Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

100_1618-Khatumo-Tabaatiig-1024x768.jpg

 

Wufuuda Khaatumo State ee Hogaaminayaan Gudoomiaya Golaha Sare ee Guurtida Khaatumo Dr. Cali Ciise Cabdi Iyo S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle oo Siweyn Loogu Soo Dhoweeyay Kuwait

 

 

Habeenimadii sabtidu soo gelaysay ee 14/04/2012 ayaa jaaliyadda dalka Kuwait ee Maamul Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya waxay xaflad u abaabushay wafdi Khaatumo ka socda oo soo gaaray Kuwait kana kooban S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle oo xaaskiisu marwo Suuban Maxamed Siyaad Barre weheliso iyo Dr.Cali Ciise Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta {G10} ee Khaatumo. Xafladaas oo xubnaha jaaliyaddu soo buux dhaafiyeen waxa jaalle Xasan Nuux Maxamuud oo barnaamijka xaflada hogaaminayay ugu horayntii warbaahiyaha ku soo dhoweeyay Shiikh Cabdirasaaq Cawil Cismaan Baxnaan oo xafladda ku furay aayado ka mid ah Quraanka Kariimka ah.

Intaas ka dib waxa Guddoomiyaha jaaliyadda Khaatumo ee Kuwait, jaalle Axmed Maxamed Adan {Tabaatiig}madasha ka soo jeediyey khudbad isugu jirta soo dhoweynta wafdiga sharafta leh iyo guubaabo iyo warbixin ku saabsan sida Jaaliyadda Khaatumo State ee Kuwait mar walba kaalin Libaax uga qaadan jirtay Halgankii loo soo maray Xoraynta Gobolada Khaatumo State laga bilaabo Halgamadii Ururada NSUM iyo SSC iyadoo Halgamadaasi Hordhac iyo Gogol Xaadh u ahayeen abuuridda Maamul Goboleedka Khaatumo State.

 

 

Dr. Cali Ciise Cabdi oo khudbad qiimo iyo qaayo leh jaaliyadda u jeediyey wuxuu si faah faahsan uga waramay shirarkii Khaatumo 1 iyo Khaatumo 2 iyo sababihii keenay in shirar noocaas ah loo baahado. Wuxuu Dr.Cali jaaliyadda xogwaran buuxa ka siiyey sidii loo abaabulay shirkii Londan ee Khaatumi 1 iyo go’aamadii ka soo baxay oo ay ugu muhimsanayd in dalka gudihiisa shir beeshu u dhantahay lagu qabto. Wuxuu si qota dheer uga waramay marxaladihii uu soo maray shirkii Taleex ee Khaatumo 2 iyo sidii looga gudbay turunturooyinkii iyo hagardaamadii ay maamulda Puntland iyo Soomali-diidku iyagoo iskaashanaya ugu tala galeen burburinta shirka. Wuxuu tilmaamay Dr.Cali in dhibaatooyinkii labadaas maamul ee u heshiiyey beesha Khaatumo la damacsanaayeen shirka lagaga gudbay oo lagu fashiliyey dhabar adayg, isku kalsoonaan iyo midnimo.

S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle ayaa isaguna khudbad heer sare ah oo taabatay dadkii dhegaysanayey madasha ka jeediyey. Wuxuu sheegay in sababta keentay in lagu soo dhiirado qabsashada degaano ka mid ah gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay ku jirto caasimadii Laascaanood ay tahay isku duubnaan la’aan beesha dhexdeeda ka jirtay. Beelaha haysta Laascaanood iyo degaamada kale kuma soo dhiiran kareen haddii beesha SSC midaysantahay waayo si fiican ayay dadka dega SSC u yaqaaniin. Maadaama hadda beeshu ku midowday Khaatumo waa in qof kasta oo reer Khaatumo ahi wixii karaankiisa ah ugu deeqaa dhisidda maamulka Khaatumo iyo soo celinta degaamada xaq darada beesha laga haysto. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa S/Guuto Axmed Saleebaan sheegay in beesha Khaatumo xilweyni ka saaran yahay ilaalinta midnimada Soomaaliya. Iyadoo la kaashanaysa beelaha kale ee waqooyiga Soomaaliya dega una taagan midnimada dalka, ayuu yidhi Axmed Saleebaan, waa in beesha Khaatumo iyo maamulkeedu heegan u ahaadaan sidii looga hortegi lahaa kala goynta dalka Soomaaliya.

Khudbadaha ka dib waxa gabayo iyo buraanburo wadani ah oo kiciyey dareenkii dadka madasha ka soo jeediyey Abwaan Cawil Cismaan Baxnaan iyo Abwaanad Safiya Saleebaan Geedeeye.

Intaas ka dib waxa qaar ka mid ah dadweynihii joogay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta Khaatumo iyo su’aalo wafdigu uga jawaabay.

 

Axmed Tabaatiig

Guddoomiyaha Jaaliyada Khaatumo State of Somalia, ee Kuwait

 

Kjhatumo%252013%2520Apri%25202012.JPG

New%2520Image%2520Khatumo%252013%2520Apr

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Daawo Khudbadihii Xaflada Khaatumo State ee Talyaaniga (Video)

 

Xaflada lagu soo dhawaynayo laguna taageerayo Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia xafladaas oo kadhacday wadanka Talyaaniga , hoos kadaawo khudbadihi laga soo jeediyay xafladaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wafuuda Khaatumo Iyo Waxgaradka Goldogob (Sawiro) oo Kulan Balaadhan ku yeeshay Nairobi -

Lasanod Online. Tuesday, April 17, 2012

 

 

 

 

Nairobi,(lasanod Online)- Kulan Balaadhan ayaa maanta ku dhexmaray Magaalada Nairobi, Waxgaradka Beesha Tanade *******(********)..

 

iyo Masuuliyiinta Golayaasha Sare Ee Maamulka Khaatumo State of Somalia. waxaana kulankan kasoo qayb galay masuuliyiin iyo waxgarad farabadan oo kasoo kala jeeda labada dhinac.

 

Kulankan ayaa waxaa qudbado kasoo jeediyey mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin Dr.Cali Khaliif Galaydh, madaxwayne C/nuur Cilmi Qaaje, Dr.Aadan Ugaas Maxamed , Muuse Dhegay iyo mus’uuliyiin kale oo muhiim ah.

 

Waxaa kaloo goob jooga ka ahaa guddiga jaaliyada Khaatumo ee barriga Africa, oo ay ka midyihiin gudoomiye Jibriil Awcali Ciise, afhayeen C/qaadir Axmed Aw Cali, Sh. Xasan Axmed maxamed iyo xubno kale .

 

Kulankan ayaa beesha Tanade ******* {laalkase} ku sheegeen inay garab taaganyihiin walaahood Khaatumo hiil iyo hooba, Khaatumo iyo Tanada ay yihiin labo shacab oo walaalo ah.

 

Kulankan maanta ayaa qayb ka noqonaya kulamo isdaba jog ah oo mas’uulihiinta Khaatumo ee ku sugan magaalada Nairobi ay maalmihii lasoo dhaafay la yeelanayeen beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed.

 

 

 

Diini C/laahi Maxamed {xiddig}

Lasanod Online, Nairobi. Kenya

 

 

 

 

 

 

Tanade%2520%25285%2529.JPG

Tanade%2520%25286%2529.JPG

Tanade%2520%25287%2529.JPG

Tanade%2520%25289%2529.JPG

Tanade.JPG

Tanade%2520%25284%2529.JPG

Tanade%2520%25281%2529.JPG

Tanade%2520%252810%2529.JPG

Tanade%2520%252811%2529.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Khaatumo State Oo Ka Qaybgashay Shir Lagaga Hadlayo Dastuurka Cusub Ee Somalia-(Sawiro)-

Lasanod Online. Tuesday, April 17, 2012

 

 

 

 

 

Nairobi,(lasanod Online)- Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka Somalia,

 

kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaadhka iyo dhammaystirka dastuurka cusub ee qabyada ah.

 

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi.

 

“Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin la tashano sidii dalka looga saari lahaa marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax.

 

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur dhammaystiran oo u dalku yeesho.

 

“Dastuurka dadka ansixinaya waxaa laga soo xulayaa qaybaha kala duwan ee dalka. Maadaama aan afti la qaadi Karin xilligan wadada noo furanna ay tahay midaan kaliya” Ayuu yiri Xoosh.

 

“Waxaan ka codsanayaa dadka aqoonta leh ee dalka badbaadin kara inay ka agdhawaadaan salaadiinta iyo ugaasyada si dadka lasoo xulayo ay u noqdaan kuwo tayo leh oo dalka badbaadiya” ayuu sii raacshay wasiirku.

 

Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka cusub ee dalka ay soo xuli doonaan madax dhaqameedkii hore ee soo jireenka ahaa.

 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh oo kamid ah xubnaha Khaatumo State ee lagu martiqaaday shirka ayaa sheegay inuu taageersanyahay qorshaha Soomaaliya looga saarayo ku meel gaarka balse uu kasoo horjeedo qaabka wax loo maamulayo.

 

“Dadka lasoo xulayo waxaa la yiri waxaa soo xulaysa Puntland, annagu haddaan nahay Khaatumo ma aqbalayno in ay na matasho Puntland” ayuu yiri Gallayr.

 

Waxaana uu sheegay in Khaatumo ay u taagantahay oo dhiigeeda u daadinayso sidii looga hortagi lahaa kala goynta Soomaaliya.

 

“Dadka reer Khaatumo wuxuu dhiigoodu u qubanayaa waa adkaynta midnimada Soomaaliya, taasna cidna abaal uga dooni mayno” ayuu yiri Gallaydh.

 

Waxaa kaloo isna shirka lagu martiqaaday Cabdikariim Xasan Jamac oo ah xubin kamid ah gudida fulinta maamulka Khaatumo.

 

Shirkii maanta oo ahaa midkii ugu weynaa ee berayahan ka dhaca Nairobi ayaa waxaa isku soo duba riday hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta sharciga ee (IDLO).

 

 

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

 

 

 

SHIRcaliNAIROBI12.jpg

SHIRNAIROBI11.jpg

SHIRNAIROBI13.jpg

SHIRNAIROBI14.jpg

SHIR20NAIROBI3.jpg

 

 

SHIR20NAIROBI5.jpg

SHIR20NAIROBI6.jpg

SHIR20NAIROBI14.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

http://youtu.be/vtOugLOje2k" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Waraysi Gaara oo Aan La Yeelanay Halyeyada Sabaax Ciise (daawo video)

 

 

Waxaa soo gadhay magalada Birmingham halyeeyedii Sabaax Ciise 13/04/2012 oo ay martii qaad ufideyeen ururka Khaatumo of Somalia youth in the westmidlands….waxaana waraysi taabany dhinacyo badan idiinka diyaariya bahda afbakayle&Nugaal Media ee magalada Birmingham waraysi hoos ka daawo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

http://youtu.be/xqkYUKNg-gs" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Mudaharaad Weyn oo Lagu Taageerayo Khaatumo State & Midnimada Soomaaliya Ayaa Maanta Ruxay Magaalada Buuhoodle (Daawo Sawirada)

 

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn mudaharaada Balaadh oo laga Soo horjeedo xubno calooshood u shaqaystayaal ah oo Kasoo Jeeda deegaanada Khaatumo State oo si dhuumasho ah ku aaday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Faroole.

 

-

Dadwaynahan Kasoo qayb galaay banaan baxan Ayaa siwayn shucuurtooda u muujiyey waxay na soo ban dhigeen sida ay ugu go antahay taageerada ay u hayaan maamulka khaatumo State, isla markaan aysan matalin waxna u dhimi karin kooxo dana gaara wata oo iyagu doonaya Inay fushadaan howlahooda, laakiin aan ka turjumayn Rabitaanka Shacabka deeganada Khaatumo State.

Dhinaca kale Banaan baxan ayaa waxaa lagu Saluugay Gudida ay dawalada Dhexe dalku u magacowda wada hadalka dhexmaraya dawalada Soomaaliya & maamulka Falaagada ah ee Isaaqland.

 

-

Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee Maamulka Khaatumo State- C/raxmaan Maxamed Axmed oo isna kasoo qayb galay madashii uu kasocday Banaan baxani ayaa hadalo dhinacyo badan taabanaya halkaasi ka jeediyey wuxuu sheegay in ka maamulka Ahaan ay soo dhawaynayaan in shacabku soo bandhigaan, kana hadlaan waxyaabaha Ay Ubaahan yihiin islamarkaan Beesha caalamka iyo dawlada Soomaliyaba Looga Baahan inay Xaq dhowraan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalana wuxuu ka hadlay arimo dhowra.

 

Isku soo wada duuboo banaan baxan ayaa ku soo gabagaboobay Jawi aad uwanaagsan!

 

 

DSCF6672.jpg

DSCF6643.jpg

DSCF6633.jpg

DSCF6635.jpg

DSCF6681.jpg

DSCF6703.jpg

 

 

DSCF6692.jpg

 

DSCF6698.jpg

 

DSCF6663.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Caasimadda Khaatumo ee Taleex oo Raxmaadka Rabi uu Ka Da’Ay & DeegaanadaKale ee Khaatumo State

 

 

Caasimadda Khaatumo ee Taleex oo Raxmaadka Rabi uu Ka Da’Ay & DeegaanadaKale ee Khaatumo State

 

 

Magaalada Taleex ee Caasimada Maamulka Khaatumo State Of SOmalia waxaa dhawaanahanba ka Da’ayey raxmaadka Rabi isbuucan Gudihiisa waa Caasiamda Dowlad Govoleedka Khaatuo Laga Dareemayey Curashadda Raxmaadka Rabi iyo Roobab Goos Goos ah oo Degmada Taleex ka Da’ayey.

 

Geesta Kale Deegano Badan oo hoos Taga degmada Taleex ayaa yaguna ay Ka Da’een Raxmaadka Eebe

Daawo Sawirro Muuqaalka Taleex iyo Xili-roobaadka.

 

Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi

Caasimada Taleex, Khaatumo State Of SOmalia

 

SAM_8721.jpg

SAM_8722.jpg

SAM_8723.jpg

SAM_8724.jpg

SAM_8732.jpg

SAM_8735.jpg

SAM_8748.jpg

 

Masha Allah.. Waa Geedkii Taariikhiga ahaa ee u Horseeday Guul Iyo Gobanimo Deegaanka Daraawiishta... Berde Khaatumo waa Geed Barakeesan..

 

 

 

____________________________

 

 

 

 

Roobka Guga oo Ka Curtay Caasimada KHaatumo State ee Magaalada Taleex, Iyo Geedka Barakeesan ee Barde KHaatumo oo Roobku Hayo

 

SSCNEWS.COM

 

 

waxaa roob lagu qabowsadaa ka curtay caasimada kumeel gaadhka ah ee khaatumo state ee taleex

curashada raxmaadka EEBE ee ka curtay magalada taariikhiga ahee taleex ayaa waxay ahayd mid si aad ah loogu farxo oo ay ku qaboobeen dadkii joogay goobtaas

inkastoo curashadii hore ee roogka ay tahay hada waxaa jira meelo kale oo dhulka khaatumo ka mid ah u badan xoola daaqsin oo uu ka curtay roobku wararkayaga danbe ayaad kaga bogan doontaan wararka roobka oo aad loo sugayey wakhtigan

 

maxamud cabdi tuulo

m.wadani

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wufuudii Xukuumada Khaatumo State oo SiWeyn Loogu Soo Dhoweeyay Magaalada Kampala, Dalka Uganda

 

 

Kulan balaadhan ayaa habeenkii xalay dhex maray Masuuliyiin ka socda maamulka Khaatumo state of Somalia, oo ay ka midyihiin madaxweyne Cabdinuur Cilmi Qaanje biindhe, Golaha Sare ee dhaqanka, sida Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan, Garaad Cabdisalaan Maxamed Xasan, Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur iyo jaaliyada khaatumo state ee ku dhaqan dalka Uganda, sida ganacsatada Ardayda Jaamacadaha, Garabka haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada.

 

 

 

Aayadaha Quraanka kariimka ah oo kulanka lagu furay kadib waxa halkaasi weftiga warbixin kasiiyay Shiekh Cali Geelle, oo dulmaray xaalada guud ee jaaliyada khaatumo ee dalka Uganda, isagoo ku amanaay inay yihiin kuwo mar kasta dhawra sumcada iyo karaamada dadka kasoo jeeda khaatumo ee ku dhaqan dalka Uganda.

 

 

 

Garaad Saleebaan Buraale Aadan ayaa ugu horayntii hadal halkaasi kasoo jeediyay, isagoo garaadku sheegay in arimaha siyaasada debedda, difaaca iyo fashilinta siyaasada cadawgu gundhig u tahay booqashada ay ku yimaadeen dalka Uganda, iyo sidii ay warbixin guud u siinlahaayeen shacabka khaatumo state ee ku dhaqan dalka Uganda.

 

 

 

Sidoo kale waxa uu garaadku taabtay guulaha wax ku oolka ah ee ilaa hadda maamulku gaadhay, soo dhawyntii ay kala kulmeen wadamadda jabuuti, kenya, eithopia iyo heshiiskii ay la galeen Dawlada soomaaliya shirarkii beelaha soomaaliyeed ay la yeesheen oo uu ku tilmaamay guuo isdaba joog ah . Waxa uu garaadku xusay in loo baahanyahay in qof kasta uu qabto hawsha looga fadhiyo. Si loo badbaadiyo guudahaan shacabka soomaaliyeed oo hanweyn uqaba maamulka Khaatumo state of somalia.

 

 

 

Garaad Cabdisalaan oo hadal kooban isna halkaas kasoo jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay midnimada beelaha Khaatumo state, iyo sidii dal iyo debedba loo muujin lahaa midnimada ka hanaqaaday deegaamada Khaatumo state.

 

Ugaas cabdilaahi Ciise nuur ayaa dhankiisa isaguna xusay in qayb kasta oo bulshada kamida laga sugayo wixii looga fadhiyay, Ardayda Khaatumo State ee Aduunka dacaladeeda ayuu bogaadin usoo jeediyay , sida firfricoon ee ay uga qayb qaadanayaan maamulka khaatumo, isagoo ku tilmaamay arday leh hal-abuur rabaaniya.

 

 

 

Ugu danbayntii waxa shirka soo xidhay madaxweyne Cabdinuur Cilmi Qaanje, oo soo jeediyay khudbad murti iyo maahmaah xambaarsan, madaxweynuhu waxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay sadexda gole ay khaatumo ka koobantahay, oo uu sheegay inay saldhig u tahay talo-wadaag, midnimo, isjacayl iyo halgan.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale aad u amaanay doorka lama ilaawaanka ah ee haweenku ay ka qaateen dhisida iyo hirgilinta maamulka khaatumo state, waxa kale oo uu madaxweynuhu fariin adag u diray maamulka somaliland isagoo xusay inay dhamaatay joogitaankii deegaanada khaatumo, waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray dardaaran ku salaysan midnimo, masuuliyad,daljacayl, halgan, u dhabaradayga dhib kasta oo loo marayo xoraynta deegaanada ka maqan khaatumo state.

 

Aadan Jaamac Oogle ( Xabeeb )

 

Kampala-Uganda

 

116.jpg

47.jpg

52.jpg

62.jpg

74.jpg

92.jpg

23.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this