalamka xog ka siisay faah-faahinta sida xun ee dilku u dhacay. Hase yeeshee iyada oo la hagaajinayo xiriirka, ayaa Erdogan wuxuu booqday Sacuudiga April 2022, halka Amiir Mohammed uu u safray Turkiga bishii June ee sannadkii hore. Safarka Erdogan ee dalalka Khaliijka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Turkey ay la daalaa dhacayso burburka lacagta iyo sicir-barar saameeyay dhaqaalaheeda. Bishii Maarso, Sacuudi Carabiya ayaa 5 bilyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Turkey. AFP + VOA The post SACUUDI iyo TURKEY oo saxiixday heshiisyo taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirSHballe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere uga hortegay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudllaawe iyo labada gole ee maamulkaasi. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhxexe. Sidoo kale wuxuu mas’uuiyiinta HirShabelle kala hadli doonaa xallinta khilaafka ka jira maamulkaasi, gaar ahaan arrimo ku aadan xiisadda kala dhalatay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqdo furimaha hore ee dagaalka, si uu u dhiiro-geliyo ciiidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ay kadib usii gudbi doonaan dhanka Galmudug, isaga oo tegi doono furinta dagaalka. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo sugayo amniga ay dowladda Soomaaliya geysay halkaasi, sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Aadan Cali oo isna shalay gaaray magaalada Galcad. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u booqday jiida hore ee dagaalka, isaga oo tegay furimaha hore ee HirShabelle iyo Galmudug oo uu mar kale hadda soo booqanayo. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay wax ka galayaan dalalka dariska ah. The post Madaxweynaha Somalia oo ka dagay Jowhar + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  15. Jowhar (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Jowhar, the interim capital of the Hirshabelle regional state, on Wednesday to address the political standoff within the Hirshabelle administration and address the recurring inter-clan fighting in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Keydka Daawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo Xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Daawada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeisa (Qaran news)-Xaalada xildhibaan Jamaal Adan Diiriye ayaa degan in kasta oo goor dhawayd la galiyay qalniin xaga sanka ah kadib markii uu jabniin ka soo gaadhay dhaawacii ay shalay u gaysteen ciidan ku garaacay aaga madaxtooyada oo uu xiligaasi maraayay sida uu sheegay isaga oo wadadaasi maraaya kuna guda jiray nolol maalmeedkiisii. Askarta falka foosha xun u gaystay xildhibaanka ayaa xidhan oo lagu wadaa baadhitaan Xildhibaanka ayaa hada ku jira oo lagu daawaynayaa Amal Garand Hospital ee dhaca bariga magaalada Hargeysa Qaran News
  18. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa hadda ka socdo bariga magaalada Laascaanood halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood. Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, haddana wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in cusbitaallada la geeyay dad dagaalka saaka ku dhaawacmay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan dagaalka ku dhexmaray bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta. The post Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  19. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah ay geysay degaanno ka tirsan degmooyinka Cadalle iyo Ceeldheer ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo deegananada Hirshabeelle iyo Galmudug. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgaladan ayaa sheegay in ujeedka duulaankan uu yahay sidii dowladda ay ugu adkaan lahayd Al- Shabaab oo hore laga saaray meelo badan oo dalka ah, waxaana ciidanka dowladdu ay ku wajahan yihiin deegaannada ka maqan gacanta dowladda. Ciidankan ayaa sidoo kale qayb ka ah howlgalka wajiga labaad ee ka bilaaban doona goobaha wali ay ku harsan yihiin Al- Shabaab sida ay ku warameen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan magaalooyin dhaca bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo oo Galgaduud ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku wajahan gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, warar kale duwan ayaa kasoo baxaya safarka madaxweynaha ee deegaannada Galmudug. Safarka madaxweynaha ayaa waxaa uu daaran yahay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab ee laga bilaabayo Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana dhowaan gobolka dowladdu ay geysay ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku wajahan Ceelbuur, Wabxo iyo Galhareeri. Dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa waxaa si iskumid ah uga socda dhaqdhaqaaqyo ciidan, kuwaas oo hordhac u ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo taageeraya ciidanka xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Jowhar (HOL) - Minister of the Interior for the Hirshabelle administration, Abdi Dahir Guure Karore, has urgently called upon the Federal Government of Somalia to intervene in a resurging clan conflict in the Middle Shabelle region, emphasizing the severe impact on local residents. The dispute, increasingly intense between the districts of Raagge Ceelle and Adale, involves two local clan militias. Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo sumcaddii lacageed ee dalka iyo in dadka danyarta ah loogu fududeeyo macaamilka nololeed iyo ganacsi ee ay u baahan yihiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda DANQARAN ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka. Guddiga Hagidda Mashruuca Kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa dhankoodaRa’iisul Wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub. Kulanka ayaa gabagabadii sidoo kalelagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Xaaladda Lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, hawlgalinta Xarumaha Bangiga Dhexe ee Dowlad Goboleedyada, iyo Qorshaha dhaw Dib u daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee Drones-ka loo yaqaan ayaa duqeeyey biriijka kaliya ee isku xidha Ruushka iyo jasiirada Crimea Isniintii. Weerarkaas oo ahaa mid sababay dhimasho, laguna qaaday waddo muhiim ah oo sahayda marta ayaa waxa sheegtey laamaha ammaanka ee Ukraine. Source
  23. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa lagu wadaa in ay gaaraan degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Qaban-qaabada soo dhaweynta wefdiga madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sida wararku sheegayaan saaka laga dareemaya degmada Luuq. Mas’uuliyiinta Jubaland ee uu hoggaaminayo Maxamuud Sayid Aadan ayaa u kuur gala xaaladda degmada Luuq iyo guud ahaan Gobolka Gedo oo ay ku xeeran yihiin duruufo kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Jubaland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.