Sign in to follow this  
Tuujiye

FOORJO..loool.

Recommended Posts

Wiilo   

Tuujiye sxb nuune aa iigu faanee miyaa waraa ani xitaa waxaan London ii joogto Sxbtay Simply the Best ama Who_me marka ani xitaa waan heystaa qof igu soo dhawaysa London sxb,,,ayada waxa ay ii sheegtay inay taqaan gabdho fara badan oo yaqaanna sida oo cayaaro banooniga iyo waliba sida loo cayaaro kaalafootada :D baashaalkayga waa salaxan yahay nooh sxb,,,,,,,,

 

 

Haddii aad noo xiistay sxb hadda soo dhawaw gacna furan iyo wiji furan sxb,,,,,

 

jEcLiYaAaaaa:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaalayaal runtii dhowaan waan idiin xiisay dhamaantiin ,,, Who me iyo Wiilo waad mahadsan tihiin ,,,,

 

Waan yara mashquulay oo dee waa talo aduune laakiin qalbigu wuu idin la joogaa had iyo goor ,,, taas anigaaa huba,,,,

 

Wiilo, sxb caruurtaas maxay ahaayeen :D ,,, Ilaahay run ha ka dhigo adigana qaar khayr badan ha kuugu deeqo ,,,,,

 

Thanks all ,,, i'll be back soon insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

loooooooooool at gabdho kil kilo weyn.....salaamaat wakulla aafaat, waraa Tuujiye adi caadi ma tihit. waxaas xaad ka wadaa? anoo fahmin aan iskiiga qoslay. Ka soco....London aan u soo socdaa maa hada i leedahay? alla aboowe maanta waad iga farxinoysaayee.....alla jeclaan lahaayaa inaan idinla kulmo,

Wada kulankeena sidaan buu i dhici lahaay;

 

Aniga iyo Nuune aa inleen reer ingriis eh, waan isla ballami leheen labadeena sidaan hal mar idiinkiiga soo doonno airportka. QQ, Tuujiye, Wiilo iyo Jb aa imaanooyo marka ma fadhi aa noo yaalo? jawaabta waa maya. Nuune maalinti iigu horeysay waaye aan arkaayo (airtportka dhaxdiisa)waxaan u jeedaa wiil da'diisa tahay 25-28, waa wiil dhaxdhaxaad eh dhirirkiisa, ma madoowa mana cado, waxaa shaki iiga jiro inuu isagi yahay magaciisa runtana ma garanaayi waan ka xishoonaa inaan ku dhaho nuune maa tahay lacalla oo quf kale igu noqdo. waan iska fadhiistay.....wiilki aan u jeeday baa igu soo socdo (quickly waan is jeegi gareenaa sidaan u ekahay, wiilki waa igu soo dhawaaday, cod yar oo macaan oo naxariis ka dhadhamin kartit aa igu leh "abaayo, su'aal maku weydiin karaa?" codkaas macaantiisa baa wexey igu qasabtay inaan indha ku eego, maxaa iga raacay, indhihiisa quruxdooda daraadeed baan ka dhaxbaxay...anigoo is ilooway oo wiilki aad u fiirinaayo baa codkii macaanaa wuxuu igu dhahay mara labaad "abaayo", qalbada aa i qaboobday, markaas baan waxaan ku dhahay haa aboowe i weydii su'aasha. wuxuu igu yiri "Dad baa iiga imaanaayo North America, gabarna inta waan kula ballansanaay" hadalkii isagoo dhameynin baan waxaan la soo booday "alla, adi Nuune miyaa?" ceybteyda wiilki xitaa jaanis maan siinin oo ku dhameysto hadalkiisi, laakiin jawaabtiisa baa iga farxisay "JILAATO CAMBO" oo hab i siiyay, anna waxaan ku haayaa "Nuune" isagana "jilaato", 5 minute hadalkeena saas oo ahaay. Waxaan ilownay in diyaaradii Jaceyl Baro ey soo dagday 10 min ka hor, meeshi baan raaraadis ka galnay....15minute ka bacdi waxaan u jeednaa wiil Soomaali eh, nuune baan waxaan ku iri "talow, kaas ma jb baa?" .....wiilka aan u jeedo waa nin suit ga shan, jaakada suitka garabka buu gacanta kula haystaa, surwaalkana dhaxda baa in laga soo dhuujiyay oo waxuu kasoo xiray sida soomaalida oo kale xudunta korkeeda (loool)...nuune iyo ani wiilki baan u tagnay, annakoo afka kala furin baa wiilki wuxuu na weydiiyay "waxaan filanayaa inaad tihiin SOL nomads" nuune'na wuxuu uugu jawaabay "annakana, waxaan filaneynaa inaad tahay macalinkii jaceylka" :D

 

end of part 1.......

 

Yaa rabo inuu sheekadaan meesha kasii wado?...imaginationkeena aan isticmaalno

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

^^^I can only say WOOOOOOOOOW that was great laakiin anna xagee nagu ilowday sxbtay mise Part II aan ku jirnaa cajaa'ib sheekada way qurux badan tahay wow,,, haye sii wad dee....

 

 

Nabad iyo Caano:...........

 

Wiilo (aka Ogaamiyaha Ururka Dumarka Soomaliyeed ahna lataliyaha Difaaca iyo Horumarinta Dumarka,,,Mudane Wiilo Wiilo

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^end of part 1 lee waaye...wee soo socotaa....Jb lee hada lala kulmay...idinka diyaaradiina weli cagaha masoo dhiganin....sheekada adi ila qorhee nooh pls....caawitaan aan ubaahanahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

jallaato, maashaa Allaah, dat was greaaaaaaaaaat, waad na sharaftey Ilaah haku sharfo, malaaigna haku salaanto, qeebta kale ayaan sugeynaa Inshaa Allaahu sheekadu wey dheeraaneysaa weena wajiya badnaaneysaa saan filayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

anina bal aa wax yar sii wado sheekada,,,,,

 

PART II

 

nuune iyo Styt (sweeter_than your_ tea) waxay ku dheheen Jb sxb ku soo dhawaw London, ha is martiyaynin. J'baro intuu kuleetiga toosistay uu dhahay waraada waad mahad santihiin nooh, laakiin waxaa lay dhahay London Soomaali aa ka buuxda nooh. nuune aa soo booday wuxuu dhahay sxb adaa arki doono iska sug.

 

Styt aa dhahday waraa nuune labadaas wiil oo soo socoto ma u eka kuwo London dagan ee ma laga yaabaa inay yihiin QQ iyo Tuujiye. nuune aa dhahay waraa kaa qaliirka ah wuxuu iigula egyahay Tuujiye, haddii uu ku hadlo af reer xamar Tuujiye waaye. J'baro iyo Styt way socleen.

 

Labada wiil ee soo socotay markii ay qiyaaseen J'baro, nuune, iyo Styt waxay ku qiyaaseen dherer kooda 5,9 iyo 6,4 injis, labadaba midnana ma madoobo, sidii lagu yaqaanay wiilasha Somalida waxay xernaayeen surwaalo baaji ah, dhexdana way u xirnayd, maadaama ay tahay summer waxay wateen shaarar jiljilicsan isla markaana qurux badan. Way soo socdeen oo waxay u soo socdeen dhanka J'baro, nuune, iyo Styt, markaas aa nuune dhahay haye aqyaarta ma waxaad tihiin Nomads from SOL, labadii wiilba way dhoola cadeeyeen, mid ka mid ah aa dhahay haa yaaqee, nuune uu qoclay markaas uu dhahay waxaan filaa inaa tahay Tuujiye adiga, ishaa ka riday sxb uu dhahay, markaa suu intuu dhag siiyay willkii kale uu dhahay kan waa kasee nooh, waa QQ, isla markiiba nuune hab uu siiyay QQ asi oo dhahaayo sxb waan ku farax sanahay inaan is aragno soo dhawaada.

 

Styt aa dhahday waraa iga leexo aan salaamee aqayaarta. Markaas ee si rahmad iyo waliba xurmad leh u salaan tahay QQ iyo Tuujiye. Kaftan ahaan aa J'baro u dhahay waraa Tuujiye sxb waan filaayay inaa qaliir tahay laakiin inaa gaaban tahay ma ogayn. Tuujiye aa hab siiyay J'baro. Sidii aa laysku sal salaamay. Styt aa dhahday laba qofood aa naga dhiman aqyaarta.

 

QQ aa dhahay waa qiyaasi karaa labadaas, waa Wiilo iyo raula. nuune aa soo booday wuxuu dhahay waxaan ka baqaa Wiilo oo diyaar ah inay inta ka soo baxdo, ayadoo banooni geeda iyo daba gaabkeeda wadato oo rabta inay horay ka cayaarto banooni.

 

Tuujiye aa dhahay jaanis waaye ani lex bilood banooni ma cayaarin horay leeba ka bilaaban lahayn nooh. Styt aa dhahday waraada idinka dhincaha fiir fiiriya nooh saacadaan way soo degteen aa filaa.

 

J'baro aa dhahay sxbayaal haye nooga warama safarkiinii. Way qosleen QQ iyo Tuujiye, nuune aa dhahay maxaa? Tuujiye aa soo booday wuxuu dhahay, waraada tii i qabsatay lee ani haddii aan idinkaga sheekeeyo waa socleesiin nooh (Ilaahay amarkiis wax kasta waxaa la socoto erayga NOOH) ani markii diyaarada aan saarneeyn waxaan fadhiyay dhanka daaqadda xiga maahee dhanka kale nooh, oday caddaan ah aa iga xigay dhanka daaqadda ah, markaasuu igu wareeriyay "Excuse me" maantoo dhan wuxuu dalbanaa Orange Juice iyo biyo cad wax yar ka dibna wuxuu aa daa musqusha (Suuliga) anine waxaan rabaa inaan seexdo nooh, marka ani oo dhan waa iga jijibiyay nooh, "wareer badanaa" maxaa ka rabtaahee waa inkaanay nooh.

 

Styt aa waxay bilowday inay dhincaha fiir fiiriso, nuune aa dhahay waraada ani waa gaabanahay ee idinka fiir fiiriya gabdhaha, Tuujiye aa qoslay, markaas uu dhahay nuune sxb waa ii gabbatay nooh, waxaan kuu malaynaayay inaa tahay koo dheer nooh, waxaa ugu noqotay Kuusoow Kuntuwaaroow wax ma arke nooh.

 

Halkaan aan ka sii wadi/laga wadi doonaa haddii ilaahay yiraahdo sheekada,,,,,,,

 

 

Go figure:.................

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Kaftankii anaa kaa dheer iyo waa iga gaabantahay baa halkii kasii socdey, J'baro ayaa isna dhankiisa kasoo galey loolanka dhererka.

Jallaato canbo ayaa waxyar la faqdey QQ, xoogaa wey yara kaftameen oo afkaa jug la isku siiyey, labaduba laba da'da isku jin ayey ahaayeen oo dhererkooduna markey is bar-bar is taagaan isla siman ood moodo iney yihiin laba la kala jeexey sidey iskugu egyihiin calaacal iyo dhagba.

 

nuune ayaa gees u yara istaagey si uu u fiirfiiriyo iney wiilo iyo raula garoonka kasoo dageen, isla markiiba nuune waxa uu arkey laba gabdhood oo laba boorso garbaha u suran, goono iskaarbo aka xinto xiinto ay qabeen labaduba, labbiskoodu guud waxa uu ahaa shaati iyo goono lagu darey khamaar abuu camcam iyo kabo abuu banjal biinjo ruujimo boonyo ah, nuune ayaa kusoo noqdey akhyaartii kale markaas buu dhul dabadiis qeela ku dhuftey, "ayuka waaye, ayuka waaye, wiilo waaye, raula waaye, waa kuwaan, soo baxa waraada", meeshii baa wiilo iyo raula bidhaantooda laga arkey, waala isa soo wada raacey oo laga hor tagey labadii gabdhood, QQ, tuujiye iyo J'baro markey arkeen labadii gabdhood oo soo socda ayey waxey dhaheen intooduba "maashaa allaah, kuwaan wadaado waaye, waxaan is laheen waxaa arkeesaan cali fallaax iyo kuunto ordeeso oo sideeda ah".

 

Jalaato ayaa waxey tiri "waraada wiilashiina naga daaya qashqashaada ee kaalaya gabdhaha soo dhaweeya",

wiilo iyo raula ood moodo iney alaab ka dhuntey ayaa cirka iyo dhulka ayey eegaan, afarta jaho ayey fiir fiiriyeen iney bal arkaan wax dhallinyaro ah, ayagoon war u heenin meel ay ka baxaan iyo meel ay u socdaanba, raula ayaa waxey ku tiri wiilo "hyu watu ni nani", wiilo ayaa waxey tiri "naa heedhe ama af muslin igula hadal ama af gaal igula hadal ee tururqda aad dareerineyso waxba ka garan maayo aniguye", halkii bey raula tiri "wiilooy dhallinyaradan kaalay aan u tagnee laga yaabo iney yihiin reer SOL",.

 

halkii baa la iska hor yimid, jalaato ayaa gabdhihi war satey iney yihiin wiilo iyo raula, meeshii baa la isku gartey, jalaato wiilo iyo raula ayey ku suuxdey, wey ka fuqi weyday sidey hab u siineysay labaduba, nuune aa wuxuu yiri asna "abbaayo jalaato anakana markeena aan ku dhagnee wiilo iyo raula ee jaanis nasii hee see camal kaligaa miyaa hee" wiilashii baa iyagana yimaadeen oo si maxaa kaa galey ah loo salaamey wiilo iyo raula, QQ ayaa ugu daganaa wiilasha, j'baro aa wuxuu ku waashey tee waaye wiilo, tuujiye isna waxa uu yiri "raula sujui walaahi waa is keeentey, xasha', waa ii dhacatey ani muggoo"

 

waala isa soo raacey, j'baro iyo wiilo ayaa yara kaftamey, j'baro ayaa waxa uu yiri "wiilooy waxaan kuu heestay inaad tahay suxul baruur, laakinse boojaal caddeesatay ayaad tahay mar danbe i siri meysid", wiilo ayaa qosol ku dhufatey laba daccal ah markiiba, waxey ku tiri j'baro "aboowe hadalkeega aa duq duq u eg ee aniga waa idhali kartaa", j'baro ayaa dhoola caddeeyey markaas buu yiri "saa danbaad ogaani wiilooy, cirrada aad igu aragto waa doobnimada ee ma ahan duqnimo"

 

dhanka kalena raula iyo nuune ayaa iyagana kaftan iyo qossol u socdey, raula ayaa waxey nuune ku tiri, "nuune adiga waan kaa yaabey, qoraalkaaga iyo hadalkaaga isku mid waaye" nuune aa soo boodey markiiba waxa uu ku yiri raula "hakuna matata dada, nina kula kila kuunta bilaa sikumaawiiki", jallaato oo maqleesay hadalka nuune ayaa qossol ay shinbiraha la dhacaan ku dhufatey markaaseey tiri "kuunta canbuulo kiimikeesan oo kuusan koonbo ku jirto iyo balaaya lee sheegtaa adiga nuune waxan intee kasoo aruurisaana waa yaabey aniyee"

 

intii garoonka dhaxdiisa lagu jirey kaftan iyo qossol baa lagu dhameestey, garoonka ayaa laga soo tagey, jallaato oo baabuur diyaarisey ayaa lasoo wada korey, meeshii baa laga soo tagey, intii dhexda lagu soo jirey ayaa lasii had hadley, tuujiye ayaa waxa uu ku yiri jalaato "abaayo muruq aan ka yaabaa inuu ku galo maxaa waaye marshada saa u galineeso, aayar lee maa dhag iyo dhac kasiisid", QQ aa markiiba soo boodey waxa uu ku yiri tuujiye "war niyahoow adigu waad wareer badantahay ee gaariga ama wad ama gabadha u daa tirfatoorayahoow wax sheeg kaama ahanee gaabagaabeey aad waddaa", tuujiye ayaa markiba ku yiri QQ "haye xaajiga shiiq shiiq aa la iska dhigaa miyaa adigaba waa ku arkaa raula aa saa u firineesay ishaa ku murkacatey",

 

j'baro iyo nuune oo hadalkaas maqley ayaa labaduba qossol la dhaceen, nuune ayaa markiiba yiri "jalaato abaayo een hoteelka waa ku soo dhawnahay ee aayar baabuurka u wad yuusan nala hunqaacinee""

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Styt (Jilaato) aa u jawaabtay nuune oo tiri sxb ani hortaa aa wadi jiray gaari ee warka iga daa.

 

Muddo yar ka dib aa raula dhahday waraada anagoo caafimaadqabna aa Allaah iskeyn tusay ka warama. QQ aa soo booday oo dhahay raula Wallaahi waa runtaa waa inaan Allaah ku mahadinnaa tan.

 

waxaa la soo gaaray Hotelkii lagu casuumay martida, Styt aa dhahday aqayaarta is fududeeya Hotelkii waa kanaa hee. nuune aa soo banginay in Wiilo iyo raula ay qol diyaar u yahay, QQ, J'baro, iyo Tuujiye'na uu sidoo kale qol kooda diyaar u yahay.

 

Wiilo aa Styt (Jilaato) ku dhahday maadaama aa daalan nahay sxb annaga Hotelka nooga taga adi iyo nuune, annaga waan iska seexanaynaa, ha dhowto markii aan soo toosno ayaan idin soo wacaynaa si aan magaalada u galno oo casho iyo "Tea" aan u raasanno, update kana aan isugu gurno.

 

Tuujiye aa dhahay Allaah wax naguma guru, laakiin waan sheekeysanaynaa, waxaan aadaynaa Coffee Shop ka dibna waan iska baashaalaynaa nooh aqyaarta.

 

Taasi waa talo fiican ayuu yiri nuune, marka aqayaarta sidaa aan isku ognahay, iska nasta annagana waan idin soo noqonaynaa.

 

Waraada ani aad aan ku daalanahay inaan nasto kaliya aan caawa magaalo ku tagi karaa ayuu yiri J'baro. Sidii bay ku kala tageyn, nuune iyo Jilaato way baxeen, Tuujiye, QQ, J'baro, Wiilo, raula waxay ku hareeyn Hotelkii.

 

 

Go figure:...............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

^^^^sheekadu way isku dubadhacday runtii waa inad sii wadaa Styt.........and yeah remember wiilo waa wadaad, marka keep that in mind,,,or in the converstion for that matter,,,,,,

 

 

Go figure:.................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

loooooooooool...kaalay sheekadaan waxee ka socotaa aan maqlay shaleemo la dhaho "maxaa kaa galay"..lol..

 

Tuujiye 5'9 kulahaa..dhererkaas dhan xagee geenaa ani...kabo taako leh hadii la ii xiro xitaa hawadaas riyo kuma arkaayi..taas waxaa ka daran nuune..lol..ani haduu iga gaaban yahay xagee lageenaa...ani meeshaan burjiko dherekeeda leedahay, asaga dabqaad uu dherer le'eg yahay...shakiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiita..

 

wareer badanaa!!!

 

laakiin kaalay kuligeen hadii single nahay, maxaa loogaga hadli waayi sida la iskugu kulul yahay...mise anaa qar xiyo...ok ani waxaan u kululahay my home girl CK...I just like that name ...nuune wuxuu u kulul yahay Raula maxaa dhacay dheh, nuune meeshuu sawaxili ku maqlo feebaro aa qabanaayo..Jbaro qof kuu u kulul yahay is weydiis ma laha..loooool..qof kastaa og sidaas daraa deed hal wax lee dhahaaa..JBaro waa ninkii ugu horeeye ee aduunka oo gabar hadiyad usiiye banooni..lol..shakiiiiiiiiiiiita...kor keed ka nuur aan ku dhahay marax yahoo alfalaaxa lee ha iska bujinina...QQ aa kuu soo haray, qq wuxuu ka helyey naagaha diyarada atanti ama kibiyeeri ka ahaa..toman xabo ticket uu soo goostay...

 

ok...baabka qarxiska finiito waaye..marka shekada hotelka ka dhacday oo la qarinaayo ma sheegaa hada mise mar kale?????

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

tuujiye ciyaal qarxis waaxid ma iska dhaafitidoow maskiimiintaan hoos hoos ha iskaga dhiibaanoow. weershe waaxid cunsur aa ku nuqotay meesha lol is kaarsho dhagax kujiro in madax lagugu dhufto aad rabtaa. tuujiye adiga boortiyeeri lee ku fiicantahay weerarka dhaaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this