Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. For those who don't know Oog, it is a village between Burco and Lasanod .... It is good that the educational sector is improving and this new library will help the students develop their skills and knowledge.
  2. Hargaysa,(Qarannews)-Xarunta laybareeriga magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maalinimadii shalayto Deeq waxbarasho oo buugaag ah gudoonsiisay Duqa degmada Oog, buugtaasi oo ladhigi doono laybareeri ay yeelan doonto magaalada Magaalada Oog. Duqa degmada Oog oo Xaaji Abdi Ibraahimshire oo aanu waxka waydiinay siyaabaha uu ushaqayn doono laybareeriga magaalada Oog ayaa wuxuu iisheegay in laga furidoono xarunta Dugsiga sare ee Magaalada Oog isla markaana aykafaa iidaysan doonaan ardayda waxka barata dugsiga sare iyo bulsho waynta kudhaqan deegaanka Oog. dhanka kale qaar kamida ardayda waxka barata dugsiyada Magaalda Oog iyo waxgarad kasoojeeda deegaanka Oog oo duqa degmada lasocday markii ay masuuliyiinta laybareeriga Laascaanood gudoonsiinayeen deeqdan waxbarasho ayaa waxay iisheegeen inay aad ugufaraxsan yihiin ayna filayaan inay waxwayn kabadali doonto tayada aqooneed iyo tan waxbarasho ee deegaanka Degmada Oog.
  3. I'm glad inaad ka badbaaday uun ,,,
  4. Originally posted by The Zack: Very good looking pics! Reminds me when I was celebrating one of my EID days in Qarri-Juqood. Hmmmmmmmmmmmmm ,, Gochya
  5. Saraakiil ka tirsan ciidammada Maraykanka oo watay diyaarad kuwa milletariga ah, ayaa gelinkii hore ee shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, halkaas oo ay kulan gaaban kula yeesheen Taliyaha hay’adda Sirdoonka Somaliland Mr. Maxamed Nuur. Ma jiro wax war oo xukuumadda ka soo saartay ujeeddada socdaalka saraakiisha ka tirsan ciidammada Maraykanka iyo ujeeddada safarka qarsoodiga ah ee ay ku yimaaddeen Hargeysa iyo weliba waxyaabaha ay ka wadahadaleen masuuliyiinta Somaliland. Haseyeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogo-gaal ah, diyaarad kuwa milletariga Maraykanka ah, ayaa abbaaro 8:30 subaxnimo ee shalay soo cago-dhigatay madaarka Cigaal International Airport ee caasimadda Hargeysa, taas oo ay ka soo degeen laba sarkaal oo ka tirsan ciidammada Maraykanka, kuwaas oo kulan muddo dhowr iyo toban daqiiqo qaatay qolka martida ee madaarka kula yeeshay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland Mr. Maxamed Nuur oo isagu xilligaa ku sugnaa garoonka. Waxa kale oo ilahaas xaqiijiyeen in intii uu socday kulanka saraakiisha Maraykanku la yeesheen Taliyaha Sirdoonka diyaaradda milletariga Maraykanku wateen oo ahayd nooca dabada furan laga siidaayey laba shimbirood oo la aaminsan yahay inuu ku rakiban yahay qalabka loo yaqaan ‘JPS’ oo ah nooca loo adeegsado hawlaha basaasidda, kuwaas oo si toos ah ugu duulay gudaha magaalada Hargeysa, iyadoo markaa kadibna shimbirii oo weli ku maqan gudaha magaaladda diyaaradda sidday saraakiisha Maraykanku dib-ugu-duushay halkii ay ka timi, kadib dhawr jeer markii ay ku wareegtay madaarka. Hase ahaatee si cad looma oga nooca shimbiraha ciidammada Maraykanka keeneen Hargeysa iyo ujeeddada ka dambaysa toona, balse waxa la aaminsan yahay in ay la xidhiidho hawlaha sirdoonka eek u wajahan la dagaalanka argagixisada. Dhinaca kale, ammaanka madaarka caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn loo adkeeyey, kadib markii subaxnimadii hore ee shalay masuuliyiinta ammaanka ee garoonka amar lagu siiyey in ay joojiyaan gebi ahaanba dhaqdhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka lugta ah ee gudaha madaarka, sidoo kalena muddada saraakiisha ciidammada Maraykanku joogeen ma jirin wax diyaarad ah oo madaarka soo fadhiisatay iyo mid ka duusahy toona. Ammaanka madaarka ee sida weyn loo adkeeyey, ayaa saamay ku yeeshay hawlaha shaqo ee gudaha madaarka Hargeysa, iyada oo gudaha garoonka laga mamnuucay nooc kasta oo gaadiid ah, marka laga reebo kuwa dab-demiska diyaaradaha. Saraakiisha ciidammada Maraykanka ee markii ugu horreysay Hargeysa keenay shimbiraha loo adegsado hawlaha sirdoonka, ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin saldhigga ciidammada Maraykanku ku leeyihiin dalka Jabuuti oo ah xarunta ugu weyn ee laga maamulo hawlgallada la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika. Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya
  6. If you study the Dubai Model of Development you will know what the poster is talking about ......
  7. what is wrong if women demand sex ?? ............
  8. Safaaradu ma jago banaan bay ahayd sidee buu nin keli ahi u iibsaday ?? ,,,
  9. Umada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay Is-cafiyaan oo ay Alle ulaabtaan, Finally eh ?? ,,,
  10. Good move .............. I hope there were no AMISOM soldiers at the mosque doors ,,,,,,,,
  11. Looks like you missed the point here ,,,,, أعراف القبيلة الصومالية ودورها الإيجابي والسلبي
  12. Someone felt like talking about Somaliland ,,, he probably doesn't know the President
  13. It is the big day ,,,,,,,,,, EID MUBARAK TO YOU ALL
  14. You're talking about one person,,, don't u know a whole MARKAB with almost 20 innocent persons on board are held in xeebaha Bugland for months ?? ,,,
  15. It doesn't have to be democratic. they can go anywhere else. They go to Uganda, Ethiopia, Kenya and so on. This time, the donors are in Addis and they are holding seminars there for the NEC ...
  16. Hargeysa(Ramaas) Nov.24, 2009 - Agaasimaha Gobolka ee Hay’ada Interpeace Mr. Jerry MacCann, oo socdaal ku yimid Somaliland ayaa sheegay inay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ay isla qaateen inay hay’adiisu dalka ku soo noqoto. Agaasimaha Inter Peace wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu maanta ka soo saaray Hargeysa, qoraalkaasi oo u qornaa sidan:- “Halkan waxaan u imi marti qaad aan ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, si loo odoroso in Interpeace looga baahan yahay in ay sii waddo shaqadeedii ay ka haysay Somaliland. Waxaanu u sheegay Madaxweynaha sida Interpeace aad ay uga xun tahay wixii ka yimi habsami u socodkii diiwaan gelinta codbixiyayaashu oo aan gaadhin heerkii la rabay. Waxaanu ka wada hadalnay doorkii wax-ku oolka ee dhexdhexaadka ahaa ee Interpeace tobankii sannadood ee u dambeeyey qaadatay si ay u taageerto nabadda ay wadaan reer Somaliland, waxaanu isla qaadanay in Interpeace doorkaa ku soo noqoto. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu aqbalay inaanu soo noqono si aanu farsamo ahaan u caawino Komishanka Doorashooyinka Qaranka si ay u taabo-geliyaan doorashada madaxweynaha oo u dhacda si xor oo xalaal ah. Hadda waxaan tegaynaa Addis Ababa si aan ula kulmo Komishanka Doorashooyinka Qaranka”. Dhinaca kale, wakiilo ka socda saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ayaa iuaguna galabta u ambo baxay dalka Itoobiya oo ay kaga qeyb galayaan siminaar la xidhiidha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka waxaanay ka **** tageen todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka Somaliland oo sabtidii todobaadkan u kicitimay dalka Itoobiya.