Sign in to follow this  
Somalina

AS waa tuugo

Recommended Posts

Kool_Kat   

Originally posted by Maaddeey:

^Ii jawaab horta!
;)

 

Ps. Isha aa carro iga gashay!
;)

Isha lee yee ku xanuunin, ani Cawaale aan lahadlaayayee... icon_razz.gif

 

 

Ismalura, siduu Maaddeey sheegay Doollo baan aniguba marmar isha kuxadaa markaan rabo inaan Sayidka nacnacdiisa aqriyo...Alla Sayidku muxuu cidaheyga udhameeyay, oo uu isagana is faanshay! redface.gif:D Siduu isu faaniyey baaban ku laqanyoodaa...Alla islaweynaayaa, oo yasid badnayaa odayga...Jecliyaa odayga...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Ok, fair enough, lakin dad inaad soo dhex gasho, eed dhinac u xagliso maaheyn, haddaadan gar bexeynin.

 

Ismalura, Doollo.com ka sokow Diiwaankii Sayidka & Taariikhdii Daraawiishta oo Aw jaamac Cumar Ciise qorayna [the new edition, Djibouti]waan heystay, wax badan baa kaaga kordhi doona IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Yaan dhiniciisa qaatay? Gabadha waad ka gardarneed, ma indhahaa la'is tiri? Waxbey soo qortay, intaad qoraalkaas ra'yigaaga kadhiiban leheed baad su'aal aan loo joogin weydiisay, oo aad wilibo si qaldan u weydiisay...You know, Maaddeey ahaan (shaabnimadaada iyo shiirkaaga toona dhag jalaq uma siiyee :D ), in aanan aniga dhinac kale kaa xigsaneyn? Laakiin abaayo waad ka gardarneed...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Al-shabaab oo bililiqeystay Idaacadda Honrn Afrik iyo Xisbiga oo GBC biliqo kula dhaqaaqay

 

Kooxaha dowlad-diidka ah ayaa mar kale bililiqo kula dhaqaaqay raadiyeyaal madaxbannaan oo xaruntoodu tahay Muqdisho, si ay u aamusiyaan saxaafadda xorta ah. Labada shirkad-warbaahineed waxay Muqdisho ku lahaayeen idaacado iyo taleefishinno.

 

Kooxda Alshabab ayaa aroornimadii Axadda la wareegtay idaacadda HornAfrik, iyagoo kadibna dhacay dhammaan qalabkii ay idaacaddu lahayd oo ay ka mid ahaayeen qalabkii FM-ta iyo keydkii. Horn Afrik waa idaacad gaar loo leeyahay tii ugu horreysay ee Soomaaliya laga dhiso sanadkii 1999kii, waxayna sharaf ku leedahay kaalintii ay ku lahayd inay kacaan cusub ku soo kordhisay warbaahinta Soomaaliya. Mid ka mid ah aasaasayaashii idaacadda iyo labo agaasime ayay Kooxda Alshabab shirqool ku dileen tan iyo sanadkii 2007dii.

 

Saacado kadib, Kooxda Xisbul-Islaam, oo mar kastaba raacda raadka Alshabab, waxay iyana la wareegtay Idaacadda GBC. Waxay doonayaan inay labada idaacadoodba u adeegsadaan dacaayaddooda.

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa yiri:

 

“Aad baan u cambaareyneynaa falkan waxashnimada ah ee ka dhanka ah warbaahinta madaxa bannaan. Dhaca loo geysanayo warbaahinta gaarka loo leeyahay waxay muujineysaa sida ay u doonayaan inay u helaan taageerada bulshada. Dilalka shirqoolka ah, cabsi-gelinta iyo dhaca qalabka warbaahinta waxay qeyb ka yihiin dadaallada ay ku doonayaan inay ku aamusiyaan warbaahinta. Falalka noocan oo kale ah waxay burburinayaan guulihii ay warbaahinta Soomaaliya ku tallaabsatay 10kii sano ee la soo dhaafay.”

 

“Saxaafad xor ah oo shaqeysa iyadoo kooxaha xag-jirka ah aysan cabsi iyo hanjabaad ku haynin waxay muhiim u tahay dalka Soomaaliya.”

 

Tallaabada ay qaadeen kooxahan waxay 5 ka dhigeysaa tirada idaacadaha ay kooxdan la wareegeen tan iyo markuu billowday sanadkan. Horraantii sanadkan kooxahan waxay idaacadaha gaarka ah amreen inay joojiyaan heesaha.

 

FG. Agaasimhii Idaacadda Hornfarik marxuum Saciid Tahliil Axmed waxaa dilay shabaab February 04, 2009. maantana waxay si rasmi(xaq darroa) ah ula wareegeen idaacadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Caqli xume!, ma anaad FG i baree! Allow Alle! :D

 

Jaalle, waa inaad caddeysaa markaad wax ku darsaneysid, ood inta hore quote'gareysid intaadana si uun u caddeysid! sida inaad [..] dhex geliso!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Xageed ku argatay akhbaar FG. ah la socoto, mise anaad i moodday wariyaha SOL u jooga xamar(kashafa/juje)...

 

Soco sheekadaadii tukulshka aad!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by Cawaale:

Al-shabaab oo bililiqeystay Idaacadda Honrn Afrik iyo Xisbiga oo GBC biliqo kula dhaqaaqay

 

Kooxaha dowlad-diidka ah ayaa mar kale bililiqo kula dhaqaaqay raadiyeyaal madaxbannaan oo xaruntoodu tahay Muqdisho, si ay u aamusiyaan saxaafadda xorta ah. Labada shirkad-warbaahineed waxay Muqdisho ku lahaayeen idaacado iyo taleefishinno.

 

Kooxda Alshabab ayaa aroornimadii Axadda la wareegtay idaacadda HornAfrik, iyagoo kadibna dhacay dhammaan qalabkii ay idaacaddu lahayd oo ay ka mid ahaayeen qalabkii FM-ta iyo keydkii. Horn Afrik waa idaacad gaar loo leeyahay tii ugu horreysay ee Soomaaliya laga dhiso sanadkii 1999kii, waxayna sharaf ku leedahay kaalintii ay ku lahayd inay kacaan cusub ku soo kordhisay warbaahinta Soomaaliya. Mid ka mid ah aasaasayaashii idaacadda iyo labo agaasime ayay Kooxda Alshabab shirqool ku dileen tan iyo sanadkii 2007dii.

 

Saacado kadib, Kooxda Xisbul-Islaam, oo mar kastaba raacda raadka Alshabab, waxay iyana la wareegtay Idaacadda GBC. Waxay doonayaan inay labada idaacadoodba u adeegsadaan dacaayaddooda.

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa yiri:

 

“Aad baan u cambaareyneynaa falkan waxashnimada ah ee ka dhanka ah warbaahinta madaxa bannaan. Dhaca loo geysanayo warbaahinta gaarka loo leeyahay waxay muujineysaa sida ay u doonayaan inay u helaan taageerada bulshada. Dilalka shirqoolka ah, cabsi-gelinta iyo dhaca qalabka warbaahinta waxay qeyb ka yihiin dadaallada ay ku doonayaan inay ku aamusiyaan warbaahinta. Falalka noocan oo kale ah waxay burburinayaan guulihii ay warbaahinta Soomaaliya ku tallaabsatay 10kii sano ee la soo dhaafay.”

 

“Saxaafad xor ah oo shaqeysa iyadoo kooxaha xag-jirka ah aysan cabsi iyo hanjabaad ku haynin waxay muhiim u tahay dalka Soomaaliya.”

 

Tallaabada ay qaadeen kooxahan waxay 5 ka dhigeysaa tirada idaacadaha ay kooxdan la wareegeen tan iyo markuu billowday sanadkan. Horraantii sanadkan kooxahan waxay idaacadaha gaarka ah amreen inay joojiyaan heesaha.

 

FG. Agaasimhii Idaacadda Hornfarik marxuum Saciid Tahliil Axmed waxaa dilay shabaab February 04, 2009. maantana waxay si rasmi(xaq darroa) ah ula wareegeen idaacadda.

Just in case!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Haddaadan Weriye ahayn, maxaad cinwaanka intaad u tirtay mid cusub ugu sameysay! waad bedeli kartaa lakin maxaad source'ga uga tagtay, waad ka tegi kartaa source'ga lakin maxaad haddana halk paragraph ugu darsatay??! hadaad rabto inaad wax ku dar-darsato quotation dhex geli, kadib waxaad rabto ku darso! ethics'ka miyaan hadda ku bareeeynaa!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

War ninka ethics-ka ka hadlaaya bal eegaa..

Eeega Eega Eeega, hadalkanai yaabkani Eega..hees aa igu soo dhacooso, in aad aka iga gubtidna wan cabsana maa daama ay heestu mamnuuc tahay.

howl yeelo ninyahow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Arinta siciid aan ka kacsanahay maad i dhahdid marka, intaad maanta oo dhan surwaal asba gaaban ii sii laa-labaneesid.

 

Arinta siciid iyo rag kale oo aad xaq duro ku disheen mar dhow aan ifin doonaa insha-allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this