Sign in to follow this  
xiinfaniin

Gabay aa I haayya

Recommended Posts

Abtigiis waa raggeedii, spontaneity giisaan ka helay markuu xaajaddu cishqi joogto, buuxo gabayyo fiican buu itiriyey :D

 

Waraa hunguri ninyahow Libaax baa nagu rafanayyee kasoo qayb gal maansada haddaad ka qatanaan weydey :D

 

Libaax waa dadaalayyaa laakiin weli ma garan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Sida Jilbis shanshadu Mudhuxday Oo Jalaw ku duuduuban

 

Ama Jirriqaa Johorad meheriyoo Malab la dhuuqaaya

 

Subxaanyadii Jacayl maqqashay Oo soo Mashxaradaysay

 

Ama Jeer Malxiis looga dhigay Jaamuus Lugalayda

 

Jugleey Jikada xaadhaysa oo Marinka sii Joogta

 

Jinac Micdaar haysta oo Jawaano Jiidaaya

 

Duqsi Jaad Miirooya Cunoo Jalabutaynaaya

 

Jiir Macawus iyo Jilbaab xidhoo Dabada miiqaaya

 

Ama Jacalbro oo Magaalada Berbera Hilin Ku jiilaaday

 

Qudhaajooyin Jiiro wada galoo Jidbo wada hayso

 

 

:D Masii wadaa ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

waa tii dhoodaan oo kale hunguriyow

 

edit: Where is Libaax?

 

Geesigii tolmonaa marbaa fulay u tookhaayye'e

Tumaatida warmuhu mar bay turuqa seegaane'e

Marbuu warafku tuuryada gefaa taaka leelaha'e

Nimaan adiga kugu toosin baa kuu takhaashuma'e

Sayid, The Poet Master

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

To be honest, Xiinoow waan yara habsaamey. I didn't compose myself to put JB in his place yet. But here an off-the-wall impromptu discribing how bad to be caught with jilba qaawan could get for a man like me:

 

Jiilaal gubayadii haddaan jeenyo yara faydey

Oo uu hanfigu hagoog jiitayoo jilibi kuu muuqdo

Inaad sii jalleecdood hadana jeedsan kari diido

Ood juuqdii horeetaba tidhaa jilbaab dhigayeey!

Oy jug jaadhku soo yidhaahdaan jaaifa imane

Waa jeer Alleylehe nin ragi jidhidhicoodaaye

Jaliilyoodaayeey waa inaan madaxa sii jeedsho

 

:D

 

The rest is coming...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaliilyoodaayeey waa inaan madaxa sii jeedsho

 

What a memorable line :D

 

Wallee Jacayl waa loo baqay. Abtigiis Buuxo uun baa u muuqatta oo waa naga haray

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^another email account buu igu noqday Gheelle,marka waan iska daayey.

 

Aan is waraysanee :D ma furaa maanta?

 

Furan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Xiinoow, ninkii Jacaylbro ahaa Boon-Xirsi ayuu goor dhawydo la joogay lol Hargaisa ayuu ku dhex wareegayaa siduu xoogaa Gabay ah isugusoo jacburiyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

here comes abwaan who with the help of his assistants would like to mark and rate the Affarreey, Jacbur iyo Deelqaaf waxa meesha ku taxan...

 

I already saw erayo inta si khaldan loo qoray macnihii bedeley...lol

 

more to come...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Tixdan, waxaay ku socotaa nin la yidhaahdo Abtigiis&Tolka oo isagoo Computer dul fadhiya Hablaha SOL ku jira, ku yidhaahda halla i jeclaado :D nin sidaa u eg ayaan ahay, Cirka Awrkii joogay anigaa cunay, Fiiq iyo Dhagaxbuur dhexdooda Geela daaqqa anigaa iska leh :D

 

 

Beryahan Abwaanoow Gabaygu waa iga Jihaasnaye

Qof Jawaabay meel dheer baryuu Juuq Dhegaysadaye

Jirjiroole Gaamuroo Lacagi jeebka uga buuxdo

Jibaal kula hadlaayaan Qofkii joogay la arkaynin

Oo saacadaa jaahisoo meeshan kula jooga

Oo odhan Japan iyo dhulbaan Jaadhe ka hayaaye

Maxaa laga jeclaadaa Qalbigu Jaamacow socoye

 

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Hunguri soo dhawoow.Jiimleeydana soo jimlee smile.gif We'll await A&T for the response.

 

 

Abwaan & Gheele,adiinka Sheekada joojiyaa.And share your Gabays .misee you are the lot that can't write gabay & can critique only :D

 

Xiin,Abtigiis waa nimanyaal ee iida,intaad u qaxweyneysay buu tiriy those delighful pieces ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Hunguri,

 

Jirjiroole Gaamuray iyo inaan, Jovanne ahayba

Jimcahay kala cadaan markaan, Jakarta sii dhaafo

Jidiin kolkaan lasoo quuto een, Jimicsi sii raacsho

Buuxaa jawaabtaa laga rabaa inay jibaaxdaaye

 

Allahii Jabbaare jirey haduu, jeebasha ii buuxshay

Asuu adigaa ka joojiyoo, kaluun jalamsi kuu uumay

Oo jamiilooyin iyo ay jamaad, dhan kaaga jeesteenba

Ma cirkaad jajabin oo cadhaad, jowharna u caayi?

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuxo nasiib badanaa saa gabay silsilad inuu noqdo ayaaba ku socdee. :D AT&T and Baashe halooga baxo marka.

 

 

Asuu adigaa ka joojiyoo, kaluun jalamsi kuu uumay

Raggeedii, willka reer maakhir/reer bari ahaa meeh? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this