Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,678
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Karaash has a growing official Facebook page now. In 2020 qof masuul ah la afxiri karo ayaaba iska yar. This ain't in 1980s. Garoowe 20 May 2020 Xafiiska Warbaahinta Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu uga mahadcelinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku taxan Boga Facebook. Muhiimad gaar ah ayay noo leedahay in mudo 24 Saac ah uu ku gaaro 30K. Sawir Mahadsanidin
  2. Puntland oo ka mamnuucday in Masaajidda deegaannadeeda ku yaalla lagu tukado ciidda si loo xakameeyo faafidda COVID-19 Wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in salaadda Ciidda aan lagu tukan Karin masaajidda deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo. Waxa uu qeexay in arrimahaasi ay uga gol leeyihiin xakameynta xanuunka COVID-19 oo kiisas kamid ah horay looga helay Puntland, wuxuuna wasiirku qeexay in shacabka ay u dhaga nuglaadaan awaamiirta lasoo saaray. Dhinaca kale waxa uu qeexay in maalmaha ciidda kadib ay qorsheeynayaan in ay dib u furan dugsiyada Qur’aanka kariimka ah, laakiin waxa uu tilmaamay in ay jiraan sharuudo horyaalla macallimiinta oo ay kamid yihiin in 30 arday ka badan aysan waxba bari Karin. Deegaanno kamid ah maamulkaasi ayaa horay looga diiwaan-geliyay xaalado la xiriira Coronavirus, waxaana la ogeyn sida amarkaan soo baxay uu dhaqan-geli karo maadaama bulshada Soomaaliyeed xilliyada ciidaha ay aad isugu yimaadaan Masaajidda iyo barxadaha lagu tukado.
  3. If tuugii weynaa Gabre was still commanding those corrupt politicians what to do, surely they would not have dared to to complain about Xabashi mercenaries. Somalia opposition parties voice grave concern over presence of non-AMISOM troops in Somalia Somalia opposition parties have issued a statement in which they expressed grave concern over the increasing presence of non-AMISOM troops from the Ethiopian National Defense Force in several parts of Somalia. In a statement jointly seen by opposition political parties led by Forum National Party under the former Somali president Sheikh Shariff Sheikh Ahmed says the unilateral action by non-AMISOM Ethiopian troops constitutes a blatant disregard for the longstanding agreement between the Federal Republic of Somalia and AMISOM troops contributing countries, which clearly defines the scope of their jurisdiction. The opposition parties therefore considered all foreign troops who are not under the AMISOM mandate as occupiers. Meanwhile, the parties condemned the downing of the Kenyan plane by the non-AMISOM Ethiopian troops in the Somali town of Bardale early this month, killing all those on board. The opposition parties condoled the death of those killed in the tragic incident and sent their heartfelt condolences to their families. “Our deepest condolences and prayers are with the victims and those who lost their loved ones as a result of this horrific action” The opposition parties have recently accused the federal government of using Ethiopian troops to intimidate officials in Gedo into renouncing Madobe while Ethiopia denied the accusation. The parties said though Ethiopian troops flashed out Alshabab militants within the capital Mogadishu in 2007/08, they killed dozens of civilians, displaced millions across the country and caused widespread destruction. They warned repeat of that horrendous mistake would undermine peace and security in the country. It would also further embolden extremist elements. On the other side, the opposition parties also accused the chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Madeira of overseeing unchecked violation of Somalia’s sovereign integrity and closely working with FGS. They said, Madeira worked in collusion with Ethiopian troops to interfere with Southwest and Jubbaland elections in the past. They added, Madeira is supposed to ensure AMISOM integrity is not tainted by ambitions of foreign state. They asked both Somalia parliaments, The African Union and the UN Security Council to intervene, investigate the presence of Ethiopian troops in the country and to avert the building tension. Also, they called The African Union Commission leader Mousa Faki with immediate effect to replace his special representative Madeira, with a neutral and experienced diplomat who discharges his duties faithfully. Finally, they called on the Somali people around the country to strengthen their internal cohesion and resist their illegal interference from external forces particularly Ethiopian troops which they said have a long and checked history of destabilizing the country for fear of seeing a united, peaceful, strong and democratic Somalia.
  4. Kuwaan mucaaradka la baxay cabaad and baseless accusations kama dhamaado miyaa? Bilooyin ka hor ayee ahayd markee daljiraha Mareykanka ku eedeynaayeen inuu dowladda dhexe la saftay. Maantana eeda waxee la u wadaan daljiraha Midowga Afrika. Do they think international players can play the same old game of disrespecting Soomaali governments and interfering our political affairs as they did from since 1990. Until this dowladda dhexe stopped it. Why don't they complain about what Kiikuuyo are doing in Jubbooyinka and Gedo? Maxay tahay sababta xisbiyada mucaaraadka u dalbadeen xil ka qaadista Francisco Madeira? Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa shalay Ururka Midowga Afrika ka codsaday iney badalaan ergayga u fadhiya Muqdisho kaas oo ay ku eedeeyeen inuu si aad ah ugu milmay siyaasadda kooxda xukunka heysa. Francisco Madeira wuxuu wajahayaa eedeyn kulul, inkastoo uusan ka jawabin haddana waxaa la saluugay qaabka uu u shaqeeyo. Madasha waxey ergaygaan ku eedeeyeen inuu garab u noqday Dowladda, isla markaasna raalli ka noqday faragalin ay kooxda talada heysa ku sameysay hab maamuuska doorashooyinka maamul goboleedyada. Afhayeen Madasha Xisbiyada Qaran Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa ka dalbaday ergayga inuu si cadaalad ah u shaqeeyo mar uu gudbinayay dalabka shaqada looga eryayo. “Wakiilka Midowga Afrika waa mas’uulka ugu sarreeya hawlgalka AMISOM, wuxuu dalka ku joogaa Sharci iyo heshiis, waa mamnuuc in astaanta ciidanka AMISOM ay cid kale xirato,” ayuu afhayeenka u sheegay idaacadda VOA. “In ciidamo aan ka mid aheyn kuwa AMISOM lagu faragaliyo doorasho maamul goboleed waa wax xad dhaaf ah, waxaana ognahay in AMISOM ay wadanka u joogaan la dagaalanka kooxaha argagixisada,” ayuu mar kale yiri. “Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah.” Madasha Xisbiyada Qaran waxey walaac xoog leh ka qabaan inuu dhex-dhexaad ka noqon waayo doorashooyinka qaran ee la filayo bilowga sanadka dambe, ayaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ujeedka kama dambeysta ah ee laga leeyahay uu yahay in lagu faro-geliyo doorashada federaalka ee sanadkan dhaceysa. Xigasho
  5. La taliyaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fuje ayaa maanta diirada saaray dabaaldaga maalmaha ciida ee nagu soo fool leh in ay bulshadu yareyso is dhaxgalka maadama ay jirto qatar aad uweyn oo ah caabuqa COVID-19, asagoo ku booriyay in lagu dadaalo dhaqan gelinta dhammaan qaababka looga hortago caabuqa sida dhaqashada gacmaha oo la joogteeyo, xirashada af-xirka iyo kala fogaanshiyaha. Lataliyaha ayaa soo jeediyay in la baajiyo dabaaldaga munaasabada ciida maadama uu jiro cudur dilaac ayna ka imaan karto isu imaanshiyaha bulshada inuu sii faafo caabuqa, sidoo kale wuxuu fariin udiray isbitaalada inay muujiyaan diyaar garow adag maadama ciida ay dhici karto inu caabuqa faafo oo ay hal mar qaabili karaan dad fara badan oo uu soo ritay cudurka.
  6. 20 May 2020, Wasiirka Caafimadka ayaa la wadaagtay bulshada xaaladaha ka soo kordhay COVID-19, iyadoo xaqiijisay 71 xaladood. Waxaa laga soo xaqiijiyay 4 maamul goboleed oo kala ah Jubbaland 46 xaaladod, Gobolka Banaadir 17 xaaladood, Puntland 6 xaaladood iyo Somaliland 2 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,573 xaaladood, waxaana geeriyooday 2 bukaan halka ay bogsootay 10 bukaan. Wasiirka ayaa bulshada u sheegay in ay muhiim tahay inaan ku dadaalno ka hortagga cudurkaan aana xakameen karno hadaan umidowno la dagaalankiisa. Sidoo kale bulshada waxaa looga baahanyahay ina ay dhageystaan fariimaha wacyigelineed ay bixiyaan dhaqaatiirta si ay uyaraato faafidda caabuqa.
  7. It is just deep ignorance embedded with dhaga adeyg geeljire mentality of maryooleey.
  8. Karaash oo laga mamnuucay warbaahinta maamulka P/L kadibna tallaabo qaaday Iyadoo Puntland ay xaalado cakiran oo dhanka amniga ah ka jireen maalmahii lasoo dhaafay, hadana waxaa kasii darat khilaaf u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa maamulka, waxeyna arrintu gaartay in dagaal dhanka warbaahinta ah uu yimaado. Khilaafkan ayaa maraya heer madaxweyne ku-xigeenka Puntland laga mamnuuco inuu adeegsado warbaahinta maamulka, taasi oo ku qasabtay inuu abuurto bogag u gaar ah. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii hore isku khilaafay xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka madaxtooyada. Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaaday taliye ku xigeenkii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada, wuxuuna durba magacaabay mid kale, arrintaas waxaa kasoo horjeestay ku xigeenkiisa Karaash, oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista iyo magacaabista labadaba. Walaac weyn ayaa soo kordhay kadib markii khilaafka uu u gudbay dhanka warbaahinta, tacsi uu Axmed Karaash u diray gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay ayaa laga saaray bogga talafashinka Puntland oo markii hore lagu daabacay. Xaaladda waxey kasii dartay markii bogga madaxtooyada maamulka Puntland aan lasoo galin tacsi uu Karaash u diray ehalada gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay, hase yeeshee in wararkiisa lasoo galiyo boggaas waxaa ugu dambeysay horaantii April xilli uu la kulmay guddi gurmad ah. Ugu dambeyntii Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu go’aansaday inuu sameysto bog cusub uu ku faafiyo waxqabadkiisa, kaas oo durba gilgilay baraha bulshada Soomaalida. Xigasho
  9. What did Mudane Karaash do? Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wararkiisa laga mamnuucay in lagu faafiyo warbaahinta ku hadasha afka Puntland Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida PuntlandTv iyo barta internetka. Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyada. Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur. Masuuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay arintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sareeya Puntland. Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horeysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan labo warfaafineed. Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka masuuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin.
  10. Another massive achieve for Isxilqaan program. Madxafka Qaranka, Tiyaatarka Qaranka, Maktabada Qaranka iyo Garoonka Ciyaaraha - all of them re-constructed under isxilqaamid. It tells us we can built and rebuilt wax walba aan rabno. The original plan was to officially open all of them on Kowda Luulyo of this year. That won't be possible now due to cudurka safmarka ah. N.B. - I would have loved if kuraasta were in light blue colour.
  11. Somalia’s COVID-19 cases soar to 1,502 after 47 tested positive Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 47 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,502. Fawziya Abikar, the Health Minister said the new patients are from the semi-autonomous region of Puntland which has 19, Banadir 13, Somaliland 8 and SouthWest 7. Abikar said two patients succumbed to the deadly respiratory disease, bringing the total number of deaths since the pandemic was reported in the country to 59. She said 15 people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 178. The minister said 42 of the latest cases are male while five others are female persons amid concern from the UN that the cases are largely due to community transmission. The Horn of Africa nation joined the long list of countries dealing with COVID-19 on March 16, when the Health Ministry of Somalia announced the first confirmed case.
  12. Maanta oo ay taariikhdu tahay 19 May 2020 Wasiirka Caafimadka ayaa la wadaagtay bulshada xaaladaha ka soo kordhay COVID-19, iyadoo xaqiijisay 47 xaladood. Waxaa laga soo xaqiijiyay 4 maamul goboleed oo kala ah Puntland 19 xaaladood, Gobolka Banaadir 13 xaaladood, Somaliland 8 xaaladood iyo Koonfur Galbeed oo 7 xaaladood ah. Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay in xooga la saaro ka hortagga cudurka maadama ilaa hada loo la’yahay dawo ama tallaal looga hortago, iyadoo lagu dadaalayo xirashada Af-xir, gacmo dhaqasho joogto si loo xakameeyo faafidiisa.
  13. You reminded me a nephew of mine in Muqdisho. A young man in his early 20s and who came back from Malaysia after many years of studying. He hadn't been to Xamar since 2005. He told us a few weeks ago he was praying separately from the rest and alone in a masaajid with his prayer mat. Some folks came to him, while he was preparing to start salaadda. They told him he must come to the line since it is sunna. He told them it is ALSO sunna not to spread viral diseases. They did not listen, he reported. Neither did he. So he prayed alone. We told him next time gurigaaga iskaga tuko.
  14. Hoteelka Cali Mahdi ee Liido dhismihiisa intuu maraayaa?
  15. Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay faqri aad u xun ah markii la joojiyay Qaadkii Soomaaliya Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran. Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta qaadka dalka gudihiisa iyadoo laga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus. Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada koonfurta Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo qaado doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya. Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeeray inay xayiraada ka qaado qaadka. Ganacsatada oo fariin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la'aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun. Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xoogan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas. Dowladda Kenya ayaa maalin walba dhaqaale xoogan ka heli jirtay Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya. Waxaana joojintaan ay sababtay inay hoos udhacdo nolasha qoysas badan oo ku tiirsanaa ka ganacsiga Qaadka.
  16. Can't Kiikuuyos realize cagajiidnimo of delaying and stalling of this court case in order to hope for a new Kiikuuyo-friendly Soomaali government is a fantasy dream? Somalia rejects Kenya’s third request to postpone maritime case Somalia rejected a new request dated April 23 by Kenya to have the maritime delimitation hearing case postponed for the third time, The Brief can reveal. The hearing will thus go ahead as scheduled on June 8-12, unless affected by Covid-19 pandemic. Already, Kenya has asked for postponement twice, forcing the International Court of Justice to delay the hearing twice. The case was first pushed back from September 9-12 to November 4-8, 2019, and again to June 8-12, 2020 on Kenya’s request. In this new filing, according to international journalist Harun Maruf, Kenya cited the Covid-19 pandemic for the reason to have the maritime hearing postponed. In the previous request, Kenya had asked for more time to reconstitute its legal team. The ICJ delayed the case in October last year on the understanding that no further postponement would be granted. The time of oral arguments allocated to each party will remain as initially planned. “Again the Court wishes to remind the Parties that the written proceedings, in this case, are already closed. The parties should proceed to the hearings in accordance with the Rules of Court,” the letter stated. Kenya has been hoping for an out of court settlement on the matter but Somalia has insisted on letting the court decide. It has previously hinted at not trusting the ICJ, accusing its northern neighbour of ignoring local and continental mechanisms to resolve the dispute. September 19, 2016, was the first time that Kenya appeared before the ICJ and the position then was and still remains that the Court was not competent to decide the maritime dispute. Kenya has always maintained its position that it did not consent to the Court’s jurisdiction over disputes where it had agreed to other methods of settlement, including the April 7, 2009 MoU. Xigasho
  17. Guddiga ka hortagga Covid-19 oo shir xasaasi ah ka yeeshay dabaal-dega Ciidul Fidriga Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa. Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah. Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashaadi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19. Sidoo kale xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga. “Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safmarka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga qaran ee xakameynta cudurka halista badan ee Coronavirus. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha.
  18. Only a few weeks on and the soft crippling of Kiikuuyo economy happens. Imagine if this continued for a year. Gobolka Meru ee Kenya oo faqri galay, kadib markii la joojiyey qaadkii Soomaaliya Gobolka Mero ee dalka Kenya oo Qaadka looga soo dhoofin jiray Soomaaliya ayaa faqri xoogan lugaha la galay, tan iyo markii ay dowladda federaalka ay joojisay qaadkii Soomaaliya uga imaan jiray dhinaca dalka dalka Kenya. Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Meru oo dhigay dibadbax ballaaran ayaa waxa ay uga soo horjeesteen xayiraada saaran Qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofin jireen oo la joojiyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya labda dal. Sidoo kale ganacsatada ayaa KA dalbaday dowladooda inay wax ka qabato arrintaasi, iyagoo sheegay in Qaadka la’aantiisa magaaladoodu ay ku noolaan doonto faqri xun. Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu istaagay ganacsigii Qaadka ee xaafadda Islii oo ay Soomalida ay ku badan tahay, kadib markii lagu soo rogay banow saameeyey isku socodka xaafaddaasi. Ugu damgbeyn isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee wadanka Kenya ayaa waxa ay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka ee loo soo gudbiyo Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa lacag fara badan waxa uu ka soo galaa Qaadka ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagi jiray maalin walba diyaarado sida Qaad fara badan oo laga keenayey gudaha dalkaasi.
  19. Lataliyaha wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa ka hadlay in uu caabuqa aad ugu fidayo gobolada dalka loogana baahan yahy madaxda maamuladaasi in ay daryeel fiican u diyaariyaan dadka uu soo ridanayo caabuqa. Dr. Fuje ayaa si aad ah uga hadlay in la hormariyo nidaamka latacaalidda bukaanada oo ay ugu horeyso xarunta gooni-sooca ee lagu haayo dadka uu soo rido caabuqa, in daryeel gaar ah loo diyaariyo dadka qaba cudurada raaga iyo kuwa da'da ah. Sidoo kale Dr. Fuje ayaa sheegay in aad loo qalabeeyay Isbitaal De-Martino oo ah xarunfa koowaad ee loogu tala galag in lagu daaweeyo dadka qaba caabuqa COVID-19, iyada oo ay u dhameys tiran yihiin dhaqaatiirtii iyo agabkii caafimaadka oo ku filan lana wado qalabeynta xarunta labaad ee laga sameeyay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka banaadir. Dr. Fuje oo hadalkiisii sii wata ayaa xasuusay maamulada gobolada in ay joogaan dhaqaatiir tababar COVID19 ku qaatay khadka internet ka oo ay tababareen khubaro talyaani loona baahan yahay in laga faaiideysto. ugu dambeyntii Dr. Fuje ayaa hadlkiisa ku soo gaba gabeeyay in cashar fiican laga barto u diyaar garowga iyo latacaalidda cudurada lamid ka ah cudurkaan oo kale.
  20. Warbixinta xaaladihii u dambeeyay ee caabuqa COVID19 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawsiya Abiikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 in ay tahay 34 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 3 Maamul Goboleed oo kala duwan. Maamulka Somaliland ayaa laga xaqiijiyay 18 xaaladood, Gobolka Banaadir 14 xaaladood, iyo Mamulka Hirshabeelle 2 xaalad. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,455 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan, halka ay bogsootay 11 bukaan. Wasiirka ayaa aad u adkeeyay in xooga la saaro wacyi-gelinta oo ay bulshada iska kaashadaan, in laraaco oo lagu dhaqmo fariimaha wasaaradda caafimaadka iyo khubarada ay ku baaqaan goor walbo. Sidoo kale Wasiir Fawsiya ayaa tilmaantay in aad looga taxadaro dadka cudurada raaga qaba iyo waayeelada dadka qaba ama leh astaamaha caabuqa maadama ay unugulyuhiin ayna qatar weyn ku keeni karto cudurka.