Sign in to follow this  
Somalina

AS waa tuugo

Recommended Posts

Somalina   

Maleeshiyaadka Al-Shabab oo boob u geystay xafiisyo hay’ado samafal ay ku lahaayeen dagmada Buula Barde ee Gobalka Hiiraan.

Friday, 17 September 2010 13:06

 

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabab ayaa shalay galinkii dambe si qasab ah ku galay Xafiis ay hay’daha Atra iyo Mirs oo ka howl gala gobolkaasi ku lahaayeen magaalada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan halkaas oo ay ka qaateen computers, qalab xafiiseed iyo gawaari ay hayadaasi laheyd.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay arkayeen maleeshiyaad hubeysan oo gaadiidka dagaalka ku raranaya qaar ka mid ah qalabkii hay’adda ay ku shaqeyneysay.

 

Warka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaadkaasi ay jirdil u geysteen qaar kamid ah shaqaalaha xaruntaasi ayadoo aysan jirin wax digniin ah oo horay loogu soo gudbiyay shaqalaha xaruntaasi.

 

Al shabab ayaa horay sidaan oo kale boob ugu geystay xarumo hay’ad samafal ah oo ku yaalay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan kuwaas oo qar kamid ah qalabkii ay ku shaqeynayeen ay haatan adeegsanayaan horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabab.

 

Boobka xafiiska hay’adaha Atra iyo Mirs ayaa ku soo beegmaya maalmo kaddib markii maleeshiyada Al Shabab deegaannada ay ku sugan yihiin ka mamnuuceen in ay howlgalaan sadex hay’adood oo katirsan Qaramada midoobay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Barakacayaasha ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ka cabanaya kooxo burcadbadeed ah

 

Jimco, September 17, 2010 (HOL) − Qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka cabanaya kooxo burcadbadeed ah oo ay sheegeen inay iibsanayaan goofaf ay barkaca ahaan u daganaayeen sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo ku qasbay inay mar kale barakacaan.

 

"Boqolaal qoys ayaa dib looga barakiciyay kaamamkii ay ku noolaayeen sannadihii lasoo dhaafay, kaddib markii la iibsaday," ayay Caasho Shaacuur Ugaas oo ka tirsan bulshada rayidka ah u sheegay wakaaladda wararka Qarammad Midoobay ee IRIN.

 

Caasho Shaacuur, waxay intaas ku dartay: "Dadka lacag haysta ayaa ka iibsanaya milkiilayaasha iska leh goofafka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, taasoo khasab ka dhigtay in barakacyaashii ku noolaa ay mar kale barakacaan, mana jirto cid ka hadlaysa arrintaas."

 

Wariye magciisa qariyay, ayaa sidoo kale u sheegay IRIN: "Kuwa dhulka iibsanaya waa kooxo burcadbadeed ah ama xiriir wanaagsan la leh." isagoo ku tilmaamay arirntaas mid si doqonnimo ah sare ugu qaaday qiimihii dhulka lagu kala iibsan jiray.

 

Dhulka ku dhow waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ah kuwo ay dadkii ku noolaa banneeyeen, kaddib markii la iibsaday, waxaana la sheegay in dib loo iibinayo si ay kooxihii horay u iibsaday uga sameeyaan lacag.

 

Shaacuur, waxay sheegtay in dadka barakacayaasha ee ku noolaa dhulka hadda la iibsanayo ay muddo saddex illaa afar sano ah ay halkaas ku noolaayeen, kaddib markii ay kasoo carareen dagaallada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho ka socda.

 

Milkiilayaasha iska leh goofafkii ay barakacayaashu ku noolaayeen ayaa la sheegay inay tallaabadan qaateen, kaddib markii ay waayeen dhaqaale badan oo kasoo geli jiray hay'adaha gargaarka, kuwaasoo howlahoodii laga joojiyay deegaannadaas.

 

"Hay'adihii gargaarka markii ay joojiyeen gargaarkii ay siin jireen dadka ku nool kaamaka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye waa la burburiyay wax walba oo ay dhiseen," ayuu yiri mid ka mid ah dadka barakacayaasha ah.

 

Faadumo Xaaji, oo ah hooyo haysata saddex caruur ah, ayaa sheegtay in si khasab ah looga barakiciyay kaamkii ay daganayd oo lagu magacaabi jiray Israac, kaasoo ku yaallay deegaanka Carbiska, lana barakiciyay iyagoo gaaraya 450-qoys.

 

"Haddii aadan ka guurin kaamka, waa la burburinayaa cooshka kuu dhisan, waa arrin xaasid-nimo ah, ma jirto cid ku tixgelinaysa," ayay tiri Faadumo oo sheegtay in qoysaskii ay isla barakaceen ay dhammaantood ahaayeen kuwo aad u liita.

 

Qoysaskan ayaa ku tilmaamay kuwa dhulka iibsanaya iyo kuwa xabbada kaga soo saaray Muqdisho inay isku mid u yihiin, ayna u arkaan cadow kasoo horjeeda noloshooda, waxaana iibsiga dhulalka uu si xowli ah uga socdaan deegaannadaas.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Magacyada tuugada wadankeena burburisey.

 

Maxaad ka taqaanaa Magcyada golaha fulinta ee kooxda Shabaab iyo xilalka ay u hayaan shabaab.

Written by Yusuf Sheikh Ciise

 

Tuesday, 07 September 2010 08:14

 

Waa golaha fulinta qaybta somalida ugu jirta oo ah 42 xubnood guud ahaan waa 85 inta kale waa ajaanib waxaana horjooge u ahaa qaybta soo duulayasha Khalid Al-muhajir Al-musdafaa oo ku geeriyooday dagaalladii ugu dambeeyay Waxa u u dhashay dalka Pakistan, ragaani dagaalada ma galaan, laakiin waxeey abaabulaan dhalinyaro ay ka dhaadhiciyaan dagaaladani inay Jihaad yihiin, iyaguna ma tagaan dagaallada, waxay ku haraan goobaha nabadda ah.

Dhegeyso

 

 

Kooxdaan waxay ku tagri falaan dhaqaalaha soo gala kooxda, waxay wataan gawaarida raaxada. ayagoo sabab u noqday geeridda Boqolaal Caruur ah oo ay aragti qaldan ku soo dagaal galiyeen iyo dhaawacyada boqolaal kale oo caruur ah.

 

Sidoo kale waxay sabab u yihiin geeridda in ka badan 300 qof oo rayid ah maalmo kooban, iyo intaas laba jibaarkeed oo dhaawac ah, barakaca in ka badan 1 Milyan oo shacab ah, iyo dadkii barakacay oo ay dhibaato uga daba geeyeen dalalkii ay u barakaceen sida Uganda, Kenya,

 

Raggaasi Soomaalida ah eek u jira Fulinta Shabaab magcahooda waa sidan:-

 

 

 

Axmed Cabdi Godane Horjoogaha shabaab.

 

Ibraahim Xaaji Jaamc ku-xigeenka 1aad, iyo maaliyadda.

 

Abuu Mansuur ku-xigeenka 2aad ee maleeshiyaadka.

 

Fu’aad Shongole madaxa wacyi galinta.(brain washing)

 

Mukhtaar Abuu Muslim Fatwada.

 

Khalif Maxamud Warsame NGO-yada.

 

Mm Karatay Qubuuro faagidda. (is duug aan idhi)

 

Cumar M Jimcaale(matan) Godane's bodyguard.

 

Cali Maxud Raage Afhayeen.

 

C/llaahi Timo Jilic Farsamada qoryaha iyo iibka.

 

Xasan Afgooye Godane's personal assistant

 

C/llaahi Nadir Turjumaanka godane.

 

Sahal Iskudhuuq Afduubka hay’adaha iyo iibintooda.

 

Xuseen Dayniile Gobalada.

 

Xasan Dhere Madaxa hantida ay soo dhacaan.

 

Xasan Afrax U qaybsanaha xiriirka Pirateska

 

Maxamed Cumar Adeega ajaanibta iyo daryeelkooda.

 

Bashiir Qoorgaab Horjoogaha kooxda hoobiyaasha.

 

Axmed Cusuble Horjoogaha xisbada(boliska) guud.

 

Mahad Karatay Tababarada.

 

Axmed Fifle Qaybta maaliyadda.

 

Xasan Turki Odayga raskanbonigi Shabab

 

Maxamed Dulyadeyn Isku xirka raas ganbooni iyo Shabaab.

 

Farxaan Maxaed Kaahiye Xafiiska guud ee gaashaandhigga.

 

C/llaahi Xiirane Horjoogaha gobalka Sh/hoose.

 

Daahir Gacaney Qaaliga guud ee Shabaab.

 

Cali Muuse Qasnajiga.

 

Cali Maxamed Xuseen Horjoogaha gobalka Banaadir.

 

C/llaahi Xaaji( daa’uud) Horjoogaha amniyaadka(dilalka).

 

Cumar Faaruuq Horjoogaha booliska gobalka Banaadir.

 

Maxed Balli Barabagaanka (qabiil dhan ayuu u yeerey gaalo)

 

Aadan Coonbe Arimaha bulshada.

 

Faarx Cali Xusen Dacwada gobalka sh/dhexe.

 

Yuusuf Kaba Kudukade Horjoogaha galgaduud.

 

Kaba Jaceel ku-xigeenka goballka sh hoose.

 

C/raxiim Cali Muudey Madaxa canshuuraha dhuxusha.

 

Xasan Qoodax Horjoogaha maleeshiyaadka gedo.

 

Xusen Daqare Horjoogaha gobalka gedo.

 

Cali Rooti Grave digger (the kids)

 

Bukhaari Horjoogaha sh/dhexe.

 

Yuusuf Macalin C/Qaadir Horjooge ku xigeen.

 

Ismaan Macalin Maxamud Horjooge maleeshiyo.

 

 

Waxa aan soo gudbin doonaa taariikhda gacan ku dhiiglayaashaan qof qof, waxaana sidoo kale sheegi doonaan meelaha ay wax ku soo barteen qaarkood sida Axmed godane oo jaamacad ku soo dhameeyay dalka Pakistaan, iyo Ibraahim Xaaji Jaamac oo waxbarashhadiisa ku soo qaatay dalka Mareykanka, sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doonaa horjoogayasha caanka ku ahaa dagaaladi qabiilka iyo isbaarooyinkii lagu yaqiinay gudaha magaalada Muqdisho iyo gobalada kale.

 

Waxaa kale oo aan soo gudbin doonaa Sawiro horjoogayaal muhiim u ah Maleeshiyaadka koxoda Shabaab ee dhibaatda ka wadda Dalkeena Somaliya.

 

radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Ii sheeg, wax lee jiro: Xijaab ma qaadatid miyaa?, jaad & sigaar maa isticmaashaa?...wax aa karbaash ku muteysatay lee jiro oo saan Al Shabaab uga soo horjeedid...Sheekadaan JB'na kaama yeelaayo!, wax kale keen! ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

NinaNc...what is worse than the robberies and the murders is the claim that they are doing it for Islam.

 

Koley tana 'jihaadka' ayey ka mid tahay baan u maleynayaa lol

 

@ Maddey walaalow armaad kooxda karbashka ka mid tahay ood SOL naga qaqabataa if we try some jaad iyo sigaar?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Did you just insult me?

 

Respect is earned marka la dhaho been been ma aha.

 

 

Jaad iyo sigaar maay kaa istaagtey? :mad:

 

AS waa gaalo. How do you like that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Cabdi Godane Horjoogaha shabaab.

 

Ibraahim Xaaji Jaamc ku-xigeenka 1aad, iyo maaliyadda.

 

Abuu Mansuur ku-xigeenka 2aad ee maleeshiyaadka.

 

Fu’aad Shongole madaxa wacyi galinta.(brain washing)

 

Mukhtaar Abuu Muslim Fatwada.

 

Khalif Maxamud Warsame NGO-yada.

 

Mm Karatay Qubuuro faagidda. (is duug aan idhi)

 

Cumar M Jimcaale(matan) Godane's bodyguard.

 

Cali Maxud Raage Afhayeen.

 

C/llaahi Timo Jilic Farsamada qoryaha iyo iibka.

 

Xasan Afgooye Godane's personal assistant

 

C/llaahi Nadir Turjumaanka godane.

 

Sahal Iskudhuuq Afduubka hay’adaha iyo iibintooda.

 

Xuseen Dayniile Gobalada.

 

Xasan Dhere Madaxa hantida ay soo dhacaan.

 

Xasan Afrax U qaybsanaha xiriirka Pirateska

 

Maxamed Cumar Adeega ajaanibta iyo daryeelkooda.

 

Bashiir Qoorgaab Horjoogaha kooxda hoobiyaasha.

 

Axmed Cusuble Horjoogaha xisbada(boliska) guud.

 

Mahad Karatay Tababarada.

 

Axmed Fifle Qaybta maaliyadda.

 

Xasan Turki Odayga raskanbonigi Shabab

 

Maxamed Dulyadeyn Isku xirka raas ganbooni iyo Shabaab.

 

Farxaan Maxaed Kaahiye Xafiiska guud ee gaashaandhigga.

 

C/llaahi Xiirane Horjoogaha gobalka Sh/hoose.

 

Daahir Gacaney Qaaliga guud ee Shabaab.

 

Cali Muuse Qasnajiga.

 

Cali Maxamed Xuseen Horjoogaha gobalka Banaadir.

 

C/llaahi Xaaji( daa’uud) Horjoogaha amniyaadka(dilalka).

 

Cumar Faaruuq Horjoogaha booliska gobalka Banaadir.

 

Maxed Balli Barabagaanka (qabiil dhan ayuu u yeerey gaalo)

 

Aadan Coonbe Arimaha bulshada.

 

Faarx Cali Xusen Dacwada gobalka sh/dhexe.

 

Yuusuf Kaba Kudukade Horjoogaha galgaduud.

 

Kaba Jaceel ku-xigeenka goballka sh hoose.

 

C/raxiim Cali Muudey Madaxa canshuuraha dhuxusha.

 

Xasan Qoodax Horjoogaha maleeshiyaadka gedo.

 

Xusen Daqare Horjoogaha gobalka gedo.

 

Cali Rooti Grave digger (the kids)

 

Bukhaari Horjoogaha sh/dhexe.

 

Yuusuf Macalin C/Qaadir Horjooge ku xigeen.

 

Ismaan Macalin Maxamud Horjooge maleeshiyo.

These men and their Arab handlers actions should be recorded, pictures collected, info on their background, clans, families, spouses bank accounts education and so on.

 

Maybe today they are safe, but next week and the week after they will not be.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol@Ismalura

 

Congratulations! you are officially a nomad!

 

Culimadeenii ayey caynayaan oo gaalo ugu wacayaan. Wax respect ama naxariis aan u haayo eeyahaan ma laha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

These men and their Arab handlers actions should be recorded, pictures collected, info on their background, clans, families, spouses bank accounts education and so on.

Add the ones that are wiring money to these dogs and facilitating their kufar agendas.

:mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Ismalura, now that you are a nomad. Where is my large double double :mad:

 

Maaddeey, that is a low blow, gabadha ka xishood waryaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Showqi, su'aal leen weydiiyey oo ah waxa ku kalifay iney beentaan iska soo daba afuufto oo weliba indha adeygeeda ay Radiyo Muqdisho wax ka soo rarto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sidaad doonto ii cey (shalay ma dhalanin), laakiinse maalin walba markaad soo toosto, ka aqriso halkaan AS waxay yihiin!

 

Maxay yihiin? GAALO, EEYO, LOWEST of the LOW (baqti dhintey), and finally OPIUM addicts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this