Sign in to follow this  
xiinfaniin

Gabay aa I haayya

Recommended Posts

nuune   

lool@Paragon najjaasuu rimanyahay anaa og :D

 

horaan u sheegay inuu imtixaan yahay Paragon

 

 

Gheelle lool, mar haduu Xiin i keenay meesha waa inaan tinta xiirtaaye :D

 

 

PS: tix baan kaa sugaynaa Xaaji Gheelle, dadkii uu Xiin magacaabey baad ku jirtaayee, maskaxda soo buttaaci adeer, saaruukhda soo gan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gheelle.T:

Wallee kii Gabay ahaa meeshaana lagu diley. Allah yarxan, baabah
:D
Nuune, kaagu deel qaaf waa dhaafay. Libaax waxaan islahaa dhuxdii awowyaddii ayyaa ku soo deggaysa, laakiin waa haawaa, just kidding!

 

Wiil galbeed, xaaji jaceyl, iyo Xiin waa la akhrin karaa. Paragon bal mid kale soo xariiq.

Walle Xiin qof niyadda u dhisuu helay. Belo!

 

Geelloww been baad sheegtay hadaa tidhi Xiin baa gabay meesha ku haya. Ha i hor istaagine, jooji cammiraada Geelloow. Nuune iyo Jacayl baa horay dhulka iila dhacaye, joojiya dagaalka aad igula jirtaan ragiinii hore ee meeshu u camirnayd. There is a new kid on the block.

 

Xiin jawaab culub baan u soo wadaaye canaasiir ha igu noqonina. Codkaa i yara xabeebsan mooyaane, mar baan is idhi ma duubtaa audio version. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I prepared this kolkuu Xinn shaah doontay, but now i see inuu soo rogaal celiyey. So, intaan kan danbe u soo diyaar garoobi kan hala iga sii raseeyo.

 

Jiljileec la iguma xantee Jiifkii ma ka toosay

Jigre waxaan ka dhicin iyo raggii jeedal ma la fuulay

Qaxwo kuwo u jeestiyo kuwaan juuqba soo celinba

Ninba Jahadu isyidhi waad ku bixi Jaanti ma u weecshay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Waaw Waaw.Abooyaloow ileen dheel dheel ma tihidin. Mugoo ani waan la dhacaaya gabayaashaan ,in kasto gabay waxna kaseyn :D

 

Jb & Xiin,Mahadsanid .I knew I could count on you two for some niyad-dhis.

 

A&T, Good stuff.Jaho kale baad ka heestay..saasna buu gabaygaag ku wanaagsan yahay.Hadaan Jiimleeydaan sii jabjabsado waxaan ku oran laha:

 

 

Jaale intaa’dan cirka soo jeexin ama jaalabuud soo raacin

Jamaad inta’dan ka soo tagin ama jidbeele

Jalbeebta iyo Jaleecad Buuxo inta’adan jeclaan

Jana-gale Aabe lasoo hadal :D

 

Jawabtu hadeey taha haa

Asagoo ku’aragna hadu ku ajiibo

Jaarka ban ku jarmali oo jeeg oodkac baan jari

 

Jadiinka baa ii qalali ,Jusna waan ku marin

Jimcadaan bal so jug dheh aano jowhar ah aan ku arkee

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Buuxooy Jawaabtaadu waa Juus macan badane

Qlabigay i jeexdo walee jiidhkii baa jarane

 

Kol haddaan Jareeyo hawada dhookhi iga jiidhay

Jamaalkii ku dhalay waa inaan jeebabka u buuxsho

 

Jaahil baan ogeyn wixii jawharad loo huro'e

Kama jeedsanayo anigu, jidkaa jannadda aadaaya

:D:D

 

Hedde meesha wax gabay ila ekeeya kuma arkee armaan ku shax guuraa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jiimka gabay dadow waad ka jirribteene

hayeeshee jaxaasku ka fog in la jaleecaaye

Jiho ma u yeelnaa hadalka jibbadu waa ceebe ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

War dee naga daa JB, waxani gabay maahe! :D Culumadda kala qabta ayey goor dhow qaar odhan doonaan, kolkaasaan meeshaba iskaga tagi doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

horta jamaacoy heedhe

hadal iga jillaab maanta

jiho u yeel dabuubta

gabaygana u jeeljeel

hadaf iyo jidna u yeel

wax la jeexo soo tuur

hadalkana bal jeexjeex

jidka marin cad bal ii keen

 

qodob jira bal ii sheeg

dariiq toosan bal ii jeex

jid hagaagsan ii door

igu dheh halkaa jebi

adiguna jalleecada

igu jarrib waxaan falo

 

Jidhkaygu dadow heedhe

jeex la taabto waa maleh

jug halkaad ka siisaba

nabarraa ku jookhan

dhiig baa ka jalaq leh

amase waa jeex

inta yarahe jadiidsani

jaaha sare bal mooyee

hoosta nabarku waa jufan

waabayduna ku jiiftaa

 

sarbeebtaa jaraynteeda

hadalkiyo jidgoyntiisa

jaallayaal dhamaantiin

halkaasaan ku jarayaa

ja'da hadalka sheekada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Waxaagu waa:

 

The horse of This sayid,

When it is on the move

The dust it swirls

The dung it splashes

 

Ninkii yidhii ee kurka laga jaray. :D:D

 

Anyway noocaa gaagaaban baad ku dhaantaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Waryaa Abtigiis&Tolka Sheekadaadu waxa weeye ;)

 

Jid aan u baxaanan hayn

Jahadii baa iga hallowday

Haddaan kuu jeedi laayoon

Jabka kuu sheegi laa

Awood baan jirin xaggaygoo

Afkii baa juuqda gabay.

 

Jirrada miyaad ila qabtaa

Miyaad jeer qudha is tidhi

Jalleecoo kalgacal ku eeg

Adaa sida johoraddii

Jirrada adigaa sidee

 

Jawaab waafiya i siiyoo

Jaahaaga sidaan u rabo

Ma ii jirisaa

 

Abaayo macaantooy ma ii jirrisaa juuuuuuuuuuuuuq ma ii jirrisaa ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

loooooooool@hunguri. You are disqualified haddad hees meesha keento. Gabay aa wax lagu shukaansanayaa. Buuxo mid kalaan caawa u soo alifi. Kii arooska. That should be a hit and force her inay ticket soo goosato. Buuxo waa boqorad. Laakiin waa la isku haystaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Jacaylbro, maya anigu hadda I'm into composing a wonderful Gabay, that will rock this thread :D no worries! Waxyar iga war sug!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this