Sign in to follow this  
xiinfaniin

Gabay aa I haayya

Recommended Posts

Abtigiis   

War hedde Paragon Xodxodashadaadu badanaa, waxoo dhan ma korkaad ka qabtaa!! Soo kaad maalin horena ilahayd gabadha Moderator'ka ah lama hadli kartid!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol@furuntaan ku jiraa, oo xodxodashadaadu ma soo afjarmato waaba taraawiix, war heedhe waa inoo August sheekooyin baan kuu hayaaye.

 

 

AT&t, adiguba cid kaa xodxodasho badan ma jirto SOL :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

ATT lol. Magacyadu weey isku ekaan karaan adeer. Taan kaa ceshan rabay ma noqon. Tu aan dameerradayada xitaa isfuulin igu noqotayaa? :D

 

Nuune, adeer it gets an aesthetic value when you continue. Qosol unbaan ka dhergi adeer. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

ja'da gabayga xarfaha jajaban amase jaaquuska

jilbo dhigis jar iska xooris amase jeesjeeska

hablaha jilbaabka sitee jiimka ka higaadshay

libaaxa jaf soo yidhee hadana dhabarka sii jeedshay

jinniyow nuunaha isaguna gabayga jaanjaamay

abtigiisa jigjigee habalaha daba jaqlaynaaya

paragon ka jilbaha qaawan ee jidhiidhicoonaaya

jaamacow shakay leeyihiin iyo jaabo iyo guuxe

bal aan jeedaasho sheekadani waa ja' iyo woowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^loooooooooool

 

wallee xaaladu ma fiicna

 

tani waa taan qaxwaha u cabbi jirey

 

ps. wallaahi raggu waa abwaanno, marka libaax :D laga saaro. ilaa jiimka ku gabyo, waraaqdiisa ma sixi karo

 

Buuxo is the best so far by xiin standard

 

lol@Paragon & nuune

 

Abtigiis wallaahi gabay kii cilmi boodheri u eg baad tirisay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar hadii la isugukay tagey oo dhulka la ila dhacay, bal aan u dacwoodo JacaylBaro.

 

 

Jacaylow ha dhihin libaax -- jiimki ka janjeersay

Jar iyo buur ha dhihin anaa -- jiho ka sii tuuray

Jiqilo-buuroow ha dhihin libaax -- jeedi dhabarkiiye

Ka fogee jananka dhibtiyo -- dhalinyarayn-taada

Oo Xiin jabyee i daa anaa -- jiridka soo goyne

Haka jeedsan jinniga anaa -- joojin hadalkiise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^War wakaa Libaaxna kaalintii ka soo baxay. Iska dhici ragga.

 

paragon ka jilbaha qaawan ee jidhiidhicoonaaya

Hadaba waxaan soo qaadaaba waa ululuf duullaane goonyaha iska eeg baan ku iri Jacayloow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D @Libaax

 

Haddaan hooyaa,

 

laakiin waxaan ku bilaabay:

 

Jiinkii dacwooyee wuxu iyiri jaaxid bay helaye'e

Wax la jabay waa markuu libaax soo janbiirsadaye'e

Tixihii jugeyskaa baa marka laysla jaawilay'e

Jay walbaa wuxuu doonayyaa inuu jareeyaaye'e

Jacaylbaroo wakaa soo baxoo soo janjeedhsadaye'e

Waakaa Jamaal soo rittoo jaraha heensayne'e

Sidii juuc wax qaba abtigiis wakaa soo jakuursadaye'e

Jaf-jaftiisaa waataa la jabay oo nafluhu jihada seegeen'e

Markay Buuxo jalamtii tixaha gabay ka jaadsiisay

Sidii janan dagaal iyo jikaar jeedda qabanayyaa

Markay jararacsiisee rasaas jawfka uga qaaday

Waatii jalbaab loo geshoo abtigiis jeesku qariyeene

Nuunkii jarbaradkaa markuu joogi kari waayey'e

Jaqalkiyyo wadnaha waataan jeedal saarumaye'e

 

 

.... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xiin :D , Libaax baa toobta dillaacsadey, wakaa Jaceylna geedada taagey, Paragon baa se soo wado alaabtii lagu hoogmi lahaa.

 

 

Xiinoow jab iyo guulba waynu u joognaaye

Jaceylkaa ku joogsadey maansada kama jeedsanine

juucdiisi baan heloo waan jarjarayaaye

jidhidhico ima kartoo sidii jiibkaan haadiye

ragna ways jikaaraa intaa laysu soo jilo'e

Libaaxaa soo boodayee jabadka ka soo dhacey

ee jiinka ka tagey jiifka ku gaadeene

waakaa jawaabta soo ganey ee jirridka ka feeday

ragba nimaan mar soo jabin jiimka laga waaye

 

 

 

 

,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuunoow, waan kaa shakiyey specially the first line. Jab iyo guul ayaad ka sharqamisay inaad adiga iyo xiin diyaar u tihiin. Jacaybro awalba isaga waan u digay oo wuu iga eexday. Ii daaya wiilk fagfagta badan ee Xiin aan meel uga soo haree. :D

 

Nuunoow majabe ka helay -- jajabka aad tuurtay

Kaa Shakiyey oo si baad -- jaakad weyn tahaye

Jacaylbro ka carar arliga -- joogiwaa belede

Oo la garay ciduu la jiro -- jilibka hoosaade

Kal horaan u digay Xiinfaniin -- jacburka uu tuurtay

Oon ku idhi dhamaan raggii -- jilibka soo duubtay

Juuj iyo jamaanjuuj iyo haday -- joogto wowtidu

Ka hari maayo Xiin ilaan -- joojo hadalkiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallee kii Gabay ahaa meeshaana lagu diley. Allah yarxan, baabah :D Nuune, kaagu deel qaaf waa dhaafay. Libaax waxaan islahaa dhuxdii awowyaddii ayyaa ku soo deggaysa, laakiin waa haawaa, just kidding!

 

Wiil galbeed, xaaji jaceyl, iyo Xiin waa la akhrin karaa. Paragon bal mid kale soo xariiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^lool@Gheele

 

Libaax isagoon tababarnayn buu iska yimi

 

Paragon najjaasuu rimanyahay anaa og, qolooyinka xingalool ka yimaadaa caadi maaha

 

nuune iyo aniga ciyaalkii suuqa miijiska aan ka joognaa

 

Abtigiis waa geelley reer magaala, jacayl na kuwii NGONGE soo sawiray baa gabayada u tiriyya :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this