Sign in to follow this  
Kamaavi

Prof. Gandi First Elected President of Azania State of Somalia

Recommended Posts

Somalina   

Waxba iskuma hayno, adiga uun baa darbiyada ka ciyaaya, maxaa yeeley Lasagna is not selling

.

Qabiilka lafaha idinka galey uun iska daaweeya. Aad iyo aad ayaa xumad idin haysaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Xumada waxaa iga keentay Lasagnada aad ii qooshtay,, eed bigayska iigu siisay,, cid aan adi ahayna iga daaweyn mayso ,,.. marka aynu heshiinooo kolka.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Enough with the cantarabaqash, now back to the topic of the thread.

 

The Sultan of the Azanian Sultanes

 

Suldaan Abdi Ali Sokor: Dowlad Goboleedka Azaniya waa abshir

 

Khilaafku marna waa mabda iyo aragti asaasi ah oo ay adagtahay in si fudud loo xaliyo, marna wa farac, farsamo iyo waxyaabo hoose, fudud oo ay sahlantahay in xal loo helo.Ma jirin wax khilaaf ah oo ku saleeysan mabaadi'da guud ee asaasiga ah oo u dhaxeeyay Suldaanka iyo hogaanka sare ee Azaniya, taasi waa muhim in dadweeynuhu fahmaan.

 

 

Qormadeenan gaaban maanta waxaan ku soo qaadan doonaa 3 su'aalood oo kala ah:

 

1.Maxaa la'isku khilaafsanaa?

 

2.maxaa la'isku waafaqsanaa?

 

3. Hadda xaalku waa sidee?

 

Kilaafku marna waa mabda iyo aragti asaasi ah oo ay adagtahay in si fudud loo xaliyo, marna wa farac, farsamo iyo waxyaabo hoose, fudud oo ay sahlantahay in xal loo helo.

 

Ma jirin wax khilaaf ah oo ku saleeysan mabaadi'da guud ee asaasiga ah oo u dhaxeeyay Suldaanka iyo hogaanka sare ee Azaniya, taasi waa muhim in dadweeynuhu fahmaan.

 

Heshiis

 

1. In Talada Gobollada Jubooyinka iyo Gedo lagu soo celiyo gacanta iyo maamulka shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan.

 

2. Si taas loo gaaro in Goboladaas laga xoreeyo Alshababa islamarkaana la sameeyo maamulGoboleed ka howlgala Goboladaas.

 

3. In Prof.Gandi yahay shakhsiga mudan ama ugu haboon inuu noqdo madaxweeynaha Dowladaas.

 

Khilaaf

 

1.In hoos loo dhigay ama la baalmaray dowrkii Odayaasha, oo la micno ah, in Prof. Gandi isku darsaday dorwkii siyaasadeed ee uu xaqqa u lahaa iyo kii Odayaasha, Taasi waxaa ka dhashay kala shaki iyo is fahamwaa labada dhinac ah.

 

Hadda xaalku waa sidee?

 

 

 

Falanqeeyn iyo faaqidaad dheer ka dib waxaa la'isla meel dhigay:

 

1.In loo dhega'nuglaado waxna laga qabto dhakiikadii farsamo ee ay ka cawdeen Odayaasha.

 

2. In si deg-deg ah loo xaliyo Qodobada la awoodo waqtigan xaadirka ah, qodobada qaarna dib loogu dhigo waqtiyada ku haboon.

 

2,In howlaha harsan iyo hanaanka geedi socodka Maamulka si wadajir ah loo waajaho.

 

Suladaan Abdi Ali Sokor ma mooga baahisa umada uu Suldaanka u yahay, lagamana yaabo inuu aqbalo talooyinka dad fara ku tiris ah ee ka hor imanaya masaalixda umada, wadajirka iyo isku duubnaanta Bulshada.

 

Saadaashu ma xuma waa hadii aan laga sagsaagin! samir iyo dulqaad hala kaashado, Allah ka sokow dowlada tala saarta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Wararkii Naga Soo Gaaray Azaniya

 

break1.jpg

 

Warar Naga soo gaaraya degaanada asaaniya ayaa noo sheegay in maanta degaan xarakada alshabaab gacanta ku haysay lagala wareegay degaankaas oo ah taabta.

 

 

 

 

 

Ilo wareedkan noo waramay ayaa noo xaqiijiyay in degmada ciidamada qaranka soomaaliyeed la wareegeen iyaka oo meeshaas ka sii daayay ilaa 50 baabuur oo badeeco u waday wadanka kenya

 

Baabuurtan 50 ka ah ayaa taabta ku cadibnayd taniyo markii alshabaab lagala wareegay degaanka dhoobley.

 

Dhinaca kale shacab weynaha asaaniya ee kala duwan ayaa si aad ah u soo taageeraya barnaamijka maamul goboleedka ee asaaniya, iyaka oo dadku isla qireen in aysan jirin furadan fursad ka wanaagsan oo soo mari lahayd shacabka asaaniya.

 

Waxaa kale oo iyana wax lala yaabo noqotay in xidig iyo ina xalane iyo dawlada soomaaliya ay ka soo horjeestaan barnaamijka badbaadinta ummadda iyaka oo is hortaagaya in wadanka alshabaab laga xoreeyo.

 

Codka jubbaland www.jubbalanddf.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Bashiir;710248 wrote:
Azania tiii horumar iyo nabad noo horseeda ,,,, Ilaahay ha nooga dhigo....

Amiin! Azania iyo Somalia oo idil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

somalia2.jpg

 

info@afdheer.com

 

12, April 2011

 

(Afdheer) Shir xidhiidh telefoon ah oo ay yeesheen qaar kamid ah Qurbajoogta Qaaradaha Aduunka ee gobolka Jubbada dhexe iyo deegaano kale oo Koonfurta Soomaaliya ah ayaa si rasmi ah loogu taageeray maamul goboleedka goboladda jubbaland ee Azania State of Somalia dhawaanna lagu dhisay dalka kenya xubnihii kasoo qeybgalay kulankaas ayaa si buuxda iskugu raacay taageerada maamul goboleedkaas.

Maamul goboleedkan ayaa caasimad ka dhigtay xarunta gobolka Jubbada dhexe ee Bu`aale taasoo ay Qurbajoogtu si weyn usoo dhaweeyeen, Qurbajoogtu waxay dhaliishay qaabka loo maamulay xildhibaanada degmooyinka qaarkood waxayna ku talinnayaan in la saxo.

 

Gabagabadii Qurbajoogtu waxay hambalyo u direen maamul goboleedka la baxay Azania ee uu madaxweynaha ka yahay Prof. maxamed Cabdi Gaandi iyo xubnaha maamul goboleedkaas hirgalintiisa ka qeyb qaatay.

 

 

"Waan taageernay Azania State of Somalia waxaanan u rajeynaynaa guul, dowladda Soomaaliya waxaanu ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan maamul goboleedkan. Sidaaas waxaa laga yiri kulankaas", sidoo kale Qurbajoogtu waxay ka qeybqaadan doonaan dhammaan howlaha hirgalinta iyo u ol-oleynta maamul goboleedkaas sidii uu uga dhaqan gali lahaa gobolada Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose.

 

http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4014:qurbajoogta-gobolka-jdhexe-oo-taageeray-axania-state-of-somalia&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

minesota1.jpg

 

April /10/11 Waxaa Ka dhacay Magaalooyinka Mataanaha ee St paul , Minneapolis Casho Sharaf Lagu Taageerayay Maamul Goboleed Azaania ee uu Madaxwaynaha Ka yahay Prof Maxamed Xaaji Gaandi.

 

Madashaa waxaa isugu yimid dad ka badan 250 qof Kuwaas oo aay ka mid ahaayeen aqoonyahayno, Salaadiin, arday, iyo dumar oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanka Azaania waxaa Qudbado xasaasi ah oo taariikh xanbaarsan ka soo jeediyay Magacyada Hoos ku qoran

 

1-Garaad Suladaan Cali sonkor

 

2-Xuseen mataan (wasiirkii Hore ee gaashindiga dowladii mMaxamed Siyaad Barre)

3-Caaqil Maxamed Canshuur

4-Aqoon yahan Maxamed Cumar Sabuuli

 

Waxaa kale oo halkaa taariikh badan oo ku saabsan deegaanka Azaania halkaa ka akhriyay aqoonyahano arigti dheer u leh xaaladaha kala duwan ee uu soo maray deegaanka Azaania.

 

minesota2.jpg

 

Waxaa kaloo mudnaan badan leh shacabwaynihii Reer Azaania ee Madashaa xaadirka ku ahaa oo aan si la koobi kari Maqsuud ugu ahaa maamul goboleedka Azaania waxaa aay aad ugu sacaba tumayeen ooguna riyaaqsanaayeen talaabada lama ilaawaanka ah ee aay ku talaabsadeean aqoonyahniinta reer Azaania ee illaa laba sano iyo badh ku soo jiray halgan aay ku doonayeen in aay helaan xuquuq dooda una madax banaanaadaan iyo ka tashiga aayahooda taasoo aay kaga guulaysateen cadawgii kala dagaalamayay ka tashiga aayahooda

 

minesota3.jpg

 

Waxaa kale oo aay baaq ujeediyeen dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya in aay taagerto si buuxda oo aay ilaaliso jaartarka Soomaaliya oo dhigaya in waxii ka badan laba gobol aay samaysan karaan maamul goboleed ay u madax banaan yihiin.

 

minesota4.jpg

 

Waxaa kale oo aay canbaarayn u jeediyeen cid alla cidii doonaysa inaay fashiliso suurta galnimada maamulka Azaania Inay la dagaalamayaan oo aay il gooni ah ku fiirinayaan oo aanay marnaba u dulqaadan doonin ku xad gudubka shacabka reer Azaania.

 

Jubbalanddf.net

 

Minneapolis, USA

 

http://jubbalanddf.net/index.php?option=com_content&view=article&id=244:shir-iyo-baaq-lagu-taageerayo-maamul-goboleedka-azaaniya-oo-ka-dhacay-minneapolis-hoos-ka-daawo-sawirada&catid=1:latest-news&Itemid=50

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kulan looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Degmada Bu'aale

 

Arbaco, Abriil 13, 2011 (HOL) – kulan ay maanta isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa waxa looga soo horjeeday Maamul goboleedka Azaaniya Satate ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Bu'aale ayaa waxa kasoo qeybgalay nabadoono, ugaasyo iyo salaadiin ka kala socotay beelaha ku dhaqan magaalada Bu'aale, waxaana guud ahaanba odoyaashii halkaasi ka hadlay ay cambaareen dusha kaga tuureen maamulka Azaaniya State iyagoona ku eedeeyay in maamulkaasi uusan wada shaqeyn la lahayn odoyaasha beelaha degan G/J/dhexe oo kamid ah gobollada loo dhisay maamulkaasi cusub.

 

Ugaas Xuseen Ugaas Max'uud Qorane oo kamid ahaa ugaasyadii halkaasi ka hadlayayaa isagu si kulul u cambaareeyay maamulka Azaaniya isagoona ku eedeeyay maamulkaasi in uu yahay maamul ay dhisteen dad aan u dhalan Jubooyinka, waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ceynkan oo kale ah oo mudooyinkan danbe ay yeelanayeen odoyaasha beelaha ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo kuwaa oo looga soo horjeeday maamul goboleedka Azaaniya ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo kaa oo dhawaan looga dhawaaqay wadanka Kenya.

 

Xasan Nuur Max'ed, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this