-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Onlin) – Wararka naga soo gaaraya xerada Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo xanuun badan ay ka dhacday halkaasi, kadib markii nin ku hubeysnaa mindi uu dil iyo dhaawac ka geystay. Eedeysanaha oo baxsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gowrcay wiil yar oo hal sano jir ahaa, isla-markaana uu Abti u ahaa, sidoo kale wuxuu dhaawacay walaashiis oo uur 8 bil ah laheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Mid kamid ah mas’uuliyiinta deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka sheekeeyay, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay inay aad uga argagaxeen falkaasi. “Halkan waxaa ka dhacday arrin aad iyo u fool xun, taas oo ah in wiil uu dilay walaashiis iyo wiil yar oo ilmaha halka sano jira oo guurguuranaayo inuu meeshaan ku dilo, wiilka yaraay wuxuu ku dhuftay toorey isaga oo ka geliyay dhuunta, kadibna gowracay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawac halis ah uu soo gaaray gabadha, kadib markii uu ku dhuftay masaar iyo baangad uu watay eedeysanaha oo sidoo kale ah walaalkeed. “Gabadha walaashiis ah wuxuu ku dhuftay masaar dhanka madaxa ayuu kaga dhuftay kadibna Baangad ayuu usii raaciyay dhegta way go’day gabadha waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wuxuu intaas ku daray “Waxaa kale oo jirtay in gabadha ay laheyd uur siddeed bilood ah dhacdadaas markii ay dhacday dadka balooga daganaa aad ayay u argagaxeen, waayo waa wax lagu cusub” ayuu markale yiri mid kamid ah mas’uuliyadda deegaanka ay wax ka dhaceen. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ninka falka geystay uu aad u isticmaali jiray maandooriyaha, isla-markaana hadda kahor la xiray, balse mar dambe lasoo daayay. “Waa nin fiyow, laakiin wuxuu kamid yahay dhalinyarada isticmaasha maandooriyaha” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Nin gowracay wiil uu Abti u ahaa kadibna dhaawacay walaashiis appeared first on Caasimada Online.
-
10 most peaceful African countries in 2023 Regional Rank Country Overall Score Score Change Overall Rank 1 Mauritius 1.546 -0.029 23 2 Botswana 1.762 -0.052 42 3 Sierra Leone 1.792 -0.011 47 4 Ghana 1.799 0.014 51 5 Senegal 1.827 -0.024 52 6 Madagascar 1.846 0 55 7 Namibia 1.859 -0.032 56 8 The Gambia 1.888 0.059 59 9 Zambia 1.898 0.027 63 10 Liberia 1.946 -0.023 72 Qaran News
-
Amongst the excitement of counting down to your holiday abroad and ticking off the never-ending to-do list, there’s one vital thing to be aware of before jetting off. You might be concentrating on packing up all the toys to keep the family entertained or some may be busy focusing on how many pairs of shoes they need for a week of backpacking, but remembering to check your passport expiry date is just as important. This is because there are a lot of countries you could be travelling to which require six months left on your passport. 70 countries you need 6 months left on your passport to travel to Here are the 70 countries that require six months of passport validity, according to VisaGuide.World. They are as follows: bracknellnews Afghanistan, Indonesia, Samoa, Algeria, Iran, Saudi Arabia, Anguilla, Iraq, Singapore, Bahrain, Israel, Solomon Islands, Bhutan, Jordan, Somalia, Botswana, Kenya, Somaliland, British Virgin Islands, Kiribati, Sri Lanka, Brunei, Laos, Sudan, Cambodia, Madagascar, Suriname, Cameroon, Malaysia, Taiwan, Cayman Islands, Marshall Islands, Tanzania, Central African Republic, Micronesia, Thailand, Chad, Myanmar, Timor-Leste, Comoros, Namibia, Tokelau, Côte D’Ivoire, Nicaragua, Tonga, Curacao, Nigeria, Tuvalu, Ecuador, Oman, Uganda, Egypt, Palau, United Arab Emirates, El Salvador, Papua New Guinea, Vanuatu, Equatorial Guinea, Philippines, Venezuela, Fiji, Qatar, Vietnam, Gabon, Rwanda, Yemen, Guinea Bissau, Saint Lucia, Zimbabwe, and Guyana. 41 countries you need 3 months left on your passport to travel to Meanwhile, there are 41 countries that require three months of passport validity if you’re hoping to enter. These are: Albania, Lithuania, Austria, Luxembourg, Azerbaijan, Malta, Belarus, Moldova, Belgium, Monaco, Bosnia and Herzegovina, Montenegro, Czechia, Nauru, Estonia, Netherlands, Finland, New Zealand, France, North Macedonia, Georgia, Norway, Germany, Panama, Greece, Poland, Honduras, Portugal, Iceland, Senegal, Italy, Slovakia, Jordan, Slovenia, Kuwait, Spain, Latvia, Sweden, Lebanon, Switzerland, and Liechtenstein. You can find out more information about passport rules on the VisaGuide.World website. If you need to renew your passport, head to the government website for advice. Qaran News
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hooygiisa casuumaad ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Mudane Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan, madaxada ayaa ka qeybgashay kulankii wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan iyo siyaasiyiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faa’iidooyinka aadan ogeyn ee ay basasha u leedahay ragga iyo dumarka XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES 2 Luulyo 2023 Cilmi-baarisyo badan ayaa daaha ka rogay in cunista/isticmaalka basasha ay faa’iido badan oo caafimaad leedahay. Inkastoo ay ay sababto ur dhanka afka ah, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno in ku filan. Faa’iidooyinka basasha waxaa ka mid ah: 1: Waxay qeyb ka qaadataa hab-dhiska difaaca jirka Maadaada ku jirta ee loo yaqaan Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jirka, qofka basal dheellitiran cunana oo cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga difaacaa xannuunnada ay ka midka yihiin lafa-garaaca iyo hargabka. 2: Calool-xannuunka Basasha waxa ku jira waxyaabo daawo u ah xannuunka caloosha. Waxay dishaa bakteeriyada taas oo keenta in qofka cuna aannu caabuq calooshiisa ku sameysmin, halka ay sidoo kale ka caawiso in gaastarigga qofka aanu ku dhicin. 3: Dheellitirka sonkorta dhiigga ku jirta Qofka macaanka qaba waxa inta badan lagula taliyaa inuu cuntada ku darsado basasha, taasina waxay u horseeddaa in dhiiggiisa xaddiga sonkorta ee ku jirtaa dheellitirmo. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES 4: Qanjirka ragga kaadida Basasha waxa ay badisaa kaadida, waxa aanay daweysaa caabuqa ku dhaca kaadi-marennada iyo qanjirka ragga ee Prostate oo ay ka ilaaliso bararka. Wadnaha XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Basasha waxay u wanaagsan tahay wadnaha. Waxay hagaajinaysaa wareegga dhiigga waxayna xoojisaa muruqyada, waxay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka dhiigga iyada oo cadaadis saareeysa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirka batroolka Soomaaliya xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed la doonayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasimada Online. Doorashada madaxweynaha HirShabeelle ayaa dhaceysa November 2024, markaasi oo ay ku egtahay afarta sano ee muddo xileedka madaxweyne Cali Guudlaawe. Inkasta oo aysan aheyn heshiis qoran ama dastuuri ah, haddana waxaa aad loo filayaa in madaxweynaha maamulka HirShabeelle uu marka xigto ka yimaado beesha Xawaadle, oo ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu HirShabeelle geeyo shaqsi uu ku kalsoon yahay, taageero xoogganna ka heli kara beeesha Xawaadle, wuxuuna u arkaa xildhibaan Cabdirisaaq inuu yahay shaqsigaas. Xildhibaan Cabrirsaaq ayaa ka mid ah shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ka tirsan yahay xisbigiisa UPD ee madaxweynaha. Cabdirisaaq ayaa labadii goor ee madaxweyne Xasan Sheekh uu qabtay hoggaanka dalka, wuxuu ahaa wasiirka beesha Xawaadle ku matala dowladda, taasi oo muujineysa sida uu madaxweynaha ugu dhow yahay uguna kalsoon yahay. Qorshaha Cabdirisaaq looga dhigayo madaxweynaha HirShabeelle ayaa qeyb ka ah isku day madaxweyne Xasan Sheekh uu xisbigiisa iyo saaxiibadiisa ugu gacan gelinayo hoggaanka maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, ayada oo Galmudug loo wado agaasimaha NISA Mahad Salaad. SI kastaba, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaanu taaban Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe inta ay ka dhameysanayaan muddo xileedkooda, si aanu qalaalse siyaasadeed dalka uga abuurin, loona curyaamin dagaalka Al-Shabaab. The post XOG: Yuu XASAN u wadaa madaxweynaha HirShabelle? appeared first on Caasimada Online.
-
Donald Trump promised to make America xenophobic again by bringing back his travel ban, a move that Rolling Stone reported he was considering in May. Source: Hiiraan Online
-
Since turning to beekeeping a year ago, former pastoralist Abdi Isse Erag has been able to stabilise his earnings and raise his family’s living standard. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyey biraha lagu sameeyo baabuurta aysan xabadda karin oo Al-Shabaab ay kasoo direen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Gaarigan oo ahaa nooca UD ama Soomaaliya u taqaano Dhayno, ayaa laba toddobaad kahor lagu qabtay suuqa Bakaaraha, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada NISA ayaa sidoo kale qabtay shan qof oo loo haysto inay gaariga la socdeen. Ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in gaariga uu agabka saaran usii gudbin lahaa gobollada Galmudug, oo ah meelaha la filayo inuu dagaal xooggan ku dhex-maro ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. Qorshaha laga lahaa biraha ayaa ah in lagu sameeyo baabuur bullet proof ah, oo aysan xabadda karin oo Al-Shabaab kadibna ay u adeegsato inay weeraro ku fuliso. Al-Shabaab ayaa marka ay weerareyso xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada waxay adeegsataa gawaari bullet proof ah, taasi oo u sahleysa inay kontroollada ciidanka xoog ku dhaafaan, islamarkaana rasaasta lagu furo aysan waxba u gaysan, sidaasna ay ku galaan goobaha ay beegsanayaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa fulisay weeraro dhimasho badan oo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyo xarumo dowladeed kuna laysay shacab iyo ciidamo badan. Mid ka mid ah sababaha ay adag tahay in weerarada noocan ah looga hortago ayaa ah xaqiiqda ah in Al-Shabaab ay adeegsadaan baabuur aysan xabadda karin kuna galaan saldhigyada iyo meelaha ay qarxinayaan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA. Saraakiisha NISA ayaa sheegay in shaqsiyaadka lala qabtay gaariga oo hadda xiran lagu wareejin doono dacwad-oogayaasha dowladda si loo horgeeyo maxkamadda ciidamada qalabka sida, loona mariyo cadaaladda. The post Xog: Gaari ay Al-Shabab ka soo direen Jilib oo lagu qabtay Muqdisho – Maxaa saarnaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan casho sharaf ah ku maamuusay guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyte Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu casuumay saddex guddoomiye hore oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo weli ka tirsan Golaha, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Guddoomiyeyaasha oo deegaan kasoo wada jeeda Koonfur Galbeed ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Baarlamaanka, sida uu shaaciyay Aadan Madoobe. “Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa laghu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudodomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay guddoomiyeyaashii hore sida ay usoo ajiibeen kulanka uu la yeeshay oo sidoo kale ahaa casho sharaf uu ku maamuusayay. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saddexduba waxay kamid yihiin madaxda ka qayb-gashay shirkii madaxda dowlada federaalka & kuwii hore ee Khamiistii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho. Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay inta badan dood ka keeneen xubnaha mucaaradka, waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi degan. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskaasi, iyo sidoo kale dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisii labaad. Si kastaba, heshiiskan ayaa la filayaa in uu go’aan ka gaaro Baarlamaanka Soomaaliya, ayada oo haatan lagu wareejiyay guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi. The post Muxuu A/MADOOBE kala hadlay gudoomiyeyaashii hore ee BF? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa laba weerar oo ay xalay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baydhaba ee gobolka Baay. Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday. Al-Shabaab ayaa weeraradan ku beegsatay saldhig ay ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku leeyihiin deegaanka Makuundo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ammaanka ay iska caabin sameeyeen, kadib weerarada uga yimid Al-Shabaab, mana cadda khasaaraha ka dhashay weerarka. Wararka ayaa intaas kusii daraya in weeraradaan ay barbar socdeen madaafiic lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Baydhaba, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ugu yaraan saddex madfac ayaa kusoo dhacay gudaha magaalada, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay aheyd xilli habeen ah. Maalmihii u dambeeyay xaaladda Baydhabo ayaa aheyd mid kacsan, waxaana sidoo kale culeys xoogan soo saartay kooxda Al-Shabaab oo go’doon ganacsi gelisay magaaladaasi. Arrintan ayaa sidoo kale keentay sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee suuqyada magaaladaasi, ayada oo loo sababeeyay ‘go’doon ay galiyeen’ xoogaga Al-Shabaab. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab gelisay Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah. “Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha. Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi. The post Al-Shabaab oo WEERARO culus ku qaaday Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaas, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya. Aadan Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay qaadeyso tallaabooyin dheeraad ah, isla-markaana ay la tacaali doonto dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo in dhulka Kenya uu ahaado mid ammaan ah, loogana hortago khalkhal-gelinta amni darrada. Wasiirka ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah ay geyn doonaan xadka, isl-markaana aysan ogolaan doonin in mar kale ay Al-Shabaab weeraro argagixiso ka fuliso halkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Kenya ay ka hortagi doonto in Al-Shabaab ay gabaad ka dhigato dalkeeda, haddi laga saaro Soomaaliya. “Maleeshiyaadku waa in aysan gabaad ka helin Kenya marka laga soo saaro Soomaaliya. ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee amniga waa ay ka feejigan yihiin oo u adkeysanayaan in ay hoos u dhigaan falalka argagixisada la xiriira,” ayaa yiri Wasiir Aadan Barre Ducaale. Waxaa kale oo uu ballan qaaday in wasaaraddiisu ay kordhin doonto awoodda ciidanka difaaca Kenya, si ay u helaan hub casri ah oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, si ay u hantaan amniga goobaha ay hadda weerarada ka geysteen xoogaga hubeysan ee Shabaab. Kenya ayaa haatan wajaheyso weeraro joogto oo ay ku heyso Al-Shabaab, kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay ay gudaha dalkaas ka geystay dhowr isku day oo qaarkood khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya iyo sidoo kale dad shacab ah intaba. Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah waddamada la dagaalama kooxdan, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka milatari ee ATMIS. The post Dowlada Kenya oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso oo ku wajahan xadka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaan leenahay hal cadow oo la yiraahdo Al-Shabaab. Qof kasta oo naga mid ah dhibkoodu si ayuu u sameeyay. Waxaa laga yaaba iney dileen ama dhib gaarsiiyeen waalidka, caruurtaada, lamaanahaagii, walaalka, saaxiibka, qof aad ehel tihiin, dariskaagii wacna ama ay naftaada wax gaarsiiyeen jir ahaan ama dhaqaale ahaan. Soomaalidu waxey ahaan jirtay dad aarsi badan, oo aan dulmiga cimri-siinin. Dhibaatada kooxdani waxey socota 15 sano. Qof walba oo aan ka tirsaneyn ama aan ku fikir aheyn wuxuu ugu jiraa qaanadda cadowga. Waxaa macquul ah in aad aaminsantahay hadii aad nabad galiso waa ka badbaadeysa, laakiin immisa ayey dileen oo aan waligood Af iyo Adin midna u qaadin, oo ay qaraxyo ku laayeen. Hal qof ayaa ka badbaadaya kooxdan waana midka iyaga raaca si uu gacan ku dhiigle u noqdo, oo uu u qarxiyo shacab Soomaaliyeed oo ku jira cibaado, ganacsi iyo waxbarasho. Waa suurta-gal inaad wali dhibkooda ka nabad qabtid laakiin hadaad maanta nagi tahay berri nabad ma heysid. (Micnaha inta ay argagixisadu kuu jirto ayuu dhibku kuu jira). Dadka Soomaalidu maanta ayey heystan fursaddii ugu dhoweyd oo ay kusoo afjari lahaayeen dhibaatada kooxdan, taasoo ah ciidan cusub oo diyaar ah, madaxweyne cabboon iyo kooxda oo dhaawacan. Dhammaadka bishan ama horaanta August waxaa bilaabanaya hadii Alle idmo wajiga labaad ee dagaalka sida aan xogta ku helay. Maadaama aaney jirin cid hubta in ay ka badbaadeyso dhibaatada kooxdan, waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon iney ciidanka iyo Dowladda ku gacan siiyan in dhaawaca argagixisada la dhameystiro. Wajiga labaad ee dagaalku waa inuu dhalo dhammaadka argagixisada, joojinta dhiiga shacabka iyo dib u dhiska dalka iyo dadka. The post Yaa ka badbaadaya Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
-
In a concerning case that highlights the challenges faced by journalists in Somaliland, Justice Abroad’s Director, Michael Polak, is taking action on behalf of Busharo Ali Mohamed (known as Busharo Baanday), a British journalist who was arrested, tortured, and detained by Somaliland authorities on May 15, 2023. Busharo, known for her coverage of Somaliland’s democratic issues and her critical commentary on social media platforms, including describing the Somaliland leader as “autocratic,” remains in custody. The arrest is believed to be directly related to her professional work. She has been a vocal reporter on Somaliland politics, often highlighting the country’s challenges. According to reports, Busharo was apprehended at the border between Ethiopia and Somaliland. During her arrest, she was subjected to physical violence, including kicks and slaps, resulting in injuries to her face and leg. A recent hearing on July 9, 2023, involved legal arguments regarding the charges, some of which involve other journalists. The judge has reserved judgment for a later date, leaving Busharo’s fate uncertain. Speaking on the matter, Michael Polak expressed his support for Busharo, highlighting her courage in reporting critical news from Somaliland. He emphasized the importance of a free press in fostering development and criticized the Somaliland authorities for their treatment of Busharo, including her arrest, mistreatment, and prolonged detention. “We call on the authorities to end their persecution of Busharo for her work as a journalist, to drop all charges, and to launch an investigation into the physical abuse she suffered upon her arrest,” stated Polak, underscoring the need for accountability and justice. As the case unfolds, concerns continue to mount over the protection of journalists and freedom of the press in Somaliland. International attention remains focused on securing the release of Busharo and addressing the wider challenges faced by journalists striving to report on critical issues in the region. On social media, use the hashtag #FreeBusharo HORN OBSERVER Qaran News
-
Maraykanka oo Diyaarado u Diraya Khaliijka USA(Qaran)-Wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay u dirayaan gobolka khaliijka Carabta diyaarado dheeraad ah, oo ah nooca F-16 si ay u difaacaan danaha maraykanu ku leeyahay gobolkaasi iyo maraakiibta ganacsiga ee maraya badda khaliijka. Taliska dhexe ee ciidamada uwaxa ay intaasi ku dareen in awooda Maraykanku ku leeyihiin gobolkaasi la kordhinayo si looga difaaco maraakiibta ganacsiga xukuumadda Iiraan oo dhaqdhaqaaqyo millitari ka wada badda khaliijka carabta gaar ahaana marinka Hormuus. Geesta kale saraakiisha millitariga iyo kuwa sirdoonka Maraykanku waxa kale oo ay cadeeyeen in ciidamadooda ku sugan waqooyi galbeed Suuriya ay cadaadis iyo hanjabaad kala kulmayaan ciidamada Suuriya oo taageero ka helaya kuwa Ruushka iyo Iraan ee dalkaasi jooga. Qaran News
-
Maxaa Keenay Xaaladda Degdega ah ee lagu soo Rogay Nigeria Nigeria(Qaran)Madaxweynaha Nayjeeriya Mr. Bola Tinubu ayaa si rasmiya ugu soo rogay dalkiisa xaalad deg deg ah, kadib markii shacabka dalkaasi ay soo food saartay xaalad cunto yaraan ah. Xaalada cuno yaraaneed ee ka jirta dalkaasi ayaa sabab looga dhigay nabadgelyo darada dalkaasi oo saamayn ku yeelatay dadka beeraleyda ah oo afduub iyo dilal joogta kala kulma budhcada hubaysan. arrinta kale ee sababtay cunta yaraanta dalkaasi ka jirta waxaa lagu sheegay dagaalada inta badan dhex mara dadka lo’da dhaqda iyo kuwa beeraleyda ah. Hase yeeshee qaramada midoobay war bixin ay soo saartay sanadkan ayey ku sheegtay inay ilaa shan iyo labaatan milyan oo qof oo reer Nayjeeriya ah ay ku jiraan xaalad cuno yaraan ah, taasoo xukuumadda dalkaasi qorsheysay in lagu taakuleeyo lacagtii lagu kabi jirey qiimaha shidaalka. QM oo ku Gacan Saydhay Qorshe ka soo baxay Suuriya Newyork(Qaran)-Go’aan ka soo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay inaan la aqbali Karin sharuudaha ka soo yeedhay xukuumadda Suuriya ee ku aadan habka qaybinta gargaarka ee la gaadhsiinayo dadka u baahan eek u sugan goobaha ay ka taliyaan mucaaradka hubaysani. Xukuumadda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaarkau u soo maro dalka Turkiga gaar ahaan marinka babul Hawo ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suuriya. Hase yeeshe waxay arrintan ku xidhay labo sharuudood oo qaramada midoobay ka biyo diiday, ah in xukuumadda Suuriya korjoogtayn ku lahaato qaybinta gargaarka si aanay uga faa’iidaysan kooxaha mucaaradka ah oo ay xukuumadda Suuriya u aqoonsan tahay argagixiso, sharuuda kale ayaa ah in qaramada midoobay hayadaheeda u qaabilsan gargaarka ay wada shaqayn la yeeshaan laannqarayta iyo bisha cas taas oo aan wax hawl ah ka fulin Karin deegaanada ay mucaardku maamulaan. Qaran News
-
Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo sheegay in Komishanku ay soo saari doonaan waxa uu Muuse Biixi Doonayo London(Qaran)-Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay London ayaa dhaliilay komushanka doirashooyinka oo uu tilmaamay inay ku shaqeynayaan wuxuu madaxweyne Muuse Biixi doonayo. Waxa kaloo uu sheegay in Komishanka aanu ka sugayn caddaalad balse ay soo saari doonaan waxa uu madaxweynuhu doonayo. Caaqil Rashiid Jaambiir wuxuu ku booriyay qurbajooga taageera mucaaridka inay dhaqaale u huraan isbeddel doonka xisbiga WADDANI. Waxaanu ballan qaaday in iyaguna ay dalka ka dhalin doonaan isbeddel lagu reeyo oo nabadgelyo ku dhisan. Caaqil Rashiid Jaambiir wuxuu beelaha Isaaq u sheegay inay khaladkiisa u sheegaan Madaxweyne Muuse Biixi. Qaran News
-
Moscow (Caasimada Online) – In the shadow of the Wagner Group’s failed uprising against Vladimir Putin, a tension-filled specter looms over Turkey and Russia. This rising discord threatens the renewal of a vital agreement critical for allowing grain exports from Ukraine through the Black Sea. Turkey and Russia have persistently been at odds over a plethora of concerns ranging from Syria to Libya. However, they have compartmentalized these differences in recent years, enabling President Erdogan of Turkey to navigate a more balanced position on Ukraine. His mediation has led to crucial prisoner swap deals between Moscow and Kyiv and, importantly, a grain agreement that underpins global food prices. Furthermore, Turkey has become a refuge for Russian talent and capital fleeing from Western sanctions. As a testament to the complex nature of their relationship, strains are now emerging in this pragmatic arrangement right on the eve of a key NATO summit in Lithuania. The summit, scheduled to discuss increased support for Ukraine and Sweden’s alliance entry, is currently being impeded by Turkey. Turkey’s possible pivot With Erdogan’s re-election and signs of vulnerability in Moscow, some analysts perceive a possible pivot from Turkey towards increased alignment with the West. Others argue that Turkey strategically places its bets on all sides to ensure maximum gains for its national interests. The litmus test will be whether Turkey’s diplomatic balancing act breaches any of Moscow’s red lines. The resurgence of tensions was instigated by Turkey’s significant decision to let five ex-commanders of the Ukrainian garrison in Mariupol return home with President Zelensky post his Istanbul visit. Dmitry Peskov, the Kremlin spokesman, said this action contravened the prisoner exchange deal brokered last year and protested that Moscow hadn’t been informed. The grain deal In the backdrop of this escalation, talks to extend the soon-to-expire Ukraine grain deal are at a standstill. The Black Sea Grain Initiative, a Turkish-mediated agreement struck in September 2022 and renewed bi-monthly, ended Russia’s blockade of Ukrainian ports, allowing the country to export grain globally. Without Ukraine’s grain exports, global food prices could surge drastically, exacerbating the global cost-of-living crisis and potentially leading to famines in the most vulnerable regions. Russia has mulled over exiting this Turkish-brokered initiative several times. However, a deal has always been forged between Ankara and Moscow thus far. The Kremlin asserts that the grain deal is beyond resuscitation, with only direct talks between President Erdogan and Putin being capable of reviving it, as reported by Russia’s state-owned news agency, RIA. Erdogan and Putin are set to meet in Turkey this August. Signs of a Turkish shift? In the aftermath of the foiled Wagner Group’s coup against Putin and Russia’s catastrophic war losses, it’s speculated that Turkey may perceive a Russian weakness. If so, Ankara could be looking to realign its Moscow policy more congruently with its Western NATO partners, despite the risk of backlash from the beleaguered Kremlin. In the face of severe economic struggles, Turkey might find that synchronizing its policy more closely with the West is safer than pursuing its erratic doctrine of “positive neutrality.” Recently, Erdogan hinted that Ankara would endorse Sweden’s NATO membership in exchange for restarting negotiations on Turkey’s EU accession. An echo from September 2022 reports suggests that if Russia withdraws from the Black Sea Initiative, Turkey and Ukraine may proceed with the grain agreement without Russia’s participation, using Turkey’s significant naval presence in the Black Sea to guarantee the safe passage of Ukrainian export vessels. However, most analysts deem this scenario unlikely due to the implications for NATO’s Article 5 in the event of a direct clash between Turkey and Russia. Despite multiple attempts by The New Arab to obtain clarification on Turkey’s stance from the Turkish Ministry of Foreign Affairs, no response was received at the time of publication. The post A pivot West? Turkey’s realignment amid Russian strains appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, waxaana baaritaan caafimaad loo dhigay Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer. Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil. Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu. War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Israel oo si deg deg ah isbitaal loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hooygiisa Kulan casho ah ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka. Kulanka waxa ka qayb galay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan casho sharafta ah. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan la yeeshay Gudoomiyaashii ka horeeyay appeared first on Puntland Post.
