Tillamook

Nomad
  • Content Count

    2,927
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    23

Everything posted by Tillamook

  1. Guddiga Doorashooyinka FEIT oo soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ( FEIT ) ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga ayaa Awoodda soo xulista Ergada siiyay Odayaasha dhaqanka Beelaha iska leh kuraasta Xildhibaanada iyo ururada Bulshada Rayidka. Sidoo kale Guddiga ayaa shuruud uga dhigay Beeshii kasta ee iska leh 3 kursi in mid kamid ah lasiiyo haweenka Beesha si looga dhabeeyo Qoondada Haweenka. Guddiga ayaa lacagta isdiiwaangelinta Musharixiinta Ragga ah gaarsiiyay lacag dhan $10,000 Doollar halka haweenka musharrixiinta ah la gaarsiiyay $5,000 Doollar. Hadaba Hoos ka akhriso habraaca oo dhameystiran. Guddiga Doorashooyinka FEIT oo soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ( FEIT ) ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha...
  2. Next on the itinerary is the UAE. What say you Mudane Ghuduu-gadhaa?
  3. ^ I and Somalia against the world. I and my clan against Somalia. I and my family against the clan. I and my brother against the family. I against my brother.– Somali Proverb … need we say more?
  4. This is definitely better than digging up the graves of the deceased in northern Somalia. I will have calacaal for secession on T.V over the desecration of the bones and sinews of our dead any day.
  5. Another “ waana la xasuuqey” calaacal, so beesha caalamka baliis Ictiraaf hana la siiyo. Once a hapless, helpless and hopeless h@bar, I guess always a hapless, helpless and hopeless h@bar, eh. Weligiin magacyada aad SOL wax ku qortaan soo kala baddala, the defunct secessionist ideology of some northerners has been fully debunked and has been found wanting. It ain’t gonna happen, so the sooner you accept it the better it will be for your collective mental states of mind.
  6. Markaan arko Gooni niic-badane oo cabaadka iyo catowga badan aan kala joojin kareyn, qosol baa i qabta ! Walaale, waagaad siyaasadda la qabsatid inoo soo laabo, Mudane Gooni. In the meantime, suunqa dhuuqso, calaacalka raqiiska ahna yaree!
  7. Yes, the qabyo dastuur is by design, but I do not consider it a big con like you say, although I can understand the frustrations it causes. Our federal system is slowly being built up from the bottom up and it will take, in my view, a few more election cycles before the constitution gets finalized and fully implemented.
  8. What I find funny is each is using some so-called “qodob dastuuri-ah” against the other. As long as an impartial constitutional court is not in place to adjudicate on matters such as these, Useless Farmaajo can issue as many futile presidential decrees as he pleases and no one will pay heed.
  9. Guddiga Doorashada G/Waqooyi Ee Garabka Cabdi Xaashi Oo Guddoon Doortay Guddiga doorashada Somaliland ee garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhoweyd Guddoon ku doortay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Xubnaha Guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi oo ka kooban 4-xubnood ayaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland u doortay inuu noqdo Suleyman Caydiid Cismaan, halka ku-xigeenka loo doortay Cabdishakuur Abiib Hayir. Doorashadan ay isku doorteen afarta xubnood ee Cabdi Xaashi ayaa kusoo aaday, iyada oo duhurnimadii Maanta Guddiga doorashada Somaliland garabka Mahdi Guuleed ay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa ku doorteen Teendhada Afisyooni. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa loo doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale, waxaana doorashada ka qeyb ahaa saddexda xubnood ee Guddiga ee uu soo magacaabay RW Rooble. Horseed Media Guddiga Doorashada G/Waqooyi Ee Garabka Cabdi Xaashi Oo Guddoon Doortay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Guddiga Doorashada G/Waqooyi ee Garabka Cabdi Xaashi Guddiga doorashada Somaliland ee garabka...
  10. Garab Kamid Ah Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Doortay Guddoon Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa goor dhow Guddoon ku doortay Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Xubnaha Guddiga ee is-doortay oo ka koobnaa 7-xubnood ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, iyagoona cod gacan taag ugu codeeyay, isla markaana waxaa uu helay 7 Cod, mana jirin cid diiday ama ka aamustay. Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Najiib Xuseen Samaale iyo Amal, waxaana ku-xigeenka Guddoomiyaha loo doortay Najiib Xuseen oo helay 6 Cod. Doorashada ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka maqnaa xubnaha afarta ah ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo aan ka qeyb gelin doorashada. Afarta xubnood oo mid ah Guddiga doorashada ayaa diiday inay ka qeyb galaan doorshada hoggaanka Guddiga, waxaana guul-dareystay dadaalo socday oo lagu doonayay in lagu xaliyo tabashada garabka Cabdi Xaashi, balse laguma guuleysan. Goobta ay ka dhaceysay doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Waaiir ku-xigeenka Warfaafinta, Wasiiu-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal. Horseed Media Garab Kamid Ah Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Doortay Guddoon - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Guddiga Doorashada G/Waqooyi ee Garabka Mahdi Guud Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare...
  11. Labo Haween ah Oo Kusoo Baxay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee K/Galbeed. Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, ayaa soo gunaanaday doorashadda shan kursi kamid ah 8-senatar ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Koonfur galbeed. Shanta Senater ee kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ayaa labo kamid ah waxaa ay yihiin dumar, wuxuuna dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya noqonayaa dowlad goboleedkii labaad ee qabta doorashada kuraasta aqalka sare marka laga reebo Jubbaland oo ka horeysay. 5-ta Senater ee ku guuleystay kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka sare ayaa kala ah: 1. Sen. Ayaan Aadan Cabdullahi 1. Sen. Samsam Ibraahim Cali 1. Sen. Aadan Cabdinaasir Maxamed 1. Sen. Xuseen Maxamed Daahir 1. Sen. Maxamuud Maxamed Cabdinuur Horseed Media Labo Haween ah Oo Kusoo Baxay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee K/Galbeed. - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, ayaa soo gunaanaday doorashadda shan kursi kamid ah...
  12. Jadwalka doorashada Aqalka sare ee K/galbeed oo la shaaciyay Kadib markii uu madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu maanta shaaciyay Liiska xubnaha u tartamaya Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la soo saaray jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka sare. Maanta oo sabti ah waxaa la shaaciyay magacyada musharaxiinta, beri oo axad ahna waxaa la qabanayaa codsiyada tartamayaasha halka isniinta oo ku beegan 2-bisha Agoosto kulansaneyso jeedinta khudbadaha musharaxiinta xubnaha Aqalka sare iyo qabashada doorashada,sida ay sheegeen guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed koonfur galbeed. Jadwalka doorashada Aqalka sare ee K/galbeed oo la shaaciyay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Kadib markii uu madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu maanta...
  13. I thought this thread concerned matters of a much more extraordinary kind currently unfolding in the west of western Somalia, or should I grossly mis-spend my time in responding to your droll attempts at derailing the topic at hand?
  14. I agree with you to a certain extent. Whilst I can’t speak for other ethnicities, for the Somalis, it is not a zero-sum game in which we either have to chose a life of misery under occupation or a life of freedom. I believe, of all the ethnicities trapped in what is now called Ethiopia, the Somalis have the most leverage and wherewithal to dictate the terms of their own future. However, the question remains… do they possess the right kind of leadership at this moment that can take advantage of this golden opportunity being presented to them right now?
  15. Mudane Khadafi, I must say I was basking in the reflected glory of your post above, until I got to the part when you remarked, “ Here is the future guys…” which was where I opted to disembark. Unlike you, I do not know the future. But what I do know is that the ethnicities that are referred to —on international maps —as Ethiopia are speedily hurtling to the depths of an inevitable set of circumstances that will lead to endless misery for all of the Horn of Africa for decades to come.
  16. Axmed Madoobe oo casho sharaf u sameeyay Guddiyada Doorashooyinka & Xildhibaannada Aqalka Sare ee la doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Aqalka martida casho sharaf ugu sameeyay Gudiyada hirgelinta Doorashooyinka ee kala duwan, guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ee maanta la doortay. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhamaan dhinacyadan uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen, maalmahii lasoo dhaafay isagoo ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahanyahay inay sii laba jibaaran si arrimaha Doorashooyinka ay ugu dhacaan qaab Wanaagsan. Axmed Madoobe oo casho sharaf u sameeyay Guddiyada Doorashooyinka & Xildhibaannada Aqalka Sare ee la doortay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Aqalka martida...
  17. Jubaland: Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Qabsoontay Waxaa maanta lagu doortay dowlad goboleedka Jubaland xubnihii ugu horreeyay ee aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya, taas oo muujinaysa inay billaabatay doorashada Soomaaliya, kadib dhowr jeer oo dib u dhac kuyimid. Kursiga u horeeyey ayaa waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday. Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibaan. Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 Cod ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 Cod. Ugu dambayn Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey. Afarta Sanatar ee maanta ku guuleystey doorashada ayaa kala ah; 1- Ilyaas Badal Gaboose. 2- Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, 3-Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo 4-Iftiin Xasan Iimaan Baasto Horseed Media Jubaland: Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Qabsoontay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Waxaa maanta lagu doortay dowlad goboleedka Jubaland xubnihii ugu horreeyay ee aqalka sare ee baarlamanka...
  18. Jubaland: Shaacinta Jadwalka Doorashada Aqalka Sare Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo dooranayo Jubbaland. Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri ay bilaabaneyso Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare, ayna ku egtahay isla berri oo Arbaco ah. Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland ay dhaceyso 29-ka July oo ku beegan maalinta Khamiista, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray. Hoos ka akhriso: Jubaland: Shaacinta Jadwalka Doorashada Aqalka Sare - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada...
  19. The ball is in the court of the Oromos and the Amharas. Will the Oromo permit Amhara domination once more? Will the Amhara accept the equality and autonomy of other ethnicities? FAANOOLE FARI KAMA QODNA.
  20. June 28, 2021 Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka Furmay Shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa looga hadlayaa arrimo la xiriira Doorashooyinka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa habka fogaan-arag [Zoom] ugu qeybgalaya Shirka iyadoo la xalliyey tabasho uu ka qabay qabsoomidda shirkan. Qodobada ugu waa weyn ee hada diiradda lagu saarayo Shirka waxaa kamid ah caqabadihii kasoo laabtay heshiiskii Doorashada ee madaxdu ay gaareen 27-Kii May sida mudadii 60 maalmood ee hirgelinta doorashada oo kala bar mudadaas ay tagtay iyo si guud wax ka badalka Heshiiskii Doorasho ee la gaaray 17-kii September. Horseed Media Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka Furmay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu shir...
  21. Xukuumadda oo sheegtay in Guddiyada Doorashada laga saaray Xubnihii la tuhunsanaa ee muranka dhaliyay Go’aankan ayaa imaanaysa iyadoo horey musharixiinta xilka Madaxweyne ay horey u soo gudbiyeen liiska xubnaha cabashada laga qabo kuwaasoo ay tuhmeen in ay kamid yihiin Shaqaalaha ,Ciidanka iyo taageerayaasha dowladda. Wasiiro Gudigan o xalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay baaritaan ay sameeyeen kadib xubnaha ay ku cadaatay eedeynta horey loogu jeediyay intaas kadibna ay go’aansadeen in laga saaro gudiyada Doorashooyinka. Waxa ay sheegeen Guddiga in 48 saacadood gudahood ah lagu soo magacaabayo xubnihii badali lahaa 34 ta xubnood ee guddiyada Doorashada laga saaray. Dhawaan ayeey aheyd markii Midowga Musharaxiinta ay Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyeen Liiska ilaa 67 qof oo ah kuwa tuhun la geliyay dhexdhexaadnimada Doorashada kuwaasoo ka tirsan Shaqaalaha dowladda ,Ciidanka iyo Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo. Horseed Media Xukuumadda oo sheegtay in Guddiyada Doorashada laga saaray Xubnihii la tuhunsanaa ee muranka dhaliyay - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Guddiga Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u xilsaaray kasoo talabixinta Gudiyada Doorashooyinka heer federaal ayaa xalay...
  22. Lol gudhuu power on show! I hope for the sake of Somalia, these people learn to aspire to more than just the speakership of a useless defunct rubber stamp parliament. I hope they can somehow engineer a political deal that enables a gudhuu politician to become the next President of Somalia. Long live gudhuu-land, long live Somalia!
  23. Saalaax, deputy PM Guuleed getting fewer seats than he’d originally anticipated is surely nothing special to write home about. I believe Mudane Xaashi did an awesome job resisting —and finally succeeding in preventing— Useless Farmaajo’s attempts of co-opting all the representation of the h@bros of the north. I guess, at the end of the day, it’s a matter of "Is the glass half empty or half full?”. And I think it's half full, thanks to the brave insistence of Senate leader Xaashi who stood up to the futile ambitions of the Useless Expired Cheese in Villa Somalia.
  24. Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran Ee Doorashooyinka Waxaa war-murtiyeed laga soo saaray shirka wadatashiga qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, halkaasi oo ay ku shirsanayeen Ra’iisul Warasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaaadir. Qodobada War-murtiyaadka ayaa waxaa kamid ah in la bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee doodda dhaliyay,iyadoo muddo toddobaad gudihiis ah lagu magacaabayo isla markaana guddiga ay dooran doonaan hoggaan cusub. In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah. In guddiga doorahada Soomaaliland uu 6Xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare. In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda. In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya. Arinta Soomaaliland Waxaa hogaaminaya Ra’iisul Wasaaraha asaga oo la tashanaya Gudoomiyaha aqalka iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka. Hoos ka akhriso: Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran Ee Doorashooyinka - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Waxaa war-murtiyeed laga soo saaray shirka wadatashiga qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada...
  25. Dufaan, you are so backward ninyahow… Puntland is past the stage when mere political offices such as presidency and premiership would suffice to wield political power in Somalia. After the relentless political thrashing N&N supporters and Useless Farmaajo have gotten from Puntland these past few years, I’m sure you’d agree. I’d personally would like to see one of the laangaab communities of Somalia to get elected this time around for the presidency and/or premiership. Just imagine a hapless h@bar from waqooyiga Soomaaliya as president of Somalia or some other Gudhuu Gareen as PM… SOOMAALIYA HA NOOLAATO