-
Content Count
17,658 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
LooooooooooooooooL. Maba ogeyn inay jirta qooleey.com. Soo check gareeyaba.
-
Welsh Parliament Invites Somaliland Parliament
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to N.O.R.F's topic in Politics
Salaan... Oodweyne, dad waa weyn yaa kala celin karo mar walba, widaayoow? In la kala xishoodo dhaqankeena suuban waaye, siiba sida loo kala weyn yahay in la isku ixtiraamo. Yoonis, ixtiraamka ilaali, baliis. -
Daanyeer iyo Baashi, dhacdooyin la yaab aa dalka ka dhacay runtii. Siduu Daanyeer sheegay waa in la aruuriyaa, buugaag laga buuxiyaa. Jiilka soo koraayo waligiis iloowin. Dhacdo kale ayaa dhacday, oo uu ku jiro lakadkii ila dhashay. Waa isla sanadkii 1992. Xaafada markaas loo bixiye Bermuuda [qeybo weyn kamid ah Hodan, H/wadaag iyo Waaberi] oo reer aakhiraad ah, oo laga wada qaxay ka ahayn aabaheey iyo dhalinyaradii la joogtay, iyo walaasheey oo markii dambe looga cabsaday nafsadeed laga saaray markee bartay wax karis yaryar kuwii aabaheey la joogay. Marka xaafadaas markee Cali iyo Caydiid is lagdaayeen, habeenkii waxaa u talin jiray kuwa Cali Mahdi taageersan oo u badnaa Ciyaal Siigaale, awalba iyagoo hub qaadan iska dhib badnaa. Wixii aroortii ka bilowdana waxaa u talin jiray qeybta Caydiid, oo u badnaa kuwa ka imaaday gobollada dhexe. Saas markee tahay oo aabana diiday in uu ka baxo gurigiis, ayaa waxaa ka cabsi qabnay ciyaal gobol kuwaas maadaama ee kaseynin isaga inay balaayo ka dhigaan meesha. Marka maalintii intee qoraxda jirto mid iyaga kasoo jeedo ee isku jufo yihiin ayaa guriga la dhigi jiray maalintii intee qoraxda jirto, habeenkiina ka tagi jiray. Ciyaal Siigaale odeyga wee garanayeen, oo waaberigii intee kasii bixin xaafada -- oo kuwii kalaa soo socdee maadaama iyaga maalin xukumo -- inteena xaafada ka bixin ayee canjeerada ee mar mar karsadaan la cuni jireen [koleey waa iska baad], iyagoo ku kaftami jiray, "Odeygaan wuxuu gurigaan ugu jiro, ugu bixi la yahay saqafyada jileyga ka hooseeye ayaa wax ugu duugan, si kale ma'aha." Maalin maalmaha kamid ah Ciyaal Siigaale [mar mar waxee gurmad ka heli jireen Kaaraan iyo Madiino] ayaa qabsaday xaafada, markaas ka bacdina guriga usoo dhaceen. Handadaad iyo balaayo ayee isla markiiba bilaabeen, oo duqii ugu hanjabeen haduu sheegin wax uu ku haayo oo maal meesha ah inay wadan doonaan dhalinyarada la joogto ka bacdina dili doonaan. Wax meesha ma yaalo aa loogu sheegay oo runta ah, hadee rumeysanina ha baartaan guriga. Run dhab ayee aaminsanayeen in uu guriga wax yaalo, oo si kale ugu jirin duqa. [Kaligood ma qabin fikirkaan, kuwa kale maalintii xukumo iyanaga fikir saas camal ayaa ka dhaacdhacsanayd.] Ugu dambeyntii walaalkeey iyo mid kale la joogay markaas ayee wateen, iyagoo ugu hanjabaayo aabo in uu mar dambe arag saari doonin. Kaaga sii daranee, asagii aa ugu jawaabay, "Arag iska dhaafee, kabtooda ha isoo celin." Dhacdadaan markii dambe iyaga ka sheekeen doono, markuu ereyadaas dhahay wee la yaabeen. Odeygana xikmad kale uu duugnayd, oo wuu yaqaanay sida loola dhaqmo maryooleey. Intee kaxeysteen, ayee meel Suuq Miijiska u dhaw geeyeen. Isla markiiba waxaa gartay kuwii Ciyaal Siigaalaha dhabta ahaa. Maxaa dadkaan usoo qaxeyseen iyo muran ka bacdi, waala fasaxay. Fasax waa tahee, yaa bixi karo, oo xabada waa socotaa, inkastoo iska qaboobneed, sidaas daraadeed kuwa "sniper" ayaa jiro wax alaale wixii naf ee dhankooda kasoo horjeedo socdo shiisho. Iyagii ee la joogeen. Naga taga markii lagu dhahay, kii lakadka ahaa aa dhahay meel ma u socona, intee aadeynaa, xabadaa? Iyagii qosol. Markii dambe kii kale lala qafaashay oo cabsi weyn heysay ayaa dhahay naga wad kuwaan intee is badalin. Intee baxeen ayee guri kale ku sugeen intuu gabalka ka dhacaayo. Habeenkii ayee darbiga kasoo boodeen. Aabaheey inkastoo fiidkii iyo maalintiiba Qur'aan aqrin jiray, maalintaas Qur'aankiis waa dheere oo wuu duceysanaaye. Inkastoo uu quursan, wax walba waa ka suurodaa moor.yaan. Wuxuu aad iskula xanaaqsanaa nafsadiis ereyadii uu ku dhahay oo "kabtoodana ha isoo celin" ahaa. Duqa still lives there, with his house still intact. Dadka qaarkood weydiiba sababta gurigiis loo fiiqan maadaama xataa jileey yahay oo baraako ahayn [jileeyga ayaa laga jeclaa fujisada baraakada]. Sidee ahayd '92 xaafadaas, geesi geesi dhalay iyo mid naftiisa wada nacay ayaa ku hari karay bas.
-
The RRA market in Laascaanood
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Reer Bay & Bakool are free to live where-ever they want in their home-country, waxaan lee yahay reer Reer Bay & Bakool ku soo dhowaada Laascaanood waa dalkiinii, waa magaladiinii, waa dadkiinii etc There is a very common misconception among some Soomaalis who only associate af Maay with Bakool and Baay gobolo. Not so. In fact, more speakers of Maay live outside these two gobolo than inside. I think majority live in Jubbooyinka and Shabeellada Hoose. Maay, contrary to what misinformed believe, is a multi-clan language spoken predominantly in Jubbooyinka, Shabeellada Hoose and Baay, Gedo and Bakool. All these "Soomaali Bantu" news laga maqlo lately af kale ma yaqaanaan ka ahayn af Maay, and all hail from Jubbooyinka, places such as Bu'aale, Dujuuma and Saakoow. The town of Afgooye in Shabeellada Hoose, across from Xamar, carries this name because that was traditionally where af Maay and af Maxaa-tiri met and separated. I believe kuwa now ku kala fariirsan geesaha Soomaaliya una qaxay are particularly reer Jubbooyinka and Baay, with some from Shabeellada Hoose. -
What on Earth was Jen. Cade Muse thinking?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
Stop your qujac qajacdaada, baliis. Codetalker informed us what happened to his other nick looooooong before your accusation who he himself is. Again, stop your the accusation, it is just against the rules. I am enforcing the rules. Should you have a problem about anything, including me, you've every right to send a word to Admin. -
Haye daanyeerka, meeqo isbaaro ayaa soo dhigan jirtay? Waxaanba soo xasuustay qiso. Waxee ahayd '92, oo degmada Madiino, dhanka Siliga Ameerikaanka aan usoo guurnay, oo xaafadeena Bermuuda markee noqotay. Darbigii wareegsanaa Siliga Ameeriikaan ayaa dhex laga jibiye si loogu luggeeyo u fudadaato oo dhanka Isbitaal Madiina marka laga imaado lasoo mari jiray, hadii kale wareeg dheer waaye. Marka kuwaa marmar isbaaro waxee dhigan jireen darbiga gadaashiid, ku ganbanaayo isla darbiga. Marka dadka soo socdo, oo dhexda soo maraayo ma arkaan. Qofka markuu darbiga soo dhaafo ayee lee yihiin soo leexo, meeshaas ku baaranayaan. Anaga oo gurigeyna ganjeelkiisa hortaagan caadi aan fiirsaneynay filinka meesha ka socday. Sidee fiirsashada noogu socotay, walaalkeena oo barxada Siliga soo socdo aan aragnay, oo dhanka isbaarada usoo socdo. Isla markiiba walwal aa na galay. Walwalka waxaaba nagu bilaabay waa ognahay inuu lakad lakad dhalay ahaa, oo maquusto ku darsaday. Anagoo wax aan sameyno la' ayuu meeshii isbaarada darbiga usoo dhawaaday. Ileen dadkii ka horeeye oo dhan hal mar istaagaayo cabsi daradeed, hadana gees gees u leexanaayo uu arkay, oo qof dirito ama toos u socdo jirin. Koleey shaki aa galay. Markuu soo dhawaaday hoosguntidiis intuu kor u qabsaday fakatax kamaa fatuuro ka daaye, oo xuruf roor kusoo dhaafay. Ooh, moor.yaantii isbaarada u taalay oo ahaa labo labada gees darbiga kala taagnaa oo dadkee heysteen ku mashquulsanaa waxee sameyaan ee garan waayeen. Orodkii uu guriga kusoo gaaray. Anagii mar ma qosolnaa, marna argagax oo inee xabad kasoo daba tuuraayaan aan u maleynay. Mar walba markaan xasuusto...
-
Somalia Report: From Pres Mohamed Ibrahim Egal to PM Rabin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacpher's topic in Politics
Salaan... Ducaqabe, ma rumeysatay qoraalkaan? It is unsubstantiated warqad circulating around the net the last five or six years, widaayoow. It sure was written in diplomatically, but marxuumka in laga eed sheegto ma fiicno. I deeply have my suspicions about this letter. For one, Cigaal until to his grave was a staunch pro-unity nationalist Soomaali [he even accepted shirkii Carte lagu qabtay in lagu qabto Berbera or other small towns but changed his mind in the last minute because of a heated pressure within his rank and to keep his kursi, according to C/qaasin], and more reer Waqooyi Galbeed than waxa maanta goosasho rabo, oo u badan kuwii kacaanka guulwadaha u ahaa. -
What on Earth was Jen. Cade Muse thinking?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
Originally posted by Pi: There is Codetalker (aka windtalker) and Yencerie , same person. Then there is Mr. Oodweyne and Tolstoy , same person. Isnt it against the rules of the site to have multiple accounts? Lemme guess, they're not really the same person. They only happen to argue for the exact same caues, use the exact same arguments, use the exact same words. Nah, its just good ole coincidence, innit? :rolleyes: Stop accusing others. This accusation itself is AGAINST the rules. Admin. knows what is going on. If you you think you have a case or suspicions, PM the Admin. -
The RRA market in Laascaanood
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Salaan... I had to bring this thread back because shaleey yaa maqlaaye C/llaahi Yuusuf oo af Maay isku dhibaayo markuu la hadlaaye xildhibaanada qado sharaf loo sameeye? "Bil'aan ii magal, salaamantiin." Ahaahahaha....Reer Mudug af Maay ku hadlaayo, it isn't just compatible, but that was really funny. It was on Shabeellenews.com Check it out. -
Aaden Cabdille Cismaan [Eebe ha caafimaad siiyo, aamiin]
-
About me I'm Farah Blue From MoccaTissue, KissMyOh, BeauSauceO, MollyLand, And the rest of Somalia's Finest, Somalia Farah Blue is a fresh qaxooti coming here as a failed militiamember. He was too nice and caring. How could he rob and kill his own people? Struggling with the language but he manages to keep his head above water. Still trying to find the right Halimo. Still eats Baasto with his mouth open. Still slurps Shaah like he's about to die. Still same old G. Daanyeer, abaaba kaas adiga miyaa? Former militiaman [aka moor.yaan]. Sheeko miyaa?
-
AU mission to Somaliland says recognition overdue
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xarago's topic in Politics
Originally posted by Xarago: What a good anology. Thus these gives you the right to have denied a region which has volunteerely merged with you without any condition the basic needs of development. Since you are into statitics Maskiin you can probably furnish us with the difference rate of injecting development between the regions of North and South. And while you are at it would you be kind enough to note down what important government offices or branches were in the North. Where were the tertiary level education colleges based in huuno? To say the least. Accounting for the number of 'wasiiros' walalo does not answer the injustices suffered by a region... Abaayadiis, somebody wrote in initial posts that Waqooyi Galbeed only one wasiir ayaa loo qoondeeye in '60 Cabinet, and that madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka all hailed from Koonfurta in 1960. That was factually wrong. I thus was only refuting that part-- nothing more and nothing less. About 'injustices' suffered by certain regions [this was '60s, keep in mind, hokey], that needs its own thread. -
AU mission to Somaliland says recognition overdue
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xarago's topic in Politics
Originally posted by SOO MAAL: Can someone provide the list of somalia's first government (cabinet ministers)? You can find here the governments of '60s and their respective cabinet posts in each year. Though the 1960 cabinet link is broken [other links all work fine], here is a corrected link of 1960. [scroll down.] It is the same list like the 1961. I copy-paste the '60 cabinet list, plus the Afhayeenka Baarlamaanka: P resident: Aaden Cabdulle Cismaan Prime Minister: Cabdirashiid Cali Sharmaarke Deputy Prime Minister: Cabdi Xasan Booni Minister of Foreign Affairs: Cabdullaahi Ciise Max'uud Minister of Internal Affairs: C/risaaq Xaaji Xuseen Minister of Defence: Max'ed Xaaji Ibraahim Cigaal Minister of Justice: Max'uud Axmed Maxamed Aaden Minister of Information: Cali Max'ed Hiraabe Minister of Education: Cali Garaad Jaamac Minister of Health and Labour: Sheekh Cali Jimcaale Minister of Finance: C/qaadir Max'ed Aadan Soobe Minister of Public Works and Communications: Cabdinuur Max'ed Xuseen Minister of Industry and Trade: Sheekh Cabdullaahi Max'uud Minister of Agriculture: Axmed Xaaji Ducaale Minister of General Affairs: Cismaan Max'uud Ibraahim President of National Assembly: Jaamac C/llaahi Qaalib Two wasiiro, plus the Guddoomiyaha Baarlamaanka [i think he was from North]. Intaas ka badan miyaa la baray, considering there were only 14 ministries including the prime minister's office. What further complicated was Northern candidates had their own minority parties, such Soomaali National Congress. The members of dominating Soomaali Youth League [sYL] were obviously who had the most cabinet posts. They later realized if they wanted a piece of ministrial cake, joining SYL was waxa ka horeeyo. That was when crossing back and forth across the floor in Baarlamaanka became a joke of itself, those who didn't get official posts used to go back to their own originally [some defuncted even] parties, unless they were satisfied. That was the nature of politics these days, and it wasn't limited to reer Waqooyi Galbeed. Many created one-member-candidate -- they knew those they recruited had no chance of winning, only the party founder was a serious candidate -- parties to influence others or project themselves more important than they were. -
Salaan... Baashi, your political input is missed. Shaaha diyaar waaye, ee noo keen kaftan ka dhabeeye [i think I once saw a book called this name, I am not sure, though]. The latest twisting news is Qanyare/Yalaxoow/Finish/Xaaraan-kunaax imminent departure to Addis Ababa. Very interesting. It just tells you how little credibility they have left.
-
AU mission to Somaliland says recognition overdue
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xarago's topic in Politics
Xoogsade, ha u bixin. Reer Koonfur kaliya ma'aha ee waa every conscious Soomaali wax dhibsanaayo in dalka la kala gooya. Damiirkeena ma aqbali karo. That seven-like beautiful country qaarad in la kala gooye wax la yeeli karo ma'aha. Kuwii maqnaa ayaa murugu nagu haayo sidii lagu soo celin lahaa, wacdala kuwii jiray in lasii kala gooye. Nasiibxumo ku dhacday reer Goosato waxee kusoo aadeen Midowga Soofiyeedi oo burburay iyo Dagaalkii Qaboobnaa oo dhamaaday. Hadee almiina declare gareyn lahayeen their secession in 1980s on official SNM declaration ku jiri lahayd, wax waa is badali lahaa, oo either labada quwad waagaas tartamaaye ayaa midkood ku hormari lahaa aqoonsigooda, even if they didn't rule a tuulo. Eebaba uma qadarin, maxaa yeelay Soomaalidii la siray oo dagaalkii jabhada ahaa Soomaali National Movement goosasho kuma jirin ajendahooda. [Haduu jirina oo u qarsoonaa Soomaali inay siraan damceen iyagaa isa siray.] -
AU mission to Somaliland says recognition overdue
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xarago's topic in Politics
You know, folks, it surprises me why a certain one-dimensional issue supporters always come to one another's side to support or cheerlead. Robotic behaviour? Why there isn't a 'public' disagreement, since I am sure they are plenty of out there 'dusted' under the carpet about political disagreement issues pertain to their region, as not openly shown on this forum. You know I am sure if tomorrow I registered a new nick name, and started supporting one-dimensional political issue on this particular board, these certain folks, -- one of them not surprisingly always comes out of lurking to hurrah what he perceives to be his cyber 'cousins' regardless how wrong or correct they are -- will surely welcome me among to be their few cherished "cousins." A little requirement would be to conform to their unwritten 'regional' conformity of ultimate group-speak -- literally. So, instead of writing 'qadhaadh,' if a person slips and writes 'qaraar,' as it was finely illustrated on this very board to a hapless new comer who received a reprimand straying from 'cousinity' group-speak. What they utterly failed to realize is the fact Soomaalis during pre-civil war grew up different regions with different dialects, regardless of that person's clan's associated region's dialect. Under their tribal telescope, however, everything is black and white, one-sided dimensional political issue being the foremost of them all. Hailing and backing up one another all the time indeed is tiresome, really. Diversity is what makes this world fully interesting -- a little at it does. Bring your individualistic political interests forward, no need to put them under the carpet on SOL, because others from groupthink may question your loyalty. -
Salaan... Soomaalida waxa maanta is dabayaacaayo are siyaasi ku sheeg, not a seasoned politicians who mastered the ultimate tricks of the game. Siyaasad waxeeda waa iska qaacinimo, laakiin maanta kuwa is daba rooraayo waxooda ka dareey waaye. However, Max'ed Dheere waxiis wee dhaaftay ka dareey, he is a league of his own -- at the bottom. Doesn't the guy have sumcad? War aawey the little sharaf the qabqable kaaga hartay? Having complete 180 degree [Qanyare ayaa dagaalka bilaabay/Qanyare ururka uu aasaasay ayaan ku biirayaa] different view in mere few hours. Even hadii dhagta wax laguugu soo sheego waala sugaa a couple more days, not a few hours. Waxaaga kaaga sii daran this isn't the first time he made a complete turnaround. It became his caado. His now seems taking the art of qabyaalad Soomaali politics into a shameless, unprecedented territory. ________________ GABALDAYE SIYAASADEED: MAXAA BEDELAY MAX'ED DHEERE? A Jahawareer siyaasadeed mararka qaarkood lagu qoslo, mararka qaarkoodna dadka ugu filan inay fadhi kudirir u noqoto ayaa ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya kadib markii masraxa siyaasadda Soomaaliya ay jilayaal ka noqdeen Kookeyaal, Darawallo iyo Qamarjiyaal aan mabda’ lahayn oo had iyo jeer isaga hadla wixii ay markaas dhuuntooda ka dareemaan. Maba dheereyn xilligii Maxamed Dheere shafka u garaacday inuu dowladda Federaalka marti gelinayo, waa la ogaa mowqifkii uu ka istaagay taageerada madaxweynaha, wuxuuna qaatay go’aanadii ugu waaweynaa ee uu ku taageerayo dowladda Federaalka qeybtii Jowhar ku sugneyd, isagoo inta kale iyo xubnihii Muqdisho ku tilmaamay wax aan jirin heer uu xilka ka xayuubiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka. Wuxuu Maxamed Dheere shalay ka gudbay xadkii ugu danbeeyay ee isku xiri lahaa isaga iyo saaxiibkiisii hore C/llaahi Yuusuf, wuxuuna galay xerada hoggaamiye kooxeedyadii wasiirada noqday ee (MAYA & MADFACA) ku caan baxay, shirkii jaraa’id ee shalay uu qabtay waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ugu waaweynaa: = Inaan la qaadin Cunaqabateynta hubka = In C/llaahi Yuusuf Hub uu Yeman ka keenay uu siiyay ciidamo beeshiisa ah = Iyo inaysan ciidamada Koongo ku jira ahayn ciidamo Qaran, balse ay yihiin kuwo beeleed ama Qoys. Aan is weydiinnee Maxamed Dheere iminka wasiirna maaha xildhibaanna maaha, marka aragtidiisa waxba kama bedeli karto in xayiraadda hubka la qaado ama ay sii socoto,wuxuuna kala mid yahay Yuusuf Indha-cadde, waana arrin u taalla xitaa haddii la isku hayo Baarlamaanka oo leh go’aanka kala baxa sharci ahaan, sidaas darteed mowqifkiisa cusub wax qiime ah kuma fadhiyo oo aan ka ahayn murcaad ku noqoshada madaxweynaha. Tan labaad haddii Maxamed Dheere maanta sanad kadib qirayo in Hub Yeman laga keenay madaxweynaha uu siiyay Puntland, maxaa hore u diiday inuu uga hadlo hubkaas, mise wuxuu u sheegayaa isagoo qeyb uu ka rabay ka waayay?, waxaa kaloo is weydiin leh Hubka Maxamed Dheere Itoobiya ka soo qaato xilli waliba ee kii ugu danbeeyay dadna lagu dilay kuwana lagu qabtay ma ogol yahay inuu wax ka siiyo hoggaamiyeyaasha kale, Cunaqabateynta uu doonayo in la qaado maxay kaas u celin weyday?. Arrinta saddexaad Ciidamada Koongo ku sugan haddii aysan ciidamo qaran oo amar dowladeed ku yimid, maxay ahayd sababtii ay halkaasi ku yimaadeen, sidee ayuuse Maxamed ku ogolaaday inay ciidamo beeleed oo ka yimid Puntland yimaadaan Sh/Dhexe?!!, maba jirin cid tiri waa ciidamo qaran balse waxaa lagu sheegay asaaska ciidamada sidaas darteed Maxamed Dheere sow maaha in isaga is eedeynaya? Bal waa kaase adiguna faham dhaqanka Gabaldaye-nimada siyaasadeed ee Gelin kasta mowqifka cusub lala soo if baxaayo sida Duhurtii: Qanyare ayaa dagaalka ka mas’uul ah, Fiidkiina: Waxaan ku biirayaa isbaheysiga Qanyare. ______________ Xigasho: Yoobsan
-
Salaan... Saafir, waligeey ma maqlin indha galuus. Ma hubtaa? I kinda like qooleey-style shukaansi. Very persistent, always endeavouring. He never eats, always pursuing her on his waq-waq-kurukukuu. Eventually, she gets tired of it, and sits down. Humans should take a leaf from that qooleey-style shukaansi book. It bothers stalking, I agree; laakiinse runtii waa xariif qooleeyda. I still sometimes observe for minutes, always amazed this kinda of shukaansi. I think I better jot them down from now on, and eventually make it a researched paper. Al doobs out there, rejoice, this thorough researched paper will be published soon.
-
Warlords cash in while Somalis face a bleak Future
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
Dekedda Baraawe Oo Noqotay Meesha Ugu Badan Ee Dhuxusha Dibadda Looga Saaro Maarso 1, 2006 Dekedda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa iyadu ah midda ugu mashquulsan ee sida ba`an iminka looga saaro dibadda dhuxusha ama geedaha dhirta la jaro ee la dhigto xaabada , Xeebta dekadda Baraawe ayaa waxa aad ku arkaysaa dhuxul aad u tiro badan oo Jawaano ku raseesan oo kumanaan kun gaaraaya kuwaas oo u diyaarsan in la saaro markab badda yaalay oo ka diiwaan gashan sida somaliweyn loo sheegay dalka Korea magaciisana yahay Chong Chong Game . Dhallinyaro aad u tiro badan oo ka xamaashta dekadda ayaa aad u buux dhaafiya aroortii hore dekadda si ay u daabulaan dhuxul loo raraayo dalka dibaddiisa , waxaan u guuragalay sida ay u socdaan howlaha daabulidda dhuxusha, run ahaantii waxaan la yaabay sida ay tiro badan dhuxusha la raraayo iyadoo saacadba saacaddii ka danbaysa ay soo kordhayso gawaari soo galaaya dekedda oo wada dhuxul aad u tiro badan , waxaan wax ka weydiiyay mid ka mid ah howl wadeenada meeshaasi joogay oo iga codsaday in aan magaciisa xusin isagoo somaliweyn u sheegay meelaha dhuxushaasi laga soo guray oo uu yiri waa dhul hood ah u dhaxaysaa Baraawe Guntuwaareey iyo Jilib balaciisuna yahay 180km, wuxuu noo sheegay in la adeegsado qalab fududeeya jaridda geedaha oo Machine- ah isla markaana jari kara saacadiiba dhowr geedo. Wuxuu intaasi raaciyay in dhulkaasi ay ka dhaceen markii dhir faro badan laga jaray nabaadguur soo jiidatay abaar iyadoo xoolo dhaqatadiina ay halkaasi isaga soo hayaameen . Ma'aha oo kaliya dekadda Baraawe meelaha laga dhoofiyo dhirta geedaha laga jaro ee dhuxusha laga dhigay, balse waxaa lagu tilmaamaa dekadda Baraawe in ay tahay midda ugu badan ee laga dhoofiyo dhuxusha inkastoo ay jiraan dekedo ay ka mid yahiin dakadda Kismaayo iyo tan dekadda dabiiciga ee Ceel Cadde oo iyaguna laga dhoofiyo dhuxusha . Si kasta ha ahaatee dadka daabulaaya dhuxushaasi ayaa kuu sheegaaya in aysan jeclayn in dhirta la jaro isla markaana la dhoofiyo , balse waxay sheegayaan inay ku kaliftay daruufo la xiriira dhinaca nolosha . Dhirta oo la jaro ayaa waxay dhibaato ku tahay dhinaca degaanka oo noqda mid nabaadguur ku dhaca isla markaana ay soo jiidato abaar ba`an iyo roob la`aan ka dhacda meelaha la nabaadguuriyay ee dhirta laga jaray iyadoo sidaas si la mid ah xoolaha ay ka mid yahiin Geela ay halkaasi dhibaato ka soo gaarto ka dib markii la waayo wax uu daaqo. Ma jiraan cid u taagan xiligan inay wax ka qabato xaalufinta lagu haayo dhirta iyadoo ganacsatada ku howlan daabulidda dhuxusha ay u jeedaan oo kaliya xoogaaga yar ee lacagta doolarka ah iyagoo aan eegayn dhibaatada ka imaan karta xaalufin loo gaysto geedaha dhirta. Xigasho: Soomaaliweyn.com -
Salaan... Boobka, qooyeelaasha ayaaba isoo xasuusisay. Anaga saan aa u naqaanay, laakiin maadaama aad adig ciyaal Kismaayo tahay kuwa kalaa jiraa laga yaabaa. Saan anaga u kala kaseynay: Boor dambas [greyga] Sharax [madoow iyo cadaan isku jiro] Baliil [wada cad] Baal gaduud [garbaha ka gaduudan] Uul [madoownimo dhaafay/tay] Waxaan xasuustaa qooleey guryihii Afrikaan Filej [African Village] buuxi jiray, oo dad lahaan jirin. Maalin aan aadnay guriga habaryarteena oo meesha ku yaalay ayaan bac kusoo xaabinay. Caqli xumo meelba bacda maka daloolin, oo markii gurigii la imaaday, masaakiintii oo wada dhintay ayaa aragtay. Ciil iyo ka naxid. Proper burial aan u sameynay, oo "kafan" aa ku xirnay xataa. Ciyaal ciyaal iga dheh, waayo waayo. Qooleey waa shimbir yaab ah, maxee waqti naga dhumisay. Maxaa dool tifnay intaa baaf u dhignay ku qabanay siriq ahaan, ka bacdina sacfaraan la mariye hadhoow dadkii lahaa see u kasin. I still loof qooleey. Fond memories.
-
Lets try it again: according to your personal opinion what is the Purpose of Life? Is it intrinsic or extrinsic? Waala ogyahay inaad su'aashaan dan kale ka leedahay. Hadaadan diin lahayn, adigee ku jirtaa. Boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dadka meeshaan ku jiro waa Muslim, oo diintooda raaca. Diinteena ayaa dhigeyso inaan Eebbaheena caabudno. Wax la yiraahdo "personal" ma jirto. Originally posted by Socod_badne: quote: The purpose of life is to worship the lord that created you. That is the purpose of life whether you believe it or not, accept it or not. How sad! Now you're left with spitting cosmic debris? Waala ogaa inaad diinlaawe ahayd, oo wax badan ayaa is qarisay, oo shib lagaa ahaa. Golaha kale [other Soomaali forums] ee Soomaalida ayaa ka qaraabataa adigoo Rabigeena iyo Nabigeena caay, aflagaado iyo wixii lamid ah ku haayo. [Hadaadan ismoodin in lagula socon, think again.] Intaas dhan waala soconay. Oo intaa banaanka isa soo dhigeysay ayaa la sugaaye. Maanta adigaa barxada isku soo dhigtay to humble, unsuspecting SOL forumers aad isku qarin jirtay. Inaadan diin lahayn waxaas kor ku qoran ayaa dhigaayo. Waxaaba la yaabi jiray kuwa inta ku jiro waligood sidii qof "Muslim" camal kula dhaqmi jiray, adigoo sidii jees jees camalna Rabigooda iyo Kitaabkiis ugu jeesteen jirtay mar walba. Finally, Eebbe mahadiis hadaaba banaanka iskeentay oo wixii kuu qarsanaa soo bandhigtay. Diinta waaka baxdee, adigoo raali ah, inoo daa diinteena aad ku tumaneysid. Anagaa ku qanacsan wax walba ee na fasho, including Eebaheena aan caabudno oo aad ugu wacday "how sad!" and "spitting cosmic debris" whatever it means.
-
Alleubaahne, kamoon, duqa; walaashaa saas haku dhihin. Fikrad kala duwanaasho waa dhacdaa, ee xoog ma jiro.
-
Xoogsade, waa lagu salaamay horta. I will address this for you once and all, because waxaaga ku celcelis waaye. Quote-kaan hoos ku qoran aan ku bilaabaa: It was Qanyare who put an organization together, sought union with the like-minded ignorants, and wrote a manifest about his intension. You lack the decency to even mention such plans on Qanyare's part but were wantonly interested and still are in defaming others. Max'ed Qanyare Afrax wuxuu yahay waala wada og yahay. Maba loo baahno in la sharxo. No sane person would defend him. Dwelling his bogus "terrorist" labels qof aamino oo fiyoow ayaa iska yar. Qabqable dagaal oo 15 sano ku dhex jiray wuu yahay. Dagaal ooge kasii daran ah. Sababta aan hawshooda aan u daba galin waxee tahay waxooda waa cad yihiin [as he himself said a week ago], oo waaba duli dadka ku ah. Marka waxee sameyeen wax aan ku daro mahaayo, oo waligeey aan mucaarad ku ahaa. Intaas oo tahay, waxaan u adkeysan waaye in kuwa iyaga lamid ah oo wadaado isku sheeg ah in meeshaan laga dhigo dad 'saviour' Soomaalida u ah, oo loo soo diray, oo ka samatabixinaayo. Kuwaan diinta ku gambanaayo ayaan runtooda banaanka soo dhigaaye, weyna cadaatay waxee yihiin. Qanyare iyo xulufadiis waxee yihiinba waala wada og yahay, kuwaan shaati diinta ku gambanaayo oo jihaad iyo wax kale ha lala galo ah ayaa kasii darnaan karto maadaama ee dadkeena oo awalba iska aamin badnaa been cusub loo dhigaayo. Teeda kale yaa bilaabay dagaalka? Adiga oo ku celcelineysid xulufada wadaadada kasoo horjeeda aa bilaabay aan arkay, ee isweydii yaa bilaabay? Dagaalka wadaada isku sheegaan aa bilaabay markee weerar ku qaadeen Kuliyadii Jaalle Siyaad uu Tarbuunka iyo Dayniile u dhaxeyso. Markaas ka bacdi ayaa la aas aasay ururkaas boguska ah ee la "dagaalanka argagaxisada." Adiga waxaa igu heysataa wadaada isku sheegaan sababta aan u taageeri waaye miyaa? Aniga wadaado uma arko, Soomaalidiina maalmihii u horeeye la siray waa arkeen waxee yihiin. Iyaga iyo Indhacadde waa isku xuluf, sidee Muuse Suudi iyo Qanyare u yihiin. Hadaa u maleysid Indhacadde uu wadaad yahay, marka waxaan ka hadalno maleh. Hadee wadaadnimo dhab ka tahay, ilmo adeerkood Indhacadde ah ayee run u sheegi lahayeen, oo masaakiintaas xooga ku heysto oo waxee cunaan la' walina canshuur kasii qaadaayo. Kii kasoo horjeedana karbaash ku wado. Beenteey miyaa? Mar ayaa i tiri Xamar goormaa kugu dambeysay, hadee dhici lahayd inay igu dambeysay 1991 waan ogaan lahaa inaad dismissal sameyn lahayd, oo dhihi lahayd waxba kama ogid maadaama aadan tagin. Laakiin indhaheey ayaan kusoo arkay waxa meesha ka dhacaayo. Bashir raage when he shaved a poor man's beard and told him to not come around Shibis and Boondheere because the man is supposedly who they want to fight against, terrorists. I have no business defending a questionable businessman and semi-warlord, but the fact is they denied. PS, you can call me any names you want. Opportunist. Hypocrite. Sick-minded. Munaafiq. All this because I don't support or recognize what you call wadaado. Ogoow laakiin waxaas dhan qofka kasoo yeero ee wax ka dhahaan, instead of qofka lagu address gareeyo, particularly qof wadaad supportgareynaayo, ogoowna diinteena suuban aflagaado kuma jirto. [Mise seef laboodka maanta isdaba yaacaayo aa tahay. No wonder then. ] Hadee dhabta jirto ku dhibeyso, so soori, adigee ku jirtaa. Truth will, and shall, always prevail --wadaad ku sheeg or not. Waxee yihiin iyagaa banaanka iskeenay, aniga makeenin. I hope inaan si fiican isku fahanay toogtaan. Nabadeey.
-
Warlords cash in while Somalis face a bleak Future
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
Salaan... Noo, it is impossible "Sheekh" Yuusuf Indhacadde ka suurowdo waxaas. He is halyeey, oo jihaad ku jiro oo waa wadaad, dalkiis gaalada ka haayo. Waxaan waa iska dacaayad micno daro iska ah, oo haduu dhuxul dhoofiyana waa ganacsi caalamka dhan ka jiro. -
Madaxweyne Yuusuf oo guri weyn looga diyaariyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa shir jaraa’id in uu ku qabto magaalada Baydhabo, kaasoo uu uga hadlayo socdaalkiisa uu kutagay Baydhabo oo ah kii ugu horreeyay oo uu ku tago tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynanimada Soomaaliya,iyadoo maantana magaalada uu roob ka da'ay. I thought he was there exactly a year ago in early Maarso, 2005. Anyway, I am glad roob haduu ka dago dhulalkii abaarta ku dheeraatay. Usually roobka gu'ga wuxuu biloowdaa in Abriil. Gobolada kale taloow maka da'ay?