Sign in to follow this  
Somalina

AS waa tuugo

Recommended Posts

Somalina   

Say wallaahi

(E-Slee brothers) oo u heesaayo Alshabaab;

 

Dalkeygii hooyo, dadkii weey baaba'een!

Dhulkii Soomaliweyn, Allah ciidey ku darsoomeen (chorus)

 

AS AS! AS! yaa ku dhalley?

shaatigii qabiilkaad AS ku bedesheen

 

:D:D

 

KK alaabtaan tugada loogu shactireysanaayo daawo ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Timur:

If Somalia-Online was Somalia and not an obscure forum on the far corners of the internet filled to the brim with passionate yet mentally empty Obama-style liberals, Al-Shabaab would fall today. But this isn't Beletweyn, this isn't Mogadishu, this isn't Kismayo and this ain't no Baidoa, this is SOL where the dwellers try to vainly paint Somalia as a Western country forgetting that what may fly here may not fly there.

 

In essence, people here have lost touch with reality over there.

Waa gartaa, dalka Galbeed aad macmacaankaaga iska cabeysid, iskana cuneysid, oo raaxada nabadeed iskaga nooshahay dhib iyo kuleel ma kugu heyso argagaxa ee ku haayaan Barbaartaas dadka ee xoog ku maamulaan, silac iyo qaxarka ku nool, hay'adihii ay ka shaqeysan lahaayeen, oo ay waxooda daruuriga ka heli lahaayeena loo diiday. Haddaa dhibkooda la dareemi lahayd saas uma hadasheen.

 

Af nool oo xor ah waa iska hadli karaa, just Eebbe u mahadceli that SOL waa xor oo Barbaarta kuwaas la baxay ma maamusho. Dadka SOL joogana waa dad wax fahmay oo xor ah, oo aragtidooda ka dhiibanaayo maadaama dadka dhibaateysan koonfurta Soomaaliya ku sugan aynan dhiiban karin cabsi iyo argagax daraadeed. Anagaa u hadleena, that is the least we can do.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

quote:Originally posted by Timur:

If Somalia-Online was Somalia and not an obscure forum on the far corners of the internet filled to the brim with passionate yet mentally empty Obama-style liberals, Al-Shabaab would fall today. But this isn't Beletweyn, this isn't Mogadishu, this isn't Kismayo and this ain't no Baidoa, this is SOL where the dwellers try to vainly paint Somalia as a Western country forgetting that what may fly here may not fly there.

 

In essence, people here have lost touch with reality over there.

Waa gartaa, dalka Galbeed aad macmacaankaaga iska cabeysid, iskana cuneysid, oo raaxada nabadeed iskaga nooshahay dhib iyo kuleel ma kugu heyso argagaxa ee ku haayaan Barbaartaas dadka ee xoog ku maamulaan, silac iyo qaxarka ku nool, hay'adihii ay ka shaqeysan lahaayeen, oo ay waxooda daruuriga ka heli lahaayeena loo diiday. Haddaa dhibkooda la dareemi lahayd saas uma hadasheen.

 

Af nool oo xor ah waa iska hadli karaa, just Eebbe u mahadceli that SOL waa xor oo Barbaarta kuwaas la baxay ma maamusho. Dadka SOL joogana waa dad wax fahmay oo xor ah, oo aragtidooda ka dhiibanaayo maadaama dadka dhibaateysan koonfurta Soomaaliya ku sugan aynan dhiiban karin cabsi iyo argagax daraadeed. Anagaa u hadleena, that is the least we can do.
MMA afkaaga caano lagu qabay. Suasha waxeey tahay hadaad joogi laheyd Somaliya ood gajeysnaan laheyd ma rabi laheyd in laga ceydhiyo heyadaha. The ability to put one self in other people's shoes seems lacking in so many people and as long as that is lacking you can just throw around political judgments.

 

Lastly Obama, empty minded liberal? that id didn't know of !

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is either of two; dadku waxay iyagu doonayaan bay maqlaan oo dadka usoo tabiyaan ama wararka ayaa laamo kala duwan oo si kala duwan wax u tabiya laga kala helaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Originally posted by Timur:

I really hoped that Faroole would dismantle the group, we do not need it in Puntland. It is specifically because of PIS that the security situation has become rotten. Puntland's security can only be guaranteed by safeguarding the peoples' freedoms (including freedom from the state) and their well-being. The second we start to setup a police state in a volatile part of the world we will crumble. The only hope we have is a return of Abdullahi Yusuf or a forced disarmament of PIS.

Kuwaan oo kale in la fahmo waxa qalbigooda ku jira waa fududahay oo 2 daqiiqo ayaa lagu ogaan karaa ayadoo wejigooda la arag!

Meeshaan dadkii laga faaiideysan jirey badankooda wey ka tageen, kuwan oo kale daradood! all-out cyper war in lagu qaado ayay istaahilaan! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shaqaalihii Idaacada iyo Telefashinka GBC oo maanta kala dareeray. gbc_ok.jpg

 

September 22, 2010

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa maanta kala dareeray Shaqaalihii Idaacada iyo TV-ga GBC ee Magaalada Muqdisho kadib markii ay u cuntami waayeen amaro uu dul dhigay Hogaamiyaha Xisbul Islaam oo ku aadan arey bixinta ay adeegsanayaan taasi oo ay mid tahay Kalmadda (Murtad).

 

Waxaa fashil uu ku dhamaaday kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta Idaacada iyo Telefashinka GBC ee Magaalada Muqdisho, dhamaan Shaqaalihii ka howlgalayay Idaacada iyo Telefashinka iyo hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam.

 

Kulanka oo ay qaban qaabadiisa lahaayeen islamarkaana shaqaalaha ay isugu yeereen Ururka Xisbul Islaam ayaa hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaa uu shaqaalaha Idaacada GBC u soo jeediyay arey bixinta ay adeegsanayaan xiliyada ay aqrinayaan wararka iyo barnaamijyada Idaacada.

 

Xasan Daahir iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa u soo jeediyay Shaqaalaha Idaacada inay dowladda KMG Soomaaliya magaceeda u siticmaalaan dowladda Ridada, islamarkaana inta badan aysan buun buunin wararkeeda.

 

Sidoo kale waxaa shaqaalaha la faray inay buun buuniyaan oo wararka Idaacada ay u badiyaan wararka ku saabsan Xisbul Islaam iyo Shabaab, maadaama labaduba ay isku arkaan Ururo Islaami ah oo la dagaalamaya dowlada aan islaam aheeyn.

 

Intaasi kadib ayaa waxaa hal hal u hadlay oo fikradahooda goobta ka dhiibtay qaar ka mid ah shaqaalihii Idaacada iyo TVG-ga GBC waxaana ay sheegeen in aysan ku shaqeyn Karin erey bixanada ay soo bandhigeen Xisbul Islaam.

 

Shaqaalaha Idaacada oo ka koobnaa 20 qof oo 2 ka mid ah ay haween ahaayeen ayaa marka laga soo tago kuwa fikradooda goobta ka dhibtey ee ku dhiiraday inaysan qaadan erey bixinta Xisbul Islaam waxaa jiray shaqaale kale oo cabsi darteed u aamusay hase ahaatee ku fikir ahaa shaqaalaha ka soo horjeestay amarka Xisbul Islaam.

 

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa Idaacada isaga kala dareeray dhamaan shaqaalihii Idaacada, waxaana xarunta Idaacada ku soo haray oo kaliya Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam iyo dhowr qof oo kale, iyadoo durbadiina Xisbul Islaam Idaacada ay ku xireen Aayado Qur’aan ah.

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacada oo Shabelle ay la hadashay ayaa Sheegay inay u cuntami waayeen amarada cusub ee ay u soo bandhigeen Xisbul Islaam, oo maalmo ka hor markii ay la wareegayeen Idaacadaasi sheegay in Idaacadu ay u shaqeyn doonto sidii ay horay uga shaqeynayeen.

 

Lama oga sida xaalku uu ku noqon doono Xisbul Islaam maadaama Idaacadii ugu horeysay ee dhawaan ay la wareegeen ay ka kala dareereen Shaqaalihii ka shaqeynayay, hase ahaatee Su’aasha meesha taala oo is weydiinta mudan waxaa ay tahay Xisbul Islaam ma waxay wariyayaal ka dhigi doonaan Ciidamadooda mise waxaa ay Idaacada ka howlgali doonaan dad isku sheega saxafiyiin hase ahaatee aaminsan fikradaha Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

 

Horta labada xisbi weli magac daraadiis mey isku qilafsan yihiin mise wax kalaa jira? magacase miyuu ka qiimo badan yahay diinta loo dagaalamaayo oo caruurteeniina ay isku qarxinaayaan marwalba? Ummada tartiib ayey u soo toosoysaa wallee!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Max’ed Macalin “ Waa uu fashilmay heshiiskii Shabaab iyo Xisbul Islaam”

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Xoghayaha arimaha dibada ee Ururka Xibul Islaam Sheekh Max’ed Macalin ayaa sheegay in uu fashil ku dhamaaday wareegii labaad ee wadahal ay ku midoobayeen Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.

 

Xili loo wada dhegtaagayay halka uu ku dambeeyay wadahadal ay ku midoobayeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam kaasi oo garwadeen ay ka ahaayeen gudi loo xil saaray dhex dhexaadinta labada dhinac ayaa saraakiil ka kala socotay xisbul Islaam iyo Shabaab, ayaa xubno ka tirsan Xisbul Islaam waxaa ay sheegeen in uu bur buray oo uu fashilmay wadahadalkii u socday Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.

 

Sheekh Max’ed Macalin Cali oo ah xoghayaha arimaha dibada ee Ururka xisbul Islaam oo isagoo ku sugan dalka Kenya wareysi siiyay Wabseedka Al Jazeera ayaa waxaa uu shaaaca ka qaaday in uu fashilmay wareegii labaad ee wadahal ay ku midoobayeen Xisbul Islaam iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo koofurta Soomaaliya uga socday saraakiil ka tirsan Labada dhinac.

 

Max’ed Macalin waxaa uu sheegay in fashilka kulanka uu yimid kadib markii Xisbul Islaam ay ka tanaasuleen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in goobaha ay ku suganyihiin Xisbul Islaam ay ku wareejiyaan Al Shabaab iyo in hogaanka loo daayo Xarakada Al Shabaab hase ahaatee Al Shabaab ay u tanaasuli waayeen in la isugu yimaado magac dhex dhexaad ah oo ka madax banaan labada magac ee Shabaab iyo Xisbul Islaam kaasi oo ay diideen xubnihii Al Shabaab, saraakiisha Xisbul Islaamna ay dhibsadeen, sida uu u sheegay Wabseedka Al Jazeera Sheekh Max’ed Macalin Cali.

 

Xoghayaha arimaha dibada ee Ururka Xisbul islaam waxaa uu sidoo kale Al Jazeera u sheegay in ay la xisaamtami doonaan golaha fulinta iyo Shuurada Xisbul Islaam oo uu sheegay in xubno ka tirsan labada gole ay xariir la leeyihiin dhinacyo kale oo ku lug leh siyaasada Soomaaliya kuwaasi oo uusan magacaabin, waxaana uu intaasi ku daray Max’ed Macalin in gacan bir ah ay ku qabanayaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka taliyaan, isagoo tilmaamay in Xisbul Islaam ay hayetsaan taageero ka badan kuwa shacabka ka heystaan Al Shabaab.

 

Sheekh Mutaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah hogaamiye ka tirsan Al Shabaab iyo Xasan Mahdi oo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa horay is isku mid ah u beeniyay in uu fashilmay wadahal ka horeeyay kan hadda fashilmay hase ahaatee Hadalka Sheekh Max’ed Macalin oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbul Islaam ayaa cadeynaya qaabka ay wali isku mari la’yihiin Xisbul Islaam iyo Shabaab.

 

Xisbul Islaam waxaa ay haatan ka taliyaan degmooyin iyo deegaano cayiman oo ka tirsan koofurta Soomaaliya halka Al shabaabna ay ka taliyaan inta badan koofurta iyo deegaano ka tirsan Bartamaha Soomaaliya, waxaana labada dhinac ay ku kala fogyihiin siyaad ahaan iyo awood ahaan hadana waxaa la is weydiinayaa cida ay danta ugu jirto wadahadalada fashilmay ee ay ku midoobayeen AL Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this