Cige

Nomad
  • Content Count

    319
  • Joined

  • Last visited

Recent Profile Visitors

The recent visitors block is disabled and is not being shown to other users.

  1. ninkaan caloosha wayn soow tuu lahaa bisha January kooxaha mucaaradka Xamar waan ka sifeynayaa , mise weli10 maamood baa bisha ka hartay mid kastaa america iyo yurubbuu ka soo shaqo raadsanayaa inta busaaradi meelahas ku dishay... markuu xoogaa lacag ah helana waa iska cararaa ama waa la cayriyaa.
  2. My opinion is that President Farooles son has been his advisor since day one, everyone knew that. So I think all he did now was make it official. You're absouletly RIGHt and he is behind the escalation war between Faroole and Amin Amir Arts see aminarts.com and you'll notice a war between these two guys. my question is if he couldn't deal with Amin Aamir's cartoons how can dhe eal with the rest somalia media including SOL ?
  3. Addunyadu aammin ma leh.... No one has ever .... ever predicted they will face such humiliation at the hands of their students .... kabohooday ka carareen ......
  4. The Guy is famous for Xambaar, Dullaanimo iyo soo dhoweyska/sii dhoweyska madaxda sharafta leh :rolleyes:
  5. Waar Odayga maad iska cafidaan oo iska daysaan? :cool: soomaalidu dhib badanaa
  6. Sheekadii waxay ku soo biyo shubatay YAA CAANIHII DAADIYAY? :confused:
  7. Maxaa kala socotaa Culumada Itixaadka ee isugu timid Xajka iyo Badbaadintooda ku aadan Xisbul islaam? Warbixin Xasaasi ah Posted to the Web Nov 29, 15:12 Culumo waaweyn oo ka tirsan Ururka Al-Itixaad ee haatan loo yaqaano Al-Ictisaam ayaa kulan balaaran ku yeelan doona Magaalada Barakeysan ee Makka Al-Mukarrama marka laga faaruqo acmaasha Xajka oo iminka gabagabo ah. Culumadan oo sanad walba isugu yimaada xajka kuna kala dab qaata iskana wareysta xaalada siyaasadeed ee wadanku marayo iyo horumarka ururkooda ayaa sanadkan kulankoodu ahmiyad gooni ah leeyahay maadaama Xisbul islaam horyaalaan caqabado culus oo kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab ayna ugu horeyso dagaalka iminka socda ee ay ku gacan sareeyaan Al-Shabaab. Ururka Al-Ictisaam ayaa ah halbowlaha xisbul islaam, siyaasada lagu hago xisbul islaam ayaa gabi ahaanba ka soo fusha Culumada Ictisaamka ee badankoodu ka qeyb gali doonaan kulankan. Ajandaha kulankan ayaa lagu falan qeyn doonaa qaabka ugu macquulsan ee lagu samata bixin karo Ururka Xisbul islaam ayadoo culumadu ku kala aragti duwan tahay qaabkii loo wajihi lahaa arrintan. Culumada qaar ayaa qaba in la sii xoojiyo dagaalada lagula jiro Al-Shabaab oo la isku aruuriyo ciidanka iyo Horjoogayaasha kala firdhaday laakiin taageeradaas ay noqoto mid hoose maadaama shacabka taageero looga helayn dagaalka kooxdooda iyo Al-Shabaab u dhaxeeya. Halka qaar kalena ay arkaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab in uusan qurxooneyn oo aan xiligiisa la joogin si deg deg ahna loo joojiyo lana xoojiyo dagaalka uu Sh Aweys kula jiro Dowlada Sh Shariif, waxaadna moodaa in Culumada Ictisaamka badankoodu ay ku taamayaan fikirkaas. Waxaan meesha ka marneyn in Culumada Ictisaamka ee kulanka leh ay ku jiraan rag gabi ahaanba u janjeera afkaarta Al-Shabaab iyo Al-qaacida, kuwaasoo caqabad ku ah go'aan kasta oo ay gaaraan raga kale, horayna u fashiliyay go'aamo hore. Sida loo badinayo waxey Culumada Ictisaamku soo saari doonaan Bayaan ay ku cambaareenayaan Dagaalada ka dhex qarxay ragii ay horay u siiyeen shaabada Mujaahidnimada. Hadey ku guuleysan waayaan in ay soo saaraan Bayaan Wadajir ah ayey u badan tahay in ay sii wadaan xamlo ay goor dhow bilaabeen culumo ayaga kamid ah sida Sh Umal iyo Sh Xasan Daahir Aweys, xamladaas oo isugu jirta Muxaadarooyin iyo Barnaamijyo wacyi galin ah laguna cambaareynayo dagaalada ka dhex aloosan Xisbul islaam iyo Al-Shabaab si toosana tooshka loogu ifinayo Al-Shabaab iyo Dowlada KMG ee Soomaaliya. Sh Aweys ayaa si gaara uga sheega saxaafada in aan loo baahneyn dagaalka ka dhex socda ayaga iyo Al-Shabaab, badalkeedana xooga la saaro dagaalada kale, waana fikirka ay inta badan qabaan Ictisaamka. Waxaa kale oo la filayaa in Culumada Ictisaamka ay dib u soo nooleeyaan Barnaamijyo la huwiyay magaca Culumada Soomaaliyeed kuwaasoo laga dhigayo Culumo dhexdhexaad ka ah arrinta Xisbul islaam iyo Al-Shabaab si Xisbul islaam looga badbaadiyo xabada Al-Shabaab. Culumada Ictisaamka iyo Xisbul islaam ayaa khibrad weyn ku leh sida wax loogu kala furdaamiyo magaca Culumada Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in saamiga ugu weyn ee Hay'ada la magac baxday Culumada Soomaaliyeed ay leeyihiin Al-Ictisaam, wadaadka madaxda ka ahna uu yahay Amiirka ugu sareeya ee Al-Ictisaam. Sidoo kale Xisbul islaam oo arrimahaas usii gogol xaaraya ayaa baryhihii u dambeeyay saxaafada ka sheegayay in dib loo soo nooleynayo dowrkii Culumada Soomaaliyeed, taasoo ay ula jeedaan Culumadooda Itixaadka ah. Dadka qaar ayaan ku baraarug saneyn waxa ay salka ku hayso qeyla dhaanta ka soo yeeraysa Culumada Ictisaamka ee cambaareynaysa Dagaalada u dhaxeeya Xisbul islaam iyo Al-Shabaab, ayagoo dadka u tusaya in labadan koox ee warmaha isla dhacaya ay yihiin rajadii ummada sidaas darteedna ay waajib tahay joojinta dhiigooda. Qeyla dhaanta Culumada Ictisaamka ayaa ku qotonta in xabadu ku socoto ururkooda Xisbul islaam, waxaana khatar weyn ku sugan mustaqbalkooda siyaasadeed kaasoo ku xiran jiritaanka xisbul islaam iyo sida ay uga muuqdaan wadanka, waana arrin caadi ah in nin walba qeyla dhaamiyo markey ku jiifto. Mida kale Culumada Ictisaamka ayaan horay uga digin ama uga qeyla dhaamin dagaalo badan oo ay ku xasuuqeen Shacabka Soomaaliyeed sida dagaalkii ay Araare kula galeen Allah ha u naxariistee Gen Ceydiid iyo dagalaadii Gobolka Bari, Gedo iyo dagaaladii Maxkamadaha islaamiga la galeen Qab-qablayaasha Muqdisho bilowgii 2006da. Dad badan ayaa la yaaban in Sh Umal iyo Sh Xasan Daahir Aweys iyo culumo kale ay Ictisaamka isla yihiin oo intaas aamusnaa ay iminka afka furteen kana digayaan dagaalka ay Shabaabku ku baacsanayaan Xisbul islaam. Jawaabta ayaa si cad looga helayaa qoraalkan iyo hadii dib loo raaco dagaaladii ay Itixaadku ama Ictisaamku soo galeen. Ugu dambeyn Culumada Ictisaamka ayaa lagu yaqaanaa in aysan ka hadal dagaalada ay ku gacan sareeyaan oo ay ka heli karaan fursad siyaasadeed mana arkaan in laga hadlo oo laga xisaabtamo dhibatooyinkii ay horay u geysteen, taas badalkeedana waxey sameeyeen in ay badasheen shaatiga oo ay la baxaan magacyo kale sida Al-Ictisaam, Hay'ada Culumada Soomaaliyeed, Xisbul islaam iyo magacyo kale oo aan la soo koobi karin si ay u noqdaan ururo cusub oo xalay dhaley ah. Waxaa haboon in aan lagu kadsoomin magacyada iyo shaatiyada cusub ee la isu huwanayo balse dib loo jaleeco taariikhda lana ogaado in magaca uusan xaqiiqda wax ka badalin. Miisaanka.com miisaanka@gmail.com
  8. LONDON: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Dadka Soomaaliyeed udiray Fariin , ku aadan Iidul Adxaa. 27. november 2009 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan LONDON(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee dawladda KMG ahayd C/laahi Yuusuf Axmed oo hada jooga dalka Ingiriiska ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan daganaansho, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay Shacabka Soomaaliyeed faraha ka qaadaan dagaalada ay ku soo jiraan sannadyii ugu dambeeyey. C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay in ay Soomaaliya mudo dheer ku soo jirtay dagaalo iyo xabad, kuwaas oo waxba xal ah aan laga gaarin ilaa maanta oo ay wali xabadi socoto, isagoo wax laga xumaado ku sifeeyey dagaalada ka socda Soomaaliya. Madaxweynihii hore wuxuu Fariin ujeediyey Shacabka Muslimiinta ah oo dhan, gar ahaana kuwa Soomaaliyeed oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay ku dadaalaan sidii ay ushaqeyn lahayd Maskaxdoodu, nabadna loogu raadin lahaa Dalka Soomaaliyeed. " Umada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay Is-cafiyaan oo ay Alle ulaabtaan, waxaana ugu baaqayaa in uu Caqligu shaqeeyo oo dib loogu laabto Maskaxdii Umada Soomaaliyeed oo ahaan jiray leh Maskax wanaagsan, isla markaasna waayahaan aan la garan karin meesha ay aaday, waxaana leeyahay ka tashada Aayihiina & kan dalka Soomaaliyeed-ba" Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka baxay Siyaasada Soomaalida 30-December-008, markas oo iska casilay Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya, isagoo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey oo Soomaaliyeed oo iska casil xilkaas, isagoo uusan dhamaan waqtigiisii loodoortay, ilaa iyo waqtigaas ayuusan C/laahi Yuusuf Axmed ka hadlin goobaha Warbaahinta aduunka. Fariinta nabdeed ee Madaxweyne Yuusuf ayaa ku soo beegantay xili ay dagaalo qaraar ka socdaan dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo udhaxeeya Xoogagii la dagaalamay dawladdiisa oo qaarna ay dawladdii Madax ka noqdeen, qaarna ay wali joogaan meelihii ay soo dagaalamayeen. F. C. Maxamed AllPuntland
  9. Madaxaweynii hore ee Soomaaliya C/hi Yusuf Axmed ayaa waxa uu cafis ka dalbaday umda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. C/hi Yusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dalka Yemen magan gelyo ahaan u degan oo ka hadlay munaasabada Ciidul Adxada ee manta ayaa ka codsay Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa iska six un u arka in ay cafiyaan munasabada ciida awgeed. Madadaxweyni hore ee Soomaaliya ayaa dhanka kale waxa uu hadlay xaalada murugsan ee Dalka Soomaaliya, Waxa uuna ugu baaqay dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada Soomaaliya in ay xabada joojiyaan islamarkaana ay wada hadal ku dhameeyaan rabitaankooda, C/hi Yusuf Axmed ayaa ku fashilmay siyaasada dalka Soomaliya ka dib markii uu meel marinwaayey dowladdii uu madaxda ka ahaa, waxana lagu eedeeyaa C/hi Yusuf in uu danbi weyn ka galay Shacabka Soomaaliya , waxana laga warhayaan in uu dalka keenay ciidamadii Etoobiya oo dadka ay sheegaan in Soomaaliya intii ay jogeen xasuuq ay ka geeysteen. Hadalkaan C/hi Yusuf madaxweynihii hore ee Soomaliya ayaa waxa uu layaab ku noqday shacabka Soomaaliyeed qaarkood oo markii hadalka C/ Yusuf ee dalaba cafiska ah uu soo gaaray dhalanteed la noqotay maadama dadka ay ku yaqaanan ad adeeg iyo jixinjixin la.aan.
  10. Cige waxaad sidaan ula bururaysaa marka Dayniilaa...mise waa isyeelyeel waxaani...Weli wax kale oo proof ah ma haynaa oo arrintaan caddaynaya...aan ka ahayn inaad taqaanid xoogaa yar oo warbixinta wasiirka ah oo aad sii buunbuunineysid? lol..malaha adiguu guri kaa saaray intaad marfish u bedeshey joke. Mafrashka horta wan illobay :cool: , waa runta qaar badan buu Mafrashka ka soo kicin jiray iyagoo calankii Somaliland wata ayay C/laahi ku mudharaadi jireen. Dayniilana hadduu warkiisa 99% been tahay tan 1% ka runta ah ka soo qaad :rolleyes: waayo maxaa lacagta loo gubi waayay, ******oowna loo qariyay :eek: warku waa iska cad yahay :rolleyes: raggu waa soo shaqo tegay ama London ama Ohio ama Buur-dhuubo ha laga yimaadee soow Caynkaa maaha? :cool:
  11. Weather it's hacking or delibeartely .... Allpuntland is always Rubbish
  12. Immisuu Mudaharaad soo qaban qaabinayay? Immisuu habro Caydh qaata Guryaha ka soo saarayay? :rolleyes: Ma waxaan lala dhuumanbaa haddii aad Doollarkii Madoobaa iyo Khaddii iyo Farsamo-yaqaankii isla heshay Bariisana Xoogaagiisa u Tuur :cool: waayo Berigii C/laahi Yuusuf dhacdhaca soo baxa kuwo baasoo Buurtinle iyo Minesota ka soo shaqo tegaybaa Afka u dhigan jiray LOOOOOOOOOOL An Interesting Article. Ma dhabaa in saraakiisha dowladda Somalia ay qabteen, ka dibna qariyeen ninkii watay lacagtii dolarka Madow aheyd ee maalmo ka hor lagu soo bandhigay garoonka Aadan cadde? Lacag gaareysa hal milyan oo dollar oo dowladda Somalia ay sheegtay maalmo ka hor in lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho xili si kootrooban ahaan ah looga duulin rabay halkaasi ayaa waxaa ka soo baxaya warar SIR ah oo dheeraad ah kana duwan qaabkii ay dowlada markii hore wax u sheegtay. Wasiirka Lacagta ee xukuumadda Somalia Ing. Yariisow iyo afhayeenka ciidanka Booliska G/sare Bariise oo saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay garoonka Aadan cadde xilli ay lacagtaasi u soo bandhigayeen warbaahinta ayaa waxay sheegeen in qofkii watay lacagtaasi oo boorso ku jirtay la waayey ka gadaal markii uu ogaaday in baaritaan adag la marayo, waxaana Col. Bariise uu afka ku dhuftay in hadda ka hor ay ku qabteen isla garoonka dawada lacagtaasi dollarka madow ah lagu cadeeyo, wuxuuna balan ku qaaday iney gubi doonaan lacagtaasi isla xiligaasi iyadoo warbaahintu ay xaadir tahay. Hase ahaatee sidaasi wax uma dhicin, lacagtiina iyadoo aan la gubin ayaa goobta lagu kala dareeray, taasoo la yaab ku noqotay suxufiyintii halkaasi looga yeeray oo sugayey iney sawiro ka qaataan lacagtaasi falsada ah oo la gubayo, waxaana arintaasi ay dhalisay tuhun ah in lacagtaasi laga damacsan yahay ujeedooyin kale Shakiga ayaa sii kordhay markii ay soo baxeen warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in ninkii lacagtaasi watay ay qabteen ciidamada ilaalada garoonka dayuuradaha hase ahatee saraakiisha dowladda ay qariyeen arintaasi, waxaana ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cumar ******ow in la qabtay oo uu gacanta ugu jiro ciidamada dowladda xaqiijiyey qaar ka mid ah eheladiisa oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegay in Cumar uu ahaa nin weligii ku shaqeysan jiray cadeynta Dollarka madow, sababta warbaahinta looga qariyeyna ay tahay iyadoo saraakiil ka tirsan dowlada ay doonayaan iney ku shaqeystaan ninkaasi si uu ugu cadeeyo lacagaha dollarka madow ah ee hadda la qabtay oo aan la gubin iyo kuwo kale oo meelo kale ay ku’og yihiin. Ninkan lagu magacaabo Cumar ******ow ee eheladiisu ay sheegeen in dowladda ay ku qabatay lacagta ayaa la sheegay inuu qabo fanaanad caan ka ah Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Farxiyo kaanglii, waxaana dad badan ay wax iska weydiinayaan waxa ka dhalan kara marka la isu geeyo 3 arimood oo kala ah, Dolarka madow ee dowladu ay qabatay hase ahaatee aan la gubin, dawada lagu sifeeyo oo iyana ay sheegtay in hadda ka hor lagu qabtay garoonka dayuuradaha iyo ninka ku xeeldheer sifeynta Dolarka madow ee saraakiisha dowladu lagu eedeeyey in ay qarsadeen, warbaahintana u sheegeen inuu baxsaday? -------------------------------------------------------------------------------- Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Mamaan82@hotmail.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com -------------------------------------------------------------------------------- dayniilecom@hotmail.com deyniilenews@yahoo.com