MoonLight1

Nomads
  • Content Count

    2,492
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by MoonLight1

  1. the question is why is Gheele so bad to them ? Djibuti is the little kid in the horn, and Geele does not want another little kid stealing his limlight.
  2. This is what I call an extream police state, nothing to do with Islam.
  3. Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo oo soo rogay Amar faraya dadka ku shaqeeya kaamirooyinka I ay is diiwaan galiyaan. Posted: 5/28/2009 8:22:00 PM Shabelle: KISMAAYO Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa soo rogay Amar faraya dadka ku shaqeeya kaamirooyinka in ay iska diiwaan galiyaan xafiiska warfaafinta ee Magaaladaasi. Ku xigeenka Madaxa Warfaafinta maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo C/fataax Ibraahin Cali ayaa ugu baaqay Sawirqaadayasha ku sugan magaalada Kismaayo hadii ay ahaan lahaayeen wariyayaasha iyo Cameraman-da isagoo arintaasi ku sababeeyay in la ogaado shaqooyinka ay qabanayaan sawir qaadaysaasha. Arintani ayaa waxaa ay daba socotaa amar xalay maamulkaasi uu ku soo rogay magaalada kismaayo in aan arosyada wax sawir ah laga qaadi Karin isla markaana aan wax ka badan 3-gaari arooska lagu galbin Karin. Kadib markii uu soo baxay amarkani ku aadan in ay is diiwaan galiyaan sawir qaadayaasha ayaa waxaa la arkayay iyagoo ku sii qul qulaya xafiska warfaafinta maamulkaasi si ay siku diiwaan galiyaan. Waa markii ugu horeeysay ee maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo uu awaamiir uu ku soo rogo sawirqaadayaasha magaalada Kismaayo ku sugan. Shabelle.net
  4. Islaamiyiinta magaalada Kismaayo oo mamnuucay in Aroosyada loo sameeyo xaflado. Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa soo saaray amaro lagu mamnuucayo dhigista xafladaha arooska ee magaalada Kismaayo kadib wareegto uu maamulku soo saaray. Maamulka ayaa sheegay inaan hadda kadib wax xaflad ah loo dhigi karin aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo, iyadoo maamulka uu diiday in la dhigo wax Part ah ama xaflad. Wareegtada oo uu ku saxiixnaa ku xigeenka madaxa dacwada ee maamulka Kismaayo Sh. C/rashiid Macalin Xuseen ayaa lagu sheegay inaan la ogeyn in gaadiid fara badan lagu galbiyo aroosyada, waxaana maamulku uu ogolaaday in wax aan ka badnayn seddax gaari lagu galbin karin aroosyada. Maamulka waxa kale oo uu ka digay in xiliyada arooska ay is dhexgalaan Ragga iyo Dumarka kala ajnabiga, waxaan auu sheegay inay baarayaan arrintaas marka ay magaalada ka dhacayaan aroosyada. Wareegtadaan uu soo saaray maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa imaanaysa xilli maalintii shalay aheyd uu maamulku mamnuucay in Ragga iyo Haweenku ay gaadiidka wada raacaan.
  5. This is what you'd have said if it was other way round. Ma mooddaa in lagu degdegayo dagaal iyo waxyaabo kale iyadoon wadooyinka la dhisin. Soomali meel loga baxsan kari maayo. Dammned if you do, damned if you don't. Keep the good job Mr dhagaxtuur, at least the soon to arrive TFG tanks will run on a paved roads.
  6. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa Hub iyo Saanado Milateri ay ka soo iibsato dalal dhowr ah, kadib markii uu xalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka qaaday Cunaqabateyntii Hubka ee saarneyd. Dowladda Federaalka ayaa xilligan dooneysa inay isku dubarido qeybaha kala duwan ee Ciidamada qalabksa sida, iyadoo dooneysa inay dhisto Ciidamadii Qaranka soomaaliyed. Warar ku dhow dhow Taliska Dowladda ayaa sheegaya in maalmaha soo socda Ciidamo ka tirsan Dowladda tababar la siin doono, isla markaana la qalabeyn doono. Sidoo kale Dowladda Federaalka oo hada aas aastay dhismaha Ciidamada Badda, kadib markii ay ku dhawaaqday Taliyaha Ciidamada Badda oo loo magacaabay Faarax Qarre ayaa la sheegayaa in qalabka ay soo iibsan doonto ay qeyb ka tahay saanada milateri ee Ciidamada Badda. Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Dowlada KMG ee Soomaaliya Ciid Beddel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha Amaanka Qaramada Midoobey ay Dowladda KMG ka qaaday xayiraadii dhinaca Hubka ahaa ee la saaray Sanadkii 1992-dii. Ciid Beddel waxa uu xusay in ujeedka loogu ogolaaday Dowlada KMG in ay hub keensato ay tahay, xili ay dagaalo kula jirto Xoogaga Mucaaradka, isla markaana ay lama huraan tahay in dowlada hesho Agab milatari dhamaystiran. Jowhar.com
  7. Waxaanu eegaynaa sidey udhacdo dorashada soo socota. Hogaamiyaha Xisbiga Conservative oo ah Xisbiga hada guusha weyn kaso hooyay doorashadii degaanka ee waddanka Britain isla markaana hada lafilaayo inuu ku guulaysto doorashada soo socota ayaa sheegay in Somaliland tahay meel tusaale unqon karta Somaliya oo Colaado hadheyeen iyo Africaba. Mr Cameron Waxaa latiigsadey Su’aal Muniir Axmed Cigaal oo ah wariye madax-banaan oo kusugan waddanka ingiriiska, Cameron wuxuu maanta Khudbad kajeediyay jamacad kutala magaalada Milton Keynes:Jamacadaas oo ah mid dadku si online ah udhigtaan lana yirahdo Open University. Waxaan kawar helay in uu maanta imanaayo magalada Milton Keyned David Cameron oo ah hogaamiye sameyn weyn kuleh wadankan Britain isla markaana lagayaabo in Xisbigiisu doorashada ku guleysto ayaan ubajiyay socdaalkaygii shaqo ee aan magaalada kujoogay annigoo isku dayay in aan qadiyada Somaliland bal in uun xasuusiyo, Waxaan ugu horeyn Salaan kadib Su’aalay Mr Cameron waxaan udhashay Somaliland waxaan si xushmada kaga codsanayaa ma iisheegi kartaa waxaad ilaa hada aad uqiri ladahiin Wadankayaga oo 18 sanno nabad aha qabsadeyna doorashooyin kaladan beeyay oo dimuquraadi ah, Wuxuu igu jawaabay Mr Cameron Somaliland waxay qabsatey waxbadan waxay kunoosha-hay nabad waxayna dadkooda kala xishoodeen xabad waxaanan rajaynaya in ay tusaale unoqon doonto Somaliya oo colaado aan dhamaad lahayn hadheyeen iyo Africaba sidey isugu dhaqaan Dumuquradiyada. Waxaan kaloon weydiiyay suurta gal matahay inaad aqoonsataan hadaad talada waddanka qabataan, Wuxuuna igu jawaabay waxaanu egaynaa sidey udhacaan dorashooyinka lafilaayo iyo sidey kudhamaato aqoonsigu maha jawaab hada aan kusiinayo lakiin waxaan sheegi karaa’uun iney waxbadan oo amaana mudan tahiin. Wakhtigoo cidhiidhi ku ahaa awgeed socodna aan kula kulmay way isurobi weydey inan waxbadan sii-weydiiyo, lakiin wuxuu umuuqdey inuu kufarax sanyahay waxay Somaliland qabsatey hadana ay eegayaan, waa markii uhoreysay ee mas'uul kamida kuwa hogaamiya wadanka ingiriiska loo bandhigo qadiyada Somaliland tan iyo xiligii Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ahaa Suxufi caana uu Su'aal latiigsadey Tony Blair oo markaa ahaa Raysal wasaaraha ingiriiska.
  8. Xiin tan ku darso Shariifka shiikheena waaye. Shabaabna sheydaamo waaye.
  9. Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir oo bilaabay in ay guryahooda ka cararaan. Posted: 5/27/2009 10:01:00 PM Shabelle: MUQDISHO Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay Ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ay guryahooda uga barakacaan cabsi la xariirta in degmadaasi ay dagaalo ku dhexmaraan ciidamada dowladda iyo Xoogaga ka horjeeda kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada xafadahaasi. Kadib markii dhawaan qeybo ka mid ah degmada dharkeenlay ee gobolka Banaadir ay soo dageen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa degmadaasi ka bilowday cabsi ay dadku ka qabaan dagaal ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ku dhexmara gudaha degmadaasi. Xaafado ay ka mid yihiin Abbe Godey,Shuuriga,Dabaq eynka iyo Suuq Liif ayaa waxaa ka bilowday barakac Aan badneyn iyo cabsi dadka deegaanka ay ka qabaan in dagaal halkaasi uu ku dhexmaro labadaasi dhinac sida uu Idaacada Shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka. Afhayeenka Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Casaanyo oo Shabelle la hadlayay ayaa sheegay in halkaasi ay ciidamada u geeyeen sugida Ammaanka sida uu hadalka u dhigay. Wel welka iyo cabsida ay qabaan dadka deegaanka ayaa waxaa ay tahay in xili walba ay filanayaan dagaal degmadaasi ku dhexmara dhinacyada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka kaasoo sababi kara barkac iyo qasaare soo gaara dadka deegaanka. Shabelle media
  10. Odayaasaha Dhaqanka Beelaha ****** oo Safarada Mareykanka kuleydahe Dalka Kenya Ka codsanayan in magan-galyo Siyaasadeed la siiso 140 xubnood oo ... Warar hose aan ka Helnay dalka Kenya ayaa noo xaqijinaya in codsi so garsiyeen odayasha dhaqanka belaha ****** Safaaradda Maraykanka ,Odoyaashaan ayaa Safaarada soo gaarsiiyay waraaq codsi ah oo ay safarada Mareykanka ugu codsanayan in magan-galyo Siyaasadeed la siiso 140 xubnood oo kamid ah odoyaashaasi, balse Safiirka Mareykanka ee Kenya u fadhiya Michael Ranneberger ayaa sheegay inaysan awood u laheyn qaabilaada 140 xubnood. Safirka Michael Ranneberger aya shegey in marku wada tashiyo la sameyn donaano wasarada arimaha gudaha mareykanka marka isla ogaladaan in magan galyo siyasadeed sin donaan 40 xubnood kamid ah odayasha ****** Michael Ranneberger ayaa ugu baaqey odayasha dhaqanka beelaha ****** in eey iska so xushaan 40 xubnood ugu muhiimsan isla markaana intaas qaabilayaan dalkooda daganaan rasmi ah ka sin donaan dowlada ahan Odayasha dhaqanka belaha ayaa ka so horjeeste hadalka kaso yere safirka a mareykan u fadhiya Kenya i yadona u sodireyn 5 xubnood si ugu dhadhiciyaan safarada marekanka Af hayeenka odayasha dhaqanka beelaha ****** nabadoon axmed diriye cali ayaa noxaqijiye arinkaas ino jiro arinkaas waxana nagu galifey aan subino codsigaas mar naba nabad kumahesano somaliya wax xushmad ah hadaan nahey odayaal naf sadeena labaxsan la nahey wax ix tiraan ah kumahesano dadka isku hesta siyasada somaliya ayuu yiri nabadoon axmed diriye Waligeey kuma fakarin in aan kabaxo gayiga Somalia hada waxan nagu kalife dhibatada nagula haayo aniga ahaan waxan kabad baadey dhowr isku day lagu dabacsanaay in la igu qarijiyo waxan damacsanaay waligeey in aan nabad ka aslaaxiyo somaliya ayuu yiri nabadoon axmed diiriye Axmed diriye ayaa xusey in malinkasta lagusowaco 40 jeer falefonka lagu hanjabo lagu edeeyo in taageero DF lacago kaqaato dowlada somaliya asagona beninaayo hadalkaas lagu edeeye axmed diriye ayuu yiri marnaba kamaqadan lacago DF aniga waxan tageraa cidi doneysa nabad rabta un ayuu yiri nabadoon axmed diriye Odayaasaha dhaqanka beelaha ****** ayaa in badan iskaga cararey naf sadooda kala carareY dalka o gamid yahe cabdulaahi sheikh xasan hada kusugan cariga engiriska Marki so ifbaxde in dowlada marekanka ufidineyo 40 kamid ah odayasha ****** nabad galyo siyadeed ayaa muran isqabqabsi guux farabadan ka dhex bilowde iya dona la arkaayo kulamo la iskuhabeensado kadhaco guriga afhayeenka ****** axmed diriye Sikastaba ha haate odayaasha dhaqanka $ midnimada belaha ****** ayaa kalin weyn o muqata ogajire xasilinta dalka walowna hada ka cararaya gudaha dalka siysada somaliya xilgaan kusocota meel mugdi ah marhadi odayashi kabarakacayaan dalka maxow kudanbeen donaa wayaabeey
  11. One thing I respect about you Duke is you speak your mind, without worrying about how you will sound to others. If this was wretched peaceniks like Xiin or Paragon, they would have written post after post trying to 'explain away' this incident and 'provide the proper background' and 'we have to change the system from within' bullshit. Why all that laf wa dooraan ? Because they know what they support(Puntland) is infamy incarnate. So they gotta 'sell it' by dropping a few words of Arabic here, and couple of other gabays from Sayyid-ka there, and cap it off with a few twenty-dollar words. Not you. You call it as you see it. Respect. I appreciate candor in my opponents. It's a cool breeze in a world where bullshit is flung left and right. lol Wallee Kashafa wax ka yaabiyuu arkay.lol Soomaalidu waxay tiraah, Wiilkii is waala, wiil waabiyaa hela. Good job Dukey, you muted the mosquito.
  12. Crazy Gang lol they remind me of Wimbledon FC.
  13. Madaafiic xoogan ayaa galabta la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho, iyadoo Madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo ay is dhaafsanayeen Ciidamada Dowladda KMG iyo Kooxaha ka soo horjeeda. Madaafiicdan ayaa ka dambeeyay kadib markii weeraro Hoobiyeyaal lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana Madaafiicdan oo ahaa kuwo dhowr ah ay ku dhaceen Gudaha Madaxtooyada. Sidoo kale Madaafiic jawaabo ah oo ka soo dhacayay Xarunta Madaxtooyada ayaa ku dhacayay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, iyadoona ilaa iyo iminka aan la ogeyn qasaaro ay geysteen Madaafiicda jawaab celinta ee ka soo dhacay Madaxtooyada. Ciidanada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa isku horfadhiya qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, halkaasoo gacanta ay ugu jirto Kooxaha Mucaaradka, waxaana ay dhowr tallaabo u jiraan Xarunra Madaxtooyada oo uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Hugunka Madaafiicdan ayaa ahaa kuwo inta badan Magaalada laga maqlayay, waxaana duqeymahan galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ku soo aadayaa xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay ay xaalada aheyd mid degan. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com
  14. Madaxtooyada oo Hoobiye lagu garaacay iyo Kuwa Jawaab ah oo Hadda ku socda xaafadaha magaalada Muqdosho Waxaa hal mar laga wada maqlay magaalada muqdisho daryanka hobiyayaasha kuwaas oo lala beegsaday xarunta madaxtooyida Villa Soomaaliya halkaas uu ku sugan yahay madaxweyne Sh. Shariif iyo raiisul wasaarihiisa. Waxaa la qiyaasayaa illaa dhowr madaafiic in lagu weeraray madaxtooyada, sidoo kale jawaab celin ayaa laga soo jawaabayaa madaxtooyada kuwaasi oo lagu garaacayo goobo ka tirsan degmooyinka magaalada muqdisha. Waxay dad badani is weydiinayaan maxaa ku soo beegay xili hogaanka xizbul islaam is bedel ku yimid oo ku wareegay xilka Sheeq Xasan Daahir Aweys oo aad ugu caan baxay baryahan dambe inuu abaabul dagaal ka abuuray muqdisho. Arintaan ayaa ku noqotay arin caadi ah dadka degan magaalada muqdisho mar alaala markii la weeraro madaxtooyada ma saldhigyada ay degan yihiin ciidamada Dowlada inay maqlaan shacabka reer muqdisho jawaab, taasi oo sababaysa dhimasho iyo dhaawac soo gaara rayidka. Ilaa hadda lama oga qasaaraha dhabta ah uu geystay weeraradaan halka mar wada gilgilay magaalada muqdisho. waxaana ku soo xigana doonaa wararkeena xiga . Dayniile.com
  15. Good step by Puntland authority, but is this enough? I like the way they are tackling the issue by bringing in the Ulamaa, the tribal elders, and former pirates, this will convince lots of the young men roaming havoc in the international waters, but surely some of them the huge payments is too good to be missed.
  16. Shirweyne ku Saabsan Burcad Badeeda oo ka Socda Eyl Monday, May 25th, 2009 at 6:35 pm Horseed Media Kulan ballaaran oo kii ugu horeeyey ee noocisa ah ayaa ka furmay degmada Eyl ee gobolka Nugaal, halkaasi oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda. Kulankan oo maanta ka furmay degmada Eyl ee xeebta ku taalla ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, odayaal dhaqameed iyo culimaa’udiin ka kala yimid gobolada Puntland. Shirkan looga hadlayo arimaha burcad badeeda waxaa soo qabanqaabiyey maamulka Puntland oo horey ugu dhawaaqay kulankan qabashadiisa, waxaana ujeedada ugu weyn ay tahay sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa kooxaha burcad badeeda iyo dadka ku nool meelaha ay burcad badeedu fariisinka ka dhigato. Masuuliyiinta maamulka degmada Eyl oo kulanka furitaankiisa ka hadlay ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in kulankan looga wada qeybgalo, waxanaa kulanka goob joog ka ahaa odayaal iyo ganacsato reer Eyl ah. Horumarka Shirka illaa iyo hadda Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ka tagtey magaalada Garowe ee kulankan ka qeybgaleys ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu kulankan gaarey guulo waaweyn, iyadoo qaar ka mid ah burcad badeeda ay sheegeen inay ka bexeen hawlihii burcad badeednimada. Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxa uu sheegay inay wacdiyeen illaa 80 dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kooxihii burcad badeeda kuwaasi oo ballanqaadey inay ka tanaasuleen hawlihii burcad badeednimada ee ay ku jireen. Dhalinyarada ka baxday falalka burcad badeednimada waxaa ka mid ah Abshir Cabdullaahi oo caan ku ah “Boyax” kaasi oo ka mid ah raga burcad badeeda ugu caansan. Abshir Boyax waxa uu hadal uu ka jeediyey shirka Eyl uu ka ballanqaadey in uu ka baxay falkii burcad badeednimo ee uu ku jirey, isagoo sheegay in illaa 200 oo kale oo saaxiibadiis ah ay go’aankaasi la gaaren. Abshir Boyax waxa uu ahaa nin caan ka noqdey saxaafada adduunka, waxaana uu safka hore kaga jirey falalka burcad badeednimo, waxaana uu sheegay inuu afduubay lacagna ka qaatey 25 markab. Kulanka waxaa goob joog ka ah odayaal dhaqameed iyo ganacsato ka kala timid magaalooyinka Boosaaso, Garowe iyo Eyl, iyadoo sidoo kalana magaalada Eyl laga wado wacyi gelin ku saabsan dhibaatada falalka burcad badeednimada. Culimaa’udiinka jooga magaalada ee ka qeybgalaya kulanka ayaa dadka u sheegay inay xaaraam tahay xitaa la macaamilka burcad badeeda oo aaney diintu ogoleyn. Go’aanka Madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa soo saarey qoraal lagu cafinayo kooxaha burcad badeeda haddii ay ka tanaasulaan falalka burcad badeednimada, taasi oo qaar ka mid ah burcad badeedu ay soo dhoweeyeen. Dadka ka qeybgalaya kulankan ayaa sheegay in burcad badeeda kulanka ka qeybgashey ay dhan yihiin 80 nin, iyadoo tiro kale oo hawlaha burcad badeeda ka baxday ay soo gaareen magaalada Garowe. Waxa uu shirkan ku soo beegmayaa iyadoo gudaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay ka socdaan hawlgallo looga hortagayo burcad badeeda, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada amaanka. Muhimada degmada Eyl Degmada Eyl oo ku taalla xeebta badweynta Hindiya, waxay ka mid tahay meelaha ugu caansan ee ay burcad badeedu ka dhigatey fariisinka ugu weyn, iyadoo magaca degmadu uu noqdey mid caan ka ah warbaahinta adduunka. Xeebta degmada ayaa inta badan lagu kala qaadan jirey lacagaha madax furashada ah ee ay helaan kooxaha burcad badeeda marka ay soo qafaashaan maraakiibta. Waxaa sidoo kale degmadu ay soo jiidatey dembiilayaal ka kala yimid meelo kala duwan oo dalka ah, kuwaasi oo ay xitaa ku jiraan kooxaha ka shaqeyya daroogada iyo dumarka ka ganacsada jirkooda kuwaasi oo la macaamila burcad badeeda lacagta badan heysata. Inkastoo horey la isugu dayey tallaabooyin wax looga qabanayo kooxaha burcad badeeda hadana marna laguma guuleysan in laga hortago kooxaha burcad badeeda ee ay Eyl saldhiga u noqotey, taasina waxaa loo aaneeynaa lacagta badan ee ay heystaan kooxaha burcad badeeda oo ay ku soo jiitaan dadka oo dhan. Sababahaasi ayaa loo arkaa in loo doortey in shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah lagu qabto degmada Eyl xilligan. Baaq ka soo baxay shirka Waxaa shirka laga soo saarey baaq loo direy beesha caalamka oo looga codsadey inay gacan ka geysato joojinta falalka kalluumeysiga sharci darrada ah ee laga wado xeebaha dalka kuwaasi oo ay ku lug leeyihiin wadamo iyo shirkado shisheeye. Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la joojiyo maraakiibta sunta ku shuba xeebaha dalka oo iyaguna ka faa’ideysta sharci darrada ka jirta Soomaaliya. Source: HR Media
  17. War goor dhoweyd soo gaaray Xafiiska warqabadka Jowhar.com ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ahaa Gudoomiyihii Xisbul Islaam garab ka mid ah uu xilkaasi ku wareejiyay Sheekh Xasan Dahir Aweys. Xil wareejintan oo dhacday maanta ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayay, iyadoona mudooyinkii u dambeeyay tan iyo markii uu Sheekh Xasan Dahir ku soo laabtay dalka uu si hoose u maamulayay Xisbul Islaam. Munaasabad ballaaran oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dr. Cumar Iimaan waxaa uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilkaas Sheekh Xasan Dahir oo ka tirsanaa ururkaas, isla markaana ahaa Hogaamiyihii Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Asmara. Dr. Cumar Iimaan oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aanu jirin wax cadaadis ah oo lagu saaray inuu xilka wareejiyo, balse uu ka cudur daartay sii heynta Xilkaas. Sidoo kale Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa isna uga mahad celiyay Dr. Cumar Iimaan sida wanaagsan uu xilkiisa ugu soo wareejiyay, iyo mudadii uu haayay ee uu u dhabara adeegay sida uu sheegay. Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir ayaa hada ah Gudoomiyaha rasmiga ah ee Xisbul Islaam, waxaana tani ay iftiimineysaa sida uu ugu han weyn yahay inuu kursiga Madaxweynenimada, isagoo hadana qeyb ka ah dagaalada lagula jiro Dowladda Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com
  18. Sh. Xasan Daahir oo la wareegay goordhoiw Guddoomiyanimada ururka Xizbul islaam. Muqdisho. 25 May, 2009 05:20:00 Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa goordhow xilkii guddoomiyaha Xizbul Islaam ku wareejiyey Sh. Xasan Daahir Aweys oo horey u hayey xilka guddoomiyaha Isbeheysiga dib u xoreynta Asmara. Munaasabad lagu qabtay xarunta Xizbiga ayey labada mas'uul xilka kula kala wareegeen, waxaana goobta joogay mas'uul katirsan ururka Xizbul Islaam. Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa hadda si toos ah ula wareegay xilka guddoomiyaha ururka Xizbul Islaam, lamana oga waxa iska badali doona ururka Xizbul islaam. Hadalo kooban oo ay labada mas'uul jeediyeen ayey sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin xil kaa wareegista. Dr. Cumar Iimaan ayaa in muddo ah waxa uu ahaa guddoomiyaha ururka Xizbul Islaam wixii ka dambeeyey markii ururkaas ay ku midoobeen afar kooxood oo kamid ahaa kuwii ka dagaalamayey gudaha dalka Somalia. Boodheere.com
  19. LOOOOOOOL Playboy, AK47, Kitaab Qur'an, Only in Somalia you could find these contridictions And what surprised me more is the Pink armour.lol What were these Ahlusunna guys doing before Alshabab came.mmm very interesting
  20. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laga qaaday Baasaboorkii Kenyatiga ee uu heystay. Thursday, 21 May 2009 Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyada Dowladda Soomaaliya Shariif Image Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta la shaaciyay in laga qaaday Baasaboorkii Dalka Kenya, oo uu inta badan ku safri jiray. Laanta Socdaalka Dalka Kenya ayaa sheegtay inay gebi ahaanba kala laabatay Baasaboorkii dhalashada Kenyatiga ee uu horay u heystay Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo ahaa kan kaliya ee uu safarada dibada ku tagi jiray. Sida ay qortay Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa cadadkiisii maanta lagu shaaciyay in Shariif Xasan oo ka mid ah Wasiirada gacanta midig ee Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa lagala noqday Baasaboorka, kadib markii sida la sheegay uu qaatay Baasaboorka sare ee Diblomaasiga Dowladda KMG ee Soomaaliya, kaasoo ah Baasaboor sharciyeysan oo lagu tagi karo dal kasta. Laanta Socdaalka Kenya ayaan u ogoleyn qof heysata dhalashada Kenya in aanu qaadan karin dhalasho dal kale ama Baasaboor uu leeyahay dal kale, waxaana hadii uu qaatana ay ka qaadeysaa baasaboorka oo gebi ahaanba ay kala noqoneyso, taasoo ahaa shuruudaha u yaala qofka qaadanaya Baasaboorka Kenyaatiga. Shariif Xasan ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyed ee Kenya ku leh howlaha ganacsi, waxaana ka hor inta aanu ku soo biirin masraxa siyaasada uu aha ganacsatada waa weyn ee sida weyn uga ganacsan jiray Dalka Kenya, inkastoo sanadkii 2004-ta uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, shirkii Embaghati ee lagu soo dhisay Dowladdii TFG-da. Qaar ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa heysta Baasaboorka Kenyaatiga, iyadoona xubnaha ugu badan ee heysta Baasboorkaas ay isugu jiraan siyaasiyiin iyo ganacsato, waxaana shaqsiyaadka caanka ah ee heysta Baasaboorkaas ka mid ah Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xigasho Daily Nation
  21. Dekedaha inoo xidha garoomadana inoo deda hayska degelsanaatee Dibnihiina ha u furina Inta shabaab ku daynayaan Diidnay yaan ma maqlin Hadalna ha ku daalina Is that the new national anthem of SL.
  22. Who is advocating for succession? I thought it was you calling for breaking away, otherwise what this flag for, and don't you know there is nothing called part-time seccesionist eather you declare independency and stick to it, or be full time union member, Its well proven that when a country declares independency, then that is a point of no return even if no one recognize them, Taiwan, Abkhazia, Somaliland is some of them. I believe a federal system can work for all somalis, everyone concentrating on their corner and empowering the locals, and the central government managing diffence and foriegn affeirs.
  23. Ahlusunnah get their arms and support from an Orthadox, christian country called Ethiopia. Alshabab get their arms and support from an Orthadox,christian country called Eritrea. Even sheihkul mujahidiin Aweys admitted that. So what's the problem.
  24. Geel_Jire they don't need an army to enforce it, if this dicission is approved by the security council which seems to be very likely then any ship or airplane docking on these ports and airports will be illigel, which will dry the funds and money generated by them, which will result on shortage of funds to keep the war running. It seems to be smart move when you look it from thst angel, but if you look it from humanity angel this means alot of innocent civilians will suffer, people who want to travel for health, business, and other legitimate reason will pay a high price, imagine the plight of a critically ill person in Kismayo or Baidoa who needs an urgent flight to Nairobi. Ilaaho noo naxariiso.
  25. Shiekh Xasan Daahir oo La Sheegay in lacag gareeysa ($25,000) ku bixiyay safarkii uu Mogadishu ku tagay iyo Shiekh Umal oo eedeemo loo soo jeediyay: Daily Nation.... Wargeeska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa Khamiis May 21, 2009 bogiisa hore ku soo daacabay warbixin uu kaga hadlayo qaabkii uu Shiekh Hassan Dahir Aweys ugu laabtay magaaladda Mogadishu warbixintan oo uu cinwaan ooga dhigay wargeeska (Wanted al Qaeda man flew in Kenyan plane). Sheikh Aweys iyo lix nin oo kalle oo lagu sheegay in ay Somalia yihiin ayaa bishii April 22, 2009 mar ay u socdeen magaaladda Mogadishu ku hagaday garoonka Wilson airport ee magaaladda Nairobi. Balse sidee arrintaas ku dhacday.? Wargeeska Daily Nation oo arrintan baaritaan dheer ku sameeyay ayaa sheegay in Hassan Dahir Aweyn iyo Lixda Qof ee la socotayba ay ku baxday lacag gaareeysa $25,000 oo u dhiganta (Sh 1.9 m). Dhan kalle wargeeska Daily Nation ayaa sheegay in ay la xariireen Maamulka iyo Shaqaalaha Wilson Airport. Balse wargeeska ayaa sheegay in qof magaciisa aan la soo sheegin uu tikidka u jaray kooxdan oo Hassan Daahir Hogaaminayay, ninkan ayaa la sheegay in uu yiri waan u shaqeeyaa shirkada Farah Transport oo aan faah-faahin dheeraad ah aan laga bixin. Lixda nin ee ku wehlisay safarka Hassan Daahir ayaa magacyadooda lagu sheegay in ay kala yihiin Osman A. Hassan, Aden W. Diriye, Ali O. Mohamed, Kheyre A. Ali, Mohamed S. Ali iyo Idris J. Abdi. Dhmaan ragan ayaa la sheegay in ay yihiin Somali. Dhanka kale wargayska oo soo xiganayey ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegay in lacag aruurin waxa ay ugu yeereen kooxaha xagjira oo soomaali ah oo sida wargeysku sheegay lacagta ku ururiya hoteel ku yaal xaafada islii ee Nairobi. Waxaa wargaysku yiri mid kamid ah dadka lacagta uruririya waa Sheikh Umal. Waxaa wargaysku sheegay in lacagta islii laga ururiyo ay qayb ka tahay shabakad isku xiral ilaa Yurub oo lacag loogu ururirano waxa ay ugu yeereen dagaalyahanada xagjira ee Muqdisho. Dhan kalle dowladda Somalia ayaa cabasho u gudbisay dowladda Kenya, safiirka DFKMG ee Somalia ee dalka Kenya u fadhiya Mohamed Ali Nuur “Americo” oo waraysi siinayay TV-ga Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa cadeeyay In dowlada Kenya gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada ay arrintan u gudbiyeen. “Dowladda Kenya waxay balan qaaday in ay arrintan dib u fiirin doonto” ayuu yiri Cali Americo. Arrinta ayaa imaneeysa kadib markii kooxaha Mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dowladda FKMG ah ee Somalia la sheegay in ay isku dayeen in ay ridaan dowladda Somalia ee uu hogaamiyo Madaxwayne Shiekh Shariif. Dhan kalle kullankii dowladaha IGAD ay ku yeesheen dalka Ethiopia ayay ku sheegeen in ay dhibaatooyinka Somalia ka socday ay qeeb ka tahay dowladda Eritrea. Somalitalk.com