Tillamook

Nomad
  • Content Count

    2,927
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    23

Everything posted by Tillamook

  1. I don’t mean to be a killjoy, but I pity the fools in here who hope Useless Farmaajo gets elected another term. Not gonna happen, hombres..
  2. Xukuumada Rooble Oo Shaacisay Xiliga Lasoo Xirayo Shirka Madaxda Ee Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, Shirka Wadatashiga oo todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wada hadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka. Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in Shirka lagu wado in lasoo xiro maalinta khamiista ee soo socota. ————————————————————— “Ra’iisul Wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” Macalimuu ————————————————————— Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Horseed Media Xukuumada Rooble Oo Shaacisay Xiliga Lasoo Xirayo Shirka Madaxda Ee Muqdisho - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Raysal wasaaraha...
  3. Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Afisyooni Shirka Wadashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta galay maalintii 4aad oo xiriir ah. Madaxda ayaa dood adeg ka yeeshay saddex qodobo oo dhowr jeer fashiliyay shirar looga hadlaayay Doorashada dalka ka dhaceysa uuna ka taagnaa khilaaf , kuwaasi oo kala ah arrinta Guddiyada doorasho, Gobolka Gedo iyo arrinta Somaliland. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Guddiga maareynta doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ay isku hayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka. Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii sabtida ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah galay, waxaana ka qeyb galaya RW Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Horseed Media Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Afisyooni - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Shirka Wadashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida todobaadkaan...
  4. Shirkii Teendhada Afisyooni Oo Maalinkii 2aad Soo Dhamaaday Waxaa maalintii labaad soo dhammaaday Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Shirka oo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii September ayaa Maanta waxaa ay Madaxda uga doodeen qodobada u baahan in xal laga gaaro ee khilaafka uu ka jiro, si loo qabto doorasho xor oo heshiis lagu wada yahay. Afhayeenka Dowlada Puntland Jaamac Dabaraani oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in shirka Madaxda uu maalintii labaad kusoo idlaaday si habsami leh, wuuna tilmaamay inuu sii socon doono Shirka, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kasoo bixi karta. Shirka Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo, isla markaana heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa. Horseed Media Shirkii Teendhada Afisyooni Oo Maalinkii 2aad Soo Dhamaaday - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Waxaa maalintii labaad soo dhammaaday Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul...
  5. Rooble: ” Si wanaagsan ayuu noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Doorashooyinka “ Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirka magaalada Muqdisho uga furmay maanta Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. ————————————————————- “Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.” RW Maxamed Xuseen Rooble ———————————————————— Saacado ka hor ayuu soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah. Horseed Media Rooble: " Si wanaagsan ayuu noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Doorashooyinka " - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirka magaalada...
  6. Shirkii Afisyooni Oo Furmay Iyo Farmaajo Oo Ka Maqnaa Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii koowaad soo gaba-gaboobay. Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin. Qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayuu rajo wanaagsan kaga muujiyey doodaha Shirka Madaxda, isla markaana ay noqon doonaan doodaha kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed. ———————————————————— “Waxaan rajo weyn ka qabaa in doodaha siyaasadu ay noqdaan kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed isla markana dalku uu aado doorasho loo dhan yahay” Axmed Madoobe ————————————————————- Shirkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa ka duwanaa shirarkii hore ee looga hadlaayay doorashooyinka dalka, waxaana Shirka furitaankiisa ka maqnaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamulka Doorashada wareejiyay. Horseed Media Shirkii Afisyooni Oo Furmay Iyo Farmaajo Oo Ka Maqnaa - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee...
  7. Ha ha ha Galbeedi, sxb, the exposure of your venal arrangements with Nabad&Nolol’s CBB financiers touched a raw nerve, huh? Are you embarrassed? Saaxiib, don’t get you knickers in knot. I’m sure your support for Useless Farmaajo isn’t a complete waste of time.
  8. Lol Hada saas leedahay miyaa? Waagaad u guulwadeenaysey maxaad runta ugu sheegi weyday? Or was the money still flowing back then?
  9. That article is merey a futile craven attempt by Farmaajo to justify his uselessness, political ineptitude and inability to lead. What a small man Farmaajo is!
  10. Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay Dhex dhexaadnimada RW Rooble Warsaxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta isla markaana loo diray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay Golaha uu walaac ka qabo in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad ka noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanaya dibadda. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in uu muujiyo Madax banaanidiisa hirgelinta arimaha Doorashada ee dhaaftay wakhtigii loogu talagalay iyagoo ugu baaqay in uu joojiyo safarada dibadda ee aan muhiimka ahayn isla markaana uu si deg deg ah u guda galo howlaha doorashada. Horaantii Bishan May ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu la wareegay howlihii doorashada xiligaas oo uu balan qaaday in uu si hufan oo deg deg ah u maareyn doono hirgelinta doorashada dalka. Warka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa kusoo beegmaya xili 20-ka bishan oo Afar cisho ayna naga xigaan ay ku asteysan tahay xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha Xil-gaarsiinta Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iclaamiyay in shir ay Muqdisho isugu imaanayaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Xukuumadda laguna dardar gelinayo hirgelinta heshiis laga gaaro arimaha Doorashooyinka. Horseed Media Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay Dhex dhexaadnimada RW Rooble - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa shaki galiyay Howlaha hogaaminta...
  11. They are the hopeless victims of Inferiority complex. Their deeply ingrained Kalsooni-xumo or lack of confidence to demand what is rightfully theirs not only sets them back behind, but also keeps Somalia from progressing. ...dad hamigoodi xukun iyo siyaasadeed kaliya ku kooban yahay inay “gudoon” ka noqdaan a defunct rubber-stamp parliament is really a disheartening state of affairs. Reer Gudhuu gadhaa sida ha isku dhaamaan!
  12. There you go again, acting like the headless chicken I was talking about... What the hell is “frange”?
  13. I’m sorry I have to quash your pipe dreams, saaxiib. No one is mad enough to invest any serious money in Somalia, unless and until we get a permanent political settlement. So your misplaced ambitions— just like your support for the failed wannabe dictator Cheesy—is putting the cart before the horse. That shit ain’t going nowhere!
  14. Gudhuu gadhaa boy, actually the real reason Reer Thani have not bothered courting the leaders of the lands of Punt and Juba is because those two gentlemen, in particular have no skin in the game when it comes to the trouble brewing In Mogadishu. Hence their hasty meetings aimed to pacify the H- community first and then maybe make deals with the best H-political prospect that they suspect will replace Useless Farmaajo in a few months time. As for Biixi in the north, the Qataris went to buy his h@bro votes, not sure if Biixi actually settled for something substantial and tangible or just mere promises of future goodies. We will know for sure, soon enough! In any case, I do not begrudge the forlorn Al Jazeera owners attempts to salvage their economic prospects and geopolitical interests in Somalia—I wouldn’t expect anything less from them, seeing how completely, Useless Farmaajo has shit himself these past few years and caused their name to be dragged in the mud. So Mudane Gudhuu gadhaa, I have defended my D-block presidents of Puntland and Jubaland, and have shared my views of what I believe the Qataris want from the H politicians in Mogadishu and the I-politicians of the north. But for the life of me, I can’t make heads or tails about the goings on in Gudhuuland. Maybe you can fill us in? What is Gudhuu Gareen up to? Has he jumped ship yet or does he still find himself helpless and continues to suffer the odious and peculiar stranglehold of Useless Farmaajo? Please enlighten us without resorting to your customary gudhuu gadhaa nonsense! ...Or on second thought, don’t bother! I doubt if I have the appetite for gudhuu gadhaa claptrap these last few days of the holy month.
  15. Dufaan, before proffering your views about the “the great game of the Indian Ocean” or some such other global geopolitical dance; why don’t you first learn to calibrate your myopic views about our local politics of Somalia and stop running around here like some headless chicken supporting useless individuals who will not bring any benefit to you nor to our nation as a whole. Keep it simple, silly.
  16. Rooble oo la shiray wakiilada Beesha Caalamka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la qaatay xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan arimaha geedi socodka doorashooyinka. Si gaar ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Rooble ayaa shirkooda uga wada hadlay fududeynta howlaha horyaala Ra’iisul Wasaaraha oo ay ugu horeeyaan shirka soo socda ee 20-ka bisha May ee Golaha wadatashiga Qaran kaas oo looga arinsan doono soo afjaridda qodobada la isku khilaafsan yahay ee qabsoomidda doorashada. Xubnaha Beesha Caalamka ayaa xoogga saaraya sidii hogaamiyayaasha Soomaalida ay u dadajin lahaayeen arimaha doorashooyinka loona soo afjari lahaa mad-madowga iyo khilaafka hareeyay qabsoomidda doorashada oo dhaaftay xiligii loogu talagalay. Rooble oo la shiray wakiilada Beesha Caalamka - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la qaatay xubnaha...
  17. ^ Che, first of all, stop spewing lies and try to remain objective for once. Secondly, pray tell— what’s wrong with insisting that the Army officers who have allowed themselves to become compromised and have been used for the political whims of Useless Farmaajo &Co. should be fired? Why do you want to blind yourself to the fact that it is important for the national army to stay the heck out of politics?
  18. Rooble: “Waxaan rajeynayaa howsha doorashada inaan u maareeyo sida ugu wanaagsan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jiraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay talaabadii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ugu soo wareejiyay qorshaha hogaaminta arimaha doorashooyinka. Rooble ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada wakhtigu ka dhamaaday Golaha shacabka go’aankii ay ku aqbaleen soojeedinta Farmaajo ee ah in dib loogu laabto hanaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17-kii September isagoo sheegay howsha loo xilsaaray uu u maareyn doono sida ugu waanagsan. “Anigoo rajeynaya in aan ku guuleysto howshaas iyo masuuliyadeeda muhiimadda u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan haduu Alle idmo, Baarlamaanka waxaan uga mahadcelinaa sida ay u tixgaliyeen duruufaha adag ee dalku marayo una ogolaadeen in dib loogu laabto hanaankii doorashada ee 17-ka September”. “Waxaan rabaa in aan halkan uga cadeeyo shacabka Soomaaliyeed ,dowlad goboleedyada ,siyaasiyiinta iyo dhamaan daneeyaasha siyaasadda dalka in ay naga go’aanka tahay dalka inay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran iyadoo aan cidna xaqeeda la duudsiinayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Rooble. Dhanka kalena Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay ciidamada ka gadooday go’aankii muddo kororsiga in ay ku laabtaan xeryahooda isagoona intaa ku daray hadalkiisa in uu magacaabayo guddi kasoo talabixiya saameynta Ciidanka ay ku yeesheen arimaha siyaasadda. “Mar hadii xal laga gaaray arimihii xasaradaha abuuray waxaan ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan in ay nabadda nagala shaqeeyaan ,Ciidamada waxaan farayaa in ay dib ugu laabtaan xeryahooda ,si loo xaliyo arimihii siyaasadda ee saameyntaa ay ku yeesheen Ciidanka waxaan magacaabayaa guddi farsamo oo arintaasi kasoo talabixiya”. Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaba gabadii sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu u dhigi doono gogol lagu dhameystirayo heshiiska arimaha doorashada isla markaana ku casuumi doono madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyadoo la waafajinayo is afgaradkii 17-ka September iyo kii 16-kii Febraayo. Horseed Media Rooble: "Waxaan rajeynayaa howsha doorashada inaan u maareeyo sida ugu wanaagsan. - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo...
  19. Farmaajo oo ku khasbanaaday in uu ka laabto Muddo kororsigii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadal ka jeedinayay kulan gaar ah oo goordhawayd ka furmay xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha ku wareejiyay hogaaminta iyo diyaarinta arimaha doorashooyinka oo muran badan uu ka taaganyahay. Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in qaban qaabada saxiixa heshiiskii doorashooyinka 17-ka September uu sidoo kale maamuli doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble isagoona faray Xukuumadda in ay u diyaargarowda howlahaas baaxadda leh. Xildhibaanada Wakhtigoodu dhamaaday ayuu ka dalbaday in ay ansixiyaan heshiiskii arimaha doorashooyinka ee dib loogu soo celiyay. “Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan faraya Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baxada weyn ee hortala” ayuu yiri Farmaajo. Intaasi kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay in dib loogu laabto hanaankii doorashada ee horey ay madaxda Dowladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu heshiiyeen Muqdisho. 140 xildhibaan ayaa u codeeyay in lagu laabto heshiiskii is-afgaradka ahaa ee doorashooyinka mana jirin cid diiday ama ka aamustay. Horseed Media Farmaajo oo ku khasbanaaday in uu ka laabto Muddo kororsigii - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadal ka jeedinayay kulan...
  20. This guy has perfectly, completely and exactly described Cheesy’s destructive and regressive political worldview and why wax waliba jiq ku yihiin Farmaajo.
  21. Bleat your sweat nothings until the Geel come home, but FYI—Useless Farmaajo is not the state, nor the State, Farmaajo. He is a corrupt, undemocratic wannabe dictator whose mandate and legitimacy to lead Somalia has ended. It is really is simple as that. So your desperate predictions of doom and gloom for when Somalia finally manages to escape his Cheesy tentacles is really laughable.
  22. Oh shut it, negro! “I sound pessimistic..” , says Mr Dhahx-tuur MY BIG FAT TOE! Now that the Useless Expired Cheese is reaping the political foolishness, divisiveness and discord he’s been sowing for the last four years—-all of sudden— we, Somalia, are all going to hell in a hand basket, huh? Please take your alarmist claptrap elsewhere. As for most Somalis, we are content to remain and watch the fun of seeing the Useless Cheesy hapless creature get his just deserts.
  23. If you know the lay of the land like you state above, then why do you pollute SOL with your support for nonstarters like Usless Farmaajo in the first place? Politics is all about a delicate balance between diplomatic finesse, compromise and horse trading which should be primarily geared towards achieving tangible benefits for the nation and its people as whole. Only then, can one pursue personal interests of power and grandeur, afterwards.
  24. It isn’t rocket science, you know. It is really as easy as that: Complete the constitution, with the support of all Stakeholders; build an independent constitutional court to keep all Stakeholders accountable; and then select competent legislators that will enact resource and revenue sharing laws that are palatable to all stakeholders. Finally, we Somalis can hopefully elect a competent technocrat for President, who will ensure the laws of aforementioned representative legislature get implemented effectively and efficiently. It’s not rocket science!