Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,658
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Alloow cimriga caafimaad igu gaarsii anigoo Soomaali Airlines Xamar u raaco.
  2. DF oo WAR cusub ka soo saartay dib u bilaabidda shirkada Somalia Airlines Wasiirka duulista hawada xukumada faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in ay wadaan qorsho dib logu soo celinayo duulimaadyadii shirkadda Somali Airlines. Wasiirka duulista hawada oo la hadlaayay warbaahinta dowlada, ayaa sheegay in aysan sahlanayn in dib loo soo nooleeyo diyaarad balse sanadka 2019 in lagu xisaabtamayo howl-galinta Somali Airlines. Oomaar oo sii hadlaya ayaa sheegay in ay ahmiyad gaar ah siinayaan soo celinta kaalintii diyaarada, ayna hada meel wanaagsan u marayso isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sanabkaan shaqo billaabi doonto. Somali Airlines waxaa la aasaasay sanadkii 1964-kii. Waxa ay duulimaadyo ku samayn jirtay wadanka gudihiisa iyo dibaddiisa waxa ayna xarunteeda waayn ku taalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Guud ahaan diyaaradaha Soomaaliya waxa ay u kala duuli jireen wadamo badan oo ku yaala Afrika, Bariga Dhexe, Aasiyada Fog iyo Yurub balse sanadii 1991 markii uu dalka qarxay dagaalkii sokeeye waxaa bur buray adeegyadii diyaaradaha ee Soomaaliya. Xigasho
  3. Wafdiga madaxweyne Cumar Geelle waxaa la socday Hobollada Waaberi legends Xasan Aaden Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo ugu dambeysay Xamar 1990. Sidoo kale fannaanka da'da yar ee Cawaale Aaden wafdiga ka mid ahaa. Xasan Aadan Samatar iyo Cigaal oo 30 sano kadib Muqdisho yimid Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ku dhowaad 30 sano ka hor ay ugu dambeysay. Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, iyo sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, ayaa ka mid ahaa waftiga madaxweynaha Jabuuti ee maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya. Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan waa Fanaaniin Qaran oo ka mid ahaa Hoboladda Waaberi, waxay codkooda halaasiga ah magac iyo maamuus uga kasbadeen bulshadda Soomaaliyeed. Markii la ogaaday in ay dalka yimaadeen waxaa Baraha Bulshadda qabsaday sawirkooda, iyadoo dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen in fanaaniintu muqdisho ku soo laabtaan. Sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale aadan ayaa ka mid ah fananiinta maanta yimid Muqdisho. Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa. Xigasho ___________________ Muqdisho, hoygii ummadda Soomaaliyeed waa laga maarmaan. Eebboow nabadeeda u sahal.
  4. Booqashada madaxweyne Geelle ee Xamar oo direysa laba farriin siyaasadeed Wafdi imaanshihiisa – aad looga dareemay xirnaanshaha waddooyinka caasimadda – balse horay loo sii shaaciyay ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Adde. Wafdiga oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxay iskugu jiraan xildhibaanno, wasiirro iyo ganacsatada Jabuuti. Waxaana lagu wadaa in inta uu joogo caasimadda Muqdisho uu xariga ka jaro safaaradda Jabuuti ay ku leedahay dalka. Imaanshiyaha Geelle wuxuu ifin karaa sida rajada leh oo uu soo kabsanayo xiriirkii dhawaan ku sigtay inuu liifadda gaabsado oo labada dal soo kala dhex galay. Wuxuuna u muuqdaa mid sida farriin qanacsanaan laga dareemi karo. Kasokow xiriirka soo jireenka iyo sokeeyanimada labada dal ka dhaxaysa, Jabuuti waxay qeyb ka tahay ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM oo gaar loogu yeero Hiil Walaal. Waxaana si laga mahad-celin leh ay qeyb lama-huraan ah kaga jiraan howl-galka socda. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay oo cutubyo kamid ah AMISOM ay iskaga baxayeen qeybo kamid ah Shabeellada Dhexe, joogitaanka Hiil Walaal ee Hirshabelle wuxuu dhabtii u muuqdaa kuwa sida dhabta ah la iskugu halleyn karo. Maadaama Burundi iyo Uganda oo qeybta ugu badan ka ah ay kaliya ku ekaan karaan xeryahooda, waa ciidamada Jabuuti kuwa is-dhexgal dhab ah la sameyn kara shacbiga. Sidaas darteed, booqashada Geelle oo sidoo kale la tilmaamay inuu ku tagi doono gobalka hiiraan, wuxuu si niyad-qaboojis ah kula kulmi doonaa ciidamada dalkiisa ka socda oo sal-dhigyadooda ugu weyn ka sameystay gudaha Hirshabelle. Dad badan waxay qabaan in Geelle uu fursad ka dhex arkayo joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya kuwaas oo u muuqda cutubyo si gaar ah loogu tiirsanaaday howlgalkooda. Waxaana tani ay abuuri kartaa in hoggaanka AMISOM hadda kaddib si gaar ah loo hoos geeyo dowladda Jabuuti. Farriinta kale oo safarkiisa laga fahmi karo ayaa ah furitaanka safaaradda dalkiisa oo ah midda labaad ee ugu weyn oo – taniyo burburkii dowladdii Siyaad – aanay suura-gelin inay ku dhiirradaan. Waliba iyada oo la ogsoon yahay in Jabuuti kaalin ballaaran ku laheyd geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Somaaliya halkaas oo sannadkii 2000 Shirkii Carta MD loogu doortay mudane Abdiqaasim Salaad. Xukuumadda hadda ayaa u muuqata mid u dabaal-dageysa guusha ah furashada Jabuuti ee safaaraddeeda. Wallow aan la dafiri Karin doorkii dhexdhexaadineed oo MD Farmaajo ka qaatay labada dal ee Jabuuti iyo Eretreeya. Xigasho
  5. Wadahadalladii Farmaajo iyo Geelle oo warmurtiyeed laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-saxafaadeed kasoo saartay wadahadallo magaalada Muqdisho ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka argagaxisada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka. “Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.” Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Xigasho
  6. Civil servants xataa siriqdii weyneyd ee Caare waa ku soo dhaceen miyaa? They don't need to run magaalo madaxdooda Xamar no more. Caare alone can take care of them now and still stay in Waqooyiga.
  7. Saalax, odeyga malaaqaaga miyaa? I mean suldaankaaga, wabarkaaga, ugaaskaaga, isinkaaga, imaamkaaga, beeldaajahaaga, isloowgaaga, garaadkaaga? Yaa ka tagay taloow?
  8. Che, what is wrong with this trip? It was planned weeks ago and other heads of state are attending. Actually, this meeting was supposed to be where Farmaajo and Uhuru were going to meet before their unplanned summit in Nayroobi. Musaveni can say whatever he wants, for he knows Soomaaliya waa dal soo kabsanaayo, 28 sano ku jiray miyir beelid. Marka danteena ka gaarno ayaa hilfaha u laabi doonaa wixii asaga la mid ah; until then madaxda Soomaaliyeed haddee naar arrimaha danta Soomaaliya u galaayaan ha u galaan. Xaalka ayaa ku qasbaayo.
  9. Enemies, including some media orgs, are now distorting and intentionally misrepresenting her words as insult against Obama on her latest comments. Walaasheena lataliye weyn u baahantahay. She should not make any comments to the media nowadays.
  10. Reer Madoow wey soo daaheen, waiting which way the wind was blowing to. When they realised the hurricane they thought Ilhaan was going to face turned out a little more than a breezy wind, markaas ayee soo tooseen.
  11. Waa runtaa. There is even a considerable sub-reddit that is almost about Ilhaan's supporters posting and sharing about her. They are donating to her campaign too.
  12. Saalax, ciyaarta naga daa yaaqeey. That cannot possibly be true. But, wait a minute. What if - perhaps - he or his family had a major share the importation of those fizzy drinks to Waqooyiga market. His so-called supporters did indirectly made him profits then.
  13. Shaani ma'aha miyaa the carbonated, fizzy drinks? I think I used to see it in Islii, Nayroobi. Maxaa Muuse Muqayil Muuse Shaani loogu bixiyey? Jaad muu ku cabaa shaani? And for eight years jail time for calling him Muuse Shaani. Acuudi bilaahi, is that how thin skinned wretched secessionists are? Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre xataa dadkii 'afweyne' dhihi jiray in the high days of Kacaan era amaan ka heli jireen. Faarax Gololeey ka koow ahaa who used to call him 'afweyne' publically.
  14. Dalmar, haye 'breaking news' wararka tolka wali ma socotaa? Baddii mala dhiibay mise...? Dhowr jeer kuu sheegay, deg degaan iska daa and quit reading tolka tabloids xamaasad xun tabiyo.
  15. How come Xabashis, who had been living decades in the centre of American power (Washington DC), don't seek to run political offices in US? They were there long before Soomaalis. Are they all satisfied to run only their little restaurants in Beltway area?
  16. It failed, especially after the heavyweight presidential candidates like Sen. Bernie, Sen. Kamala Harris and Sen. Warren, came strongly to Ilhaan's defense and support. They just want to pass one meaningless resolution now in order to satisfy the angered Zionist lobby. Now a little advice to sister Ilhaan: Keep standing and fighting for the oppressed people, but be careful with your words, please. Our sister has too many enemies from right, left, above and below, looking to smell the tiniest blood drop in a shark tank.
  17. Che, was there any doubt about this? Every jaamac, jimcaale, caasho iyo xabiibo know that arrinta badda waa lama taabtaan. Badda NFD Kiikuuyada xooga ku heystaan ayaaba rabnaa soo ceshano, let alone mida Jubbooyinka. Mudane Xoriyo (Uhuru) just wanted to save his face before Kiikuuyo public because he felt his government was sorta humiliated by 'war torn' Soomaaliya. He is just saving his grace, so we Soomaalis should not care. I know very well Kiikuuyo mentality, believe me.
  18. Dalmar, waxaa filaayey inaa iska deysay wax ku deg dega aad si dhaqsa ah u gaartid. Muqdishonline meeqo mar beentooda bannaankanu soo baxday? Calaa kuli xaal: DF oo war ka soo saartay safarka Farmaajo ee Nairobi iyo mowqifkeeda dacwada badda ee maxkamada ICJ Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee magaalada Nairobi. Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in wada-hadallada Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta aysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague. Kheyr ayaa sheegay in Farmaajo uu u caddeeyey Abiy Ahmed in kiiska maxkamadda uu yahay lama taabtaan oo uu sidiisa u socon doono, balse wixii kale ee ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha diblomaasiyadda lagu xaliyo wada-hadal. Kheyre ayaa sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya uusan waxba iska beddelin, islamarkaana ay dooneyso oo kaliya in lagu kala baxo go’aanka maxkamadda, islamarkaana mowqifka madaxweynaha uu kaas yahay. “Madaxweynaha wuxuu diyaar u yahay kaliya in arrimaha xiisadda diblomaasiyeed ee dhowaan dhacay wada-hadal lagu xaliyo, balse kiiska maxkamadda waa sidiisii” ayuu yiri Kheyr. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in lasoo celiyo wada-shaqeynta labada dhinac iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya iyo wixii kasoo hara kiiska maxkamadda. Xigasho
  19. Why do you really care? You are not Muslim, marka howl kuu taalo ma'aha. Alqudus issue waxee u taalaa dadka Muslimiinta xalaasha ah, sida Ilhaan iyo Soomaalida, not kuwa diintooda suuban ka baxay.
  20. Our sister Ilhaan is facing downright smearing from all sides, from the Islamophobes in both left, centre and fascist right-wing. She needs our support more than ever. It is very sad when some so-called Soomaalis are siding online with those that are bringing those manufactured allegations. We should always stand with Ilhaan.
  21. Xoriyo (Uhuru in Sawaaxili) is reduced begging everyone now. He knows the inevitable day is coming about Kiikuuyo's tuugnimo. Shirkadaha Reer Yurub ee lacagta ka qaateen laga rabaa u soo celiyaan lacagtooda, selling them those illegal blocks in Soomaaliya's ocean and they know they can't repay it those hundreds of millions of dollars. Dowladda Soomaaliya should stand firm with tuugadaan Kiikuuyada ah.
  22. Haddii maalmo laga maqnaado qabyaalad iyo magacyo qabiil la isku walaaqaa on here. I have to remind you SOLers, SOL still has no clan-naming rules. Do not write clan names on here, otherwise your whole posts will be deleted.
  23. Caarre is still buliding the big siriq web yaah? Secessionist ultimate nightmare ku noqday.
  24. She is shaking Wahington establishment as never seen before. No other 'justice democrats' (including their darling princess, Ocasia-Cortez) can face the Zionist media, political and financial juggernaut in Mareykanka as Ilhaan is doing. And she is surviving. What is even more remarkable is that she is a refugee, a practising Muslim, an immigrant, a girl of proud African heritage - all ingredients of Trumpists love to profess to hate. Go far, Ilhaan.