Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,685
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Maxaa loola yaabaa shisheeyaha hadee dalka Soomaaliya meesha uu ku yaalo garaneynin. Aniga waxaa iga yaabiye dad shuunkooda shuun dhalay oo ku leh Soomaali ayaan nahay, hadana leh waalidkeena labadaba waa Soomaali, hadana ku leh af Soomaali ma naqaano, hadana leh waalidkeena afka aan ku hadalno si fiican uma yaqanaan oo waa isku wareernaa oo af Soomaali bas yaqaanaan. Isku dar. Intee kusoo koreen? See waalidkooda ula sheekeysan jireen. Dadkaas ayaa wax lala yaabo ah, hadana sharaf dhac isku ah, Soomaalidana ku ah.
  2. Salaan... Ereyada af Soomaaliga kusoo kordhay toban iyo shankii sano u dambeeye. Ku dar intaad xasuusato oo hadee ku jirin kuwa hoose. Badanaa bililiqooyinka iyo rafaadka dagaaladda ka bacdi ayee kaaga turjumeysaa. Qaarkood ereyo horeey u jiray oo micno cusub yeeshay waaye. Nirig [dabaqa ayaa la dhahaa maanta Xamar] Sheeno waaye Ma ka heshay Gardheere Tusbaxdheere Sulux Liifaa saaran Mashiixe Mashalaaye Ii qaraareey Qaraarkaa i gaaray Naar ka bood Ay kaanti Dey gaariga Dey dalabka Iga baandheey Habartaa geli Daboolyare Waa iigu jirtaa Bagdhi waaye Adeerka weyn Waa qarax Waa laba qarax Qaam raam Isa saar Bililiqo Anaa xalaaleystay Qax Waan shiiday Mar fujis laba mar fujis (laa mayeeriga) Duqiyow, duqdiyeey, La hayste Dib u heshiisiin Barakac Soo barakacay Waa la fiiqday Tikniko Waa la wiideyhaa Laba shaarre Afar jeeble Aag beddalasho Waraa iib ah Maxmiyadley Soo galooti Kooyto Xamaroow qayaarkaa Yaad i moodey Samatabixin Quudin Halgan hubeysan Ugaaska ka deg igana jeeso Geesi dilaa ah Jihaad baan ku jiraa Macallinka weyn Neefka weyn Adeer baa tahay Wejigee Suufi baad tahay Tacsiyeynta iga daa Qolof ha ii dhigin Roobkaa looga dhigay Lambarkaan cusub yaa waaye Been boode Isku qaad ma heysaa Wuu dhaanteeyey Ka fagaarey Tabeele ayaa laga dhigay Atoore baadiye Hadba kii raran raac Isbaaro Ku nasiibso Waan taabsaday Madigaa yiri Qabqable Waa neefley Iga wareegso Badaa ku jiraa Waa dabaalanoyaa Keydsaneey Anaa ku habeenaa Cisaleey Haaf gacan leh Guri guri liqay Marqaan weyne Waan yabaalay Waa jirtaa Soo gaabo Xalaan jabay Moor.yaan Ciyaal buufis Waan buufsanahay Suu Shilko Dabamiinshaar Madfac Hoobiye Eeyaa cunay Muqalas Maleeshiyo Kuwa qurbaha: Sujuu. Falayt-dartiin {Flight 13} Bug Leen ma heysaa Jeex jeex baasaboorka markii... Ceyr Shabta Isbiimeey Kabaandha Isdhiib Nayn Wan Wan Isboonsar Otaanga Islii Gaarisa Looj Singal Maadar
  3. Salaan... Waajidna saan maa u dambeysay? Haduu jaad Waajid saan u gaaray wax haray maleh. Ceel Cali Jeedo wali maku yaalaa taloow? Reer Taruuri taloow ma degan yihiin? Reer Aadan Yare [Cabdiraxamaan Ibbi's father]? The best two months I had spend there in early '91, drinking fresh caano gaal and lo' every day. Dankis, dankis Eedo Xadro, who sidee noo quudineysay nucmaan ku noqonay.
  4. "Iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo dabkii qabsaday markabka MV Maryama3 oo laga dajinayo dhuxul uu ka soo qaaday degmada Baraawe ayaa shaqaalaha howshaasi wada rajo ka muujiyay guul ay ka gaaraan daminta dabkaasi." [shabeellenews.com, Abriil 16, '06] Gubo waliba dhac oo bada gal. Eebboow gub, wixii saarana naxariis dadkooda iyo dalkooda haba yaraatee u lahayn wada gub. Gubta waligiina gubta. Hadeeba iyagii dalkooda ka damqan yaa u damqanaayo.
  5. Salaan... A very detailed, comprehensive, and well-researched paper about the overall quality and essence of Soomaali websites by an editor of one of first and most established [perhaps trusted] Soomaali media on the net. The paper also constructively critiques what its author finds to be mundane and lack of originality of some sites. Somaliaonline is one of few reviewed sites, and the only forum mentioned in the article. "Unfortunately, first generation Diaspora Somalis may have already lost much of the language, or blended it with other languages in their respective new countries. A recent observation of Somaliaonline.com, a popular blog for young, Diaspora-schooled, urbane Somalis around the world indicates a peculiar mix of Somali and English, already termed “Somenglish†by one blogger. A benign discussion about “Somenglish†leads to one of the members to exemplify “Waryaa yesterday ayaan ku soo wacay, and, you didn’t call me back. Maxaa qabanee tomorrow?" This member was quickly rebuked by another who disqualified that statement from "Somenglish", only to introduce his ideal one: "That’s not Somenglish sxbow. You want inaa ku speakgareysid Somenglish? Waa inaad isku mix gareysaa, haddii kale it becomes sentence-yaal la is daba dhigay.†Ironically, all seem to be enjoying this discussion."
  6. Sul., I personally believe it is Dirirdhabo, not Dirdhabo. I may be wrong or not. Af Soomaaliga ereyadiis iyo naxwadiis hadaa fiirisid ama dabagishid wax clear eh ayaa kuu soo baxaayo. Dad badan ereyada ma daba raacaan. Aniga, I have developed this hobby oo aan iska tixraaco some interesting ereyo. Speaking of ereyada, what does ereyga kaah mean? Is it a planet's name? A spirit name? Relating to space? [A beautiful name, by the way, is based on it: Kaaho. One of my favourites.]
  7. Ereyga 'dhab' of af Maxaa and that of 'dhaw' of Maay kala saar, baliis. Haku wareerin ereyada maadaama ee isku qaab eg yihiin. Dhaw [sida ereyada kale ku dhamaado xarafka 'dh' ku badalmaan 'b' ama dadka qaarkiis ugu dhawaaqaan] means 'beat, fight' iyo wixii lamid ah. Dhab of Maxaa implies ascertaining the facts. Dhab of Maxaa, by the way, never changes to 'dhaw' in pronunciation. I don't think Dirirdhabe was named because of ascertaining facts or that of Baydhabo. The Maay dhab later acquired sexual reference in some contexts, laakiin waxaad iloowday it was a street lingo popularized by ciyaal xaafadaha Xamar, si loo kasin their conversations by kooytada ku cusub magaalada like...you can guess them who they were. I left that out because it isn't what the word meant and stood. "Waraa, bajaqdaan aan rabaa inaan dhabo nooh." They also said "waa ku dhawaa, walaahi" which in this context applies the correct word of 'beat you.' And no body says "ninku naagta inuu dhabo ayuu doonaya" because it makes no sense in ciyaal xaafad lingo. Mise reer gadaal ka gaar aa iska ahayd oo maqlay 'tanaa dhawaa.' Tell me since there is another word that too acquired sexual implications, which is 'taabsasho.' So, tell me, how do you say in gadaal ka gaar or kooyto lingo 'tanaa rabaa inaan taabsado yaaqeey.' How do you gonna say in gadaal ka gaar language? "Wacdala, inantaan baan doonayaa inaan taabsado"[?] And what other 'inconsistencies' aad heysaa? ______________ I think we hijacked this thread. Soori, Sulka. Latest war qubano ah? Goosashii shaalka intee mareysaa?
  8. Jen., laba war ayaa isku qaldoysaa. Ciidamada ka yimid Bari maalin ayee ka horeeyeen kuwa Amxaarada ah. Waxaan u maleynaa kuwa Amxaarada saacado ayee joogeen dalka gudihiis oo xuduud beenaadka ka noqdeen, oona dib ugu noqdeen Soomaali Galbeed ee ka imaadeen. Kuwa Bari ka yimid oo Baydhabo ayeeba gaareen. Qorsho la isla ogaa ayee ahayd aan filaa. Laakiin odeyga waligiis aamin ma galo miyaa ka ahayn wax uu ugu yaqaano ilmo adeeradiis. Kuwii hore Waajid ku sugnaa waa ku filnaan waayeen, oo kuwaan cusub ayuu keensaday. Odeyga ha ogaada haduu jago weyn qabanaayo oo dalka dhan ka shaqeynaayo, waa inuu aaminaa shacabka uu rabo inuu u taliyo ama maamulo. Maxaa yeelay ilmo adeeradaa hoos ka wado meel walba aad tagtid waa sharaf dhac iyo aamin xumo, ugu dambeyntiina wax kale ka imaan doono. Waxaa kaaga sii daran kuwa lasoo tababaraayo oo oo si 'koofi gaduud' ahaan waardiyo ugu noqonaayo asaga oona maalin dhawayd loo diray Mombaasa, kuligood kontonka ahaa waxee wada ahayeen ilmo adeeradiis ee iskugu dhaw yihiin. Geedi ayaaba dhaamay oo ku daray kuwa kale ka baxsan laftiisa hoose. Shariifkana iskaba dhaaf kuwiis qolooyin kale soo giliye. Odeyga ha ogaado sidii kacaanka inay dhamaatay. Ilmo adeer ka wada dhig ciidamo hadee wax tareyso Siyaad Barre Koofi Gaduudiis ayaa wax u tari lahaa.
  9. I wasn't suggesting in uu afka Maxaaga kasoo faractamay Maayga, mise Maayga ka duqsanyahay Maxaaga. Nor did the words descend from Maay. Since both are supposedly one language, ereyada waa wada wadaagaan. Laakiin af Maxaaga lost plenty of its originality, changing them to foreign words. It was a common knowledge and widely acknowledged in the old days that a language on the coast is far more vulnerable than those in interior, that it can easily and heavily influenced by some elements of foreign languages. Thus Maay being an interior-based language, it had an advantage over its sister counterpart, Maxaa. It retains much of its original language structural than its sister. It still also has a strong relationship with its not that distant cousin language, Oromo. An example of influence is the foreign-introduced addition of letter 'kh,' which had in a way changed the formalities of Maxaa dialect. The introduction of 'kh,' which Maay doesn't have to this day, even threatened the very existence native letter of 'Q' in Soomaali. To this day, there is a rampant confusion about these letters. If we continque Maay words in Maxaa tiri places and tribes, one such word is dhaw [or pronounced as dhab sometimes]. In Maay, it means 'beat, fight, dirir...' The places or tribes you see on it: Baydhabo [pronounced sometimes Baydhawo] Dirirdhabo [or Dirirdhawo] Bandhawoow [a Reer Xamar sub-clan] Gugandhabe [A large clan that lives in Hiiraan] In Dirirdhabo, it consists two words with almost same meaning. Baay is a tree name, so it might have to do geed lagu dagalaamay. Ban, I am not sure about it. Bankii galeyda laga jafo amee tahay. Gugan, not sure again. I heard in the Kacaan days, they wanted a Soomaali word for 'vanguard' or in other military terminology. They came up with horseed, which consists two Maay words. Hor and seed. Hor waaba iska caadi since ee Maxaa wadaagaan. Seed in Maay means 'aad, u socdo, reach, going, heading.' [Intee seedaasa? or intee u socotaa, as an example] Its closest Maxaa counterpart might have been hormuud or hormood, but in this vanguard context couldn't be used.
  10. Salaan... I am not a teacher, aniga. I am kaaba galaas. Only in the absence of a macalin would I be needed. Sarqa, join the fasalka adigaba. Nameless, dadaalkaaga wad [keep striving]. Next cashar [lesson] you need is the difference between 'shaqal gaab' and 'shaqal dheer.' Short and long vowels. For example, bar [a place; a birthmark; teach] and baar [a merciful, kind, obedient person; a tree's name]. Or gal [enter] or gaal [unbeliever]. Or bur [flour] and buur [mountain; hill]. Or bog [page; side] and boog [an infected minor place on the body; swell]
  11. Originally posted by Suldaan Nacasdiid: Geegii mariidi: Go'aygii maradii Shalmeey geerad: Shalmad iyo googarad Fad ama ha fadin waa combination of Maay iyo Maxaa. It was purportedly uttered by a frustrated Siidka upon coming all the way from Taleex to Tiyeegloow, Bakool, to seek assistance of any means. Sh. Aweys -- who led most dariiqyada in South and was based in Tiyeegloow because of his expulsion from Baraawe by Talyaaniga -- refused to help him in the war, saying 'dagaal ma fadaana.' Since the sheekh had a large following, plus sufficient geel, Siidka lobbied him at least he should assist his jihaad with some geel, if he refused manpower. Again, the sheekh gave the answer: Dagaal ma fadaana. A frustrated Siid finally said, "Fad ama ha fadin, waa lagu fadsiin." And left. Well, wuuka dhabeeye. Shortly after that meeting, his daraawiish were alleged to have ambushed the poor sheekh and killed him. _________________ Originally posted by Suldaan Nacasdiid: Geegii mariidi: Go'aygii maradii Shalmeey geerad: Shalmad iyo googarad Xarafyada see u qoran yihiin ama see ugu eg yihiin af Maxaaga ha u fiirin. It works sometimes, but it may mislead you other times. Geegii mariidi = waayadii hore ama maalmihii hore [xarafka gee means maalin] Shalmeey geerad = maalin dhawayd ama maalin hore ama saa hore ama daraad Teeda kale inkastoo Soomaali maryooleey af Maxaa ku hadlo aaminsan yihiin in uu Maay ka yar yahay its counterpart Maxaa, hadana hadaa fiiristid af Maayga wuu ka farac weyn yahay Maxaaga. Ereyo badan oo Maxaaga ka dhumay ayaa ku jiro Maayga. Tusaale: Hiraab [waaberi or aroor] Har.ti [nin ama man] Gaal [geel] Sadexda xarafba maanta waa qabiilo magacyadooda, siiba kan ugu dambeeyo oo dhowr qabiil loogu magac daray. Gaal waa meesha uu xarafka geel kasoo jeedo, which we share with Oromo. Oromada were called 'gaallo' in the old days because dad geelo ama gaalo badan lahaa ayee ahayeen, and they lived dhul badan maanta Soomaaliya kamid ah. Since they weren't Muslim, and the only foreigner Soomaali waagaas isku jireen were Oromos, they were gaalo. Waaba meesha uu ereyga 'gaal' kasoo faractamay ugu dambeyntii.
  12. Nameless, that wasn't bad. Though the macalinka is away at this time, as a kaaba galaas let me fill for him. Aniga magaceega waxaa ladhaha nameless chick. Waxaa daganahay magalada ladhaho Australia, waana magalo fiicin oo ladagakiro. Somali badan aa laydahay oo add o farbadin. Not bad. Little mistakes only, which is not that much. One such minor mistake is 'magaalo.' Australia isn't magaalo, but dal. Magaalo means city; dal, on the other hand, is country. [You can also say wadan, a borrowed Carabi word.] About your confusion regarding the letters x and h. The letter h in English and the letter h in Soomaali are both pronounced the same. X, however, is completely different from the letter x in English. English language doesn't have a corresponding or an equivalent letter for it. Read the following words aloud. Xalwo? [Yeah, that sweet thing occasionally eaten at festivals or other occasions.] How about Xamar, the capital city of Soomaaliya? How about hadal [speak]? Hada [now]? Do you see the differences? And the basic Soomaali colours are: Cagaar [green] Gaduud or as the macalinkiisa would like you to say 'cas' [red] Baluug [blue] Jaallo [yellow] Madoow [black] Caddaan [white]
  13. Macalinkeen alloow kaal, macalinkiis alloow kaal.
  14. Does it mean: Waryee maxaad leeday or something like that?? Waa u dhawdahay. Ariiroow mey fadaasa = Wiiloow maxaa rabtaa. Mise hadaan si reer Waqooyi aan u dhaho, "Inanyahoow maxaad doonee." Fadaasa ereyga 'fad' uu kasoo jeedaa, oo u dhigmo 'rabid.' Fad = rabid Fadaasa = rabtaa Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin ma maqlin miyaa? Kuwaan isku deey inaad fahantid: Geegii mariidi. Shalmeey geerad.
  15. Sul., aniga af Maay kama hadleynin. Af Maay inkastoo looga hadlo dhamaan gobolada Koonfur Galbeedka, oo ah lix, oona ahayn kaliya wax ee fahmaan hal magaalo mise gobol, sida ninka meeshaan ku qoray mooday 'except them.' Ha la iga jaahil bixiyo dheh. Af Maxaa Tiriga aan ka hadlaaye. Reer Arlaadi af Maxaa tiri markee ku hadlayaan sida reer Koonfureedka kale ayee u hadlaan. Fadaasa dheh, fagaasa beel.
  16. Badda Gaduudan, widaayoow, maxaa wax bartaa adigii ayaaba ereyo dool eh wali daba socdo. Caasimad. Bridge. Adigoo ereyo dool ah isticmaaleysid, ma u maleynaayi inay suurto gasho in af Soomaali la wada barto. Caasimad waa erey Carabi. Bridge waaba iska cad yahay. Marka Jaalle, adigoo raali ah, aan is wada saxno dhamaanteen: Caasimad = Magaalo madax Bridge = Buundo Jilci ereyada kalena. Lahjada qaaska kuu ah aad kusoo kortay kistoo yareey, maxaa yeelay meeshaan Soomaali barad baa joogo, uu kusii wareeraayo lahjado isdaba yaacaayo hadee arkaan.
  17. Anigu horta Somaliland waxaan u arkaa dal dulman xuquuqdoodiina la duudsiyay xiligii taliskii Maxamed Siyaad Barre, waa dadkii horseeday midnimada iyo dawladnimada oo markii ay xoroobeen Muqdisho la yimid iyadoo ayna jirin cid u yeedhay , raggii iyaga ahaa waa la xumeeyay si xun baa loo galay dawladdii kacaanka ahayd ee Siyaad Barre ayaa fogeysey rag baa ka soo hor jeedey gooni isu taagga Somali land oo lahaa khalad weeyaan ... So, reer Baydhabo speaks like that? It is one thing to write an article, but is completely another when quoting others by using one's own standard dialect to attribute others. When one quotes, it should exactly be written the way the quoted person says. NB, Aadan Marguus wasn't a senior nor junior member of that defunct RRA organization. He was a just an individual businessman contributing funds to that organization, same as Shariifka did. Perhaps, Haatuf should also interview me if it desperately values every layman jaamac's or caasho's opinion regarding Waqooyi Galbeed.
  18. Jini dadka galo waa jiraa, wigaaygiis. Indhaheey aan ku arkay. Waliba masaajid ayee ahayd oo salaatul leyl oo saqda dhexe ayee ahayd oo Ramadaan lagu jiray. In middle of a recitation of a long suurad lagu jiro, he started yelling with a feminine voice. I first thought the voice was coming from upstairs, where the sisters were praying. But on a repeated yelling, I finally realized the voice was from the front row and belonged to a man! That single rakaca, which was the second and last, took twenty to twenty five minutes to finish. Markii salaada laga baxay ayaa la qaaday, still yelling with a weird voice. Kor ayaa la geeye, jiniga ku jiray who was a 'woman' lala hadlay. Waxee rabtay iyo meeshee kasoo raacday sheegtay, saying she is 'in love with him.' :eek: And that she will never leave him alone. The reason she was yelling when la tukanaaye she couldn't stand that particular suurada oo wey kululaaleynay, perhaps jinis know something we don't. Sida looga tumo dadka depends on qofka, dhaqanka iyo dadka tumaayo. Dad far yareyda ama farta index ee ka xiraan markaas ayee tumaan. Kuwa dhiig diiq or dooro ayee ku shubaan qofka. Recently in Soomaaliya, it was reported dadka jiniga qabo waxaa loogu saaraa a domesticated dhurwaa lasoo ijaarto ayaa la tusiyaa. Apparently those jinis did not like dhurwaa [or waraabe], and freak out upon seeing it.
  19. Ingiriis iyo Talyaani aa la kala xigsanaa mahaan, yaah. Bas waaye, aniga Jarmal aan u safanaa. Bakinbaawar, here I come. Roomaniiga, Matiyoos, Foolar, Kinismaan, here we go. Only Soomaalis. Laba gaal oo daba gaduudan, oo dano doon iyo gumeysidoon ahaa. And for odeyga geeriyooday, Soomaali ayaaba awal dhaheen nin dhintay kabtiisa ayaa dhaanto. Dambi yaala raadsan. Wixii tagay waa tageen oo Eebahooda aaday, kuwa na horboodaayo maanta yaa dhaamo?
  20. Daanka, sanboor daawo waxtar leh ma arkin. Aniga sanboor maalintaa dhashay ilaa hadaan qabo, oo waa mid kuwa ila dhashay dhan badankiis wada qabno; aabaheynaa aa laga keenay. Mid xun ayuu qabi jiray aabaheena xataa marmar neefta ku reebeyso, aniga xataa markaa yaraa aan kan neefta qabi jiray, oo daadawiis neefta igu buufin jiray, laakiin hada kan neefta waaka roonaaday. Aniga kan kuleelaha aan qabaa, oo summerkii ayaan dhib isku qabnaa meeshaan. Soomaaliya markii la joogay aad aan ugu dhiboon jiray, duhurkii markii la gaaro oo wax walba dhagdhag ahayeen, taqsina sanka kuu daba taagan. Anigoo iska ilooway sanadyo kahor aan ku noqday Soomaaliya, lee...Ar maxee igu soo noqotay. Maalmo dhan ayaa 'xadishoow' ku jiray. NB: Qofka kaa koreeye aad la hadleysid igaartoo waaye, ma'aha igaar. NB: Yaa daandaansataa? Hadaa daansi rabtid, sankeey taabo, adigaa arkeysid tii ka dhacdo.
  21. Hala kala saaro booranaha, saarka iyo kuwa kale. What you witnessed Qalaf is that mother was possessed by jini. Was she screaming with a complete new, unrecognizable voice when she was hit with dagger? "Somalis believe spirits reside within each individual. When the spirits become angry, illnesses such as fever, headache, dizziness and weakness can result. The cure involves a healing ceremony including reading from the Koran, eating special foods, and burning incense." They are confusing about the spirit (ruux), naf (soul) and jini possessions (what they still called 'spirit'). Ruux or spirit never becomes angry, since it is part of the individual. It is the malevolent jinis that possess humans, not spirit.
  22. Waa war lagu farxo. Gu'ga baa lagu jiraa. Laakiin waxaa i depress gareynooyo mustaqbalka soo socdo. Hadaa og tihiin dhuxusha laga dhoofiyo dekadaha Kismaayo iyo Baraawe, siiba tan Kismaayo oo aad u weyn, waa iska wada ooyn lahayn. Intaas geed la jaraayo, Jubbooyinkii iyo Shabeellada Hoose saxarada laga dhigooyo. Hadaan anaga is nacday, as Awkoombe said, roobna waana nici doonaa mar saas u dheereen.
  23. Anigana far sadexaad aa ii taagan. Is the huuno available? The Jawaahir[is] I had seen are always beautiful, somehow. This Jawaahir with its matching beautiful dirac, however, deserves a little
  24. Saaxiib, I mostly come here at night shifts, this time around. Wixii qabiil lagu dhigo meeshaan, ama aroor ha ahaato ama habeen, markaan imaado habeenkii ayaan fiiriyaa. Otherwise, Admin. does mararka kale. Your post didn't 'trigger' me to edit it. I edited all of them, wixii saaka ama galabta la qoray to now. Hadaa si kale u fasiratay, waan ka xumahay.
  25. Question: Why is it called Nugaal University? Isn't it in Sool and not Nugaal? I think it's confusing. Why not Sool Uni? Daanyeer, most current degmooyin of Sool, including Laascaanood, was part of Nugaal gobol as as recently as 1988 or '89. Sool was the last gobol la dhiso by dowladii dhacday.