Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,668
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Originally posted by Geel_jire: ^ a new group in the resistance .. we already have al shabaab why not al yaxaas looool. can anyone translate the difference between in english ? - hebel wuu dhintay - hebel wuu bakhtiyay Sadex ayee Soomaalidaba badankoodba dhahaan: Hebel waa geeriyooday [he passed away] Hebel waa dhintay [he died] Hebel waa baqtiye [he expired...that is the closest in Ingiriis I think since there is not a word that is equivalent] Baqtiye xoolaha ayaa la dhahaa, though, koley when their dead bodies rot away. Waxaaba isoo xasuusisay a cousin of mine back in Nayroobi in '90s. A surwaalgaab wannabe uu ahaa. He heard Dixon ayaa dhintay on CNN, and dadka meesha fadhiye ka hadlaaye, lahaa "Dixon dhintay..." and he would try to 'correct' them, saying "dheh baqtiye, baqtiye, waa gaal..."
  2. Some people need the background and why the numbers in Waqooyi were in disfavour of the Constitution's referendum [and it was only the constitution, not the official Act of Union]. Major parties in Waqooyi then did boycott the referendum, especially the major Soomaali National League, which was led by the late Cigaal. Why did the SNL boycott the referendum? Dissatisfaction of the Union itself as some are alluding now? No, of course not. Some of those leaders were too ambitious, and when they did not receive higher posts expectedly became dissatisfied the state of their positions, rather than the Union itself. Out of the 600,000 electors in Waqooyi, only 100,000 voted, according to this Waqooyi site. Also one crucial fact was omitted in this thread: Hiiraan region, the cradle of central regions, voted against the constitution, with more margin than some of the Northern regions. Hiiraan did vote against the constitution because its main campaigner and elected xildhibaan from there, Sheekh Cali Jimcaale, a rival of Aaden Cadde, did campaign against it. Only handful votes in the Parliament separated Sh. Cali Jimcaale becoming the president than Aaden Cadde, a fact many Soomaalis do not know. Sh. Cali Jimcaale, another ambitious politician, did not forgot this fact. If the referendum failed, as it was widely endorsed by Aaden Cadde, it would have been a referendum Aaden Cadde's own government itself, which would have forced him to resign. If the constitution was not approved, Aaden Cadde would have resigned, so would C/rashiid's adminstration. A simple political calculation by the Hiiraani Sh. Cali Jimcaale. So was Cigaale's calculation. Both of them put their eggs on this constitution to fail, in order to realize Aaden Cadde's government to fail. That is politico 101. Anyway, the constitution as a whole was overwhelmingly approved. According to this source: Also Reer Awdal, Reer Sool and considerable number of Reer Sanaag approved. In the case of Awdal, overwhelmingly.
  3. Mujaahidiinta oo Xalay Boosaaso ku Dilay Ashahaada la dirirkii Cadde Muuse Sentence actually laba micno ayuu yeelan karaa. Sida aa u maleysay oo ah Cadde Muuse inay dileen iyo see ula jeedaan ah inay dileen ciidankiisa. "La dirirkii"na wuxuu noqon karaa a singular past tense, not the plural past tense ee ka wadeen since it was more than one who were killed. I can guess proper sentence would've been "ashaado la diriryaashii ee Cadde Muuse."
  4. Welcome, Yariiseey. What annoys me, though, is when members want to post a new thread, instead of using 'new topic' sign would use 'post a poll' one. I am just kidding around sister. I don't have anything in mind now that might annoy me.
  5. XuuX hadaa tahay, see XaaX ku noqonee? Or is there a meaning behind it? Yaa kuu sheegaayo hee. Xaaxdeyda iyo xuuxdeyda waa isla socdaan, ma kala haraan nooh. Meeshii xuux laga yahay, xaax ayaa dhameystirto, and vice versa. Sidaa Kanada u timid, wali dooli ma aragtay? Ani subway stations ku arki jiray meesha tariinka istaago, kuwa yar yar. ------------ Xaniifa, dooli la dilaayo qof aanan arkin xaa iskaga dhigee? Sheeko. Waligaa ma maqlin miyaa islaamaha leh "hilib jiir ii soo gad maandhoow..." Koronto wey kuu ladantahay. Weather is good, life seems to be good as well. Wax laga cabaado maleh ka ahayn barafkii tagay, yuu waligiis soo noqon. What a winter season it was. Ar shib aan iska dhaho intuu sii tagaayo yuu nagu soo kala fireynin.
  6. Weydiimo Afka Soomaaligu ma la tartami karaa afafa kale? Sidee afkeenna looga dhawri karaa erayda doolka ah? Dhibaato intee la'eg ayay si xun wax u qorayaashu ku hayyaan afkeenna? Ka tegidda shibbane labalaabma intee in le'eg ayuu doorin karaa micnaha eray? Wax malaga qaban karaa shibbanayaasha lammaan? Side loo hormarinkaraa afkeenna? Jawaabaha Weydiimahaas kore iyo kuwoo kale oo badan ayay qormadani gundhig u tahay, si baaxad weynna u falaanqayn doontaa. Bulsho kasta hor u marka afkeedu wuxuu ku xiran yahay hadba sida ay dhawtaan afkooda. Mahad ballaaran waxaa leh guulleheenna sharafka badan oo noo sahlay inaan yeelano af gooni ah oo aan bulshada kale ee caalamka kaga duwanaanno. Ammaanna waxaa leh guddigii hirgaliyey far u yeeliddiisa. Afkeennu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waa uu lahaa dad badan oo dhawra si toos ah iyo si dadbanba ayaa jirtay, taasoo ka duwaneyd tan manta uu ku jiro oo u eg inuusan ehel lahayn kadib markii cid kasta ku tumatay oo siday doonto ka yeeshay, afafkii kale ee doolka ahaa ee jabkan la doonayeyna cidla ay ka heleen. Afka Soomaaligu waa af guda weyn oo laga heli karo wixii af looga baahnaa oo dhan, waana hodan aan marnaba lagu sheegi karin baaqinnimo. Dhan loo rogoba waa looga dhergaan. Bulsha weynta Soomaaliyeed afka isku si uguma hadlaan, qaybiba dhinac bay badisaa, waxaase la isku raacsan yahay in reer miyigu afka u badshaan. Taa macnaheedu maahan reer magaalku afka ma yaqaan ee dabcan in ay danohooda yar yar ku qabsadan waa ka yaqaannaan, hasa yeeshee inta afka ka eexata badiba waa reer magaalka. In muddo ahba waxaa isa soo tarayey dadka afka siday doonaan ugu hadlaya oo marba dhinacay doonaan u adeegsanayey. Dalleensiga erayada qalaad adeegsigooda ee noqotay mid qof kastaa ku dhaqaaqay waxay horsed u tahay dabar go ku dhacaya afka. Waxaa wax laga qarracmo ah in erayo aan sinji iyo sawrac toona u galin afkeenna lala hoos rooro, loona ekeysiiyo afkeenna, taasoo ah meel kadhac iyo maamuusid la aan loola muraaday afka. Qofkasta waxaa habboon in uu afkiisa ilaashado kana ilaaliyo erayada doolka ah oo uga soo tallaabaya soohdimo fog, kana feejignaado wax kastoo afkiisa bah dili kara. Qofka Soomaaliga ahi markuu hadlayo oo uusan u fiirsan hadalkiisa waxaa afkiisa ka soo butaacaya erayo af Carbeed ah ama Ingiriis, Talyaani ama af kale ah oo soo doolay. Haddii aan baaritaan ku samaynay erayada ku dhex milmay afkeena nus qarnigii la soo dhaafay, waxaa soo baxday in yihiin tiro aan la soo koobi karin haddii aan laga fiirsan oo si dhab ah la isaga dhawrinna dhibaato weyni ay afkeena ku habsan doonto mustaqbalka. U fiirso qoraalkan siduu u qoran yahay. Macallin ayaa ardaydiisii su'aalay inay soo qoraan jumlado faa'ido leh oo shacabkeena wax tar u leh. Markaas ayay ardaydii soo qoreen waxayna u bilaabeen sidaan: Annagoo ah ardayda iskuulkaan waxaan salaamaynaa dhammaan umaddeena ku nool adduunka oo dhan. Waxaanu halkaan ka codsanaynaa dawladeena inay joojiso khilaafka dhexdeeda ah, oo ay meel isugu timaado. Caqligeenu wuxuu na siiyey inaan ka fekerno ammaan darrada dalkeenna. Waxaa nala haboon in ciddii ka shaqaysa dhawridda ammaan ka hadiyad la siiyo. Waxaanu aragnay in arrintaasi tahay mid na khusay sa Oo aan masuul iyad iska saarideedu cidna khaas u ahayn. Soomaaliya xilli bay waxay ahayd meel safaarado ku leh caalam ka oo dhan. Dawladdeenu waa inay ahaataa mid isticmaasha caqliga . Shaqsi kasta oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xukuumadeena waxaa haboon inay ilaaliyaan xuquuq da waddan keenna. Dhammaan erayada cas [*anaa madoow ka dhigay qiyaasayna* (qiyaas aaba carabi ah )] waa erayo dool ah oo ka yimid meelo fog fog, lamana soo koobi karo inta eray ee baadida ah ee ku dhex milmay afkeena sida: Kelmad, koob, tarmuus, qado, subax, salaan, loox, iskuul, kursi, albaab, dariiq , iwm. Waxaa iyana jira dad Soomaali ah oo aan marnaba si hubsiino leh u qorin afka iyagoo aan dareen ka qabin inay ay wax qaloocsheen. Bal eega sida shibbanyaasha labalaamma dadku u saxariirsheen. Haddii qofku ka tago shibbane kaliya waxaa isrogi kara u jeedadii erayga oo dhan. U fiirso halkan. "Mareegta BBCda ayaa mar qortay cinwaan u qornaa sidan: ETA oo xabad joojin ku dhawaaqday." Waxay ula jeeddey waan gartay oo shibbane B ah ayay ka tagtay, markaasaa macnihii eraygu noqday xabadka oo la mid ah laabta. Halka xabbaddu tahay tan wax disha oo ahayd tey ula jeedday. Dan la'aantu si weyn ayay u duleedisay afkeenna, ka fekerid la'aanta erayada qoristooda gaar ahaan shibbanayasha labalaamma waxay horseedayaan baa ba ku dhaca afka, iydoo markaas ay imaanayso inay isku qaldamaan erayo badan oo kala duwan macne ahaan iyo dhawaaq ahaanba sida. Arrintan dambe ee ah ku tumashada afka dhaliisheeda waxaa leh dadka siday rabaan wax u qora isuna haysata inay Soomaali qorayaan. Middi iyo midi Mooddo iyo moodo Horreysa iyo horeysa Abbaar iyo abaar Berri iyo beri Barre iyo bare Addoon iyo adoon Ruugga iyo ruuga Horreyn iyo horeyn Carrab iyo carab Gacalloow iyo gacaloow Waxyaabaha kale ee ay haboon tahay in laga hadlaa waa shaqallada fudud iyo kuwa culus oo haddii aan la isku af garan dhibkiisu dad badan nacsiin doono afka. Ilama wanaagsana inaan dhaliilno guddigii noo qoray afka ee innaga ayay ahayd inaan u istaagno dhammaystirkiisa. Inay wax badan qabyo ka yihiin waa wax jira. Mar baan dhegaystay Xirsi Magan ka mid ah dadka u ololeeya in farteenna laga dhigo tan cismaaniyada (far Soomaali) isagoo leh farteenna wax baa ka maqan wuxuu ula jeeday erayadu siday carrabka ugu kala duwan yihiin fartana ha loogu kala duwo. Xigasho
  7. LoL, isku mar aaba jawaabnay. Ar ii waran walaasheey, see ii tahayna? Doolijire ma'ahee, doolidile aan ahay. Abkeey dooli diloow dad nool maas u daahaa la dhahay, iska kee jir hee. Yac.
  8. Magacyada sanadka maanta ah sidii diracyada iyo macawisaha aa loo badashaa...Makujiroow ani mugoo...Hayeh, adi shimee badalee hee, MMA waakuugu baaray since 2001...I can help with a suitable nick if you'd like, just holla... Ar runtaa waaye, Kuuleey. Aad uu iigu baaray hoosgundidaan, ee maxaa talo ah? Soo daa mid lagu qanci karo. XuuXaaX haddaan la baxo ka waran?
  9. Belittling Shariifka and other Soomaali people damiir Soomaaliyeed ku jirto that does not share their ideological beliefs, and lessening their struggles from outside of Soomaaliya does not help; they should have known that. Kaligood ma dagaalamooyaan either. Meesha siyaasad la ciyaaro loo baahanyahay, as much as xabbad lagu halgamo la tuuro. Soomaalida for the sake of dalkooda jecel la garab taagan yeynan isku dirin, dad badan ayaa iskaga dulqaadanooyo now within dalkeena and out because meesha Xabasha joogto, dantii ku kalifeyso inay la garab taagnaadaan.
  10. Haddaa hal magac ku ekaan lahayd waxaan ma dhaceen nooh. Geeljire badanaa meesha, qaarkiin gaaljire, lo'jire, idojire, xataa doolijire inay la baxaan waaye marka u maleynaa.
  11. One fact that is certain is whenever bebsiga or kookada aan cabo, within few seconds, daacsi ayaa iga imaado oo meel ay ka timid iyo ka socoto aan ogeyn. Probably waa aashitada, I guess. Many others do experience as well.
  12. Originally posted by Xidigo*: ^ Bariisku halkaas ayuu ugu jiraa. Ninka yaa laga qash qashin hee mac macaankiisa, see waaye.
  13. Geeljire, Jimcaale ma'aha saa u maleysay. Misunderstanding lee idin dhex maraa filaa. He is not definitely in the league of the those you mentioned. Marmar waxee ku dhaqaaqaan kuwa sheegto Shabaab waa unfortunate, oo maloo dulqaadan karo. Some of us waa iskaga aamusnaa, instead of causing unneeded and useless divisions dhexdeena ah when we face the challenge of the elaphantine problem -- the Xabashi occupation. So if Jimcaale or anyone finds the faults of Shabaab -- and they are not that saintly angels that were sent to Soomaaliya some may think they are -- it does not mean in uu Xabashada la jiro or la safan yahay. The 'm' word was unfortunate, I don't know why walaalkeena u isticmaalay that insensitive word.
  14. Originally posted by Malika: MMA, Please dont insult my intelligence by making assumption my knowledge and opinion of Mugabe is based on what the Western Media report.This isnt the first time you have made those assumption brother,I understand you might think some of us are that shallow..but we arent!! Dont underestimate us please. I believe we had discuss this last year on this link below; http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/6/8225 The west this,the white man this..I find this kind of thinking rather limited[there my assumption of people]..Lol Intee ila aaday, abaayadiis? I did not mean to offend you, ee ma'ogi why you took it personal. Mugaabe lee ka hadleynay, I don't know why aad shaqsi ahaan ugu qaadatay my opinion. It is a fact, dear, Western media always spin the news into their strategic interests. Nothing new in this, and whoever does not read between the lines is a naive. Unfortunately, a lot of people are swayed by this, taking news as it was presented, not closely examining the root causes of any given conflict and the bias from the presenter or news feeder. I just never take Western media's news reports of any conflict as a face value. Just take a look of how they spin what they report from Venezuela and the president of that country, Hugo Chavez. Some of them go into extremes, portraying him a dictator when in fact he is more democratically -- and more popularly -- elected than the so-called 'leader of the free world,' Bush.
  15. I just don't understand dadkaan mar mar. It is not the time to bicker. It is not the time to disparage or belittle others' political views who are fighting and struggling side by side with you in the liberation of Soomaaliya. It just is not the right time to create divisive divisions. We just cannot afford that. We have a bigger problem, the maroodi in the room that we cannot ignore at the moment -- waa Xabashi occupation. Yet aboow heelowyaashaan wax aan loo joogin ku hadlaayo. Waa kuwa dhalinyarada Alshabaab la baxay iyo hoggaankooda. What is wrong with these following men who lead that group? I just don't understand waxee u danleeyihiin. Read on. And some of them need to read and possibly expand their knowledge of history. It seems they have a little grasp of halgan and liberations throughout the history. Faransiiska kuwii ka halgamaaye in World War II London ayaa laga xukumay. So is Reer Norway's leadership. What about the leadership of ANC of Koonfur Afrika. What About the Xamaas leader, Khaalid Mishaal, who is based in Dimishiq, Suuriya. Just to mention a few liberation groups. Heck, the man they believe is their spritual leader, Osaama, is not really firing a bullet either. -------------- Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo ka mid ah ururka Alshabaab ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in aaney urur ahaan waxba ka khuseynin dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ka socda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Macallin Xaashi waxaa uu sheegay in xubnaha Isbaheysiga Dibuxoreynta Soomaaliyeed ee Nairobi jooga aysan wakiil ka ahayn sida uu u yiri Mujaahidiinta ka dagaalameysa gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xubnaha Isbaheysiga ay yihiin kuwo dalxiis u tagay Magaalada Nairobi oo aan u tegin dib u heshiisiin ay wakiil uga yihiin shacabka Soomaaliyeed. “ Xubnaha Isbaheysiga waxay Nairobi u tageen dalxiis, dib u heshiisiin ay shacabka wakiil uga yihiinna halkaas uma tegin ” ayuu yiri Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo sheegay in wixii ay halkaas ka soo qaadaan Xubnaha Isbaheysiga la doonayo meel ay kula soo noqdaan, “Gurbaankii la xado goob lagu yeeriyo ayaa la rabaa”ayuuna yiri Macallin Xaashi Maxamed Faarax. Sii aqriso --------------- Shiikh Mukhtaar mar wax laga weydiiyay sida ay u arkayaan dib u heshiisiinta la doonayo in laga dhex bilaabo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda waxaa uu sheegay in dib u heshiisiinta ay ka go’do sida uu u yiri dadka xabadda ridaya ee ku sugan dalka Soomaaliya, “ Dib u heshiisiinta kama go’do dad naftooda la cararay oo dibadaha jooga, balse waxay ka go’daa dadka xabbadda ridaya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ” ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo intaas ku sii daray in dib u heshiisiin hadda la sameeyo ay dan ugu jirto dowladda Itoobiya oo sida uu u yiri ku jabtay dagaallada ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Sii wado
  16. Haye many of you tukado salaadda waajibka ah ee shanta waqti daily? Anyone? Do I see hal gacan taagan from the far back? Hmmm, how about afar salaad a day, plus tii qalada? Anyone? Laba gacan arkaa. Good. Dadka tukanaayo faraha ka qaada, meeshee rabaan haku tukadaan. At least qof dadaalaayo u egyahay, dadaalkiisa meesha haka sii wado, and I hope he disregards the negative reports the tabloids write or try to write.
  17. Some people's political opinion can be easily swayed by Western media. The blame is not at the feet of his adminstration of how Simbaabwe's economic deteriorated and eventually collapsed. It was almost purely the result of British-led economic sanctions against his country. Any impartial person can see that. Why the sanctions? It is the result of his policies of redistributing the commercial lands to their rightful former owners, the native people. Who give the White colonials the lands before? Themselves baa isa siiye. Now the British and her allies boycotted to buy what the farmers produced; then they cut the economic aid. What do you expect the result since this is a typical African country? Now, if he is gone the problem will be gone? Of course, that is what the anti-Mugabe allies say. Britain is already promising a billion pound economic aid package. If Koonfur Afrika does what Simbaabwe did, I am sure it will be the same story and Thabo Mbeki will be vilified in no time. Mugabe's only problem was a typical Afrikaan mentality -- staying in power too long and redistributing some of the lands to his allies and cronies.
  18. Geeljire, gaaladii dagaalada ka bacdi aragtaa u maleynaa, oo kistoo nafaqada ku yar maadaama dadkiiba liito, geel sheekadiisa intee taalaa. Kuwii pre-civil war inaa aragtid fiicneyd, though, kuwaas si ee u qumanayeen, tartanka wey gali kareen. Take a look at this "hottie" [or is it a hunk] -- certainly a beauty competition wuu/wey gali karaa/kartaa. See waaye, even indhakuul u marsanee.
  19. Kan anaga naga mid ah ka warama oo telafashin daradiis u sameeye waxaan, according to this news article. ------------ Columbia Heights mom ordered to stay away from kids She was prohibited from contacting her five children for 10 years as part of her sentence in the death of her 23-month-old daughter A Columbia Heights mother was sentenced Wednesday [yesterday] to 11 months already served and 10 years probation in connection with the death of her 23-month-old daughter. But worse than the jail time is a condition that she cannot see her five surviving children for the 10 years of her probation, Khadijo Ali said afterward. "Not being able to see the children is far more painful than any sentence,'' she said through a Somali language interpreter. Ali, 27, had pleaded guilty in November to second-degree manslaughter. Her boyfriend, who pleaded to second-degree murder, is to be sentenced later this month. According to the charges, Ali told police that she watched as her boyfriend slapped then violently shook her toddler after the girl walked in front of the TV in her apartment on Dec. 5, 2006. Then Ali, whose family was being supervised by child protection officials, went shopping. She left her boyfriend to watch her daughter, Sahra M. Abu, and her four other children, including the couple's 4-month-old son. A fifth child had previously been placed with her parents. In Anoka County District Court Wednesday, Ali dabbed her eyes with a tissue but had nothing to say before being sentenced by Judge Barry Sullivan. The judge stayed a nearly five-year sentence as long as Ali meets probation conditions, including completing mental health counseling and not doing child care work. The judge told Ali she could not contact, directly or indirectly, her children, who have been placed with her parents in Rochester, Minn. She also cannot go to her parents' home. Her attorney, Joseph Tamburino, told Sullivan that Ali "desperately requests" that he consider modifying his order to allow Ali to see her children if social service workers approve in the future. The judge agreed to that. Tamburino said that the 16 months since Ali last saw her kids "has been horrible'' for her. He said Ali, who has a job as a hotel housekeeper in Rochester, can talk to her relatives about her children but cannot send messages to them. Ali also agreed to testify, if needed, against her boyfriend, Ahmed Mohamed. Mohamed, 32, admitted punching Sahra in the stomach, causing massive internal bleeding from a torn liver and other injuries . Police found Sahra dead in Ali's apartment in the 4600 block of NE. Tyler Street. The coroner's autopsy found the toddler died from massive internal injuries and might have survived 20 to 30 minutes after she was injured. Child protection records show Sahra lived in the sometimes chaotic home of a twice-divorced mother. Ali struggled to pay bills and care for her five preschool children. The family lived for a while in a homeless shelter in Minneapolis. Ali's older sister, Miryan Ali, has said the family had fled war-torn Somalia when Khadijo was a young teen, taking her out of school and into a Kenyan refugee camp before she reached Minnesota in 1999. Ali said she and Khadijo saw their 8-year-old brother shot to death in Somalia. On Wednesday, Khadijo Ali said her five children range from 1 1/2 to 8 years old. "I am hopeful in the future I will be able to have them back in my life," she said. "I love my kids." Xigasho
  20. Ciidamo taageersan Maxkamadaha Islaamiga oo xalay la wareegay gacan ku haynta Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maleeshiyaad daacad u ah Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya muddooyinkan dambena dhaqdhaqaaq xoogan ka waday Gobolka Hiiraan ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta Degmada Jalalaqsi iyagoo aysan la kulmin wax iska hor imaad hubeysan ah. Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkan Maxkamadaha Islaamiga la wareegen xarumihii Maamulka Dowladda Federaalka ee Magaalada Jalalaqsi, sida Xarunta Maamulka, Saldhigga Booliska iyo xarumo kale. Goordhaw oo maanta ah ayaa lagu wadaa in hor joogayaasha Maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga la hadlaan dadweynaha degmadaas iyagoo u sheegi doona waxyaabaha ay ka damacsan yihiin Gobolka. Gobolka Hiiraan ayaa noqday meelaha toddobaadkan rabshadaha ba’an ee ka socda dalka Soomaaliya ka dhacayeen waxaana gacan ku haynta Gobolkaas ku loolamaya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa dalka Itoobiya iyo kooxaha Maxkamadaha Islaamiga oo iyagana gacan ka helayaan Shacabka Gobolka. Xigasho -------------- Gaalkacyo: Ciidamo isagu jira Itoobiyaan iyo Soomaali oo lasoo dhoobay Xadka Gobolada Galgaduud iyo Mudug Ciidamo isagu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa lasoo dhoobay xadka gobolada Mudug iyo Galgaduud kadib markii ciidamada Alshabaab looga baqayo inay weerar kusoo yihiin Gobolada Puntland. Ciidamadaani ayaa ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa culus iyagoo degay meel koonfur kaga beegan Bandiiradleey ee magaalada Gaalkacyo. Lama oga inay horey usoconayaan iyo inkale balse wararka aanu ka helayno halkaasi ayaa waxay tibaaxayaan in ciidamada Soomaalida oo kaashanaya kuwa Itoobiyaanka inay baadi goob ugali doonaan Ciidamada Alshabaab oo maanta qabsaday hub tiro badan iyo dadba ku laayey deegaanka Cadaado. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa kasoo galay dhanka iyo gobolada Puntland waxayna usii gudbeen gobolka Galgaduud iyadoo caawa saldhig ka dhigtay deegaan u dhaw Bandiiradleey iyadoo aan la xaqiijin karin inay sii degenaananayaan halkaasi iyo inay horey ugu sii gudbayaan. Wixii warar dheeraad ah ee ka soo baxa wararkaani dib baan idiinkala soo socodsiin doonaa Inshaa Allah. Xigasho
  21. Yesterday and other days, it was at Diinsoor, Qansaxdheere, Jowhar, Waajid, Buuloburde and Xudur. Not to mention Bu'aale, Afmadoow, Saakoow and most of the rest of Jubbooyinka and parts of Shabeellaha Hoose. Today, it is at Cadaado and Jalalaqsi. Maalinba meel ay galoyaan, iska baac baacsanoyaan without any fear, then leave with hub iyo wax walba. Ciyaarta ayee badaleen, moooryaantii dowlad ku sheega u shaqeynaaye naftooda ula baqoyaan, thinking which town will be next. --------------- Cadaado: Xoogaga Alshabaab oo galabta ka baxay degmada Cadaado kadib marki ay maanta la wareegeen Xoogaga Alshabaab ee ka dagaalamo dalka Soomaaliya oo maanta la wareegay gacan ku heynta magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay galabta isaga baxeen halkaasi. Xoogaga Alshabaab ayaa la sheegay in ay ka tageen deegaanka iyaga oo horey u kaxeystay baabuur dagaal oo ay maanta ka qabsadeen maleeshiyaad taageersanaa DFKS oo halkaasi fariisin ku lahaa kuwaas oo saaka weerar lagu soo qaaday lagala wareegay hub iyo deegaanka ay joogeen. Lama yaqaano halka ay qabteen kooxahaan sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaayo kama foga deegaanada ay maanta dagaaladu ka dhaceen waxaana ay ahaayeen ciidamadaasi kuwo aad u hubeesnaa isla markaana diyaarsanaa. Dagaal faraha loogaga gubtay oo maanta ka dhacay deegaanada Balihagis iyo Dayano iyo degmada Cadaado ayaa isla markaana u dhaxeeyey maleeshiyaad taabacsan DFKS iyo dagaalyahnada Alshabaab ayaa waxaa uu sababay qasaare nafeed oo gaarayo ilaa iyo 16 inta la ogyahay kuwaas oo badankooda ahaa kooxihii lasoo weeraray. Weerarka halkaasi ka dhacay ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab, afhayeenka ururkaasi Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) ayaa saxaafada u sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkaasi maanta lagu ekeeyey deegaanadaasi ka tirsan degmada Cadaado. Waxaa uu usheegay Abu Mansuur in ay dileen dhoor nin iyo in ay gubeen taangiyo iyo sidoo kale in ay la waregeen gaadiid dagaal iyo kuwo kale oo aan qoryo saareen kadib markii ay ka guuleeysteen maleeshiyaadkii taabacsanaa DFKS oo ay maanta dagaalka la galeen. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa dad rayid ahaa oo ay madaafiic guryahoodu ugu tageen waxaana sidoo kale jirto lix qofood oo safar ahaa oo saarnaa gaari ka tagay magaalad Muqdisho oo uu madfac kula dhacay agagaarka degmada Cadaado kuwaas oo sida la sheegay dhaawacooda loo qaaday magaalada Gaalkacyo. Dagaalkaan ayaa ka mid ah dagaalo xiriir ah oo maalmahaan ka socday Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe kaasoo ushaxeeyey ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa DFKS. Xigasho
  22. Stuff Soomaali People Dislike #6 Immobile -- always moving around Go, pick out a random Soomaali from any street. Ask him or her how many places did they live at. The average to those in Galbeedka is around seven cities in the last two decades. To those in dalkeena, probably far more. What makes Soomaalis move around? Always looking where the sun is always shiny, where the earth is always green? Or does it have to do with 'heblaayo baa degan xagaas oo amaaneysay' or 'hebel baa meeshaas shaqo fiican ku sheegay'? Or is it, as some say the cultural make-up, as a result and consequence of thousands of years of being nomads, whose very by nature is moving around and not living at one given place at any given time? They are age-old questions that cannot -- and possibly ever -- be found its answers that easily. -------------- Next entry: Innovation
  23. Ani maa wiil i dhahee? Grrrrrrrr. Anigii mudane magalka ahaa? Grrrrrrrrrrrrrr.
  24. Babababa, caawa waala soo dhumay. Yarta, xaaku keenay jiiradaan? Dool camal usoo gishee, ar sidii qooleey camal yaa laguu tifin yaah, ka bax intaa wali dool ka tahay. Hayeey.