Sign in to follow this  
Kamaavi

Prof. Gandi First Elected President of Azania State of Somalia

Recommended Posts

Taleexi   

Ku dayo professorinta ku dayo weeye sheekadu.... Abwaan la qabso saaxiib... anna waalidu waa igu soo jirtaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

This article clearly addresses the naysayers.

 

Prof. Gaandi muxuu galabsaday?

 

Shir ka dhacay Limuru, Kenya oo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi loogu caleemosaaray madaxwaha maamulgoboleedka la magac baxay Azania ayaa la kulmay macaarado xoogan.

 

 

 

Markiiba waxaa afka furtay oo dhaleecayn, canbaarayn iyo inay ka soo horjeedaan is daba dhigay laamaha ay ka koobantahay DKMG. Ra,iisal Wasaare Farmaajo ayaa shir degdeg ah isugu yeedhay qaar kamid ah wasiiradiisa dabadeed waxay cod dheer ku dheheen maamulka Gaandi waxba kama jiro. Waxaajiray wasiiro si gooni gooni ah u dhaleeceeyay shirka halka qaarkood ayba aflagaado ugu sii dareen. Mudanayaasha Baarlamaanka DKMG ayaa dhankooda ayagoo raxan raxan isu haysta ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan maamul goboleedka cusub ee Azania.

 

Odayaal dhaqameed badan oo maanta isugu yimid Xamar ayaa sidoo kale codkooda ku biiriyay ayagoo leh maamulka Gaandi samaystay waxba kama jiraan, raalina kama nihin.

 

Maamulgooleedka Azania ee Prof. Gaandi madaxwaynaha ka yahay ma aha maamulgoboleedkii ugu horeeyay ee dalka lagaga dhawaaqo. Waxaa horay u jiray oo kan ka horeeyay; Puntland, Galmudug State, Waax iyo Waadi, Ximan iyo Xeeb, Hiiraan Land, Dooxada Shabeele, Dooxa State, Mid Land, Udub Land, South West Sate, Central State, Mareeg Land, Green Land, SSC, Jubba Land State, Jubba & Raaso State, Jubba Sate, Banaadir Land iyo kuwa kale oo dhexda ku soo jira.

 

Guud ahaan qarankii Soomaaliyeed, marka lagu daro Somaliland oo ayadu ku dhawaaqday gooni isu taag, maamul goboleedka cusub ee Azania wuxuu noqonayaa maamulkii 20aad ee lagu dhawaaqo, waana ka ugu danbeeyay ee ugu da,da yar.

 

Hadaba sow wax is waydiin mudan ma ahan in maamulkii ugu danbeeyay inuu yeesho mucaaradada ugu badan, sow cajiib ma ahan in maamul kani uu noqdo maamulkii ugu horeeyay ee laamaha DKMG ay halmar ku dhawaaqaan inay ka soo horjeedaan ayadoo ay horay u jirtay inay qaar kamid ah maamuladii ka horeeyay ay xataa dhaqaale ugu deeqeen, kuna casuumeen xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya.

 

"Hashu maan kayga gaddayee ma masaarbay liqday", Siday wax u jiraan? Maxaa maamulka goboleedka Gaandi ku duugan oo dadka ka wada dhawaajiyay? Ma aqoonta ama cilmiga iyo waayo aragnimada uu leeyahay baa? Oo hadii ay taas tahay, waxaa jira maamul goboleedyo ka horeeyay oo rag mutacalimiin ah ay madax ka yihiine, maxaa loo waayay cid mucaaradda!

 

Mise, DKMG waxay ka cabsan maadaama ayada lagu dhisay Kenya, looguna yeedho dawladda Imbegethi in tanna noqoto mid ayada liqda maadaama ayadana Kenya lagu dhisay, dawladda Kenyana raali ka tahay. Oo haday sidaasi tahay maxaa Oday dhaqameedka Xamar fadhiyana ka dhawaajiyay ileen ayago DKMG ma ahee? Siday wax u jiraan?

 

Qaar kamid ah xubnaha DKMG ee dhaliilay barnaamijka Gaandi, waxay ku sheegeen inuu yahay barnaamij qabiil, hadana aan loo baahnayn qabiil ee loo baahanyahay qaranimo. Oo haday sidaas tahay DKMG ayaaba ku dhisan Qabiil, sow sidaas ma ahan? Siday hadaba wax u jiraan?

 

Mise, meelaha uu sheeganayo maamulka Gaandi waxaa kamid ah Kismaayo oo ah magaalo Soomaali oo dhan beerqaaday? Oo haday sidaas tahay waxaa ka horeeyay maamullo badan oo waliba sheegtay inay ayadu caasimad u tahay ee maxaa loo mucaaradi waayay? Hadiise Gaandi oo Kismaayo ka soo qaaday magaalo caadi ah uu ku andacoon lahaa in sadexda gobol ee maamul kiisu sheegtay ayna ku jirin Kismaayo, markaas mucaaraddadu ma ka hadhi lahayd? Aleeylehe waa maya? Hadaba siday wax u jiraan? Maxaa meesha ku duugan oo dadka ka wada dhawaajiyay?

 

KismaayoNews ma oga sababta dadka kaga wada dhawaajisay ee afkooda looga maqlay Gaandi...Gaandi....Gaandi, waxaanse u daynaynaa taxliilinta, turxaan bixinta, lafa gurka iyo helidda jawaabta saxda ah akhristayaasha sharafta leh iyo bahwaynta Soomaaliyeed. KismaayoNews waxay ogtahay oo kaliya in maamulka Azania ee Prof. Gaandi uu noqday maamul goboleedkii ugu horeeyay ee mucaaradaad xoog badan kala kulma DKMG laamaheeda kala duwan iyo odayada dhaqanka ee Xamar.

 

Gunaanadkii, waxaan idin waydiinaynaa, muxuu Prof. Gaandi galabsaday?

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

 

cwwwwwwwwwwwwwwwwww.jpg

 

Khudbadii u jeediyay M/waynaha dawlad goboleedka Azaaniya ee Dhaarinta & xafladii xiritaanka shirwaynihii lagu dhisay maamulka cusub ee dawlad goboleedla Azaaniya ayaa wuxuu mahad celin balaaran u soo jeediyay, Ergooyinkii iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay madasha shirka.

 

Asagoo yiri waxaad muujiseen biseel, xilkasnimo iyo dulqaad, aanan wali lagu arkin soomaalida, waxaan rajeynayaa in mustaqbalka soo socda aad sii wadi doontaan talaabooyinka aad ka muujiseen shirwaynaha.

 

Waxaa kale aan u mahad celinayaa Beesha Caalamka, Ururka midawga Afriaka, iyo xubno ka tirsan baarlamaanka soomaaliya, fanaaniinta soomaaliyeed, wariyayaasha u shaqeeya wakaaladaha caalamiga iyo kuwa gudaha ka jiraba culumo udiinka soomaaliyeed ee diinta islaamka asalka u ah, sidoo kalena waxaan u mahad celinaayaa ciiidankeena qabtay deegaanada Dhoobleey iyo Taabta, waxaana rajeynayaa in socodkaasi uu sii socondoonaa tan iyo inta laga xoreen doono kuwa xagjirka ah ee ku sugan deegaanadaasi.

 

M/waynaha ayaa sidookale sheegay in ay hakad galiyeen shirka , islamarkaasna uu sharaxaad ka bixiyay sida hamsamida leh ee shirka uu ku soo socday, shirkaan ayaa waxaa uu soo socday mudo 2 sano ah inta hada aad shaqeeneyseen waxaad ansixiseen axdiga uu dalku ku dhaqmi lahaa, waxaa doorateen hogaamiye, waxaad ku tilaabsateen barnaamij aan horey soomaaliya uga hirgalin kaa soo ah, in idinka oo fadhiya aad 15 degmo ee ay ka kooban yihiin 3 gobol oo marka aad gobol gobol u soo qaadaan kadib, iyadoo la fiirinaayo dadka sida ay u degan yihiin, ma ahan in ay ku kala badan yihiin, laakiin dadku wakiilo yeeshaan wajiga aan hada galayno.

 

Wakiiladaas waxaa looga bixi doonaa xiliga hada aan ku jirno, waxaana la samayn doonaa tirikoob, waxaa kale ee la samayn doonaa doorasho waxayna ku salaysan tahay tirikoobka la sameyay kuma salaysnaan doonto qabiil,ama jabhado, hadii dadka qaarkood ay iska dhex waayaan golayaasaha waxaa idiin sheegayaa in muhiiimada aan sii doono dadka aanan waxba ka helin xubnaha goloyaasha marka aan qaybinayno xubnaha kale ee dawalada.Shirka waxaan galiney hakad waxaan saas u samayney in aan isku noqon aan isa saxno wada tashigana aan badino marka uu dhamaado wada tashigaas wixii aan u aragno inay nala saxay yihiin aan isula soo noqono Marka uu dhamaado wada tashiga waa la idiin yeeri doonaa xiliga aan isku soo noqono Waxaa la dooran doonaa baarlamaankii Golihii guurtida, afhayeenkii baarlamaanka iyo Xubnihii kale ee dawlada ,Shirkaas wax uu ka dhici karaa Halkan ama gudaha.

 

Baaq

 

Dagaalka iyo dhibaatooyinka manta dhulkeena ka taagan 13 iyo 18 sano jir ayaa loo adeegsanayaa hadaba waxaan ugu baaqaynaa dhalinyarad Soomaaliyeed ee la khaladay kuwaas oo dilaya Ehelkooda laynaya Walaalidiintooda iyo dadkooda inay soo noqodaan dantoodan gartaan Diintooda iyo dalkooda ay u soo noqodaan .

 

Anaga oo kaashaneyna Beesha caalamka Waxaan u fududayneynaa dhalinyaradaas in aan u abuurno Nolol Xirfado Waxbarsho Waxaan u sheegeeynaa in meel walba oo ciidankanaga ay joogo ay isu dhiibi karaan damaanad buuxadan ay helayaan amaankooda.

 

Dadka Soomaaliyeed ee u dhashay Gobolad Azaaniya Waxaan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan nidaamka Maamul u samaynta iyo xoreynta dhulkooda, Cid walba oo uu shaki kaga jiro hawsha aan wadno Waxaan diyaar u nahay in aan usharxno, cidii wax ku kordhineyna aan la midawno, qof walba oo Soomaali ah oo Daacad ka ah dhibaatada iyo Dagaalada aafeeyey dadka in aan la wadaagno talada una yeerno oo aan la fadhiisno. Oogu danbayntii Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Azaaniya ayaa dadka Reer Azaaniya oogu baaqay in ay gacamaha is qabsadeen una midoobaan in ay ka guuleystaan Cadawgooda .

 

Shirwaynihii Maamulka Azaaniya lagu dhisayey ee Magaalda Limuru ayaa ku dhamaaday guul iyo Farxad Waxaan lagu wada balamay Sii wadista iyo dhamaystirka maamulka iyo xoreynta Azania. Riix linkigan hoose saad u daawato Sawiradii xaflada dhaarta

 

http://www.facebook.com/pages/Professor-Mohamed-Abdi-Gandhi/192940868327?sk=wall&filter=2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dhamaan qurbo joogta ka soo jeedo Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo si buuxda u taagertay Maamul Goboleedka Azania ee lagaga dhawaaqay Dalka Kenya taarikhdu marka ay ahayd 31st March 2011. Waxa ay dhamaan si kash iyo lab ah u taagereen Maamulka cusub. Waa ilaahay madadii hadii lagu guulaystay 2 ½ kabadi in ladhiso maamu goboleed, lana doorto madaxwayne.

Ku: Hambalyo ku socota Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Anzania Prof. Mohamed Abdi Gaandi

 

 

Dhamaan qaybaha kala duwan oo ay ka koobantahay qurbojoobta Jubbada hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaan ku leenahay naga gudoon Hambalyo qiimo iyo qaayo badan xunbaarsan.

 

Waxaan ilaahay kaaga rajaynayna inuu kugu guuleeyo xilka culus ee aad qaaday. Waxaad muujisay wadaninimo, dhabar adeeg, bisayl iyo cadaalad, Somalina maanta waxay u baahantahay nin intaa aan sheegnay leh, meeshaas kaga sii wad, anaguna waxaan balan qaadaynaa inaan kuula shaqayno sidii loo hirgalin lahaa barnaamijyada ay dowladaada u wado umadda reer Anzania.

 

Waxaan kugula dardaarmaynaa in waxa ugu horeeyo oo ay dowladaada qabato noqoto dib u heshiisiin dhab ah oo dhex marta umadda degta gobbolada ku bahoobay Anzania iyo inaad muhiimad siisaan in dadka wacyi galin ku saabsan wadaninimada, xigaalka, darisnimada iyo wadanoolansha lasiiyo.

 

Ku: Dadka Ka hadlay Arimha Maamulka Azania

 

 

Umaddaha horay u maray way ku faanan kooda aqoonta leh, balse Somali manta waxay kala garan la’dahay keeda fiican iyo kooda xun, waxaana fiican in la isaga daydo camalka fiican. Manta Prof. Gaandi waxaan oran karnaa waa profasorrada Somalida ah ee isku taxluujiyay in Somalia nabad noqota, ee aanan ka qaylinin Jaamacad dalka dibadiisa ku taala, balse intuu yimid wadankii isku dayay inuu aqoontiisa umada uga faa iideeyo. Wuxuu mudan yahay in la taageero waxna laga waydiiyo sidii Somalia nabad looga dhigi lahaa, maxaa yeelay in ka badan 2 sano ayuu barnaamijkan waday waxbana looma reeban haday ahaan lahayd DKG iyo hadii ay ahaan shaqsiyaad magac qabiil human iyo haday ahaan lahayd wadamo aanan rabin inay Somalia nabadowdo, balse ninkii xaq ku taagani ma liico tusaalena waxaa inoo aha guusha uu ka gaadhay waxaasoo carqalado ah iyo inuu hirgalo hindisihisii ahaa in Gobollada iku bahoobay loo sameeyo maamul matala, Somaliyeey hanoqonina kuwii heeryadooda cunayay ee noqda kuwii geesigooda u hiil dhicin lahaa. Ninkii meelaha ka qayl qayliyo isaga unbuu afka daali Anzaia waa dowlad waan ismaamul goboleed ku taagan Axdiga kumeelgaarka ah sida uu qabo Salkana ku haya Cadaalad, Midnimo, karti iyo Hufnaan ee waa naga talo hadaanahay qurbo joogta reer Australia ee kasoo jeedo gobolada kor xussan ee dadkiina dhinac ka raaca umadiinana wax u tara ee ee ka daaya dacaayada iyo khilaafka. Aqoon yahankana taageera kuwaa qabiilka huwan, oo ay Somaaliya ka dagi la’dahay 20 sano ee lasoo dhaafayna diida oo ka soo horjeesta.

 

 

 

 

Dadka Hambalyada dirya waa cuqaasha, oday dhaqameedka, aqoonyahanka, Hooyooyinka iyo dhalinyarada qurbojoogta reer Australia ee hoos ku xussan.

 

1. Cabdullaahi Baaruud

 

2. Maxamed Farah Fareey

 

3. Xukun Axmed Saahid

 

4. Xuseen Dhuxuloow

 

5. Xasan Shuuriye

 

6. Cabdi Macalin

 

7. Maxamuud Laag

 

8. Maxamed Cabdullaahi Baaruud

 

9. Fiidoow Xaddan Jalaqoow

 

10. Xassan Ibtaahim Wacays

 

11. Cabdullaahi Shuuriye

 

12. Cabdicasiis Iimaan Cabdulle

 

13. Xuseenm Shuuriye

 

14. Cabdi Siciid

 

15. Cabdullaahi Sheekh Cumat

 

16. Bashiir Sheekh Ibraahim

 

17. Maxamed Foowsi

 

18. Cabdulle Culusoow

 

19. Cabdiraxmaan Raabi

 

20. Sheekh Shukri

 

21. Aadan Khaliif

 

22. Cali Xuseen

 

23. Raqiib Maxamed Gaas

 

24. Maxamed Saalax

 

25. Maxamed Dhayoow

 

26. Jamaal Xukun Axmed Saahid

 

27. Cabdi Xassan Ibraahim Wacays

 

28. Xasaneey Jimcaale

 

29. Xaliimo Sheekh Cabdi

 

30. Xalii Sheekh Yuusuf

 

31. Faadumo Aadan Oomaar

 

32. Asli Bishaar

 

33. Deeqo Xassan Sheekh Cumar

 

34. Faadumo Warfaa Jaamac

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

31-dii Maarso ee sanadka 2011-ka waxaa magaalada Gaarissa ee caasimada Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya waxaa ka dhoofay Odayaal iyo Salaaddiin uu horkacayay Suldaan Cabdi Cali Sokor, kadib markii ay dowladda Kenya ka codsatay inay yimaadaan Caasimadda Nairobi, si looga wada hadlo waxyaabaha keenay inaysan ka qeeyb gelin shirkii ka socday Limuru ee lagu dhisay M.G. Azania.

 

 

Sidaan horay u sheegnay Odayaashu waxaay dowladda hor dhigeen Qodobbo dhowr ah oo ay sheegeen in maamulka Azania uu dhinac maray waa sid ay hadalka u dhigeene.

 

Odayaasha markii ay tageen Magaalada Nairobi waxay soo xusheen Guddi Farsamo iyo wadahadal, guddigaas oo hoggaan looga dhigay nin lagu magac'aabo Bashiir Mahamed Baahale.

 

Falanqeyn iyo faaqidaad dheer ka dib, waxaa laisla meeldhigay xal rasmi ah, iyada oo qodobadii Odayaasha loo qeybiyey labo, qeyb la xaliyey si deg-deg ah iyo qeyb dib loo dhigay oo la doonayo in la hordhigo Barlamanka Dowlad Goboleedka oo markaas oggolaan doona ama diidi doona.

 

Waxaa xusid mudan Odayaashu marnaba kama aysn soo horjeedin sameynta Maamul Goboleed uu madaxweyne ka yahay Professor Gandi ka mabda' ahaan, laakiin, waxaa jiray dhalliilo dhanka farsamada ah oo ay tirsanayeen, haddana waxaa muuqata in taas laga gudbay.

 

Warkan waxaan ka helay Xubin ka tirsan Gudduga Farsamada ee Odayaasha.

 

 

 

http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3979:nairobi-xal-iyo-isfaham-laga-gaaray-khilaafki-u-dhexeeyey-odayaasha-jubbooyinka-iyo-maamulka-azania&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Oohintii Yaxaaska ee Soomaalida.

 

33.jpg

 

Oohinta yaxaaska ee somaalida: waa qormo aan maanta ku lafo guri doono sida dadka soomaalida ah u yihiin ;

 

 

 

* 1.Dad waxa ay ku kacayaan aan ogeyn, wakhti yar kadibna iska dhiga sida dad aan waxba sameynin.

 

2. Sida soomaalida u tahay dad aan kuu garaabaynin mar walbana raba in xaqaaga intay boobaan hadana iska dhigi walaal xabiib ah.

 

3. Dad intay dalka, diinta iyo dadkaba gataan hadana iska dhigi inay wadani yihiin, ama diin jecel yihiin.

 

* Waxaa intaas iga keenay waxay soomaali oo dhan markhaati u ahayd in dadka jubooyinka looga soo duulay dhamaan gobalada kale ee soomaaliyeed, qof soomaali ah oo yiri war maxaa dadka soomaaliga ah sidan loogu galayaa ma ay jirin.

* Waxaa dadka jubooyinka la burburiyay hantidoodii, waxaa la faraxumeeyay gabdhahoodii, waxaa cudud loogu faanay iyada oo hub laga soo qaadanayay itoobiya laguna xasuuqayay.

* Waxaa dadka jubooyinka soo maray in laysu soo kaashaday oo marba magac lagu xasuuqay, iyada oo qofna xeerin soomaalinimo, islaamnimo, wadanimo.

* Dadka jubooyinka waxaa labaday in dalkoodii ay ka qaxaan markii calooshood u shaqaystayaal ka soo hayaamay galgaduud iyo degaano kale ay si walba xaqoodii ugu xadgudbeen.

* Waxaa dhacday sheekh xasan turki markuu islaamnimo darteed xitaa ugu aaminay maamulkii kismaayo in la khiyaamo oo aan waxba la xeerin.

* Waxaa dhacday in axmed sheekh maxamed islaam lagu xad gudbay isaga oo leh war kitaabka iyo sunada aan ku kala baxnana waa gaal intii layiri weerar lagu qaaday.

* Waxaa laboobay oo dil sharci daro ah iyo xadgudub aan la qiyaasi karin lagula kacay beesha ****** iyada oo xataa kuwii shabaabka ahaa la faquuqay lagana dhigay kuwo aan degaankooda waxba ka ahayn ama xarakada dhexdeeda markii lagu dan gaaray.

 

Maanta markii halyayga qaranka soomaaliyeed prof. gaandi ilaahay usoo diray si dadka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana gedo iyo jubooyinka u samatabixiyo, waxaan maqalaa;

 

Oohin aad moodo tii yaxaaska oo kale, wadankeena ayaa la qabsan, keenya ayaa naloo soo watay, diinta aan difaacano, soomaaliya waa lala wareegi? i.w.m.

 

Talo: Waxaan soomaali meel ay joogtaba kula talinayaa in ayna isku dayin in ay ka horyimaadaan prof. maxamed cabdi gaandi oo ah nin lagu yaqaano wadaninimo iyo cadaalad fal, sida soomaali oo dhan ay indhahooda ku aragtay ee nayroobi shirkii maamulka lagu dhisay ama ciidankii ka horeeyay ee uu gacanta ku hayay.

 

XGQJ. S.ali

 

 

 

Codka jubbaland www.jubbalanddf.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

****************NO CLAN NAMES PLEASE

 

Admin ***********************

 

 

Barafasoor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ka tallaabay buundada jahliga cilmigana heerka ka gaaray, xilli ay Soomaalida marti iyo magan u noqotay qabyaalad, qas, qalalaaso, qax iyo qaranjab sharafteedi galaaftay oo gablamiyey.

 

Wuxuu ka soo jeedaa qabiilka *********, beesha ***********, jilibka ama jabsinta ********** oo ku badan dalka Kenya iyo Ogaadēniya. Wuxuu haaystaa saddax Ph.D oo uu ku kala haaystaa cilmiga Geology, cilmiga Anthropology iyo cilmiga History, waxaana intaa u dheer inuu haaysta Higher Degree by Research (HDR) oo uu ka qaatay Jaamacadda Besancon University ee dalka Faransiiska, asagoo soo noqday Madaxa Cilmibaaridda IDR magaalada Paris ee dalka Faransiiska iyo Lataliyaha Hay'adda UNDP ee Arrimaha (mashruuca) Hubkadhigidda, Dhaqancelinta iyo Iskuduwga Arrimaha Soomaaliya.

 

Barafasoor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) waxaa Abaalmarinta Caalamiga ah ee International Baccalaureate Diploma (IBD) guddoonsiiyey Akadheemiyadda Sare ee dalka Faransiiska kaddib marki uu dadaal dheer oo Cilmibaarid ah sameeyey saas ahaanna uu muteystay Abaalmarintan Qaaliga ah ee xulka aqoonta lagu taabo turunturooyinka badanna ay ka horreeyaan.

 

Barafasoorka wuxuu mudda dheer Bare ka ahaa qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu tayada badan dalka Faransiiska iyo asagoo waliba Visiting Professor ka soo noqday Jaamacada kaloo badan oo caalamka dacaladiisa ku yaalla, wuxuuna Cilmibaarid u tagay inta badan dalalka adduunka asagoo aqoonwadaagyo caalami ah ka jeediyey "Academic Papers" wuxuuna darsaa oo wax ka diyaariyaa Adabka Afrika, islamarkaana waa qoraa qoray ugu yaraan 8 buug oo adduunya ku baahay barkulanka cilmigana ay aqoon-jecesha kula kulmeen iyo 40 Maqaal Cilmiyeed ah - Scientific Articles oo lagu daabacay wargeysyo caalami ah oo kobaca aqoonta u darban. Waxaase xusid mudan in dhammaanba buugaagtan ay ku qoran yihiin Afka Faransiiska.

 

Barafasoor Maxamed Cabdi Maxamed wuxuu si weyn saaxada siyaasadda Soomaaliya ugu soo biiray sanadki 2000 oo uu ka qeybgalay Shirki Carta ee Jubbuuti ay agaasintay noqdayna Guddoomiyaha Guddiga Farsamada, oo waliba la sheega inuu yahay maskaxdi ka dambeysay tayagalinta kulankaasi.

 

Intaa wixi ka dambeeyey wuxuu noqday hormuud miisaan weyn ku leh Bulshada Rayidka ah, asagoo u jeedladay dhanka siyaasadda guntigana u dhuuqsaday sidi qaran Soomaaliyeed markale dhidibada loogu aasi lahaa.

 

Shirki ay Kenya martigalisay ayuu ku helay furaha siyaasadda kaddib marki uu noqday xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya. 2I bishi Feebraayo, Sanadki 2009-kina waxaa loo magac'aabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, xilkaasoo uu hayey ilaa 10 bishi Noofeembar, sanadki 2010. 3 bishi Abril ee sanadkan 2011-kana waxaa loo doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Azania State of Somalia oo uu hadda haya.

 

 

 

F.G: Qormadan waxaa soo diyaariyey Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza) asagoo kaashaday Wikipedia. Wuxuuna Stanza oo ka tirsan bahda Afdheer ku raadjoogaa taariikhda Barafasoor Gaandi oo dhameystiran oon dib ka soo deyn doonna Idamka Alle.

 

Afdheer.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

shirka-azania.jpg

 

Wafti heer sare oo ka socda maamul goboleedka Azania ayaa lagu wadaa in ay u ambobaxaan gobolada Jubooyinka si ay ugu soo gogol xaaraan guurista maamulka iyo waliba diyaarinta madasha lagu qabanayo shirweynaha lagu dhamaystirayo maamulka Azania sidii lagu heshiiyey shirar maalmahan dhexmarayay hogaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta

 

Illo wareedyo ku sugan Nairobi ayaa noo xaqiijiyey in dhawaan waftigani ay halkaasi u ambobixi doonaan

 

Kismaayood.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

These days Azania baa haysata SOL, but my question is why are Azania supporters are against the TFG, few months ago you were fiercely supporting them??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Bilan, I have to see yet any Azanian spokes man that is against the basic principles and constitution of federal government since Azania state of Somalia was born under the guidance of long time members of the government. But some how it seems that some clueless individual supporters of Sharif are against the good Prof. Gaandi for personal reasons or clan line that is not known to us. Those anti Sharif like Zack support Sakiin, Hidig, Halane or Farmaajo. I read his posts and it had something to do with the coming up elections. However, a supporter is just an individual with his or her own opinion and it can't be same at all time.

 

Hope those supporters will exchange their opinions in a friendly mature way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Zack supports Sakiin and is against Shariif the president, I would think Sh. Shariif is the lesser of the two evils, willku quraan akhris buu u baahan yahay hadaba :).

 

But either way does the president of Azania support the current TFG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this