Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Carafaat   

'Liibaan';815778 wrote:
Ali-issa1.jpg

 

 

Renowned International Economics Expert & 30 year IMF Veteran Dr. Ali Essa Abdi is the Chairman of the Supreme Council of Khaatumo State ( Better known as the Spiritual Leader of Khaatumo Movement).

 

 

 

 

"Dowladaha Bariga Africa Sida Djibouti, Kenya, Itoobiya Iyo Uganda SiWeyn Bay KhaatumoState Usoo Dhoweysay" Halyey Dr.Cali Isse

 

" Wax La Aqbali karo Ama Loo Adkeysan Karo Maaha in 80 Caruura oo 7- 14 Jir Ah Loo Dhaadhiciyo Xabsiga
Mandgeera

 

Lasanod Online. Thursday, March 22, 2012

 

 

 

 

Nairobi,(Lasanod Online)- Gudoomiyaha hay'adda HESPI, ahna xubin kamid ah gudida fulinta G10 ee maamulka Khaatumo, Dr.Cali Ciise Cabdi..

 

ayaa waraysigan kaga waramay arrimo badan oo khuseeya maamulka Khaatumo iyo guud ahaan Somalia.

 

Dr.Cali wuxuu ka hadlay wadahadalo ay la yeesheen dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo labaduba shacab iyo dawlad soo dhoweeyey maamulka Khaatumo. Hoos ka dhegayso Waraysiga oo dhan.

 

Halkan Ka Dhageyso:

 

 

 

___________________________

 

 

 

dr-cali-ciise.jpg

 

Xurmadle Dr Cali Ciise Cabdi Gudoomiyaha Golaha Sare ee Guurtida Khaatumo Ayaa Waraysi Dheer Kaga War Bixiyey Wax Yaabihii u Qabsoomay Dowlada Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia

 

Dr cali ciise cabdi ayaa ku nuuxnuux saday waraysi dheer uu siiyey radio Khaatumo, Dr ku aad u sharaxay ila hada wadama ay la kulmeen iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo waliba ujeeda hada kenya u joogaan Dr ka ayaa waraysigan kaga waramay arrimo badan oo khuseeya maamulka Khaatumo iyo guud ahaan Somalia.

 

Dr.Cali wuxuu ka hadlay wadahadalo ay la yeesheen dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo labaduba shacab iyo dawlad soo dhoweeyey maamulka Khaatumo. Hoos ka dhegayso Waraysiga oo dhan.

It´s Maandhera not Mandgeera. Are you making fun of my hometown or of Dr.Ali Ciise Cabdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ogaysiis Ku Socda Jaaliyada Khaatumo State Ee Ku Dhaqan Cariga Talyaniga In Uu Dhici Doono Kulan Malinta Axada April-08-12

 

Roma(Allssc): Ogysiis dhamaan jaaliyada khaatumo State Of Somalia iyo dhamaan Soomaali-weyn waxaa la Ogeysiinayaa Xaflada taageero ah oo auy qabanayaa jaaliyad khaatumo ee wadanka Italia . Maalinta Axada nagalasoo qaybgala waqtiga saacad iyo goobtana ka dheeho Sawirka ku lifaaqan mahadsenidin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

araday.jpg

 

Ardayda Dugsiyada Sare Ee Laascaanood Oo La Xidhxidhay, Kadib markii ee Diideen Inay Qoraan Imtixaan Kayimi Jamhada SNM(Waraysi+Dhagayso)

 

Qaarkamid ah Ardayda Dugsiyada Sare Ee magaalada Laascaanood ayaa maanta Diiday Imtixaanaad kayimi Maamulka SNM ee kusugan Laascaanood,Aradaydan ayaa Qaarkood lootaxabay xabsiyada magalasaas iyadoo Ay ciidamada booliska Ee laascaanood ay ardaydan ugaysteen jirdil,kadib markii ay kasoo baxeen imtixanaadka oo aan wax aan munasib ahayn kuqrnayeen waraaqaha araday loodhiibay,

 

Habada Si,aan Xaalada Ardayda Laascaanood Wax uga ogaano ayaa waxanu khadka talefoonka kuwaraysanay mid kamid ah aradaydii kasoobaxay imtixanadka Maanta.waxaana uu noogawaramay sababta ay udiideen Imtixaanka. Hooska Dhagayso

 

http://www.afbakayle.com/2012/04/07/adayda-dugsiyada-sare-ee-laascaanood-oo-diiday-inay-qaatan-imtixaan-kayimi-jamhada-smnwaraysidhagayso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;815889 wrote:
It´s Maandhera not Mandgeera. Are you making fun of my hometown or of Dr.Ali Ciise Cabdi.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Kulankii Wasiirada Maamulka Khaatumo State Of Somalia Iyo Jaaliyadda Khaatumo ee Toronto-(Sawiro)-

Lasanod Online. Sunday, April 08, 2012

 

 

 

 

Toronto,(Lasanod Online)- Jaaliyadda Khaatumo State ee Magaalada Toronto ayaa nasiib u yeelatay inay la wada kulanto laba wasiir..

 

oo ka socda Maamulka Khaatumo State of Somalia.

 

Shir ay si hufan u soo agaasimeen gudida Jaaliyadda Khaatumo State ee Magaalada Toronto ayaa xalay ka dhacay Hotelka Sheraton. Shirkaasoo ay marti ku ahaayeen xubno muhiima oo ka socda Golaha Wasiirada, Golaha Dhaqanka, iyo Golaha sare ee G-10 iyo waliba Masuuliyiintii ka qaybqaadatay shirkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay magaalada Taleex horraantii sanadka 2012.

 

Wasiirka Arrimaha Bulshada Mohamoud Diiriye, Wasiir ku xigeenka Xidhiidhka caalamiga Darwiishad Fardowsa Maxamuud M. Mire, Garaad Cali Buraale, Jaamac Abshir, iyo wafdi ballaaran oo ka soo kicitamay magaalada Ottawa ee Canada.

 

Aadan Cabdillahi Shuuriye oo ahaaafhayeenkii Shirkii Taleex iyo Saynab Barre (Ergo shirkii Taleex). Ayaa dhammaan halkaa ka soo jeediyay warbixinno iyo Talo iswaydaarsi ay la qaateen jaaliyaddaha Canada.

 

Waxaa halkaa la isla qaatqay sidii loo midayn lahaa xidhiidhka jaaliyadaha reer khaatumo ee ku kala nool Magaalooyinka kala duwan ee waddanka Canada iyo sidii looga qaybqaadan lahaa horumarinta Maamulka Khaatumo State.

 

Waxaa maamulka Khaatumo uu si degdega usoo hooyay guulo faro badan mudadii saddexda bilood ahayd ee la soo dhaafay, Isagoo maamulka ku guulaystay inuu unkamo, ictiraaf degdagana ka helo xukuumadda federalka Somalia.

 

photo%20to%201.JPG

photo%20to%205.JPG

photo%20to%204.JPG

photo%20to%203.JPG

Farduus2_Mohamoud.JPG

Toronto-Airport-Hotel.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xasuus Kooban ShirWeynihii Taariikhiga ahaa ee Khaatumo2 ee Magaalada Taleex (VIDEO)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

dr-cali-ciise.jpg

 

Gudoomiya Golaha Sare ee Guurtida Khaatumo Dr: Cali Ciise Cabdi oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey DUBAI International Airport, Dalka Iskutaga Imaaraadka Carrabta {DAAWO}.

 

Dr: Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah Golaha sare ee fulinta khaatumo ee G10, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka isku taga imaaraadka Carrabta oo uu gaadhay maanta goor danbe, Dr: Cali CIise Cabdi ayaa soo dhaweyntiisa waxaa ka qayb qaatay Jaaliyadda Khaatumo ee ku dhaqan dalkaas, kuwaasoo uu horkacayey Gudoomiyahooda Eng: Cali Xaaji Cigge kana mid ah gudida Fulinta ee G10.

 

Waxaa soo dhaweynta Cali CIise sidoo kale qayb ka ahaa Generaal Axmed Saleebaan Cabdalle oo ka mid ahaa madaxdii u saraysey ee Gudidii golaha sare ee kacaan ee xukumayey dalka Soomaaliya mudidii u dhaxaysay sanadihii 1969 ilaa 1991kii.

 

Waxaa la dejiyey magaalada Abudhabi ee dalkaasi isku taga imaaraadka Carrabta, halkaasoo uu horey u deganaa Gen: Daflle , waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato Jaaliyada Khaatumo State iyo weliba madax ka tirsan dalkaasi Imaaraadka.

 

Horufadhi News Update.

 

 

http://youtu.be/OTpbTK0bgQc" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

buuhoodle1.jpg

 

Guushu waa Inaga, libdhi maysid Laascaanood-

Lasanod Online. Tuesday, April 10, 2012

 

 

 

 

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Dagaal waaa gelin dambe, taas oo ay ula jeedaan haddii dagaalka lagaa gacan sarreeyo gelinka hore,

 

guushu way ku raaci kartaa gelinka dambe.Sido kale haddii goob dagaal lagaa gacan sarreyo maanta, berri adiga ayaa gacan sarraynta yeelan doona.

 

Dagaalkii gaadmada ahaa ee ciimada sheegata Somaliland uu hor boodayo calooshii u shaqayste Mahad Cambaashe ay ku soo qaadeen ciidanka Khaatumo ujeedadii ay ka lahaayeen uma suurtoobin. Guusha weyn ay sheeganayaan waa mid aan waxba ka jirin. Marka dhinaca meleteriga laga eego, tayada iyo tirada ciidanka wax soo weerary iyo siday wax u dhaceen,iyo siday wax u geysteen wax isu dhigma ma aha.

 

Dagaalkaas ciidamada cadawga waxaa qorshe u ahaa inay dhirbaaxo kulul u gaystaan ciidamada Khaatumo, dad madax ahna ku soo qafaashaan ama dilaan hadday u soortowdo laakiin waa ku hungoobeen. Waa run dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac waa ka soo gaadheen ciidanka Khaatumo, hase ahaatee mid lagu tilmaami karo guul darro weyn ma ahayn.

 

Tabta iyo xeeladaha dagaalka hoos ku sharaxan waa qodobada ugu muhiimsan taatikada dagaalka. Waa qodobo taliyaha ciidanka laga rabo inuu ku xisaabtamo, markastana maskaxda iyo maanka ku hayo.

 

Qodobadu waa kuwan:

 

1. Haddaad qorshayso inaad weer qaaddo, ku tasho inaad cadawga weerar ku qaadid wakhti aanu ku filanayn iyo meel aanu kaa filanayn.

2. Haddii qorshahaagu yahay difaac gal, iska ilaali oo ka taxadir in cadawgu kaa soo weeraro meel aanad filanayn iyo wakhti aadan filanayn

3. Haddii ciidanka aad is hor fadhidaan isku tayo iyo awood tihiin oo aad dareento inuu qorshynayo inuu weer kugu soo qaado, adigu weerarka kaga horree intaanu ku soo weerarin si aad qorshihiisa u baajisid, ciidankiisana u kala firdhisid.

 

Qodobada kor ku xusan ee aasaska u ah xeeladaha dagaalka,siday ugu dhaqmeen ciidamada Khaatumo? sidyna u fuliyeen? waa maxay khaladka ay galeen?

 

Aan isku dayo inaan wax ka sheego.

 

• Ciidamada Khaatumo waxay ka ruqaansadeen goobihii ay deganaayeen ee dhufayska kaga jireen. waxay gaadheen duleedka Laascaanood, waxayna ku dhowaadeen Ciidanka cadawga iyada oo qorshohoodu yahay inay weerar ku qaadaan Ciidanka Somaliland, Lascaanoodna xoreeyaan.Hase aheetee looma sheegin wakhtiga weerarka la fulinayo. Waxay istuseen cadawgii hor fadhiyey, waana u digeen in weerar lagu soo qaadayo.Halkaa waxaa ku lumay xeeladdii dagaalka ee ahayd " Cadawga ka weerar meel aanu kaa filanayn iyo wakhti aanu ku filanayn. Haddiise ay qorshaysteen inay meesha ku hakadaan ama degaan waxay ahyd inay galaan difaac adag, isla markaana fulyaan xeelada labaad ee dagaalka oo ah "Ka dugtoonow in cadawgu ku soo weeraro wakhti aanad filanyn iyo meel aadan ka filanayn.

 

• Cadawga ka sokow, reer khaatumo meel ay joogaanba debedda iyo gudahaba waxay durbaanka u tumayeen in dhowaan ciidanka Khatumo weerar qaadayo ku aaddan xoraynta Laascaanood. Ciidanka cadawgu arrintaa waa ka faaiidaysteen, waana dareemeen in weerar lagu soo wado.Sida darteed iyaga oo ka gaashaamanaya inaan weerarka looga horrayn ayey fulyeen xeeladii dagaalka ee saddexaad ee ahayd "cadawga weer inta aanu ku soo weerarin"

 

 

Dagaalku waa qori, waa sayaasad, iyo qalin. Saddexdaa qodob waa is dhamaystiraan. Wixii lagu waayo siyaasad wuxuu isu beddelaa gacan ka hadal, qori ama xoog inaad ku fuliso siyaasadda aad wadato. Qalinkuna waxaad tabanayso iyo ra'yiga aad wadato inaad ku sheegto war baahinta nooc kasta ha noqdee.

 

Dad badan oo reer Khaatumo ah ayaa saluugsan qaabkii uu dagaalki Jiidda L/caanood ka dhacay Aprl 1 ee dhex maray ciidanka Khaatumo iyo ciidanka S/land. Reer Khaatumo uma muuqato guusha siyaasadeed ee dagaalkaasi u soo hooyey Khaatumo State of Somalia. Waa markii ugu horeyesey ee war baahintu ku tilmaantay iska hor imaadkaas dagaal dhemaray ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo State.Iska hormaadka noocaas ah waxay ku timaami jireen dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan S/Land iy ciidamo beeleed ka tirsan Buuhoodle ama L/caanood.

 

Dagaalkii April 1 ka hor, hanaanaka (intiative ka) dagaalku wuxuu u foorarey dhinaca ciidanka Khaatumo. Mooraarlkooda iyo niyadoodu cirka ayey maresey. Ciidamada cadawgana waxa laga soo sheegayey moraal xumo, niyad jab iyo xag xagasho dhexdooda ka muuqata. Arrintaasna waxaa caddayn u ah tekinkadii ka soo fakatay ciidanka cadawga ee isu dhiibtey ciidanka Khaatumo ee jiidda Buuhoodle.

 

Madaxda iyo taliyaasha ciidanka Khaatumo waa inay wacyi geliyaan ciidankooda in haddii goob lagaaga gacan sarreeyey micnu aanay ahayn in lagaa adkaaday. Waa in lagu hanuuniya in Ciidanka Khaatumo yahay ciidan xaq u dirir ah oo dhulkoodii la haysto, dadkoodiina la guumaysanayo. Ha lagu dadaalo debed iyo gudeba inaan mooraalka ciidanka iyo dadku hoos u dhicin.

 

Aniga oo daba socda kor u qaadist niyadda iyo moraalka ciidanka Khaatumo, Waxaan talo u soo jeedinaya madaxda iyo taliyayaasha ciidanka Khaatumo inaan jiidda laascaanood marnba sanqadhu ka yaraan oo istaagin, kolay noqoto dagaalo kooban oo gogoos ah oo cadawga jiif iyo joogba u diida. Falalkaasi waxay dib u soo celinayaan niyadda iyo mooraalka ciidanka Khaatumo. falalkaa googooska ah waxaa loo qorshayn karaa inay fuliyaan toban teknika ah iyo konton nin oo la soo xulay. Halkii tekniko ah inay fuulaan shan askari, waajibkooduna yahay inay ciidanka cadawga kolba dhinac weerar kedis ku qaadaan, habka loo yaqaan ku dhufo ka dhaqaaq(Hit and run),Isla markaana la wado qorshihii iyo abaabulkii weerka balaadhnaa ee lagu xorayn lahaa L/Caanood. Dhulka lagu dagaalamayo waa dhulkeenii, dadka deggen waa dadkeenii, waana inala jiraan , iyagana taageero sahan waa laga heli karaa.

 

Qurbajoogta waxaan u soo jeedinayaa inaanay waxba ka hagran muruq iyo maalba maamulka iyo ciidanka Khaatumo. Arrintu waa ka weyntahay sheeko iyo muran makhaayad fadhi ku dirir.

 

Madaxda reer khaatumo gudaha iyo dibedaba iyo guud ahaan beesha reer Khaatumo, waa inay ku xisaabtamaan oo ku tala galaan in difaaca Buuhoodle iyo xoraynta L/caanood si fudud ku imanayeyn. Waa inay ku talagalaan dhimasho, dhaawac iyo qaxba.

Allee haw naxariistee halyeygii Gamal Cadinaaasir ee Masar ayaa weedh taariikhi ah rebey, weedhaas oo odhnaysa"dhulka xoog lagaaga qabsaday, xoog baad ku soo ceshan kartaa. L/caanood xoog baa lagu qabsaday, waxaana lagu soo celin karaa xoog.

 

Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa Reer Khaatumo waa inay ku tashadaan dagaal dheer oo dhimasho leh, dhaawac leh iyo qax haduu yimaado. Waxaynu nahay dad xaq u dirir ah dhulkooddi la haysto, odayaashoodii, haweenkoodii, dhalinyaradoodii xabsiyada Burco iyo mandheera si xaq darro loogu taxaabayo.Kan dhintaa waa shahiid, ka dhaawacmana Alle waa shaafayn doonaa Inshaa Allah.

 

Reer Khaatumo waxaan leeyahay; inta dhulkeena la haysto, dadkeenana la guumaysanayo fadhi inoo ma yaal, Guushuna waa inaga, libdhi maysid L/caanood.

 

 

 

Qore: Ali. A. Amer

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Jaaliyada Khaatumo State Ayaa Nairobi Kusoo Dhoweesay Garaad Cali Buraale -(Sawiro)-

Lasanod Online. Wednesday, April 11, 2012

 

 

 

 

Nairobi,(Lasanod Online)- Waxaa Caawa soo gaadhay Magaalada Nairobi, Garaad Cali Buraale oo kamida Golaha dhaqanka ee Maamulka Khaatumo State,

 

Garaadka ayaa wuxuu kasoo kicitimay magaalada Toronto ee Dalka Canada.

 

Waxaana si wayn ugusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, Jaaliyada Khaatumo ee Bariga Africa iyo Xubno kamida Golaha Dhaqanka ee Maamulka khaatumo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad cali.

 

Garaadka ayaa ku biiri doonaa wafdi isugu jira Golayaasha dhaqanka iyo siyaasada ee maamulka khaatumo oo mudooyinkan danbe ku sugnaa magaalada Nairobi Ee caasimada Dalka Kenya.

 

Garaad Cali Buraale ayaa wuxuu kamid yahay isimada aad looga qadariyo deegaamada khaatumo State, isagoo garaadku kamid ah dadka khibrada durugsan uleh hidaha iyo dhaqanka somalida.

 

 

 

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

 

 

 

 

Diini Cabdilaahi Maxamed

 

Lasanod Online. Nairobi, Kenya.

 

 

 

DSC08103.jpg

DSC08104.jpg

DSC08106.jpg

DSC08110.jpg

DSC08122.jpg

 

DSC08125.jpg

DSC08126.jpg

DSC081311.jpg

 

DSC08480.jpg

DSC084841.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

LaTaliyaha Warlord Siilaanyo, Horgale Fu’aad Adan Cadde,Oo waraysi dheer bixiyay Shacabka SSC 99% ayaa isku raacay Khaatumo” {Dhegayso}

 

 

afka furatay maanta Fu’ad Adan Cade Oo ka mid ah kuwa ugu waawayn dabaqoodhiyada ay ku yartahay wadaniyadu Oo khiyaaliga aaminsan.

 

Fu’aad Oo waraysi dheer bixiyay ayaa ku sheegay waraysigiisa inuu quus kataaganyahay wixii Uu 20sano aaminsanaa xaqiiqsadayna inay Riya ahayd,waxa uu hadalkiisii ku sheegay *********** Khaatumo ayuu samaystay 13garaad,80Caaqil, 40P.H.D(Professor) iyo dhamaan qaybaha bulshada sida Culimada,Dumarka,Dhalinyarada iyo Caruurta ayaa ka tashaday Oo ku dhawaaqay Khaatumo maaha wax cidi iska tidhi waxaana isku raacay khaatumo 99% dadkii ***********.

 

halaga soo qaado Ciidamada ayaan marar badan ku idhi Siilaanyo maantase Tabasho way dhaaftay ayuu yidhi Fu’aad.

 

http://www.afbakayle.com/2012/04/11/fuaad-adan-caddeoo-waraysi-dheer-bixiyaydhulbahante-99-ayaa-isku-raacay-khaatumo-dhegayso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wafuuda Khaatumo State ee Hogaaminayaan Dr cali Ciise Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga fulinta (G10) )Axmed Saleebaan Dafle oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Kuwait (Sawiro)

 

Dr cali Ciise Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga fulinta (G10) ee Maamul Gleedla Khaatumo ee soomaaliya waxa ay ufuudani utageen dalka kuwait arimo kusaabsan maamul Gleedka khaatumo,

 

 

 

masuuliyiintan maamulaka khaatumo iyo marwada Axmed Saleebaan,marwo Suuban Maxamed Siyaad Bare ayaa waxa sidiiran u soo dhaweeyay dhamaan jaaliyada khaatumo ee dagan wadanaka kuwait oo markasat lagarab taagan maamulka khaatumo hiil iyo hoo.

 

 

 

waa socdaal kana ayaa waxa lafilayaa ianay kulamo laqaataan jaaliyada khaatumo ee kusugan wadankan waxa ayana lagali doonaan shirar kala duwan oo lagu iftiiminayo maamulaka khaatumo State Of somalia iyo meesha uu marayo

 

IMG_1686.jpg

IMG_1688.jpg

IMG_1698.jpg

IMG_1681.jpg

IMG_1680.jpg

1114.jpg

1112.jpg

1111.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this