Tillamook

Nomad
  • Content Count

    2,927
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    23

Everything posted by Tillamook

  1. Mudane Maakhiri, with your exhibition of rearing and hind leg walking that I see ; I presume you’ve had enough of Useless Farmaajo and setting yourself up to bail on the poor bozo any minute now...tsk tsk tsk!
  2. Shirka Baydhabo oo looga hadlayo 3dii qodob ee caqabada ku noqday Doorashada Soomaaliya Guddiga ka socda Dowlada Federaalka, Dowlad Gobaleedyadda iyo Gobalka Banaadir ayaa xalay xili danbe isla gaaray kulankoodii ugu horeeyey oo ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo. Shirka guddiga oo shalay gelinkii danbe ka furmay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay ka qeyb galay Raysalwasaare Rooble oo dhanka foogaan araga kaga qeyb galay, sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa xalay guddiga shir gaar ah la yeeshay. Arrimaha ugu muhiimsan ee guddigan loo saaray ayaa ah inay xal kasoo gaaraan sadexdii qodob ee caqabada ku noqday doorashada Soomaaliya oo ay si weyn isugu khilaafsan yihiin Villa Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya. 1- Xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka 2- Xubnaha Guddiga Doorashada Somaliland 3- Maamulida Gobalka Gedo ee Jubbaland State Wasiirka Dastuurka ee Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo kamid ah xubnaha guddigan ee metalaya Dowlada dhexe ayaa loo magacaabay shir gudoonka kulankan socda, wuxuuna Wasiirka sheegay in shirkooda uu ku bilowday jawi wanaagsan isla markaana ay go’aanada ku gaari doonaan hab isu tanaasul iyo wadar ah. Waxaa gebi ahaan fashilay shirkii uu Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku baaqay inuu magaalada Garowe ka dhaco maalintii shalay ee 15kii Feberaayo, kadib markii Puntland soo jeedisay in shirkaasi lagu qabto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta in lasii wado wadahadalka ayaa soo jeedisay inaysan caqabad ku noqon wadahadalka halka shirka uu ka dhacayo, xili Villa Soomaaliya ay si adag u diidan tahay baaqyada uga imaanaya Puntland, Jubbaland, Aqalka Sare iyo Ururada Bulshada Rayidka oo ku baaqay in shirka la balaariyo oo laga qeyb geliyo Saamileyda siyaasada isla markaana madasha noqoto magaalada Xamar. Hanad Askar Horseed Media Shirka Baydhabo oo looga hadlayo 3dii qodob ee caqabada ku noqday Doorashada Soomaaliya - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Guddiga ka socda Dowlada Federaalka, Dowlad Gobaleedyadda iyo Gobalka Banaadir ayaa xalay xili danbe isla gaaray...
  3. ^ Touche! Now, say that again in the gudhuu language so I may understand how well you’ve internalized the stigma you feel when you hear the mention of the term “gudhuu” !
  4. Illaahey ha u naxariisto, samir iyo iimaan Illaahey ha siiyo ehelkiisi.
  5. Lol@ Galbeedi who says: ”Ninkaas wareeray ee meel uu dhaqaaqa garan la' ayey ku odhanayaan waa dictator. “ Galbeedi, Ma maantaad ogaatey bar caaqiiba ah inuusan laheyn odeygii Saaxiib kaa ahaa ee Farmaajo? In any case, Garoowe ii geeya wuxuu Farmaajo u leeyahay waa un wakhti dhumis and I wouldn’t advise the Puntland government to oblige the hapless creature.
  6. History will forever hold to public ignominy the last months of Useless Farmaajo’s tenure in Villa Somalia. Sheekadii “Farmaajo ii geeya” waxay isku soo biyo shubatey Useless Farmaajo oo maanta ku hadaaqaya “Garoowe ii geeya!”... Useless Farmaajo has wasted enough of the time and energy of the Somali people. All Somali political stakeholders should fly to the national Federal capital of Mogadishu and begin the necessary proceedings to elect a new Federal government.
  7. Ha ha ha h Niic-badane, Useless Farmaajo baad weli rajo ka qabtaa miyaa? Lol lol@ “Somalia no exist therty years in this planet!” Classic...
  8. Shirkii Dhuu Samareeb oo lagu kala kacay SHirkii ka socdey magaalada Dhuu Samareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu kala kacay kadib markii lagu heshiin waayey doorashada Jubaland lagu qabanaayo. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo xalay saq dhexe la hadley saxaafadda ayaa sheegay in shirku natiijo la’aan ku dhamaadey, waxaana uu ku doodey in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul ka sameeyey saddexda qodob ee la isku hayey laakiin dhanka Axmed Madoobe Madaxweynaha JUbalabnd laga waayey wax tanaasul ah. Axmed Madoobe ayaa sheegashadaas ku tilmamey mid aan waxba ka jirin. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu maanta oo Sabti ah Baarlamaanka u jeedinaayo khudbad ku aadan xaaladda dalka. Horseed Media Shirkii Dhuu Samareeb oo lagu kala kacay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET SHirkii ka socdey magaalada Dhuu Samareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu kala kacay kadib...
  9. Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirka Dhuusamareeb Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu galay marxalad xasaasi ah galay. Madaxweynaha Jubbaland ayaa labo goor ka baxay shirka Dhuusamareeb kadib markii loosoo bandhigay heshiisyo hoose si uu uga tanaasulo arrinta muranka badan dhalisay ee gobolka Gedo. Axmed Madoobe ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo, sida uu baahiyey tv-ga Jubbaland. Warar hoose oo ay Horseed Media heshay ayaa sheegaya wakiilada beesha Caalamka ee taageera dowaldda Soomaaliya inay wadaan dadaalo lagu joojinayo kulanka berri ee 6da bisha febraayo uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya, kahor inta aan xal buuxa laga gaarin arrimaha la isku khilaafsan yahay. Horseed Media Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirka Dhuusamareeb - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda...
  10. Warbixin ku saabsan Shirka Dhuusamareeb Waxaa maanta furmey shir hordhac ah oo looga hadlaayo gudagalka shirka iyo ajandaha, kaas oo ka soo qaybgaleen dhamaan dhinacyada Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Dowlad goboleedyada dalka. Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa qaba in mudada shirka aan lagu soo xadidin saddex maalmood ee loo daayo inta shaqadu ku dhamaaneyso, meeshana laga saaro saddexdii maalmood ee Madaxweyne Farmaajo shirka u qabtey, sidoo kale waxay dalbanayaan in Madaxweeynuhu joogo ilaa natiijada shirka oo uu baajiyo ballanta uu isugu yeeray Baarlamaanka 5 Febaraayo. Dhanka kale labada maamul ayaa tageersan qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka sare oo si iskiis ah u dalbadey in shirka lagu casumo, waxaana ay qabaan in labada guddoomiye shirka ka soo qaybgalaan. Arrimahan ayaa hordhac u ah in la gudo galo jadwalka shirka oo ahayd in wax laga qabto ilaa saddex qodob oo caqabad ku noqdey taabbogelintii heshiskii ay wada gaareen 17 Siteembar 2020. Waxaa jirta rajo xumo weyn oo laga muujinaayo in shirkaani uu miro dhal noqdo marka la eego qodobada ku xeeran ka hor gudagalka shirka ajandihiisa, iyo mudada aadka u yar ee u harsan Madaxweyne Farmaajo in uu helo qorshe lagu beddelo 8 Febaraayo. Wakiilada beesha Caalamka ee taageera Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegaya in aan wax laga beddeli karin heshiiskii 17 September, sidoo kale ay indhaha ku hayaan kuwa caqabadda ku noqda doorashada. Horseed Media Warbixin ku saabsan Shirka Dhuusamareeb - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Waxaa maanta furmey shir hordhac ah oo looga hadlaayo gudagalka shirka iyo ajandaha, kaas oo ka soo qaybgaleen...
  11. ^ Ka dar oo dibi dhal! Niicda-yaree, saaxiib. Useless Farmaajo iska hoos fadhi sidii Ey rabaayad ah. Waxaad ka heshidna waxba ha iga siin.
  12. Wakiilada Beesha Caalamka oo shir la qaatey Farmaajo Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in ay gaareen qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminaayo James Swan ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto uu shirka ka maqan yahay, sababta ayaa lagu sheegay in safiirku madaxda Soomaalida ku qaabili karo oo keliya Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo aaga Xalane, taasna ay keentey in uu ka haro. Arrinta ugu weyn ee laga hadlaayo ayaa ah, sidii uu u furmi lahaa shirka Puntland iyo Jubaland ay ku baaqeen, looga hirgelin lahaa heshiiskii Sept 2020. Doorashada in la qabto waa mid lagu khasban yahay, wakhtigeedi waa dhaaftey, saaxiibada Soomaaliya ee taageera waa diidan yihiin doorasho dhinac keliya qabto, ama in la sameeyo waddooyin kale oo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya oo mucaaradku sameeyo, sidaas darteed ayaa lagu khasban yahay in shir la isugu yimaado, taas oo uu diidanaa Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaase muuqata in aysan furneyn waddo kale oo aan ka ahayn in la isu yimaado. Arrimaha laga wada hadlaayo ayaa ah. 1. Guddiga Doorashada sidii looga dhigi lahaa kuwo dhex-dhexaad ah loogana saari lahaa xubnaha qaarkood. 2. Sidii Gobolka Gedo laga yeeli lahaa 3. Guddiga doorashada Somaliland, inkasta oo qodobkan uu ku jirey habraacii doorashada ee Madaxdu isla ansixiyeen. Waxaa hadda soo kordhey qodob kale oo ah 13 Xildhibaan ee Gobolka Banaadir la sheegay in ay Aqalka sare ku yeelanayaan. Haddii caqabadahan laga gudbo waxaa lagu khasban yahay in jadwal cusub loo sameeyo Doorashada. Horseed Media Wakiilada Beesha Caalamka oo shir la qaatey Farmaajo - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in ay gaareen qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka oo uu...
  13. Useless Farmaajo baad weli rajo ka qabtaa miyaa? Lol Gooni, saaxiib, stop deluding yourself! That Cheese is toast!
  14. Tillamook

    Hiil Walaal

    Useless Farmaajo is turning into a classic cheese toast! ( Pun intended)
  15. Dedaaladii u danbeeyey ee qabsoomidda Doorashada Soomaaliya -WARBIXIN Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (lafta-gareen) ayaa yimid magaalada Muqdisho, waxaana uu ka qayb qaadan doonaa dedaalada u danbeeyey ee la doonaayo in lagu xaliyo caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskii Muqdisho 17 September 2020 ee qabashada doorashada Baarlamaanka. Laftagareen ayaa kulamo la qaadan doono wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan, sidoo kale waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaybo kamid ah Musharixiinta mucaaradka ah ee Muqdisho ku sugan. Wararku weaxay sheegayaan in 48 saac ee soo socda uu yahay kala bax ku aadan in la qqabto doorasho loo wada dhan yahay iyo in qaybo kamid ah dalka ay doorasho galaan. GALMUDUG Wararka laga helaayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo diyaar garow lagu soo dhaweynaayo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wefdi uu hoggaaminaayo, waa safarkii labaad ee uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho tan iyo bilashada sanadkan cusub 2021, Safarkiisa ayaa la xiriira dardargelinta gargarka bini’aadanimo, arrimaha hormarinta iyo sidii heshiis looga gaari lahaa doorashooyinka. SHIR MIYAA LA ISUGU IMAAN? In shir danbe la isugu yimaado waxaa aad u xujeynayey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana wararku sheegayaa in ay u dhawdahay in shir la isugu yimaado, inkasta oo aan la caadeyn halka lagu qabanayo. Dowladda federaalka oo aad uga soo horjeedey in shir la isugu yimaado isla markaana kua dkeysanayesey in la fuliyo wixii lagu heshiyey ayaa hadda ka soo debecdey mowqifkiidi hore waxaana ay hadda ka dalabanayaan in Deni iyo Madoobe soo magacabaan xubnaha guddiga doorashada, kadibna shir la isugu yimaado, wixii laga beddeli karo guddiga si guud looga wada beddelo. Haddii heshiis la gaari waayo 48 saac ee soo socota ayey u badan tahay in saddexda Dowlad goboleed ee kale ay qabtaan doorashada Aqalka sare. Mdaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor ayaa la shegayaa in uu doonaayo in uu badbaadiyo qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee hadda fadhiya in mar labaad dib loo soo doorto si culeyska qabashada doorashada aan loo dhameyn haddii uu qabto uga yaraato. Horseed Media Dedaaladii u danbeeyey ee qabsoomidda Doorashada Soomaaliya -WARBIXIN - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Madaxweynaha DOwlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (lafta-gareen) ayaa yimid...
  16. She plans to go one step further. She wants the orangutan in the White House impeached two weeks before his tenure ends. U.S. lawmaker draws up impeachment papers on Trump after mobs storm Capitol | Reuters WWW.REUTERS.COM A Democratic congresswoman on Wednesday said she was drawing up articles of impeachment against...
  17. So what did Culusow say about Sool and Sanaag per se? Can anybody in here, who does not have his head stuck up his arse, care to particularize the former President’s remarks?
  18. Cringing and cowardly to the core by nature, our resident gudhuu creature of SOL would rather expose his abject sycophancy and crawl upon the ground before Useless Farmaajo rather than venture to support accountable federal institutions that have a broad base of support from all Somalis.
  19. The only statement of note to me in this long screed of calaacal was ...”Concomitantly, the ruling clique relies on a raft of internet trolls to advance their hegemonic narrative and attack anybody who may offer a different interpretation of the ongoing conflict and encourage peaceful political solutions instead of violence. Interestingly, the three social media camps most active supporting the war on Tigray can be loosely characterized as Amhara nationalists, pan-Ethiopian nationalists who are nostalgic for the country’s “glorious” past, and Eritrean trolls. This informs us of which political base the PP government has in Ethiopia” I wonder what my fellow SOLers view on said statements are?
  20. Culeysyo hor leh oo kusoo kordhay doorashada Somalia Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa faah faahiyay qodobada la isku diidan yahay ee doorashooyinka dalka iyo culeysyada xilligan ku soo kordhay doorashooyinka uu muranka badani hareeyay. Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay intii muddo ahba in uu la socday arrimaha doorashooyinka, uuna ka mid ahaa dadkii wax ka qoraayay, isla-markaana ay xilligan shan qodob yihiin qodobada ugu muhiimsan, ee heshiiskii shan iyo tobanka qodob ka koobnaa, ee 17-kii bishii September ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku wada gaareen Magaalada Muqdisho, Baarlamaankuna uu ansixiyay. Isagoo ka qayb qaadanayay Barmaamijka Doodda Jimcaha (Waxa ay ila tahay) ee BBC ayuu kaga waramay qodobadan iyo sida ay qaarkood caqabad hor lihi ugu noqdeen doorashooyinkii dalka. “Waxa hadda la isku hayaa waa uun shan qodob oo keliya. Qodobka 1aad waa guddiyada maamulaya ee dadka tartamaya u garsooraya, sida ay ku imaanaayaan iyo halbeygyada laga rabo inay buuxiyaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi Cilmi. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Qodobka 2aad-na waa magaalada labaad, hadda Garbahaarey uun baa aad afka loogu hayaa, laakiin waxaa soo baxday runtii culeysyo la xiriira xagga mugga, markii horeba Maamulada Goboladu waxay rabeen uun in Magaalo Madaxda ku qabtaan doorashada, haddana waxaa muuqata in dhibaatooyin ay ka jiraan magaalada labaad intooda badan, Baraawe dheh ama Beledweyne dheh ama xitaa kuwa kale dheh. Markaad fiiriso mushkilo magaalada labaad la xiriirta ayaa timid.” Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa yiri “Waxaa kaloo jirta oo dood culus ka taagantahay Guddiyada Somaliland, maadaama ay xaalad gaara tahay arrintoodu iyo cidda xaqa u leh inay maareyso iyo arrimo noocaasoo kale ah. Waa qodob ay isku hayaan dadka siyaasadda hadda ay ka dhaxeyso.” Afyare oo qodobadaan sii faah faahinayay ayaa yiri “Waxaa kaloo ayadana runtii muhiim ah haweenka boqolkiiba soddon (30%) inay hellaan waaye, mab’da guud oo la isku waafaqsan yahay waaye, laakiin kuraastaas marka loo qoondeynayo iyo habka loogu qoondeynayo weli siyaasiyiintu way ka meer-meerayaan, ma cadda.” Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ka waramayay qodobka 5aad ayaa yiri “Qodobka ugu dambeeyo oo ah ergada wax dooraneysa, sida loo soo magacaabaayo. Qodob meesha ku qoran wuxuu leeyahay Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka iyo waxaa isla soo magacaabaya Odayaasha Dhaqanka. Arrintaas waxay abuurtay xooggaa walwal iyo wax boob inay meesha ku hoos jiri karaan.” Maxay yihiin shantan qodob? Prof. Afyare ayaa ku waramaya “Shantaa qodob ayaa aasaas ah oo shantuba ay yihiin fulinta heshiiska mabda’a ah, marka waxaa ila quman inaysan naga ballaaran oo doodda marka aan niraahno, haddii shantaa qodob ay tahay, bal aan qodob qodob u fiirino, oo markaa waxa macquulka ah ee laga abaari karo laga abaaro.” Prof. Afyare ayaa qaba inaanay wax adag meesha oolin, haddii ay biseyl siyaasadeed la yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoona ka digay in khilaafkooda ay ku dhibaan shacabka, dalkana ku geliyaan qalqal siyaasadeed. “Anu waxaan aaminsanahay wax adag meeshaan ma yaallaan, haddii rabitaan jiro, oo nimankan madaxda ah hadda dee ku adkey, ku giiji iyo waxaasaa ka socdo meesha, laakiin haddii rabitaan jiro waxaan wax adag maaha, waa wax si sahlan looga gudbi karo, yaan dadka lagu dhibin, dalkana aan lagu gelin qalqal siyaasadeed,” ayuu yiri Afyare Cabdi Cilmi. Culeysyo hor leh oo kusoo kordhay doorashada Somalia | Caasimada Online WWW.CAASIMADA.NET Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa faah faahiyay qodobada la isku diidan yahay ee...