Sign in to follow this  
xiinfaniin

Gabay aa I haayya

Recommended Posts

Jacaylow kumee? aan kugu barbartee. Aw Tusbaxle waa dhega adagyahay, adeerradda aa gabyuu maqlay markaasuusan kaa garbaxayn

 

Jiinka gabayga waa taan ka tegey Juntii waa hore

Waataan jikaarkiis kaharay markay jahawareersheene

Sidii weli jidbeysan oo xadrada jalalamsiinayya

Waataan jalaalkii rabiga iyo diinta jaaibaye'e

 

Jaaifooyinkaa soo kordhee arliga jaamaca ka yeelay

Ayyaa igu jaribay inaan tixaha yara ku jeestaayyee

Jacaylow bal maqal caawa waan jaraysnahaye'e

 

 

Where is Paragon? Where is nuune and sophist? where is Geenyaale? Ayyoub mee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xiin oo abur maanseed butaacinaya miyaa loo soo dhawaan karaaa!

 

 

War ragii aawey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jiiqlaha habeen anoo hurdo jalalam siinaaya

Oo jihooyinkoo dhan xidhoo yara jiboonaaya

Oo juuq ruuxii yidhaa loox ku jebinaaya

Ayuunbuu xiin jaan dhawaaq kaga jacsiiyaaye

Oo uu shanqadha jaan nagu dul joojaaye

jug soo dhacay hadaan jeex la soo kacaye

jin noqotayaa iyo jawaan madaxa saartaaba

jabkaagii baad u yeedhee jeedi dhabarkaaga

Share this post


Link to post
Share on other sites

jug soo dhacay iyo hadaan jeex la soo kacaye

jinni noqotayaa iyo jawaan madaxa saartaaba

jabkaagii baad u yeedhee jeedi dhabarkaaga

 

^^ :D:D

 

Alleylehe Jacayl baro caawa dhammays buu dhalay :D

 

Tani waa shull awoowe, waa inaan ka jawaaba.

 

Waryee nuune, maadaa ninka jacayl shaaha la cabbay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

ka leexo aan ku tuurtee

 

Ka dhawaaji kii xiin ahaa -- dhicisadiisiiye

kuma dhaceen nin kale -- dhego adkaantaane

dhaaxaan ka digay dhibkaan -- wada dhex jiifnaaye

dhegohiina xidha dhallinyarooy -- laysu soo dhigaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^looooool

 

waryee wallaahi waad dadaashay,laakiin xarafkii :D baad ka baxday sidii saaxiibkay aw tusbaxle

 

jaantii burdaha iyo rag baa jabiyey jiimkiiye'e

Jamashada :D Jacaylbaro iyo ninkeer gabay jacuurkiisa

Jiirada Libaax soo galay iyo xarfaha uu jaa-ifka u geystey

Anoo Jaaizada bixin raggaan tixaha joogsiga ku doonay

Jirdilkay dhiggeen baa qalbigu ila jacoofnaayye

Jawaabtayda maqal caawaba ragbaa jeel ku waajibay'e

 

Jinniguu wax dheer yahay ruux hadduu yara junuunaaye'e

Inkastoo la jaro baro oo aqoon lala jeclaadaaba

Jahliguu ku raagaa ninkii jawfku faaruqo'e

 

...

 

 

 

 

halkaasaay caawa joogtaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jacayloow jab baa soo socdiyo jaahwareer badane

 

Jibbadaa wadaa Xinnfaniin wuu ku jabayaaye

 

Jalaq uguma daadagin casharaadaan jeel hore u dhigaye

 

Maantana jidhiidhicaa ka kici haduu jacag ka siin waayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Jiiradaan tan ikeentey waa

Jahwareerki Abtigiis iyo jacaylkaan jacbur qabo :D

Jabkii LST iyo jaajuska nuune

Jafaalka jabaro iyo jahaadki Xiin gabay uugaley

Jahadeeydi baan ku noqo

Jandheer inan barto baa ii dhanto jaciirkan redface.gif

 

Horta,gabayga rules ma leeyahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D:D ,, Buuxo ,

 

 

Congrats inaabti ..... ehem ,,, welcome aboard. Didn't know SOL girls are up to gabay. I'm glad you're one ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jaaheeda kaliyoon arkaa jiidhku kacayaaye

Iyadoo Jacayl sheegatayna waa jidkaan rabaye

Innan yahay Jaleecaan rabaa iyo Jaawi ood shiddo'e

 

Jaahwareer ka dheer shayga ay jamatay laabtaadu

Anigaa jawaabtii hayoo jilibka aasaaya

ee Buuxooy Jidkaan soo hayaa, ee jaararka u sheega

 

Jaamo maas ah kol aan soo toshiyo cirkoon jarmaadaaba

Jacket intaan soo gatoon Jig isku soo siiyo

Waa inaan jilbaha soo dhigtaa Jiida aad jirtaba

 

 

I am assuming inaad Awastarrreeliya joogto! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Jiibta gabay jawaabtiisa yo cidhib u jaan qaadka

Jeedaali anigoon lahayn ayaad igu jibaaxdeene

Asaad igu jeediseen taan lahaa adigunbaa jidha e

War hoy maad ka joogtaan waa jiq sheekaduye

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Jiinka gabayga markaan damcey inaan jeedalka daro

jacbur baa ka yeedhoo kari waayey jeedsasho

jiilka SOL haddeertana bal aan jiinka la higaadsho

mar haduu Jacayl jimicsadoo jilibka laabtey

Libaaxna xarafkii kala jarey jiimka laga waayey

saakana karaamaa jirtee bal aan soo jeedsado

 

 

Buuxo lool@jaajuska nuune :D

 

 

Well done Libaax

 

 

PS: Paragon, I was expectin inaad saaruukh soo rideeyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this