Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    300

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Aawey dadkii inundated sawirada iyo qoraalada noo keeni jiray? Maxaa warkaan loogu soo guurin waaye meeshaan. Oh, war lagu farxo ma'aha. Well, here you go: Somehow, amusing waaye. Difaaca jiritaanka beesha. NB, the defeated Muuse aw Yalaxoow and his equally inept mumbling counterpart Bashiir Raage are just using their reliable insurance -- clan insurance, which always predates anything. Shil bee galeen, and anybody who is in shil knows, one turns to what is always safe reserve account.
  2. MMA....Amiin to dat horta...Not big fan Gardheerayaal..huh..loool Runtaa waaye laakin...Gardheer won't have any credibility if they don't disarm Caato, Qeybdiid, Aidid Jr, basically the lot from Mudug and Galgaduud. Widaaygiis, aniga waligeeyga reerahaan seef laboodka ah highly suspicious aan ku ahaa. And I don't think iyagoo awalba awood lahayn ayee wax sheegi jireen, maantana kistoo little power helay maxaa u maleysaa. For one thing, dadkaan seefta laboodka badan waa dad magacangag ah, oo wax oo tooda ahayn, mabda' tooda ahayn aanan yeelayn. Tanaasul wax la yiraahdo afkooda ma qabto. Aniga Xamar waan tagay, duqa. Waan soo arkay waxee yahiin, wax qumana masoo arkin. Wali waagaas isbaaro ayaa u taalay wadooyin badan, euphemistically waxee ugu magac dareen 'jidgooyo canshuur laga qaado,' instead of what they are: Isbaaroooyin. Diinta waxee ka aaminsan yihiin isoo raac ama seefta ayaa ku taqaano, oo qofkee is mucaaradaan aflagaado loogu daro, sida gaalraac, munaafuq, daalim iyo jihaad aan ku jirnaa, iyo waxii saas lamid ahna. Waa dad ka faa'ideystay qaxarkii dalkeena ka dhacay. Anaga diin quman oo la is xishmeeyo ayaa ku dhaqmi jirnay kun sano iyo ka badan, oo hadii mabda' la isku qilaafo, xoog ma jirin, ninba tiisa uu ka adkaan jiray oo la isku ixtiraami jiray. Maya, iyaga ma yaqanaan saas. Waxaaba moodaa furaha janada inay iyaga gacanta loo galiiye oo qofkii galaayo iyaga lala tashado. Markuu Indhamadoowe idaacadaha ka lee yahay, waa qabqablaha ugu weyn xooga ku heysto Shabeellada Hoose, qabqabliyaasha kale dad diinta ka baxay oo xaasaskooda ka furan. Ninkaan camal ayaa ka buuxo qolooyinkaan surwaalka gaaban. Hadee Islaanimo ka tahay, mida koowaad Indhamadoowahaas ayee run u sheegi lahayeen, oo masaakiintii ka sakoow dhirtii dhameeye oo waa taas dekadda Baraawe laga dhuufiyaa. Jubbooyinka iyo Shabeelladaba saxaro iyo nabaadguur uu ka dhigay. Aawey diintii? Kama hadlaan taas. Korneel Aweys oo waligeey taas ka hadlaayo ma arkin. Same with wadaada ku sheegaan maxkamadaha la baxay. Teeda kale maxkamadahaan markee qabsadeen Balcad iyo Dayniile, waxee xukunka loo dhiibay dadkii deegaanka u dhashay. Maxaa loogu diiday saas dadka deegaanka u dhashay oo gumeysi ku jiro in Shabeellada Hoose iyo Jubbooyinka qaar kamid ah ee iyaga ka taliyaan? Maxaa loogu diiday qof deegaanka ka dhashay in Baraawe, Marka, Qoryooleey, Afgooye, Daafeed, Sablaale, Jilib iyo meelahaas kale loo dhiibo. Maya, waala iska indha tiraa. Teeda kale dadkaan leh waayadii dagaal-oogiyaasha waa u dhamaatay, I didn't know they only controlled Xamar. Dagaal-ooge is firm and alive, and well waliba. Waa kuwaas meelahaas ka wada taliyo, hadii kuwii Xamar ku haray xataa hadii laga soo tago: Seeraar, Goobaale, Xaabsade, Shaatigaduud, Max'ed Dheere, Dabageed, Sheydhaan Madoowe, Hiiraale iyo baando kale. Qabqable jabo kuwaan ma ugu horeynin. Kuwa badan ayaa ugu horeeye, kuwaan waxee ugu duwan yihiin kaliya warbaahinta Soomaalida iyo caalamka ayaa kusoo jeeday, oo nalka ku shidnaa. Kuwa iyaga ka horeeyo oo siibtay waxaa kamid ah Axmed Cumar Jees [at one time one of the most powerful warlords, perhaps the second most powerful]; Gabyoowgii geeriyooday; Cali Mahdi Max'ed; Max'ed Xirsi Moorgan. Caydiidkaan yar oo asagana ku socda jidkaas.
  3. Originally posted by General Duke: MMA & Horn stop muddying the arguments. Significant events are taking place. So lets just get the news flowing and less on the clan talk. I don't know meeshaa clan talk ka keentay, widaayoow. Runta lee u sheegaaye dadka qabiilka caabudo nooh, marna diinta isku qarinaayo. This guy ayaa Xudur ila aaday, a town I had never been to, had never lived in, never intend to live either too. Hadduu Xamar ila aadi lahaa, haa, wax la kasi ayee ahaan lahayd nooh, maadaana ee tahay meeshaa kaliya aan aqaano oo aan ku dhashay aan meelna ugu bixin intii dagaalada ka dhaceen, oo aan xataa kaliya booqdo. Mise Xudur iyo Xamar uu isku qaldoyaa, igaarka, maadaama uu isku dhex yaacay.
  4. Siyaasiyiin,odayaasha dhaqanka, Haween, Culima’uddiin iyo Aqoonyahano ka soo jeeda Beesha ayaa loogu yeeray Magaalada Baydhabo inay tagaan ugu dambeys 8 bishan si ay uga qeyb galaan shir 9-ka bishan Beeshaas uga furmaya Magaalada Baydhabo. Maaaaaaaan. Saan ma dambeysay aqiyaartii 'unugaa Banaadir leh' ku heyn jiray mar walba? Awalba dadkii Xamar founder gareeye, the original native residents [reer Xamarweyne, Shangaani, Shibis, Xamarjajab] ayee xoog u sheegteen, haka saarto markooda in xoog loo sheegto. Tooka bar tooka, ayaa la dhahay. Maanta xataa inay ka baqaan shir ay ku yeeshaan Xamar gudaheeda ey gaartay. Yaab-iyo-aabaheed.net
  5. Salaan... Now comes the hard part as always who is going to run day to day activities,oh by the way did this mean stolen houses will be returned... The fighters of these fake wadaado with their equally misleading "Islaam" cloak are the residents of those xalaalized "stolen houses." That is why you had supporters of these war-mongering wadaado ku sheega on Tarbuunka on the other day, ironically dadka xabbada leeyneyso waa so-called supporters oo iyaga ah. Teeda kela Xamar qabqable lagama sifeynin wali. Muuse Suudi Yalaxoow is there, in the whole discrict of Kaaraan; so is Cumar Filish, in Wadajir [Madiina]; so is Cabdi Qeybdiid in a crucial road block to Afgooye. So is even the minimally defeated Bashiir Raage and his junior Beebe at Shibis and Boondheere. Caydiid Junior of Filla Soomaaliya, of Wardhiigleey. Cismaan Caato of Isbitaal Digfeer, Isbitaal Banaadir and Lafoole. Many sudden experts in their cushy keyboard-ku-dirir of this prolonged Muqdisho conflict on this board, what they completely miss is that at one time in early '90s, Xamar, nay in the much of South, was completely in the hands of one powerful and biggest warlord of our Soomaali civil war -- Caydiid the senior. In those days, the only part he didn't control were suburbans of Kaaraan and one main intersection in the middle of the city that united three degmooyin -- Isgoyska Dabka. Caydiid thus controlled more than what the so-called courts can even dream about to control now, before his militia was pushed back, which later became the de facto invisible line that officially separated the city -- green line or qadka cagaaran. As Soomaalida dhahaan, aragaane. Aragaane wixii kasoo baxo. Dagaal dambena Eebbe Xamar iyo Soomaaliyaba kama rido. Aamiin to that.
  6. Bishaaro, Sawaaxiligaan aad naga daba wadid iyo magacyadaan qaabka daran oo lagu dhawaaqi karin xataa ayaaba kugu nacay labadaan bari. Magac maashee, Tyj...maba kari, yaahuu. Kiikuuyo [Kuukaaye] maa ka keentay? Mise Kalenjiin? Heestaas reer Kiinya wadaniga u ah, Luul Jeylaani oo qaadeyso maa ka maqashay? Maxee ahayd horta? Jambo, jambo saana; habaari, habaari gaani. Wakarabisha. Keenya, Keenya yeeto... War maba awoodi waxaas, oo maba xasuusan kari. Kud ku dheh ganfuurweynyaashaas iyo wixii astaan u ahba.
  7. Gaal dil gartiisana sii Waxaa i soo booqday eedaday Birmad curadkeedii. Ima soo booqane waxaa ii soo baahday ninkii Raas ahaa. Anigoo gurigayga markaa ka soo baxay, gacan bac ku sita, gacanta kalena sawir gacmeed aan u siday kuwa gallery lahaa, ayuu Raas iga hor yimid. "Qarni haye," buu yiri isagoo is atooraynaya. "Haye" baan iri. "Maxaad haysaa?" "Maxaan hayn lahaa?" Meel baan ka daahsanahay mana doonayn ninkan hadalka badan inaan u furo. Wuu arkayaa inay taydu ahayn maalin fudud oo wakaa fiicnidiisa inta alaabadaan siday ila qaaday, talaabada ila qabsanaya. Baabuur ma lihi oo baskaan rabaa inaan alaabtayda la raaco. Raas baase diidan. Waxaan qaadanay baabuurkiisii quruxda badnaa ee sida lagu sheekaysto uu ku dhaartay hadduu arko qof Soomaali ah oo mid u dhigma ama ka qaalisan kaxaynaya in uu kiisa qashinka ku dari doono: "Isaga macal furahiisa." Baabuur bas ma aha ee Raas baa sidiisaba wuxuu sameeyaba Soomaalida ku xumeeya. Nolashiisoo idil nacab buu ka wadaa. Hadduu kabbaa ugu yare gadanayo waa inay ahaadaan kuwa ayna Soomaalidu gashan, oyna karin. Sigaarka oo kale kan Kuubaanka ee kuuskuusan buu cabaa. Qaadka ma cuno. Waxaase qaanadda ugu rastaysan qamriga sooyaalka qaaliga ah. Waa ninkii ciyaaraha barafka u bartay Soomaalida waa laga badiyaa. Iska daa wax kalee wuxuu dalxiis u aaday dalal aynaan maqal iyo magaalooyin aan maabkaba ku ool. Nasiibdarro kuwo dacaayadaynaya waxay lahaayeen mar uu Koosta Rika tagay kuwa ilma'adeeradiisuu ku soo arkay. Waxaan hubaa, lama helayee, haddii la oran lahaa soomaalidoo idil waa la janaynayaa in Raas uu jahanama rabbigii weydiisan lahaa. Markaan dantaan maalintaa lahaa soo dhamaystay, dhowr meelood oo aan u baahdayna aan isku marnay, wuxuu noo hor kacay meel aan wax ka cunno. Magaaladii buu naga saaray, mar aan isleeyahay muxuu soo wadaana wuxuu na geeyay Giriig resturanti. Hadda ko hor inaan imid meelmeeshaanoo kale ah iyo in kale ayuu i waydiiyay. Waxaan u sheegay inaan imid. Muuna jeclaysan jawaabtayda. "Kuuriyaanka kibistooda macuntay?" buu i su'aalay markaan tagnay miiskii naloo tilmaamay. "Ma cunin" baan iri ilaah baa ilehe. "Isku day baan ku oran lahaa, hadana waxaan xasuustay inaad arday ahayd. Bariiska Shiinaha ku ekow. Isagaad awoodaan. Mar baanse rabbaa inaan kuu kaxeeyo maqaayad ay leedadahay naag Fiidnaamaysa oo waa dhexdaasa wax naga dhexeeyeen. Waxaad ka helaysaa hilib fardood oo si fiican loo soo kariyay. Farahaagaad goosanaysaa haddaad i raacdo. Farduhu waa dynamic." Ina adeerkay eraygaa aad buu u adeegsadaa. Wuxuuna ugu jiraa halka kalmada hawraarsan soomaalidii hore ugu jirtay. Wax walba wuxuu dhahaa waa dynamic. Gabar Giriig ah baa aniga iyo Raas waxaan rabno na weydiisay. Doofaar buu dalbaday. "Adeer ka waran?" buu yiri markuu dhowr fargeeto goostay. Adeerkay Afdiir isbitaal buu ku jiraa. Ayaan dhexdaas ah baa la dhigay. Raas markuu iga waraysanayo wuxuu rabaa inaan Suubban soo haddal qaadno. "Adeer ka waran?" buu ku celiyay. "Meeshiisii" "Suubban Afdiirna?" "Sideedii" "Ma gudnaan maqlee?" Waan ka aamusay. Wuu dareemay inaan doonayn inaan ka hadlo. Dabadeed wuxuu guda galay dantuu iga lahaa. Xafiiskii uu furtay (Somali Community and People) ee uu ku faani jiray ayuu ka cabsi qabaa in laga qaado -- naag laga cabsado oo Raas iyo ragga kalee xafiisyada furtay ay ku xantaan waa Carraweelo ayaa kormeere ku soo maqan. Waxaa la rabaa in la ogaado wuxuu hayo iyo dadkuu u hayo; in la arko islaamuhuu afka baray, caruurtuu ciyaarsiiyay, dagaalkuu la galay gudniinka, dadkuu dajiyay, waraaqahuu turjumay, dharkii barafka ee u bixiyay, dhalinyaraduu shaqaalaysiiyay; in la hubsado lacagtay galiyeen meeshuu geeyay. Waa go'aan dowlad gobaleed. "Qarniyoow inaad laga roone tahay, xafiiskayga ma timaadid, waxaan lagu oran adeerkay baa ku dhalay. Hadana cuqdad kuuma qaadi karo oo adigiyo Ina Kariyaba waxbaad barataan. Midse ii sameeya. Beri waxaa nala balansan naag dhib badan. Waxay baaraysa waxaan bulshado u qabano. Waa naag xun, niman soomaalidaas kale ah baana igu soo diray. Waxaan adiga iyo Kariye iyo Suubbanba idinka rabaa inaad meesha ii soo camirtaan. Gaar ahaan adiga waxaan rabaa inaan kugu daro dadka aanu sheegayno inaan shaqaalaysiinay." "Sug saaxiib" ayaan la soo badaaday markay ii muuqatay meeshuu wax ku wado. "Waxba ha'iga qorin. Way igu adagtahay inaan waxaad gaar ahaan iga rabto sameeyo." "Ma saas baa?" "Haa" baan iri, "Dadweynaha imaanayase inaan noqdo waxba kama qabo." "Shirkeennu bulshadoo idil buu u banaan yahay. Taayadu ma aha xero qabiil. Imow beri todabadiyo barka. Ha soo daahin sida Soomaalida." Markuu intaa yiri wuxuu ku celiyay inayan tiisu ahayn "xero qabiil", wuxuuna xusay hebel iyo hebel Soomaali Maxamed ahi inay xafiiskiisa ka xamaashaan, meesha niman ilma adeeradiis ahi ay intaa arji u soo qoranayaan. Raas beentiisii buu u riyaaqay. Anse kama akhrisan. II Shirku wuxuu ka dhacayay dhulka hoostiisa. Waana loo dhammaa. Ardaaga kore waxaa tubnaa anna i soo tilmaamay gabdho dharkii "hidiyo dhaqanka" wata, calamada labada wadanna warfinaya. Qolkii weynaa ee dadka badan qaaday ayaan soo galay anoo kaligay socda, dadka qaarkii muuna iman qaarna wuu imaanayaa anoo arkaya. Meeshu waa meel hanaansan dad hormar doonayana ay soo habeeyeen. Olale weyn baa ii muuqda. Gidaarada waxaa laga simay sawiro Soomaalida Kanada ku saabsan oo laga qaaday dadka xafiiskani uu wax u qabto. Waxaa kaloo darbiyada ku daadsanaa halhaysyo aan wado hayno, sidaa `aqoon la aani waa iftiin la aan` ama 'aan is weheshano walaalayaal' iyo ugu danbayntii 'dugsi ma leh qabyaaladi.' Meesha mudanayaasha la maaganaa inay fariistaan waxaa barbarkeeda babanayay labadii calan oo cirka lala simay. Anoon wali qolkii qof ahaan ka bogan ayaa waxaa soo saftay guddigii dowladda gobalku soo dirsatay. Waxay ka kooban yihiin haweeneey ookiyaal xiran iyo laba nin oo xanaaqsan. Waxaa la socdo nin Soomaali ah oo turjubaan iyo la taliyeba u ah. Dhanka Raas iyo raggiisa way dhan yihiin. Waxaan arkay hebel iyo hebelkii uu ku faanayay. Waxaan kaloo arkay hebel iyo hebel uu ka kala tagay. Saf waxaa ku jiray dhowr islaamood oo isugu jiray eedooyinkiis iyo habaryarihiis oo buuggaag cusub babinaya, qalimo markaa loo qaybiyayna si qalad ah u haya. Laba nin oo si si ila ahna inta dhar nadiif ah loo xiray ayaa golaha dhexdiisa la fariisiyay. Mid baan gartay; wuxuu qabaa Raas walaashiis Sanyar. Hooyo Soomaaliyeed iyo caruurteediina waa diyaar. Waxaa kaloo goobta joogay arday Soomaaliyeed oo sidii ubaxii kacaanka dhar isku eg lagu dhex riday, si qaabdaranna u qaadayay heesta calanka Kanadiyaanka. Raas isaga rabsho kama muuqato. Wuxuu qabaa dhar qaali ah iyo jaakad sidaan jeclahay talyaaniga lagu soo tolay. Qoorta waxaa u suran qool uu ka sii laalaado qalin qurux badan. Ilama aha inuu i arko. Dadkuu kala duwayaa, marna kala hagayaa, haddana kala habaynayaa.. Qof walbana wuxuu rabo Raas buu waydiinayaa. Mar wuxuu u tagayaa odayaasha tolka, marna islaamo eedooyinkiisa ah. Qofkii soo galaba wuu salaamayaa gacalnimuuna intaa gudbinayaa. "Dynamic" taasuu hayaa. Waxaa shirka furay, faataxadana noo akhriay wiil reeraha ah. Markuu dhameeyay Raas ayaa u mahadnaqay Mursal, intaana ku daray in diinta iyo dhaqanka ay yihiin laf dhabarka dadkeena. Isagoon hadalkii ku sii dheeraan wuxuu soo dhaweeyay guddigii dowladdu soo dirsatay. Waxba mayna didine waxay islaantii ookiyaalaha wadatay dooddii ku soo ooday in ayada uu tuhun ka galay xafiiskan, ayna rabto inay ogaato sababtuu u furan yahay iyo wuxuu Soomaalida u qabtay. Waa la yaabay. Qofna muuna filayn inay si toos ah oo qayaxan weerar u soo qaadi doonto. Ninkii Soomaaliga ahaa baa la wada eegay sidii uu isagu soo diray. Raas ma ahayn nin la handadi karo. Intuu soo qabtay buu tiriyay: "durmarkaan idin horfadhiya" buu yiri intuu eedooyinkiis oo wali buugtii babinaya farta ku fiiqay "xafiiskan ka hor eray Ingiriis ah mayna aqoon maantana way ku murmaan." Wuxuu markuu intaa yiri u tagay labadii nin ee golaha dhex fadhiyay. "Labadaan aad arkaysaan," buu yiri isagoo isku kalsoon "Wax waalan bay ahaayeen ilaa aan wax u qabanay." Markuu dhowr tusaale oo meesha taagnaa soo qaatay wuxuu eedeeyay gudigii gaalada ahaa, wuxuuna codsaday in caawimaadda loo soo kordhiyo. Waxaad wadaan buu yiri waa hoo oo ku dhimo. Waxuuna madax adaygiisa u turjumay maahmaahdii gabadhu tiri mana wasni warna i raac. Mudday qaadatay in loo micneeyo murtida ka danbaysa oraahdaa iyada ah. Markiise lagu guulaystay, gaaladii, waliba haweenaydii ookiyaalaha wadatay, way ka heshay, waxayna soo qaadatay qoraa Kanadiyaan ah oo Soomaalida suugaanteeda amaantay. Raas wajigiisa farxad baa soo fuushay, wuuna furfurmay. Wuxuu iska dhigay nin maskiin ah oo loo tashtay, isagoo naftiisa difaacayana wuxuu doodiisii ku yiri: "Soomaali haddaan nahay been waan sheegnaa beense kuma maahmaahno." Maadaama u si fiican u turjumay tanna gaaladu way la garatay. Meeshaasay ahayd inuu maahmaahyaha uga haro. Muuna yeeline mid dabin ah buu dalaq yiri: "Maahmaah kalaa jirta ee marka hore aan af soomaali ku sheego. Soomaalidu waxay kaloo tiraahdaa gaal dil gartiisana sii." Wuu galay. Ninkii Soomaaliga ahaa ee dowladda la talinayayna waa diyaar. Raas waxaa laga rabaa inuu maahmaahdaas turjumo. Asba wuu gartay markay afkiisa ka soo baxday inuu dabin galay. Wuxuu bilaabay inuu balaayaduu keenay bixiyo. 'Gaal' wuxuu ku fasiray qof aan Ilaaheenna aqoon, wuxuuna yiri waa la dilaa, dabadeedna waxaa loo sheegaa buu yiri sababtaad u dishay. Ajnabigii baa argagaxay. Way garan waayeen siduu wax u wado. Dilkana maxaa keenay bay is yiraahdeen. Ku noqaa la yiri. Raas baa ku noqday. Markaan ma'aqaan meeshuu ka keenaye 'gaal' wuxuu ku macneeyay qofkaan Soomaali ahayn ee dagaal lagu qabto. Way u socon waysay. Ninkii Soomaaliga ahaa baa isku dayay. Wuxuu yiri, isagoo dadaalaya, "dil qofkii aan Muslin ahayn wuxuu doonayana sii."[ ] Gaalkii garabka ka fadhiyay ayaa si xun geeska uga eegay. Gaaladii way soo taagan yihiin waxayna kaga dhagtay maahmaadaas dhacday. Mid baa ani i waydiiyay waxa la isku dilayo, qof dhintayse sidee buu gar u qaadan karaa. Waa yaabe waxay is yiraahdeen sir baa fakatay, oraahdaas aragtida ka danbaysa hadaad ogaataan soomaali waad ka sal gaaraysaan. Raas iyo raggiisii dib bay isugu noqdeen. Dhowr islaamood oo eedooyin ugu aadanaa way ku ag wareegayaan. Raas wuu qalqalayaa wuuna og yahay hadduu sadexdaa qof qancin waayo in xafiiskiisa la xirayo. Anigu waxaan ka mid ahaa kuwii uu goonida ula baxay si ay xujadaa iyada ah xal ugu helaan. Maadaama aan jaamacad jiray waxay iga filayaan inaan ina adeerkay fakiyo. Nasiibdarro, luqadaha ma baran, Maxamed Kariyena ma'ahi. Ayadoo madaxa aan iskula jirno ayaa Raas oo aan is ogayn maahmaah kale adeegsaday. Wuxuu nagu yiri "hadal nin si u yiri; ninna si u qaaday." Habaryartiis Culus baa afka qabatay: "War meel joog," bay tiri, "Maahmaahdanbana yaan lagaa maqal, middii horaa kugu maqane." Eedadiis Rumaa ku raacday "Balaayaduu keenaan bixin la' nahay markaasuu buur kale koraayaa." Waa lagu wada kacay. "Meesha ma waxaad mooday googaalaysi iyo in gabayo la isku tirinaayo. Gaalaa ku sugaysa." "Ka qaadqaad adaa qaladka keenaye." "Dabakanaax, ma barwaaqadii buu eeday?" Raas wuu waalan rabaa. Mar wuxuu eegaa islaamihii haaraamayay marna ajnabigii sugayay. Wakhtigu wuu ku socdaa dadkuna way wareeriyeen. Talaa ku cad, tusaalaana laga raacay. Goor danbe oo nala daahsaday ayaa gaaladii loo noqday. Labo sidoodii bay u fadhidaa midkoodna intuu sigaar soo dhamaystay buu la saftay. Dowladdu waa diyaar. Markay dhowr qof oo aan ka mid ahay hadalkii qaateen maahmaahdii way sii qaabdaraatay. "War dynamic ku day" qof gadaal ka yimid baa soo qayliyay. Balaayaa na haysata. Naftii baa naqabatay. Cid maahmaahdii micnaysa ceebeey nalaka waa. Maalingaal bay tani ahayd. "Balaaya kuu maahmaahatay," eedadiis oo leh baan maqlayay anoo sii baxaya, "Bal maxaa ku watay." _______________ W/Q Wiilwaal.
  8. Salaan... Xijaab iyo jilbaab ha isku qaldin, widaaygiis. Any garbasaar can be xijaab, oo waligeydba dhaqanka suuban ee Soomaalida soo jireen u ahaa. Not Carab-style, later-day comers meesha ku hufan. Seeftana, mise qori waaye waxa meesha suran, dib u dhigo, diinta qof aad ka xigtid ayaa iska yar. Hadaa shaleey baratay waa lagu baraa oo laguu kala dhig dhigaa, iska weydii oo ha xishoon, laakiin dhig seefta, dagaal ma fadaana unuga, kastee igaarkeey?
  9. Had it been about a certain brutal warlord, who occupies land uu shuqul ku lahayn, dadka saan safka usoo galay condemning other warlords, who do not even occupy others' lands, what would have they said? Jihaad? Halgan lagu difaaca the brutal warlord? Huuhaa iyo hiihii. One calls him a "God-like..." The other cannot even admit he is a warlord at all. Dadkaas ayaa hadlaayo, diintana inay ka hadlaan rabo.
  10. Iskool ee hayaan ayaa iska yar ka ahayn waxee Carabta lacagtooda lagu masruufa, oo sida taariikhdeena soo jirintaanka qandaraas ku qaatay inay baabiyaan. Waaba isla iskooladaas manhaj Carab, taariikh Carab iyo wax kale lagu barto. Magacyadii qumanaa loogu wici jiray iskoolada laga badalay, la siiye Abuu hebel. Dadkii Soomaali usoo halgamay iyo taariihdii maalmaha muhiimka ahaa magacyadood laga badalay. Axmed Gureey laga badalay iskoolkii la dhihi jiray magaciis. Sheekh Madar waa laga badalay. Koowda Maajo waa laga badalay. Sakhaawadiin laga badalay. Su'aasha wali waa taalaa, dad taageersan ayaa iska yar ka ahayn waxee soo aruuriyeen, oo dhaqaalo intas la egna ma awoodaan dadkaas nolol maalmeedkoodaba wax u weysan. Su'aasha taagan oo laga jawaabin waxee tahay: Yaa dhaqaalaha ku bixiyo? Dad baa masruufo iyo waxaas hala soo shir tagin, baliis. Hadee Soomaali jaceyl ka tahay, dowlada jirto ayee taageeri lahayeen. Hadee shacab badbaadis ka tahay ciidamo shisheeye dalka la keeno ayee ku taageeri lahayeen. Mar labaad hadee xaq wadaan gobollada la xooga lagu heysto oo kan heysto iyaga la safan ayee runta u sheegi lahayeen. Dhaqan Carbeedka ee caabudaan waa kasaa. Sidii baabuur camal abaayasheen loo daday, xataa hal far laga arkin, xataana ma usoo dhawaan karaan meeshee ka qudbeynayaan, iska dhaafee inay codkooda dhiibtaan.
  11. They also learned the true art of war propaganda -- manipulating media. Tii ugu afka dheereed caalamka Islaamka waliba -- Al Jasiira. Yep, Al Jasiira is based on xaafadaha they control, and, like Shabeelle, they, maxkamad ku sheega, escort them to their latest captured four block, including that Suuqa Xoolaha the other. Shacabka baa la jiro kulahaa. Go to Siisii and declare to residents there maxkamadaha ayaan la jiraa dheh. Go to Dayniile, do likewise that. Go to Shibis, C/casiis. Go Madiino. Go to Bermuudo. Hadee diin dhab ka tahay haka hadlaan the occupied gobollo of Shabeelllaha Hoose and Jubbooyinka by their militia cousins, oo usoo gurmado waliba. Otherise, diin ma jirto meesha. Even if they were asked they won't answer that question oo meesha uu dhaqliga kasoo galo, same like sababtee wajiga u duubtaan. Ilaa hada waan kasi la ahay sababtee wajiga u duubtaan since dhulka lagu dagaalaamyo ahayn saxaro, mise cabsi ayaa heyso oo wajigooda qarsanayaan, yee ka qarsanayaan oo ka cabsanayaan markaas?
  12. Yarka iga koreeyo, intaanan Islaam iyo wax kale ka hadlin: How is your worshipped idol "God-like, honoured and respected" war[LORD] Hiiraale doing? Do you still keep a shrine at home, dedicated absolutely to his every whim? Nin qof -- no, not qof, but a dagaal-ooge, fidna-wade, a classic warlord -- caabudo qofkii la doodi jiray ayaa ka gardarnaa. Taas kasoo towbad keen intaadan lasoo shirtagin wax kale. Ii baashaal aan ku dhahay mar labaad.
  13. Yaa dhaqaalaha siiyo wadaado isku sheega maxkamadaha? Hokey, waala isku raacay qabqabliyaasha iyo dagaal-oogiyaashaba in Mareykanka doolar ka dhameeyeen oo Tigreyga Addis Ababa joogana hubka usoo dhiibo, oo wixii kalena isbaarooyinkooda iyo garoomadooda diyaaradaha ku qaadan ku jiray wali ka dhamaan, laakiin su'aasha qof walba isweydiinaayo ku saabsan dagaaladaan isdabajooga Xamar ka socdo waxaa waaye: Yaa biilo, oo dhaqaalaha iyo masruufkaba bixiyo kuwaan maxkamadaha isku sheega? Kuwa waxee lee yihiin ganacsadaha qaarkood ayaa kaalmeeyo. Waa jirtaa, laakiin wax saan awood siineyso ganacsade Soomaaliyeed oo Xamar ku sugan kuligood la isku daray ma u maleynaaye. Kuwa waxee lee yihiin isbaarooyin yar yar waxa kasoo galo ayee yareystaan. Taas ma soconeyso, oo dagaalkaan halkii maalintii kumanaan kun oo doolar ayaa ku baxdo. Kuwa waxee soo jeediyeen, sida ee Qaramada Midoobey qortay, Eritareeya ayaa hubka siiso. [if Tigrey regime chooses jano, Eritareeya will choose naar saas ayee isku naceyb yihiin Asmara regime iyo Addis Ababa regime.] Taas macquul waaye, laakiin hub kaligiis wax ma taraayo. In a continued, endless war, other logistics waa laga maarmaan. Sida shidaalka, baabuurta SUV-ka cusub baroomada saaran ee wataan, hard cash. Xataa Indhamadoowe canshuurta uu xooga kaga soo qaato Shabeellada Hoose ma anfaceyso, oo kuma filno maadaama waxaan dagaal mar iyo laba mar ahayn, oo bilooyin jirsaday. The final theory waxaa loo maleyaa in Carabta laga masruufo, albeit discreetly, siiba Sacuudiga.
  14. Nuune, dhacdadaas wax laga naxo waaye. Laakiin waxaa u maleynaa dadka geystay waxaas meel ayaa laga haaye, oo ciil ayee qabeen, inkastoo maati waxba galabsan inay saas u gaalaan waa xoolonimo. Ciilka haaye aan ka wado waxaa waaye Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Huriwaa kor waxaa ka socday markaas Booli Qaran II, oo xataa qabuuro meesha ku yaalay ayaa la faagay, laga dhistayna daarad waa weyn iyo filooyin. Dadka buga ciilkaas ayaa ugu duugnaa aan filaa, oo ku kaliftay ayaandaranimo inay xasuuqaan shacab iyo maati, ku jiraan ciyaal iyo haween waxba galabsan. Go'doon kale oo waxaa jiray ka dhacday Carwadii ku taalay Taleex. Askartii Darawiishta ahaa ayaa xoog iskugu rikibay Carwada dhexdeeda, oo xataa ka dambeeyeen maalmo markii Siyaad Barre laga saaray Xamar. Markaa Xamar kusoo noqonay toddobaadyo ka bacdi ayaan arkay see Carwadaas u burbursanayd, inta kalena xaafadaha kale caadi u ahayeen. Saa'id ee isku duqeeyeen jabhadii USC iyo ciidankii Daraawiishta la dhihi jiray meeshaas dhufeys u galay. Uultima markee arkeen in uu meesha neef ku jirin, oo wax ee difaacaayaan aysan jirin ayee xoog ku baxsadeen, iyagoo lagu wareegsan yahay waliba.
  15. I hope more Somalis become less emotive and see things clearly. Jamaal, true nationalists aren't against kala jarida Soomaaliya because as a result of emotion iyo wixii lamid ah. Maya. No. The majority dadka waxee ugu soo horjeedaan kala gooynta dalkeena suuban for one reason: Hadee baxdo Waqooyi Galbeed, ha is weydiini Waqooyi Bari ayaa ku xigi doonto. Waqooyi Bari hadee baxdana ha is weydiinin inay ku xigi doonaan gobol walba meeshaa ahaata laga goynaayo intii laga gaaraayo heer tuulo walba ku dhawaaqdo gooni isku taag. Xataa maanta Waqooyi Galbeed iyadoo meelba gaarin gobolka Awdal kuwii kasoo horjeedo gala go'a dalka ka ahayn, kuwa kale qaarkood oo dego isla gobolkaas ayaa ku haayo "Awdal Republic." Hadaanan la isku heynin Soomaali, oo Soomaalinimo wadaagin, oo iskaashi iyo midnimo socon, wax soconaayo maleh. Koonfur wax la dhaho ma jirto hadee Soomaalinimo socon weysay, markaas Koonfurnimana ma soconeyso maxaa yeelay Koonfurta wey ka weyn tahay, wey ka dad badan tahay iyo ka diversity duwan tahay labada Waqooyiba -- intaasba Soomaalinimo ayaa isku heyso, hadee Soomaalinimadii meesha ka baxday oo qanciska laga soo bilaabo Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari haloo dhaafo danahooda iyagaa yaqaano, ee marka maxaa ka reebaayo gobol, degmo iyo tuulo walba inay danahooda iyo aayahooda ka tashadaan oo ay madax banaadaan; maxaa ka reebi doono markaas tuuladii iyo degmadii damacdaba waxee doonto haku fasho, xataa haku dawaaqaan gooni isku taag. Hadee kor soo burburto, haduu madaxii burburo, ha is weydiin inay hoosna burbureyso, oo jirka intiisa kale baabi doono, sabab lagu celiyo ma jiri doonto kuwa hoose hadii kuwii koreba la dhahay haloo daayo waxee damceen. Either Soomaali as a nation we know waa burburi doontaa, dhalineyso countless competing qabiilistan nation states kasoo baxaayo, used against one another by Amxaaro iyo cadoowgeyna kale, or either waa isla jiri doonaan, iyagoo hal wadajir ah. Meel sadexaad looga baxo ma jirto. Only these two choices. Dadka wadaniga indheergaradka ah waxaas ayee arkaan soo socdo, not 'emotion' iyo wax lamid ah haayo.
  16. Soomaali iyo dacaayad bilaa micnada ah. Macmacaankii qurbaha intee ka dhargeen ayee inta ku daacsanayaan. Kamoon, at least, they are trying to do wax positive ah; many of them, like you, lived in meel barwaaqo iyo nabad ka jirta in the very comfortable environment of Galbeedka, and still aadeen dalkooda dhibaatada ku daba dheeratay. Laakiin adiga maxaa qabatay ka ahayn hebel fitishaarigiis iyo heblaayo diraceeda arka meeshaan ku heysiin? Hala isla yaabo, baliis.
  17. Looks like MMA didn't even read the names. Reread the above sir. Soomaali badan ayaa jiro kala saari karin magacyada asaliga dhabta ah ee Soomaaliga ah iyo kuwa laso deensaday, oo badankooda Carabi ah. Waxa meeshaan ku qoran magacyo Carabi badan ayaa ka buuxo oo badankood la raaciye 'o' oo la Soomaaliyeeye, aan ku tusiyo qaarkood: Abshir[o], Ammaan, Amran, Aragsan, Ashkir[o], Axad[o], Bishaar[o], Cadar, Cajab[o], Carfoon, Carwo, Cawil[o], Cawra[la], Ceeb[la], Cibaad[o], Cosob, Culum[o], Dahab[o], Farax, Fariid[o], Farxad[o], Farxiyo, Faynuus, Hibo, Iimaan, Isniin[o], Jamaad, Jawaahir, Khadr[o], Khalad[la], Khayr[to], Naadiyo, Nafis[o], Nasteex[o], Nuur[to], Qalad[la], Raaqiyo, Raax[o], Rashiid[o], Ruun [Ruum = Rooma], Salaad[o], Saxar[la], Suleekho, Umal, Xalw[o], Xukun. _________________ Qaarkoodna waaba magacyo rag, sida Xukun, Wanaag, Warmoog, Abyan. NB, Dallaayo waa magac qurxoon. Waaba ka helaa. Nasiibxumo haweenkii hore lee la dhahaa.
  18. The contrast with the Tamil communities is important because, in general terms, large and unified groups get cash for projects, such as language integration schemes, advice bureau and so on. London has a plethora of small Somali groups, many of whom are essentially directly competing with each other for the same state or charitable funding. Other ethnic minorities in the UK have avoided this pitfall because they don't suffer from inter-communal differences. Meel walba aan joogno, meel walba aan tagno adduunka gees ilaa ka gees ayee saan ku nahnay hadaan nahnay Soomaali. Maalintaa barano micnaha midnimo iyo iskaashi, oo aan iska dhaafno xaasidnimada aan isku qabno, waligeyna hormar ma gaareyno, dalkeena gudihiisa iyo dibadiisaba, caalamkiina madaxa ayuu nagu luxluxaa yaab daradiis ee nala yaabeen.
  19. Anigana magac Soomaali asali ayaan sugaaye kaliya, meeshaana kuwa Carabi ayaaba ka buuxo, sida Abshiro, Amaan, Axado, Culimo, iyo Iimaan. Teeda kalena magacii ugu weynaa oo ugu caansanaa gabdhaha ee ka tageen: Ayaan.
  20. It is an open secret that powerful people in Puntland, including some with links to top politicians, own many of the boats engaged in the trafficking, but they do not seem to be pursued by the authorities. Waxaan aaminsanaan jiray qofkii baddaas qariban isku biimeynaayo isla qofkaas asagee jirtaa, oo damiirkiis iyo qorshihiis yahiin wuxuu damcay oo go'aan ku gaaray. Laakiin hadeeba dadka maamulka sheeganaayo saas u dhaqmaayaan, damiirnimadii, Islaanimadii iyo Soomaalinamdii ka tageen, waa wax laga naxo. Ciyaal Soomaali ah bad lagu tuuraayo, hadana dadka maamulka sheegaanaayo heeree iska indhatiraan iska dhaafee xataa la og oo daqliga kasoo galo bas la qeybsigiis daneeyo. Naxariis la'aan heerkaas ee gaartay xataa warbaahintii ugu afka dheeraa caalamka, sida Guardian, Al Jazeera, The Independent, iyo New York Times wariyo u diraan meel geeska adduunkiis ah, kasoo warbixiyaan masiibadaan, kuwii warbaahin isku sheega ahaana meeshaas deganaa iska indhatiraan, then dadkaas maamul isku sheega ah iyo warbaahinta ee kontoralaan wax ee maamul hayaan ayaa iska yar ka ahayn masuqmaasuqnimo iyo xuquuqal insaanka ku tumasho. Hadeeba aaminsan yihiin dadkaan badda lagu daadinaayo koonfur ayee ka imaadeen, so shuqulkeena ma'aha. Waala arki doonaa meelee ku gaaraan waxaas. Another danger lingers along the Somali coast. The police, though largely ineffectual in stopping the smuggling, sometimes arrest the migrants, though the legal basis for doing so remains unclear. On a recent day, the police chief, Col. Muhammad Rashid Jama, paraded three men and one woman onto the grounds of the police station. All confessed that they had tried to get to Yemen. One man, Abdi Ahmed Muhammad, 28, had a bandage on the side of his head, where he said a smuggler had bashed him with a rifle butt. The smuggler had taken his money but then refused to allow him onto the departing boat, he said. The woman, Amal Hussein Ali, 37, said she had left seven children in Mogadishu as she went in search of a job in Yemen to support them. A widow, she faced up to three years in jail, the police said. "Anyone who has a heart will feel pity for her," Colonel Jama said. "I'm like that. But she became a criminal, and I am a Puntland officer safeguarding the Constitution." Constitution, my #$%&. Masaakiinta iska xirxirta, kuwa dadka badda ku shubana isla magaaladii iyagoo xoriyad ah ha iska socdaan, lacagtooda xaaraanta ahna daarad haku dhistaan, masaakiintana hala qab qabto. Haa, saas axdiga ayaa dhigaayo.
  21. Salaan... Tuujka, abaaba, aroos la isku marti qaadin inay dhamaaneyso Soomaalida dhaqankooda haka sugin, hana ka walwalin. Wax xuna ma'aha, bariiska intuu baari lahaa oo hadhoow la daadiyo in kistoo ajir laga helaa fiican. Last Victoria weekend ayaa ugu dambeysay arooskoo inta ka dhacay, oo qada ahaa. Hall yar oo Lawrence iyo Jane ku yaalo ayee ku qabteen, abkeey reer Koronto dhan aw jaamac ahaa iska soo xaadiriye, boqolkiiba toddobaatan waa ku dhaaran karaa wax loo wacay ma ahayn, anigana kamid ahaa oo ii wacay in the last minute mid la casuumay. Waana iska caadi, wax qaday ma jirin. Teeda kale aroos la isku marti qaadin oo la iska xaadariyo waligeed ee jirtay oo dhaqan Soomaali ahayd. Xamar ayaan ku xasuustaa xaafadeena guri ku yaalo aroos lagu qabtay. Badanaa aroosyada guryaha lagu qaban jiray waardiye ayaa la dhigi jiray irida intuu arooska ka dhamaanaayo oo ciyaalka soo galaayo ka reebi jiray. Marka arooskaas ciyaalkii xaafada oo teenage kuwa kamid ahaa ayaa damcay inay tagaan habeenkii. Kii irida taagnaa aa u diiday, shaqo yeesha aa lagu dhahay. Ciyaalkaasna waxaa kamid ahaa mid la dhaho Niinoow, oo dhameeye rabsho iyo dhib iyo waxii lamid ah. Sheekada markee saas mareyso oo loo diiday, uu shooriye ciyaalkii. Go'aan markaas waxaa lagu gaaray qof walba canbuuladii uu xaleey cunay si fiican u shiidmatay inuu si fiican iskaga soo bixiyo, yacni xaar ahaan. Intee hal bac weyn isku wada dareen waxooda dhan, oo dulduleyliyeen, markaas darbiga ka tuureen. Bacdii waxee ku dhacday meeshee arooska iyo aroosada fadhiyeen. Yaq! Qasaaro, ur, wasaq iyo nijaas isku wada darsantay.
  22. Salaan... Perhaps, it was a recipe of an event for disaster. The groom -- aged no more than 20, but resembling a baby-faced 16-year-old fella. The bride -- a late teenager. The guests -- both invited and the uninvited, mostly youths in their totally inappropriate ragtag informal dressing, including, according to fellow attendees, several gang-like or wanna-be acting toughie types. Alas, the happy xaflad ended before it started. For what is still incomprehensible to this day -- the aroos took place a month or so ago here in this wonderful city of Koronto -- the toughie wanna-bes broke into two groups, ensuing an unexpected flare-up, finally rampaging the rented space, fighting, punches flying, throwing chairs or any other object they could grab in the very hall where the guests were supposed to dance and the expected singer should have faced. An astonished bridegroom with his equally dumbfounded bride, who only arrived a few moments before, were protectively escorted away from the flying punches and other undesirable objects flying around. Thousands of dollars wasted; ashamed, bewildered official invited guests, including old ladies with all their best Jabbuuti dirac and Dubai dahab in tow, some of them receiving minor injuries, according to one attendee, vowing never to present themselves a mixed Soomaali wedding again -- ever. However, inevitable questions obviously arise. What exactly went wrong? Will the future aroosyo, as ruwaayado organizers do now, have paid police presence and protection? Had really aroos finally lost its innocent appeal? Did it lose its sacredness as well? Will this indeed be the beginning of an end of uninvited guests attending aroos? I truly feel soori for both the aroosada iyo arooska and their families for their ruined aroos. A true sadness and madness of qurbo-bred youths, breaking the last straw of sacredness and respect that our culture demands attending an aroos. Aroos la qash-qashaado miyaa sheekada la keenay? Give me a friggin' break. And shame really on them, the hecklers.
  23. Hodan iyo Carfoon waa labo dumar oo is xaal og kalana warqaba, labaduba waxay kala deggan yihiin labo dal oo Yurubta galbeed ka tirsan, waa labo dumar oo 'separate' ah, macnaha iyaga iyo raggoodu waa kala address, macnaha wey is qabaan ismana qabaan, labaduba waxay ku nool yihiin ribo, xaaraanta iyo xalaashuna uma kala soocna, faanka iyo beentuna waa u dhaqan, raggooduna suuq madoow bay ku shaqaystaan, lacagta caydha loo yaqaanana wey qaataan, telefoon bay ku wada sheekaysteen, iyagoo is garanaya oo iska war haya bay is khaldayaan beena isku maaweelinayaan, waa tan sheekadoodu. _________________ Rin... rin... rin... [Dhawaaqa telefoonka dhacaaya.] Carfoon: Halloow. Hodan: Ma Carfoon baa? Carfoon: Haa Hodan, ii warran? Hodan: Waa nabade, maxaad haysa? Carfoon: Nimco iyo barwaaqo, carruurtana wey ii buuran yihiin oo lama oranayo carruurtan caato badnaa, miyaan raashiin la siinin, hal qol oo dhanna waxaa u buuxa alaabta lagu cayaaro, [ ] ninkayguna waxaa loogu yeeray Norway si uu arrimaha siyaasadda ugu soo warramo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan, kaddibna waxaa laga casuumay oo uu aadaya Finland. Hodan: Annaga carruurteena fasax kasta dibedda ayaan geynaa [ ], ninkayguna bisha soo socota wuxuu aadaya Masar si uu halkaasi guri noogu soo iibiyo, meeshaas ayaana u guurayna, carruurtana halkaas bay wax ku baranayaan, waxaana guriga ka iibsanayna xaafadda la yiraahdo Al-Rixaab, halkaas bayna isku ururiyaan Soomaalida lacagta leh oo aan saboolka ahayn, waxaan kaloo doonayna in xaafaddaasi aan ka furno baar weyn oo lagu cunteeyo. Carfoon: Annagu meel aan Soomaaliya ahayn uma socono, hooyaday iyo aabbahayna xajka ayaan geeyay, ninkayga hooyadiis iyo aabbihiisuna xajka ayuu geeyay, Soomaaliyana waxaanu ku leenahay labo guri oo waaweyn, hal guri annaga ayaa degi doona,guriga kalena waxaa hadda loo joogaa 14 kun oo lacagta Euro ah, labo bus oo waaweyna waanu leenahay, mid wuxuu ka shaqeeya Xamar iyo Kismaayo midka kalena wuxuu ka shaqeeya Xamar iyo Hargeysa, warshadda Bakaaraha u dhowna annagaa iska leh. [ ] Hodan: Annagu Soomaaliya waanu doonaynay, laakiinse weli dalkii waxaa ka taliya Maafiyadii, kuwaasoo aan laga qabanna tegi meyno, waxaanu maqalnay haddii ay arkaan qof lacag leh wey afduubanayaan, annaguna haddee waxaanu nahay dad lacag haysta, lacagta aanu haysanana waa 120 kun oo Euro ah, haddii laga saaro guriga aanu ka gadanayno xaafadda Al-Rixaab oo ku yaalo dalka Masar, marka haddii ay Maafiyadaasi na arkaan wey na qafaalanayaan. Carfoon: Oo maxaa dhacay hooyo iyo aabbe weli ma aadan geyn xajka? Hodan: Hay! Mar hore ayaan aabbahay iyo hooyaday xajka geeyay waliba labo goor ayaan xajka geeyay ninkayguna labo goor ayuu hooyadiis iyo aabbihiis xajka geeyay. [ ] Carfoon: Lacagtii deynta ahayd ee aad bankiga ka qaadateen, ma iska bixiseen? Hodan: Waxaa iigu haray oo keliya 14 kun oo Euro ah, bankiga waxaanu u sheegnay in uu hal mar naga wada qaato, hayeeshe wuu naga diiday. Adiguna waa tii aad ka cabanaysay deyntoodiye, miyaad iska bixisay? Carfoon: Wax yar baa noogu haray waana 9,000 oo lacagta Euro ah, haddii aan doonana hal mar baan wada siin karaa. Hodan: Ka warran magaalada aad imminka deggan tihiin, Soomaalidu miyay ku badan yihiin? Carfoon: Kuwaasi warkooda iga daa, qaar baaba soo baxay oo wadaaddo iska dhigaya, dadka waxay leeyihiin deynta yaan bankiga laga qaadan waa ribo, separate yaan la noqon waa xaaraan iyo wax la mid ah, xataa waxay yiraahdaan dadka Masar u guura oo ka dega xaafadda Al-Rixaab la yiraahdo waa tuugo, waxay leeyihiin odaygiina Yurub buu jooga iyaduna Al-Rixaab bay deggan tahay Yurubna qaxooti bay ku tahay, warqad kastoo loo soo dirana odaygaa u saxiixa, markii arrin degdeg ah timaadana iyada imaanaysa. [ ] Hodan: Annagu xataa sidaas bay noo wareeriyaan, waxay iska dhigayaan dad wadaaddo ah, haddana iyagu si gooni ah bay u nool yihiin oo meel bay qaxooti ku yihiin naagahooduna waxay u direen Ingiriiska halkaas bayna qaxooti ku yihiin. Carfoon: Innagadaa, waa dad masayr haye, maanta qof Yurub jooga baa ka dhaaran kara xaaraan. [ ] Hodan: Waa runtaa cid ka dhaaran karto ma jiro, qofkii Allah ka baqaaya oo salaaddiisa oogaya damac adduuna qaadin mooyaane. Carfoon: Allaha innaga dhigo kuwaasoo kale. Hodan: Aamiin. Xigasho _______________ Ileen waxee gabdhaha iyo naagahaba telefoonka saacado ugu hadlaan waxaas camal aa lagu wadaa bootada ah.
  24. Bishaaro, ninkaa ka hadleyno Maki Xaaji Banaadir waaye, wah. Filankaas oo "mooska" ka sheegaayo waxaa la dhahaa, sida kor ku qoranba, Wadci, [ma'aha wacdi] oo wuxuu soo baxay, saan u maleeyo, 2003. Jilayaashii ugu shactirada badnaa aniga qaas ahaan saan ee iskugu xiggaan: Awkoombe Jeeyte [Eebbe ha u naxariisto] Awkuuku Xaaji Banaadir Siyatoom Odey Cabdille Ninkaas Jeeyte la dhihi jiray oo lambarka labaad aan siiye dad badan ma yaqanaan, laakiin hadaa fiirsatid riwaayadahiis sanbab iyo beer xanuun aa kugu dhacaayo qosol daradiis. Meeshaan ka fiirso Jeeyte, Siyatoom iyo Awkuuku oo nafta inay kaa baxeyso u maleynaysid qosol daradiis lee.
  25. A lot of people go close to the scenes of the fighting to find out what is actually happening. We want to know the facts. Yes it is dangerous, yet Somalis accept it. Dad asaga camal ayaa u badan waxa ku dhamaado dagaaladda micnadarada ah, siiba dhalinyarada oo gurigooda joogi karin, xabbad dhaceyso inay soo arkaan rabo, as though inay tahay filin ku cusub waxaas. Ma aragtay sawiradda shabakooyinka Soomaalida iyo caalamkaba soo daabaceen, showing crowded people massing around meeshee maleeshooyinka qabsadaan. Ma'oga miyaa hoobiyaha iyo hubka kale waa weyn la isla dhacaayo inuu meeshaas kusoo dhacaayo.