Sign in to follow this  
Kamaavi

Prof. Gandi First Elected President of Azania State of Somalia

Recommended Posts

Jacpher   

Hiiraale attempted this many times with the help of "yahuud" in his own words. He failed miserably and run away barefoot.

 

The name reminded me of a shaati la oran jiray Azaro which waagi dambe become a street slang for maraxnimo, which I think sums up.

 

Good luck touching down Jubada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^ lol :D

 

If MUdug, Puntland , Somaliland get a relative peace and development, thru clan setup, maxaa ka xaaraantimeeyey kuwan? GOod luck to them. The approach is bottom up.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Dadka qaar provided constructive canaan others are just plain haters. I see some who applaud for Puntland, Galmudug, even xiiman and xaax who are against our newly born beautiful AZANIA? Shaqo yeesha yaa dhaho kuwaas. As far as the name, Ilaahow maa loo baxsho Car-taabo-land, it aint your freaking business, dadkii lahaa baa ula baxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

The Zack;707851 wrote:
Dadka qaar provided constructive canaan others are just plain haters. I see some who applaud for Puntland, Galmudug, even xiiman and xaax who are against our newly born beautiful AZANIA? Shaqo yeesha yaa dhaho kuwaas. As far as the name, Ilaahow maa loo baxsho Car-taabo-land, it aint your freaking business, dadkii lahaa baa ula baxay.

lol@dadkii lahaa... aint that something eh! I bet Sharif Sakiin, Hiirale and the other rightful owners of those regions would beg to differ.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^You support Xiiman and Xeeb and posted multiple threads about it, you also support Galmudug and now you are against Azania? I see the common denominator of the first two, the big H.

 

P.s. Sakiin for President!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

You can multiply and subtract whatever you want. Ximan iyo Xeeb and Galmudug waxaa dhistey dadkii lahaa yaa ONLFer.

How many maamul ayaa loo sameeyey jubooyinka so far cus I have lost count?

 

Which one should we clap for?

 

As far as your Sakiin is concerned, is he onboard with this fake maamul you are cheering on because your adeer madexweyne looga dhigey? lol

 

Gandhi is just another maamul isku sheeg president waxba ha xiiqin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

When was the last time that Ghandi went to the Juba's if ever? At least the dudes in Ximan, Galmudug and Puntland are there. Also Puntland came through a 5 month long conference that brought all the elders of every region and politicians and took place in Garowe.

 

Azania took place in Nairobi and it was a weekend. Nothing wrong with a Juba admin, but hey a sub clan declaring itself rulers of a whole region they dont control is ludicrous.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

The Zack;707851 wrote:
Dadka qaar provided constructive canaan others are just plain haters. I see some who applaud for Puntland, Galmudug, even xiiman and xaax who are against our newly born beautiful AZANIA? Shaqo yeesha yaa dhaho kuwaas. As far as the name, Ilaahow maa loo baxsho Car-taabo-land, it aint your freaking business, dadkii lahaa baa ula baxay.

I like your style man. Dad yaa qar ka tuuray. Remember this?

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Waxaa la magacaabay dhowr dowlad-goboleed oo intuba sheeganaya Jubbaland, laakiin ninka mar yiri hadalkii shaac baxay ee ahaa “Xaq ayaan u leeyahay in aan Riyoodo” ayaa ka talaabo dheereeyey cid kasta, waxana uu la yimid wax xitaa dad faalka dhiga ay sii saadaalin waayeen. Waxay u egtahay inuu cid kasta oo Jubbaland sheegata ku yiri “iskaba heysta Jubbalandtan aad ku qafiifteen”, kadibna inta malaha dib u xuley bogaga taariikhda kasoo saaray magac uu is yiri “aleeylahay kan ayaa kugu haboon oo aanan lagugu qabsan doonin”, kaasoo ah Azania State of Somalia, magaca Azania iyo Punta waa isku asal waana isku fac, laakiin midna dalka ayuu wax ka sheegayaa, midna dadka.

 

Magaalada Kismaayo oo uu ku qafiifo qof kasta oo hal maalin biyaheeda cabo ayaa iyana ay meel iska dhigeen, kamana badna magaalo gobolka ka tirsan, magaalada Bu’aale oo wabiga Jubba jiinkiisa ku taala ayaa laga dhigey caasimada Azania, waxaana halkaasi ka dhalanaya malaha jawaabta su’aashii ahayd sababta ciidamada Kenya lagu tabobaray ay Ceelwaaq u abaareen oo aysan Kismaayo xoogga u saarin.

 

Runta ah in 3 boqol oo ergo ah oo kala beelo kasoo jeeda ay hal meel isugu geeyeen iyadoo aysan jirin cid ku kala dhexjirta , waa biseyl siyaasadeed oo intiisa la’eg, laakiin waxaa lagu doodi karaa in dadkii khilaafka keeni lahaaba kol hore dibada la dhigey oo kaliya in is ogol ay meesha isugu timid.

 

Sida la sheegay dowladda Kenya ayaa noqotey tii ugu horeysey ee aqoonsata maamul goboleedka Azania.

 

Walloow saxaafada aysan galaangal badan ku lahayn, islamarkaasina warbaahinta Soomaalida ay qaarkood si ula kac u duugeen shirkani, hadane sawirada laga soo qaaday shirka waxaa ka muuqda dad ruxaya calanka Soomaaliya iyo calanka Azania ee madoowga, cadaanka iyo buluuga isugu jira, waxayna taasi ka dhigantahay astaan muujineysa in maamulkani ka dhashay gobolada sii-koonfureed ee dalka uu ictiraafsanyahay Soomaaliweyn, waxaa intaasi dheer in aanan waxbo lagu qeeybinin qeybtii quursiga ee 4.5 hadane ma jirto beel goboladani wax ka degta oo lagu qadinayo wax qeybsiga, waxana uu maamulka la qaas yahay in uu yahay kan kaliya ee dalka ka jira ee dhamaan beelaha ay si siman wax u wada qeebsadeen.

 

Qoraal hal ku dhag u ah oo darbiga ku dhegena waxa ku qoran “Baqo dirir baan ka doortey, colaadna nabad baan ka doortey”, malaha dirirtu waa tan ay kula jiraan Alshabaab, nabaduna waa waxa ka dambeeya dirirta, dhab ahaantiina waa labadaasi qodob kuwa halbeega u ah maamulkani Azania. Koow waa sida uu ugu guuleysto dirirta Alshabaab kala dhaxaysa, nabaduna waa waxqabadka ay la yimaadaan hadii dhulku gacantooda galo, hadii kalese waa qurbaha meer.

 

FIIDSOOH toorabiinkeeda waa diyaarsanyahay khalad iyo saxba

 

FIIDSOOH

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddoomiyaha Ururka Jubbaland Indigenous Group oo si weyn uga soo horjeestay Maamulka dhawaan looga dhawaqay Wadanka Kenya

Ururuka Jubbaland Indigenous Group oo ah Urur oo ay ku mideysan yihiin Aqonyahano iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo kana shaqeeya Hormarinta iyo Maamul Wanaaga Goboladas ayaa shir ay maanta ku yeesheen Magaalada The Hague ee wadanka Neteherland waxay si weyn uga horyimaaden maamul dhawaan looga dhawaaqay Wadanka Kenya.

Gudomomiyaha Ururka Jubbaland Indigenous Group Mudane Dahir Cali Kamiin oo marki u shirkaasi soo dhaamaday u waramayay Warbahinta aya shegay in Ururka Jubbaland Indigenous group ay si weyn uga soo horjeedan go’aamadi kasoo baxay shir lagu qabtay Magalada Naivasha ee Wadanka Kenya. Mr. Dahir Cali Camiin aya waxaa uu shegay in Prof. Gandi uu ku dagdagay Maamul u samayta Gobolada Jubboyinka.

Mudane Cali Kamiin oo hadalkiisa sii wata aya waxaa u sheegay in ay haboneeyd in Wada tashiyo dheraad ah laga Sameeyo arrintaan madama Maamul u samaynta uu yahay Arin aad Xaasi u ah. Jubbaland waxaa wada daga Somali oo dhan, mana dhici karto in labo malmood gudahood madaxweyne iyo maamul logu sameeyo waxana filayaa in maamulkan uu maraayo wadadi ay mareen Maamulo Badan oo ka horeyay.

 

Gudomiyaha Waxa u shegay in waqtigaan loo baahan yahay in la garab istaago Isbadalada Dowlada Somalia ay ka wado Gobolada Jubboyinka iyo Gedo. Waxaa habon in Dowlada Kmg ah fursad loo siiyo in ay Gobolada Jubboyinka ka xoreyso Xarakada Alshabaab kaddibna loo howl galo sidi Maamul loo dhan yahay looga sameyn lahaa dhaman Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ayuu hadalkiisa sii raaciyay hogamiyah Ururka Jubbaland Indigenous Group Mudane Dahir Cali Kamiin.

 

Ururuka Muwadiniinta Jubbaland waxaa u halkani ka Cadaynaya wax walba oo dhib ah ama qasaro ah ee soo kala gaara dadka walaalaha ah ee iminka nabadda kuwada nool in uu masuliyadeeda qaadi dono Prof. Gandi. Gudomiyaha waxa u Dowlada Kenya ku eedeeyay in ay gacan ka gaysatay samaynta Maamulkan Azania, waxuuna ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha Gudaha Somalia.

 

Dhanka kale, Guddoomiyah Jubbaland Indigenous Group Mudane Dahir Cali Kamiin waxaa uu ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira gobolada Jubboyinka, waxaa uuna ugu baqay dhaman qurba joogta Jubbaland in ay caawiyaan walalahooda ku dhibataysan wadankii. Waxaa kale oo u shegay in Ururkooda uu ku mashqulsan yahay sidii uu gargaar u garsiin lahaa dadka abarta ay samaysay ee ku nool gobolada Jubboyinka.

————–

Maxamed Cabdilahi Muuse, Freelance Journalist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this