-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow. Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka fuliyay ay rasaas ku fureen marxuumka, taas oo ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada. Marxuum Faqay Cabdulle ayaa sidoo kale ahaa Nabaddoon caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilka oo la hadlay Shabakadda Wararka ee Caasimada Online. Ilo wareedyada ayaa sidoo kale innoo sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay qaybo kamid ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Mid kamid ah ehellada marxuunka oo ka hadlay dilka ayaa ka codsaday dowladda federalka Soomaaliya cadaalada, maadaama lagu dilay goob ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda. “Gacan ka xaq-darran ayaa dishay nin Shabaab ahaa ayaa dilay fakaday, taas ma ii suurtageleyso, saaka marka la dilaayay meeshaan dharcad ayaa buuxday” ayuu yiri. Toogashadan ayaa qayb ka noqoneyso falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo weeraro qaraxyo ah oo qaarkood ay sheegatay Shabaab. Si kastaba dhibaatooyinkan amni darri ayaa dhacaya xilli ay dhankooda Muqdisho howlgallo ka wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. The post Daawo: Guddoomiye ku xigeenkii degmada Awdheegle oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaaray gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheega in diyaarado ay leedahay dowladda Kenya ay duqeymo khasaare dhaliyay ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sida ay u dhaceen. Wararku waxaa ay sheegayaan in duqeymaha ka dhacay deegaanka ay waxyeello u badan dhaawacyo ay kasoo gaareen dhowr iyo toban ruux oo rayid ah, waa markii labaad oo bishaan gudaheeda ay duqeymo nuucaan ah ka dhacaan deegaanka Ceelcadde ee Gedo. Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay duqeymaha dhacay deegaanka ayaa waxaa qaarkood loo soo qaaday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana dhowaan duqeyn deegaanka ka dhacday ku geerioyooday Shiikh caan ka ahaa Ceelcadde iyo qof kale. Marar badan diyaaradaha dalka Kenya ayaa duqeymo kale duwan ka fuliyay deegaanka Ceelcadde iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah oo reer guuraa ah iyo shirkado Isgaarsiin oo lagu beedsaday duqeymaha qaar ee Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidanka kumaandooska Gorgor ka sameeyeen inta u dhexeyso gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee Galmudug iyo HirShabelle. Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-Qurac oo ku yaalla xadka u dhexeeya labadaasi gobol. Warbaahinta dowladda ayaa qortay in howlgalkan oo bartilmaameed ahaa lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in weerarkan ay ciidamada Xoogga dalka kusoo furteen hub iyo sidoo kale agab ciidan oo ay lahaayeen xubnaha la laayay. “Howlgalka oo Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii halkaas joogtay waxaana Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan” ayaa lagu yiri warka warbaahinta dowladda. Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in gebi ahaan la burburiyay saldhigii ay ku sugnaayeen xubnaha lagu weeraray deegaanka Ceel-Qurac ee ku yaala xadka Galgaduud iyo Sh/Dhexe. “Ciidamada Xoogga ayaa burburiyay saldhiggii Khawaarijta waxaana hadda socda hawlgal lagu raad joogo firxadkii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Galmudug iyo HirShabelle ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay guullo ka gaareen ciidamada huwanta ah. The post Ciidamada GORGOR oo howlgal ku laayey 30 ka tirsanaa AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia President Hassan Sheikh Mohamud has condemned the militant group al-Shabab for imposing a weeklong blockade on the southwestern town of Baidoa. Authorities say the Islamist group has cut off supplies in and out of the area, worsening hunger caused by record drought and insecurity. Al-Shabaab set up the blockade Tuesday, cutting off transport to and from Baidoa, the capital of South West state. The blockade, which comes ahead of a planned government military offensive in the region, has affected businesses and resulted in price hikes as vehicles transporting goods from towns such as Mogadishu are stranded. Hussein Mohamud, the chief of staff for Somalia’s president, said the blockade demonstrates that al-Shabab is at war against the people of Somalia. Mohamed Edin, a trader in Baidoa, told VOA businesses will soon be forced to close as supplies dwindle. He said he relies on supplies from Mogadishu that pass through Afgoye but his business has suffered since the blockade. With his stock nearly depleted, Edin said he might be forced to close his business if the blockade continues. According to the United Nations, Baidoa is home to about 600,000 internally displaced people pushed from their homes by the al-Shabab insurgency and drought. Analysts say by imposing the blockade, al-Shabab is affirming its strength and that could worsen the situation in the region. Abdirahman Azari, director of the Mogadishu-based Center for Analysis and Strategic Studies, said al-Shabab is sending direct and indirect messages to the Somali government that they are still in control in parts of the country and can impose sanctions anywhere and people will obey their orders. Azari added that the blockade could jolt the government into an earlier launch of a planned offensive. The Somali government says it is on course to launch Operation Black Lion, which will focus on South West and Jubaland states in the southern part of the country. Government forces with the help of local militias reclaimed part of the central area of the country from al-Shabab control last summer in the first phase of the offensive. Ethiopia, Kenya and Djibouti are expected to send in about 20,000 troops to bolster Somali forces and clan militia in the second phase of the operation. Abdiaziz Isaack, a security and political analyst at the Hamad Bin Khalifa Civilization Center, said al-Shabab’s blockade on Baidoa is sending a message. He said it demonstrates the al-Shabab’s ability to challenge the government despite local and international efforts to defeat the group. Isaack said al-Shabab is telling the Somali government that it will face stiff resistance when it begins the second phase. The South West state perennially remains the most vulnerable region in Somalia in terms of insecurity and drought. In April, U.N. Secretary-General Antonio Guterres visited Baidoa to launch a humanitarian campaign for Somalia, appealing for “massive international aid” to stave off famine. VOA Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Taiwan Hargaysa(Qaran)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Masuuliyiin ka Socotay Safaaradda dalka Taiwan, Kulankan ayaa waxaa Wasiirka Ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasime Ku-xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargaysa Dr-Cadnaan Cabdoo. Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Waftigan oo uu horkacayo Safiirka Safaaradda dalka Taiwan Mr Allen luu iyo Masuuliyiin sarsare oo ka socotay Dalka Taiwan. Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii layskula eegi lahaa meelna lays kula dhigi lahaa balaadhin iyo cusboonaysiin lagu samaynayo Cisbitaalka guud ee Magaalada hargaysa oo ay inaga caawin doonaan dalka aynu saaxiibka nahay ee Taiwan. Qaran News
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa weli dhibane u ah duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyaan halkaasi. Mid kamid ha dadka deegaanka oo la hadlay Idaacdda BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in magaaladaan oo ku taalla koonfurta Soomaaliya ay duqeyntu ku socoto muddo lix sanno ah, isla-markaana aysan wax garab ah ka helin dowlada dhexe ee federalka iyo cid kalaba. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaalad adag ay ka jirto Ceel Cadde, isla-markaana ay mar kasto ka dhacaan duqeymo aan loo meel dayin oo lalala beegsado gudaha magaaladaasi. “Xaalad adag baa halkan ka jirta oo dad maato ah guryahooda deggan ayaa muddo sanado ah waxaa ku socday duqeymo aan loo meel dayin oo dadka guryahooda lagu beegsanayo” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo wareysi siiyay Laanfa Soomaaliga ah ee BBC. Weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore ayuu sheegay inay ay ku dhinteen laba qof oo uu jiro Aabhiis, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 12 kale. “Labadii duqeymood ee u dambeeyay oo mind siddeed gantaal guryo xaafado magaalada lagu dhuftay oo dad shacab ah ay dagan yihiin waxaa ku dhaawacnay illaa 12 qof inta aan hadda ognahayna waxaa ku dhintay 2 ruux oo allaha u xariistee Aabahey Sheekh Cabdiraxmaan uu kamid yahay” ayuu yirid mid kamid ah dadka deegaanka. Duqeymahan dhanka cirka oo inta badan fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayuu sheegay inay argagax ku reebeen dadka deegaanka oo qaarkood isaga barakacay magaalada, halka kuwa kalena ay cabsi joogaan xaafadahooda. “Dad shacabka aa argagaxeen dhibaati badan ayaa kasoo daristay miyiga ayay dadka u baxeen, dad badan oo weli guryahooda ku sugana waa jiraan” ayuu sii raaiyay. Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas oo ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen deegaankaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS. The post Magaallo ka tirsan GEDO oo 6 sano lagu duqeynayo shacabka + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Biixi oo Shucuubta Islaamja Bogaadiyay Hargeysa(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1445-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba. Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan Berri oo Arbaca ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 19/07/2023. Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo. Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka iyo Shacbiga Somalilandba u rajaynayaa in Sannadkan cusubi ula kowsada Barwaaqo iyo Horumar aynu sannadka sannadkiisa ku gaadhno. Kullu Caam Wa Antum Bikhayr Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Qaran News
-
Ethiopia is allowing people to access Facebook, Telegram, TikTok and YouTube for the first time in more than five months. Source: Hiiraan Online
-
Attacked by a terrorist in Somalia, Mohammed Abdi sought protection and relocated to Australia. Source: Hiiraan Online
-
Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Mohamed bin Salman ayaa ku hanjabay inuu xayiraado kusoo rogi doono Imaaraadka Carabta xilli uu wada-sheekeysi gaar ah la yeeshay suxufiyiin sanadkii tegay, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Wall Street Journal. Hanjabaadda ayaa timid ayada oo uu jiro muran sii kordhaya oo u dhaxeeya bin Salman iyo madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan, oo ku saabsan kala aragti duwanaansho ku aadan siyaasadaha gobolka iyo ururka OPEC. Xog lagu heshiiyey inaan la duubin oo uu bixiyey bishii December, ayuu Bin Salman ugu sheegay weriyayaasha inuu Abu Dhabi u diray liis dalabyo ah, ugana digay in Sacuudi Carabiya ay qaadi doonto tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah xulufadeeda gobolka, haddii Imaaraadka ay sii wadaan inay boqortooyada ku hagardaamiyaan gobolka. “Waxay kasii xumaan doontaa wixii aan ku sameeyey Qatar,” ayey kasoo xigteen dadkii ka qeyb-galay kulanka. Sanadii 2017, Riyadh ayaa hoggaamisay xayiraad diblomaasiyadeed oo la saaray Doha, oo ay xoojisay go’doomin dhaqaale oo socotay saddex sano, ayada oo ay taageerayaan Abu Dhabi iyo Bahrain. Xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa dib loo soo celiyey 2021. Loolanka gobolka Dhaxal-sugaha iyo bin Zayed ayaa waxay ku jiraan loolan awooded ayaga oo ku tartamaya ku xoog badnaanshaha gobolka Khaliijka, mana wada-hadlin muddo lix bilood ah, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Wall Street Journal. Mohamed bin Salman ayaa u sheegay weriyayaal Sacuudiyaan ah, Imaaraadka Carabta “dhabarka ayey naga toogteen,” wuxuuna ka digay “way arki doonaan waxa aan sameyn karo.” Xiisadda sii kordheysa ayaa walaac ku abuurtay saraakiisha Mareykanka oo ka cabsi qaba in loolan Khaliijka ah uu wiiqi karo dadaallada lagu aas-aasay isbaheysi amni oo ka dhan ah Iran, lagu xalinayo dagaalka Yemen, islamarkaana lagu ballaarinayo xiriirka Israel ee dalalka Muslimka ah. Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa dano is-diidan ka leh dalalka Yemen iyo Sudan, halka Sacuudi Carabiya ay cadaadineyso in sare loo qaado qiimaha saliidda caalamka, taasi oo Imaaraadka aysan ku raacsaneyn. Dalka Syria, Sacuudi Carabiya ayaa la wareegtay diiradda dib ugu soo celinta Dimishiq ee Jaamacadda Carabta, inkasta oo ay ku timid dadaal diblomaasiyadeed oo muddo ay ka shaqeysay Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, dib ula heshiinta Sacuudi Carabiya ee Iran ee horraantii sanadkan ayaa la yaab ku noqotay Imaaraadka Carabta. Xiisado dhaqaale Dadaalka Sacuudiga uu ilaha dhaqaalihiisa uga dhigayo dhinncyo kala duwan, islamarkaana ku yareenayo ku tiirsanaanta shidaalka, ayaa sidoo kale keentay inuu tartan toos ah la galo Imaaraadka. Amiirka dhaxal-sugaha ah ayaa hiigsanaya inuu soo jiito shirkadaha si ay xaruntooda gobolka ugu raraan Riyadh, ayna furaan xarumo teknooloji, oo ay dhistaan goobo dalxiis iyo sahay, taasoo caqabad ku ah kaalinta Dubai ee ah inay tahay xarunta ganacsi ee Bariga Dhexe. Khilaafka labada hoggaamiye ayaa ku fiday shirkii OPEC ee bishii October, markaasi oo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudi Carabiya inay ku qasbeen inay ogolaadaan yareynta soo saarista saliidda. Imaaraadka ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay isaga baxaan ururka OPEC, taasi oo muujineysa sida ay uga xun yihiin awoodda Sacuudiga ee ururka. Maamulka Biden ayaa dadaal u galay sidii loo heshiisiin lahaa labada dhinac, iyadoo bishii May ay ka shaqeeyaan kulan ku dhex-maray Mohamed bin Salmaan iyo Sheekh Tahnoun bin Zayed, oo ah walaalka ka yar madaxweynaha Imaaraadka iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka. Hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa u sheegay Tahnuun in Imaaraadku aysan faro-gelin xabbad-joojinta Yemen ee uu Sacuudigu hoggaaminayo, wuxuuna u ballan-qaaday Abu-Dhabi tanaasul. Si kastaba, sida laga soo xigtay ilo-wareedyada Wall Street Journal, dhaxal-sugaha ayaa markii dambe u sheegay la-taliyayaashiisa in aysan beddelin siyaasad kasta oo ku wajahan Imaaraadka “Hadda kadib ma aaminayo,” ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay. The post Maxamed bin Salman oo tallaabo culus ugu hanjabay Imaaraadka – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Any attempt to arrest Vladimir Putin when he visits South Africa would be a declaration of war against Russia, the country's president says. Source: Hiiraan Online
-
Kenya has confirmed three cases of vaccine-derived poliovirus in Garissa. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's rebuilt national museum is hosting its first show after more than three decades of damaging war and conflict. The 90-year-old museum is holding an international exhibit for 18 artists. Mohamed Sheikh Nor reports from Mogadishu, Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan dagaal ka dhanka ah musuq-maasuqa naafeeyay hay’adaha dowladiga ee dalka. Baaristii ugu horeysay ayaa cadeysay in la xaday 21 Milyan oo dollar oo kamid aheyd lacagihii kasoo xarooday fasaxa shaqada iyo dal jooga ajnabiga, tan iyo 2018-kii. Dhawaan waxaa bilaaban doonta maxkamadeynta dadka ku eedeysan maqnaashaha lacagtaas. Dadka Soomaalidu badankooda kama doodayaan musuq miyaa ka jira hay’adaha dowladda?. Waa adag tahay inay su’aashaas kusoo dhacdo qof xogagaal u ahaa Soomaaliya tan iyo 2004-tii, laakiin waa lagu kala aragti duwanaan karaa sida loo wajahayo iyo waqtiga. Hay’addo kale oo dowladeed ayaa dhawaan la filayaa in lagu bilaabo baaris la xiriirta musuq-maasuq. Sababta aan loo inkiri karin in musuq naafeeyay hay’adaha kala duwa ee dowladda Soomaaliya, waxaa ku cadeynaya dhamaan dadkii iyagoo sabool ah xilalka ka qabtay dowladda ee sanadaha kooban xafiisyada joogay maanta waa milyaneero dabaqyo dhaadheer ku leh Soomaaliya, Kenya, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta. Qof laba ama saddex sano xil ka hayay dowladda Soomaaliya oo mushaarkiisa ahaa saddex kun ama afar kun oo dollar haddana milyaneer noqday cadeyn badan uma baahna inuu ku kacay xatooyo xoolo dadweyne. Sidaas darteed lagama doodayo dalka ma la dhacay, balse warbixintaan waxaa kusoo koobi doona waxa ugu yar ee laga faa’iido doono dagaalka musuqa ee hadda socda. Boqolaal siyaasiyiin iyo maamulayaal Soomaali ah oo la ogyahay inay haystaan xoolo ay dalka kasoo dhaceen ayaa dhinaca kale weli haystay sharaf bulshada xageed ah. Dadka waxay ku amaanan inay xoolo fiican tabcadeen mudaddii ay xilka hayeen, iyagana ceeb lama aheyn ee waa ku faanayeen qaarkood. Hadda, haddii uu dagaalka musuqa sii socdo waxaa bilaaban doonta in la kala miirmo. Waxaa yaraan doonta la-macaamilka togan ee bulshada ee dadka noocaas ah, iyaguna waa joojin doonaan inay ku faanaan falkaas foosha xun. Ugu yaraan dagaalka musuqa waxa uu noqon doona mid kala sooca dadka, oo sumadeeya dadka iyaga oo fara maran dowladda u shaqo tegay sanado kadibna soo laabtay iyaga oo milyaneero ah. Isla dadkaasina hadda kadib sharaf kuma dareemi doonaan hantida sidaas kusoo gashay, waxaana bilaaban doonta inay dhuuntaan ama is-dhaqaan oo dhaqaalaha dalka celiyaan, kuwa hadda ku howlana ay nabad galiyaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii markale ka hadlay la-dagaalanka musuq-maasuqa, wuxuuna ugu baaqay dhamaan dadka ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne inay sharciga horyimaadan oo gar baxaan. The post Dagaalka qeylada badan dhaliyay ee dowladdu waddo – Maxaa laga faa’iiday? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shalay kulankii u horreeyay oo is-xog wareysi ah la yeeshay Madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Kulanka wasiirka cusub ee maaliyadda ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya. Kulankaan oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan horyaalla wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka maamulka maaliyadda guud ee PFM. Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada wasaaradda maaliyadda ayaa ku dadaalaya dardar-galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka. Biixi ayaa beddelay wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo dhawaan ay saameysay magacaabistii iyo isku shaandheyntii uu sameeyay ra’iisul wasaaraha. Xilka qaadista lagu sameeyay wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa loo sababeynayaa xiisadd ka dhalatay shaqo joojintii uu laba maalin kahor xil ka qaadistiisa ku sameeyay xisaabiyaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha guud ee dakhliga, wallow uu markii dambe ka laabtay kadib cadaadis xoogan oo uga yimid xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Si kastaba, Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa bilaabay dardar-gelinta dadaaladda deyn cafinta, oo wasiirkii hore uu meel fiican soo gaarsiiyay, islamarkaana laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayna dhawdahay dhameystirkeeda, sida uu hore u shaaciyay wasiir Cilmi. The post Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Soomaaliya iyo IMF? appeared first on Caasimada Online.
-
Xiisad dagaal iyo abaabul ciidan ayaa mar kale laga dareemaya jiidda Laascaanood. Ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland oo shalay ku dagaallamay jiiddaas ayaa mar kale wada dhaq dhaqaaqyo ciidan. Dagaalkii shalay oo saacado badan qaatay ayaa laga soo weriyay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah inkastoo aan tiro koob sugan laga helin. Colaadda Laascaanood ayaa taagan in lix bilood tan iyo markii uu bilowday dagaalka Somaliland ku soo qaaday dadka degaanka 6 February ee sannadkan. Inaas kadib waxa socday dagaallada oo khasaare ba’an geystay waxaana Somaliland marar kala duwan diiday in ay ciidankeeda soo duulay kala baxdo degaanka. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad ujeed keedu aheyd doorka bulshada kaga aadan Amniga. Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Wasiiro katirsan XFS iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax ayaa tilmaamay in bulshada reer wadajir ay yihiin kuwa nabadda iyo Dowladnimada jecel islamarkaana ay la shaqeeyan maamulka degmada. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu sheegay in Boliiska iyo shacabka ay yihiin kuwa si dhow saaxiib u ah loona baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeyntooda. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) waxa uu tilmaamay in sugida amniga ay tahay mas’uuliyada wadareed saaran shacab iyo Dowlad, islamarkaana Amniga uu fura u yahay horumarka iyo dib-udhiska. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hirgalinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada iyo dib u dhiska Caasimadda. PUNTLAND POST The post Kulan ku saabsan Xoojinta Amniga oo Muqdisho lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay wargelin ay shalay soo saartay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Wargelintan oo si toos ah ugu socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in la joojiyay lacagihii gacanta lagu qaadi jiray (kaash) marka loo adeeg doonto safaaradda. Laga bilaabo bisha soo socota 1-deeda ayay sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Turkiga in cusbooneysiinta Baasaboorka lacagtiisa loo wareejiyay Bankiga, xilli ay dowladda Soomaaliya dardar xooggan ku wado la-dagaalanka musuq-maasuqa. “Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan dalka Turkiga waxaa lagu wargelinayaa in laga bilaabo 01 August 2023 cusboonaysiinta Baasaboorka lacagtiisa loo wareejiyay Bankiga, lana joojiyay lacagtii gacanta lagu qabanayay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cadnaan Cabdi Cali: “Bisinka gacanta maa lagu qaadi jiray?.” Casaam Maxamed Cali ayaa isna waxa uu yiri: “Awal Intee lagu qaadi jiray.” “Haa saasa fiican waa la isku fahmay miyaa? hore usocda shaqo wacan wixii aan haayo bank ka fiiriya.” “Safaaradana wax ka badal ha lagu sameeyo,” ayuu yiri Cabdullaahi Cilmi oo soo jeediyay in dhiig cusub lagu shubo safaaradda, si kor loogu qaado howlaha shaqo ee u hayso bulshada Soomaaliyeed. Ibraahim Biyoole: “Bisinka ma lacaga gacanta lagu qabanaayay, ma dukaan bakaara ku yaalaa?.” Farxaan Axmed ayaa isna waxa uu yiri: “Hadda nin walba inuu lacag gacantiisa ku qabto waa uu ka cararayaa ama uu musuq-maasuqo waa guul weyn oo u soo hoyatay umadda.” “Arintaan waxaa ka gaabisey wasaaradda waa in lacag gacanta lagu qabto la mabnuuca dhamaan safaaradaha iyo adeegyada ay dowladdu bixiso oo dhan si musuqa loola dagaalamo,” ayuu yiri Xasan Duwe. Faysal Xoosh Shire: “Soomqalida inkaar baa haysata, wadamadii safaaradaha lahaa shacabka Soomaalidu waxay ka jecel yihiin wadamadda aanan wax safaarada ku lahayn. Allow adaa noo maqan.” Xuseen Cabdullaahi ayaa waxa uu yiri “Passport kaliya ma ahan shaqo walbo laga qabto waa ina bank lagu shuba, sida loola socdo lacagaha soo galaya iyo ina laga hortago jeeb ku shubasho.” “Hadda ragga meeshaa fadhiyey gacmahaa la qabtay?,” ayuu yiri Mahdi Jaamac. Cabdikheyr Xuseen Xasan: “Dhamaan safaaradaha ha lagu dhaqo sidaa waayo safaaradaha qaarbaa tuugo ah oo dadka dhibo.” Cabdullaahi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa yiri “Wixii horay gacanta looga qaaday aaway hee?.” Majid Yusuf Siad ayaa isna yiri: “Yaab waaye awal ma dad baa iska qaadan jiray halkay aadi jirtay lacagtaas.” “Saas ayaa dowladnimo ah shacabkana uroon, suuqa madow ma ahan dowladnimo,” ayuu yiri Deeq Sheekh Cabdullaahi. Cabdikariin Xaaji Buube: “Safaarada Sacuudiga iyadane ha laga dhigo sidaas oo kale.” Abdisalam Mohamed ayaa sidoo kale yiri “Markey dhiigeysteen may iska wareejiyen.” The post Fal-celin cajiib ah oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday safaaradda Soomaaliya ee Turkey appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadleyso dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC. Qoraalka ka soo baxay Somaliland waxaa lagu sheegay in dagaalka ay bilaabeen ciidamo isugu jira argagixiso iyo kuwa Puntland, kuwaas oo weeraray saldhigyada ciidamada Somaliland, sida lagu sheegay warkaan. “Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay in dagaalkii maanta ay ku jebisay dhinacyadii ay is fara-saareen aagga Laascaanood, isla markaana ay ka gubeen gadiid dagaal. “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii qoraalkaan oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Axmed Caarshe ayaa lagu sheegay in Somaliland aysan cidna duulaan ku aheyn. “Markasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay Somaliland ka soo saartay dagaalkii Laascaanood. Dagaal culus ayaa maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramay inuu xoogiisu ka dhacay bariga magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa SSC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal culus oo khasaare badan uu ka soo gaaray labada dhinac. The post Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay dagaalkii maanta sheegtana in Puntland… appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Hadal-heyn dhinacyo badan taabatay ayaa ka dhalatay safarkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Jowhar, waxaana soo baxay xogo daahsoonaa oo muujinaya dib u dhac maamul oo ka jira HirShabeelle. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maalmo ka hor ay Muqdisho ka baxeen guddi qiimeyn ah oo magaalada Jowhar ay u dirtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Guddigaas ayaa kormeerkii uu sameeyey ku soo ogaaday in la musuq maasuqay mashruuc ay bixisay dowladda Mareykanka, kaas oo mushaar loo qoray 100 macalin oo dhigta iskuullada Jowhar. Kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa la sheegay inay leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle, iyadoo lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada Hirshabelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta. Dad badan ayaa arrintaan ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taas oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe oo ku dhawaad 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayey magaaladaas. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan kula qaateen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar madxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa. Lama sheegin sababta madaxweynaha Soomaaliya gudaha magaalada Jowhar u tagi waayay, balse ilo wareedyo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in biyo aad u badan ay yaalaan inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la tilmaamay in uu la xiriiro laba arrimood. 1- Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii guddoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo ku gacan sayray xil ka qaadista, islamarkaana ku dhowaaqay maamul lagu magacaabo Hiiraan State. 2- Iyo arrinta labaad oo la sheegay in ay tahay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab ee ka socda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, xili dowlada Soomaaliya ay haatan qorsheyneyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ay ka qeyb-galayaan waddamada dariska. The post Xog: Fadeexad haraysay madaxtooyada HirShabelle oo leexsatay mushahar Mareykanku u qoray macallimiin appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan kula qaateen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar madxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa. Lama sheegin sababta madaxweynaha Soomaaliya gudaha magaalada Jowhar u tagi waayay balse ilo wareeydo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in biyo aad u badan ay yaalaan inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la tilmaamay in uu la xiriiro laba arrimood. 1- Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii guddoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo ku gacan sayray xil ka qaadista, islamarkaana ku dhowaaqay maamul lagu magacaabo Hiiraan State. 2- Iyo arrinta labaad oo la sheegay in ay tahay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab ee ka socda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, xili dowlada Somaliya ay haatan qorsheyneyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ay ka qeyb-galayaan waddamada dariska. Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli war kasoo saarin socdaalka madaxweynaha ee Jowhar. Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu safaro kale ku tagi doono deegaano ka tirsan furimaha hore ee dagaalada ka socdaan ee deegaanada maamulka Galmudug. The post Maxaa u diiday madaxweyne Xasan Sheekh inuu maanta gudaha u galo JOWHAR? appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkad Turkish ah ayaa Sacuudi Carabiya siin doonta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), waxaa sidaas shaacisay Riyadh kadib booqasho uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ku tegay boqortooyada. Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency (SPA). Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeedhay heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.” Qiimaha uu ku kacayo qandaraaska weli lama shaacin. Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey. Hoggaamiyaha Turkey ayaa la filayaa in goor dambe oo salaasada maanta ah uu tego dalka Qatar. Kadib markii ay ka qeyb-galeen madasha ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga ee Jeddah, Erdogan iyo Amiir Mohammed ayaa ka wada-hadlay “rajooyinka iskaashi wadajir ah,” ayey tidhi SPA. Labada hoggaamiye ayaa saxiixday heshiisyo iskaashi oo khuseeya dhinacyada tamarta, maal-gashi toos ah, difaaca iyo warbaahinta, sida lagu yidhi warbixinta. Waxay intaas ku dartay in saraakiisha Sacuudiga “ay laba qandaraas la saxiixdeen shirkadda Baykar.” Diyaaradaha drone-ka ee ay soo saarto Baykar ayaa lagu isticmaalay dagaallo ka dhacay dalalka Azerbaijan, Libya iyo Ukraine. Sacuudi Carabiya “Waxay heli doontaa diyaaradaha drone-ka iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado diyaargarowga ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada iyo xoojinta awooddeeda difaac iyo wax soo saar,” waxaa sidaas Talaadada yidhi wasiirka difaaca Amiir Khalid bin Salman. Ma sheegin nooca diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ay boqortooyadu raadinayso inay hesho. Diblomaasi Carab ah oo ku sugan Riyadh, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan loo ogolayn inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay inay tahay nooca TB2 ee Baykar. Bishii la soo dhaafay, Kuwait ayaa sheegtay in ay gashay heshiis 367 milyan oo dollar ah oo ay kusoo iibsaneyso diyaaradaha TB2. Booqashada Erdogan ee toddobaadkan ayaa ah tii labaad ee uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii ay dhawaan isku soo dhawaadeen Ankara iyo Riyadh, kuwaas oo xidhiidhkooda uu xumeeyey dilkii 2018-kii ee saxafigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul. Turkey ayaa ka cadhaysiisay Sacuudiga iyada oo si xooggan u daba-gashay kiiska xilligaas, islamarkaana furtay baadhitaan kadibna warbaahinta caalamka xog ka siisay faah-faahinta sida xun ee dilku u dhacay. Hase yeeshee iyada oo la hagaajinayo xidhiidhka, ayaa Erdogan wuxuu booqday Sacuudiga April 2022, halka Amiir Mohammed uu u safray Turkiga bishii June ee sannadkii hore. Safarka Erdogan ee dalalka Khaliijka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Turkey ay la daalaa dhacayso burburka lacagta iyo sicir-barar saameeyay dhaqaalaheeda. Bishii march, Sacuudi Carabiya ayaa 5 bilyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Turkey. Source
-
Xukumadda Somaliland oo ka hadashay Dagaal saaka ka bilaabmay Laascaanood. “Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey. Markasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah” Source
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab, the notorious Islamist militant group, has tightened its grip over Baidoa, the capital of South West state, Somalia, triggering an outcry from Somali authorities. The group has instituted a blockade, worsening an already grave situation fueled by an unrelenting drought and security turmoil. President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia issued a stark condemnation of the militant group for this ruthless action. As a poignant depiction of the severity, Hussein Mohamud, the President’s chief of staff, articulated the prevailing sentiment, stating, “The blockade demonstrates that al-Shabab is at war against the people of Somalia.” The on-the-ground impact of blockade The weeklong blockade threatens local livelihoods and strategically positions al-Shabab to display its force ahead of an impending government-led offensive. The repercussions are far-reaching, with Baidoa businesses teetering on the brink of collapse due to stalled supply chains. Mohamed Edin, a local trader in Baidoa, poignantly captured the dire state of affairs in his statement to VOA, “Businesses will soon be forced to close as supplies dwindle.” He further elucidated the plight of his business, heavily dependent on supplies from Mogadishu. The blockade, he said, has dealt a significant blow to his operations, leading to possible closure if the situation persists. Al-Shabab’s strategy and impact The militant group’s tactics are not lost on analysts, who see the blockade as a symbol of strength aimed at worsening an already dire situation. Abdirahman Azari, director of the Mogadishu-based Center for Analysis and Strategic Studies, elucidated this aspect, “Al-Shabab is sending direct and indirect messages to the Somali government that they are still in control in parts of the country.” Azari opines that the group’s tactics might incite the government to hasten its planned offensive, Operation Black Lion, to retake the South West and Jubaland states in the southern region. Despite the grim outlook, government forces, fortified by local militias, have demonstrated a resilience that previously led to the reclamation of part of the central region from al-Shabab last summer. The next phase of the offensive involves the deployment of approximately 20,000 troops from neighboring Ethiopia, Kenya, and Djibouti, all united in their goal of assisting Somali forces in reclaiming control. The larger picture Abdiaziz Isaack, a security and political analyst at the Hamad Bin Khalifa Civilization Center, sees the blockade as a clear signal from al-Shabab to the Somali government. “Al-Shabab’s blockade on Baidoa is sending a message. It demonstrates the group’s ability to challenge the government despite local and international efforts to defeat them,” he stated. This audacious move comes when the South West state, housing about 600,000 internally displaced persons per United Nations estimates, grapples with profound insecurity and drought. The UN Secretary-General Antonio Guterres, who visited Baidoa in April, called for “massive international aid” to prevent a looming famine, a call that now resonates more urgently than ever. The post Somalia’s Baidoa endures Al-Shabab’s harrowing blockade appeared first on Caasimada Online.
