Sign in to follow this  
Kamaavi

Prof. Gandi First Elected President of Azania State of Somalia

Recommended Posts

Kamaavi   

March 30, 2011 (QOL) Wararka naga soo gaadhay Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Limuru ayaa sheegaya shir maalmahanba ka socday Magaaladaas oo Gobolada Jubbooyooyinka & Gedo Maamul Gobaleed loogu samaynayay in uu jawi fiican ku socdo, wararka hadda Qorahay Online ka soo gaadhay Limuru ayaa sheegaya in Madaxweyna loo doortay Prof. Maxamed Cabdi (Gaandi) ooo ah aqoonyahan 2 shahaado oo PHD ah haysta kana soo qayb qaatay dib u heshiinta Soomaliya isagoo soo qabtay xilka Wisiirka Gaashaaan dhiga ee Dawlada Kumeel gaadhka ah ee Soomaaliya.

 

Wararku waxay sheegayaan in Prof. Gaandi Madaxweynenimada mudo shan sano ah loo doortey, sida ay ilo xog ogaal ahi Qorahay Online u sheegeen waxaa shirkaas lagu ansixiyaya 3 gole oo kala ah golaha Baarlamaanka oo 65 xubnood ka koobnaan doona, golaha Wisiirada oo 10 ka koobnaan doona & golaha guurtida oo 35 xubnood ka koobnaan doona sidoo kale waxaa la ansixiyay magac cusub oo Maamulkaasi uu yeelanayo kaas oo loogu wanqalay Azania State of Somalia oo ah gobolada Jubooyinka & Gedo iyadoo Magaalo Madaxda uu Maamulkasi yeelanayo loo gartay in ay noqoto Magaaaldda Bu'aale .

 

Ilaha aanu warkan ka helay waxay xaqiijianyaan doorashada Madaxweyne Gaandi, goleyaasha maamulkiisa & magaca cusub ee uu maamulkaasi yeelanayo intaba in loo doortay si xalaal ah oo loo dhanyahay waxaana la tilmaamay in uu wali shirku ku socdo jawi aad u dagan oo lagu qanacsanyahay sidoo kalena lagu gudo jiro xulista Wisiirada, Baarlamaanka & Guurtida..

 

Shirkaas oo in mudo ah la soo abaabulayay ayaa la sheegayaa in ay goob joog yihiin xubno faro badan oo ka mid ah Baralamaanka Soomaliya & Wisiirka Arimaha Dibada ee Dalka Kenya sidoo kale waxaa shirka goobjoog ah taliyaha Ciidamada Amisom ee gudaha Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga, Dublamaasiyiin reer Galbeed ah & wakiilo ka kala socda UN-ta & dawladaha aduunka intooda badan ayaa iyaguna gob joog ah.

 

Sikastaba ha ahaatee maamul goboleedka cusub ee loogu wanqalay Azania State of Somalia ayaa mudooninkii dambeba lagu gudo jiray waxaana la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqi doono dhamaystirka dawlad goboleedka Somaliyeed ee ku soo kordhay maamul goboleedyadii horay dalka Soomaliya uga jiraya.

 

Shirakan & wixii ka soo cusboonaada wararkanaga dambe & Idaacda Radio Qorahay kala soco hadii uu Allah idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Arbaco, 30 Maarso 2011 21:39 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer

 

Nairobi (Afdheer) Prof maxamed Cabdi Gaandi ayaa loo doortay maamul goboleed loo bixiyey Azania oo ay yeelan doonaan gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo.

 

Dhulka uu Madaxweynaha ka noqon doono Prof. Gaandi ayey ku nool yihiin tiro dad ah oo ku dhow 1.5 milyan oo ruux halka baaxadda dhulka lagu qiyaaso 87.000 km² ama 33.000 sq mi.

 

Maamul goboleedkan wuxuu ka kooban yahay 16 degmo oo ku kala yaalla

 

Gobolka Gedo oo ka kooban.

 

  • Garbahaarey
  • Baardheere
  • Luuq-ganaane
  • Doolow
  • B/Xaawo
  • Buurdhuubo

 

Gobolka Jubbada dhexe oo ka kooban.

 

  • Bu,aale
  • Jilib
  • Saakow
  • Salagle

 

 

Gobolka Jubbada hoose.

 

  • Kismaayo
  • Afmadow
  • Badhaadhe
  • Jamaame
  • Xagar
  • Dhoobley

 

 

Maamul goboleedkan degmooyinkiisu inta badan waxay ku yaalaan webi Jubba, wabigan oo ka yimaada dalka Itoobiya loogana yaqaano dawa iyo Ganaane wuxuu webigani kasoo galaa dalka Soomaaliya degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaana webigan dalka Soomaaliya looga yaqaanaa webi jubba.

 

Deegaanada maamul goboleedkan ku bahoobay waxaa mara badweynta Hindiya (Indian Ocean) gaar ahaan gobolada Jubadda hoose iyo Jubbda dhexe. Qaabka ay ku imanayaan xubnaha baarlamaanka maamul goboleedku yelan doono ayaa noqonaya mid deegaan (laga soo dooranayo degmo).

 

Gobolada sameystay maamul goboleedkan iskuma wada raacsana maamul goboleedkan lagaga dhawaaqay dalka Kenya, waxaana jira khilaaf u dhaxeeya beel waliba dhaxdeeda oo ku kala qeyb-qeybsan, hase yeeshee waxaa hubaal ah in maamul goboleedkan yahay fikirkii ugu muhiimsanaa ee abid soo mara dadka iyo dhulkan kadib dagaalladii sokeeya ee dalka Soomaaliyta 1991_kii.

 

 

Nairobi

 

Afdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Horta Z ma ku jirtaa SOOMAALIGA.

 

Good luck to Gandhi and the new State, Hope they bring peace and stability to Somalis in that region.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Somali, Z xarfaha inaga maqan ayey ka mid tahay sida sinaanta iyo cadaaladu inooga maqantahay, waa xaraf u baahan in lagu soo daro xuruufta kale sida maamul gobaleedka Azania loogu daray maamul gobaleedyada kale. :D Prof. Gaandhi Illaahay ha garab galo. Waa rageedii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

OTP- Shirka ka socday Muddo Seddex Bari ah Dalka Kenya gaar ahaan Magaaladda Limuru oo ay ka soo qayb Galeen Ergooyin aad u baddan oo ka soo Jeeda Gobaladda Jubooyinka Iyo Gedo ayaa waxaa saacad kahor Lagu Doortay Madaxwayne Gobaleedka Maamulka Azania, Waxaana Madaxwaynaha Loo doortay Noqday Professor Maxamed Cabdi Gaandi.

 

Wararka goobta Shirka ka soo baxaya ayaa sheegaya in Haatan loo Fadhiyo Dhisidda Barlamaanka Maamulka.

 

Waxaa Warbaahinta OTP loo Xaqiijiyay in Habka Barlamaanka loo Xullanayo Yahay Nidaam Deegaan, Iyadoo Degmooyinka Jubadda Dhexe Iyo Jubbada Hoose, oo isku ah 9 Degmo Iyo Gobalka Gedo oo 5 Degmo ah lagu Xullanayo Xildhibaanadda, Caasimadda Maamul Gobaleedkan ayaa ah Magaaladda Bu,aale.

 

Ku Dhawaaqista Madaxwaynaha Ayaa Waxaa Goobta Iyanna Joogay Wafuud ka socota Bulshadda Caalamka oo isugu Jira Urur Gobaleedka IGAD, Midowga Africa, Midowga Yurub, Saraakiil ka socota Maraykanka, Masuuliyiin ka socoda Dowladda Soomaliya.

 

Waxaa Xusid Muddan in Maamulo kale looga Dhawaaqay Magaaladda Nayroobi Iyo London oo Iyanna Sheeganaya Inay Goballada Jubooyinka Matallaan,Maxamed Kilaas Iyo Maxamed Deeq Cabdi Madar, lama garan karo Sababta Dhabta ah ee ku soo Beegtay Xilligan Shirkan loo Fadhiyay Kooxahan Iyo Waxyaabaha ka Danbeeya.

 

Inta baddan Shirkan Maamul Gobaleedka Azania ayaa u muuqada Mid hab Nidaam dowladeed Isla Markaasna ka haysta Taageero Waddamada Caalamka, Dadka ka soo Jeeda Gobaladda Jubooyinka ayaase si wayn u jecel in Dhamaan la Midoobo balse Midaas ayaa u muuqata Mid aan Suura gal Noqon Karin Iyadoo Sababta oogu Wayn tahay Sadbursi, Xukun Jaceel,, Iyo Dowladda Itoobiya oo qaska oogu wayn ku haysa Maamulka Cusub ee uu Hogaaminayo Gaandhi oo ku soo Kicisay Kacdoon Xoogan Waa Sida Tuhunka Laga qabo.

 

Gaandhi ayaa Isagu u muuqda Mid Qancin Doona Dowladda Itoobiya Maadaamo Dowladda Afrikan ah Iyo Reer Galbeed ah ay Taageero Xoogan u hayaan Sidoo kale Dowladda Soomaliya oo uu horey ooga soo Qabtay Wasiirka Gaashaandhiga haatana uu yahay Xubin Barlamaan uu Taageero ka Haysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

nuune;707520 wrote:
Another rubbish state, where is the one called Jubba Razza State, holy nacnac qori

Juba Raaso, waxay kaa jirtaa Afdheer iyo gableedka, way soo guur guuranaysaa oo dhexday ku jirtaa. Si kale hadaan u dhigo waa laga hoos baxay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ummada halaga daayo kala qeebinta, ee kuwan shirarkan sameesanaya ummada xal guud ha u helaan sida wax shacabka wax u tarayo, nabad, horumar iyo caafimaad, wax barasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Adeer intaad sheegtay oo nabad, caafimaad, horumar iyo sinaan cadaaladeed ayaa loo tafo xaytay maamulka Azaaniya waxaa lagula xisaabtami wax qabadka u la yimaado.

 

Fursad ha la siiyo marka hore...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fursad waxaa la siiya qofka wax khayr ah keena, and not qof keenay kala qaybin.

 

Bal intan akhriya:

 

Ku Dhawaaqista Madaxwaynaha Ayaa Waxaa Goobta Iyanna Joogay Wafuud ka socota Bulshadda Caalamka oo isugu Jira
Urur Gobaleedka IGAD
,
Midowga Africa
,
Midowga Yurub
,
Saraakiil ka socota Maraykanka
,
Masuuliyiin ka socoda Dowladda Soomaliya
.

Idinku bal soomaalaay goormaad aragteen intaas oo isku timid oo wax khayr leh keentay? Ama wax lagu guulaystay? Maxaa la isu yeelyeelayaa?

Maalinkasta Maamul Goboleed cusub baa wadanka dibadiisa lagu soo samayn bay soomaalidu la soo shir tagaysaa.

 

Madaxwayne ku sheega iyo waxa u sacabinayaba anigu waxaan u arkaa labo mid!

1: Dad laga caqli badiyey, or gawaan cad loogu orday, darbina daah loo saaray

2: Dad dano gaar ah kaliya ka fakaraya(UN'ta iyo hay'adaha gaalada wax uga kasbadaan),.

 

Either way, it's at the expense of Somalia as a united country(ama ugu yaraan rajadii ummadda, intay rajo ku soo hadhay)!

 

Khayrna kama sugayo

 

Allow waxan ummadda ka qabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^maskiin, I don't see what the fuss is about. Somalia obviously failed to wake up from the deep sleep collectively,, I don't see any problem if they wake up one at a time.

 

Somali, the P in puntland is not in the Somali alphabet too and neither is the "land" in somaliland a Somali word.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Al miskiin dhalinta Sheekh Ceyrow Allah xafidee horjoogaha ka ahaa in badan ayaa la taageeray oo la sugay runtiina dadka u dhashay degaanka Azaaniya si fiican ayey u soo dhaweeyeen iyagoo rajaynaya ina nabad iyo degaansho keenaan lakiin sidii loogu lisay umayna hanbeyn waxayna bilaabeen iney baadhaan iyagoo barakac hor leh iyo siyaasad qalafsan la yimid. Maantase Illaahay amarkiis isla shacabkii ay qixiyeen ayaa raba in haweenkooda iyo caruurtooda ku ceshadaan deegaanadooda laga dhigay goob dagaal iyagoo diyaar u ah in gacmahooda ula tagaan si dulmiga ka jira koonfurta Somaaliya looga suuliyo(Sii akhri-guji)

 

Barnaamijka maamul u sameynta Azaaniya mudo dheer ayuu soo socday wuxuuna soo maray marxalado adag, Cadaw badana wuu lahaa laakiin maanta waa laga soo gudbay waxaas oodhan.

 

Maamulka Azaaniya iyo dhalintii uu ka tagay Sh.Ceyrow (AUN) gacmaha ayey is qabsan si koonfurta Somaliya xal loogu helo aan ka aheyn way isku madhan oo ninkii itaal roona ayaa talin.

 

Miskiinow waalaal daacayada raqiis ah wax tarimayso soo dhaanso buraashadaada nabada dadkaagana dhan ka raac oo dalkaaga sidaad dowlad wax tarleh ooga dhalin lahyed ku hami. Dowlad marti ah dowlad la'aanta ayey dhaantaaye Illaahay xaqa ha ina wada garansiiyo. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

The zack, I dont call kala qaybin, for "waking up one at a time".

 

The first step to a stable United Somalia, is to keep the hope, I know its a cliché, but that's how it is.

 

Mida kale Zack, when in the history of Somalia did those people from that meeting, ever came up with something that benefits Somalia and its people? I Wouldn't be this pessimistic if this goverment was made by somali people, for the somali people, and not "Urur Gobaleedka IGAD, Midowga Africa, Midowga Yurub, Saraakiil ka socota Maraykanka, Masuuliyiin ka socoda Dowladda Soomaliya"!

 

Saraakiil ka socota Maraykanka? come on man.

 

Waligaa ma maqashay dawladda UK ama wadamada kaloo dawlad ku soo samaynaya wadamaba carabaha etc.

 

Waxaasi waa siyaasad, but as usual we'll eventually realise it when it's late.

 

Walaale Kamaavi anigu uma arko kala qabin ummadda la kala qaybiyo inay tahay guul la gaadhay. Dacaayadna anigu kuma wado dadka deegaankaas dagan, cadowna kuma ihi, laakiin fakarkayga baa ah inayna wax tar lahayn(in the long term) in soomaalida sidaas loo kala qaybiyo, oo dhowr qolo sidaas loogu kala jabo.

 

Wali anigu waxaan ka hadhay "the naive people" oo aaminsan in soomaaliya wali xal guud loo heli karo, bal hal mar hadaynu diinteenii iyo soomaali nimadeenii u soo noqono.

 

Laakiin taas waxaa ka horaysa horta inagu soomaali ahaan ma isu talinaa? Anigu ma arko maantadan inaynu isu talino inagu, oo siyaasadeena u madax banaanahay, taas baanan keenaysa dhibka ugu wayn. Intaynaan gaadhin xal dhexdeena ka imaado, isbaarooyin baa la inoo dhigtay, isbaarooyinkaasna waxaa u sacabinayo dadkaan Maamulada iclaansanaya maalinkasta.

 

Markaa walaal anigu xal uma arkaa arintaas Azania iwm.

 

Illaahay xaqa ha ina wada garansiiyo.

Aamin yaa rabb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Miskiinow fikirkaaga waan u jeeda, xaqna waad u leedhay inaad su'aal geliso maamulka welli curdanka ah adoo tiigsanaya maamuladii horey loo sameeyey waana ku faraxsanahay inaad si degan dhaliishaada u soo gudbisay. Intaas ka dib dhamaanteen carab iyo cajabi si dadban ayaa la inoo haystaa welise rajo ayaa nagu jirta in maalin uun ka bixi doono taariikhda mugdiga ah.

 

Dadaal iyo farsamo ayey u baahantahay nimanka Sh.Ceyrow ka tagay tanaasulaaad iyo naxariis haday la iman lahaayeen tani ma joogteen. Hadal iyo murti anu waxaan qabaa in wiilasha yaryar, odaaysha Somaliyeed iyo siyaasiintoodu isla shaqeeyan oo rajo soo celinta Soomaliya laga wada shaqeeyo si haayahada ina hoos wareegi aan gacan mid ah oogu qabano.

 

Azaaniya fursad ayey mudantahay maadaamoo rabitaanka shacabkeedu tahay in la yeesho dowlad gobaleed dantooda gaar ka shaqayso dowlad dhexe oo midaysan inta laga helayo, intaas ka hor gubaabadeenu waa iskutashi, nabad iyo barwaaqo Idam Alle. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this