-
Content Count
17,651 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Khayre oo amray in gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo magaalada CADAADO Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda caafimaad ee ku soo korortay Galmudug. Shirka oo ahaa mid hab Online ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbixin laga dhageystay. Qoor-Qoor ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19 oo fara ba’an ku haya maamulkaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amray in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo degmada Cadaado oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyey xanuunka. Dhinaca wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaaladaasi uu ku wajahayn madaxeeynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) si u soo qiimeeyo halista caafimaad iyo qalab la’aanta laga soo sheegayo halkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhowaad 10 qof Covid-19 ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, waxaana haatan xaalad deg-deg ah lagu soo rogay gudaha magaaladaasi. -
Karaash oo la afxiray
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafka Saciid Deni iyo Axmed Karaash ee Puntland Wararka laga helayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ay aqbaleen inay ka wada-hadalaan khilaafka haatan u dhexeeya, si xal waara looga gaaro. Guddoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA, Feysal Axmed Warsame ayaa ka warbixiyey kulamo gooni gooni ah oo ay la qaateen Siciid Deni iyo Axmed Karaash, kuwaas oo looga arrinsaday, sidii loo dhameyn lahaa khilaafkooda. Feysal ayaa sheegay in labaduba ay ka codsadeen in wad-hadal lagu dhameeyo xiisada, islamarkaana ay ka aqbaleen in ay is hor fadhiistaan, si ay uga wada-xaajoodaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dallad ahaan ay iyagu dhameyn doonaan arrinta, islamarkaana ay heystaan damaanad-qaad la xiriira in ay ka aqbaleen dadaalka ay wadaan. Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland oo aad u xoogeystay maalmihii u dambeeyey ayaa salka ku haya awooda maamulkaasi. Waxaa sidoo kale fashilmay isku dayo kala duwan oo horay loo sameeyey, si loo dhex-dhexaadiyo labadaasi mas’uul. Xaaladda Puntland ayaa muuqata mid sii cakirmeysa marba marka ka dambeysa, iyadoo uu saameeyey cudurka Coronavirus oo laga helay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
26 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 22 > Somaliland: 14 > Banadir: 5 > Jubbaland: 1 > South West: 1 > Hirshabelle: 1 > Male: 11 > Female: 11 > Recovery: 18 > Death: 1 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,711 Total recoveries: 253 Total deaths: 67 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia -
Karaash oo la afxiray
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dhoobodaareed oo ka hadlay khilaafka Puntland, lana saftay Axmed Karaash Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi. Dhoobo-Daareed oo bixiyey wareysi dheer ayaa eedeyn u jeediyey Madaxweyne Siciid Deni, wuxuuna sheegay inuu ka soo horjeedo in talada Puntland ay wax ku yeeshaan xubnaha ugu dhow ee la shaqeeya sida ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka hada jira uu ka dhashay markii madaxweynuhu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynuhu wuxuu dulmiyay xuquuqdii yarayd ee uu dastuurku siiyay Madaxweyne ku xigeenka oo ah inuu la tashado. tashigu sidiisaba waa dastuuri khasab ah inuu Madaxweynuhu la tashado ku xigeenkiisa,” ayuu yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.” Ugu dambeyhn wuxuu ku baaqay in lagu dhaqmo, lana ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda u taalla Puntland, si looga kaashaanto dib u dhac ku yimaada horurmarka maamulkaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu fikta sare gaaray khilaafka u dhexeeyey Madaxweyne dowlad goboleedka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo isku hayo awooda maamulkaasi. Xigasho -
Karaash oo la afxiray
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
MAXAA KA JIRA IN DENI IYO AXMED KARAASH AY CIIDAMO KU SOO DAABULEEN GAROOWE? Dadkaas waxay sawirada ku sheegeen in madaxweyne Deni uu ciidamo ka keenay degaanno ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar kadib markii sida ay tilmaameen madaxweyne ku xigeenku uu ciidamo kala yimid gobollada Sool iyo Cayn. Sidoo kale waxay sheegeen in labada mas’uul mid kasta uu ciidamadiisa ku soo daabulay magaalada Garoowe kadib markii khilaafkoodu sii xoogaystay taasina ay xiisad colaadeed ka dhex abuurtay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Haddaba warbaahinta Puntland post oo baaritaan ku samaysay in ay jiraan ciidamo kala duwan oo labada mas’uul keeneen caasimadda Garoowe ayaa ogaatay in aysan waxba ka jirin wararkaas islamarkaana aysan dhinacna ciidamo cusub keenin gudaha magaalada. Waxaase xusid mudan in weli uu taaganyahay khilaafka ka dhexeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka kaasi oo aan ilaa iyo haatan xal rasmiya laga gaarin. Xigasho -
Useless opposition party complaints
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xidig oo shaaciyey inay furayaan dacwad ka dhan ah Madeira kadib ‘gefkii uu u gaystay’ beel Soomaaliyeed Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ka mid ah siyaasiyiinta is-beddel doonka Jubaland ee la heshiiyey Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira. Cabdirashiid Xiddig ayaa sheegay in Madeira uu khudbaddii uu ka jeediyey shirkii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya uu ugu gafay beel Soomaaliyeed. Madeira, oo sidoo kale ah madaxa howl-galka Amisom, ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.” “Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadalkii uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya. Cabdirashiid Xidig ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika, isaga oo ku eedeeyey inuu Arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu faragalin ku hayo. Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas. Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey Madeira inuu ku milmay siyaasadda gudaha Soomaaliya, isaga raali ka noqday in dowladda federaalka ay adeegsato ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom. “Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xisbiyada mucaaradka, 21-kii May. _______________ Dacwad ka dhan dowladda Kiikuuyada goormee Xiddig iyo xirtiisa furi doonaan? -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasaaradda Caafimadka oo markale kaashanaysa Nomad Innovation Lab, oo ah Urur Dhalinyaro Soomaaliyeed, oo ka caawiyay Wasaaradda Caafimaadka in ay yeelato hab casri ah ee loo soo bandhigo xogta COVID-19 ee Soomaoliya, waxaanu soo kordhinay xogta: - Irdaha wadanka laga soo galo - Goobaha lagu xanaaneeyo bukaanada COVID-19 Xogtaan cucub waxaad ka heli kartaan botomada ku yaalla qariidada hoosteeda. Dashboard: https://moh.gov.so/en/covid19/ Mahadanidiin Nomad Innovation Lab. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
25 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 95 > Somaliland: 72 > Benadir: 17 > South West: 4 > Galmudug: 2 > Male: 65 > Female: 30 > Recovery: 31 > Death: 5 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,689 Total recoveries: 235 Total deaths: 66 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia -
Karaash oo la afxiray
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Latest from his Facebook page: Garoowe 23 May, 2020 Ciid Mubaarak Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa farxada munaasabada ciidul fitriga la wadaagay dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland. Wuxuu sidoo kale madaxweyne ku-xigeenku shacabka reer Puntland Eebe uga baryay inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo dambi dhaaf, caafimaad qab, barwaaqo, amni iyo horumar waara. “Waxaa dhammaanteen eebe inooga baryayaa inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo farxad, barwaaqo, amni iyo horumar”, ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku. Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Reer Puntland Midnimo iyo Wadajir "Dhamaan Shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa in lagu dadaalo Midnimada iyo Wadajirka,hana loo hogaansamo talooyinka Dhakhaatiirta Caafimaadka" XAFIISKA WARBAAHINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADA PUNTLAND -
Karaash oo la afxiray
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Karaash: Madaxweyne Deni salaanta iskama qaadno Waxaa soo shaac baxay khilaaf maalmahanba la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Khilaafkooda ayaa salka ku haya kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas’uul. Karaash ayaa ku eedeeyay Deni in aanu kala tashan magacaabis uu dhawaan sameeyay oo isugu jirta taliyeyaal ciidan iyo wasiirro. Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay BBC laanta Af-Soomaaliga ayaa intaa ku daray in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe. Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi. “Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma'aha,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash. Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo. Balse waraysi uu maalin ka hor madaxweyne Deni siiyay telefishinka BBC Somali ayaa waxa uu ku sheegay in asagu uu leeyahay go’aanka magacaabista xilalka. “Nidaamka dastuurka ah ayaa waxa uu na farayaa marka la magacaabayo golaha wasiirrada iyo waxyaabaha la midka ah in laga wadatashado oo aan talo weydiiyo, laakin go’aanka uu madaxweynuhu leeyahay,” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni. Khilaafkooda Isfahan waaga labada mas’uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka. Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi. “Ma dhicin [wadatashi], marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin…..war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa,” ayuu yiri Axmed Karaash. Wasiirrada cusub ee uu magacaabistooda diiday Axmed Karaash waxaa kamid ah rag horay ugala tartamay kursiga madaxweyne kuxigeenka ee Puntland. Mar la weydiiyay waxa uu hadda yeelayo ayaa madaxweyne kuxigeenka waxa uu ku jawaabay in si odaynimo ah uu hawsha kusii wadi doono, isagoo ilaalinaya dastuurka iyo sharciga. Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January 2019. Ma aha markii ugu horreysay ee labada mas’uul ee ugu sarreeya Puntland ay isku khilaafaan hannaanka awood wadaaga labadooda xafiis, iyadoo madaxweyne iyo kuxigeenkii hore ay isku khilaafeen arimo ku aaddan go’aannada masiiriga ah ee maamulkaasi. -
And the abuse of innocents does not abate
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
And on and on: Somaliland detains female musicians for traveling to Mogadishu Somaliland authorities have arrested Hamda Yousuf Ibrahim and Barwaaqo Mohamed Hashi in April only for traveling to Mogadishu, Somalia’s capital, Human Rights Centre Somaliland in Hargeisa said in a statement. The musicians from the Hargeisa-based Horn Stars band were arrested upon their arrival at Egal airport in Hargeisa, the capital of Somaliland. Sources close to the police told media that arrests were made after a warrant arrest by the police chief. They are charged with anti-national activity of a citizen abroad (article 212 of the Penal Code) and corruption of a citizen by foreigners (article 189), The Human rights watchdog said. Human Rights Centre strongly condemned the detention and prosecution of two female singers labeling the charges against the singers as merely persecution with no legal basis. “We are startled by the government’s intolerance towards musicians and restrictions imposed on musicians who perform art across the region of Horn of Africa where many speak the Somali language. The charges are merely persecution with no legal basis,” says Yassmin Omar Haji Mohamoud, the chairperson of the Human Rights Centre. “We call on the government to respect the constitution and international human rights conventions,” she added. Somaliland authorities also detained Abdiwahaab Osman Omar, a Borama based activist for a Facebook post critical to the government without charges. Human Rights Centre is concerned with the criminalization of arts and called on the government to drop the charges and release the two singers and activist Abdiwahaab. It is not the first time musicians are arrested in Somaliland for visiting Mogadishu, the capital of Somalia. Somaliland sees Somalia as an obstacle hindering its efforts aimed at gaining an international recognition as seeks an independence from the rest of Somalia. Somaliland has declared a unilateral independence from the rest of Somalia in 1991, however, no country has so far recognized it as an independent state. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday Coronavirus Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamulka Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus. Geerida wasiir Gama’diid ayaa waxaa goor dhow xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedlka Soomaaliyeed ee Puntland. AUN Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagula taacalayey xaaladdiisa magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan xaalad caafimaad looga soo qaaday magaalada Garoowe oo uu kula dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19. Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u sameeyey cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan dalka Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa war ka soo saaray geerida Marxuum Gama’diid, wuxuuna tacsi u diray golaha xukuumadda iyo sidoo kale hellada maxmuuka oo uu alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan dhanka internetka ah la yeeshay dhaqaatiirta isbitaal Martiini, si uu farxadda ula qeybsado, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka ay dalka uga badbaadinayaa safmarka CoVID19 -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Qaar ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku dhaqan Xuddur ayaa isutaagay ka wacyi galinta bulshada ee qatarta cudurka Covid19 -
Useless opposition party complaints
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maalintaan Guriga Ummadda lagu shiraaye mee ahayd: Golaha Shacabka aad u qurxoonaa. -
Calaacalka iyo cabaadka ka soo yeeraayo Muuse Marqaanweyne's minions wali ma dhamaan: Somaliland oo si kulul uga hadashay diyaarad gargaar oo DF ka dejisay Buuhoodle Xukuumada Somaliland ayaa si kulul uga hadashay Diyaarad siday daawooyin oo dowladda Soomaaliya ka dejisay deegaanka Buuhoodle. Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaysan marnaba raali ka aheyn waxkasta oo siyaasad iyo dano gaar ah ku dhisanba, midaasi oo ay uga jeedo gargaarkii ay DF soo gaarsiisay degmo kamid ah deegaanadeeda inuu ahaa mid siyaasadeysan ee uusan aheyn gargaar bani-aadantinimo Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeytna Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay ayaa sidoo kale waxa uu eedeymo culus u jeediyay Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaankiisa oo suurtagaliyey in Dowladda Soomaaliya ay Diyaaradaasi ka dejiso Buuhoodle. “Cudurkan Dunida ku baahaya si siyaasad la’aan ahbuu Adduunku wixii taageero ah iskaga geystay, taas oo macnaheedu yahay inuu adduunka oo dhami u wada gurmado, markaan leeyahay adduunka oo odhan baa iskaga gurmanaya, waxaa la iskugu gurmaday ,oo wax la iskugu tarayey si siyaasad la’aan ah, oo aan wax ku hoos jirin, waxaa jirtay in wakhtigan aynu joognay, in Buhoodle yimaadeen xoogaa dawo ah, oo ku saabsan Coronvirus-kaas oo Dawladda Fadaralka ka timid oo Wasiiro soo raacisay, in la isku gurmado ayaan u arkaa” ayuu yiri Wasiir Qambi. Wuxuuna intaasi kusii daray “Haddii Xamar doonayso inay Buhoodle wax tarto, Hay’addaha samafalka ee marka horeba iyaga u keenay ayey soo raacin lahaayeen oo ay dhihi lahaayeen halkaas iyo meelihii kaleba geeye oo Somalidu wey is caawisaa, laakin tani taas may ahayn, waxaa ka muuqata siyaasad oo awalba xaaladooda siyaasadeed ay dhibaatooyin badan lahayd in dhibaatooyin badan ka dhacdo muujiya, taas oo deeganka dhib ku ah”. “Waxaa jira qoloyo dagaal ogayaal ah oo reer Buhoodle ah oo Xamarna jooga oo had iyo goor wuxuu la carqaladayo ka shaqeeya oo ka dhigaya inay dadka wax u qabanayaan, haddii Dawladda Fadaralka ahi Buhoodle wax siinaysay Diyaarad bay soo saari lahayd, Odayashaa ayey odhan lahayd kala dega, wixii wax tar ah umadda wax loo baahan yahay weeye, wixii siyaasadi ku jirto ama dabada ku hayso dawlad siyaasadaynaysa waanu is hor taagayna, waana ka soo hor jeedna, waxna waanu ka muujinaynaa”.
-
Useless opposition party complaints
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Salaad Cali Jeelle is responding to this: -
Useless opposition party complaints
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Salaad Cali Jeelle oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Hoggaamiyaha Xigbiga Midnimada Dimuquraadiyadda Salaad Cali Jeelle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha kiiska badda iyo go’aanka ay maxkamadda ICJ dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna naqdiyey qaabkii uu malin ka hor uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ICJ aysan Soomaaliya waxba ka weydiinayn go’aankeeda, isla markaana ay ku qasbaneed inay aqbasho dalabka Kenya, maadaama sida uu sheegay ay ku war gelisay in aysan diyaar u aheyn sababo jira awgood. “Shalay waxaa arinta badda ka hadlay Xasan Sheekh, horay Xasan Sheekh heshiiskii is afgaradka ahaa ayuu usoo noo leeyay, markii uu dhinac u dhaqaaji waayey ayuu go’aankii baarlamaanka awgiis waxaa khasab ku noqotay ama Ilaaheyba ka waafajiyee in markii dambe uu maxkamadda caalamiga ah geeyo, taasina waxay aheyd shaqadii laga rabay qof mas’uul ah oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri,Shalay Xasan Sheekh hadalkiisa waan fiirsanaayey, cid uu la hadlaayo waan garan waayey, maxaa yeelay hadii dib loo dhigay oo Corona loo sababeeyay, in uu isagu inta iclaamka tago niyad jab ku rido umadda Soomaaliyeed, waxaaba u moodaa dad kale in uu la hadlaayo kolba Soomaali lama hadleyn.” Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheekh uu u muuqdo nin loolan siyaasadeed ku gelaaya arinta badda. “Badda Soomaaliya ninkii wax kasoo dhicinaaya oo garab taagan, waa loo wada baahan yahay, laakiin in Xasan Sheekh meeshaas loolan ka raadiyo oo dhaho afar sano ka hor meeshii aan uga tegay ayey joogtaa, mana joogto oo waxay gacanta u gashay maxkamadda caalamiga ah, marka yaan laga af miishaareyn shacab Soomaaliyeedna waa inay ogaadaan gacan amaan ah inay ku jirto hantidoodii” ayuu yiri mar kale Salaad Cali Jeelle. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
21 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 21 > Banaadir: 19 > Puntland: 2 > Male: 14 > Female: 7 > Recovery: 16 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,594 Total recoveries: 204 Total deaths: 61 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia 16 recoveries a day. Waa Rabi mahadiis. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa warbixinta maalin laha ah oo ay soo jeedijso galab walba ku faah-faahisay xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dowladda dhexe Reer Sool iyo Sanaag wey u gurmatay inta tabarteeda ah. Waxaa maqlay in Taleex xataa wax loo wado. -
Sawirka kor ka muuqdo waxee ku tusineysaa Soomaali meeshee maanta mareyso. It is a very unfortunate reality, dal iyo dad caawinaad iyo gacantaagid 30 sano ku tiirsan.
-
Adigu iyo adiga waa isku micno. No difference at all. It is just used by different sections of people. Adigu is mostly used by anyone north of Mudug. And adiga by mostly folks that live in south of Hiiraan. I never used 'adigu' in my life nor anyone I know. Waxba ha isku wareerin, you are right. Use adiga as you fit. There is also a third shortened word, adi, used by ciyaal xaafadda in Xamar in the old days.
-
Full video:
-
Karaash oo la afxiray
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Karaash has a growing official Facebook page now. In 2020 qof masuul ah la afxiri karo ayaaba iska yar. This ain't in 1980s. Garoowe 20 May 2020 Xafiiska Warbaahinta Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu uga mahadcelinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku taxan Boga Facebook. Muhiimad gaar ah ayay noo leedahay in mudo 24 Saac ah uu ku gaaro 30K. Sawir Mahadsanidin