Tillamook

Nomad
  • Content Count

    2,927
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    23

Everything posted by Tillamook

  1. No. The Expired Cheese has no mandate to call for such a meeting. It is as simple as that...
  2. ^^ Dufaan, saaxiib, stay strong for what is to come!
  3. I admire your sincerity in here. But Cheesy will not run in the upcoming election.
  4. Go’aanka Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saartey mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan xaaladda dalka ee doorashooyinka, muddo kororsiga, waxaana ay ka digtey caqaaqib xumo. War murtiyeedkaani wuxuu ku soo aadayaa saacado ka hor shirka Midowga Afrika u ballan san yahay maanta in ay ka yeeshaan xaaladda dalka. April 22, 2021- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay mabaadiida dowladnimada Puntland si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo kan Dowladda Federaalka ah ee Puntland xubinta ka tahay. Dowladda Puntland sidoo kale illaalisaa masiirka geeddi socodka dhismaha Soomaaliya ee ku dhisan haanka federaalka ah, dimuqraadina ah. Kadib tillaabadii sharki darrada ahayd ee qeyb kamid ah Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday 26 December 2020 ku dhawaaqeen 12 April 2021 ee ay muddo kororsiga ugu sameeyeen hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Golayaasha Puntland waxay wadatashi ka yeesheen xaaladda cakiran ee kala guurka ah ee uu Dalku marayo. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay wadatashi la yeelatay Uruurada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland. Ka dib markii la tixgaliyey go’aankii Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee soo baxay 17 April 2021. Ka dib markii la arkay Xeerka tirsiglisu 10 ee soo baxay 30 July 2000 ee ilaalinaya doorka Puntland ee dowlad dhiska Soomaaliya. Dowladda Puntland iyadoo tixgelinaysa talooyinka hay’adaha Dowladda Puntland iyo qaybaha bulshada, kana duuleysa baahida loo qabo ilaalinta midnimadda, xasiloonida iyo horumarka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, qaadatay go’aanada soo socda: Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ma aqoonsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedkoodii ku meel mariyeen waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaankaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo la xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda. 2. Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo. 3. Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020, Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Soomaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee Dowladda iyo Shacabka Puntland. 4. Dowladda Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda. 5. Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowladda Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland. 6. Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya. DHAMAAD Go'aanka Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashada Soomaaliya. - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saartey mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan xaaladda dalka ee...
  5. I am amazed by the desperation of the supporters of the Expired Cheese residing in Villa Somalia. Galbeedi, sxb, if I were you I’d cut my loses sooner than later. Useless Farmaajo is politically doomed!
  6. And a Confederacy it shall remain until they centralist supporters come to their sense. Puntlanders aren’t naive. While federalism might the law of the land, we always knew it would take time for all stakeholders/Somalis to come around to embracing it. And so we are in it for the long haul, unlike the centralists who are always deluding themselves. May Garacad, Puntland, Somalia prosper and May all other Somalis learn from it.
  7. Kinshasa: Farmaajo oo dalbadey in shisheeye soo farogeliyo xaaladda Soomaaliya Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee weli xafiiska jooga, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii xalay gaarey magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Kongo (ex-Zaire). Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatey Madaxweynaha DR Kongo Félix-Antoine Tshisekedi , kulanka oo ah mid gaar ah oo qaatey muddo laba saacadood ah, ayaa si weyn looga hadley Xaaladda Soomaaliya, maadama Madaxwenaha Dr Kongo hadda uu yahay Madaxweynaha Midowga Afrika. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada DR Kongo ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Félix-Antoine Tshisekedi uu soo dhaweeyey ujeedka iyo dalabka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah in uu soo dhex galo xaaladda Soomaaliya isaga oo isticmaalaya awoodisa Midowga Afrika, xaaladda Soomaaliya waa mushkilad Afrikaan ayaa lagu yiri warka waana in Afrika ay xalisataa mushkiladaheeda. Warka ka soo abxasy Madaxtooyada Dr Congo ayaa lagu yiri Tshisekedi wuxuu soo dhoweeyay habka uu u wajahayo Maxamed Cabdullaahi Maxamed ee ah in uu albaabada u furo AU iyo inuu la xiriiro dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo cadaalad waarta. Farmaajo ayaa si weyn ugu doodi jirey in xaaladda Soomaaliya aysan shisheeye soo fara gashan karin, waxaaana hadda muuqata in uu dalab toos ah u geeyey Midowga Afrika oo ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya isla markaana ilaaliya halbowlayaasha Dowladdau ku taagan tahay. Waxaa la is weydiinayaa sida Madaxweyne Tshisekedi uga qaybqaadan karo arrimahan, ma shir Soomaaliyeed ayaa Kinshasa laga furayaa oo waxaa halkaas ka soo bixi doona wax u eg kampala Accord uu ku bixi jirey Farmaajo 2011, mise si kale ayuu u wajahayaa. Horseed Media Kinshasa: Farmaajo oo dalbadey in shisheeye soo farogeliyo xaaladda Soomaaliya - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee weli xafiiska jooga, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii xalay gaarey...
  8. Maxay tahay sababta Farmaajo u dalbadey kulanka Musharixiinta? Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ku ekaa 8 Febaraayo, kadibna samaystey muddo kororsi labo sano ah, ayey soo wajahdey ciriiri siyaasadeed iyo khalkhal amni, taas oo caqabad weyn ku ah mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo sida ay ugu meel mari lahayd in uu dalka labo sano oo aan sharci ahayn sii xukumo ama uu dib ugu laaban lahaa miiskii wada hadalka doorashada ee uu albaabkeedi xiray. Arrinta ugu weyn ayaa ah warka habeenkii xalay ka soo yeeray Farmaajo ee ah in u doonaayo in uu la kulmo Midowga Musharixiinta oo hadda ku haya cadaadiska ugu weyn. Labada Madaxweyne Dowlad goboleed ee gacansaarka la leh Farmaajo, kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa dhankooda soo wajahay culeys siyaasaded kuwaas oo noqdey hashii laba midigluhu dheelmay. Midowga Musharixiinta ayaa u direy Qoor-qoor iyo Guudlaawe in ay laba mid soo galaan oo caddeeyaan mowqifkooda ku aadan labada sano ee Farmaajo xilka kororsadey, haddaba kulan ay habeenkii xalay Farmaajo la qaateen ayey kala soo laabteen codsi ay uga sidaan oo ah in ay wada kulmaan Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta si masiirka dalka looga wada hadlo. Arrintan ayaa la is weydiinayaa danta Farmaajo kalahaa.? • Waxaa la ogaa in Madaxweynayaashii hore oo hoggaamiya Midowga Musharixiinta ay Farmajo isugu yimaadeen aaskii Cali Mahdi Maxamed, laakiin isaga oo aan salaanta ka qaadin uu dib u laabtey. • 18 Febaraayo waxa uu Madaxweynayaashii hore ku xabadeyey Hotelkii ay deganaayeen oo uu ku go’doomiyey, iyada oo Xassan Sheekh Maxamuud sheegay in ay ahayd dil ay ka badbaadeen, halka 19 Febaraayo uu xabbad la dhacay dadkii mudaaharaadaayey oo ay kamid ahaayeen raysalwasaarihii hore oo hadda kamid ah Musharixiinta. • Wuxuu Farmaajo diidey dalabayadii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee ah in talada wax laga siiyo Midowga Musharixiinta ee u hadda doonaayo la kulmo. • Intaas oo arrimood oo taagan, ayuu ALBAABKII wada hadalka si toos ah u xirey isaga oo dalabdey in muddo laba sano ah mudada loogu daro, taas oo qaraar ku soo saareen mid kamid ah labadii Aqal ee doortey, Golaha Shacabka ee muddo xileedku ka dhamaadey, taas oo dab iyo baasiin qabad siisey xaaladda dalka una jiheysey waddo mugdi ah. Haddaba sida ay sheegayaan ilo ku dhaw Wakiilada Beesha Caalamka, habeenimadii 12 Abril 2021 ayaa Farmaajo la hadley wakiilada Beesha Caalamka waxaana uu u sheegay in uu mudada kororsanaayo laba sano, caqabadda ugu weyn ay tahay iyaga (Beesha Caalamka) oo ay ka daayaan farogelinta, wuxuu u sheegay marka uu kororsado la heshiin doono ugu horreyn Midowga Musharixiinta, kadibna uu u gudb doono Puntland iyo Jubaland. Maalintii shalay ayaa Farmaajo oo aan ahayn kii dhihi jirey fadhigeyga hala iigu yimaado, qabkiisina meel soo dhigtey, waxaa looga yeeray Xalane, waxanaa uu shir la qaatey kooxda la isku yiraahdo C6+ ee ay kamid yihiin UNSOM, IGAD, AU, EU, UK, US, Sweden, Italy. Kooxdan ayaa kala hadley sida aysan marnaba u aqbaleyn muddo kororsi, sida ay horey u sheegeen iyo tallaabooyinka ay qaadayaan haddii aan dib loogu laaban 17 September heshiiskii ahaa oo ah xalka keliya ee dalka u furan. Farmaajo oo isticmaalaya tabihiisi uu horey ugu sheegay ayaa ku doodey in uu la ballansan yahay Midowga Musharixiinta heshiisna ay gaarayaan, si lamid ah Deni iyo Madoobana uu heshiis la gaarayo Baarlamaanka dib u mideynaayo, laakiin wakhti la siiyo. Haddaba kulanka uu doonaayey in musharixiinta la qaato ayaa ah in uu Wakiilada Beesha Caalamka ee cadaadiska ku haya u muujiyo in Soomaalidu ay heshiin karto kuwii ay aadka u kala fogaayeena uu miiska soo fariisiyey, sidaas darteed loo baahan yahay in ay isaga uga danbeeyaan arrimaha Soomalida. Laakiin, Midowga Musharixiinta oo garanaya qofka uu Farmaajo yahay, ayey ku gacan sayreen la kulankiisa, waxaana maanta hor yaala saddex daran mid dooro. • In uu waxba kama jiraan ka soo qaado qararaarkii Baarlamaanka, taasna waxa uu u baahan yahay in uu helo sabab iyo wax uu wejigabaxa isaga dhaqo (face saving) • In uu is casilo una daneeyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, si dalka doorasho degdeg ah loogu jihooyo. • Wixii intaas ka soo harey waa in uu dalka dib ugu celiyaa wadadii dagaalka, qaxa iyo rafaadka lahayd ee isagu aanu markhaantiga ka ahayn, wixii dhacay keliya in uu ka daawado shaashadaha caalamka maahee. Maxamed Cismaan Horseed Media Maxay tahay sababta Farmaajo u dalbadey kulanka Musharixiinta? - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ku ekaa 8 Febaraayo, kadibna samaystey muddo...
  9. Lol@ “Ninkan iyo cidii ka dambeysay ha la soo qabto.” Soomaali baa waa hore tiri, “habar fadhidaa lagdin la fududaa “... Guulwade.com
  10. Gudhuu boy and Galbeedi, if everything you say is true, then you so-called “nationalist” can rest easy. Useless Farmaajo has got this, lock, stock and barrel..
  11. ^ You. You are all he needs to stay in power.
  12. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho ka dhoofay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofey magaalada Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatey bil ay ku joogeen halkaas, waxaana safarkoodu yimid kadib markii ay kulan gaar ah la qaateen wakiilo ka socdey Beesha Caalamka, sidoo kale waxay shir la qaateen Madaxda Madasha Badbaado Qaran ee dhawaan la dhisey. Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isticmaalaya Golaha Shacabka ee xilkiisu dhamaadey ayaa gebi ahaanba soo xirey albaabkii wada hadalka. Madaxweyne Deni iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa maanta kulan la qaatey wakiilo ka socdey Beesha Caalamka ee wadey isu soo dhaweynta waxaana ay u sheegeen in Mowqifkooda ku aadan wixii ka dhacay Golaha Shacabka ay ku soo saaratyaan bayaan madashau u dhan tahay, oo aysan sinaba u aqbali karin muddo kororsi sharci darro ah iyaguna ay dib ugu laabanayaan deegaanadoodi, ayna ka xun yihiin wakhtigii dheeraa ee Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ka khasaariyey. Waxaa gebi ahaanba is xirey albaabkii wada hadalka, waxaana la sugayaa sida Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u dhaqaajiyo muddo kororsiga. Horseed Media Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho ka dhoofay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofey magaalada Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatey bil ay ku...
  13. No lie here, mate. Deni went to Mogadishu to put to an end Useless Farmaajo's shenanigans after he rightfully turned down the Expired Cheese’s last wish of “Garowe iii geeya”.
  14. Waa runta, qashinkaan dad masaakiin ah inuu nagu dambaajiyo ayuu doonayaa marka iska daa ha iska gudhuu gadhaa yiraahdee intuu aaminsanyahay niikadiisa inuu Farmaajo kusii joogi doono.
  15. Ha ha ha... Dubbe, reminds me of SOL’s Suldaanka!
  16. “Mida kale ma adiga mise Reer kalitalis baa Somalia isku keenay? Ma adiga Mbagathi Somalida dowlad ugu dhisay? Ma adigaa ciidamo dowlado kale usoo diray si ay ukala ilaaliyaan Soomalida dhexdeeda? Ma adigaa lacag kubixiya ciidamada intaas ay tababarayeen? Xageese jirtay markii Ninkaan Farmaajo ladhahayo uu askari Yugandhiis xukunka iska tiri kuyiri adeer?” Su’aalahaas anaa ka jawaabi kara: Wuxuu ku maqnaa Quule iyo bakhti kale oo aan lagaraneyn cunitaankooda. Saaxiib, weligood ha calaacalaan. Somalia’s federal train will run over the Expired cheesy Charlatan in Villa Somalia. And what then for the gudhuu gadhaa bootyclapper and the hapless illayar Gooni? Of the two, my guess is Gooni will live to die another day—after all dblock family might squabble over politics but weligood iskuma talax tagaan— but as for the gudhuu creature in here...I really pity his inconsequential status in Somali affairs. Always supporting Somalia’s regressive politics from the days of the civil war until now, and what has he reaped from it thus far... millions of dead due to conflict and starvation. When will this slow witted creature understand that in Somalia, federalism is the only political form of government whereby his minority rights can be better protected compared to a centralized form of governance where the other bigger clans constantly fight over who controls the government. Has he forgotten the African proverb which says, “when two elephants fight, it is the gudhuu, I mean the green grass that suffers”
  17. Gudhuu gadhaa gudhuu gadhaa... Walaale wakhti ha iskaga luminin afaaraha rag aadan waligaa gaari doonin ee orodoo caruurta baryahaan lagu qasho Baydhaba ka bad baadi dad qalatada aad isku abtirsiga tihiin... If your endless bootyclapping for the expired piece of cheese in Villa Somalia isnt definitely a sign of misplaced priorities, I don’t know what is.
  18. I do miss the audacity of the Tigray who dared to tell us in here how we Somalis should run our country...
  19. Shirkii Afisyooni Oo Maanta Baaqday Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee maanta oo Talaado ah lagu waday inuu dib uga furmo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday. Dib u dhaca shirka ayaa waxaa sababay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay safar ugu ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Madaxda ayaa la filayaa inay shirka isugu soo laabtaan berri oo Arbaco ah 07/04/2021, halkaasna kasii wadi doonaan shirka oo looga hadlayo ajandayaasha shirka guud ee xalinta khilaafka doorshada. Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa weli is mari la’, illaa iyo hadda labo cisho oo ay fadhiyeen wax horumar ah lagama sameyn shirkooda, waana tan keentay in shirka rajo xumo laga muujiyay. Horseed Media Shirkii Afisyooni Oo Maanta Baaqday - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee maanta oo Talaado ah lagu waday inuu dib uga...
  20. Waryaa gudhuu boy, haka leexan su’aasha oo si toos ah u abaar! Maxaa cadeyn ah baad u heysaa inuu Xasan Sheikh been ku hadley?
  21. Gudhuu boy, maxaad ku cadeenaysaa inuu madexweynuhu been sheegay?
  22. Maxaa Ka cusub Shirkii madaxda uga socday Afisyooni? Waxaa magaalada Muqdisho ku soo idlaaday shirkii wadatashi ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada kaasoo maanta ay ahayd maalintii labaad ee uu qabsoomo. Shirka maanta oo wax badan aan uga duwanayn kii ka horreeyey ee shalay ayaa lasoo warinayaa in madaxda ay isku mari waayeen qodobada qaar oo miiska saarnaa. Shirkan oo hordhac u ahaa shirweynaha ballaaran oo loo madlanyahay xalna looga gaarayo khilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada dalka ayaa labada maalmoood ee shalay iyo maanta lagu lafaguray tabashooyinka dhinacyada, iyo habka loo wajahayo qabsoomidda doorashada dalka. Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in madaxda ay maanta isku mari waayeen qodobo ay kamid yihiin Awoodaha madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka iyo ka qeybgalka shirka ee Musharixiinta mucaaradka iyo gudoomiyaha Aqalka sare ,qodobadaas oo ay soo jeediyeen madaxda Puntland iyo Jubaland hase ahaatee noqday kuwo adag keenay ismari-Waa. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jamac Yuusuf Dabaraani oo bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa sheegay in loo ballamay in laysugu yimaado shir kale maalinta Talaadada ah ee soo socota taariikhduna tahay 6_April. Ismari-waaga shirka maanta ayaa imaanaya xilli si weyn loo hadal hayey in natijo la’aan uu iyo aamusnaan uu maalntii labaad shirku qabsoomo. Horseed Media Maxaa Ka cusub Shirkii madaxda uga socday Afisyooni? - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Waxaa magaalada Muqdisho ku soo idlaaday shirkii wadatashi ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowlada Federaalka...
  23. Wararkii ugu dambeeyay Shirka Afisyooni Waxaa saaka lagu wadaa in uu Teendhada Afisyooni ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda dowladd Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah kaasoo heshiis looga gaarayo Ajandaha shirka rasmiga ee arimaha doorashooyinka ee soo socda. Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Wakiilada Beesha Caalamka ayaa noqonaya iskudaygii ugu dambeeyay ee ay isku soo hor-fariisanayaan madaxda Soomaalida tan iyo shirkii Dhuusomareeb oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ay ku kulmaan. Ajandaha ugu weyn ee shirka saaka furmaya ayaa noqonaya ka doodista qodobo ay kamid yihiin heshiiskii gudiyada Farsamo ee Baydhabo iyo Awoodaha iyo sharciyada Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo ah qodobada ugu adag ee ay miiska soo saarayaan madaxda Puntland iyo Jubaland. Gudiyo Farsamo oo ka kala socda dhinacyadan ayaa xalay kulan ku yeeshay Xerada Afisyooni kulankaas oo ay uga arinsadeen habka loo sugayo Amaanka shirka maanta Furmaya. Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa sida qorshuhu yahay sugaya amaanka Teendhada uu shirku ka furmayo ee Afisyooni taasoo qeyb ka ahayd Qodobadii xalay ay gudiyada shiray ku heshiiyeen. Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa lagu wadaa in ay shirkooda iskula meel dhigaan Abuuridda kalsooni iyo jawi saamaxaya amba qaadidda shirarka lagu soo afjarayo khilaafka arimaha doorashooyinka ,Wakiilada Beesha Caalamka ayaa siweyn u dhowraya waxa kasoo baxa shirkan oo ay iyagu casuumadda leeyihiin. Horseed Media Wararkii ugu dambeeyay Shirka Afisyooni - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Waxaa saaka lagu wadaa in uu Teendhada Afisyooni ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda dowladd Federaalka iyo...
  24. Gudiyo Farsamo oo ka socda Madaxda oo hada shir ku leh Teendhada Afisyooni Teendhada Afisyooni waxaa hadda shir uu uga socdaa Gudiyo farsamo oo ka kala socda madaxda shanta dowlad goboleed iyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Sida aan xogo ku helayno shirka ayaa looga arinsanayaa habka loo sugayo amaanka shirweynaha Beri ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Muddo todobaadyo ah oo ay Muqdisho kuwada sugnaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka waxaa guuldareystay shirka arimaha doorashooyinka ee lagu soo afjari lahaa caqabadaha iyo khilaafka jira, Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hormuud u yahay James Swan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Beri isla markaana ku casuumay madaxda shirkan. Gudiyadan Farsamo ee hada ku shiraya Teendhada Afisyooni ayaa la filayaa in ay isla meel dhigaan qaabka uu u dhacayo shirka iyadoo xoogga la saarayo amaanka. Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa sugaya Amaanka shirka beri ka furmaya teendhada Afisyooni ,dhankooda ciidamada sugaya amaanka Madaxda ayaana lagu wadaa in loo asteeyo goobo gaar ah sida ilo wareedyo ay tibaaxayaan. Horseed Media Gudiyo Farsamo oo ka socda Madaxda oo hada shir ku leh Teendhada Afisyooni - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Teendhada Afisyooni waxaa hadda shir uu uga socdaa Gudiyo farsamo oo ka kala socda madaxda shanta dowlad goboleed...