Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: PM Gaas Cabinet 18 Ministers, technocrats all new faces.. So much for lists

Recommended Posts

NGONGE   

Xaaji X, I don't like the way you distance our Nassir and try to force him and his minister into this TFG nonsense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ngonge nasiir goormeynu inagu yeelanay war niyo waxan ka so shaqeynayey maanta oo dhan ha iga kala daadin xuquuqda reer maakhir baan u doodaya tartiib tartiib adigu bahashi oo qawaan baad rabta inu nassir liqo dee kama degeyso wax fahan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Mid Kamid Ah Wasiiradi Shalay La magcaabey oo La.Afduubtey

21st July 2011

 

Waxaa magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe lagu afduubtay Marwo Caasho Cusmaan Caqiil oo shalay loo magacaabay wasiiradda hormarinta qoyska ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan xarakadda Al-shabaab ee halkaasi ka arimisa.

 

Xogta aan ka helayno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay afduubteen haweenaydaasi ka tirsanayd golaha wasiiradda Cusub ee shalay lagu dhawaaqay ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare C/weli.

 

Marwo Caasho Cusmaan Caqiil ayaa la sheegay in ka hor intii aan la magacaabin inay ka shaqayn jirtay Hay’ddo maxali ah oo deegaankaasi ka howlgala, ma jiro warar dheeraad ah oo xaqiijinaaya afduubka Haweydaan , mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan afduubka Haweynaydaasi.

 

Dhanka kale waa Wasiirkii ugu horeeyay Xukuumadda Ra’iisul wasaare C/weli oo la afduubtay, lamana oga ilaa iyo hada halka ay Shabaabku la aadeen haweynaydaasi la afduubtay, mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda KMG ah.

 

 

http://www.galgalanews.com/?p=1123

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Zack, Please spare us the crocodile tears. We know what type of criminal organization you root for under the banner of freedom movement.

Adeer, this was a genuine effort on the Maakhir's participation in the peace process to restore Somalia to its old and legitimate function, a nation-state capable of defending its borders and of marginal improvement unto the welfare of its citizens.

Your show of support, however, to Sh. Mohamed Sa'ed Atam is irrelevant in this case for that man has already succeeded in reversing the gains of puntland in Western Bari region, not to mention how his war on foreign oil corporation helped in disguise the sovereignty of Somalia at a time when warlords are auctioning off our lands to the highest bidders and creating crisis after crisis to remain as the beneficiaries of the status quo.

 

Btw, Good morning from my side of the world to my SOL community!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Nassir, Abdiweli ayaa booska idin haaya. Waxaa fiican in suldaanada reeraha iney isla hadlaan oo the next round Garaad Cali Ciid group loo daayo kursiga unchallenged. Laakiin marka hore dhaqdhaqaaq badan waa inuu Nassir iyo crew ay sameeyaan. Waxii la rabo haddii loo dadaalo waa lagu guuleysan karaa.

 

All the best to you n Eastern Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;735493 wrote:
Mid Kamid Ah Wasiiradi Shalay La magcaabey oo La.Afduubtey

21st July 2011

 

Waxaa magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe lagu afduubtay Marwo Caasho Cusmaan Caqiil oo shalay loo magacaabay wasiiradda hormarinta qoyska ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan xarakadda Al-shabaab ee halkaasi ka arimisa.

 

Xogta aan ka helayno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay afduubteen haweenaydaasi ka tirsanayd golaha wasiiradda Cusub ee shalay lagu dhawaaqay ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare C/weli.

 

Marwo Caasho Cusmaan Caqiil ayaa la sheegay in ka hor intii aan la magacaabin inay ka shaqayn jirtay Hay’ddo maxali ah oo deegaankaasi ka howlgala, ma jiro warar dheeraad ah oo xaqiijinaaya afduubka Haweydaan , mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan afduubka Haweynaydaasi.

 

Dhanka kale waa Wasiirkii ugu horeeyay Xukuumadda Ra’iisul wasaare C/weli oo la afduubtay, lamana oga ilaa iyo hada halka ay Shabaabku la aadeen haweynaydaasi la afduubtay, mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda KMG ah.

 

 

Technocrat missing where is duke and the army from garowe?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Maamul Goboleedyo Qaadacay Wasiirada Cusub

21st July 2011

 

Gaalkacayo:-Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Gal-Mudug Maxamed Axmed Caalim oo Shir Jaraaid ku qabtay xaruntiisa Gaalkacayo ayaa si adag u dhaliilay Golaha Wasiirada Cusub ee uu shalay soo dhisay Raisalwasaare Gaas.

 

Madaxwaynaha Gal-Mudug ayaa xusay in Cabdiweli Gaas uu Hareermaray Shirki Kampala Go’aamadii ka soo baxay ee ahaa in wada Tashi buuxa lala sameeyo Maamul Goboleedyada Hana qaaday.

 

Waxa uu Ku ce celiyay inaanu Maanta laga Bilaabo aqoonsanayn Golaha xukuumada isla markaana ay Beesha Caalamka u sheegayaan in si Ka leexsan Hanaankii lagu hashiisay Lagu soo dhisay Wasiirada.

 

Hadalka Madaxwayne Caalim ayaa imanay xili Beelaha Somaliyeed qaarkood ay ka Biyo diidsanyihiin Golaha Wasiirada,isla markaana Baarlamaanka Somaliya laga soo xigtay inaanay Meel marindoonin Golaha xukuumada.

 

 

 

http://www.galgalanews.com/?p=1136

Share this post


Link to post
Share on other sites

Absolutely oodweyne we have to give nasiir some breathing space in order for him to make the right decisions he already got tired of ssdf clan Politics Sh Atam versus Imam faroole.

 

And now the clan they mythically share a common maternal side just ignores them tottaly when forming a cabinet now some will say the cabinet is full of technocrats but Somali ka wayi meysid war reerkaygu technocrat ma laga wayey;). That is indeed the dirty politics Koonfurians play.

 

As for the so called TFG Minister from Hargeysa Oodweyne isn't carab ciise the old man who fathered the so called TFG minister isn't he the one who used to own farms in Afgooye and janaale back in the days and his daughter is married to Axmed jirde Xuseyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Ninkan gaas la yiraa 2 oo mid yahay khabar daar mise ma naxe. Sidee wasiir uga dhigaysaa qof dhex degan shabaabka gudahiisa? Ma fahmin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;735524 wrote:

And now the clan they mythically share a common maternal side just ignores them tottaly when forming a cabinet now some will say the cabinet is full of technocrats but Somali ka wayi meysid war reerkaygu technocrat ma laga wayey;). That is indeed the dirty politics Koonfurians play.

Marka hore awoowe you love the dirty politics Koonfurians play, ileen maalin walba you come here to watch Koonfurian Champions League tournament matches. Ethnic Landers politics waxay u dhigmaan Seria B sidaas awgeedna ma fiicna inaad afxumeysid game aad jeceshahay inaad daawato oo aadan ka maarminba. Ma garatey awoowe Xanjo? :D

 

Nassirna reerkiisana waxba ha isku dhedhejin, waxba walba u tabanaayo wuu helaayaa wax uu Seria B inuu daawado uga baahan ma jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Cawaale;735528 wrote:
Ninkan gaas la yiraa 2 oo mid yahay khabar daar mise ma naxe. Sidee wasiir uga dhigaysaa qof dhex degan shabaabka gudahiisa? Ma fahmin.

Not to reduce her in any way, but this is business as usual in the South. AS is poking holes at the weakness of the TFG. I pray she will be freed. Another testimony the South can't be deemed safe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gaashaan   

war ma nabadbaa?? aan si quman u qiimayno the new capinet,,,yaan lagu dagdagin.

what a new faces,,,,

 

Oodweyne;735200 wrote:
A_Khadar
,...
:D
:D

 

He is very close family member; in fact his mother is my first blood cousin. And, I know him well in his "very difficult life" in California. Furthermore, his father is well known Somalilander call Mr. Carab Ciise (also, anyone who lived in Xamar, particularly in Casa-popolare will know Mr. Carab Ciise). And, in-terms of lineage wise, he is
"XXXXX"
(of the hargeisa's environment)... I hope that is a good enough of an information...
:P

 

Edit
.

 

Admin
,

 

So sorry for the slip in-terms of the clan names; but, let just say he is in same lineage as with
Dr. Buubaa
and
Gen. Jama Mahamed Qhalib
(i.e., Jama Yare).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

ALLSSC.COM: Dalalkii Ay Ka’yimaadeen Iyo Baasaboorada Ay Wataan Golaha Wasiirada Cusub (Akhriso).

 

Muqdisho(Allssc): Labada Shariif ayaa maalintii shalay waxay ku dhawaaqeen Golaha Wasiirada kuwaa oo ka kooban ilaa 18-Wasiir dhamaana ka yimid dalka Dibadiisa .

Hadaba Wasiiradan Cusub ayaan idin haynaa wadamada ay ka yimaadeen iyo Baasaboorada ay wataan.

1-Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta (wuxuu wataa baasaboor Eretria).

2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dibadda (Wuxuu Wataa Baasaboor British ah).

3-Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ( Wuxuu Wataa Baasaboor Maraykan ah).

4- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha( Wuxuuna wataa Baasaboor Swedish ah).

5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka( Wuxuu Wataa Baasaboor Canada ah).

6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta( Wuxuu Wataa Baasaboor Maraykan ah).

7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska( Waxay Wadataa Baasabor Holand ah).

8-Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha( Wuxuu Wataa Baasaboor BriTIsh ah).

9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ( Wuxuu Wataa Baasaboor Maraykan ah).

10-Mudane Cabdulqaadir Maxamed Axmed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ( Wuxuu Wataa Baasaboor British ah).

11-Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga( Baasaboor Holand ah).

12-Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda( Wuxuu Wataa Baasaboor Jarmal ah).

13-Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Circa, Dhulka, Badda & Dekadaha( Wuxuu Leeyahay Daganaasho Sacuudi ah Wuxuuna Wataa Baasaboor Soomaali ah).

14-Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta(Wuxuuna wataa Baasaboor Canada ah).

15-Mudane Jaylaani Nuur Iikar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska(Wuxuuna Wataa baasaboor Holand ah).

16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Waxaa loo magacaabay asiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka( Wuxuu wataa Baasaboor Filand ah).

17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare( Wuxuu Wataa Baasaboor Maraykan ah).

18- Madane, Cabdullaahi Goodax Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga( Wuxuu Wataa Baasaboor Maraykan ah).

Maxamed Wali Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this