Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,219
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    301

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Some news reports are too depressing to read. Eebboow u gargaar ummadeena.
  2. The other puppet entity, and which you fondly support, does it worse. The question is, would you have shared with us had this article about the other way around? Xabashi u adeegid ayaa lagu kala tartarmoyaa today. In that ghastly, sick game of theirs by the sycophant puppets, nothing is forbidden or unlimited, including even selling the dead souls and bodies of Soomaalis.
  3. This traditional clan leader had been paraded on this forum numerous times, documenting his dibadwareeg trips. However, when he was mostly and essentially needed, he practically vanished. Maxaa ku nacay ninka? Ma hadalkiisa ayaa la yeeli waaye? Maka gaabsaday waxa ka dhacaayo deegaankiis? Mise jufadiis hoose ayuu traditional leader u noqday?
  4. Meanwhile, Ethiopia has summoned Mr Ghedi to Addis Ababa in what is believed to be an attempt to end the stalemate that is paralysing the Somali government. But the speaker of parliament told MPs that the African Union and Ethiopia have asked for the debate to be stopped as Mr Ghedi has been called to Addis Ababa to try and resolve the rift with President Yusuf. What is he, a Xabashi ambassador? How can a prime minister of a supposedly sovereign country summoned by another country's regime? Oh, I forgot the lackey stooges did not carefully follow the script. It also informs us Baydhabo is not secure enough the Xabashi foreign minister to arrive with his instructions. Haddana baarlamaan isku sheegii ayaaba asagana la joojiye because Xabashi wants to. Waa yaab runtii. Shame walaahi, shame, magac Soomaali ku ciyaareen, heybadda ka qaadeen.
  5. Maya, maya. Siteey Manoogto inay ahayd aan jeclahay since only one large plane adduunka gaaf wareegi jirtay. From Jidda to Rome to Frankfurt.
  6. XILDHIBAAN MUUSE SUUDI: “Kursiga Madaxweynaha iyo Kan Guddoomiyaha Baarlmaanka la iskuma heysto, kan la isku heysto waa midka Ra’iisal Wasaaraha oo ay Dad leeyihiin” Talaado, Oktoobar 16, 2007 - Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo maanta ka hadlayay fadhi uu Baydhabo ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in mar kasta dood laga keeno kursiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka mid ah Kuraasta madaxda sare ee Dowladda oo sida uu yiri lagu soo qeybsaday Afar Beelood iyo Bar (4.5). Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa markii intaas yiri waxaa ku buuqay Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo dabcan ka soo horjeeday hadalkiisa, hayeeshee waxaa uu Muuse Suudi ku adkeystay hadalkiisaas, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uusan aqoonin waxa mar kasta doodda geliya kursiga Ra’iisal Wasaaraha. Sidoo kalena waxaa kulankii maanta hadal kulul ka jeediyay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in ay wax aan sharci ku fadhin ahayd soo jeedin ka timid 22 wasiir oo ka tirsan 31-ka Wasiir ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu shirkooda ku tilmaamay mid fowdo ah. “Kulan ay qabtaan Xubno Wasiirro ah oo uusan shir guddoomineynin Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu la mid yahay kulan ay qabteen Dalxa iyo Boqorre (Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka) iyadoo uu joogo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, kaasi sharci ma ahan ee waa mid fowdo ah, marka Wasiirrada haddii ay mooshin soo gudbinayaan ha u tagaano Ra’iisal Wasaarahooda, kadibna intey is-casilaan iyagoo Xildhibaano caadiya ah ha soo gudbiyaano mooshinka ay doonayaan”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax. Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen magaalada Baydhabo waxay kaga hadlayeen sida ay la tahay in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi codka kalsoonida loo qaado iyo in uu Baarlamaanka sii wato howlihii la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay fadhigii maanta ka xaadireen 217 mudane oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe. Tixraac -------------- Yaab. Adduunkii gadaal gadaal u shaqeynaayo. Qabqabliyaashii ugu magacxumaa, ugu weynaa shaley ayaa maanta sharciga difaacaayo, oo Axdiga la dejiye difaacaayo u taagan. And they have a point, regardless waxee ahaan jireen ha ahaadaanee.
  7. Burco ma Gaalkacyo ayee ka darantahay? Weynkooda iyo yariiskooda waa Reer Waandaadshe iyo Reer Maxaa'igagalay. Wax walba waa aqaanaa, waa dhameeye, soo maray, soo jacburiye... You will never hear, it seems, dadka meelahaas ka imaado oo leh "I don't know." Even banooniga iyo ciyaarihii markii toban gool loogu raayo -- and they mostly used to lose -- always excuse ayee sheegi jireen. Roob baa da'aayo, ma anaga roob ayaa ku ciyaarnaa. Ama garoonka cooska baa ku badnaa, anaga jaay baan ku ciyaarnaa. Bless Reer Mudug. Even magaca ayaa ka cabso ah, oo wax ku mudaayo.
  8. I know C/llaahi Taano, oo hadda degan Iimaaraadka or aan ku ogaa. Is he related to that man?
  9. You are giving too much power to these little Xabashi sycophant men. Cabdillaahi Yuusuf, the senior stooge, did not like Geedi, the junior lackey, from day one. He was parachuted in and imposed by his master. The senior stooge couldn't do a shuud then, neither can he do a shuud if their master in Adisababa does not give a green light. All this hoopla and little noise is nothing.
  10. Bilaal, dadaalkaaga Eebba hakuu garabgalo. Your positive views of Soomaalinimo in this dark, historically low era of Soomaalinimo -- Soomaalis one day will appreciate, heck salute and honour you by building a taalo, for men like you. You and your daljecelnimo thoughts are worth more than a thousand qabyaalad-induced, clanish Soomaalis. It is easy to be a pessimistic in Soomaali affairs in this hardening, trying times. Keep the positive spirit and hope of Soomaalinimo up. Always. To the xabaalaha.
  11. Nuunka, aaw guku caarsanahay nurtii in Fa'moosaali galu roqo xawaan daban oo uk saabsan xaxyaabihii dhacay cadhay gadaaladii hokar. Runtii habeen dhawayd ayaanba saas ka fikiraaye ka waran? In 'museum' aan meel ku aruuriyo waxyaabihii dhacay, yaalay ama lagu dhaqmi jiray dagaaladda kahor. Xataa suu dalka u ekaa muuqaalkiis. Waxaan ogaaday saan haddii saan lagu sii socdo waxyaabo badan ayaa dhumaayo, oo jiilka soo koraayo oo haddaba qaangaaray waxba kala socon dalkeena suu ahaan jiray.
  12. Booqo sclub19.com sclub19.com They have the most collected Soomaali songs on MP3. Some of them, you have to know the little trick of how to get. Also deeyoo.com. Then there is somaliuk.com There are other sites, but those sites need some tricks here and there to retrieve the songs and see the original MP3 source. PS - Adigoo raali ahna magaca waa Soomaali, not "somalian."
  13. The 'Ndrangheta mafia along with the corrupt CEO of the named company(and many yet to be named) will be pursued and held accountable for their actions, once we get a legitimate, viable Somali government. Before we take on the mighty maafiya, we need to eradicate the men among us Soomaali nala sheeganaayo: the likes of Cali Mahdi Max'ed and Cabdullaahi Yuusuf Axmed, who for a few hundred thousand dollars practically sold off the future of Soomaaliya and Soomaalis. It was them who collaborated what is a dire future threat that threatens the very existence of Soomaalis. The Talyaani journalist, Ilaria Alpi, was investigating on this corrupt deal between the warlords and the maafiya during the UNISOM deployment. She was on the verge of exposing this when they murdered her and her cameraman in Muqdisho in 1994.
  14. Somaliland's leaders detest Yusuf, a former warlord who invaded their capital Hargeisa in the late 1990s, and have refused to join his government -- now mired in a persistent insurgency and political split that has paralysed it. Whoa, whoa, Reuters.
  15. If some Soomaalis had this hatred they have for their mutually perceived clan enemies, if this energetic loathing they have for one another were saved for the the proper enemy -- the Xabashi occupying their own supposedly capital city and massacring, raping and uprooting Soomaali citizens in the process -- Soomaali saan kuma dhaceen. Kuwii ka badbaaday Xabashi's wrath, iyagii ayaaba iscunaayo today. Kuwii la islahaa deegaanadooda ladnaana oo Xabashadii ka fakaday ayaa saan isku dhameynaayo. Eebboow ummadeena u gargaar.
  16. Originally posted by Seekknowledge: Fatah_Al_Soomaal, Would the Alshabab and "Abu Mansur" fight also the Christian Eritrean backed ICU? I didn't know thousands of Eritareeyaan troops invading Soomaaliya and currently occupying the xudunta of Soomaaliya, Xamar. Thousands more massacred by those invading gaalo troops, masaakiin walaalaheena ahna la wada kufsado by these "Christian Eritrean" troops. I didn't too know that the "Christian Eritreans" were/are persecuting and forcefully subjugating, plus ethnically cleansing Soomaalis in their own land by cruelty and oppression of that tyrant "Christian Eritrean" in Xabashi-occupied Soomaali Galbeed. I didn't know those who were doing this were "Christian Eritrean." This news must have passed me. Ila soo socodsii what else we are missing. Ar maxaa been la isku sheegay, oo aan meel caad ka jirin qiiq laga raadiye.
  17. Wa salaan, walaasheey Xaniifo yaa Nafiisa. Ciid wanaagsana horta. Maxaa tiri, Saskatchewan? Ma Regina ayaa isgeysay? Bisinka. "Jikadii" [ ] ma nacday aan kugu ogaa? Soomaali badan maa joogto taloow deegaankaas, koley waa hubaa inay Soomaali joogaane. Ar abaayadiis iska ilaali meesha, kaligaa meel aan lagaa aqoon degnoow dhibaato waayee. Haa, jinijini 'cartoonka' ayaa la dhihi jiray. Dadka waa weyn ereyga Talyaaniga ee 'tubiliini' ayee isticmaali jireen. Kan calibeestaan ayaa iga yaabiyo runtii. Ma'ogi Soomaalida meeshee kasoo alifeen. Koley filin qof fiirsaday ayaa alifaa filaa, oo filinkaas kasoo raacay, sida Cali Dheere camal. Soomaalidii hore sida ciyaal internetka u isticmaalaan 'faarax' ayee 'cali' u isticmaali jireen. "Jaangowracan" maxaa laga wadaana? Yaa gowracee? Ar ha isoo marin haddaa dad iyo jaanba gowraceysid. ------------ Af jinni. does any1 speaks them nowadays? Aah. Da'iga kamu dahashaa?
  18. I think you have missed the satire, though mostly doted with factual events, in this piece. Again, you also mistaken the overall grand scheme Xabashi leadership are planning currently. The Soomaali "unity" Xabashi want is about, it seems, a necessity for the current leadership in Adisababa, not the failed Xeyle Salaase, which you alluded. Though they have a dilemma which scheme they would like to opt: a dismembered Soomaaliya or a unital one with a puppet, weak clan-based pseudo-states, each controlled from Adisababa. To them, it is a better to have a weak, unrecognized Waqooyi than have it have a full international recongition. Thus that is why, in private, waxa ay ku maaweeliyaan Riyaale and his separatist followers, that Xabashi are on their side and lobbying for a recongition. Why buy the cow when you can milk it free, as the aphorism goes. You don't have to underestimate what Xabashi are doing in our fragmented country. They are now even trying to open an "embassy" in Bari, which we can guess to be another espionage agent post. Xaalka meeshaas ayuu maroyaa, ee muran macno weyn ku fadhinin looma joogo about some long-ago protectorate and whatnot. The author completely got his main points together -- which is what matters after all -- for what bigger Xabashi outline is all about, though it was presented as a satiric article.
  19. Odayaasha Beelaha [...] oo sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka uu ka soo baxay Xaqii ay Shacabka Soomaaliyeed ka galeen Axad, Oktoobar 14, 2007 - Odayaasha Beesha [...] garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal saxaafadeed ka soo saaray khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka soo baxay madaxda Dowladda Federaalka xaqii ay shacabka Soomaaliyeed ka galeen. “Hal booliya Nirig Xalaal ah ma dhasho, Nimankaas markii horeba kuma socon dhabihii Dowladda, waxa hadda ka dhexguuxayana waa cuqubadii iyo dhibaatadii ay Umadda u geysteen, waayo waxaa maalin walba dhibkooda ka cabanaya dad birimageydo ah oo Islaam ah, sidaas darteed waxaan leenahay Illaah u towbad keena oo cafis weydiista,” ayuu yiri Axmed Diiriye oo intaas ku daray in ay ugu baaqayaan dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo inay wada hadlaan oo aysan khilaafkooda gaarsiin in ay dagaallamaan. “Waxaan ku talineynaa in ay Raggaas khilaafkooda xaliyaan, isal markaana aysan iyagu isdilin, Dadkana dilin, annagu had iyo jeer waxaan ka dignaa dhibaatooyinka shacabka ku imaan kara”ayuu yiri Axmed Diirye Cali. Axmed Diiriye oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay madaxda sare ee Dowladda ee khilaafka uu u dhaxeeyo in ay meelahooda kala joogaan, isla markaana ay ka fogaadaan in ay dhibaato hor leh u horseedaan Shacabka Soomaaliyeed oo awalba dhibaateysnaa. Afhayeenka Odayaasha Beesha [...], garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa intaas ku daray in aaney dadka Soomaaliyeed dhibaato kale u noqonin, isla markaana waxa ay u baahan yihiin ay tahay in la badbaaadiyo oo aan dhib iyo dagaal dambe loo celin. Mar uu ka hadlayay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan ku sugan Soomaaliya waxaa uu sheegay in aaney Itoobiya weligeed cag soo dhigin Soomaaliya, hayeeshee ay madaxda Dowladda keeneen, “ 800 sano iyo wax wehliya ayuu dhisan yahay Xamar wixii la soo maray oo gumeysi ahaana Itoobiya cagahooda ma soo dhigin, iyagaana markii la doortay Dalka keenay ,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Garab ka mid ah Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha [...]. Odayaasha Beesha [...], garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa dhawaan waxay kulan kula yeesheen Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo kulankaasina uu ahaa mid lagu dhameynayay mad-madow u dhaxeeyay Odayaasha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu noqday mid ay Dadka Soomaaliyeed farta iyo wadnaha isku hayaan, iyagoo ka baqaya in khilaafkooda uu faraha ka baxo, isla markaana uu sii kordhiyo dhibaatada xasilooni la’aaneed ee haatan ka taagan Soomaaliya. Xigasho
  20. It seems the stooges meeshee tagaanba qaraxyadana waa daba socdaan. Qaraxii labaad waaye in as many days. Qaraxyo xoogan oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo Qaraxyo xoogan ayaa caawa fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay xilli ay ku sugan yihiin madaxda sar sare ee dowladda KMG oo khilaaf xoogan uu hareeyay. Qaraxyadaan oo loo adeegsaday Bam gacmeedyo ayaa lala beegsaday Hotel Farjanaay oo ay dagan yihiin mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Somalia sida ay ku warameen goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo. Qaraxyada ka dib ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia ayaa isku gadaamay halkaasi, lamana oga wali wax qasaaro ah oo ka dhashay. Qaraxyadaan oo si weyn looga maqlay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dhamaan howlihii ganacsi ee ka jirey halkaasi oo gabi ahaanba istaagay. Lama oga wali kooxaha ka dambeeyay weeraradaan bambaano oo lagu qaaday Hotelkaasi. Dhowaan ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala eegtay fariisin ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin warshad ku taala magaalada Baydhabo. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli khilaaf xoogan uu ka dhex jiro madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, khilaafkaasi oo ku baahay golayaasha dowladda KMG ah. Xigasho
  21. It is unfortunate, the slow declining of historical Baardheere town. Now, its heart, the buundo that linked the two parts of the town as well as the wider region of Gedo, NFD and Jubbooyinka is broken. Buundadaan gumeysigii Talyaaniga ayaa dhisay, dowladihii Soomaaliyeedna cusbooneysiiye and the final renovation took place during the UNISOM years of early '90s. ------------- Baardheere 14 Oktoobar, 07 - Waxaa Gabi ahaanba go'day buundadii degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo gabo ahaanba ay istaageen gaadiidkii iyo dadkii ka gudbi jirey buundadaasi sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee gobolka Gedo, Saalixi. Buundadii degmada Baardheere oo halbowle dhinaca nolosha ah u aheyd kumanaan dad ah isla markaana isku xiriirisa isku socodka dadka iyo gaadiidka u kala goosha deegaano ka tirsan gobolada Gedo, Jubbooyinka iyo dalalka dariska ah ayaa shalay galinkii dambe go'day, waxaana gabi ahaanba istaagay dhamaan isku socodka dadka, xoolaha iyo gaadiidka. Dhacdadaan ayaa timid ka dib markii shalay galinkii dambe ay mar qura ah mareen in ka badan 10 baabuur oo xamuul ah, kuwaasi oo ku sii jeeday dhinaca magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, taasina ay keentay in mar qura alwaaxdii iyo birihii isku hayay buundada ay go'aan isla markaana ay ku dhacaan biyaha wabiga. Daahir Yuusuf oo ka mid ah Mas'uuliyiinta degmada Baardheere kana mid ah boqolaal dad ah oo shalay galinkii dambe isugu soo baxay hareeraha wadada ayaa dareenkiisa ku muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatooyinka adag ee dhinaca nolosha ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka. Waxa uu ka codsaday hay'adaha samafalka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in dib loo dhiso buundadaasi ay ku soo biiriyaan wixii ay awoodaan. Xigasho